Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska siraha faafiya ee Indian Ocean( African Intelligence) ayaa qoray warbixin kooban oo uu ku sheegay in guddoomiyaha Midawga Afrika Musa Faki Maxamed qabo walaac ku saabsan in dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika taageeraan qaddiyadda Somaliland. Warbixinta xambaarsan in Guddoomiyaha Midawga Afrika ka digayo dalal ka mid ah ururku soo hor dhigaan golaha aqoonsiga Somaliland waxaanu ku boorriyay ilaalinta wada jirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. Dalalka Kenya iyo Ereteriya ayaa muddooyinkan daambe muujiyay in ay kor u qaadayaan xidhiidhkooda Somaliland waxaanay inta badan Afrika qabta walaac ah in aqoonsiga Somaliland furayo albaab ah in umada badan dalbadaan aqoonsi. Source
  2. (SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo jiidda hore ee ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sheegaya in gaadhiga madaxweyne ku xigeenka Puntland Mr Axmed Karaash oo lagala soo baxsaday Garoowe uu u soo galay ciidanka Qaranka Somaliland. Gaadhigan oo noociisa lagu sheegay Hard top waxa loola soo galay fadhiisinka Ciidanka Somaliland ee Xuddun ee gobolka Sool mana cadda sababtu. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday Source
  3. Garowe (SMN) – Maxkamada racfaanka gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in maanta ay dhageysato dacwadda illaa 3 eedeysane oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Raggan oo ay horay dil ugu soo xukuntay maxkamada darajada koowaad ee Garowe ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Qareenada difaacayay eedeysanayaashan ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukunkaasi. Lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto. Kiiska Caa’isho Yar ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo si weyn uga xumaatay bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  4. (SLT-Brussles)-Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono dalka Turkiga, waa haddii uu sii wado “qodidda sharcidarrada ah” ee shidaalka iyo gaaska dabiiciga ahi ee uu ka wado meel u dhow biyaha dalka Qubrus ee barigga badda Mediterranean-ka. Hanjabaadan ayaa timid xilli uu shir Midowga Yurub uu uga socdo magaalada Brussels ee dalka Belgum. Madaxa golaha Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa tallaabada uu Turkiga qaaday ku tilmaamay “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin”. Turkiga ayaa khamiistii la soo dhaafay Qubrus u diray markab labaad oo ah kuwa lagu qodo ceelasha shidaalka. Jamhuuriyadda Qubrus ayaa xubin ka ah Midowga Yurub balse woqooyiga Qubrus oo ka go’day jamhuuriyaddaasi ayaa gacansaar weyn la leh dalka Turkiga. Golaha Midowga Yurub oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha waddamda reer yurub ayaa Turkiga ugu baaqay in uu joojiyo arrintaasi isla markaana uu ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed ee Qubrus. Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray kulanka reer Yurub ee Brussels ayaa lagu sheegay in “golaha reer Yurub uu ansixinayo baaqa ku wajahan guddiga reer Yurub iyo wasaaradaha arrimaha dibadda ee waddamada reer Yurub ee ah in ay soo hindisaan tallaabooyinka ugu habboon sida in la qaado tallaabooyin leh bartilmaameed cayiman.” Dalka Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee aqoonsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Qubrusta Turkiga ee woqooyiga, taa oo ka takooran dunida inteeda kale. Turkiga ayaa sheegay in ceelashaasi shidaalka uu ka qodayo gudaha dalkiisa, si waafaqsan shuruucda caalamiga ahi. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Faatix uu tan iyo bishii shanaad ee sanadkan ku sugnaa galbeedka Qubrus isla markaana uu haatan billaabay in uu qodo ceelal shidaal oo ku yaal badda Mediterranean-ka. Turkiga ayaa doonaya in uu ku biiro Midowga Yurub balse wadaxaajoodyada arrintaasi ku saabsan ayaa hakad galay. Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay ka baxday ballanqaadyadii ahaa in ay wax ka qabaneyso arrimaha caddaaladda dalkaasi iyo sareynta sharciga. Dowladda Turkiga ayaa gacan bir ah ku qabatay laamaha dowladda ee dalkaasi tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii 2016, kaa oo la doonayay in xukunka looga tuuro madaxweyne Erdogan. Ra’iisalwasaaraha Giriigga Alexis Tsipras ayaa sheegay in hanjabaadda Midowga Yurub ay ku wajahan tahay shirkado iyo shakhsiyaad, ayna tahay mid Midowga Yurub uu ku xayirayo hantida shakhsiyaadkaasi iyo shirkadahaasi, arrintaa oo ay ka dhalan doonto cawaaqib dhanka dhaqaalaha ahi. “Tallaabooyinkan ayaa la qaadi doonaa haddii Turkigu uu joojin waayo hawlaha sharcidarrada ah ee uu ka wado aagga dhaqaale ee Qubrus,” ayuu Brussels ka sheegay ra’iisalwasaare Alexis Tsipras. Turkiga oo ka tirsan gaashaanbuurta Nato oo isla markaana xulufo la ah waddamada reer galbeedka ayaa waxa uu ganacsi weyn kala dhaxeeyaa waddamada reer Yurub, walina sida Ruushka oo kale lama uusan kulmin wax xayiraado ah oo uga yimid dhanka reer Yurub. Mareykanka ayaa mar sii horreysay xayiraado ugu hanjabay Turkiga haddii madaxweyne Erdogan uu ku adkeysto in uu hannaanka difaaca gantaalada ee S-400 uu ka iibsado dalka Ruushka. Source
  5. (SLT- Georgia)-Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada caasimada u ah dalka Georgia waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 200 oo qof sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan laamaha Caafimaadka. Dibadbaxa ayaa yimid kadib markii ay shacabka ka cadhoodeen booqasho uu xarunta baarlamaanka ku tagay xildhibaan ka tirsan dowlada Ruushka. Ciidanka ka hortaga rabshadaha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro waxaana xabsiga dhigeen dhowr qof. Sergey Gavrilov oo u dhashay Ruushka ayaa la sheegay in uu khudbad u jeediyay xildhibaanada Georgia isaga oo garab fadhiyay Afhayeenka Baarlamaanka. Dalkaan ayaa hore uga mid ahaa wadamadii hore uga tirsanaa Ruushka ee la odhan Jiray Soviet. Source
  6. (SLT-Qasa)-Ugu yaraan 81 Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay in shalay galab lagu dhaawacay iska horimaad ay la galeen Ciiddanka Israa’iil ee ku sugan Bariag Marinka Qasa, kuna dhow xuduudka Israa’iil. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al qedra ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 79 Dibadbaxayaal iyo 2 ka tirsan Shaqaalaha Caafimaadka dhaawacyo ka soo gaadheen rabshadahaasi. Warbaahinta Maxaliga iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay Dibadbaaxayaashu isku dhaceen Askarta Israel ee ku sugan inta u dhexeysa Xuduudka Braiga Marinka Qasa iyo Israa’iil. Dibadbaxayaasha waxay ku wada urureen meel ku dhow Xududuka, iyagoo wata Calanka Falastiin, kuna dhawaaqayey Erayo ka dhan ah Israa’iil, waxayna dhagxeeyeen Askarta Israa’iil oo iyagana ku soo jawaabay sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka iyo xabadaha rasmiga. Source
  7. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in uu amray in weerar lagu qaado wadanka Iiraan ka hor inta aanu ka laaban go’aankan. Mr Trump ayaa tilmaamay in Jimcaha shalay ah uu la hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ay ka niqaasheen xiisadda labadan dal kala dhaxeysa Iiraan. Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ay tahay cadowga Mareykanka iyo dalalka kale ee ku yaalla Bariga Dhexe. Donald Trump ayaa intaa raaciyay in uu sii wadi doono cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo uu tilmaamay in ay hoy u tahay kooxaha Argagixisada. Waxuu ka gaabsaday in uu warbaahinta la sii wadaago waxyaabaha kale oo ay ka hadleen dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Khamiistii ayey aheyd markii ciidanka kacaanka IIraan ay soo rideen diyaarada Drone ah oo ay leeyihiin Millatariga Mareykanka. Source
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Illaa 126 xubnood oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, balse ka soo goostay ayaa tababar dhaqan celin ah loogu xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xubnahan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa sidoo kale la baray farsamooyin kala duwan oo ay ku maareyn karaan noloshooda. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Jarmalka, hay’adda IOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya. Munaasabad qalin jabin ah oo QM ay u sameysay dhalinyaradaasi ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxdii ka hadashay xafladda ayaa kula dardaarmay xubnaha horay uga soo tagay Al-Shabaab in ay ka fakiraan Mustaqbalkooda, islamarkaana ay kor u qaadaan aqoontooda, si ay helaan nolol dhaanta tii hore. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furan dhowr xarumood oo lagu sii hayo Dagaalyahanada isaga soo baxa Kooxda Al-Shabaab, si in muddo loola socda dhaq dhaqaaqooda. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ka fuliyaan weeraro khasaaro geysta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  9. Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ha ayaa ka soo baxaya kulamo siyaasadeed oo xalay illaa saaka ka socda magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garawadeen ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaiya Cabdi Sabriye Maxamed. Warar hor dhac ah ayaa sheegayA in natiijo wax kool ah laga gaaray kulamadaasi, kuwaas oo ku aadan in dhawaan la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa haatan yeelatay waji cusUb, iyadoo lagu soo warramayo Ahlu Sunna ay ay soo dhaweysay dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka maamukaasi, kadib markii XFS ay shaacisay xilliga la qabanayo doorashada maamulkaasi. View the full article
  10. Waxaa maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal si rasmi ah uga bilowday dhegaysiga 1aad ee dacwadda saddex xukumane oo maxkamddu horay dil ugu xukuntay laguna helay [...] Source
  11. Kampla (SMN) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay in haatan saraakiil cusub oo Boolis ah ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidamada AMISOM. Taliye ku xigeenka qeybta nabadda ee ciidamada Booliska Uganda Benjamin Namanya ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay 160 sarkaal u soo direyso gudaha Soomaaliya,. Namanya ayaa sheegay in saraakiishani oo haatan tababar uga socdo xerada Kabalye ee dalkaasi Soomaaliya ay soo gaari doonaan bisha July ee soo socota. Sababta ka dambeyso in Uganda ay saraakiil cusub u soo dirto Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe lagu yareynayo Milatariga AMISOM ee haatan joogo gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jiro qorshe guud oo lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM, si ay guud ahaan ciidamada dowladda ula wareegaan amniga dalka. Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo askarta ugu badan ee ka tirsan Ciidamada AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u soo dira ciidamo ku socda magaca howgalka AMISOM sanadkii 2017-kii. View the full article
  12. Garowe (Caasimada Online) -Maxkamadda racfaanka magaalada Garowe ayaa fadhigii ugu horreeyay maanta ka yeelaneysa Kiiska Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan oo kufsi iyo dil loogu geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda ayaa go’aan rasmi ah ka qaadan doonto kiiskan oo loo heytso illaa saddex nin oo ay horay dil ugu soo u xukuntay maxakamadda darajada koowaad ee magaaladaasi. Qareenada difaacayay eedeysanayaashan ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukunkaasi. Saddexda eedeysane ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Maxkamadaynta raggan ayaa marar badan dib u dhacday, taas oo sii dheereysay in la soo afjaro kiiska Caa’isho yar. Lama oga in maxkamadda racfaanku ay ku raaci doonto xukunkii hore maxkamadda darajada koowaad ama sidoo kale in ay burburin doonto go’aankaasi. Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa iyada oo Meyd ah bishii Febraayo ee sanadkan la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi. Dhacadadan ayaa taabatay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo si weyn uga carooday falkaasi naxtinta leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Matabaan (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihi la soo dhaafay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobokaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Warardheer oo 60 KM u jira degmada Matabaan ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheetgaya in dagaalkan u dhexeeyay labo beeleed oo wada daga halkaasi. Ku dhawaad illaa 10 qof oo u badnaa rayid ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka bdan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. View the full article
  14. A Minnesota think tank official has been suspended for comments she made about Somali Americans in a New York Times story. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-22062019.mp3 View the full article
  16. Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu xariga kajaray dayactir kumeel gaar ama waddo furis ah oo lagu sameeyey 4 [...] Source
  17. The St. Paul Chapter of the NAACP has chosen Farhio Khalif as its new president. Source: Hiiraan Online
  18. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Kulamo lagu qancinaayo dhinacyadda iska soo horjeedda ee maamulka Galmudug ayaa ka socda magaalada Dhuusa-mareeb oo ah caasimadda maamul-goboleedka Galmudug. Kulamaddan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], madaxa xukuumadda Galmudug, Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Somalia. Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa illaa xalay kulammo la qaadanayay madaxda Galmudug iyo macallin Maxamuud, iyadoo kulammadaas looga hadlay sidii doorasho uga dhici lahayd Dhuusa-mareeb. Sidoo kale, Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo wafdiga DF ee gaaray magaalada Dhuusa-mareeb iyo waxyaabaha la isku af-gartay intii ay socdeen kulammada kala duwan ee looga hadlayay xaaladda Galmudug. Dhanka kale, Siyaasiyiinta maamulka Galmudug iyo waxgaradka ayaa laga soo xigtay in dowladda dhexe ee Somalia ay dooneyso in Galmudug ay ka dhacdo doorasho la mid ah middii ka dhacday magaalada Baydhabo. Kulammadaan ayaa billowday kaddib markii shalay gellinkii dambe uu gaaray magaalada Dhuusa-mareeb wafdi uu hoggaaminayo wasiir Sabriye, balse weli waxaa muuqada inuu jiro khilaafkii horay u taagnaa, iyadoo ay ku adkeysanayaan madaxweynaha Galmudug iyo taageerayaashiisa inaan la gaarin xilligii la qaban lahaa doorashada Galmudug. Ugu dambeyn, Kulammada tan iyo xalay ka socday Dhuusa-mareeb ayaa waxay imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Casir uu Cadaado kasoo saaray qoraal uu ku sheegay in la kordhiyay xilli hawleedka baarlamaanka Galmudug. PUNTLAND POST The post Kulamo la doonayo in lagu xalliyo Khilaafka Galmudug oo ka socda Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  19. Laba xero qaxooti oo loo furay inay martigeliyaan dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay macluushii ku dhufatay dalka sannadkii 2011kii ayaa la xiray laguna wareejiyey dowladda Kenya. Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xirayo xerada qaxootiga ee Dadaab oo ah xero weyn taasoo gabbaad u ahayd qaxootiga ku dhawaad 30 sano. Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa xeryaha la faarujiyey ku wareejisay dowladda Kenya jimcihii. Qaxootigii degganaa xeryahaas ayaa qaarkood dib ugu laabtay dalka Soomaaliya iyadoo qaarkoodna la dejiyey saddexda xero qaxooti ee kala ah Hagardera, Dhagaxleey iyo Ifo. In ka badan 80,000 oo Soomaali ah ayaa dib loo celiyey shanti sano ee la soo dhaafay iyadoo ay jirtay cambaareyn ka imaaneysay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo sheegay in si qasab ah dadka loo celiyey. Xoghayaha laanta socdaalka ee dalka Kenya Gordon Kihalangwa ayaa sheegay in xerada Dhadhaab ay noqotay goob amniga dalka Kenya dhaawacday islamarkaana ay lumisay inay sii ahaato goob qaxooti. Gordon Kihalangwa wuxuu sheegay in Dhabaab ay isku beddeshay meel lagu soo maleego falal amni darro sidaas-darteedna ay dowladda Kenya sii wadi doonto dib u celinta xaqootiga kuwooda doonaya inay si iskood ah u laabtaan waqtiga ugu habboon ugu dambeynna la xiri doono xerada qaxootiga ee Dhadhabaab. Sida ay sheegtay UNHCR xerada qaxootiga ee Dadaab waxaa deggan oo hooy u ah in ka badan 200,000 oo qaxooti ah badan koodna ah Soomaali kasoo cararay dagaallada iyo abaaraha kusoo laalaabtay Soomaaliya. Tan iyo markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso xerada Dadaab bishii May 2016, dowladda Kenya wey ka gaabineysay inay diiwaangeliso ama qaabbisho qaxooti cusub. Sarkaal u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Magatte Guisse ayaa ugu baaqay in dowladda Kenya ay wax ka qabato arrinta la xiriirta qaxootiga aan la diiwaangelin ee kusoo qulqulaya xerada Dadaab. “Waxaan haynaa 15,000 oo ah dad magangelyo doon ah kuwaas oo aan la diiwaangelin kuna sugan xerada Dadaab,” ayuu yiri guise. Xarrakada Alshabaab ayaa weerarro la beegsaneysay ciidamada ammaanka ee Kenya iyo dad rayid ah tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay dagaal ula galaan xarrakada Alshabaab oo ay u arkeysay inay dhibaato ku hayso Kenya. VOA. Source: goobjoog.com
  20. Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay saaka markale si rasmi ah u bilaabi doontaa dhegaysiga kiiska saddex nin oo horay loogu xukumay [...] Source
  21. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ku yeeshaan xaruntooda kulankoodii caadiga ahaa. Waxaa lagu wargeliyey xildhibaannada in kulankan uu jiro, islamarkaana ajendahiisu yahay u codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa. Inkastoo maalmihii ugu dambeeyey ay kulamada golaha shacabka u baaqanayeen kooram la’aan ayaa hadane waxaan la ogeyn in kulankan uu la mid noqon doono kuwii hore iyo in kale. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kampala (PP) ─ Dalka Uganda oo ka mid ah dallaka uu ka jirto cudurka halista ah ee EBOLA ayaa ku dhawaaqay inuu Somalia u dirayo ciidammo ka mid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, taaso cabsi weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed, inkastoo dowladda Somalia aysan ka hadlin arrintaan. Ciidanka ay xukuumadda Kampala u soo dirayso Somalia oo booliis ah ayaa tiradooda lagu sheegay 160 askari, kuwaasoo dhawaan dhameystay tabar, waxayna ciidamadan isugu jiraan rag iyo dumar tababar wanaagsan qaatay. Guddi loo xil saaray qiimeynta ciidamadaan booliska ee la doonayo Somalia in lasoo dooro ayaa dhawaan gaaraya Uganda, kuwaasoo booqan doona xerada ay tababarka ku qaadanayeen saraakiishan ee Kabalye. Sidoo kale, Taliye ku xigeenka booliska Uganda ee qaybta nabadda Benjamin Namanya ayaa sheegay in saraakiisha booliska ee Uganda ay Somalia tegi doonaan dhammaadka bisha soo socda ee sannadkaan. Hawl-galka ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa wada qorshe lagu dhimayo milatariga, isla markaana lagu bedelayo boolis, wuxuuna qayb ka yahay qaraarka qolaha amaanka ee QM ee faraya in Dowladda Somalia ay amniga dalkeeda kala wareegto ciidamada AMISOM marka la gaaro sanadka 2021-ka. Dalka Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Somalia sanadkii 2007-dii, kuwaasoo markii dambe isku bedelay hawlgalka AMISOM ee hoos-taga Midowga Afrika, ayna dhaqaalaha badan ku bixiso Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn, Cabsi weyn ee taagan ayaa ah in ciidamadan ay sababu u noqon karaan in dalka uu soo gaaro cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dhawr qof ku dilay dalka Uganda, cabsi weynna laga qabo inuu faafo. PUNTLADN POST The post Ciidammo ka socda Uganda oo lagu wado in la keeno Somalia iyo cabsi laga qabo EBOLA appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa war kasoo saaray siyaasada maamulka Galmudug kaddib markii la sheegay in maanta halkaasi ay si xoog ah ku tageen mas’uuliyiin tirsan dowladda federaalka Somalia. Taabid Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaaladda Galmudug, isagoo dowladda Somalia ku eedeeyay inay xagal-daacinayso sidii nabad ay uga dhalan lahayd Galmudug oo noqtay goob lagu hardamo. “Wararka ka imaanaya Galmudug ma ahan kuwa hor-u-scod xambaarsan, iyadoo inta badan madaxda sare ee dowladda federaalku ay Galmudug ka soo jeedaan deegaan ahaan, in xal loo waayo waa baroortu orgiga ka weyn,” ayuu yiri Taabid Cabdi. Sidoo kale, Duqii hore ee Xamar ayaa xusay inuu xog-ogaal u ahaa xaaladda Galmudug iyo sidii loo xaliyay khilaafkii sanadkii 2017-kii iyo heshiiskii dhex-maray Galmudug iyo maamulka gobollada dhexe ee Ahlusunna, wuxuuna ku baaqay in xaaladii shalay aan maanta looga darin. “Waxaan xog-ogaal u ahay sidii far iyo suulinta lahayd ee lagu xaliyay khilaafkii 2017-kii ee Galmudug iyo heshiskii dhaxal-galka ahaa ee dhex-maray Galmudug iyo maamulkii Ahlusunna ee illaa maanta la harsanayo. Markaan way ka sahlan tahay sidii shalay ee yaanan looga darin,” ayuu ku daray hadalkiisa. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaair ayaa hadalkiisa ku daray, Maalintii Kismayo lagu sameeyay golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo sabab u ahayd khilaafkii Galmudug haatan taagan, maanta way ka dhaw-dahay waa haddii xallinteeda dariiq xalaal ah loo marayo.” Taabid Cabdi Maxamed ayaa talo u soo jeediyay madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada, isagoo yiri. “Hogaanka maanta heer federal iyo heer dowlad-gobolleed iyo kuwii horeba waxaan kula talinayaa idinka ha isku muuqaninee adeegga umadda ha idiin muuqdo. ummad amni iyo adeeg u baahan yaanan dhaanto siyaasadeed lagu dul cayaarin.” Ugu dambeyn, Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka taagan xiisado ka dhashay doorashooyin ay sheegtay DF inay bisha soo socta ka dhacayaan Galmudug iyo Madaxweynaha maamulkaas oo kasoo horjeestay, waxaana ka socda Dhuusa-mareeeb kulammo la doonayo in dhinacyadu ay hal meel isku raacaan. PUNTLAND POST The post Duqii hore ee Gobolka Banaadir oo ku baaqay in laga shaqeeyo nabad-galyada Galmudug appeared first on Puntland Post.