Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu madaxweyne Xaaf diiday sii joogitaanka Magaaladaas iyo la shaqeynta Ahlu Sunna. Madaxweyne Xaaf ayaa laba shardi oo adag ku xiray inuu lasii shaqeeyo Ahlu Sunna uuna sii joogo Magaalada Dhuusamareeb. Labada Shardi uu Xaaf ku xiray Ahlu Sunna ayaa kala ah 1) – In Ciidamada Daacadda u ah Xaaf ee lagu xayiray duleedka Dhuusamareeb loo ogolaado inay soo galaan gudaha Magaalada. 2) – In Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka socdo ay isaga baxaan magaalada Isla markaasna la joojiyo wadahadalada. Labadaas shardi ayuu Xaaf ku xiray inuu sii joogo Magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna ee markii la dambe la galmudugeeyey. Waxaa laga yaabaa inuu madaxweyne Xaaf Saacadaha soo socdo isaga baxo Dhuusamareeb haddii aan loo fulin labadaas shardi. Dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa sheegayo inuu fashilmi doono qorshaha Dowladda ee Ahlu Sunna la wado haddii uusan Xaaf qeyb ka noqon maadaama uu isaga yahay Madaxweynaha Sharciga ah oo ay ka go’do talada Maamulkaas. Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo wax laga weydiiyey dhaawaca ay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada. Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd. Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira, isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” Danjire Donald Yamamoto oo sheegay in uu muddo dheer ku soo dhex jiray xaaladda Soomaalida, intii aan safiirka loo magacaabinna uu marar badan hawlo shaqo ugu soo noqnoqday Somaliland iyo dawlad gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa isaga oo arrimaha Somaliland ka sii hadlaya sheegay in dawlad-wanaagga loo baahan yahay uu yahay in bulshada loo abuuro hay’ado dawliya iyo fursado, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin looga baahan yahay dawlad kasta iyo sida oo kale Soomaaliya. Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in inkasta oo ay Somaliland gaarkeeda u istaagtay, haddana maadaama oo aanay weli aqoonsi diblumaasiyadeed helin, in beesha caalamku ay u aragto uun in ay ka mid tahay Soomaaliya, isaga oo taas ka duulayana uu Maraykanku u arko in Somaliland, dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-gobaleedyadeeda Soomaaliya ay dhammaantood sameeyaan is dhexgal. Sida uu hadalka u dhigay. Danjiruhu, waxa uu intaas ku daray in isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhinacyadani ay keenayso in ay horumar ballaadhan u horseeddo Somaliland iyo Soomaaliya. Danjiraha Maraykanku waxa uu sheegay in dhowaan Soomaaliya laga dhaafi doono deyn aad u badan oo ay xukuumadihii hore ee Soomaaliya dawlado kala duwan oo adduunka ah ka soo amaahdeen, marka deyntaas la dhaafana in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay u noqon doonto fursad ay ku noqdaan mishiinka horumarka ee gobalka, maadaama oo ay Soomaaliya heli karto deymo cusub iyo maalgashiyo caalamiya. Sida u hadalka u dhigay. Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo ka warramayey horumarka Dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay fursado haddii laga faa’iideeyo, keeni kara koboc dhaqaale oo Somaliland iyo gobalka oo dhanba anfaca, waxa aanu tusaale u soo qaatay Tamarta aan shidaalka laga dhalin (Tamarta qorraxda iyo hawada laga dhaliyo), oo uu sheegay in laga faa’iidaysan karo iyo sida oo kale horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dekedaha, garoonka diyaaradaha iyo kalluumaysiga. Ugu dambayntii Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan wada shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horusocod u noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu rajo wanaag ka muujiyey horumarka ay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhi doonaan, haddii ay iskaashi dhaqaale yeeshaan, marka deynta laga dhaafo. “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin” Source
  3. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay xaalada Galmudug cirka isku shareereyso kadib markii ay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaareen wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo hogaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Galmudug kasoo jeeda. Imaatinka Dhuusamareeb ee wafdiga Dowlada Dhexe ka socda ayaa khilaaf xoogan ka dhex abuuray Madaxweynaha xilli howleedkiisa lagu muransan yahay ee Xaaf iyo Madaxda sarre ee Ahlu Sunna Wal-Jameeca, kadib markii uu Xaaf diiday inay wafdigaasi Dhuusamareeb yimaadaan balse madaxda Ahlu Sunna kasoo horjeesatay una sheegeen inay iyaga casuumeen oo ay inaanayaan uuna Xaaf joojin kareyn taasoo dhabowday. Warar hoose oo Caasimada Online ay heleyso ayaa sheegaya in wafdiga ka yimid Muqdisho uu ku jiray Madaxweynaha cusub ee R/W Kheyre u diyaarsaday inuu Xaaf kadib maamulo Galmudug kaasoo ah Cabdilaahi Faarax Wehliye oo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Kheyre kaasoo Kheyre iyo Farmaajo u arkaan nin u fulin kara danaha ay ka leeyihiin Galmudug. Masuulkaan uu Kheyre u diyaarsaday inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug ayaa kasoo jeeda beesha Duduble, waxuuna R/W Kheyre balanta ugu baxay sida la xaqiiyay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xilligaan ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta kaasoo la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug kana soo jeeda Beesha Saleebaan ee Habar Gidir, taasoo lama filaan ku noqotay Siyaasiyiin iyo Shacab badan oo bilihii ugu dambeeyay la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug balse balanta looga baxay. Sababta R/W Kheyre balanta uu ugu baxay Axmed Qoor Qoor ayaa dad ku dhow dhow ku micneeyeen inuu yahay Siyaasi ilaa dowladii Shariif Sheekh Axmed kusoo jiray Siyaasadda isla markaana aad ugu weyn tahay qadiyada beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir saaxiibo dhowna yihiin Xildhibaanada beeshaasi kasoo jeeda ee Mucaaradka ku ah Xukuumadda Kheyre taasoo keentay inuu Kheyre ka shakiyay haddii Xukuumadiisa ku taageerto Qoor Qoor inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug inuu ku abaal dhaco dibna usoo celiyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir kasoo jeeda oo aysan doonayn in dib loo soo doorto 2021. Si kastaba ha ahaatee, maalinta Isniinta ee soo socota ayaa la filayaa in caaasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu gaaro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo la filayo inuu kulan toos ah la yeelan doono Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan isla markaana Wiilkiisa Cabdisamad Macalin Maxamuud xil Wasiir laga siiyo Xukuumadda Kheyre sidoo kalene Gabar uu Macalinka dhalay Safiirada Soomaaliya u fadhisa Kampala loo magacaabo taasoo kamid ahayd codsigii Hogaamiyaha Ahlusunna isla markaana keentay inay Ahlusunna la saftaan Dowlada Soomaaliya oo ay balamihii ugu baxaan Madaxweyne Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  4. Houston (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyeen heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Shell ayaa waxaa laga leeyahay dalka Netherland, halka Exxon Mobile laga leeyahay dalka Mareykana. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  5. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaaseyn maanta ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo nabad sugid ah iyo kooxo maleeshiyaad ah oo ku sugnaa magaaladaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo Galmudug oo ku aadan shaqaaqadaasi. Maalmihii dambe waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida dagaallo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. View the full article
  6. Kulankii maanta ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii xildhibaannada tahay ay noqdeen 123, halka laga rabay 138. Guddoomiyaha golaha shacab Maxamed Mursal oo goobta ka hadlay ayaa amray in liiska xildhibaannada maqan loo gudbiyo guddiga anshaxa si talaabo looga qaado. Mr. Mursal oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Saacaddu waxaa ay timaameysaa 11, waqtigii uu qorayey xeer hoosaadka golaha shacabaka waa la joogaa, kooramka waxaa uu maraa 123, sidii horay aan ku balanay xeer nidaamiyeyaasha waxaa iney u gudbiyaan guddiga anshaxa liisaska ay hayaan, markan xaadirin uma baahno ee waxaa ay u baahantahay ficil, sidaas darteed waxaan amreynaa xeer nidaamiyeyaasha iney ku wareejiyaan liisaska ay hayaan guddiga anshaxa. Maadaama kooramku aanu dhameyn fadhigii ma furmin”. Todobaadkii hore waxaa la yeeriyey xildhibaanno u badan wasiirrada xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre kuwaas oo aan iman kulamada golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. The United Nations said 126 former al-Shabab combatants have completed a rehabilitation program and are ready for reintegration. The former combatants graduated from the Baidoa Rehabilitation Center, in Somalia’s South West State, on Friday after completing an intensive rehabilitation program. Aden Hussein, national project officer in charge of disarmament, demobilization, and reintegration program at the International Organization for Migration (IOM), said the rehabilitation (DDR) program will encourage more youths in al-Shabab to lay down arms and contribute to the country’s peace process. “The ex-combatants undertook various vocational training lessons, among them, electricity, masonry, tailoring as well as welding,” Hussein said, according to a statement issued by the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) on Friday evening. He called for more support for the program, saying al-Shabab cannot only be fought using arms but also through training and the reintegration of ex-combatants. “This is the best method, and hopefully the graduates will integrate back into the community and be constructive in their communities,” Hussein said, referring to the program. The program graduates, comprising youths from various parts of the country, received vocational training and psychological support at the center. The UNSOM, the IOM, and other development partners have supported the establishment of similar rehabilitation and transition centers in Mogadishu, Beletweyne and Kismayo. South West State DDR director Ilyas Ali Nur said the program has proven to be a success, noting that hundreds of youths who defected from al-Shabab have been trained and reintegrated into the community. “We will receive and welcome with open hands as many combatants as possible,” Nur said View the full article
  8. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online) -Warar aan hadda helnay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qaraxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda Soomaaliya. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo muddo dhowr daqiiqado ah ka socday halkaasi. Illaa saddex Askari oo labo ka mid ah ay ahayeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo hal askari oo ka mid ahaa daraawiishta Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen sarkaal ka tirsan Ciidamada Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda. Sarkaalka ayaa isku dayay in uu xoog ku maro waddo u xirneyd ciidamadaasi, kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo maamulka magaalada ka soo baxay, kuna aadan shaqaaqadaasi. Ammaanka magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay illaa 13 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo toogasho lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Heshiiskan ayaa waxaa Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed. View the full article
  11. Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen nawaaxiga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal socday dhowr saacadood oo u dhexeeyay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Saldhigga la wareeray ayaa ku yaallay deegaanka Yombis oo u dhow magaalada Garissa ee dhulka NFD. Al Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi waxa ay sheegeen in dagaal ay kula wareegeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahayeen halkaasi, islamarkaana ay ku soo furteen saanad Milatari, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay dab qabadsiiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd deegaanka Yombis, kadib markii ciidamadii ilaalada ka ahaa ay goobta ka baxsadeen. Dhanka kale taliska Ciidanka Booliska Kenya ayaa hadlay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Afhayeenka Booliska dalkaasi Charles Owino ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday ciidankooda, islamarkaana ay dileen illaa saddex ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya View the full article
  12. Marka (SMN) – Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay Al Shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidanka Danab ayaa hadda howlgallo baaritaanno ah kawada gudaha deegaanka Ceel-saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka Waqooye 20-KM kaga beegan magaalada Marka ee xarunta gbolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan kua xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka marka ay tageen halkaasi. Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah AlShabaab oo weli maamula deegaano hoostaga gobolkaasi. View the full article
  13. One hundred twenty-six former Al-Shabaab combatants on Friday graduated from the Baidoa Rehabilitation Centre in Somalia’s South West State after completing an intensive rehabilitation programme. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-22062019.mp3 View the full article
  15. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamlka Galmudug ayaa sheegayo inuu hakad galay wadahadalkii u dhaxeeyey wafdigii ka socday Dowladda iyo Madaxda Ahlu Sunna. Wararka ayaa sheegayo in dhawr jeer oo la isku laalaabtay aan weli la gaarin wax is afgarad ah. Dooda ugu badan ee labada dhinac ayaa ku saleysan: Lacagta ay Ahlu Sunna rabto in la siiyo oo gaareyso ilaa 4 Malyan taasoo culeys ku ah Dowladda Soomaaliya, waxayna halkaas geysay ilaa 2 Malyan, waxaana taas diiday madaxda Ahlu Sunna. Cidda lahaan doonto agaasimka Doorashada cusub ee dhici doonto, Ahlu Sunna ayaa dooneyso inay lahaato agaasinka doorashada cusub ee Galmudug haddii meesha laga saaro Xaaf, halka dowladdana ay iyada rabto. Inaan faragelin lagu sameyn karin awoodda dhanka Ciidamada Ahlu Sunna iyo maamulkooda taasoo u cuntami weysay Dowladda. In Ahlu Sunna ay yeelato xilalka ugu sareeyo Maamulkaas, waxaana arrintaas diiday Dowladda. Afartaas qodob ayaa ah xudunta Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Dowladda, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan inay wafdigii Dowladda ku laabteen meelihii laga dajiyey Dhuusamareeb. Wada hadalada ayaa hadda hakad ku jiro, waxaana la filayaa inay labada dhinac is hor fadhiistaan markii ugu dambeysay si loo gaaro natiijo. Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isku diyaariyey safar uu kaga tagayo Dhuusamareeb, waxaana duleedka Magaaladaas soo buux dhaafiyey ciidamo badan oo wato gawaarida Dagaalka kuwaas oo taabacsan Xaaf. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  16. Senior Federal Government of Somalia (FGS) officials have expressed optimism that the country will hold peaceful and credible elections in 2020/2021 despite the political and socio-economic challenges facing the country. Speaking at the close of the four-day workshop on electoral security and dispute resolution, in Kampala on Thursday, the officials urged all government agencies involved in the preparations to work together to achieve universal adult suffrage. “I request parliamentarians in this workshop to advocate for ‘one-person-one-vote’ within the Senate and the house of the parliament to expedite the passing of the electoral law,” said the Chairperson of the National Independent Electoral Commission of Somalia (NIEC), Halima Ismail Ibrahim. Ibrahim said electoral law was critical in guiding preparations, implementation, and management of future elections, adding that parliament must urgently ensure the law is passed. Civil society groups have been pushing for the enactment of the electoral law, saying it will help enhance the participation of citizens in the country’s decision-making process. The chairperson of the Electoral Commission of Uganda, Justice Simon Byabakama, said in order for Somalia to deliver a ‘one-person, one-vote’ election, the NIEC must urgently come up with electoral locations to enable the Electoral Security Task Force to map out security threats and carry out the necessary risk assessment. “This will enable the task force to complete the drafting of the electoral security strategy and also come up with a clear action plan in a timely manner,” Justice Byabakama observed. He said Uganda’s Electoral Commission was ready to offer technical support to the NIEC and urged the international community to help Somalia organize her first universal adult suffrage elections since 1969. AMISOM Senior Political Officer, Hajji Ssebirumbi, said Somalia was on the right track to achieve secure, free and fair elections, saying electoral officials were working hard to achieve universal adult suffrage. “We are all aware that Somalia has not had this type of elections (‘one-person, one-vote’) for the last 50 years so the essence of planning, coordination and having a strategy in place is what we are working on at the moment,” added Mr. Ssebirumbi. The workshop also discussed the electoral disputes that may arise, using previous exercises, mainly the 2012 and the 2016 elections, as examples. Mr. Ssebirumbi said the workshop had come up with recommendations on electoral security, which will be reviewed by the government and partners before a final strategy is published. “Similarly there will be proposals that will be put forward on alternate dispute resolution mechanisms so that we can be able to prepare for free, fair, secure and credible elections in 2020/21,” he added. The Director General of the Federal Ministry of Internal Security, Yusuf Ali Mohamed, emphasized that the ministry will do everything within its power to ensure there are enough officers to secure all electoral areas. “We learned that the security forces needed training on human rights and other basic skills and also need equipment in order to perform their duties effectively. In the coming months we will train about 2 000 police officers to help secure electoral areas,” noted Mr. Mohamed. Dr. Abdi Fatah Tahir, a member of the federal parliament, expressed hope that the 2020/2021 elections will be successful, saying the officials have learned positive lessons from several African countries that experienced similar challenges to what Somalia is currently facing. “We had good lessons and we can now start forming the Electoral Security Task Force for Somalia and also understand the relationship between the judiciary, the NIEC, and the forces and how they can mitigate electoral disputes,” Mr. Tahir added. The four-day workshop, which commenced on Monday, was organised by the African Union Mission in Somalia (AMISOM). View the full article
  17. Three Al Shabaab militants were on Friday night killed by police during a raid at a Border Patrol Unit (BDU) in Garissa County. Police Spokesman Charles Owino said the attack occurred at Yumbis in Fafi Constituency last night when Al Shabaab militants crossed over from Somalia. They are reported to have destroyed a communications mast that serves the region, before they launched the attack at the police unit, leading to a fierce shoot out. “Three Al Shabaab attackers were killed during the incident,” Owino said, “but our officers did not suffer a casualty.” Owino says apart from three of the attackers who were killed, several others are thought to have escaped with serious injuries but there was no casualty on the officers. The incident comes a week after 12 police officers were killed in Wajir when their vehicle ran over an Improvised Explosive Device (IED) at Konton area near the Somalia border. View the full article
  18. Berbera,(Qaran news)-8 Markab oo sida raashin iyo bagaash ganacsi oo faro badan oo ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah iyo kuwo Itoobiya u socdayba ayaa dekada dekada Berbera dib uga laabtay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag ay ku sheegeen xad dhaaf oo lagu soo rogay markab kasta oo ku soo xidhanaaya dekada Berbera. Maraakiibtani qaar dekada markii ay ku soo xidheen dib ayay uga laabteen dekada markii ay diideen lacagta lagu soo rogay ee la kowsatay xukumadda Muuse Biixi xaga kuwo kalana badweynta dib uga laabteen Hadaba shirkaddani lacagta guranaysa ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization, waxna ay lacgtaasi ku dhacaysaa dalka Jabuuti, waxna dalka Jabuuti lagala soconayaa dhaq dhaqaaqa dekada Berbera iyo markab kasta oo soo galaaya ama ka baxaaya. Sida ay doonto ha ahaatee, waxa maraakiibtani joojisay imaatinka Berbera ee maceeshadii iyo bagaashkii dalka galaayay dib ula laabtay ay soo kordhin doontaa sicir barar iyo nolosha oo ku qaali garawda dadka danyarta ah iyo masaakiinta oo hadaba la daalaa dhacaaya sicir barar iyo gaajo. Dhanka kalana ilaa hada lama garanaayo cidani uu Muuse Biixi ku naas’nuujinaayo mashruucani dhiig miiratada ah. Mid ka mid ah shirkadaha maraakiibta ah ee la laabtay alaabtii rarka ahaa ee ay sideen ayaa sheegay in ay ku badanyahay lacagtaasi lagu soo rogay, waxana ay Xuseen hadii 5 boqol oo doolar la na odhan lahaa macquul ayay ahaan lahayd. Qaran News
  19. At least ten people were reported to have been killed and scores wounded in a renewed inter-clan fighting erupted in central Somalia. The battle ensued in Wardheer, a small rural town located some 60 kilometers away from Mataban district in Hiran region and both warring clan militiamen exchanged heavy and small weapons. The situation is tense and local residents are in panic for the ongoing combat which could force hundreds to flee their houses if the local authorities fail to intervene in the skirmish swiftly. The fight is over a dispute and clan vendetta. The Horn of Africa country is suffering from a severe drought that continues to push the aid-dependent nation closer to a full-blown famine. View the full article
  20. Somalia’s Minister for Interior and Federal affairs, Abdi Mohamed Sabriye, is in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug regional state for talks with leaders. The Minister held a meeting with Galmudug Chief Minister and Ahlu Suna spiritual leader, Sheikh Mohamed Shakir, on Friday. The meeting focused on the difference between the Federal Government and Galmudug leadership that is deeply rooted in upcoming regional state elections. Galmudug leader, Ahmed Duale Gelle Haaf, is expected to meet the visiting Interior Minister and his delegation for further discussions. Somalia’s Interior Ministry on Thursday called upon Dhusamareeb based regional state to conduct elections before 4th July to strengthen the democratic process. View the full article
  21. Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay goor dhoweyd soo dhammaysay dhegaysiga 1aad ee dacwadda saddex xukumane oo horay loogu xukumay kiiskii marxuumad Caasha [...] Source
  22. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland National Elections Commission (NEC) held a meeting in Hargeisa with all the stakeholders and donor nations to update the state of readiness for the prospective parliamentary and local elections slated for December 12th, 2019. The Commission gave a presentation on the current state of readiness and the tools to be used with regard to voter registration, ballots, election security and voter fraud. The NEC hopes to hold a mock voter registration drive in the coming weeks. Meanwhile, two of Somaliland’s political parties Kulmiye and UCID appeared to be ever more ready to hold a two party elections in Somaliland. This would be in-contravention of the constitution and would not be a legal or a binding election. UCID chair Faisal Ali Warabe and Kulmiye deputy-chair, Mohamed Kahin Ahmed, spoke to the media after their meeting with the NEC and stressed their believe that a two party election in Somaliland, in their opinion, is eminently feasible. Somaliland’s main opposition party, Waddani, has previously decried any attempts to try and hold a two party elections in the country. The party is still standing firm in it’s position pertaining to the current elections commission, and appear to be unwilling to compromise on their opposition to the current NEC holding any further elections in Somaliland. There seems to be a case of brinkmanship going on between the Somaliland political parties, which is not in the interest of the nation and it’s democratic stature. It would seem that the need for dialogue between all the parties and institutions, with free and frank discussions and a consensus that puts the interest of the country above political considerations is paramount. Qarannews.com Qaran News
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle (Xaaf) oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay gaareen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamadani ay xalay ku hakadeen magaalada Galinsoor, islamarkaana saaka ay soo gudbeen deegaanka Mareergur oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. Dhanka kale warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu-Sunna ay dhaq dhaqaaqyo dhankooda ka bilaabeen gudaha Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli 24-kii saac ee la soo dhaafay xiisado siyaasadeed oo xoogan ay ka taagnaayeen deegaanada maamulka Galmudug. Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Dhuusamareeb, kuwaas oo kulamo siyaasadeed ka wada halkaasi. Weli waxaa sii xoogeysanaya is jiidka u dhexeeya madaxda Galmudug iyo dowladda dhexe oo dooneyso in is bedal uu ka dhaco maaamulkaasi. Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafkan oo cuuryaamiyay howlihii Galmudug, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  24. Duusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Duusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa yeeshay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Shaakir iyo Sabriye ay isku afgarteen inta badan waxyaabihii ay ka wada hadleen. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan u maaqata in ay dabin lama filaan ah u dhigtay Madaxweyne Xaaf, islamarkaana uu ku dhacay. Sidoo kale dowladda ayaa wata qorshe ay kula heshiineyso Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhinaca kale Xaaf ayaa illaa iyo hadda wax kulan ah la qaadan wasiirka arrimaha dowladda Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug ayaa kala taagan qir iyo qir, waxaana xaaladdu ay ka sii dartay markii dowladdu ay ku dhawaaqday in la qabanayo doorashada maamulkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ay socdaan dadaallo xoogan oo looga arrinsanayo xiisadaha ka aloolsan halkaasi, inkastoo weli fikirkiisii uu ku dhagan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo diidan in haatan doorasho uu galo maamukiisa. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com