-
Content Count
208,744 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Haweenayda Soomaaliyadda ah ee ka mid ah Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhan Omar ayaa ku baaqday in baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo dhimashada Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi. Mohamed Morsi ayaa Allaah ha u naxariistee waxa uu Geeriyooday isagoo taagan Maxkamad Dacwadda loo haysto lagu dhegaysanayey, ka dib markii uu Suuxay, suuxdintaasi oo aanu dib uga soo laaban. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay Dadka ku baaqaya in Baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo Dhimashada Mohamed Morsi, si loo hubiyo inuu is Caadi ah u dhintay iyo in la dilay, waxaana baaqan oo kale hore u soo saaray Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha u dooda, sida Amnesty International, Human Rights Watch. Maxamed Mursi ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxa ka mid ahaa inuu xidhiidh la lahaa Ururrada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Hezbollah. Mursi oo da’diisu ahayd 67 jir, ayaa xabsiga ku jiray illaa sannadkii 2013-kii oo Milletarigu uu xukunka ka tuuray. Ilhaan Cumar oo Qoxootinimo ku gashay dalka Maraykanka, Aqalka Congress-ka Maraykankana loo doortay Sannadkii 2018-kii, ayaa hore uga hadashay Gabood-fallada ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha ee Masar ka jira. Bishii la soo dhaafay ee April ayay Ilhaan ku baaqday in la soo daayo gabadh lagu Magacaabo Huda Abdulmonem, taasi oo ah Looyarad u doodda xuquuqda aadamaha oo la xidhay iyada iyo 18 xubnood oo kale, sida uu daabacay News Arab oo HCTV soo xigtay. Maxamed Mursi ayaa Meydkiisa la aasay Toddobaadkii hore. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadahay baaqii uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Carabta ee Kenya looga digayay inay isku daydo inay ku xadgudubto biyaha Soomaaliya. War ka soo baxay Dowladda Kenya ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay weerar diblomaasiyadeed ku qaadday Kenya markii ay sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya geysay baarlamaanka Carabta. Kenya ayaa intaas raacisay in dacwadda ay billowday Soomaaliya 2014-kiina geysay Maxkamadda ICJ, haddana ay Baarlamaanka Carabta hordhigtay, taasi oo ay ku qeexday dagaal diblomaasiyadeed xooggan oo ay kala kulmayso Soomaaliya Kenya ayaa shalay loo doortay hoggaanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee la socda dhq dhaqaaqa Burcad Badeedda Soomaalida, taasi oo Soomaali badan ka carreysiisay. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wali kama si shaacsan ugama hadlin go’aanka Kenya lagu siiyay in muddo labo sano ah ay ilaaliso biyaha Soomaaliya, hase yeeshee waxaan xog ku helnay in madaxweyne Farmaajo uu arrintan ku canaantay wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan. Magacaabis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan 2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan 3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha Qaran News
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay soo qabqabtaan dadka muhaajiriinta ah ee go’aamada musaafurintooda horey loo gaadhay. Howlgalka dadkaasi lagu soo qabqabanayo ayaa bilaabanaya Axadda berita ah sida ay warinayaan warbaahinta Mareykanka. Howlgalkan ayaa markii ugu horeysay waxaa shaacisay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo ilaa iyo 2 Kun oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka oo ay dadka muhaajiriinta ah ee dalkan soo gala ay ka soo degaan, sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles. Washington Post waxay sheegtay in xogta la xidhiidha soo qabqabashada dadkan ay ka heshay sadex sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka oo magacooda qariyay. Wargeyska The Miami Herald ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee la bartilmaameedsanayo ay ka midyihiin Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco. Dhinaca kale, madaxweyne Trump ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka Isniintii la soo dhaafay ku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Cali Jaamac oo ah khabiir dhinaca xayawaanka ah iyo Mahad faarax oo u dooda xuquuqda Xayawaanka ayaa sheegay inay Maxkamada sare ee Somaliland ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay si sifo sharci daro ah ay xayawaanka loo yaqaano Harimacadka ay ugu dhoofinayaan wadankaasi Koonfur Afrika. Harimacadkan ayaa lagu hayaa magaalada Hargeysa kadib markii Wasaaradu ay ku soo qabatay dad doonayey inay wadanka uga dhoofiyaan si qarsoodi ah. Hase yeeshee Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka ayaa lagu eedeeyey inay qorshaynayaan inay dalka ka dhoofiyaan xayawaankaasi duurjoogta ah. “Aniga waxa la yidhaahdaa Cabdi Cali Jaamac (Gadhle) waxaan maanta halkan u joognaa arin foolxun oo socota oo Wasaaradeena deegaanku duurjoog Harimacad ah oo dadweynaha laga soo qabtay oo la hayo oo sharcigeenii uu leeyahay lama taaban karo duurjoogta Somaliland. Taas oo sababtaasi loo soo ururiyey oo Wasaaradu ay masuul ka tahay ayay Wasaaradu ay bilawday inay iibiso oo ay dhoofiso qaar ka mid ah oo sideed ah oo Wasaaradii ay ka go’an tahay in sideed Harimacad oo ka mid ah South Afrika la geeyo.” Ayuu yidhi Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah khabiirada dhinaca Xayawaanka oo la hadlay Telefishanka HCTV. Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka Somaliland oo telefishanka HCTV uu ugu tagay si ay uga jawaabaan eedaha looga soo jeedinayo duurjoogtan la sheegay inay dalka ka dhoofinayaan ayaa diiday inay arintaasi ka hadlaan. Xukuumada Somaliland gaar ahaana Wasaarada deegaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku soo qabqabatay dad farabadan oo doonayey inay duurjoogta Somaliland iyo kuwa bariga Afrikaba ay ka dhoofiyaan Somaliland una iibgeeyaan dalalka Carabta oo mudooyinkii u dambeeyey aad u danaynayey xayawaankaasi. Waxaana arintan ay labadan muwaadin ee reer Somaliland ay ka dhawaajiyeen ayaa noqonaya mid foolxumo ku ah Wasaarada Deegaanka Somaliland hadii ay dhabowdo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay shirweyne ballaadhan oo lagu gorfeynayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkan oo ujeeddadiisu tahay dardargelinta, kobcinta, wada-shaqaynta, is fahanka iyo habkii la isugu xidhi lahaa hay’adaha maaliyadeed ee dalka, islamarkaana laga dhigi lahaa kuwa isla jaanqaada oo ka wada-tashada sidii looga gudbi lahaa caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman, ayaa waxa ka qaybgalay dhammaanba Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, shirkadaha Caymiska iyo is-gaadhsiinta, xubno kamid ah wasiirradda qaranka, Wakiillo ka socday dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, khubaro caalami ah oo ku xeeldheer arrimaha maaliyadda, ayaa si qotodheer loogu gorfeeyey sidii qaranku u yeelan lahaa hay’ado maaliyadeed oo dhinac walba ka horumarsan, isku xidhan oo la jaanqaadi kara kuwa caalamka ka jira. Xubno kamid ah hay’adaha arrimaha maaliyadda ka shaqeeya ee dalka ka jira, Baananka gaarka loo leeyahay ee Somaliland gudaheeda ka jira, qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah iyo ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay baahida loo qabo in horumar ballaadhan iyo dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha dhinaca maaliyadda ka shaqeeya ee dalka, islamarkaana wax ka-beddel lagu sameeyo shuruucaha maaliyadeed dalka, lagana dhigo kuwa suurogelin kara in si fudud loo maalgelin karo dalka, bulshaduna ay heli karto habab casri ah oo ay lacagtooda ku kala heli karaan. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddooduba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo kaliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynnu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynnu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynnu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu sheegay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay si dabacsan oo macquul ah kula shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan, islamarkaana hay’adaha looga baahan yahay inay da’yarta aqoonta leh shaqo abuur u sameeyaan. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu socdaal kedis ah oo indho-indhayn ah ku tegay suuqa sarrifka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa, waxana uu soo indho indheeyey suuqaas oo ay si habsi leh uga socotay hawsha sarrifku, isaga oo xubno kamid ah bulshada sarrifleyda ahna ka dhegaystay warbixinno ay kaga warramayaan isbeddelka sarrifka iyo kor-u-kaca ku yimi lacagta Shilinka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Roodhiileyaal Ka Cabanaya Hay’ado Samafal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan. Magacaabis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inuu madaxweyne Xaaf diiday sii joogitaanka Magaaladaas iyo la shaqeynta Ahlu Sunna. Madaxweyne Xaaf ayaa laba shardi oo adag ku xiray inuu lasii shaqeeyo Ahlu Sunna uuna sii joogo Magaalada Dhuusamareeb. Labada Shardi uu Xaaf ku xiray Ahlu Sunna ayaa kala ah 1) – In Ciidamada Daacadda u ah Xaaf ee lagu xayiray duleedka Dhuusamareeb loo ogolaado inay soo galaan gudaha Magaalada. 2) – In Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka socdo ay isaga baxaan magaalada Isla markaasna la joojiyo wadahadalada. Labadaas shardi ayuu Xaaf ku xiray inuu sii joogo Magaalada Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna ee markii la dambe la galmudugeeyey. Waxaa laga yaabaa inuu madaxweyne Xaaf Saacadaha soo socdo isaga baxo Dhuusamareeb haddii aan loo fulin labadaas shardi. Dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa sheegayo inuu fashilmi doono qorshaha Dowladda ee Ahlu Sunna la wado haddii uusan Xaaf qeyb ka noqon maadaama uu isaga yahay Madaxweynaha Sharciga ah oo ay ka go’do talada Maamulkaas. Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle Xaaf oo ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay soo dooneyn Madaxweyne Xaaf oo la qorsheynayo in safar dhulka ah uu ka gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo wax laga weydiiyey dhaawaca ay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada. Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd. Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira, isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” Danjire Donald Yamamoto oo sheegay in uu muddo dheer ku soo dhex jiray xaaladda Soomaalida, intii aan safiirka loo magacaabinna uu marar badan hawlo shaqo ugu soo noqnoqday Somaliland iyo dawlad gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa isaga oo arrimaha Somaliland ka sii hadlaya sheegay in dawlad-wanaagga loo baahan yahay uu yahay in bulshada loo abuuro hay’ado dawliya iyo fursado, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin looga baahan yahay dawlad kasta iyo sida oo kale Soomaaliya. Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in inkasta oo ay Somaliland gaarkeeda u istaagtay, haddana maadaama oo aanay weli aqoonsi diblumaasiyadeed helin, in beesha caalamku ay u aragto uun in ay ka mid tahay Soomaaliya, isaga oo taas ka duulayana uu Maraykanku u arko in Somaliland, dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-gobaleedyadeeda Soomaaliya ay dhammaantood sameeyaan is dhexgal. Sida uu hadalka u dhigay. Danjiruhu, waxa uu intaas ku daray in isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhinacyadani ay keenayso in ay horumar ballaadhan u horseeddo Somaliland iyo Soomaaliya. Danjiraha Maraykanku waxa uu sheegay in dhowaan Soomaaliya laga dhaafi doono deyn aad u badan oo ay xukuumadihii hore ee Soomaaliya dawlado kala duwan oo adduunka ah ka soo amaahdeen, marka deyntaas la dhaafana in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay u noqon doonto fursad ay ku noqdaan mishiinka horumarka ee gobalka, maadaama oo ay Soomaaliya heli karto deymo cusub iyo maalgashiyo caalamiya. Sida u hadalka u dhigay. Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo ka warramayey horumarka Dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay fursado haddii laga faa’iideeyo, keeni kara koboc dhaqaale oo Somaliland iyo gobalka oo dhanba anfaca, waxa aanu tusaale u soo qaatay Tamarta aan shidaalka laga dhalin (Tamarta qorraxda iyo hawada laga dhaliyo), oo uu sheegay in laga faa’iidaysan karo iyo sida oo kale horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dekedaha, garoonka diyaaradaha iyo kalluumaysiga. Ugu dambayntii Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan wada shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horusocod u noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu rajo wanaag ka muujiyey horumarka ay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhi doonaan, haddii ay iskaashi dhaqaale yeeshaan, marka deynta laga dhaafo. “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin” Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay xaalada Galmudug cirka isku shareereyso kadib markii ay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaareen wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo hogaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Galmudug kasoo jeeda. Imaatinka Dhuusamareeb ee wafdiga Dowlada Dhexe ka socda ayaa khilaaf xoogan ka dhex abuuray Madaxweynaha xilli howleedkiisa lagu muransan yahay ee Xaaf iyo Madaxda sarre ee Ahlu Sunna Wal-Jameeca, kadib markii uu Xaaf diiday inay wafdigaasi Dhuusamareeb yimaadaan balse madaxda Ahlu Sunna kasoo horjeesatay una sheegeen inay iyaga casuumeen oo ay inaanayaan uuna Xaaf joojin kareyn taasoo dhabowday. Warar hoose oo Caasimada Online ay heleyso ayaa sheegaya in wafdiga ka yimid Muqdisho uu ku jiray Madaxweynaha cusub ee R/W Kheyre u diyaarsaday inuu Xaaf kadib maamulo Galmudug kaasoo ah Cabdilaahi Faarax Wehliye oo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Kheyre kaasoo Kheyre iyo Farmaajo u arkaan nin u fulin kara danaha ay ka leeyihiin Galmudug. Masuulkaan uu Kheyre u diyaarsaday inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug ayaa kasoo jeeda beesha Duduble, waxuuna R/W Kheyre balanta ugu baxay sida la xaqiiyay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xilligaan ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta kaasoo la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug kana soo jeeda Beesha Saleebaan ee Habar Gidir, taasoo lama filaan ku noqotay Siyaasiyiin iyo Shacab badan oo bilihii ugu dambeeyay la saadaalinayay inuu noqon doono Madaxweynaha Galmudug balse balanta looga baxay. Sababta R/W Kheyre balanta uu ugu baxay Axmed Qoor Qoor ayaa dad ku dhow dhow ku micneeyeen inuu yahay Siyaasi ilaa dowladii Shariif Sheekh Axmed kusoo jiray Siyaasadda isla markaana aad ugu weyn tahay qadiyada beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir saaxiibo dhowna yihiin Xildhibaanada beeshaasi kasoo jeeda ee Mucaaradka ku ah Xukuumadda Kheyre taasoo keentay inuu Kheyre ka shakiyay haddii Xukuumadiisa ku taageerto Qoor Qoor inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug inuu ku abaal dhaco dibna usoo celiyo Xildhibaanada Beesha Habar Gidir kasoo jeeda oo aysan doonayn in dib loo soo doorto 2021. Si kastaba ha ahaatee, maalinta Isniinta ee soo socota ayaa la filayaa in caaasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uu gaaro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo la filayo inuu kulan toos ah la yeelan doono Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan isla markaana Wiilkiisa Cabdisamad Macalin Maxamuud xil Wasiir laga siiyo Xukuumadda Kheyre sidoo kalene Gabar uu Macalinka dhalay Safiirada Soomaaliya u fadhisa Kampala loo magacaabo taasoo kamid ahayd codsigii Hogaamiyaha Ahlusunna isla markaana keentay inay Ahlusunna la saftaan Dowlada Soomaaliya oo ay balamihii ugu baxaan Madaxweyne Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Houston (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyeen heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Shell ayaa waxaa laga leeyahay dalka Netherland, halka Exxon Mobile laga leeyahay dalka Mareykana. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaaseyn maanta ka dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo nabad sugid ah iyo kooxo maleeshiyaad ah oo ku sugnaa magaaladaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo Galmudug oo ku aadan shaqaaqadaasi. Maalmihii dambe waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida dagaallo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. View the full article
-
Kulankii maanta ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii xildhibaannada tahay ay noqdeen 123, halka laga rabay 138. Guddoomiyaha golaha shacab Maxamed Mursal oo goobta ka hadlay ayaa amray in liiska xildhibaannada maqan loo gudbiyo guddiga anshaxa si talaabo looga qaado. Mr. Mursal oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Saacaddu waxaa ay timaameysaa 11, waqtigii uu qorayey xeer hoosaadka golaha shacabaka waa la joogaa, kooramka waxaa uu maraa 123, sidii horay aan ku balanay xeer nidaamiyeyaasha waxaa iney u gudbiyaan guddiga anshaxa liisaska ay hayaan, markan xaadirin uma baahno ee waxaa ay u baahantahay ficil, sidaas darteed waxaan amreynaa xeer nidaamiyeyaasha iney ku wareejiyaan liisaska ay hayaan guddiga anshaxa. Maadaama kooramku aanu dhameyn fadhigii ma furmin”. Todobaadkii hore waxaa la yeeriyey xildhibaanno u badan wasiirrada xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre kuwaas oo aan iman kulamada golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations said 126 former al-Shabab combatants have completed a rehabilitation program and are ready for reintegration. The former combatants graduated from the Baidoa Rehabilitation Center, in Somalia’s South West State, on Friday after completing an intensive rehabilitation program. Aden Hussein, national project officer in charge of disarmament, demobilization, and reintegration program at the International Organization for Migration (IOM), said the rehabilitation (DDR) program will encourage more youths in al-Shabab to lay down arms and contribute to the country’s peace process. “The ex-combatants undertook various vocational training lessons, among them, electricity, masonry, tailoring as well as welding,” Hussein said, according to a statement issued by the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) on Friday evening. He called for more support for the program, saying al-Shabab cannot only be fought using arms but also through training and the reintegration of ex-combatants. “This is the best method, and hopefully the graduates will integrate back into the community and be constructive in their communities,” Hussein said, referring to the program. The program graduates, comprising youths from various parts of the country, received vocational training and psychological support at the center. The UNSOM, the IOM, and other development partners have supported the establishment of similar rehabilitation and transition centers in Mogadishu, Beletweyne and Kismayo. South West State DDR director Ilyas Ali Nur said the program has proven to be a success, noting that hundreds of youths who defected from al-Shabab have been trained and reintegrated into the community. “We will receive and welcome with open hands as many combatants as possible,” Nur said View the full article
-
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) -Warar aan hadda helnay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qaraxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda Soomaaliya. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo muddo dhowr daqiiqado ah ka socday halkaasi. Illaa saddex Askari oo labo ka mid ah ay ahayeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo hal askari oo ka mid ahaa daraawiishta Galmudug ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen sarkaal ka tirsan Ciidamada Galmudug iyo kuwa nabad sugida dowladda. Sarkaalka ayaa isku dayay in uu xoog ku maro waddo u xirneyd ciidamadaasi, kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo maamulka magaalada ka soo baxay, kuna aadan shaqaaqadaasi. Ammaanka magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay illaa 13 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo toogasho lagu dilay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya. “Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka. Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in haatan ay madaxda shirkadaha aqbaleen heshiiska, maadaama dowladda ay ku guuleysatay inay meel mariso sharciga shidaalka, isla markaana ay ka soo jawaabeen baaqii Wasaaradda oo ahayd in shirkadihii caalamiga ahaa ee heshiisyada lala galay ay dalka dib ugu soo laabtaan. “Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Heshiiskan ayaa waxaa Wasaaradda u saxiixay Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed. View the full article
-
Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen nawaaxiga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal socday dhowr saacadood oo u dhexeeyay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Saldhigga la wareeray ayaa ku yaallay deegaanka Yombis oo u dhow magaalada Garissa ee dhulka NFD. Al Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi waxa ay sheegeen in dagaal ay kula wareegeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahayeen halkaasi, islamarkaana ay ku soo furteen saanad Milatari, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay dab qabadsiiyeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd deegaanka Yombis, kadib markii ciidamadii ilaalada ka ahaa ay goobta ka baxsadeen. Dhanka kale taliska Ciidanka Booliska Kenya ayaa hadlay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Afhayeenka Booliska dalkaasi Charles Owino ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday ciidankooda, islamarkaana ay dileen illaa saddex ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya View the full article