-
Content Count
208,731 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghaye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Jamaal Jaamac Xaamud oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadley sharci jabin uu sheegay inay ku kacday xukuumada Biixi. Xoghayaha ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ka hor timid xoriyatul qowlka, isagoona wax kala fog ku tilmaamay inay Somaliland sheegato dal dimuqraadiya, haddana ay jabiso xeerarka iyo shuruucda u dagsan. Xoghaye ku xigeen Jamaal ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada weli ka aloosan Xukuumada iyo Boqor Buurmadow, wuxuuna yiri “Waxa dal iyo dawlad lagu yahay waa sharciga iyo kala dambaynta, waxaynu nahay dal dimuqraadiyada, waxaynu leenahay Sharci, Shuruuc iyo Xeerar, ma joogno wakhtigii kali talisnimada, ee waa wax aad u kala fog inaynu dal dimuqraadiya aynu sheegano haddana la jabiyo xeerarka, sharciga, shuruucda iyo dastuurka dalka”. “Waa sharci daro in telefishadanada dalka la xidho, waa xeer jabin in saxaafadda dalka oo madax banaan la cabudhiyo, mana ah inay Xukuumadda ka hor timaado xoriyatul qawalka. Xukuumaddana waxaa looga baahan dulqaad, iyo inay dadkeeda dhagaysato, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay dadkeeda wax u qabato oo cadaalad ugu adeegto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Balse loogama baahna inay xadhig iyo car hadal iyo car juuq dheh ay kaga dhegto, haddii uu Boqor Buurmadaw ku baaqay inuu Shir u qabto laba beelood oo walaalo ah, may ahayn inay xadhig ugu hanjabto oo waxaan ka suurgalina ku sifeeyso”. “Boqor Buurmadaw waa mid ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka Somaliland, ee nabada iyo wada jirka umadda in badan ka shaqeeya, ee waxaa laga sheegayana waa waxba kama jiraane, Xukuumaddu waxba yaanay baqdin iyo fulaynimo ka qaadin Shirku ku baaqay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah macallimiinta saxaya imtixaanka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay bilowday sixitaanka imtixaanaadka Shahaadiga ee fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland. Sixidda Imtixaanka Form Four-ka ayaa loo xilsaaray ilaa 194 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland, iyadoo macallimiinta lagu soo xulay aqoontooda iyo qibraddooda sida ay sheegtay wasaaradda. Madaxa Qiimeynta iyo Shahaadooyinka ee xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka,islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka, isagoo sheeciyay in bisha July ee soo socota dhexdeeda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijada imtixaanka fasalka 4 aad ee dugsiyada sare. Caynsane ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaanka Form Four-ka ay Sannadkan saxayaan ilaa 194 macallimiin ah oo ka kooban 150 saxayaal ah, 32 kormeerayaal ah iyo 12 hubiyaal ah. Dhinaca kale sixidda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe ayaan weli bilaamin, iyadoo la filayo in wasaaraddu bilowdo kadib marka la shaaciyo natiijada Form Four-ka PUNTLAND POST The post Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
S Dahabshiil Group Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Bandhigay Carwada Hay’adaha Maaliyadda Somaliland Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb laxaad leh ka qaadatay qabsoomidda shirka horumarinta Baannanka iyo hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland. Shirkan oo lagu lafo gurayo horumarinta hay’adaha maaliyadda oo ay barbar socoto carwo lagu soo bandhigayo adeegyada kala duwan ayay shirkadda Dahabshiil si weyn uga dhex muuqatay waxaanay soo bandhigtay adeegyo cusub. Gudoomiyaha Bangiga Caalamiga ah ee Cumar Sheekh ayaa sheegay in uu bangigu horumar samaynayay tan iyo markii la aasaasay waxaana uu yidhi “Dahabshiil Bank waxa uu Somaliland ka maalgaliyay macaamiil ku dhaw 10,000 oo macmiil, lacagta uu maalgalinta ku sameeyayna waxay ku dhawdahay ilaa $300m oo milyan oo dollar wax yarna maaha, waxa barbar socota in aanu dadka saboolka ah ee dan yarta ah kor u soo qaadno sidaas awgeed dad gaadhaya ilaa 16,000 ayaa ka faa’iidaystay mashruuca Micro-finance waxaana lagu maalgaliyay lacag kor u dhaafaysa 15 milyan oo dollar,” Sidaas ayuu yidhi Cumar Sheekh oo intaasi raaciyay in hadda Bangiga Dahabshiil ku socdaan dib u habayn guulo hor leh u horseedaysa. Fu’aad Axmed Nuur oo ka mid ah madaxda Sare ee shirkadda Dahabshiil ayaa sharraxaad ka bixiyay doorka shirkadda Dahabshiil ee carwada hay’adaha maaliyadda Somaliland “Waxaanu nahay shirkadda ugu weyn ee qabata adeegyada maaliyadda sida oo kale waxa aanu nahay shirkadaha sahlay, fududeeyay ee wax ka bixiyay shirkani in uu qabsoomo,” sidaas ayuu yidhi Fu’aad Axmed Nuur. Waxa kale oo uu sheegay in shirkaddu carwada kula wadaagtay macaamiisheeda adeegyo cusub oo wax ku ool ah “Adeegyada aanu halkan ku hayno waxa ka mid ah adeegyada Dahabshiil Bank International oo ay macaamiishayadu ka heli karaan maalgalinta oo laba nooc ah; maalgalinta ganacsiga waaweyn iyo maalgalinta ganacsiga yaryar oo laga helayo micro-finance-ka.” Waxa kale oo uu macaamiisha ugu bushaareeyay adeeg muhiim ah “Adeegyada cusub oo aanu macaamiishayada ugu bushaaraynayno waxa ka mid ah Online banking portal oo ah nidaam cusub oo u sahlaya macmiilka Dahabshiil xisaab(Akoon) ku leh in uu akoonkiisa ku maamuli karo online ahaan iyada oo la siinayo ‘user’ iyo ‘Password’ (Ciwaan & fure) dabeedna inta uu Kombuyuutarkiisa ku isticmaalo akoonka meesha uu doono Adduunka isaga oo jooga uu xisaabtiisa maamulan karayo, lacag ka diri karayo u diri karayo akoon kale, soo xawilan karayo ama eDahab ku shuban karayo.” Fu’aad ayaa sidoo kale soo bandhigay horumar uu gaadhay adeegga edahab ee ah lacagta mobile lagu isticmaalo “Waxa kale oo adeegyada aanu maanta hayno ka mid ah in aad adeegga eDahab online ahaan ugu iibsan karayso adeegyada caalamiga ah sida: tigidhka shirkadda Diyaaradaha Itoobiya(Ethiopian Airline ticket) iyo shirkado kale oo caalami ah oo marka aad iibsanayso adeegga Ethiopian Airline ticket halkii aad ka isticmaali lahayd Master Card ama Visa Card kaliya waxaad u baahan tahay in aad eDahab haysato waanad isticmaali karaysa adeegga eDahab online ahaan. Waxa kale oo aanu soo bandhignay adeegga lacag isugu diridda Mobilka (Mobile money transfer) oo qofku marka uu eDahab leeyahay xawaaladda ugu dirayo Adduunka oo dhan isaga oo isticmaalaya mobilka isaga oo isticmaalaya short code-ka *700#,” Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo golaha guurtida Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in ay Dahabshiil meelo adag kala soo dabaalatay bulshada Somaliland “Waa bangigii ugu horeeyay ee markii dhibaatada ugu weyni ina haysatay suuro geliyay in dadkii dibadda joogay dadkoodii gudaha joogay wax soo gaadhsiiyaan. Dawladi ma dhaqaaqdeen mushaharna ma jirin laakiin, Dahabshiil waa meesha ugu weyn ee ugu soo horaysay ee baahidii inaga saartay, marka aad iyo aad baan ugu mahadnaqaya rag wacan baa haysta waddamada Adduunka intooda badan wuu ka furan yahay dee Illaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho. Madaxa Suuq-geynta, saxaafadda iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Sacad Muuse Cabdi ayaa sheegay in labada cisho ee carwadu socoto ay macaamiisho adeegyo hufan iyo soo dhawayn kala kulmi doonaan shirkadda Dahabshiil, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin doorka ay shirkad ahaan ku leeyihiin shirkan horumarinta dhaqaalaha iyo carwada ah ee Dahabshiil doorka firfircoon ka ciyaarayso. Qaran News
-
Maraykanka Ayaa Sheegay In Indhaha Dunidu Ay Ku Soo Jeedsan Doonaan Sida Ay Somaliland Iyo Soomaaliya Ula Dhaqmaan Dadkooda Iyo Hay’adaha Xuquuqda Ee Rayidka Ah By Samiir – June 22, 2019 079 Hargeysa (Geeska)- Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo wax laga weydiiyey dhaawaca ay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada. Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd. Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira, isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” Danjire Donald Yamamoto oo sheegay in uu muddo dheer ku soo dhex jiray xaaladda Soomaalida, intii aan safiirka loo magacaabinna uu marar badan hawlo shaqo ugu soo noqnoqday Somaliland iyo dawlad gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa isaga oo arrimaha Somaliland ka sii hadlaya sheegay in dawlad-wanaagga loo baahan yahay uu yahay in bulshada loo abuuro hay’ado dawliya iyo fursado, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin looga baahan yahay dawlad kasta iyo sida oo kale Soomaaliya. Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in inkasta oo ay Somaliland gaarkeeda u istaagtay, haddana maadaama oo aanay weli aqoonsi diblumaasiyadeed helin, in beesha caalamku ay u aragto uun in ay ka mid tahay Soomaaliya, isaga oo taas ka duulayana uu Maraykanku u arko in Somaliland, dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-gobaleedyadeeda Soomaaliya ay dhammaantood sameeyaan is dhexgal. Sida uu hadalka u dhigay. Danjiruhu, waxa uu intaas ku daray in isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhinacyadani ay keenayso in ay horumar ballaadhan u horseeddo Somaliland iyo Soomaaliya. Danjiraha Maraykanku waxa uu sheegay in dhowaan Soomaaliya laga dhaafi doono deyn aad u badan oo ay xukuumadihii hore ee Soomaaliya dawlado kala duwan oo adduunka ah ka soo amaahdeen, marka deyntaas la dhaafana in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay u noqon doonto fursad ay ku noqdaan mishiinka horumarka ee gobalka, maadaama oo ay Soomaaliya heli karto deymo cusub iyo maalgashiyo caalamiya. Sida u hadalka u dhigay. Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo ka warramayey horumarka Dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay fursado haddii laga faa’iideeyo, keeni kara koboc dhaqaale oo Somaliland iyo gobalka oo dhanba anfaca, waxa aanu tusaale u soo qaatay Tamarta aan shidaalka laga dhalin (Tamarta qorraxda iyo hawada laga dhaliyo), oo uu sheegay in laga faa’iidaysan karo iyo sida oo kale horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dekedaha, garoonka diyaaradaha iyo kalluumaysiga. Ugu dambayntii Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan wada shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horusocod u noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu rajo wanaag ka muujiyey horumarka ay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhi doonaan, haddii ay iskaashi dhaqaale yeeshaan, marka deynta laga dhaafo. “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin” Geeska Qaran News
-
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar .Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada. Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay. Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda. Balse sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, qalalaaso qowmiyadeed ayaa dib uga soo cusboonaaday dalkaas, taas oo keentay in 2.4 million oo qof ay barakacaan. Maxaa dhacay? Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”. Balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin xalaaddiisa. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen. Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada. Waxa uuna intaas ku daray in ay socdaan dadaallo lagu qabqabanayo. War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey. Goob jooge ku sugan Bahir Dar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in is rasaasayntu ay ugu yaraan afar saacadood qaadatay. “Markii hore waxaa u malaynaynay xaalad iska caadi ah, balse markii dambe waxaan maqalnay dhawaqa hubka culculus,” ayuu yidhi. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post AFgenbi fashilmay iyo taliyii ciidamada Ethiopia oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusa Mareeb (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa ilaa hadda uu ka socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah oo wafdiga dowladda federaalka iyo madaxda Galmudug ka leeyihiiwn xiisada kasoo cusboonaaday Galmudug. Warku wuxuu intaa ku darayaa in kulamadii ugu horeeyay ee wafdiga ka socda dowladda iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dhacay hase ahaatee waqti badan uusan qaadan, waxaana lagu soo waramayaa in ergo gaar ah oo u tagtay Xaaf ay ku cadaadiyeen inuu iscasilo, balse uu diiday, taasoo keentay in loo balan qaado dhaqaale cadadkeeda aan helin, dhaqaalahaasi oo horay Fahad Yaasiin uu u balan qaaday Xaaf inuu siin doono hadii uu xilka baneeyo. Xaaf ayaa ku adkeysanaya in wafdiga dowladda ee Dhuusa Mareeb ku sugan u arka inay yihiin kuwo burburinaya maamulka Galmudug, waxaana jira warar been abuur ah oo baraha bulshada lasoo geliyay oo sheegayay in uu Xaaf isacasilay, taas badelkeedna qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug lagu beeniyay wararkaasi. Dhinaca kale, wafdiga dowladda ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ayaa kulamo la leh qeybaha bulshada iyo madaxda Ahlusuna, kulamadaasi oo u muuqda kuwo lagu soo afjaraayo jiritaanka xileed ee madaxweynaha Galmudug Axmed D. Geelle Xaaf. Inta uusan ogolaan Xaaf inuu la kulmö wafdiga dowladda ayaa xiisada magaalada DHuusa Mareeb aheyd mid kacsaneyd oo qarka u saaraneyd in isku dhac uu ka dhaco, kadib markii ciidamo taabacsan Xaaf oo Gaalkacyo ka yimid loo diiday inay galaan gudaha Dhuusa Mareeb, halka madaxda Ahlu Sunna ay soo jeediyeen in Xaaf uusan ka bixi karin magaalada inta xal laga gaarayo. Maalinta Isniinta ayaa la filayaa in magaalada Dhuusa Mareeb uu gaaro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, inkastoo wax walba ay isbadali karaan. Magaalada Dhuusa Mareeb iyo guud ahaan degmooyinka Galmudug ayaa dadka ku sugan ay u dheg taagayaan xaalada kasoo kororta xiisada ka taagan Cadaado iyo go’aanka iyo tallaabada madaxweynaha Galmudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusa Mareeb caasimada@live.com
-
Bahir Dar (Caasimada Online) – Isku day afgambi ayaa ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, sida uu goordhow shaaca ka qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ay isku dayeen in xukunka ay kala wareegaan madaxweynaha gobolka Dr. Ambachew Mekonnen, sida uu xaqiijiyey Negussu Tilahun oo ah xoghayaha warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha. Waxaa la maqlayey rasaas xooggan oo qeybo ka mid ah gobolka ka dhaceysay, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay oo aan weli la ogeyn inta uu la eg yahay. Warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa dhanka kale sheegaya in Dr. Ambachew Mekonnen uu dhaawac yahay, inkasta oo xafiiska ra’iisul wasaaraha uu sheegay in taasi aysan jirin. Si kastaba, qaar ka mid ah ilo-wareedyada ugu xooggan ee gobolka islamarkaana caanka ka ah baraha bulshada sida, Muluken Tesfaw ayaa werinaya in ay halis ku jirto nolosha madaxweyne Ambachew Mekonen islamarkaana dhaawaciisa uu yahay mid aad halis u ah. Nigussu ayaa shaaca ka qaaday in afgambiga la doonayey in xukunka loogala wareego saraakiisha maamulka amxaarada oo ah mid ka mid ah maamullada ugu awoodda badan dalka Itoobiya. Nigussu ma uusan shaacin magacyada ama cidda ay yihiin kuwa ka dambeeyey afgambiga, wuxuuna dadka gobolka degan ugu baaqan inay feejignaadaan oo ay difaacaa gobolkooda. Warbaahinta dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamada ammaanka gobolka iyo kuwa federaalka ay fashiliyeen afgambiga islamarkaana ay xaaladda iminka gacanta ku hayaan, gaar ahaan magaalada Bahir Dar ee caasimaadda gobolka Amxaarada. Waxaa sidoo kale la sheegay in gacanta lagu dhigay islamarkaana la xiray dad la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga. Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jiray xaalado iyo xiisado siyaasadeed oo kala duwan tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’isuul wasaare Abiy Ahmed. Waxaa taas dheer dagaalo iyo colaado u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas ku wada nool. Si aysan kuu dhaafin wixii kusoo kordha xaaladdan, fadlan subscribe, kadibna shido caalamadda ogeysiiska. Wararkan ayaa weli isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Gunmen on Saturday attempted to overthrow a regional state government in Ethiopia, an official said.Appearing live on Ethiopian Television, Nigusu Tilahun, head of the press secretariat.... Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tehran)-Dowlada Iiraan ayaa balan-qaaday inay ka jawaabi doonto weerar kasta oo kaga yimaada dowlada Mareykanka, kadib digniin kaga timid Donald Trump. Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Iiraan Abbas Mousavi ayaa sheegay in ayna aqbali doonin wax waliba oo xad gudub ku ah Qaranimadooda. Xiisadda u dhaxeysa Tehraan iyo Washington ayaa cirka isku shareertay kadib markii Mareykanka laga soo riday diyaarad Drone ah oo dul heehaabeysan xeebaha Iiraan. Mousavi ayaa ugu dambeyn sheegay in ayna ogolaan doonin in lagu soo xad gudbo dhulka Iiraan. Source
-
Wafdigii xildhibaanada ahaa ee gaaray magaalada Gaalkacyo maalinimadii Jimcada, ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug. Kulanka ayaa ugu horeyn la isku warsaday u jeedada wafdiga iyo guud ahaan xaalada iyo sida looga xun yahay wixii ka dhacay Gaalkacyo, oo imaashaha wafdiga uu salka ku haayo xal ka gaarista arritaas. kulanka oo labo waji lahaa ayaa xildhibaanadu midka hore waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka, ayagoo si guud ugala hadlay wixii dhacay, kulanka kale ayaa waxaa wada qaatay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka maleeshiyadii dhibka geystay. Wafdiga xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ka socda ee Gaalkacyo ku sugan ayaa hor udhac waxa u ah wafdi kale oo magaalada ku soo wajahan, si xal looga gaaro dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada ee dadka rayidka ah lagu laayay. Magaalada Gaalkacyo sidoo kale waxaa la filayaa in ay gaaraan wafdi xildhibaano xaqiiqo raadin ah, kuwaas oo dhawaan uu magacaabay gudoonka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Haweenayda Soomaaliyadda ah ee ka mid ah Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhan Omar ayaa ku baaqday in baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo dhimashada Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi. Mohamed Morsi ayaa Allaah ha u naxariistee waxa uu Geeriyooday isagoo taagan Maxkamad Dacwadda loo haysto lagu dhegaysanayey, ka dib markii uu Suuxay, suuxdintaasi oo aanu dib uga soo laaban. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay Dadka ku baaqaya in Baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo Dhimashada Mohamed Morsi, si loo hubiyo inuu is Caadi ah u dhintay iyo in la dilay, waxaana baaqan oo kale hore u soo saaray Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha u dooda, sida Amnesty International, Human Rights Watch. Maxamed Mursi ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxa ka mid ahaa inuu xidhiidh la lahaa Ururrada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Hezbollah. Mursi oo da’diisu ahayd 67 jir, ayaa xabsiga ku jiray illaa sannadkii 2013-kii oo Milletarigu uu xukunka ka tuuray. Ilhaan Cumar oo Qoxootinimo ku gashay dalka Maraykanka, Aqalka Congress-ka Maraykankana loo doortay Sannadkii 2018-kii, ayaa hore uga hadashay Gabood-fallada ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha ee Masar ka jira. Bishii la soo dhaafay ee April ayay Ilhaan ku baaqday in la soo daayo gabadh lagu Magacaabo Huda Abdulmonem, taasi oo ah Looyarad u doodda xuquuqda aadamaha oo la xidhay iyada iyo 18 xubnood oo kale, sida uu daabacay News Arab oo HCTV soo xigtay. Maxamed Mursi ayaa Meydkiisa la aasay Toddobaadkii hore. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadahay baaqii uu dhawaan soo saaray Baarlamaanka Carabta ee Kenya looga digayay inay isku daydo inay ku xadgudubto biyaha Soomaaliya. War ka soo baxay Dowladda Kenya ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay weerar diblomaasiyadeed ku qaadday Kenya markii ay sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya geysay baarlamaanka Carabta. Kenya ayaa intaas raacisay in dacwadda ay billowday Soomaaliya 2014-kiina geysay Maxkamadda ICJ, haddana ay Baarlamaanka Carabta hordhigtay, taasi oo ay ku qeexday dagaal diblomaasiyadeed xooggan oo ay kala kulmayso Soomaaliya Kenya ayaa shalay loo doortay hoggaanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee la socda dhq dhaqaaqa Burcad Badeedda Soomaalida, taasi oo Soomaali badan ka carreysiisay. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wali kama si shaacsan ugama hadlin go’aanka Kenya lagu siiyay in muddo labo sano ah ay ilaaliso biyaha Soomaaliya, hase yeeshee waxaan xog ku helnay in madaxweyne Farmaajo uu arrintan ku canaantay wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan. Magacaabis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan 2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan 3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha Qaran News
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay soo qabqabtaan dadka muhaajiriinta ah ee go’aamada musaafurintooda horey loo gaadhay. Howlgalka dadkaasi lagu soo qabqabanayo ayaa bilaabanaya Axadda berita ah sida ay warinayaan warbaahinta Mareykanka. Howlgalkan ayaa markii ugu horeysay waxaa shaacisay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo ilaa iyo 2 Kun oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka oo ay dadka muhaajiriinta ah ee dalkan soo gala ay ka soo degaan, sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles. Washington Post waxay sheegtay in xogta la xidhiidha soo qabqabashada dadkan ay ka heshay sadex sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka oo magacooda qariyay. Wargeyska The Miami Herald ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee la bartilmaameedsanayo ay ka midyihiin Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco. Dhinaca kale, madaxweyne Trump ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka Isniintii la soo dhaafay ku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Cali Jaamac oo ah khabiir dhinaca xayawaanka ah iyo Mahad faarax oo u dooda xuquuqda Xayawaanka ayaa sheegay inay Maxkamada sare ee Somaliland ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay si sifo sharci daro ah ay xayawaanka loo yaqaano Harimacadka ay ugu dhoofinayaan wadankaasi Koonfur Afrika. Harimacadkan ayaa lagu hayaa magaalada Hargeysa kadib markii Wasaaradu ay ku soo qabatay dad doonayey inay wadanka uga dhoofiyaan si qarsoodi ah. Hase yeeshee Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka ayaa lagu eedeeyey inay qorshaynayaan inay dalka ka dhoofiyaan xayawaankaasi duurjoogta ah. “Aniga waxa la yidhaahdaa Cabdi Cali Jaamac (Gadhle) waxaan maanta halkan u joognaa arin foolxun oo socota oo Wasaaradeena deegaanku duurjoog Harimacad ah oo dadweynaha laga soo qabtay oo la hayo oo sharcigeenii uu leeyahay lama taaban karo duurjoogta Somaliland. Taas oo sababtaasi loo soo ururiyey oo Wasaaradu ay masuul ka tahay ayay Wasaaradu ay bilawday inay iibiso oo ay dhoofiso qaar ka mid ah oo sideed ah oo Wasaaradii ay ka go’an tahay in sideed Harimacad oo ka mid ah South Afrika la geeyo.” Ayuu yidhi Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah khabiirada dhinaca Xayawaanka oo la hadlay Telefishanka HCTV. Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka Somaliland oo telefishanka HCTV uu ugu tagay si ay uga jawaabaan eedaha looga soo jeedinayo duurjoogtan la sheegay inay dalka ka dhoofinayaan ayaa diiday inay arintaasi ka hadlaan. Xukuumada Somaliland gaar ahaana Wasaarada deegaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku soo qabqabatay dad farabadan oo doonayey inay duurjoogta Somaliland iyo kuwa bariga Afrikaba ay ka dhoofiyaan Somaliland una iibgeeyaan dalalka Carabta oo mudooyinkii u dambeeyey aad u danaynayey xayawaankaasi. Waxaana arintan ay labadan muwaadin ee reer Somaliland ay ka dhawaajiyeen ayaa noqonaya mid foolxumo ku ah Wasaarada Deegaanka Somaliland hadii ay dhabowdo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay shirweyne ballaadhan oo lagu gorfeynayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkan oo ujeeddadiisu tahay dardargelinta, kobcinta, wada-shaqaynta, is fahanka iyo habkii la isugu xidhi lahaa hay’adaha maaliyadeed ee dalka, islamarkaana laga dhigi lahaa kuwa isla jaanqaada oo ka wada-tashada sidii looga gudbi lahaa caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman, ayaa waxa ka qaybgalay dhammaanba Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, shirkadaha Caymiska iyo is-gaadhsiinta, xubno kamid ah wasiirradda qaranka, Wakiillo ka socday dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, khubaro caalami ah oo ku xeeldheer arrimaha maaliyadda, ayaa si qotodheer loogu gorfeeyey sidii qaranku u yeelan lahaa hay’ado maaliyadeed oo dhinac walba ka horumarsan, isku xidhan oo la jaanqaadi kara kuwa caalamka ka jira. Xubno kamid ah hay’adaha arrimaha maaliyadda ka shaqeeya ee dalka ka jira, Baananka gaarka loo leeyahay ee Somaliland gudaheeda ka jira, qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah iyo ganacsato waaweyn oo reer Somaliland ah oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay baahida loo qabo in horumar ballaadhan iyo dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha dhinaca maaliyadda ka shaqeeya ee dalka, islamarkaana wax ka-beddel lagu sameeyo shuruucaha maaliyadeed dalka, lagana dhigo kuwa suurogelin kara in si fudud loo maalgelin karo dalka, bulshaduna ay heli karto habab casri ah oo ay lacagtooda ku kala heli karaan. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddooduba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo kaliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynnu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynnu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynnu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu sheegay in xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay si dabacsan oo macquul ah kula shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan, islamarkaana hay’adaha looga baahan yahay inay da’yarta aqoonta leh shaqo abuur u sameeyaan. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu socdaal kedis ah oo indho-indhayn ah ku tegay suuqa sarrifka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa, waxana uu soo indho indheeyey suuqaas oo ay si habsi leh uga socotay hawsha sarrifku, isaga oo xubno kamid ah bulshada sarrifleyda ahna ka dhegaystay warbixinno ay kaga warramayaan isbeddelka sarrifka iyo kor-u-kaca ku yimi lacagta Shilinka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Roodhiileyaal Ka Cabanaya Hay’ado Samafal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste), Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil, Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan. Magacaabis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source