Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,744
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Windows 10 has enough problems to deal with right now. But Microsoft’s partners just made things a lot worse. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi ayaa waxaa lagu toogtay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen iyo saraakiil kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan la jaray qadka isgaarsiinta iyo Internetka ee dalka Itoobiya. War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa looga hadlay afgambigaas iyo shaqaaqooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi. Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn lagu cambaareeyay afgambiga dhicisoobay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya. Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag. Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya. Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  3. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Middle East Eye ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa qoray Maanta oo Sabti ah in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga uu booqasho ku tagi doono Israa’iil dhammaadka asbucaan bilowga ah. Wargeyska ayaa sheegay in Mas’uulkaan uu asbuucaan dhamaadkiisa tagi doono Tel Aviv-si uu Maamulka Israa’iil ugala hadlo inay weerar duqeyn ah ku qaado Dalka Iiraan. Inkastoo uusan wargeyska Sheegin magaca Mas’uulkaan haddana shakhsigii ugu dambeeyey ee hoggaamiyaha u ahaa Sirdoonka Sacuudiga ayaa lagu magacaa Khalid AL-Xamiidaani. Wargeyskaan ayaa caddeeyey in booqashadaan ay kusoo aadeyso xilli Dowladda Sacuudiga ay laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan inay xulafadeeda ku qanciso weerar lagu qaado Iiran kadib markii Washington ay sheegtay inay joojisay duqeyn ay rabtay in lagu qaado Iiraan. Wargeyskaan ayaa sidoo kale xusay in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga oo uu la socday Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Caadil AL-Jubeyr ay booqdeyn Lodon iyagoo Ingiriiska ka codsaday in Iiraan la duqeeyo balse waxaa la xaqiijiyey inay Dowladda Ingriiiska diiday. Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay Shalay inuu joojiyey duqeyn ka dhan ah Iiraan wax yar kadib markii ay Diyaaradaha Mareykanka bilaabeyn inay fuliyaan amarkaan, isagoo sheegay inay duqeyntaas ugu yaraan ku dhiman lahaayeen 150 oo u dhashay Iiraan . Sanadkii 2018 ee lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay kulamo iyo booqasho badan oo dhex maray Israa’iil iyo Sacuudiga. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa ku jiro maalmihii ugu fiicnaa taariikhda, waxayna Israa’iil sheegtay inuu Sacuudiga kala dhaxeeyo xiriir fiican oo ku saleysan in la is dhaafsado macluumaadka Sirdoonka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  4. WASHINGTON (AP) — The Trump administration on Saturday unveiled a $50 billion Palestinian investment and infrastructure proposal intended to be the economic engine to power its much-anticipated but still unreleased “deal of the century” Middle East peace plan. Source: Hiiraan Online
  5. The United State of America embassy in Ethiopia has issued a security alert following reports of gunfire in Addis Ababa, the country’s capital. Source: Hiiraan Online
  6. Governments of Ethiopia and Djibouti will work to increase their economic ties and cultural exchanges, according to a statement from the Prime Minister''s Office released Saturday in Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  7. Security forces in Kenya killed three suspected militants from Somalia’s Islamist group al Shabaab after they attacked a police outpost in Garissa county near the border, police said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Shirkadda Telesom oo Wacdaro Ka Dhigtay Shirweynaha Baananka iyo Hay’addaha Maaliyadda Somaliland Waxaa maanta magaaladda Hargeysa gaar ahaanna huteel Maansoor lagu qabtay shirweyne si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Telesom Group ayaa ku soo bandhigtay adeegyo casri oo la xidhiidha arrimaha maaliyadda. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddoodaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo keliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda u sheegay inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshada ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan kadib xusay inay sharaf u tahay Telesom group inay kasoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland. C/wahab Maax ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo-abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland. Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa. Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya. Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Halkan ka Daawo warkaas oo faahfaahsan+Sawirro:- Qaran News
  9. Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa hoos yimaada maamul goboleedyo uu dalka leeyahay kuwaa oo sameeysmay xili baahi badan loo qabay, waxaana loo arkay inuu yahay mid ay Soomaali ku dagi karto kuna heshiineyso. Dowladda ay hogaanka u wada hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa kale ayaa u baryay markii maamul goboleedyada dalka ay sameesteen iskaashi u gaar ah oo ay kaga soo horjeedaan xiriirka dowladda Dhexe balse dadaal uu ku baxay Qarash, dhiig ayey ku kala dirtay midowgaasi oo ahaa mid dhamaan maamulada isku heysteen. Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xukunka iska casilay markii cadaadis xoogan uu kala kulmay dowladda Dhexe waxaana lagu qanciyay dhowr Malyan oo uu qaatay. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo kamid ahaa Golaha waxaa la soo wareegtay dowladda kadib Isfahan dhexmaray isaga iyo madaxda dalka ilaa hadana wey isla heystaan. Koofur Galbeed waxaa hogaamiya Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen waa musharax ay dowladda dhexe ku bixisay dhaqaale badan si uu u guuleysto, waxaana ku dhintay dad shacab ah khalalaaso ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow ee dowladda kula kacday kaa oo ahaa musharaxa ugu cad cad doorashadii Koofur Galbeed. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynihii Puntland ee doorashada looga adkaaday wuu diiday wadahadal sidoo kalena wuxuu amray in deeganada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda dhexe intii lagu guda jiray doorashadii uu ku soo baxay Saciid Dani, ujeedka amarka ayaa ahaa in uu waayo Taageero dhaqaale musharaxa ay wadatay dowladda oo Puntland ay la rabtay, amarkaas ayaana fulay. Hadda waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe kursiga kaga tuureysa Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo ah madaxweynaha Galmudug, wasiirka arrimaha Gudaha oo ku sugan Dhuusomareeb wuxuu kala jabiyay Galmudug, Ahlu Sunna ayey hadda dowladda federalka heshiis la gashay, waxaa fudud in la jebiyo maamulka Xaaf waqti xaadirkaan. Maxey dowladda uga adkaan la’dahay Puntland iyo Jubbaland? Waa marqaati madoonto in dowladda dhexe ay siyaasadeeda ka hergeliso maamulada Puntland iyo Jubbaland. Doorashada lawada sugayo ee Jubblanad waxaa iska cad in saameyn badan aysan ku lahaan karin dowladda sidaasna uu ku soo laaban doono Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe). Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa si adag ugu jees jeesaya dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in wax wada shaqeyn ah uusan kaga baahneyn,waxaana uu socdaal ku tagay wadamada Itoobiya, Shiinaha iyo Imaaradka waxaana uu heshiis la galay shirkado kala duwan. Ma muuqato meel ay dowladda dhexe ka qasi karto Puntland oo ah maamul adag oo dhameystiran, sidaas si lamid ah Jubblanad ma carqaladeyn karto dowladda Dehxe ee waa maxay sirta ku hoos doogan. Dadka waayo jooga ah ayaa aaminsan inuu Farmaajo gacan bir ah ku qabanayo Beelaha Hawiyaha iyo digil iyo Mirifle, isagoo awoodda maamul siinaya Daarood, waxaana ilo xog ogoaal ah sheegayaan in heshiis hoose uu kawada dhexeeyo Farmaajo, Saciid Dani iyo Axmad Madoobe si xiliga doorashada uu afgambi ugu qabsado dalka madaxweyne Farmaajo, isagoo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan u wiiqaya beelaha Mogadishu Clan. Waxaa xusid mudan in Beelaha Mogadishu Clan ay baraarugi doonaan marka Axmad Madoobe uu xukunka ku soo laabto, taa oo banaanka keeneysa qorshaha qarsoon ee dowladda dhexe. Dowladda hadda jirta ayaa sameysay dhowr arrimo oo lama ilaawaan ah si siyaasadda kaligiistalinimada ah u hirgasho wuxuuna iska wareejiyay shaqsi walba oo ka hor imaan kara waxaana kamid ah: iney xilka ka qaado Duqii Hore ee Muqdisjo Taabit Cabdi Maxamed oo siyaasad ahaan iyo maamul ahaan iska hor yimaadeen Nabad iyo Nolol. Iscasilaadii waqtiga dheer qaadatay ee Gudomiyihii Golaha Shacab Max’med Sheikh Cismaan Jawar, weraarkii iyo dhawicii gurigiisa lagu qaaday Hogamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdi Shukur warsame si loo cabsi geliyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda dowladda oo caburun weyn lagu hayo ila imika. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Abdiaziz Loyal abdiazizh99@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Somali and UN agencies on Saturday started a week-long immunization campaign, using oral cholera vaccines in high-risk districts to prevent recurring cholera outbreaks in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC) ayaa qorshaynaya in ay dhammaantood is wada-casilaaan sida ay ilo’ xog-ogaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post. Guddiga ayaa shalay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni balse ma jirin wax wax natiijo kulankaasi ka soo baxay oo warbaahinta lala wadaagay marka laga reebo wararka hoose ee sheegaya in haatan guddigu ay doonayaan in ay is wada-casilaan. Lama oga weli sababta rasmigaa ee keentay in ay is casilaan guddiga iyadoo dhowaan xukuumadda Puntland sheegtay in la dardar gelinayo nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland islamarkaana degmoooyin ka tirsanPuntland si tijaabo ah looga qaban doono doorashooyin qof iyo cod ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu soo magacaabo guddi cusub oo hawsha meeshii ka sii wada kadib markii ay is casilaan guddiga. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo is wada-casilaya appeared first on Puntland Post.
  12. 4 sanno kaddib waxaan socdaal ugu anba-baxay magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, bartamaha Gobalka Galgaduud. Habeen sii dhammaanaya oo lagu jiro bil Ramadaan ayaa dhex joogsaday kaddib safar qaatay 18 saacadood oo xiriir oo aan kaga nimid Xamar. Imaanshahaygu wuxuu natiijo ka ahaa hilow iyo buseyl igu sii daba-dheeraaday oo aan u qaaday magaaladii aan kusoo indha-qaaday taniyo carruurnimadayda. Markii iigu danbeysay halkan, sannadkii 2005 waxaan usoo raacay hooyaday oo aan usoo wehliyay booqasho ay ugu timid ayeeyadeed. Saddex bilood oo aan halkaas kula qaatay, wuxuu ahaa xusuustii iigu danbeysay oo maskaxdayda ku sawirneyd. Hayeeshe, muuqaal aad uga duwan midkaas ayaan ugu tagay kaas oo runtii daraeenkeyga ku reebay uurxumo iyo lahan qarsoon. Taariikhda fog oo ay leedahay Ceelbuur marwalba ma aheyn sheekada qura ee laga tebiyo. Dabcanna, dadka ku noolna ma ahan kuwa qura ee dhaxalkeeda lagu halqabsan karo. Jeedaalinta tirada magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee jiray dowladnimadeenna kahor kuwaas oo waqtigii gumeysi lagu yiqiin Kacaanka gobannimo-u-dirirka, tani waa mid kamid ah magaalooyinkaas kuwaas oo door weyn ku lahaa yagleelka duni cusub oo Soomaalidu leedahay. Degaan quruxsanaanta iyo ilbaxnimada dadeed ee qarniyo badan kasoo jirtay geeddi-socodkeeda nololeed, waxay Ceelbuur geyeysiiday astaan iyo amaan goonni ah. Waxaa intaas dheer, kheyraadka dabiiciga ee sida gaarka ah looga helo dhexdeeda ayaa siisay micno gaar ah. Waxaase dhinacaas fiican hadiyo jeer barbar-socon jiray dhinac madow oo magaaladani waaya’arag ku tahay. Dhicistii Xukunka Siyaad Barre, Ceelbuur waxay kamid aheyd meelaha sida aadka ah loogu diriray. Waxaana ka dhacay dagaal sokeeye oo sannado badan magaalada ka dhigay geyi laga hayaamay. In yar kaddib markii laga heshiiyay wixii dhacay, noloshu waxay kusoo laabmatay sidii lagu yiqiiin. Reer magaalkii beled ku noolka ahaa ee yiqiin sida nabadda loogu caana-maalana, waxay u noqotay fursad ay dib ugu dhisaan. Daba-yaaqadii 90-meeyada, oo ah halka ay ka bilaabato noloshayda Ceelbuur, waa markii ay ugu qurux iyo qaayo badneyd. Waxayna dhab u laheyd milgadii lagu yiqiin. Laakiin, maanta halkan waxa ka jira uma dhawa wixii ka jiray 20 sanno kahor markii aan ku dhex ciyaari jiray daafaheeda. Noloshuna uma sahlana sidii hore. Kala-bar dadkii lagu yiqiin magaalada waxay u kala qeybsameen qabri iyo qurbo. Faras-magaalkeedii mashquulka badnaa, wuxuu noqday mid qaawan. Cidladu waa wehelka qura oo aad kula dhex socon karto gudaheeda. Guryaha qaar waxay u dhammaadeen oogada dhulka; dhirtuna waxay la dhimatay oon iyo arag la’aan. Dugsiyadii wax-barashada iyo xarumihii lagu dhisay iskaa-wax-u-qabso ee danta guud loogu adeegi jiray waxay u taagan yihiin xusuus ahaan. Xeradii Shiinaha, Buundooyinkii magaalada, Shirkolihii kubadda lagu ciyaari jiray, Xaruntii Daawad ee fiyaalaha aheyd, Xerada Shiikh Maxamed Faarax iyo dugsigii dhexe ee magaalada ayaa gebigood noqday kuwo dayac u dumay ama dano kale lagu qabsaday. Mid walba oo goobahan kamid ah waxay waqti-carruurnimadaydii u lahaayeen ahmiyad madadaalo iyo mid wax-barasho. Balse waxaan ag-marayaa anigoo ka ciishoon il-xumida gaartay. Marwalba oo xusuusta iyo xaaladda taagan ay iskugu kay tagaan, waxaan si naxariis leh ugu eegay fiiro gacaltooyo. Mana isku dayin inaan celiyo ilmada igu soo istaagta. Waxaase aan dhab u ilmeeyey markii aan dul imid Minjirkii aan ku dabaalan jiray kaas oo noqday haro lagu qubo odxaha iyo ragaadka oo aan ku habbooneyn dabaasha. Dabaashu, si kale marka loo dhigo, waxay qeyb ka aheyd isha madadaalada ugu weyn oo carruurta Ceelbuur ka helaan farxadda iyo reynreynta. Marwalba oo roobab mahiigaan ahi ay ka curtaan, la yaab malaheyn in gal-biyoodyadeeda buundooyinka, barkadaha, balliyada, iyo dabcan Minjirka dabaal la iskugu yimaado. Dukaamadii ganacsiga iyo suuq-yarihii la iskugu imaan jiray aroor walba, ayaan u cammirneyn sidii hore. Maqaayadihii waaweynaa ee laga cunneyn jiray ayaa sidoo kale albaadada iskugu laaban. Kasakow gacan-ku-heynta al-Shabaab ee magaalada, Ceelbuur waxay soo martay sannado adag oo qabsashadii Ciidamad Itoobiyaanka ay ugu darneyd. Kahor waqtigaas, dhismaha iyo dheeha ka muuqda magaalada wuxuu ahaa mid lagu dhaaya-tiirsado. Markii ay isaga baxayeen magaalada laba sanno kahor, gees walba waxaa ka dhashay geed Yuhuud dhirta inteeda kale ka mamnuucay inay ka ag baxaan. Xittaa geed tallaaladii waaweynaa ee Buundada labaad ee soo aada Ceel-riig ka taagnaa wuxuu ka dhigay kuwo qalalan. Ceel-riig, laf ahaantiisa, oo ah midka ugu weyn ee magaalada siiya biyo-ku-filan aan daqiiqadna ka go’in, waa kan u suura-geliyay in dhexdeeda lagu macaasho. Waxaana lagu dadaalay in hadiyo jeer lasii horumariyo. Doofaarradii aan ku dhex bursan jirnay dooxada magaalada ayaan u joogin sidii hore. Dameerihii aanu badri-jirnay oo – in badan iyaga oo ku bedertamaya – ay ku jabeen ayaan u muuqan sidii lagu yiqiin. Nasiib-wanaag, Gamaanka kaliya ee halkan ku nabad-galay ayaa ah fardaha. Hareeraha Ceelka Yuusuf Xeyle waxaan ugu tagay fardihii Ceelbuur oo jiilaal ku daba-dheeraaday uu ka dhigay kuwa golongolay. Qaar kale ayaa la iigu sheegay in loo daabulay degmooyinka hoos yimaada iyo dabcan caasimadda Muqdisho. Fardaha Ceelbuur waxay qeyb kale ka yihiin astaamaha lagu yaqaan magaalada. Marka laga yimaado qarniyadii hore oo farda-fuulku ahaa gaadiid looga qeybgalo dagaallada iyo fariin-sidaalka, waqtigaygii waxaan kusoo gaaray iyaga oo lagu galbiyo aroosyada; looguna mashxarado fantasiyaha iyo munaasabadaha soo dhaweynta. In farriin aan aniguba jacleysan idin kaga keeno Ceelbuur igama ahan inaan idin sido quus iyo niyad-jab. 14 cisho kaddib habeenkii aan kasoo dhaqaaqay, waxaan uga soo tagay rajo – mid kalana waan ka bartay. Markii aan eegay saha adag ee ka jira dhexdeeda iyo sida horu-socodnimada leh oo dadkeeda ku haray ay ula halgamayaan nolosha gudaheeda ka jirta waxaan kala imid niyad ah inay weli leedahay mustaqbal iyo saadaal ayaan wacan. Waxaa kale oo aan halgankoodaas ka bartay dad ahaan inay yihiin kuwo hal-adag oo aan nolosha isku dhiibin; waana midda kaliya oo Ceelbuur abidkeed lagu yiqiin. Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghaye ku xigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Jamaal Jaamac Xaamud oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadley sharci jabin uu sheegay inay ku kacday xukuumada Biixi. Xoghayaha ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ka hor timid xoriyatul qowlka, isagoona wax kala fog ku tilmaamay inay Somaliland sheegato dal dimuqraadiya, haddana ay jabiso xeerarka iyo shuruucda u dagsan. Xoghaye ku xigeen Jamaal ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada weli ka aloosan Xukuumada iyo Boqor Buurmadow, wuxuuna yiri “Waxa dal iyo dawlad lagu yahay waa sharciga iyo kala dambaynta, waxaynu nahay dal dimuqraadiyada, waxaynu leenahay Sharci, Shuruuc iyo Xeerar, ma joogno wakhtigii kali talisnimada, ee waa wax aad u kala fog inaynu dal dimuqraadiya aynu sheegano haddana la jabiyo xeerarka, sharciga, shuruucda iyo dastuurka dalka”. “Waa sharci daro in telefishadanada dalka la xidho, waa xeer jabin in saxaafadda dalka oo madax banaan la cabudhiyo, mana ah inay Xukuumadda ka hor timaado xoriyatul qawalka. Xukuumaddana waxaa looga baahan dulqaad, iyo inay dadkeeda dhagaysato, Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay dadkeeda wax u qabato oo cadaalad ugu adeegto”. Wuxuuna intaas kusii daray “Balse loogama baahna inay xadhig iyo car hadal iyo car juuq dheh ay kaga dhegto, haddii uu Boqor Buurmadaw ku baaqay inuu Shir u qabto laba beelood oo walaalo ah, may ahayn inay xadhig ugu hanjabto oo waxaan ka suurgalina ku sifeeyso”. “Boqor Buurmadaw waa mid ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka Somaliland, ee nabada iyo wada jirka umadda in badan ka shaqeeya, ee waxaa laga sheegayana waa waxba kama jiraane, Xukuumaddu waxba yaanay baqdin iyo fulaynimo ka qaadin Shirku ku baaqay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Qaar kamid ah macallimiinta saxaya imtixaanka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay bilowday sixitaanka imtixaanaadka Shahaadiga ee fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland. Sixidda Imtixaanka Form Four-ka ayaa loo xilsaaray ilaa 194 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland, iyadoo macallimiinta lagu soo xulay aqoontooda iyo qibraddooda sida ay sheegtay wasaaradda. Madaxa Qiimeynta iyo Shahaadooyinka ee xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka,islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka, isagoo sheeciyay in bisha July ee soo socota dhexdeeda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijada imtixaanka fasalka 4 aad ee dugsiyada sare. Caynsane ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaanka Form Four-ka ay Sannadkan saxayaan ilaa 194 macallimiin ah oo ka kooban 150 saxayaal ah, 32 kormeerayaal ah iyo 12 hubiyaal ah. Dhinaca kale sixidda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe ayaan weli bilaamin, iyadoo la filayo in wasaaraddu bilowdo kadib marka la shaaciyo natiijada Form Four-ka PUNTLAND POST The post Goormaa lagu dhawaaqayaa natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  15. S Dahabshiil Group Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Bandhigay Carwada Hay’adaha Maaliyadda Somaliland Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb laxaad leh ka qaadatay qabsoomidda shirka horumarinta Baannanka iyo hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland. Shirkan oo lagu lafo gurayo horumarinta hay’adaha maaliyadda oo ay barbar socoto carwo lagu soo bandhigayo adeegyada kala duwan ayay shirkadda Dahabshiil si weyn uga dhex muuqatay waxaanay soo bandhigtay adeegyo cusub. Gudoomiyaha Bangiga Caalamiga ah ee Cumar Sheekh ayaa sheegay in uu bangigu horumar samaynayay tan iyo markii la aasaasay waxaana uu yidhi “Dahabshiil Bank waxa uu Somaliland ka maalgaliyay macaamiil ku dhaw 10,000 oo macmiil, lacagta uu maalgalinta ku sameeyayna waxay ku dhawdahay ilaa $300m oo milyan oo dollar wax yarna maaha, waxa barbar socota in aanu dadka saboolka ah ee dan yarta ah kor u soo qaadno sidaas awgeed dad gaadhaya ilaa 16,000 ayaa ka faa’iidaystay mashruuca Micro-finance waxaana lagu maalgaliyay lacag kor u dhaafaysa 15 milyan oo dollar,” Sidaas ayuu yidhi Cumar Sheekh oo intaasi raaciyay in hadda Bangiga Dahabshiil ku socdaan dib u habayn guulo hor leh u horseedaysa. Fu’aad Axmed Nuur oo ka mid ah madaxda Sare ee shirkadda Dahabshiil ayaa sharraxaad ka bixiyay doorka shirkadda Dahabshiil ee carwada hay’adaha maaliyadda Somaliland “Waxaanu nahay shirkadda ugu weyn ee qabata adeegyada maaliyadda sida oo kale waxa aanu nahay shirkadaha sahlay, fududeeyay ee wax ka bixiyay shirkani in uu qabsoomo,” sidaas ayuu yidhi Fu’aad Axmed Nuur. Waxa kale oo uu sheegay in shirkaddu carwada kula wadaagtay macaamiisheeda adeegyo cusub oo wax ku ool ah “Adeegyada aanu halkan ku hayno waxa ka mid ah adeegyada Dahabshiil Bank International oo ay macaamiishayadu ka heli karaan maalgalinta oo laba nooc ah; maalgalinta ganacsiga waaweyn iyo maalgalinta ganacsiga yaryar oo laga helayo micro-finance-ka.” Waxa kale oo uu macaamiisha ugu bushaareeyay adeeg muhiim ah “Adeegyada cusub oo aanu macaamiishayada ugu bushaaraynayno waxa ka mid ah Online banking portal oo ah nidaam cusub oo u sahlaya macmiilka Dahabshiil xisaab(Akoon) ku leh in uu akoonkiisa ku maamuli karo online ahaan iyada oo la siinayo ‘user’ iyo ‘Password’ (Ciwaan & fure) dabeedna inta uu Kombuyuutarkiisa ku isticmaalo akoonka meesha uu doono Adduunka isaga oo jooga uu xisaabtiisa maamulan karayo, lacag ka diri karayo u diri karayo akoon kale, soo xawilan karayo ama eDahab ku shuban karayo.” Fu’aad ayaa sidoo kale soo bandhigay horumar uu gaadhay adeegga edahab ee ah lacagta mobile lagu isticmaalo “Waxa kale oo adeegyada aanu maanta hayno ka mid ah in aad adeegga eDahab online ahaan ugu iibsan karayso adeegyada caalamiga ah sida: tigidhka shirkadda Diyaaradaha Itoobiya(Ethiopian Airline ticket) iyo shirkado kale oo caalami ah oo marka aad iibsanayso adeegga Ethiopian Airline ticket halkii aad ka isticmaali lahayd Master Card ama Visa Card kaliya waxaad u baahan tahay in aad eDahab haysato waanad isticmaali karaysa adeegga eDahab online ahaan. Waxa kale oo aanu soo bandhignay adeegga lacag isugu diridda Mobilka (Mobile money transfer) oo qofku marka uu eDahab leeyahay xawaaladda ugu dirayo Adduunka oo dhan isaga oo isticmaalaya mobilka isaga oo isticmaalaya short code-ka *700#,” Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo golaha guurtida Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in ay Dahabshiil meelo adag kala soo dabaalatay bulshada Somaliland “Waa bangigii ugu horeeyay ee markii dhibaatada ugu weyni ina haysatay suuro geliyay in dadkii dibadda joogay dadkoodii gudaha joogay wax soo gaadhsiiyaan. Dawladi ma dhaqaaqdeen mushaharna ma jirin laakiin, Dahabshiil waa meesha ugu weyn ee ugu soo horaysay ee baahidii inaga saartay, marka aad iyo aad baan ugu mahadnaqaya rag wacan baa haysta waddamada Adduunka intooda badan wuu ka furan yahay dee Illaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho. Madaxa Suuq-geynta, saxaafadda iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Sacad Muuse Cabdi ayaa sheegay in labada cisho ee carwadu socoto ay macaamiisho adeegyo hufan iyo soo dhawayn kala kulmi doonaan shirkadda Dahabshiil, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin doorka ay shirkad ahaan ku leeyihiin shirkan horumarinta dhaqaalaha iyo carwada ah ee Dahabshiil doorka firfircoon ka ciyaarayso. Qaran News
  16. Maraykanka Ayaa Sheegay In Indhaha Dunidu Ay Ku Soo Jeedsan Doonaan Sida Ay Somaliland Iyo Soomaaliya Ula Dhaqmaan Dadkooda Iyo Hay’adaha Xuquuqda Ee Rayidka Ah By Samiir – June 22, 2019 079 Hargeysa (Geeska)- Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, oo wax laga weydiiyey dhaawaca ay muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinku u geysan karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda, ayaa sheegay in Maraykanku aaminsan yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dawlad wanaagga iyo in la oofiyo wacadka ah dhowrista dimuqraadiyadda ee loo qaadayo hoggaamiyeyaasha bulshada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada. Danjire Donald Yamamoto oo u warramay talefishanka CBA, ayaa sheegay in dhowaan Soomaaliya laga cafiyi doono deymo fara badan oo ay dawladihii hore ee Soomaalidu dunida ka deynsadeen, taas oo ay dabcan Somaliland ka mid ahayd. Waxa aanu tilmaamay in dhaafista deymahaasi ay horseedi doonto in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirtaa ay helaan deymo cusub iyo in maalgashi shisheeye oo badani yimaaddo. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in cidda deyn cusub siinaysa ama maalgashanaysaa ay marka hore eegayso dawladnimo wanaagga, iyo nidaamka dalka ka jira, isaga arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “.. waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono … Sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan. Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” Danjire Donald Yamamoto oo sheegay in uu muddo dheer ku soo dhex jiray xaaladda Soomaalida, intii aan safiirka loo magacaabinna uu marar badan hawlo shaqo ugu soo noqnoqday Somaliland iyo dawlad gobaleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa isaga oo arrimaha Somaliland ka sii hadlaya sheegay in dawlad-wanaagga loo baahan yahay uu yahay in bulshada loo abuuro hay’ado dawliya iyo fursado, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin looga baahan yahay dawlad kasta iyo sida oo kale Soomaaliya. Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in inkasta oo ay Somaliland gaarkeeda u istaagtay, haddana maadaama oo aanay weli aqoonsi diblumaasiyadeed helin, in beesha caalamku ay u aragto uun in ay ka mid tahay Soomaaliya, isaga oo taas ka duulayana uu Maraykanku u arko in Somaliland, dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad-gobaleedyadeeda Soomaaliya ay dhammaantood sameeyaan is dhexgal. Sida uu hadalka u dhigay. Danjiruhu, waxa uu intaas ku daray in isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhinacyadani ay keenayso in ay horumar ballaadhan u horseeddo Somaliland iyo Soomaaliya. Danjiraha Maraykanku waxa uu sheegay in dhowaan Soomaaliya laga dhaafi doono deyn aad u badan oo ay xukuumadihii hore ee Soomaaliya dawlado kala duwan oo adduunka ah ka soo amaahdeen, marka deyntaas la dhaafana in Somaliland iyo Soomaaliyaba ay u noqon doonto fursad ay ku noqdaan mishiinka horumarka ee gobalka, maadaama oo ay Soomaaliya heli karto deymo cusub iyo maalgashiyo caalamiya. Sida u hadalka u dhigay. Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya oo ka warramayey horumarka Dhaqaalaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay fursado haddii laga faa’iideeyo, keeni kara koboc dhaqaale oo Somaliland iyo gobalka oo dhanba anfaca, waxa aanu tusaale u soo qaatay Tamarta aan shidaalka laga dhalin (Tamarta qorraxda iyo hawada laga dhaliyo), oo uu sheegay in laga faa’iidaysan karo iyo sida oo kale horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dekedaha, garoonka diyaaradaha iyo kalluumaysiga. Ugu dambayntii Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay ku qasban yihiin in ay yeeshaan wada shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horusocod u noqdaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu rajo wanaag ka muujiyey horumarka ay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhi doonaan, haddii ay iskaashi dhaqaale yeeshaan, marka deynta laga dhaafo. “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin” Geeska Qaran News
  17. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar .Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada. Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay. Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda. Balse sida Qaramada Midoobay ay sheegtay, qalalaaso qowmiyadeed ayaa dib uga soo cusboonaaday dalkaas, taas oo keentay in 2.4 million oo qof ay barakacaan. Maxaa dhacay? Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”. Balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin xalaaddiisa. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen. Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada. Waxa uuna intaas ku daray in ay socdaan dadaallo lagu qabqabanayo. War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey. Goob jooge ku sugan Bahir Dar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in is rasaasayntu ay ugu yaraan afar saacadood qaadatay. “Markii hore waxaa u malaynaynay xaalad iska caadi ah, balse markii dambe waxaan maqalnay dhawaqa hubka culculus,” ayuu yidhi. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post AFgenbi fashilmay iyo taliyii ciidamada Ethiopia oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  18. Halkan ka daawo warbixin Somali ah wixii dhacay Qaran News
  19. Dhuusa Mareeb (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa ilaa hadda uu ka socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah oo wafdiga dowladda federaalka iyo madaxda Galmudug ka leeyihiiwn xiisada kasoo cusboonaaday Galmudug. Warku wuxuu intaa ku darayaa in kulamadii ugu horeeyay ee wafdiga ka socda dowladda iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dhacay hase ahaatee waqti badan uusan qaadan, waxaana lagu soo waramayaa in ergo gaar ah oo u tagtay Xaaf ay ku cadaadiyeen inuu iscasilo, balse uu diiday, taasoo keentay in loo balan qaado dhaqaale cadadkeeda aan helin, dhaqaalahaasi oo horay Fahad Yaasiin uu u balan qaaday Xaaf inuu siin doono hadii uu xilka baneeyo. Xaaf ayaa ku adkeysanaya in wafdiga dowladda ee Dhuusa Mareeb ku sugan u arka inay yihiin kuwo burburinaya maamulka Galmudug, waxaana jira warar been abuur ah oo baraha bulshada lasoo geliyay oo sheegayay in uu Xaaf isacasilay, taas badelkeedna qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug lagu beeniyay wararkaasi. Dhinaca kale, wafdiga dowladda ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ayaa kulamo la leh qeybaha bulshada iyo madaxda Ahlusuna, kulamadaasi oo u muuqda kuwo lagu soo afjaraayo jiritaanka xileed ee madaxweynaha Galmudug Axmed D. Geelle Xaaf. Inta uusan ogolaan Xaaf inuu la kulmö wafdiga dowladda ayaa xiisada magaalada DHuusa Mareeb aheyd mid kacsaneyd oo qarka u saaraneyd in isku dhac uu ka dhaco, kadib markii ciidamo taabacsan Xaaf oo Gaalkacyo ka yimid loo diiday inay galaan gudaha Dhuusa Mareeb, halka madaxda Ahlu Sunna ay soo jeediyeen in Xaaf uusan ka bixi karin magaalada inta xal laga gaarayo. Maalinta Isniinta ayaa la filayaa in magaalada Dhuusa Mareeb uu gaaro ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, inkastoo wax walba ay isbadali karaan. Magaalada Dhuusa Mareeb iyo guud ahaan degmooyinka Galmudug ayaa dadka ku sugan ay u dheg taagayaan xaalada kasoo kororta xiisada ka taagan Cadaado iyo go’aanka iyo tallaabada madaxweynaha Galmudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusa Mareeb caasimada@live.com
  20. Bahir Dar (Caasimada Online) – Isku day afgambi ayaa ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, sida uu goordhow shaaca ka qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ay isku dayeen in xukunka ay kala wareegaan madaxweynaha gobolka Dr. Ambachew Mekonnen, sida uu xaqiijiyey Negussu Tilahun oo ah xoghayaha warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha. Waxaa la maqlayey rasaas xooggan oo qeybo ka mid ah gobolka ka dhaceysay, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay oo aan weli la ogeyn inta uu la eg yahay. Warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa dhanka kale sheegaya in Dr. Ambachew Mekonnen uu dhaawac yahay, inkasta oo xafiiska ra’iisul wasaaraha uu sheegay in taasi aysan jirin. Si kastaba, qaar ka mid ah ilo-wareedyada ugu xooggan ee gobolka islamarkaana caanka ka ah baraha bulshada sida, Muluken Tesfaw ayaa werinaya in ay halis ku jirto nolosha madaxweyne Ambachew Mekonen islamarkaana dhaawaciisa uu yahay mid aad halis u ah. Nigussu ayaa shaaca ka qaaday in afgambiga la doonayey in xukunka loogala wareego saraakiisha maamulka amxaarada oo ah mid ka mid ah maamullada ugu awoodda badan dalka Itoobiya. Nigussu ma uusan shaacin magacyada ama cidda ay yihiin kuwa ka dambeeyey afgambiga, wuxuuna dadka gobolka degan ugu baaqan inay feejignaadaan oo ay difaacaa gobolkooda. Warbaahinta dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamada ammaanka gobolka iyo kuwa federaalka ay fashiliyeen afgambiga islamarkaana ay xaaladda iminka gacanta ku hayaan, gaar ahaan magaalada Bahir Dar ee caasimaadda gobolka Amxaarada. Waxaa sidoo kale la sheegay in gacanta lagu dhigay islamarkaana la xiray dad la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga. Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jiray xaalado iyo xiisado siyaasadeed oo kala duwan tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’isuul wasaare Abiy Ahmed. Waxaa taas dheer dagaalo iyo colaado u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas ku wada nool. Si aysan kuu dhaafin wixii kusoo kordha xaaladdan, fadlan subscribe, kadibna shido caalamadda ogeysiiska. Wararkan ayaa weli isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  21. Gunmen on Saturday attempted to overthrow a regional state government in Ethiopia, an official said.Appearing live on Ethiopian Television, Nigusu Tilahun, head of the press secretariat.... Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Tehran)-Dowlada Iiraan ayaa balan-qaaday inay ka jawaabi doonto weerar kasta oo kaga yimaada dowlada Mareykanka, kadib digniin kaga timid Donald Trump. Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Iiraan Abbas Mousavi ayaa sheegay in ayna aqbali doonin wax waliba oo xad gudub ku ah Qaranimadooda. Xiisadda u dhaxeysa Tehraan iyo Washington ayaa cirka isku shareertay kadib markii Mareykanka laga soo riday diyaarad Drone ah oo dul heehaabeysan xeebaha Iiraan. Mousavi ayaa ugu dambeyn sheegay in ayna ogolaan doonin in lagu soo xad gudbo dhulka Iiraan. Source
  23. Wafdigii xildhibaanada ahaa ee gaaray magaalada Gaalkacyo maalinimadii Jimcada, ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug. Kulanka ayaa ugu horeyn la isku warsaday u jeedada wafdiga iyo guud ahaan xaalada iyo sida looga xun yahay wixii ka dhacay Gaalkacyo, oo imaashaha wafdiga uu salka ku haayo xal ka gaarista arritaas. kulanka oo labo waji lahaa ayaa xildhibaanadu midka hore waxa ay la qaateen odayaasha dhaqanka, ayagoo si guud ugala hadlay wixii dhacay, kulanka kale ayaa waxaa wada qaatay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka maleeshiyadii dhibka geystay. Wafdiga xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ka socda ee Gaalkacyo ku sugan ayaa hor udhac waxa u ah wafdi kale oo magaalada ku soo wajahan, si xal looga gaaro dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada ee dadka rayidka ah lagu laayay. Magaalada Gaalkacyo sidoo kale waxaa la filayaa in ay gaaraan wafdi xildhibaano xaqiiqo raadin ah, kuwaas oo dhawaan uu magacaabay gudoonka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com