Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xogihii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka [...] Source
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa dhex-maray dood ka dhalatay go’aankii Kenya madax looga dhigay kooxda xiriirka caalamiga ah ee qaabilsan burcad badeedda xeebaha Soomaaliya (Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), xilli ay xiisad kala dhaxeyo Soomaaliya. Kenya ayaa hoggaamin doonta dadallada caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha si dusha loogala socdo dhaqdhaqaaqyada amniga muddo laba sano ah oo ka billaabata bisha Janaayo ee 2020. Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Farmaajo ayaa ku canaantay Cawad inuusan is hor-taagan in Kenya ay madax ka noqotay guddigan xilli labada dal uu ka dhex oogan yahay khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, haddii Soomaaliya ay diidmo ka dhan ah Kenya u gudbin lahayd hay’adda QM ee UNDOC, Kenya looma ogolaan lahayn inay madax ka noqoto kooxda Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), hase yeeshee waxaa shaqadaas gabay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Cawad uu uga aamusay arrintan. Xubnaha dowladda ee qaar ayaa aaminsan inay ahayd qalad uu wasiirka yareystay muhiimadda arrintan, halka qaar aaminsan yihiin inuu si ku talo-gal ah u sameeyey. Cawad ayaa waxaa qoyskiisa ay degan yihiin Kenya, waxaana inta badan uu u safraa Naiorbi, isaga oo xitaa aan saddex beri oo isku xigta ka badan ku sugneyn Muqdisho, taasi oo shaki abuureysa. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), taasoo laga dhuur sugayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Wararka laga helayo degmada Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmuduga ayaa sheegaya inay weli ka socdaan kulammo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka doorasho ee ka taagan Galmudug. Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa diiday inuu is-casilo, kaddib markii ay sidaas ka dalbadeen ergo si gaar ah loogu diray, sidoo kale wuxuu diiday inuu qaato dhaqaale si uu u ogolaado in doorasho ay ka dhacdo Galmudug. Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Somalia ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan Geelle iyo xubnaha ku fikirka ah in doorasho ay dhacdo bisha soo socota, si loo helo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, balse weli waa la is-mari la’yahay. Sidoo kale, Madaxweyaha Galmudug ayaa sheegay in wafdiga Dowladdu ay u dirtay Dhuusa-mareeb ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Galmudug oo uu sheegay in haddii aan la joojin fara-gelinta ay dhici karto ina dhacaan dhibaatooyin saameyn kara gobolka oo dhan. Ciidamo taabacsan Xaaf ayaa ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee madaxweyne Xaaf, waxaana jirta cabsi laga qabo in Dhuusa-mareeb uu ka dhaco dagaal haddii la isku af-garan waayo wadahadallada socda. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo horay DF ugu biiray ayaa waxay kulammo gooni-gooni ah la leeyihiin wafdiga ka socda Dowladda Somalia, inkastoo aanay weli kulammadaas kasoo bixi qodobbo ay labadaan dhinac ay isla garteen. Xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada la doonayo in looga dhaadhiciyo mas’uuliyiinta maamulkaas inay doorasho ka dhaco Galmudug. Ugu dambeyn, Maamulka Galmuduga ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday muranno ku aaddan dhanka maamulka, waxaana kooxda Ahlusunna ay ugu biireen kooxdaas heshiis ka dhacay Jabuuti, laakiinse weli waxay u muuqdaan kuwo budadoodu ay gaar ugu tuman tahay. PUNTLAND POST The post XAAF oo diiday inuu is-casilo iyo Wadahadallo weli ka socda Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  4. ISTANBUL (AP) — Standing on a white campaign bus heading into Sunday’s repeat election, Istanbul mayoral candidate Ekrem Imamoglu shouted to ecstatic supporters in a hoarse voice: “Never bow your heads. We are right and we’ll win.” Source: Hiiraan Online
  5. Ruling military generals and protest leaders have been wrangling over the make-up of a transitional government. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Danab ee xoogga dalka ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Si gaar ah, ciidamadan ayaa la sheegay in beeraha ku yaalla Jannaale ay galeen, kadibna kasoo qabteen 12 qof oo ka shaqeynayey beerahaasi. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanku ay sii daayeen 2 ka mid ah dadkaasi, balse 10-kii kale aan la ogeyn halka ay la aadeen. Dadka ay ciidanku xireen waxaa ku jira dad waayeello ah, lamana oga halka ay ciidanku dadkan geeyeen iyo sidoo kale waxa ay ku eedeynayaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay askar badan ku dileen laba weerar oo ay degaanno ka tirsan gobolka Baay kula beegsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Sooomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka hore oo qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jiray ay dagaal-yahannadoodu ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey degaanka Mooda-mooda oo u dhexeeya degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay. Weerarkaasi ayaa sida Al-shabaab sheegtay ay ku dishay 10 askari halka ay ku dhaawacday 7 askari oo kale kuwaasi oo uu ku jiro nin taliye ah oo lagu magacaabo Axmed Dheere. Weerarka labaad oo ayaa Al-shabaab sheegtay in malayshiyaadkoodu ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga degmada Buurhakaba waxaana ay halkaasi ku dileen 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya sida ay qoraalka ku sheegeen. Balse ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay khasaaraha intaasi le’eg u geysatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka hawlgala degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegay in ay askar badan ku laayeen gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
  8. Gunfire reported in Addis Ababa as well as Bahir Dar, regional city where armed group reportedly tried to seize power Source: Hiiraan Online
  9. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa weli ka soconaya kulamo kala duwan oo u dhaxeeya wefdiga dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna. Weli kulamadan wax natiijo ah lagama soo sheegin, balse sidey inoo xaqiijiyeen ilo aynu ku kalsoonnahay, waxay marayaan meel wanaagsan, Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa weli diiddan la kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdiga la socda. Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, iyadoo deegaannada Galmudug aad loo hadalhayo kulamadan ka socda Dhuusamareeb. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, Jen. Seare Mekonnen kaddib isku-day afgambi oo ka dhacay magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada Itoobiya. Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta la dilay uu sidoo kale ku jiro madaxweynihii is-maamulka Amxaarada dalka Itoobiya, Ambachew Mekonen waxaana la sheegay in xubnahan la dilay xilli ay shirk u jireen. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kooxaha weerarkan geystay ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku raad-joogaan kuwii ka dambeeyay isku–daygan afgambi ee fashilmay. “Kooxo qas-wadayaal ah ayaa dhibaatada ka dambeeyay, dad badan ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana socda isku-day lagu doonayo in lagu soo qabqabto kooxihii ka dambeeyay weerarka iyo kuwii soo abaabulay,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo shacabka dalkaas kala hadlay telefishinka. Goobjoogayaal ku sugan gobolka Amxaarada ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay muddo saacado ah, isla markaana la gubay dhismayaal, waxayna ku dareen intaas in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan. “Xaalad caadi ah ayaa markii hore u qaadannay, balse markii dambe ayaan ogaannay in dagaal uu dhacay, waxaana maqlaynay rasaas culus oo muddo saacado ah socotay, inkastoo markii dambe ay iskeed u joogsatay,” ayuu ku yiri warbixin uu warbaahinta siinayay ruux goobjooge ah. Aaladda Internet-ka ayaa laga jaray Itoobiya oo dhan, waxaana sidoo kale la sheegay in rasaas laga maqlay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, taasoo la sheegay inay ridayeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan weli. Dhanka kale, warbixin wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay saakay ayaa lagu sheegay inay la socdeen rasaas culus oo xalay oo dhan ka dhacaysay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, laakiinse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay wasaaraddu bixisay. Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in dhibaatadan uu ka dameeyay mid ka mid ah xubnihii sirdoonka Itoobiya oo uu xabsiga kasii daayay RW Abiy Ahmed markii uu xukunka qabsaday, kaasoo aan la ogeyn illaa hadda halka uu ku dambeeyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ku saabsan Af-gambi fashilmay ee ka dhacay Is-maamulka Amxaarada, Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  11. Havana, June 22 (Prensa Latina) Cuban President, Miguel Diaz-Canel, tweeted on Saturday that he spoke with his counterparts in Kenya and Somalia about the case of the two Cuban doctors kidnapped in Africa. Source: Hiiraan Online
  12. Windows 10 has enough problems to deal with right now. But Microsoft’s partners just made things a lot worse. Source: Hiiraan Online
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya afgambi dhicisoobay oo ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi ayaa waxaa lagu toogtay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen iyo saraakiil kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guud ahaan la jaray qadka isgaarsiinta iyo Internetka ee dalka Itoobiya. War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa looga hadlay afgambigaas iyo shaqaaqooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi. Qoraalka uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn lagu cambaareeyay afgambiga dhicisoobay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya. Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag. Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya. Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  14. Tel Aviv (Caasimada Online) – Wargeyska Middle East Eye ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa qoray Maanta oo Sabti ah in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga uu booqasho ku tagi doono Israa’iil dhammaadka asbucaan bilowga ah. Wargeyska ayaa sheegay in Mas’uulkaan uu asbuucaan dhamaadkiisa tagi doono Tel Aviv-si uu Maamulka Israa’iil ugala hadlo inay weerar duqeyn ah ku qaado Dalka Iiraan. Inkastoo uusan wargeyska Sheegin magaca Mas’uulkaan haddana shakhsigii ugu dambeeyey ee hoggaamiyaha u ahaa Sirdoonka Sacuudiga ayaa lagu magacaa Khalid AL-Xamiidaani. Wargeyskaan ayaa caddeeyey in booqashadaan ay kusoo aadeyso xilli Dowladda Sacuudiga ay laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan inay xulafadeeda ku qanciso weerar lagu qaado Iiran kadib markii Washington ay sheegtay inay joojisay duqeyn ay rabtay in lagu qaado Iiraan. Wargeyskaan ayaa sidoo kale xusay in Madaxa Sirdoonka Sacuudiga oo uu la socday Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Caadil AL-Jubeyr ay booqdeyn Lodon iyagoo Ingiriiska ka codsaday in Iiraan la duqeeyo balse waxaa la xaqiijiyey inay Dowladda Ingriiiska diiday. Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay Shalay inuu joojiyey duqeyn ka dhan ah Iiraan wax yar kadib markii ay Diyaaradaha Mareykanka bilaabeyn inay fuliyaan amarkaan, isagoo sheegay inay duqeyntaas ugu yaraan ku dhiman lahaayeen 150 oo u dhashay Iiraan . Sanadkii 2018 ee lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay kulamo iyo booqasho badan oo dhex maray Israa’iil iyo Sacuudiga. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa ku jiro maalmihii ugu fiicnaa taariikhda, waxayna Israa’iil sheegtay inuu Sacuudiga kala dhaxeeyo xiriir fiican oo ku saleysan in la is dhaafsado macluumaadka Sirdoonka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  15. WASHINGTON (AP) — The Trump administration on Saturday unveiled a $50 billion Palestinian investment and infrastructure proposal intended to be the economic engine to power its much-anticipated but still unreleased “deal of the century” Middle East peace plan. Source: Hiiraan Online
  16. The United State of America embassy in Ethiopia has issued a security alert following reports of gunfire in Addis Ababa, the country’s capital. Source: Hiiraan Online
  17. Governments of Ethiopia and Djibouti will work to increase their economic ties and cultural exchanges, according to a statement from the Prime Minister''s Office released Saturday in Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  18. Security forces in Kenya killed three suspected militants from Somalia’s Islamist group al Shabaab after they attacked a police outpost in Garissa county near the border, police said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. Shirkadda Telesom oo Wacdaro Ka Dhigtay Shirweynaha Baananka iyo Hay’addaha Maaliyadda Somaliland Waxaa maanta magaaladda Hargeysa gaar ahaanna huteel Maansoor lagu qabtay shirweyne si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Telesom Group ayaa ku soo bandhigtay adeegyo casri oo la xidhiidha arrimaha maaliyadda. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddoodaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo keliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda u sheegay inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshada ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan kadib xusay inay sharaf u tahay Telesom group inay kasoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland. C/wahab Maax ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo-abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland. Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa. Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya. Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Halkan ka Daawo warkaas oo faahfaahsan+Sawirro:- Qaran News
  20. Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa hoos yimaada maamul goboleedyo uu dalka leeyahay kuwaa oo sameeysmay xili baahi badan loo qabay, waxaana loo arkay inuu yahay mid ay Soomaali ku dagi karto kuna heshiineyso. Dowladda ay hogaanka u wada hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa kale ayaa u baryay markii maamul goboleedyada dalka ay sameesteen iskaashi u gaar ah oo ay kaga soo horjeedaan xiriirka dowladda Dhexe balse dadaal uu ku baxay Qarash, dhiig ayey ku kala dirtay midowgaasi oo ahaa mid dhamaan maamulada isku heysteen. Madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xukunka iska casilay markii cadaadis xoogan uu kala kulmay dowladda Dhexe waxaana lagu qanciyay dhowr Malyan oo uu qaatay. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo kamid ahaa Golaha waxaa la soo wareegtay dowladda kadib Isfahan dhexmaray isaga iyo madaxda dalka ilaa hadana wey isla heystaan. Koofur Galbeed waxaa hogaamiya Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen waa musharax ay dowladda dhexe ku bixisay dhaqaale badan si uu u guuleysto, waxaana ku dhintay dad shacab ah khalalaaso ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow ee dowladda kula kacday kaa oo ahaa musharaxa ugu cad cad doorashadii Koofur Galbeed. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynihii Puntland ee doorashada looga adkaaday wuu diiday wadahadal sidoo kalena wuxuu amray in deeganada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda dhexe intii lagu guda jiray doorashadii uu ku soo baxay Saciid Dani, ujeedka amarka ayaa ahaa in uu waayo Taageero dhaqaale musharaxa ay wadatay dowladda oo Puntland ay la rabtay, amarkaas ayaana fulay. Hadda waxaa socda dadaaladii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe kursiga kaga tuureysa Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo ah madaxweynaha Galmudug, wasiirka arrimaha Gudaha oo ku sugan Dhuusomareeb wuxuu kala jabiyay Galmudug, Ahlu Sunna ayey hadda dowladda federalka heshiis la gashay, waxaa fudud in la jebiyo maamulka Xaaf waqti xaadirkaan. Maxey dowladda uga adkaan la’dahay Puntland iyo Jubbaland? Waa marqaati madoonto in dowladda dhexe ay siyaasadeeda ka hergeliso maamulada Puntland iyo Jubbaland. Doorashada lawada sugayo ee Jubblanad waxaa iska cad in saameyn badan aysan ku lahaan karin dowladda sidaasna uu ku soo laaban doono Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe). Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa si adag ugu jees jeesaya dowladda Dhexe, wuxuuna sheegay in wax wada shaqeyn ah uusan kaga baahneyn,waxaana uu socdaal ku tagay wadamada Itoobiya, Shiinaha iyo Imaaradka waxaana uu heshiis la galay shirkado kala duwan. Ma muuqato meel ay dowladda dhexe ka qasi karto Puntland oo ah maamul adag oo dhameystiran, sidaas si lamid ah Jubblanad ma carqaladeyn karto dowladda Dehxe ee waa maxay sirta ku hoos doogan. Dadka waayo jooga ah ayaa aaminsan inuu Farmaajo gacan bir ah ku qabanayo Beelaha Hawiyaha iyo digil iyo Mirifle, isagoo awoodda maamul siinaya Daarood, waxaana ilo xog ogoaal ah sheegayaan in heshiis hoose uu kawada dhexeeyo Farmaajo, Saciid Dani iyo Axmad Madoobe si xiliga doorashada uu afgambi ugu qabsado dalka madaxweyne Farmaajo, isagoo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan u wiiqaya beelaha Mogadishu Clan. Waxaa xusid mudan in Beelaha Mogadishu Clan ay baraarugi doonaan marka Axmad Madoobe uu xukunka ku soo laabto, taa oo banaanka keeneysa qorshaha qarsoon ee dowladda dhexe. Dowladda hadda jirta ayaa sameysay dhowr arrimo oo lama ilaawaan ah si siyaasadda kaligiistalinimada ah u hirgasho wuxuuna iska wareejiyay shaqsi walba oo ka hor imaan kara waxaana kamid ah: iney xilka ka qaado Duqii Hore ee Muqdisjo Taabit Cabdi Maxamed oo siyaasad ahaan iyo maamul ahaan iska hor yimaadeen Nabad iyo Nolol. Iscasilaadii waqtiga dheer qaadatay ee Gudomiyihii Golaha Shacab Max’med Sheikh Cismaan Jawar, weraarkii iyo dhawicii gurigiisa lagu qaaday Hogamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdi Shukur warsame si loo cabsi geliyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda dowladda oo caburun weyn lagu hayo ila imika. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Abdiaziz Loyal abdiazizh99@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Somali and UN agencies on Saturday started a week-long immunization campaign, using oral cholera vaccines in high-risk districts to prevent recurring cholera outbreaks in the country. Source: Hiiraan Online
  22. Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC) ayaa qorshaynaya in ay dhammaantood is wada-casilaaan sida ay ilo’ xog-ogaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post. Guddiga ayaa shalay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni balse ma jirin wax wax natiijo kulankaasi ka soo baxay oo warbaahinta lala wadaagay marka laga reebo wararka hoose ee sheegaya in haatan guddigu ay doonayaan in ay is wada-casilaan. Lama oga weli sababta rasmigaa ee keentay in ay is casilaan guddiga iyadoo dhowaan xukuumadda Puntland sheegtay in la dardar gelinayo nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland islamarkaana degmoooyin ka tirsanPuntland si tijaabo ah looga qaban doono doorashooyin qof iyo cod ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in uu soo magacaabo guddi cusub oo hawsha meeshii ka sii wada kadib markii ay is casilaan guddiga. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo is wada-casilaya appeared first on Puntland Post.
  23. 4 sanno kaddib waxaan socdaal ugu anba-baxay magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, bartamaha Gobalka Galgaduud. Habeen sii dhammaanaya oo lagu jiro bil Ramadaan ayaa dhex joogsaday kaddib safar qaatay 18 saacadood oo xiriir oo aan kaga nimid Xamar. Imaanshahaygu wuxuu natiijo ka ahaa hilow iyo buseyl igu sii daba-dheeraaday oo aan u qaaday magaaladii aan kusoo indha-qaaday taniyo carruurnimadayda. Markii iigu danbeysay halkan, sannadkii 2005 waxaan usoo raacay hooyaday oo aan usoo wehliyay booqasho ay ugu timid ayeeyadeed. Saddex bilood oo aan halkaas kula qaatay, wuxuu ahaa xusuustii iigu danbeysay oo maskaxdayda ku sawirneyd. Hayeeshe, muuqaal aad uga duwan midkaas ayaan ugu tagay kaas oo runtii daraeenkeyga ku reebay uurxumo iyo lahan qarsoon. Taariikhda fog oo ay leedahay Ceelbuur marwalba ma aheyn sheekada qura ee laga tebiyo. Dabcanna, dadka ku noolna ma ahan kuwa qura ee dhaxalkeeda lagu halqabsan karo. Jeedaalinta tirada magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee jiray dowladnimadeenna kahor kuwaas oo waqtigii gumeysi lagu yiqiin Kacaanka gobannimo-u-dirirka, tani waa mid kamid ah magaalooyinkaas kuwaas oo door weyn ku lahaa yagleelka duni cusub oo Soomaalidu leedahay. Degaan quruxsanaanta iyo ilbaxnimada dadeed ee qarniyo badan kasoo jirtay geeddi-socodkeeda nololeed, waxay Ceelbuur geyeysiiday astaan iyo amaan goonni ah. Waxaa intaas dheer, kheyraadka dabiiciga ee sida gaarka ah looga helo dhexdeeda ayaa siisay micno gaar ah. Waxaase dhinacaas fiican hadiyo jeer barbar-socon jiray dhinac madow oo magaaladani waaya’arag ku tahay. Dhicistii Xukunka Siyaad Barre, Ceelbuur waxay kamid aheyd meelaha sida aadka ah loogu diriray. Waxaana ka dhacay dagaal sokeeye oo sannado badan magaalada ka dhigay geyi laga hayaamay. In yar kaddib markii laga heshiiyay wixii dhacay, noloshu waxay kusoo laabmatay sidii lagu yiqiiin. Reer magaalkii beled ku noolka ahaa ee yiqiin sida nabadda loogu caana-maalana, waxay u noqotay fursad ay dib ugu dhisaan. Daba-yaaqadii 90-meeyada, oo ah halka ay ka bilaabato noloshayda Ceelbuur, waa markii ay ugu qurux iyo qaayo badneyd. Waxayna dhab u laheyd milgadii lagu yiqiin. Laakiin, maanta halkan waxa ka jira uma dhawa wixii ka jiray 20 sanno kahor markii aan ku dhex ciyaari jiray daafaheeda. Noloshuna uma sahlana sidii hore. Kala-bar dadkii lagu yiqiin magaalada waxay u kala qeybsameen qabri iyo qurbo. Faras-magaalkeedii mashquulka badnaa, wuxuu noqday mid qaawan. Cidladu waa wehelka qura oo aad kula dhex socon karto gudaheeda. Guryaha qaar waxay u dhammaadeen oogada dhulka; dhirtuna waxay la dhimatay oon iyo arag la’aan. Dugsiyadii wax-barashada iyo xarumihii lagu dhisay iskaa-wax-u-qabso ee danta guud loogu adeegi jiray waxay u taagan yihiin xusuus ahaan. Xeradii Shiinaha, Buundooyinkii magaalada, Shirkolihii kubadda lagu ciyaari jiray, Xaruntii Daawad ee fiyaalaha aheyd, Xerada Shiikh Maxamed Faarax iyo dugsigii dhexe ee magaalada ayaa gebigood noqday kuwo dayac u dumay ama dano kale lagu qabsaday. Mid walba oo goobahan kamid ah waxay waqti-carruurnimadaydii u lahaayeen ahmiyad madadaalo iyo mid wax-barasho. Balse waxaan ag-marayaa anigoo ka ciishoon il-xumida gaartay. Marwalba oo xusuusta iyo xaaladda taagan ay iskugu kay tagaan, waxaan si naxariis leh ugu eegay fiiro gacaltooyo. Mana isku dayin inaan celiyo ilmada igu soo istaagta. Waxaase aan dhab u ilmeeyey markii aan dul imid Minjirkii aan ku dabaalan jiray kaas oo noqday haro lagu qubo odxaha iyo ragaadka oo aan ku habbooneyn dabaasha. Dabaashu, si kale marka loo dhigo, waxay qeyb ka aheyd isha madadaalada ugu weyn oo carruurta Ceelbuur ka helaan farxadda iyo reynreynta. Marwalba oo roobab mahiigaan ahi ay ka curtaan, la yaab malaheyn in gal-biyoodyadeeda buundooyinka, barkadaha, balliyada, iyo dabcan Minjirka dabaal la iskugu yimaado. Dukaamadii ganacsiga iyo suuq-yarihii la iskugu imaan jiray aroor walba, ayaan u cammirneyn sidii hore. Maqaayadihii waaweynaa ee laga cunneyn jiray ayaa sidoo kale albaadada iskugu laaban. Kasakow gacan-ku-heynta al-Shabaab ee magaalada, Ceelbuur waxay soo martay sannado adag oo qabsashadii Ciidamad Itoobiyaanka ay ugu darneyd. Kahor waqtigaas, dhismaha iyo dheeha ka muuqda magaalada wuxuu ahaa mid lagu dhaaya-tiirsado. Markii ay isaga baxayeen magaalada laba sanno kahor, gees walba waxaa ka dhashay geed Yuhuud dhirta inteeda kale ka mamnuucay inay ka ag baxaan. Xittaa geed tallaaladii waaweynaa ee Buundada labaad ee soo aada Ceel-riig ka taagnaa wuxuu ka dhigay kuwo qalalan. Ceel-riig, laf ahaantiisa, oo ah midka ugu weyn ee magaalada siiya biyo-ku-filan aan daqiiqadna ka go’in, waa kan u suura-geliyay in dhexdeeda lagu macaasho. Waxaana lagu dadaalay in hadiyo jeer lasii horumariyo. Doofaarradii aan ku dhex bursan jirnay dooxada magaalada ayaan u joogin sidii hore. Dameerihii aanu badri-jirnay oo – in badan iyaga oo ku bedertamaya – ay ku jabeen ayaan u muuqan sidii lagu yiqiin. Nasiib-wanaag, Gamaanka kaliya ee halkan ku nabad-galay ayaa ah fardaha. Hareeraha Ceelka Yuusuf Xeyle waxaan ugu tagay fardihii Ceelbuur oo jiilaal ku daba-dheeraaday uu ka dhigay kuwa golongolay. Qaar kale ayaa la iigu sheegay in loo daabulay degmooyinka hoos yimaada iyo dabcan caasimadda Muqdisho. Fardaha Ceelbuur waxay qeyb kale ka yihiin astaamaha lagu yaqaan magaalada. Marka laga yimaado qarniyadii hore oo farda-fuulku ahaa gaadiid looga qeybgalo dagaallada iyo fariin-sidaalka, waqtigaygii waxaan kusoo gaaray iyaga oo lagu galbiyo aroosyada; looguna mashxarado fantasiyaha iyo munaasabadaha soo dhaweynta. In farriin aan aniguba jacleysan idin kaga keeno Ceelbuur igama ahan inaan idin sido quus iyo niyad-jab. 14 cisho kaddib habeenkii aan kasoo dhaqaaqay, waxaan uga soo tagay rajo – mid kalana waan ka bartay. Markii aan eegay saha adag ee ka jira dhexdeeda iyo sida horu-socodnimada leh oo dadkeeda ku haray ay ula halgamayaan nolosha gudaheeda ka jirta waxaan kala imid niyad ah inay weli leedahay mustaqbal iyo saadaal ayaan wacan. Waxaa kale oo aan halgankoodaas ka bartay dad ahaan inay yihiin kuwo hal-adag oo aan nolosha isku dhiibin; waana midda kaliya oo Ceelbuur abidkeed lagu yiqiin. Qore: Zakariya Xasan Maxamed. Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.