Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,744
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu noqon doono saaxiibka ugu wanaagsan ee dalka Iiraan. Trump ayaa tilmaamay in saaxiibnimaadan ay ku xidhan tahay oo kaliya marka uu dalkaan joojiyo dadaalada uu ku hormarinayo hubka wax gumaada ee Nuclear-ka. Hogaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay bil ka hor in ay hormarinayaan hubkooda maadama Mareykanka uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen 2015-kii Tehraan. Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay afaafka hore ee aqalka cad ayaa wuxuu sheegay hadii ay Iiraan garato arintaan ay raali galin doonto Mareykanka. Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ku dhaleeceyay Trump cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo ay sheegeen dal doonayo Nabada. Source
  2. (SLT-Bahar Dar)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Isku day afgambi oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya, kaddib markii ay Ciidamo Hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaas. Rasaas ayaa laga maqlay magaalada Bahar Dar, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada iyo Kooxo Hubeysan oo waday afgambiga. Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Negusu Tilahun ayaa u sheegay Telefishinka Qaranka in isku day afgambi guuldareystay uu ka dhacay magaalada Bahar Dar. Waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay afgambiga, inkastoo aanay weli caddeyn cida ka dmabeysa, mana jirin koox sheegatay isku dayga afgambiga. Dad kala duwan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rasaas culus laga maqlay saacado magaalada Bahar Dar, xaaladana waxay aheyd mid kacsan oo aan kala cadeyn sida wax u socdeen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu dhaawac ku soo gaadhay rasaasta, halka warar kalena sheegayaan in dhaawacu u dhintay, weli wararkaas ma cada, waxaana baraha Twitter-ka lagu qoray in Taliyaha uu geeriyooday. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmayay caqabado kaga imaanaya siyaasadda gudaha ee dalkaas, gaar ahaan nidaamkii hore talada u hayay ee TPLF. Source
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in howlgallo iyo dhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Deegaankan oo muddo ay ka talinayeen Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo abaabuli jireen inta badan weerarada ay fuliyaan. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay. Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyaya howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya, waxaana shalay Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  4. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada. Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa. Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xiriira digniin in rasaas laga maqlay Adis. Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’doon uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynuhu u go’doonsan yahay dad uu ku sheegay in ay ballantii uga baxeen, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Snna Waljamaaca. Waxa kale uu tilmaamay in aysan nabad aheyn Dhuusamareeb, islamarkaana ay xoog ku soo furan doonaan Madaxweyne Xaaf. Shirwac oo hoggaaminayo ciidamo haatan ku sugan duleedka Dhuusamareeb ayaa xusay in ay awood u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaalada, islamarkaana ay soo badbaadiyaan Madaxweynahooda, sida uu hadaka u dhigay. Jahwareer iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Galmudug, taas oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi oo ay dowladdu sheegtay in la qaban doono bisha July ee soo socota. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in kulamo isdaba joog ay weli ka socdaan halkaasi. Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka jira, inkastoo weli uusan ka qeyb galin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Shirwac.mp3
  6. Guuda ahaan dhulka Soomaalida saaka waxaa laga hadal hayaa kufsi wadareed ay tiro haween ah magaalada Hargaysa ugu geysteen mid kamid ah ragga ku sugan [...] Source
  7. Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa muuqaal uu soo duubay si adag uga jawaabay, hadal ka soo yeeray jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden, oo sheegtay in degmadaasi ay ka tirsantahay dowlad goboleedka Galmudug. Taliye Gacayte, ayaa siyaasiyiinta Galmudug digniin ku siiyay, in ay ka waantoobaan sheegashadooda degmada Towfiiq oo ka tirsan dhulka dowladda Puntland, isagoo ku hanjabay in guryahooda la isku’ wareysan doono, haddii aysan joojin daan-daansiga ay ka wadaan xuduudaha Puntland. G/sare Maxamed Maxamuud Gacayte, ayaa sheegay in aysan dulqaad dambe u yeelan doonin, carqadda iyo daan-daansiga siyaasiyiinta Galmudug ku hayaan degmada Towfiiq, iyo sheegashadooda ku aaddan in ay leeyihiin degmada, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii ka yimaada ay Galmudug yeelan doonto. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli dhowaan siyaasiyiin iyo qurba-joog u dhashay Galmudug ay warbaahinta ka sheegeen, in degmada Towfiiq ay ka tirsantahay degaannada dowlad goboleedka Galmudug, hadalkaasi oo muran iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo sheegay in gudaha Galmudug la isku waraysan doono appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan (Xaad) oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan deegaanada maamulka Galmudug. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo dadallada nabadeed ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in si deg deg ah xal looga gaaro arrimahaasi, si loo badbaadiyo maamulka iyo shacabka Galmudug. DFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kulamo xal loogu raadinaya Galmudug haatan ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa ka warbixiyay heshiisyo xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Shidaalka. Ugu horreyn wasiir Hilaal ayaa beeniyay in heshiisyada la galay ay qeexayaan in la sameeyo sahmin cusub iyo soo saarida xermooyin Shidaal. Wasiir ku xigeenka W/ macdanta iyo batroolka ayaa tilmaamay in hehsiisyadan kaliya ay ku aadan yihiin dhameystirka heshiisyo AY horay u gashay dowladdiI dhexe ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay XFS ay heshiisyo dhinaca shidaalka ay la saxiixatay labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Mareykanka iyo Holand. View the full article
  10. owhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka degmada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa Tuulooyin galbeedka ka xiga magaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xiisadani ay salka ku heyso arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelo wada daga deegaanada gobolkaasi. View the full article
  11. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-230619.mp3 View the full article
  12. Baydhabo (Caasimada Online ) – War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro iyo qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa bogagooda ku baahiyay in weerarka koowaad uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolkaasi. Qoraalkan ayey ku sheegeen in halkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed, kuna dhaawaceen 7 kale. Askarta geeriyootay oo la socotay gaari Cabdi Bile ah ayey tilmaameen in uu ku jiray taliyihii ciidamada deegaanka Daynuunaay oo ay magaciisa ku soo koobeen Axmed Dheere. Dhinaca kale weerararka labaad oo jidgal ahaa ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaha ee gobolka Baay, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in ay ku dileen illaa saddex askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamuka Baydhabo oo ku aadan weeraradaasi. Inta badan Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  13. Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa saaka go’aan ka gaaraysa eedaymaha loo haysto xukumanayaasha dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan oo xukunka horay rafcaan uga [...] Source
  14. Xogihii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka [...] Source
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa dhex-maray dood ka dhalatay go’aankii Kenya madax looga dhigay kooxda xiriirka caalamiga ah ee qaabilsan burcad badeedda xeebaha Soomaaliya (Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), xilli ay xiisad kala dhaxeyo Soomaaliya. Kenya ayaa hoggaamin doonta dadallada caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha si dusha loogala socdo dhaqdhaqaaqyada amniga muddo laba sano ah oo ka billaabata bisha Janaayo ee 2020. Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Farmaajo ayaa ku canaantay Cawad inuusan is hor-taagan in Kenya ay madax ka noqotay guddigan xilli labada dal uu ka dhex oogan yahay khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, haddii Soomaaliya ay diidmo ka dhan ah Kenya u gudbin lahayd hay’adda QM ee UNDOC, Kenya looma ogolaan lahayn inay madax ka noqoto kooxda Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), hase yeeshee waxaa shaqadaas gabay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Cawad uu uga aamusay arrintan. Xubnaha dowladda ee qaar ayaa aaminsan inay ahayd qalad uu wasiirka yareystay muhiimadda arrintan, halka qaar aaminsan yihiin inuu si ku talo-gal ah u sameeyey. Cawad ayaa waxaa qoyskiisa ay degan yihiin Kenya, waxaana inta badan uu u safraa Naiorbi, isaga oo xitaa aan saddex beri oo isku xigta ka badan ku sugneyn Muqdisho, taasi oo shaki abuureysa. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), taasoo laga dhuur sugayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  16. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Wararka laga helayo degmada Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmuduga ayaa sheegaya inay weli ka socdaan kulammo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka doorasho ee ka taagan Galmudug. Madaxweynaha maamulkaas, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] ayaa diiday inuu is-casilo, kaddib markii ay sidaas ka dalbadeen ergo si gaar ah loogu diray, sidoo kale wuxuu diiday inuu qaato dhaqaale si uu u ogolaado in doorasho ay ka dhacdo Galmudug. Xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Somalia ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan Geelle iyo xubnaha ku fikirka ah in doorasho ay dhacdo bisha soo socota, si loo helo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, balse weli waa la is-mari la’yahay. Sidoo kale, Madaxweyaha Galmudug ayaa sheegay in wafdiga Dowladdu ay u dirtay Dhuusa-mareeb ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Galmudug oo uu sheegay in haddii aan la joojin fara-gelinta ay dhici karto ina dhacaan dhibaatooyin saameyn kara gobolka oo dhan. Ciidamo taabacsan Xaaf ayaa ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb, kuwaas oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee madaxweyne Xaaf, waxaana jirta cabsi laga qabo in Dhuusa-mareeb uu ka dhaco dagaal haddii la isku af-garan waayo wadahadallada socda. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca oo horay DF ugu biiray ayaa waxay kulammo gooni-gooni ah la leeyihiin wafdiga ka socda Dowladda Somalia, inkastoo aanay weli kulammadaas kasoo bixi qodobbo ay labadaan dhinac ay isla garteen. Xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho lagu soo xulanayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada la doonayo in looga dhaadhiciyo mas’uuliyiinta maamulkaas inay doorasho ka dhaco Galmudug. Ugu dambeyn, Maamulka Galmuduga ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa ka socday muranno ku aaddan dhanka maamulka, waxaana kooxda Ahlusunna ay ugu biireen kooxdaas heshiis ka dhacay Jabuuti, laakiinse weli waxay u muuqdaan kuwo budadoodu ay gaar ugu tuman tahay. PUNTLAND POST The post XAAF oo diiday inuu is-casilo iyo Wadahadallo weli ka socda Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  17. ISTANBUL (AP) — Standing on a white campaign bus heading into Sunday’s repeat election, Istanbul mayoral candidate Ekrem Imamoglu shouted to ecstatic supporters in a hoarse voice: “Never bow your heads. We are right and we’ll win.” Source: Hiiraan Online
  18. Ruling military generals and protest leaders have been wrangling over the make-up of a transitional government. Source: Hiiraan Online
  19. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Danab ee xoogga dalka ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Si gaar ah, ciidamadan ayaa la sheegay in beeraha ku yaalla Jannaale ay galeen, kadibna kasoo qabteen 12 qof oo ka shaqeynayey beerahaasi. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanku ay sii daayeen 2 ka mid ah dadkaasi, balse 10-kii kale aan la ogeyn halka ay la aadeen. Dadka ay ciidanku xireen waxaa ku jira dad waayeello ah, lamana oga halka ay ciidanku dadkan geeyeen iyo sidoo kale waxa ay ku eedeynayaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay askar badan ku dileen laba weerar oo ay degaanno ka tirsan gobolka Baay kula beegsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Sooomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka hore oo qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jiray ay dagaal-yahannadoodu ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey degaanka Mooda-mooda oo u dhexeeya degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay. Weerarkaasi ayaa sida Al-shabaab sheegtay ay ku dishay 10 askari halka ay ku dhaawacday 7 askari oo kale kuwaasi oo uu ku jiro nin taliye ah oo lagu magacaabo Axmed Dheere. Weerarka labaad oo ayaa Al-shabaab sheegtay in malayshiyaadkoodu ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga degmada Buurhakaba waxaana ay halkaasi ku dileen 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya sida ay qoraalka ku sheegeen. Balse ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan in ay khasaaraha intaasi le’eg u geysatay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka hawlgala degaannadaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegay in ay askar badan ku laayeen gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
  21. Gunfire reported in Addis Ababa as well as Bahir Dar, regional city where armed group reportedly tried to seize power Source: Hiiraan Online
  22. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa weli ka soconaya kulamo kala duwan oo u dhaxeeya wefdiga dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna. Weli kulamadan wax natiijo ah lagama soo sheegin, balse sidey inoo xaqiijiyeen ilo aynu ku kalsoonnahay, waxay marayaan meel wanaagsan, Dhanka kale, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa weli diiddan la kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdiga la socda. Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, iyadoo deegaannada Galmudug aad loo hadalhayo kulamadan ka socda Dhuusamareeb. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, Jen. Seare Mekonnen kaddib isku-day afgambi oo ka dhacay magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada Itoobiya. Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta la dilay uu sidoo kale ku jiro madaxweynihii is-maamulka Amxaarada dalka Itoobiya, Ambachew Mekonen waxaana la sheegay in xubnahan la dilay xilli ay shirk u jireen. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kooxaha weerarkan geystay ku tilmaamay kuwo qas-wadayaal ah, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku raad-joogaan kuwii ka dambeeyay isku–daygan afgambi ee fashilmay. “Kooxo qas-wadayaal ah ayaa dhibaatada ka dambeeyay, dad badan ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana socda isku-day lagu doonayo in lagu soo qabqabto kooxihii ka dambeeyay weerarka iyo kuwii soo abaabulay,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo shacabka dalkaas kala hadlay telefishinka. Goobjoogayaal ku sugan gobolka Amxaarada ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay muddo saacado ah, isla markaana la gubay dhismayaal, waxayna ku dareen intaas in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan. “Xaalad caadi ah ayaa markii hore u qaadannay, balse markii dambe ayaan ogaannay in dagaal uu dhacay, waxaana maqlaynay rasaas culus oo muddo saacado ah socotay, inkastoo markii dambe ay iskeed u joogsatay,” ayuu ku yiri warbixin uu warbaahinta siinayay ruux goobjooge ah. Aaladda Internet-ka ayaa laga jaray Itoobiya oo dhan, waxaana sidoo kale la sheegay in rasaas laga maqlay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, taasoo la sheegay inay ridayeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan weli. Dhanka kale, warbixin wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay saakay ayaa lagu sheegay inay la socdeen rasaas culus oo xalay oo dhan ka dhacaysay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, laakiinse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay wasaaraddu bixisay. Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in dhibaatadan uu ka dameeyay mid ka mid ah xubnihii sirdoonka Itoobiya oo uu xabsiga kasii daayay RW Abiy Ahmed markii uu xukunka qabsaday, kaasoo aan la ogeyn illaa hadda halka uu ku dambeeyo. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ku saabsan Af-gambi fashilmay ee ka dhacay Is-maamulka Amxaarada, Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  24. Havana, June 22 (Prensa Latina) Cuban President, Miguel Diaz-Canel, tweeted on Saturday that he spoke with his counterparts in Kenya and Somalia about the case of the two Cuban doctors kidnapped in Africa. Source: Hiiraan Online