Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,734
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka, halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Waxaa shalay magaaladda Hargeysa gaar ahaanna huteel Maansoor lagu qabtay shirweyne si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Telesom Group ayaa ku soo bandhigtay adeegyo casri oo la xidhiidha arrimaha maaliyadda. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddoodaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, ” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo keliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda u sheegay inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshada ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan kadib xusay inay sharaf u tahay Telesom group inay kazoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland. C/wahab Maax ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo- abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland. Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012 kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa. Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya. Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Source
  3. (SLT-Addis Ababa)-Safaarada dalka Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa soo saartay digniin ku saabsan xaalada magaalada Addis Ababa oo ay tilmaantay in rasaas laga maqlayo kadib markii xalay lagu dilay magaaladaasi taliyihii ciidamada qalabka sida ee dalka Ethiopia, Seare Mekonnen. Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale uga digtay in shaqaalaheeda Addis Ababa aanay dibada usoo bixin oo ay guryaha iyo xafiisyadooda joogaan, waxaanay tilmaameen inay ka warqabaan rasaaska ka dhacaysa magaalada Addis Ababa. Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa iyaduna ugu baaqday in aan la samayn isku soo baxyo dad farabadan isugu yimaadan, munaasibado iyo in lala socdo warbaahinta gudaha markasta. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay guddoomiyaha gobolka Badhan u magacaabay Maxamed Xaamud Cumar kadib markii dhawaan badhasaabkii gobolkaasi Cali Xuseen Cali-somali banneeyay jagadaasi isaga oo u diga rogtay dhanka Puntland. Haddaba warbixin uu qoray wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa ayaa lagu sheegay in badhasaabka cusub ee Badhan xidhiidh qoto dheer la lahaa maamulka Puntland kaas oo ahaa xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed ba. Badhasaabka cusub ayaa la sheegay in uu hore isaga sharraxay baarlamaanka Puntland laakiin, aanu ku soo bixin waxaana soo baxay muuqaallo iyo sawirro muujinaya sida uu siyaasadda Puntland ula falgalay laakiin, waxa la rumaysan yahay in uu maamulka Puntland uga soo digo rogtay intii madaxweyne Deni xukuumaddiisa dhisay. Xogaha wargeysku helay waxay intaasi ku dareen in masuulkani dhawaan la socday odayaal Bariga Sanaag ka yimid oo madaxweynaha la kulmay, islamarkaana uu u muuqday nin xagjir ah oo siyaasadda Somaliland ee Bariga ka soo horjeeday. Waxa kale oo wargeysku iftiimiyay in Maxamed Xaamud Cumar ka mid yahay saamilayda shirkadda Sanaag Construction Co kana soo noqday madax. Shirkaddan ayaa inta badan la siiyaa mashaariicda ay fulinayso xukuumadda Puntland iyo hay’adaha ka hawlgala waxaana mashaariicda ugu dambeeyay guri baarlamaanka Puntland looga dhisayay Badhan oo uu dhammaadkii sanadkii 2018 dhismihiisu bilaamay inkasta oo uu qabyo noqday markii wejigii labaad loo sii dayn waayay. Inkasta oo ay u muuqato in fikirka siyaasadeed ee Maxamed Xaamud isbedelay una muuqdo in uu siyaasadda Somaliland la jaanqaadayo haddana waxay su’aalo iyo doodo ka taaggan yihiin in madaxweyne Biixi oo gobolka Badhan maamulka Puntland kaga awood batay haddana uu u magacaabo masuul hore ula shaqeeyay Puntland mana cadda waxa uu ka qaban karo ku soo celinta gacanta Somaliland ee maamulka Bariga Sanaag. Source
  5. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose, waxay kula wareegeen deegaanno Al-shabaab maamuli jireen. Ibraahim Aadan Cali. guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay warbaahinta, in ciidanka ay la wareegeen deegaannadan oo hoostaga magaalooyinka Marka iyo Baraawe. Wuxuu sheegay in ulajeedka howlgalkan uu ahaa sidii Al-shabaab looga bixin lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Shabellaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in halkaasi ay shacabka ku dhibaateyn jireen. Ma jirto faah faahin kale oo ku aaddan in howlgalladan inta ay socdeen uu ka dhashay khsaare iyo in kale, xaaladuna waa mid deggan. Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal waxay maalmahan dambe ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa saaka xabsi ku yaalla magaalada Galkacyo la dhigay 5 ka mid ah 11 askari oo 9 qof oo rayid ahaa dil wadareed ugu geystay magaalada Galkacyo. Weriyaha Goobjoog News ee Galkacyo waxaa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeysay kadib dadaallo tan iyo jimcihii ay wadeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo goobta gaaray. Askarta wax dishay oo tiro ahaan gaarey 11 qof, mid booliis ah oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Galmudug horay ayaa loo xiray halka 10 kale oo xoogga dalka ahaa maanta lagu guuleystay in la xiro 5 askari, weli waxaa maqan 5 kale. Xildhibaannada ayaa si wado kullamada ay la leeyihiin waxgaradka, waxaana hadda la sheegayaa in ay la fadhiyaan odayaal ka socda Shabeelada dhexe. Wararka arrimahan la xiriira halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The Latest on unrest in Ethiopia. (all times local):11:30 a.m. A spokesman for Ethiopia’s prime minister says the head of the country’s military has been shot dead …. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT- Minnesota)-Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal xatooyo qaran ku saleysan. Maxamed Khaliif oo 21-jir ah ayaa waxaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota, isagoo lagu eedeeyey in uu xaday Xogta Kaadhdhka Lacagta, iyo inuu iibinayey qalab ku kaydsanaa Heshiis Maaliyadeed. Eedeysanaha waxaa la sheegay inuu qirtay dembiyadda lagu soo oogay. Garsooraha Maxkamadda, Mathiyo Istewart waxa uu ku xukumay Eedeysanaha Xabsi ilaa 4-sanno ah iyo in Maraykanka laga mustaafuriyo marka uu dhammaysto Xukunkiisa. Source
  9. Addis Ababa (Caasimada Online ) – Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa afgambi fashilmay iyo rabshado ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada. Warbaahinta gudaha ayaa shaacisay in la dilay Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare, kuwaas oo ay toogteen rag hubeysan. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale saaka xaqiijiyay in rabshadahaasi lagu dilay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen. Wara qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul wasaaruhu ayaa waxa uu ku cambaareeyay afgambiga dhicisoobay iyo toogashadaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya. Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag. Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya. Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  10. The head of Ethiopia's Amhara state and his adviser were killed during a coup attempt in their state, state media reported on Sunday. Source: Hiiraan Online
  11. Taliyihii Ciidanka Itoobiya oo lagu Dilay Aafgami dhicisoobay oo ka dhacay DD Amxaarada[/caption] Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya waxaa xalay ka dhacay isku da’y afgambi [...] Source
  12. Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay maanta lagu soo afmeeray dhegaysiga wajiga 2aad ee dacwadda kiiska marxuumada Caasha Ilyaas Aadan oo bilowgii sanadkaan [...] Source
  13. (SLT-Addis Ababa)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada. Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa. Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xidhiidha digniin in rasaas laga maqlay Adis. Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
  14. Somaliland: A Banking & Financial Conference Held In Hargeisa The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, opened a two day banking and financial conference in Hargeisa. The conference which was jointly organized by the Somaliland Central Bank and the Finance ministry was convened to discuss the relationship between the public and private sectors of Somaliland’s economic arena. Speaking to the gathered delegates, the President stressed the need for co-operation between the Central bank and the private financial institutions in order to foster a stable business environment and to combat the spiralling inflation, money laundering, profiteering and the erratic foreign exchange market. The Praident encouraged the participants to create a new formula to assist small businesses to generate more employment opportunities for Somaliland’s graduates. The two day conference also included a business exhibition forum were many financial institutions, such as Amal Bank, Dara Salaam Bank, Dahabshiil Bank, Premier Bank, and many other prominent Somaliland businesses showcased their services and tools. The President also too the opportunity to visit some of Hargeisa informal money exchangers, who took the opportunity to convey their concerns to the government. As welcome as the conference is, it is worth remembering that the Somaliland Banking bill has been before the moribund parliament for the past few years. The main source of contention is between those who favour the Islamic Sharia law for banking services and those who prefer the conventional international banking procedures. Qarannews.com Qaran News
  15. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu noqon doono saaxiibka ugu wanaagsan ee dalka Iiraan. Trump ayaa tilmaamay in saaxiibnimaadan ay ku xidhan tahay oo kaliya marka uu dalkaan joojiyo dadaalada uu ku hormarinayo hubka wax gumaada ee Nuclear-ka. Hogaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay bil ka hor in ay hormarinayaan hubkooda maadama Mareykanka uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen 2015-kii Tehraan. Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay afaafka hore ee aqalka cad ayaa wuxuu sheegay hadii ay Iiraan garato arintaan ay raali galin doonto Mareykanka. Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ku dhaleeceyay Trump cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo ay sheegeen dal doonayo Nabada. Source
  16. (SLT-Bahar Dar)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Isku day afgambi oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya, kaddib markii ay Ciidamo Hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaas. Rasaas ayaa laga maqlay magaalada Bahar Dar, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada iyo Kooxo Hubeysan oo waday afgambiga. Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Negusu Tilahun ayaa u sheegay Telefishinka Qaranka in isku day afgambi guuldareystay uu ka dhacay magaalada Bahar Dar. Waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay afgambiga, inkastoo aanay weli caddeyn cida ka dmabeysa, mana jirin koox sheegatay isku dayga afgambiga. Dad kala duwan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rasaas culus laga maqlay saacado magaalada Bahar Dar, xaaladana waxay aheyd mid kacsan oo aan kala cadeyn sida wax u socdeen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu dhaawac ku soo gaadhay rasaasta, halka warar kalena sheegayaan in dhaawacu u dhintay, weli wararkaas ma cada, waxaana baraha Twitter-ka lagu qoray in Taliyaha uu geeriyooday. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmayay caqabado kaga imaanaya siyaasadda gudaha ee dalkaas, gaar ahaan nidaamkii hore talada u hayay ee TPLF. Source
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in howlgallo iyo dhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Deegaankan oo muddo ay ka talinayeen Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo abaabuli jireen inta badan weerarada ay fuliyaan. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay. Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyaya howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya, waxaana shalay Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  18. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada. Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa. Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xiriira digniin in rasaas laga maqlay Adis. Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’doon uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynuhu u go’doonsan yahay dad uu ku sheegay in ay ballantii uga baxeen, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Snna Waljamaaca. Waxa kale uu tilmaamay in aysan nabad aheyn Dhuusamareeb, islamarkaana ay xoog ku soo furan doonaan Madaxweyne Xaaf. Shirwac oo hoggaaminayo ciidamo haatan ku sugan duleedka Dhuusamareeb ayaa xusay in ay awood u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaalada, islamarkaana ay soo badbaadiyaan Madaxweynahooda, sida uu hadaka u dhigay. Jahwareer iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Galmudug, taas oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi oo ay dowladdu sheegtay in la qaban doono bisha July ee soo socota. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in kulamo isdaba joog ay weli ka socdaan halkaasi. Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka jira, inkastoo weli uusan ka qeyb galin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Shirwac.mp3
  20. Guuda ahaan dhulka Soomaalida saaka waxaa laga hadal hayaa kufsi wadareed ay tiro haween ah magaalada Hargaysa ugu geysteen mid kamid ah ragga ku sugan [...] Source
  21. Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa muuqaal uu soo duubay si adag uga jawaabay, hadal ka soo yeeray jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden, oo sheegtay in degmadaasi ay ka tirsantahay dowlad goboleedka Galmudug. Taliye Gacayte, ayaa siyaasiyiinta Galmudug digniin ku siiyay, in ay ka waantoobaan sheegashadooda degmada Towfiiq oo ka tirsan dhulka dowladda Puntland, isagoo ku hanjabay in guryahooda la isku’ wareysan doono, haddii aysan joojin daan-daansiga ay ka wadaan xuduudaha Puntland. G/sare Maxamed Maxamuud Gacayte, ayaa sheegay in aysan dulqaad dambe u yeelan doonin, carqadda iyo daan-daansiga siyaasiyiinta Galmudug ku hayaan degmada Towfiiq, iyo sheegashadooda ku aaddan in ay leeyihiin degmada, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii ka yimaada ay Galmudug yeelan doonto. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli dhowaan siyaasiyiin iyo qurba-joog u dhashay Galmudug ay warbaahinta ka sheegeen, in degmada Towfiiq ay ka tirsantahay degaannada dowlad goboleedka Galmudug, hadalkaasi oo muran iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo sheegay in gudaha Galmudug la isku waraysan doono appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan (Xaad) oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan deegaanada maamulka Galmudug. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo dadallada nabadeed ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in si deg deg ah xal looga gaaro arrimahaasi, si loo badbaadiyo maamulka iyo shacabka Galmudug. DFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kulamo xal loogu raadinaya Galmudug haatan ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa ka warbixiyay heshiisyo xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Shidaalka. Ugu horreyn wasiir Hilaal ayaa beeniyay in heshiisyada la galay ay qeexayaan in la sameeyo sahmin cusub iyo soo saarida xermooyin Shidaal. Wasiir ku xigeenka W/ macdanta iyo batroolka ayaa tilmaamay in hehsiisyadan kaliya ay ku aadan yihiin dhameystirka heshiisyo AY horay u gashay dowladdiI dhexe ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay XFS ay heshiisyo dhinaca shidaalka ay la saxiixatay labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Mareykanka iyo Holand. View the full article
  24. owhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka degmada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa Tuulooyin galbeedka ka xiga magaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xiisadani ay salka ku heyso arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelo wada daga deegaanada gobolkaasi. View the full article