Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,756
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf oo goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka ayaa hadda gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Maamulka xaafadda Baraxley ee Galmudug ayaa waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyey isku fidinayey deegaamo katirsan gobolka Mudug oo ay ugu dambayaysay degmada Towfiiq oo hadda [...] Source
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka. Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ku baxay dhulka dhankaas iyo Cadaado iyada oo ay galbinayaan gawaari gaashaaman. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa horay Goobjoog News ugu sheegay in madaxweynaha laga yaabo inuu dego Galkacyo. Xaaf ayaa cadaadis kala kulmay dowladda federaalka ah, oo xiriir soke la sameysay kooxda Ahlus-unna oo ku awood badan magaalada Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulkaas. Xaaf oo aan ku qanacsaneyn wadahadalada u socdo Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa maalmihii dambe lagu celinayey Dhuusamareeb si uu qeyb uga noqdo wadahadlaka balse Xaaf ayaa arrintaas ka biyo diiday. Madaxweyne Xaaf ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas isaga baxay, waxaana jidka kusii sugayo Ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad. Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Xaaf saldhigan doono Magaalada Cadaado. Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inuu aadi doono Gaalkacyo. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  5. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay soo gabagabeysay dhageysiga wejiga Labaad ee kiiska Caasha Ilyaas oo dhowaan lagu kufsaday Gaalkacyo kadibna la dilay. Qareennada u doodaya Saddexda eedeysane ayaa soo bandhigay waxyaabo badan oo ay ku difaacayaan eedeysanayaashan, iyadoo dhanka kalena lasoo bandhigay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan in raggan la hayo kufsadeen ayna dileen Caasha Ilyaas. Dhageysi dheer kadib, maxkamadda ayaa sheegtay in maalinta Arbacada gabi ahaamba lasoo gabagebyn doonto kiiskan, lana shaacin doono go’aanka maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal. Maxmadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa horey xukun dil ah ugu riddey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka lasii daayey 10 kale oo kiiskan ku eedeysnaa kadib markii dambi lagu waayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Deegaannada ay mas’uuliyiintan gaareen ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo u abaabulan qaab qabiil, iyadoo ulajeedka ay halkaasi u tageen tahay xallinta xiisado jiray. Wararka ayaa intaa ku daraya, in waxgaradka ku dhaqan deegaannadan ay kulamo la leeyihiin wasiir Sabriye iyo sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir. Xiisadaha ka taagan deegaannadan ayaa ka dhalatay kadib markii dhowaan ay rag hubeysan dileen Lix qof oo saarnaa gaari shacab ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Gaalkacyo (SMN) – Illaa shan qof oo ka mid ah raggii ka dambeeyay dil wadareed dhawaan ka dhacay Koofurta Gaalkacyo ayaa maanta lagu xiray magaaladaasi. Xarigan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Xildhibaano ka tirsan BFS kulamo looga hadlayay dhacdadaasi ay la qaateen waxgaradka deegaanka. Ragga wax dilay oo gaarayay 11 qof, ayaa mid waxa uu ahaa askari ka tirsanaa Booliiska Galmudug oo horay loo xiray, halka 10 kale oo ka tirsanaa xoogga dalka maanta lagu guuleystay in la xiro 5 ka mid ah, welina waxaa maqan 5 kale. Todobaadkii hore ayey aheyd markii 13 qof oo rayid ahaa si arxan darro ahaa loogu toogtay gudaha Gaalkacyo, waxaana dhacdadaasi si weyn u cambaareysay dowladda Soomaaliya. View the full article
  8. Somaliland: The Trial Of Waddani Youth Spokesperson Begins in Hargeisa Hargeisa,(Qaran news)-Under heavy Police presence, the trial of Waddani’s Youth spokesperson, Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhamme” began at the Maroodi Jeh Regional Court In Hargeisa. The accused, Mohamed Sadik “Dhamme”, was arrested on the 1st May, 2019 on charges of “libel and slander against the President of Somaliland and incitement to violence”. These charges stem from a comment, allegedly, posted on Mohamed Sadik ” Dhamme”‘s Facebook page. According to the accused’s lawyers, the charges are not based on Somaliland’s constitution and appear to have been imported from the laws of the defunct Somali Republic. It would seem that the accused’s defence is based on the protection offered by the Somaliland constitution with regard to the freedom of speech and expression. Mohamed Sadik Abdiilaahi, “Dhamme” had spent more than fifty two days in remand awaiting trail, and today’s hearing was for the government to present it’s case, whilst the defence will do the same at a date to be determined. There are currently at least three separate trails at the Marodi Jeh Regional court featuring cases between individuals and the administration of President Muse Bihi, all pertaining to accusations of libel and slander. Qarannews.com Qaran News
  9. Dhuusamareeb (SMN) -Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug weli ka socda kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo khilaafka maamulkaasi. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garwadeen ka ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Sabriye Maxamed. Illaa iyo hadda ma jirto natiijio rasmi ah oo ka soo baxday shirarkaasi, balse waxaa jira dadaallo lagu bixinayo, sidii xal looga gaari lahaa khilaafyada jira. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xaaf uu ka biyo diidan tahay kulamadaasi oo la soo warinayo illaa iyo hadda inuusan ka qeyb galin. Khilaafka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kadib markii dhawaan DFS ay ku dhawaaqday in doorashada maamulkaasi la qaban doono bisha July ee soo socota. View the full article
  10. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in uu diiday la kulanka wafdigii dowladdu ay u dirtay Dhuusamareeb, isagoo mas’uuliyinta kale ee Galmudug ka dalbaday in wafdiga dowladda ay Xamar kulaabtaan hadii kale uu iskaga tagi doono Dhuusamareeb. Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa la sheegay in ay haatan ku jiraan xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxtooyada Galmudug iyo Xukuumadda Soomaaliya. Qaar ka tirsan xubnahaas wada dadaalada lagu doonayo in lagu wada hadashiiyo Xaaf iyo Xukuumadda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in aysan jirin wax kasoo naasa cadaaday dadaalkooda, isla markaana uu Madaxweyne Xaaf wali diidanyahay la kulanka wafdigii dowladda, iyagoo rajo xumo ka muujiyey in la is hor fariisiyo Xaaf iyo Xukuumadda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegay in uu garab isaag u muujiyey Madaxweyne Xaaf, sida ay noo sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kusugan Madaxtooyada Galmudug. Sidoo kale Warar Hoose oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa Sheegaya in Madaxwayne Xaaf uu la xiriiray Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in beesha Caalamka ay soo fara galiso xaaladda qasan ee Galmudug. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga yaabaa inuu Dhuusamareeb tago si uu wadahadalka ugu biiro maadaama ay Ahlu Sunna ku guuldareystatay inay Xaaf ku qanciso inuu aqbalo dalabka Dowladda. Dhanka kale Ciidamo wata Gaadiid dagaal oo uu hoggaaminayo Wasiirkii maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad oo shalay lagu celiyey deegaan Godinlabe ayaa la sheegay in ay saakay yimaadeen deegaanka Mareergur oo qiyaastii 28KM u jira Dhuusamareeb, waxeyna wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas ay sheegayaan in Ciidamadii uu watay Wasiirku ay dib ugu laabteen deegaanka Godinlabe. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  11. Shacabka ku dhaqan degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar ayaa sheegay in maxaweyne Farmaajo uu carqalad ku hayo mamaul goboleedyada dalka. Sacabka ayaa sheegay in madaxweyne [...] Source
  12. Addis Ababa (SMN) – Taliyaha Ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa lagu dilay Hoygiisa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, xilli uu jiray isku day aafgambi oo dhicisoobay oo ka dhan ah Ismaamulka Amxaarada. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa horay sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare ayay sidoo kale askartu dileen. Waxaana saacadda soo socota shir Jaraa’id qaban doona Ra’iisal Wasaarala Itoobiya. Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyiga Caasimada Itoobiya ayaa ah gobolka labaad ee ugu badan ee Wadanka. Abiy Axmed isaga oo xiran dharka Ciidamada ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeeyaan waxa uu ku sheegay qaswadayaal iyo calooshood u shaqeystayaal. “Waxa ka dhacay gobolka waa wax aan dastuuri aheyn, hadafka laga leeyahay waa in meesha laga saaraan nabadda” ayuu yiri, raiisul wasaaraha. Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, ayaa digniin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan halkaasi, waxa ay ugu baaqday in ay muujiyaan taxadar dheeri ah. Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda. View the full article
  13. Baraawe (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidamada dowladda maanta ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay. Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, inta laga saarayo deegaanada maamulkaasi. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda koonfurta iyo barta aha Soomaaliya. View the full article
  14. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay gobolka Bahir Da ee ismaamulka Amxaarada uu ahaa iskuday Afgambi oo la fashilay. weerarkan ayaa waxaa lgu [...] Source
  15. uqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-23062019.mp3 View the full article
  16. Degmada Burtinle waxaa maanta xilalkii kula kala wareegay guddoomiyihii hore ee degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Maxamed Maxmuud Buur Dibi iyo gudoomiyaha cusub ee degmada [...] Source
  17. Cabdiqaadir Jaamac Maxamed oo qoraa da,yar ayaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxa uu ku soo bandhigay buug uu ugu magacdaray Halbeega Guusha. Kulankan ayaa ka [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) -Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ku dhaawaqday go’aan farxad galiyay shacabka Muqdisho, waxaana uu sheegay in wasaaraddiisu ay wato qorshe wax looga bedalayo ammaanka Muqdisho. Wasiir Ducaale ayaa tilmaamay in la yareyn doono xirnaashaha waddooyinka Caasimadda, islamarkaana ay dowladdu furi doonto inta badan jidadka xiran. Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi raaciyay in dowladda federaalka ay la imaan doonto qalab casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga dalka. “Waxaan ballan-qaadayaa Jidadka inaan qafiifin doonno,Meelaha xiran waa Jid Caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geynkaro Marka qalab Casri ah ayaana keeneynaa oo Amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan”ayuu yiri Wasiir Islow. Dhinaca kale Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka dowladda, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Inta badan waddooyinka waa weyn ee Caasimadda ayaa kala xiran, waxaana ka jira wax loo yaqaano Kala Wareeg. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sidoo kale ku sugan koontaroollo gaar ah oo laga sugo amniga guud ee magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa soo saarey amar uu ku mamnuucayo in dalka laga dhiso Taawer cusub oo isgaadhsiineed, illaa ogolaansho laga helo Wasaaradda Isgaadhsiinta. Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintaas loo raaci doono nidaam wasaaradu u dejisay, iyadoo laamaha amaanku ay talaabo ka qaadi doonaan cidoo amarkaas u hogaansami wayda. Halkan hoose ka akhriso warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka oo soo gaadhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday. Source
  20. Dhalinyarada ku dhaqan degmada Sheerbi ayaa bilaabay in si iskutashi ah ay wax uga qabtaan baahiyaha ka jira degada, gaar ahaan adeegyada Bulshada. Dhalinyarada oo [...] Source
  21. Sawir hore: wadaadka oo masaajid ka khudbaynaya Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay, saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen, shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen, in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen. Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhammaantood loo wareejiyay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Puntland oo xirtay rag uu ku jiro wadaad caana appeared first on Puntland Post.
  22. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka, halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Waxaa shalay magaaladda Hargeysa gaar ahaanna huteel Maansoor lagu qabtay shirweyne si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Telesom Group ayaa ku soo bandhigtay adeegyo casri oo la xidhiidha arrimaha maaliyadda. Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddoodaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, ” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo keliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.” Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda u sheegay inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshada ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan kadib xusay inay sharaf u tahay Telesom group inay kazoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland. C/wahab Maax ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo- abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland. Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012 kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa. Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya. Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba. Source
  24. (SLT-Addis Ababa)-Safaarada dalka Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa soo saartay digniin ku saabsan xaalada magaalada Addis Ababa oo ay tilmaantay in rasaas laga maqlayo kadib markii xalay lagu dilay magaaladaasi taliyihii ciidamada qalabka sida ee dalka Ethiopia, Seare Mekonnen. Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale uga digtay in shaqaalaheeda Addis Ababa aanay dibada usoo bixin oo ay guryaha iyo xafiisyadooda joogaan, waxaanay tilmaameen inay ka warqabaan rasaaska ka dhacaysa magaalada Addis Ababa. Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee Addis Ababa ayaa iyaduna ugu baaqday in aan la samayn isku soo baxyo dad farabadan isugu yimaadan, munaasibado iyo in lala socdo warbaahinta gudaha markasta. Source