-
Content Count
208,734 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in goor dhow uu isaga baxay magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddooyinkan ku sugnaa magaaladaasi. Madaxweyne Xaaf ayaa u dhaqaaqay duleedka Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Ciidamo uu hoggaaminayay wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac. Lama oga halka uu ambabixi doono Xaaf oo ka biyo diiday ka qeyb galka kulamo ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha XFS saacadaha soo scoda uu ku wajahan Galmudug, si uu ugu biiro wadahadallada ka socda maamukaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixineysa sidii bisha July ee soo socota loo qaban lahaa doorashada maamulka Galmudug. View the full article
-
Ethiopia’s army chief of staff was shot while trying to thwart an attempted coup on Saturday in a federal state north of the capital Addis Ababa, Prime Minister Abiy Ahmed said. Speaking on state television late on Saturday, Abiy said General Seare Mekonnen was one of several casualties. But his press secretary, Billene Seyoum, told Reuters later that it was unclear whether General Seare had been killed or wounded. “He was shot by people who are close to him,” Abiy said. The prime minister said the general had been trying to prevent plotters carrying out a coup in Amhara state, one of Ethiopia’s nine federal states. Since coming to power last year, Abiy has tried to spearhead political reforms, to open up the once isolated, security-obsessed country of 100 million people on the Horn of Africa. Abiy has released political prisoners, removed bans on political parties and prosecute officials accused of gross human rights abuses, but his government is battling mounting violence. Ethnic bloodshed – long held in check by the state’s iron grip – has flared up in many areas, including Amhara, where the regional government was led by Ambachew Mekonnen. According to Abiy, regional government officials were in a meeting when a coup attempt occurred.“There are a few people who were killed while others were injured,” Abiy said. A regional television broadcaster affiliated with the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), a member of Abiy’s coalition, reported Seare had been killed, alongside another senior military official, Gize Abera. The US Embassy said on Saturday that it was aware of reports of gunfire in Addis Ababa, though Reuters could not confirm those reports.“Chief of Mission personnel are advised to shelter in place,” the Embassy said on its website. Early on Sunday, Brigadier General Tefera Mamo, the head of special forces in Amhara, told state television that “most of the people who attempted the coup have been arrested, although there are a few still at large. ”Residents in Amhara’s capital Bahir Dar said late on Saturday there was gunfire in some neighborhoods and some roads had been closed off. Ethiopia is due to hold a national parliamentary election next year. Several opposition groups have called for the polls to be held on time despite the unrest and displacement. View the full article
-
Somali special forces and their allied AU soldiers have successfully retaken Xarshanley near the ancient port city of Barawe on Sunday from Al-Shabaab. According to the reports, the troops are conducting operations to clear bobby traps and other explosive devices that may have been left behind. The village which was previously controlled by al-Shabaab is 10 Kilometers north of the Southwest State administrative capital, Barawe. Somali troops have stepped up operations to retake areas still under the control of the armed group in the country mainly in the south-central part areas. The forces recently took Canoole and Sabiid towns which were controlled by the group. Lower Shabelle region is very strategic, and its control gives an upper hand to either of the sides. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf oo goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka ayaa hadda gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa goordhow ka guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka. Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ku baxay dhulka dhankaas iyo Cadaado iyada oo ay galbinayaan gawaari gaashaaman. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa horay Goobjoog News ugu sheegay in madaxweynaha laga yaabo inuu dego Galkacyo. Xaaf ayaa cadaadis kala kulmay dowladda federaalka ah, oo xiriir soke la sameysay kooxda Ahlus-unna oo ku awood badan magaalada Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulkaas. Xaaf oo aan ku qanacsaneyn wadahadalada u socdo Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa maalmihii dambe lagu celinayey Dhuusamareeb si uu qeyb uga noqdo wadahadlaka balse Xaaf ayaa arrintaas ka biyo diiday. Madaxweyne Xaaf ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas isaga baxay, waxaana jidka kusii sugayo Ciidamo tiro badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad. Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu Xaaf saldhigan doono Magaalada Cadaado. Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inuu aadi doono Gaalkacyo. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
-
Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay soo gabagabeysay dhageysiga wejiga Labaad ee kiiska Caasha Ilyaas oo dhowaan lagu kufsaday Gaalkacyo kadibna la dilay. Qareennada u doodaya Saddexda eedeysane ayaa soo bandhigay waxyaabo badan oo ay ku difaacayaan eedeysanayaashan, iyadoo dhanka kalena lasoo bandhigay caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan in raggan la hayo kufsadeen ayna dileen Caasha Ilyaas. Dhageysi dheer kadib, maxkamadda ayaa sheegtay in maalinta Arbacada gabi ahaamba lasoo gabagebyn doonto kiiskan, lana shaacin doono go’aanka maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal. Maxmadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa horey xukun dil ah ugu riddey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka lasii daayey 10 kale oo kiiskan ku eedeysnaa kadib markii dambi lagu waayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Deegaannada ay mas’uuliyiintan gaareen ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo u abaabulan qaab qabiil, iyadoo ulajeedka ay halkaasi u tageen tahay xallinta xiisado jiray. Wararka ayaa intaa ku daraya, in waxgaradka ku dhaqan deegaannadan ay kulamo la leeyihiin wasiir Sabriye iyo sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir. Xiisadaha ka taagan deegaannadan ayaa ka dhalatay kadib markii dhowaan ay rag hubeysan dileen Lix qof oo saarnaa gaari shacab ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Illaa shan qof oo ka mid ah raggii ka dambeeyay dil wadareed dhawaan ka dhacay Koofurta Gaalkacyo ayaa maanta lagu xiray magaaladaasi. Xarigan ayaa timid, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Xildhibaano ka tirsan BFS kulamo looga hadlayay dhacdadaasi ay la qaateen waxgaradka deegaanka. Ragga wax dilay oo gaarayay 11 qof, ayaa mid waxa uu ahaa askari ka tirsanaa Booliiska Galmudug oo horay loo xiray, halka 10 kale oo ka tirsanaa xoogga dalka maanta lagu guuleystay in la xiro 5 ka mid ah, welina waxaa maqan 5 kale. Todobaadkii hore ayey aheyd markii 13 qof oo rayid ahaa si arxan darro ahaa loogu toogtay gudaha Gaalkacyo, waxaana dhacdadaasi si weyn u cambaareysay dowladda Soomaaliya. View the full article
-
Somaliland: The Trial Of Waddani Youth Spokesperson Begins in Hargeisa Hargeisa,(Qaran news)-Under heavy Police presence, the trial of Waddani’s Youth spokesperson, Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhamme” began at the Maroodi Jeh Regional Court In Hargeisa. The accused, Mohamed Sadik “Dhamme”, was arrested on the 1st May, 2019 on charges of “libel and slander against the President of Somaliland and incitement to violence”. These charges stem from a comment, allegedly, posted on Mohamed Sadik ” Dhamme”‘s Facebook page. According to the accused’s lawyers, the charges are not based on Somaliland’s constitution and appear to have been imported from the laws of the defunct Somali Republic. It would seem that the accused’s defence is based on the protection offered by the Somaliland constitution with regard to the freedom of speech and expression. Mohamed Sadik Abdiilaahi, “Dhamme” had spent more than fifty two days in remand awaiting trail, and today’s hearing was for the government to present it’s case, whilst the defence will do the same at a date to be determined. There are currently at least three separate trails at the Marodi Jeh Regional court featuring cases between individuals and the administration of President Muse Bihi, all pertaining to accusations of libel and slander. Qarannews.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) -Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug weli ka socda kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo khilaafka maamulkaasi. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garwadeen ka ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Sabriye Maxamed. Illaa iyo hadda ma jirto natiijio rasmi ah oo ka soo baxday shirarkaasi, balse waxaa jira dadaallo lagu bixinayo, sidii xal looga gaari lahaa khilaafyada jira. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xaaf uu ka biyo diidan tahay kulamadaasi oo la soo warinayo illaa iyo hadda inuusan ka qeyb galin. Khilaafka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kadib markii dhawaan DFS ay ku dhawaaqday in doorashada maamulkaasi la qaban doono bisha July ee soo socota. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in uu diiday la kulanka wafdigii dowladdu ay u dirtay Dhuusamareeb, isagoo mas’uuliyinta kale ee Galmudug ka dalbaday in wafdiga dowladda ay Xamar kulaabtaan hadii kale uu iskaga tagi doono Dhuusamareeb. Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa la sheegay in ay haatan ku jiraan xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxtooyada Galmudug iyo Xukuumadda Soomaaliya. Qaar ka tirsan xubnahaas wada dadaalada lagu doonayo in lagu wada hadashiiyo Xaaf iyo Xukuumadda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in aysan jirin wax kasoo naasa cadaaday dadaalkooda, isla markaana uu Madaxweyne Xaaf wali diidanyahay la kulanka wafdigii dowladda, iyagoo rajo xumo ka muujiyey in la is hor fariisiyo Xaaf iyo Xukuumadda. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegay in uu garab isaag u muujiyey Madaxweyne Xaaf, sida ay noo sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kusugan Madaxtooyada Galmudug. Sidoo kale Warar Hoose oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa Sheegaya in Madaxwayne Xaaf uu la xiriiray Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in beesha Caalamka ay soo fara galiso xaaladda qasan ee Galmudug. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga yaabaa inuu Dhuusamareeb tago si uu wadahadalka ugu biiro maadaama ay Ahlu Sunna ku guuldareystatay inay Xaaf ku qanciso inuu aqbalo dalabka Dowladda. Dhanka kale Ciidamo wata Gaadiid dagaal oo uu hoggaaminayo Wasiirkii maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad oo shalay lagu celiyey deegaan Godinlabe ayaa la sheegay in ay saakay yimaadeen deegaanka Mareergur oo qiyaastii 28KM u jira Dhuusamareeb, waxeyna wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas ay sheegayaan in Ciidamadii uu watay Wasiirku ay dib ugu laabteen deegaanka Godinlabe. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Addis Ababa (SMN) – Taliyaha Ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa lagu dilay Hoygiisa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, xilli uu jiray isku day aafgambi oo dhicisoobay oo ka dhan ah Ismaamulka Amxaarada. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa horay sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare ayay sidoo kale askartu dileen. Waxaana saacadda soo socota shir Jaraa’id qaban doona Ra’iisal Wasaarala Itoobiya. Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyiga Caasimada Itoobiya ayaa ah gobolka labaad ee ugu badan ee Wadanka. Abiy Axmed isaga oo xiran dharka Ciidamada ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeeyaan waxa uu ku sheegay qaswadayaal iyo calooshood u shaqeystayaal. “Waxa ka dhacay gobolka waa wax aan dastuuri aheyn, hadafka laga leeyahay waa in meesha laga saaraan nabadda” ayuu yiri, raiisul wasaaraha. Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, ayaa digniin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan halkaasi, waxa ay ugu baaqday in ay muujiyaan taxadar dheeri ah. Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda. View the full article
-
Baraawe (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidamada dowladda maanta ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay. Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, inta laga saarayo deegaanada maamulkaasi. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda koonfurta iyo barta aha Soomaaliya. View the full article
-
uqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-23062019.mp3 View the full article
-
DF oo ku dhawaaqday go’aan farxad galiyay shacabka Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) -Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ku dhaawaqday go’aan farxad galiyay shacabka Muqdisho, waxaana uu sheegay in wasaaraddiisu ay wato qorshe wax looga bedalayo ammaanka Muqdisho. Wasiir Ducaale ayaa tilmaamay in la yareyn doono xirnaashaha waddooyinka Caasimadda, islamarkaana ay dowladdu furi doonto inta badan jidadka xiran. Sidoo kale wasiirka ayaa intaasi raaciyay in dowladda federaalka ay la imaan doonto qalab casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga dalka. “Waxaan ballan-qaadayaa Jidadka inaan qafiifin doonno,Meelaha xiran waa Jid Caddayaasha oo kaliya jid cadde kastana Askari lama geynkaro Marka qalab Casri ah ayaana keeneynaa oo Amniga lagu xaqiijinayo,halla dulqaato amniga qorsheyaal badan ayaa nooga dagsan”ayuu yiri Wasiir Islow. Dhinaca kale Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka dowladda, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Inta badan waddooyinka waa weyn ee Caasimadda ayaa kala xiran, waxaana ka jira wax loo yaqaano Kala Wareeg. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sidoo kale ku sugan koontaroollo gaar ah oo laga sugo amniga guud ee magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com -
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa soo saarey amar uu ku mamnuucayo in dalka laga dhiso Taawer cusub oo isgaadhsiineed, illaa ogolaansho laga helo Wasaaradda Isgaadhsiinta. Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintaas loo raaci doono nidaam wasaaradu u dejisay, iyadoo laamaha amaanku ay talaabo ka qaadi doonaan cidoo amarkaas u hogaansami wayda. Halkan hoose ka akhriso warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka oo soo gaadhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday. Source
-
Sawir hore: wadaadka oo masaajid ka khudbaynaya Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay, saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen, shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen, in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen. Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhammaantood loo wareejiyay xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Puntland oo xirtay rag uu ku jiro wadaad caana appeared first on Puntland Post.