-
Content Count
208,756 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
It’s ironic and peculiar to be stable and impeccable, a country with over 100 million under mosaic federal system. Source: Hiiraan Online
-
Wafdigan uu hogaaminayey Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta gaaray degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay Maamulka degmada, Odayaasha,Dhalinyarada iyo Saraakiisha Ciidanka. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo wafdigisa ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Mas’uuliyinta degmada, Odayaasha iyo Dhalinyarada, waxayna madaxweynaha la wadaageen tashada ay qabaan dadka deegaanka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta gareen) ayaa dhankiisa Sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonaan Cabashooyinka ay so gudbiyeen bulshada reer Walaweyn,waxaana uu sheegey in marna aan raali ka noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool Deeganadda Shabeellaha Hoose. Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Gobolka Shabeellaha hoose ay ka socoto howlgal lagu ciribtiraayo haraadiga Al-Shabaab,wuxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed shacabka ku dhira geliyay iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shbaab. Wafdiga uu hoggaaminaayey Madaxweyne Lafta Gareen waxa Qeyb ka ahaa Wasiirada wasaaradaha Amniga, Dekadaha iyo Xildhibano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed,wuxuuna ujeedka uu ahaa sidii wax badan looga ogaan lahaa baahiyaha dadka deegaanka ay qabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War goordhow nassoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug lagu xiray Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa waxa la sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Dhuusamreeb ay Xabsi ku yaalla halkaasi ku xireen. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray Wasiirka Tamarta Galmudug, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la xiray kadib markii uu isku dayay in uu la baxsado Gaari dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Wasaaradda Tamarta Galmudug. Wasiir Shire Falage ayaa waxaa la xusay in uu doonayay in uu horey usii raaco Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gelinkii dambe safar dhanka dhulka uga ambabaxay Dhuusamareeb, hase yeeshee waxaa la qabtay, isla markaana lagu xiray xabsi ku yaalla Dhuusamareeb. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Galmudug, kooxda Ahlu-Sunna ee gacanta ku haysa Dhuusomareeb iyo dowladda federaalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland. Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. -DHAMMAAD- The post Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Yuusuf Xaaji Nuur appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-159 maalmood, ayaa ka hadhsan wakhtigii loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dib u dhacu hadheeyey tan iyo 2010-kii oo ay ku eekayd muddo xilkeedkii ay shacabku doorteen. Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah u kordhiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada 21-kii bishii January ee sannadkan, ka dib markii dib u dhac ku yimid wakhtigii hore ee loo muddeeyey Doorashada Wakiillada oo ahaa 29-kii March ee sannadkan aynu ku jirno. Markale, ayaa waxa muuqata in dib dhac kale oo muddo sannad guddihii ah uu ku imanaya doorashada Golaha Wakiillada oo qorsheysan 13/12/2019, oo ay innaga xigto imika muddo lix bilood iyo sagaal maalmood ah, amma 159 maalmood. Qabsoomida doorashadan, ayaa waxa weli ku gedaaman duruufo iyo khilaafyo keeni kara dib u dhac kale, kuwaas oo aanay weli muuqan xal lagaga gudbayo is-marin-waaga ka taagan doorashada. Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa iyagu si weyn isugu khilaaftan doorashadan, iyada oo arrinta xudunta u ahi khilaafka taagan uu yahay Komishanka doorashooyinka oo Xisbiga Waddani sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen, isla markaana aanay ogolayn in ay ka qayb galaan doorasho ay qabtaan Komishanka imika jooga, halka Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay aamisan yihiin in ay dalka doorasho ka dhacayso wakhtigii loogu talo galay ee dabayaaqada sannadkan. Haddaba, waxa aan halkan ku soo ururinay shan sababood oo keeni kara in doorashada Wakiilladu dib dhaco, kuwaas oo qaarkood xalintoodu wakhti iyo is-faham buuxa u baahan tahay. 1-Diidmada Xisbiga Waddani ee Komishanka jooga Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in ay Kalsoonida kala noqdeen Komishanka doorashooyinka ee imika jooga, isla markaana aanay ka qayb galayn doorasho ay qabtaan. 22-kii bishii March ee sannadkii hore ayey caddeeyeen Waddani mowqifkooda Komishanka, iyaga oo dalbaday in la kala diro oo la soo magacaabo Komishan cusub, taas oo dhalisay dood sharci oo la xidhiidha cidda awoodda u leh in ay kala diraan, iyaga oo aan dhamaysay wakhtigii ay xilku ka dhammaanayey. Go’aankan Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu caqabad ku noqday qorshihii doorashada Wakiillada ee 29 March 2019-ka, iyada oo qodobkan iyo kuwa kale oo taagnaa keeneen in muddo kordhin la sameeyo sagaal bilood ah Mowqifkan Waddani ka qaatay Komishanka oo weli taagan, ayaa ah qodob aan xal loo helin oo mar kale sababi kara in doorashada Wakiilladu baaqato, mana jiro wax tanaasulaad ah oo ay qodobkan ka sameeyaan Xisbiyadu, halka Xubnaha Komishanku ku adkaysanayaan in ay dhamaysanayaan wakhtigooda oo ku eeg 29/11/2019-ka. Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa heshiisyo ay marar kale duwan kala saxeexdeen, waxa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin doorasho qabsoonta wakhtigii loogu talo galay oo ay Komishanka joogaa gadhwadeen ka yihiin, waxaanay kulamo dhawr ah la qaateen Guddida doorashooyinka, iyada oo Waddani ka maqan yahay madasha. 2-Wakhtiga gabaabsiga ah ee Komishanka Xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa wakhtigoodu gabaabsi ku dhow yahay, iyada oo uu dhamaanayo wakhti xiloodkoodu 29/11/2019-ka, waxaanay su’aalo badan ka taagan yihiin wakhtiga Guurtidu kordhisay, sheegtayna in ay doorasho qabtaan, in ay ku beegan tahay wakhti ay dhamaatay muddo xileedkoodu, inkasta oo ay Komishan ahaan awood u leeyihiin cayimaad wakhtiga doorashada, isla markaana ay muddeyn karaa ka hor inta aan wakhtigoodu dhicin. Wakhtigan Komishanka ee is guraya iyo kalsooni kala noqoshada Xisbiga Waddani, ayaa keeni kara in mar kale ay dib u dhacdo doorashadu. Komishanka, ayaa iyagu dhinacooda wada dedaallo iyo qaybo tirka wixii dhinacooda ah ee la xidhiidha doorashooyinka. 3-Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha Ka hor doorashada Wakiillada ee qorsheysan bisha 12-aad ee sannadkan, wax aka horreeya oo qorshuhu yahay in ay Komishanka doorashooyinku sameeyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, gaar ahaan dadkii aan fursada u helin in ay qaataan kaadhka codbixinta iyo weliba dadkii qaan-gaadhay muddadii ka dambaysay diiwaan gelintii hore. Diiwan gelintan oo dhaqaale iyo farsamo u baahan, ayaa ka mid ah waxyaabaha caqabada ku noqon kara doorashada Golaha Wakiillada. 4-Saami qaybsiga iyo Xeerarka Doorashada Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ah wakhtigan saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah gobollada Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga iyo Galbeed,kuwaas oo sheegay in aanay diyaar u ahayn in ay ka qayb galaan doorasho ku salaysan qaabkii hore. Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Awdal iyo Sool, ayaa muujiyey in qaabkan imika loo qaybsado kuraasta wakiilladu ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan gobollada dalku u sinayn. Qaddiyadan saami qaybsiga oo soo taagnayd muddo labaatan sanno ka badan, ayaan weli xal laga gaadhin, waxaanay imika culays ku haysaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa, madaama oo uu wakhtigii doorashaduna soo dhaw yahay. Illaa imika ma jiro ifafaale muujinaya in xal laga gaadhay qodobkan ka mid ah caqabadaha doorashada. Sidoo kale, waxa jira xeerar la xidhiidha kuwa doorashada Wakiillada oo iyaga aan la ansixin, balse hor yaalla Golaha Wakiillada. 5-Dhaqaalihii Dalalka Taageera Doorashooyinka Somaliland Caqabadaha aynu kor ku soo xusnay ee ay ta komishanka ka taagani ugu horreyso, ayaa waxa ay keentay in aanay dalalka ka caawiya Somaliland dhinaca dhaqaalaha lagu qabto doorashadu, aanay weli soo shubin dhaqaalihii laga sugayey ee doorashada. Dublamaasiyiin iyo xubno ka socda dalalkan oo Somaliland u yimid arrimaha doorashada, ayaa waxa ay dhinacyada isku khilaafsan doorashada u soo jeediyeen in ay xal kama dambays ah ka gaadhaan caqabadaha doorashada ka taagan, taasina weli ma muuqato. Dalalkan waxa ay ugu hanjabadeen Somaliland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan, haddii aan xal la gaadhin, isla markaana aan doorashada la qaban wakhtigii loo qorsheeyey. Si kastaba ha ahaatee, qodobbadan, ayaa ah caqabado hortaagan doorashada la filayo in ay sannadkan dhammadkiisa qabsoomaan, waxaanay qaarkood u baahan yihiin wakhti ka badan ka imika hadhsan. Waxa Qoray: Saleban Hashi Source
-
Kala Duwanaanshah Maamulka Iyo Hogaaminta Caalamka (Leadership Styles) W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Maamulka iyo Hogaanku waa nidaamka loo adeegsan karo dadka meel ku dhaqan si loo gaadho u jeedada uu leeyahay dalkaasi, waddan kasta oo caalamka katirsan waxaa ka jira dawlado kala maamul duwan sida maamulada iyo hogaanka waddamada loogu qaybiyo saddexda nooc ee aadka u kala duwan oo kala ah 1. Autocratic Government (Dawlad Digtaatoriyad ah) 2. Democratic Government (Dawlad Dadka la tashata) 3. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa) Hadaba Aan isku dayo in Ablo-ablaynta aan sameeyey ku saleeyo Dawladaha kala duwan ee caalamka kaga kala jiraan oo aan tusaale u soo qaato Dawlado dhawar ah oo isticmaala Nooca(style)ka Maamul ee kala duwan. AUTOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Digtaatoriyada ah) Dawlada Noocan ahi waa mid Adayg kula dhaqanta bulshada ay maamusho misana u diida wax badan oo ay xaq u leeyihiin shacabku, waxay dadka ku abaal marisaa ciqaab iyo inay shaqaala shaqada ka erido, waa dawlad aan jecelayn in ladhiisa ay leedahay la sheego misan wax kasta oo xan ah la qariyo, waa dawlad go’aanka ay shay kasoo saarto aan ka noqon misana eegin danaha bulshada oo teeda uun eegta. Dawlada noocan ahi waxay horumar gaadhsiisaa waddanka laakiin dhaqaalaha waddanka wax loogu qabto waxaa kabadan kan waddo khaldan maraya, sidoo kale waa dawlad ku caano maashay in cid kale oo cadaw ahi aanay ku soo xadgudbin, wadamada ay ka jiro maamulka noocan ahi waxaa kamid ah Eleteria, Egypt, Syria, UAE (United Arabic Emirate) Hadaba wadamadan oo ah kuwo horumarsan, hogaamiyayaasha xilka u hay iyo kuwii soo marayba ay ku maamuli jireen nidaam aan cid kale ka daba hadlin misana waxaa waddamadan ku yar mucaaradka oo hadii uu samaysmo loo taxaabayo jeelka misan aan loo ogolayn siyaasada in cid kale ku soo biirto, waddama sidan ahi waxay u badan yihiin kuwo Madaxtinmada wadanka ay iskaga dambeeyaan dad isku reer ah misan ka dhiga boqortooyo la iska dhaxlo maamulka. Waddamadan oo sidaad aragto ah kuwo kamid ah waddamada islaamka ku abtirsada ayaa waxaa maamulkan ku kelifaaya iyaga oo taageero been ah ka helaaya wadamo shisheeye oo aan diin iyo dal toona aan tixgelin siinahaynin. DEMOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Dadka la tashata) Dawlada noocan ahi waa mid la tashata dadka shacabka ah ee ay maamusho misana u ogol dadka in ay samaystaan ururo, xisbiyo, iyo koox dawlada la tashada sida goolayaasha oo ah kuwo u taagan shacabka, Dawlada noocan ahi waa mid ay ku dedaalaan dalalka reer galbeedku in ay ka hirgeliyaan waddan kasta oo caalamka kamid, Democratic (dimiquraadi) waa maamul ay soo doorteen dadku, laga soo doortay dadka dhexdooda, losoo doorta danta dadka iyo dalka, Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ahi waa mid ku fidaaya waddamada islaamka oo ah in diintii islaamka ee ay isku maamuli lahayeen laga saaray meesha inta wax laga soo dheehday misana aan la wadda qaadan. Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ah waxaa kamid ah Somaliland oo Sanadadii 2003 la is odhan karo waxay qaadatay nidaamkan, Laakiin aan si buuxda uga hirgelin oo aan waddanka maamulka ka jiraa aanu la tashan dadka Aqoonayahnada u ah bulshada, Weriyayaasha , Dadka qalin maalka ah ee Kalmada Xaqiiqada ah Qalinka ku duuga. Saudi Arabia waa waddama islaamka ugu waaweyn laakiin dhaqan la baray ayaa ah mid hada kusoo laba kaclaynaya misana suurto gelinaya in Waddan shisheeye uu rabo in uu u yeedhiyo waxa lugu xukumayo waddanka, Inkasta oo Waddanka lugu xukumo diinta macaan ee islaamka, misana laga fuliyo shareecada islaamka ayaa misana waxaa ka jira in USA oo ah marykan uu u tilmaamo wax uu yidhi waa horumar. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa) Dawlada noocan ahi waa mid si xornimo leh kula dhaqanta dadka ay maamusho misana waa dawlad u taagan in ay hirgeliso inta baddan wixii ay u balanqaaday dadka, Inkasta oo dawladaha noocan ahi yihiin kuwo dhaafay heer dimiquraadiga ah, Sidaan kawarqabno waddamada islaamku waa kuwo haysta xoriyada ugu baddan ee xaga dhaqanka oo ah diinta islaamka, misana diinta islaamku waxay inaga reebtaa wax kasta oo aan faido Aduunyo iyo mid Aakhiro toona inoo lahayn misana waxay inoo ogoshahay wax kasta oo Aakhirada iyo Aduunyada aynu ku Guulaysanyno. Inkasta oo dhaqanka Noocani uu yahay mid dalalka islaamka aan ku badnayn u jeedada oo ah inta baddan waddamada islaamka oo sanka laga gelyey dhaqan layidhahdo Dimquraadiyad , iyo xukun xoog ah ayaa waddamada qaatay qaabka hogaanka waxaa kamid ah Inta baddan waddamada Yurub, Marykanka Iyo waddamo aan badnayn oo katirsan Asiya. In kasta oo Waddamo aad u yar oo kamid ah Afrika ay qaadanayaan maamulka noocan ah, Handdana ma jirto waddan farta lugu fiiqo oo ka jiro maamul noocan ah, Somaliland oo dadka kunooli yihiin 100% dad islaam ah ayaa xoriyada ay haystaan dadku tahay mid aad iyo aad u baddan, laakiin dhinaca kale ay jiraan dhaliil losoo jeedinaayo maamulka hadba ka jira waddanka oo talaabo ka qaada cida runta sheegta, Misana la is odhan karaba waxaa aan lugu adag ku taagnayn Qodobkii labaad ee aan kasoo hadlay oo ahaa Dawlad Dimuqaraadi ah, oo ahaa in dawladu la tashato shacabka misana go’aamada ay gaadhayso wax kaweydiiso. Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan Wa-bilaahi Tawfiiq Saxafi /Qoraa Madax banaan. Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare) E-mail: Xamse18@gmail.com Www.facebook.com/wiyeeer Www.wiyeeryare.blogspot.com Hargeysa/Somaliland Kala Duwanaanshah Maamulka Iyo Hogaaminta Caalamka (Leadership Styles) W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug. BAAQA HIMILO QARAN EE XIISADDA GALMUDUG Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka walaacsanyahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug. Dadka kunool Dowlad goboleedka Galmudug waxay muddo kunnaalloonayeen nabad-gelyo iyo xasillooni toos oo baahan in la xoojiyo lana mideeyo awoodda dadka deegaanka si loo adkeeyo dowladnimada. Xisbigu wuxuu bogaadinayaa dul-qaadka iyo xil-kasnimada dadka reer Galmudug wuxuuna ku kalsoonyahay in ay kuguuleysan karaan xal u helidda xiisadda hadda kataagan Galmudug. Xisbigu wuxuu ka digayaa faro-gelinta sharci-darrada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kuhayso maamul goboleedyada guud ahaan taasoo ay caado kadhigatay, wuxuuna Xisbigu ugu baaqayaa Xukuumadda Federaalka in ay joojiso kana waantowdo arrintaas. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kubaaqayaa: In Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye. In Xukuumadda Federaalku ay ka fogaato faro-gelin kasta oo horeseedi karta kala qaybin iyo iskahorimaad bulshada dhexdeeda ah, iyo in ay ka dheeraato wax walba oo keeni kara khalkhal-gelinta nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaanada Galmudug. In dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda hadda ka taagan Galmudug ay dhowraan shuruucda iyo heshiisyada lagu dhisay Dowlad Goboleedka Galmudug. Ugu dambeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soodhaweynayaa dadaal kasta oo looga golleeyahay isu soodhaweynta iyo xoojinta wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland Yusuf Xaaji Nuur, ayaa ku geeriyooday Dalka Turkiga, halkaasi oo xaalad caafimaad loo geeyay. Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, ayaa xilkan hayay mudda ku dhow saddex sano, kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali u magacaabay 16 August 2016. Sidoo kale ,wuxu isla xilkan soo qabtay sannadkii 1998, xilligaasi oo ku beegan markii la aas’aasay dowladda Puntland, Waxaana lagu xasuustaa in uu sannadkii 2001 ahaa ku simaha madaxweynaha Puntland, kadib khilaafkii maamul ee ka dhacay Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sheegtay in Cid aan weli la Aqoonsan ay dab qabadsiiyeen qayb ka mid ah Gurigeeda Magaalada Hargeysa. Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo Maanta Saxaafadda uga warrantay falkan Naxdinta leh ee lagula kacay, kaasi oo dhacay Xalay Saqdii dhexe ayaa sheegtay in Falkani yahay Isku day uu sameeyay Qof dilaa ahi, nasiib wanaagsan’se aanay wax dhibaato Nafeed ahi ka dhalanin, marka laga reebo Khasaaraha soo gaadhay Guriga iyo Hantida Guriga taallay ee gubatay. Marwo Kaltuun oo Arrimahaa ka hadlaysaa waxay tidhi “Saacaddu markay ahayd 1-dii habeennimo ayuu qayliyey Inan halkaa hurday oo uu yidhi kaca ‘Gurigii baa gubtaye’, sidaas ayaanu kaga war helnay Guriga gubtay.” Kaltuun oo la waydiiyey khasaaraha uu geystay Dabkaasi ayaa sheegtay “Maxaa wax gaadheen lama yidhaahdo, waayo? waa isku day dillaa waxani (Falkani), hadduu ku guulaystay iyo haddaanu ku guulaysanba..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku dartay “Ilaahay baa naga bakhtiyey (Dabka), innagama oo shaqadooda haystay oo feejignaa ayaa ku guulaystay oo bakhtiiyey.” Marwo Kaltuun waxay sheegtay in Dabku aanu khasaare nafeed sababin “Ilaahay baa Mahad leh wax khasaare nafeed ah may geysanin, laakiin khasaare Maaliyadeed wuu yimid.” ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay in Wasiirka Arrimaha guduhu u ballan-qaaday in ilaaladeedii oo hore looga qaaday loo soo celinayo “Wasiirka Arrimaha gudaha oo aan Maalin dhawayd u tagay wuxuu yidhi waa laguu keenayaa ilaaladaadii.” Kaltuun waxay sheegtay in kiiskan baadhitaan lagu wado “Waxan la sameeyayna baadhitaan ayaa lagu wadaa, inay Cid qayrul masuul ah ku kooban tahay iyo inay Talo tahay..”ayay tidhi. Source
-
(SLT-Berbera)-Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Nin Suxufi ahi uu Diinta Kiristaanka ku faafinayey Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Guddiga Arrimaha Bulshada oo dhawaan kormeer ku soo maray deegaanno ka mid ah Gobollada galbeedka Somaliland, ayaa sheegay in Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil uu u sheegay in Nin Suxufi ahi uu Baybalka Kiristaanka uu Af-Soomaali ku Tarjumay isla-markaana ku fidiyey Berbera, taasina ka mid tahay dhibaatooyinka looga warramay ee yaalla Magaalada Berbera. Guddoomiyaha Guddi-hoosaad arrimaha Bulshada oo War-bixin la xidhiidha Safarkoodii Gobollada Galbeedka siiyey Golaha Guurtida Maanta wuxuu yidhi “Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil, wuxuu noo sheegay in Nin Suxufi ah oo Berbera deganaa uu fidinayey Diinta Kiristaanka, Kitaabka Baybalkana uu Af-Soomaali ku daabacay, waanu na hor keenay..” Guddoomiyaha Guddi-hoosaad Arrimaha Bulshada Xildhibaan Jirde ma sheegin jinsiyadda Suxufiga faafinayey Diinta Kiristaanka, laakiin wuxuu sheegay in isu-duwaha Wasaaradda Awqaaftu cabasho ka muujiyey Dadka Gobollada kale ka yimaadda ee Dal-xiiska ku taga Berbera. Source
-
(SLT-Tehran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa dil ku fulisay Nin u dhashay IRAN oo lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA. Jalal Haji Zavar oo Wasaaradda difaaca ee Dalka IRAN kula shaqaynayey Qandaraas ayaa lagu xukumay Dil, isla-markaana lagu fuliyey, ka dib markii lagu helay inuu u basaasayey CIA iyo Dawladda Maraykanka, sida Wakaaladda Wararka ee ISNA ka soo xigatay Millateriga IRAN. Inuu CIA u basaasayey ayaa waxa ku ogaaday Waaxda Sirdoonka ee Wasaaradda difaaca IRAN, sida ay Wakaaladda ISNA sheegtay Ninkan ayaa la sheegay inuu si Cad u qirtay in CIA u adeegsatay Lacag, si uu ugu basaaso, waxaana baadhitaan lagu sameeyay Gurigiisa laga helay qalab uu u adeegsanayey hawl-galladiisa basaasnimo. Xaaskii hore ee Ninkan ayaa iyadana lagu eedeeyay inay ka qayb-qaadatay Hawshan basaasnimo, waxaana lagu xukumay 15 sanadood oo xadhig ah. Dilka Ninkan ayaa ku soo beegmaya xilli Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN aad u kacsan tahay. Source
-
The Premium Residency Center begins its services on Sunday by receiving and processing the applications electronically and applying the Premium Residency System issued by royal decree with the approval of the Council of Ministers headed by the Custodian of the Two Holy Mosques, King Salman bin Abdulaziz Al Saud, may Allah protect him. The Center is looking forward to serving those who wish to obtain the Premium Residency in Saudi Arabia through the comprehensive electronic platform “SAPRC”, through which the applicant can upload all the required documents and make the electronic payment allocated for the procedures. The platform provides also an overview about the system and center. The Center offers two types of Premium Residency in Saudi Arabia: – Permanent premium residency for a one-time lifetime fee – Temporary premium residency for an annual fee. They offer the resident several advantages. The approval of the Premium Residency System comes to provide an opportunity for those who wish to settle or invest in the Kingdom according to the criteria set by the system and in an attractive investment environment that will achieve further growth and development to the Kingdom’s economy and its citizens. The Center is a financially and administratively independent entity associated with the Council for Economic Affairs and Development. To achieve its objectives, the Center cooperates with the government sectors to provide comprehensive services to those who have a premium residency in Saudi Arabia and who wish to obtain it Khaleej Times Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla markaasna kasoo horjeedo aragtida Dowladda ay ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay ka bixitaanka Xaaf ee Magaalada Dhuusamareeb. Fiqi ayaa sheegay in bixitaanka Xaaf uu ka dhigan yahay in Dhuusamareeb ay isaga baxeyn Xaaf iyo Maamulkii Galmudug. Fiqi ayaa weerar uu ku qaaday Sabriye ku sheegay inuu la mid yahay Baabuurta is qarxiso oo ay Al-Shabaab marka hore ku furtaan weerarada ay ku qaadaan Hotelada iyo Xarumaha Dowladda. Wuxuu sheegay inuu Sabriye albaabka u furayey Kheyre si uu imaado Dhuusamareeb. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook Magaalada Dh. Mareeb madaxweyne Xaaf iyo Galmudug-ba waa ka wada baxeen, waxaana isugu haray labada kooxood ee Villa Somalia iyo ASWJ. Wasiir sabriye iyo wafdigiisu kama duwanayn baabuurka walxaha qarxa lagu soo rakibo oo albaabka hore ee goobta la weerarayo lagu furto, ka dib Kooxo qamaam oo hubaysan ay goobta soo galaan sida safarka Khayre ee la sheegayo inuu halkaas ku tagi doono.. Wadahadalka labadaas kooxood kama dhigna mid GALMUDUG arrimaheeda khuseeya. Dadka deggan Dh. Mareeb iyo agagaagarkeedu waxay muujiyeen gobnimo mudadii shirqoolka abaabulan uu socday, waxayna madaxweynaha u muujiyeen hiil iyo garab-istaag. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Galmudug president Ahmed Duale Gelle Haaf has “moved out” of Dhusamareb in central Somalia as the Federal Minister of Interior is in the town for talks with local leaders. The regional leader left his office with a security convoy and stationed outside the city where his finance minister and other key officials are stationed and mulling their future. There were political talks in Dhusamareb following the arrival of Federal Interior Minister Abdi Sabrie to convince Haaf to hold the regional polls on its scheduled timetable. Somali Govt says Haaf’s 4-year mandate expires July 4, however, the leader disputes this. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee Sanadkan 2019-ka lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka Dadweynaha, Gaadiidka iyo bilicda Magaalada. “Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah Bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo Laami casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay Laamiga waaa in uu ahaado mid tayo leh oo si wanaagsan loo dhisay”ayuu yiri Guddoomiyahu. Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddadan iyo kuwa kale ee Laamiga ahba ay wax badan ka beddaleen bilicda Caasimadda, isla markaana hagaajinaya adeegyada Bulshada. Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyinka Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo. Guddoomiyaha ayaa yiri” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, Wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar , isbeddal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka Waddooyinkan ay dhameystirmaan”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in goor dhow uu isaga baxay magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddooyinkan ku sugnaa magaaladaasi. Madaxweyne Xaaf ayaa u dhaqaaqay duleedka Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Ciidamo uu hoggaaminayay wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac. Lama oga halka uu ambabixi doono Xaaf oo ka biyo diiday ka qeyb galka kulamo ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha XFS saacadaha soo scoda uu ku wajahan Galmudug, si uu ugu biiro wadahadallada ka socda maamukaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixineysa sidii bisha July ee soo socota loo qaban lahaa doorashada maamulka Galmudug. View the full article
-
Ethiopia’s army chief of staff was shot while trying to thwart an attempted coup on Saturday in a federal state north of the capital Addis Ababa, Prime Minister Abiy Ahmed said. Speaking on state television late on Saturday, Abiy said General Seare Mekonnen was one of several casualties. But his press secretary, Billene Seyoum, told Reuters later that it was unclear whether General Seare had been killed or wounded. “He was shot by people who are close to him,” Abiy said. The prime minister said the general had been trying to prevent plotters carrying out a coup in Amhara state, one of Ethiopia’s nine federal states. Since coming to power last year, Abiy has tried to spearhead political reforms, to open up the once isolated, security-obsessed country of 100 million people on the Horn of Africa. Abiy has released political prisoners, removed bans on political parties and prosecute officials accused of gross human rights abuses, but his government is battling mounting violence. Ethnic bloodshed – long held in check by the state’s iron grip – has flared up in many areas, including Amhara, where the regional government was led by Ambachew Mekonnen. According to Abiy, regional government officials were in a meeting when a coup attempt occurred.“There are a few people who were killed while others were injured,” Abiy said. A regional television broadcaster affiliated with the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), a member of Abiy’s coalition, reported Seare had been killed, alongside another senior military official, Gize Abera. The US Embassy said on Saturday that it was aware of reports of gunfire in Addis Ababa, though Reuters could not confirm those reports.“Chief of Mission personnel are advised to shelter in place,” the Embassy said on its website. Early on Sunday, Brigadier General Tefera Mamo, the head of special forces in Amhara, told state television that “most of the people who attempted the coup have been arrested, although there are a few still at large. ”Residents in Amhara’s capital Bahir Dar said late on Saturday there was gunfire in some neighborhoods and some roads had been closed off. Ethiopia is due to hold a national parliamentary election next year. Several opposition groups have called for the polls to be held on time despite the unrest and displacement. View the full article
-
Somali special forces and their allied AU soldiers have successfully retaken Xarshanley near the ancient port city of Barawe on Sunday from Al-Shabaab. According to the reports, the troops are conducting operations to clear bobby traps and other explosive devices that may have been left behind. The village which was previously controlled by al-Shabaab is 10 Kilometers north of the Southwest State administrative capital, Barawe. Somali troops have stepped up operations to retake areas still under the control of the armed group in the country mainly in the south-central part areas. The forces recently took Canoole and Sabiid towns which were controlled by the group. Lower Shabelle region is very strategic, and its control gives an upper hand to either of the sides. View the full article