Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,744
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BEIJING, June 23 (Xinhua) -- Chinese State Councilor and Foreign Minister Wang Yi held talks or meetings here Sunday with foreign ministers from eight African countries, who are here to attend the upcoming coordinators' meeting on the implementation of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) Beijing Summit outcomes. Source: Hiiraan Online
  2. BEIJING, June 23 (Xinhua) -- Chinese State Councilor and Foreign Minister Wang Yi held talks or meetings here Sunday with foreign ministers from eight African countries, Source: Hiiraan Online
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale waxay ka jawaabtay war-murtiyeedkii uu ururka Jamaacadda Carabta ku garab istaagey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaanka oo lagu xusay in dhul badeedka ay sheeganeyso Kenya ay yihiin kuwa been abuur ah ayaa xukuumada Nairobi loogu digay in ay joojiso farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Afhayeenka dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa ku sifeeyay warbixinta kasoo baxay ururkaasi oo ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya faafisay “waxba kama jiraan”, sida ay baahisay saxaafada maxaliga ah. Cyrus Oguna ayaa waxa uu ku tartarsiiyey dadka Kenya in ay ka digtoonaadan wararkaasi uu ugu yeeray “kuwa aanan waxbo ka jirin”. Xukuumada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay adeegsaneyso ururo siyaasadeed si ay “xaqiiqada jirta u laasho”. “Dadweynaha haka digtoonaadan wararkaan lasoo diyaariyey ee aysan iyaga xitaa u qalmin,” ayuu u sheegay Daily Nation. Isaga oo sii hadlaya ayuu ku booriyey saxaafada dalkiisa in aysan baahin “wararka aanan ka imaan ilaha aan saxda aheyn”. “Sababtaasi darteeda waxaanu dooneynaa in aan ka korno maalmaha soo aadan been-abuurashada noocaan ah,” ayuu daba dhigay. Hadaladdan culus ee kasoo yeeray afhayeenka dowlada Kenya ayaa imaanaya iyadda oo ay dowladda Soomaaliya warbaahinta madaxa banaan ka codsatay in aysan “dhexdhexaad ka noqon qadiyada badda”. Kala taag-taaga labada dowladood ee deriska ah oo sii xumaanaya ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamada Cadaalada Aduunka ay bilooyin ka harsan tahay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Wang Yi , Caasimadda Beijing. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka. Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “ Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka. Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada. Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey madal dhalinyaro oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in dowladda Farmaajo iyo Somaliland ay isku haystaan inay xaq u leedahay inay go’do. Guddoomiye Faysal ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya oo bishii hore lagu xiray magaalada Hargeysa, kaasi oo uu sheegay inay aheyd in la gubo markii Ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabayen. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada reer Somaliland loo soo adeegsado inay wiiqan qadiyadooda, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaa nasiib darro ah maanta Cadowga Somaliland uu target-gareeyay dhalinyarada Somaliland, waxa la isku hayo garan maysan, waxa la isku hayaa waa Somaliland gobonimadeeda ma haysan kartaa oo xaq ma u leedahay inay go’do oo wadankeedi wadato”. “Markaa waxa weyi dhalinyarta Somaliland waa in aad iska celisan dhalinyarta dalkeena khal-khalka galinaysa, maalin dhoweyto waxad tiraahden Ninba calan Soomaliya xidhay, wuxuu la mid ahaa Nin calankii Naasiga ahaa ku dhex xiran Isra’iil, ma noolaan lahaa, wan arkayo Booliska baa loogu yeeray, waxay aheyd inay meesha ku gubaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaynu noqoney dad biidho (laaluush) qaatayaal ah, anigey igu yiraahdan Faysal lacag buu qaata, haddan qaato miyaan ka qaato Farmaajo. Xukunkii dhamaa dadkii lahaa ee u badnaa dibaday ka joogan, wax qaylinaya ma maqasheen, maalin dhoweyto waxan idin sheegaya nin wata mooto bajaaj uu Askari madaxa ka toogtay, shan iyo toban baa lagu dilay meesha la yiraahdo Baydhabo, waa Farmaajo”. “Maanta haduu ka dhaco meesha (xilka) magaalo uu uhoydo oo wadanka gudihiisa maleh, ma jirto magaalo uu Farmaajo ku abtirsado, waa tuulooyin, markaasu doonaya in uu adiga ku baabiyo oo wax ka sheego, markaasu intuu lacag ku siiyo ku leeyahay Somaliland soo cay.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Marka aan leeyahay qaramayn waa in kooxda dhagar qabayaasha ah ee Al-Shabaab loo oggolaado ku biritaanka hay’adaha aminga iyo helitaanka xogaha amni ee u degsan ciidamada qalabka sida iyo lamaha kale amniga. Ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab ma aha in ay gashanyihiin shaadhkii hore ee ay ku joogeen duurka balse waa kuwo gashtay shaati cusub kana diiwaan-gashan xaruumaha maamulka ciidamada, kuwaas oo ku soo gala hab is-dhibitaan kaas oo aan marin intiisa badan daba-gal iyo dhaadhitaan xaqiijineed oo dhammaystiran kaas oo caddaynaya in ay xubnahaasi ka tanaasuleen fikirkii xag-jirnimo ee ay amminsanaayeen. Hannaanka uugu adag ee ay maraan xubnaha isa soo dhiiba ayaa ah in ay helaan qof damiinta xilliga ay gelayaan laamaha amniga dawladda, taas oo ugu dambayn Al-Shabaab u sahla in ay si fudud u dhex-galaan halkay rabeen. Ma xuma in laamaha amingu adeegsadaan xubnaha isa soo dhiiba, iyaga oo ka raadinaya xogo iyo hannaanka wada shaqayneed ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dhibaato ah oo weliba halisteeda wadata in xubanaha laga raadinaayo xogta ay iyagu noqdaan kuwo xog gudbiya, waayo hannaanka xog raadinta ayaa ka dhigaysa xubnahaas in ay iyagu noqdaan kuwo jiheeya ama qorsheeya hannaanka dagaal ama sirdoon ee loo wajahaayo Al-Shabaab, waana arrin aan hubo in ay tahay dhabar-jabka uugu weeyn ee soo wajaha laamaha amniga. Wakhtiyada qaybood waxaa dhacda in shakhsiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab ay noqdaan kuwo si toos ah u fuliya hawl-galka, marmarka qaybtoodna waxa ay kala soocaan oo kala saaraan ragga lugu tuhunsanyahay Al-Shabaab iyo weliba kuwii hore uuga tirsanaa. Kala saarista kooxdani ay kala saarayso dhagar-qabayaasha ayaa marmarka qaybteed waxa dhacda in ay hareer maraan oo ay fasaxan rag ka tirsan Al-Shabaab. Maxaa dawladda kala gudboon xubnaha isa soo dhiiba ee Al-Shabaab? Dawladdu waa in ay samaysaa hannaan cusub kaas oo meesha ka saaraya habka aan xadka iyo sharciga lahayn ee xubnaha isa soo dhiiba ay uugu biirayaan lamaha muhiimka ah ee amniga. Xogta laga raadinaayo xubnaha Al-Shabaab waa in laga raadiyaa iyaga oo ku sugan meelo loo diyaariyaya, meelahaas o ka baxsan ama ay ku adagtahay helitaanka xogaha hannaanka amniga waddanka. Ma habboonna qof fikir xag-jirnimo aamminsanaa in lugu kalsoonaado markii u Qof dammiinto isla markaasna loo oggolaado dhex-galista hannaan uu markii hore dullaan ku ahaa, fikirka xag-jirnimada ee uu qofku amminaa ma aha wax sahlan oo lugu kalsoonnaankaro kolkii uu qof dammaanad qaado qof xag-jir ahaa, waa qorshe u bahaan dabar-gooyn iyo dhaqan-celin muddo qaadata, waana arrin aysan sahlanayn in si fudud qofkaas loo dhex geeyo meelaha muhiimka ah. Faafinta shaqaalaha hay’adda sirdoonka Si tuhunka iyo fallalka argagixisnimo shakhsiyaadka ku jira looga war helo ama loola socdo waa in shaaqalaha nabad-sugidda lugu dhex faafiyaa goobaha shaqooyinka dowladda iyo meel kasta oo xaruun dawladdeed ah, Si loola socdo dhaqdhaaqaaqyada kooxaha dulmi-wadayaasha ah ee ku dhex jira dalwadda kuwaas oo hore isu dhiibay ama fikirkaas uu ku dhex-abuurmay intii ay shaqaynayeen oo ka tirsanaayeen laamaha dawladda. Awood siinta madaxda hay’adda sirdoonka NISA. Waa in awood buuxda la siiyaa saraakiisha hay’adda sirdoonka, go’aannada uugu dambaynta ahna waa in ay gaadhaan iyagu. Marka aan leeyahay awood-siinta waa in madaxda aan go’aankooda lugu burburin dammaanad qof magac leh uu dalbaday iyo mid ka tirsan dawladdaba, waa in go’aankoodu noqdaa midka uugu dambeeya, loona oggolaada in ciqaabta mariyaan cidkasta oo ay ku caddaato fallalka dembi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Cumar Rodol Hyderabad, india Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay cabudhinta ay xukuumada Muuse Biixi kula kacdo warbaahinta ka howl-gasha deegaanada Somaliland. Siyaasi Dheri ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Biixi ay tahay mid bilaa dulqaad ah oo isku dayeysa inay sharci daro ku cabudhiso warbaahinta baahisa dhaliilaheeda. Dheri ayaa sidoo kale waxa uu sii adkeyay mowqifka xisbiga Waddani ka taaganyahay Guddiga doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu baaqayna inay is casilaan. “Xukuumaddu ma ogola in dhaliilaheeda iyo khaladaadkeeda la sheego ee dulqaad la’aan ayey Saxaafadda ku cabudhinaysa, kuna xir-xiraysa, Xukuumaddani meel bay kaga dhacday xoriyadii Saxaafadda iyo xoriyatul qawalkii, halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaheeda ayey xadhiga Saxaafadda maciin biday, taasina waxba ku hagaagi mayaan” ayuu yiri Siyaasi Dheri oo la hadlayey warbaahinta. Wuxuuna intaas ku daray “Komishanka waxaan leeyahay Doorasho dambe la idnku aamini maayo, cidina idinma rabto ee is casila, inta aanu wakhtigu idinka dhicin, muddo xileedkiini wax yar ba idin hadhaye”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi oo lama filaan ah oo u muuqda inuu soo afjarayo xiisaddii iyo loolankii siyaasadeed ee Galmudug. Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, islamarkaana la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, islamarkaana ay si wada jir ah u qaban doonaan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug. Go’aanka Xaaf ayaa yimid saacado kadib markii uu ka tagay magaalada Dhuusomareeb oo ay ka socdeen wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna, oo la doonayey in isaga lagu tuuro. Dad ku dhow Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay isaga oo ku xumaynaya Ahlu-Sunna, islamarkaana hadda joojiyey meel aysan ku lahayn awood ay kula gorgortamaan dowladda. Xaaf ayaa dareemaya in Ahlu-Sunna ay dhabarka ka toogatay. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Xaaf Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  9. Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku sugan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula leeyahay qaar ka mid ah waxgaradka degaanka. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Kulamadaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Waxgarad ka yimid Magaalada Cadaado oo lagu waddaa in uu gaaro maalinta Berri ah. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waxgaradka degaanka iyo maamulka Galmudug, islamarkaana laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa in ay Cadaado ku shaqeeyaan hoggaanka Galmudug. Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu gaari doono ilaa iyo Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uusan ku laaban doonin Magaalada Dhuusamareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha maamul Goboleedk Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa caawa ku hoyday deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado. Dhanka kale Madaxii Galmudug [...] Source
  11. (SLT-Burco) Xildhibaan Bidhi Oo Ka Hadlay Waqtiga La Dhisaayo Biriijyada Magaalada BURCO. Source
  12. ISTANBUL – An opposition party candidate, Ekrem Imamoglu, won a second victory in the do-over race for Istanbul mayor, despite a determined effort by Turkey’s powerful president, Recep Tayyip Erdogan, to keep the seat in the hands of the ruling party. Source: Hiiraan Online
  13. It’s ironic and peculiar to be stable and impeccable, a country with over 100 million under mosaic federal system. Source: Hiiraan Online
  14. Guddigii fatahaad baddda ee Caluula oo uu madaxweyne Deni uu magacaabay ayaa maanta ku dhawaaqay in gurmadkii ugu horeeyay dhawaan la gaarsiin doono gobolka. Wasiirja [...] Source
  15. Wafdigan uu hogaaminayey Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta gaaray degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay Maamulka degmada, Odayaasha,Dhalinyarada iyo Saraakiisha Ciidanka. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo wafdigisa ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Mas’uuliyinta degmada, Odayaasha iyo Dhalinyarada, waxayna madaxweynaha la wadaageen tashada ay qabaan dadka deegaanka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta gareen) ayaa dhankiisa Sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonaan Cabashooyinka ay so gudbiyeen bulshada reer Walaweyn,waxaana uu sheegey in marna aan raali ka noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool Deeganadda Shabeellaha Hoose. Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Gobolka Shabeellaha hoose ay ka socoto howlgal lagu ciribtiraayo haraadiga Al-Shabaab,wuxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed shacabka ku dhira geliyay iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shbaab. Wafdiga uu hoggaaminaayey Madaxweyne Lafta Gareen waxa Qeyb ka ahaa Wasiirada wasaaradaha Amniga, Dekadaha iyo Xildhibano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed,wuxuuna ujeedka uu ahaa sidii wax badan looga ogaan lahaa baahiyaha dadka deegaanka ay qabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War goordhow nassoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug lagu xiray Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa waxa la sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Dhuusamreeb ay Xabsi ku yaalla halkaasi ku xireen. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray Wasiirka Tamarta Galmudug, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la xiray kadib markii uu isku dayay in uu la baxsado Gaari dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Wasaaradda Tamarta Galmudug. Wasiir Shire Falage ayaa waxaa la xusay in uu doonayay in uu horey usii raaco Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gelinkii dambe safar dhanka dhulka uga ambabaxay Dhuusamareeb, hase yeeshee waxaa la qabtay, isla markaana lagu xiray xabsi ku yaalla Dhuusamareeb. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Galmudug, kooxda Ahlu-Sunna ee gacanta ku haysa Dhuusomareeb iyo dowladda federaalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland. Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. -DHAMMAAD- The post Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Yuusuf Xaaji Nuur appeared first on Puntland Post.
  18. Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha [...] Source
  19. (SLT-Hargeysa)-159 maalmood, ayaa ka hadhsan wakhtigii loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dib u dhacu hadheeyey tan iyo 2010-kii oo ay ku eekayd muddo xilkeedkii ay shacabku doorteen. Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah u kordhiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada 21-kii bishii January ee sannadkan, ka dib markii dib u dhac ku yimid wakhtigii hore ee loo muddeeyey Doorashada Wakiillada oo ahaa 29-kii March ee sannadkan aynu ku jirno. Markale, ayaa waxa muuqata in dib dhac kale oo muddo sannad guddihii ah uu ku imanaya doorashada Golaha Wakiillada oo qorsheysan 13/12/2019, oo ay innaga xigto imika muddo lix bilood iyo sagaal maalmood ah, amma 159 maalmood. Qabsoomida doorashadan, ayaa waxa weli ku gedaaman duruufo iyo khilaafyo keeni kara dib u dhac kale, kuwaas oo aanay weli muuqan xal lagaga gudbayo is-marin-waaga ka taagan doorashada. Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa iyagu si weyn isugu khilaaftan doorashadan, iyada oo arrinta xudunta u ahi khilaafka taagan uu yahay Komishanka doorashooyinka oo Xisbiga Waddani sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen, isla markaana aanay ogolayn in ay ka qayb galaan doorasho ay qabtaan Komishanka imika jooga, halka Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay aamisan yihiin in ay dalka doorasho ka dhacayso wakhtigii loogu talo galay ee dabayaaqada sannadkan. Haddaba, waxa aan halkan ku soo ururinay shan sababood oo keeni kara in doorashada Wakiilladu dib dhaco, kuwaas oo qaarkood xalintoodu wakhti iyo is-faham buuxa u baahan tahay. 1-Diidmada Xisbiga Waddani ee Komishanka jooga Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in ay Kalsoonida kala noqdeen Komishanka doorashooyinka ee imika jooga, isla markaana aanay ka qayb galayn doorasho ay qabtaan. 22-kii bishii March ee sannadkii hore ayey caddeeyeen Waddani mowqifkooda Komishanka, iyaga oo dalbaday in la kala diro oo la soo magacaabo Komishan cusub, taas oo dhalisay dood sharci oo la xidhiidha cidda awoodda u leh in ay kala diraan, iyaga oo aan dhamaysay wakhtigii ay xilku ka dhammaanayey. Go’aankan Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu caqabad ku noqday qorshihii doorashada Wakiillada ee 29 March 2019-ka, iyada oo qodobkan iyo kuwa kale oo taagnaa keeneen in muddo kordhin la sameeyo sagaal bilood ah Mowqifkan Waddani ka qaatay Komishanka oo weli taagan, ayaa ah qodob aan xal loo helin oo mar kale sababi kara in doorashada Wakiilladu baaqato, mana jiro wax tanaasulaad ah oo ay qodobkan ka sameeyaan Xisbiyadu, halka Xubnaha Komishanku ku adkaysanayaan in ay dhamaysanayaan wakhtigooda oo ku eeg 29/11/2019-ka. Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa heshiisyo ay marar kale duwan kala saxeexdeen, waxa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin doorasho qabsoonta wakhtigii loogu talo galay oo ay Komishanka joogaa gadhwadeen ka yihiin, waxaanay kulamo dhawr ah la qaateen Guddida doorashooyinka, iyada oo Waddani ka maqan yahay madasha. 2-Wakhtiga gabaabsiga ah ee Komishanka Xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa wakhtigoodu gabaabsi ku dhow yahay, iyada oo uu dhamaanayo wakhti xiloodkoodu 29/11/2019-ka, waxaanay su’aalo badan ka taagan yihiin wakhtiga Guurtidu kordhisay, sheegtayna in ay doorasho qabtaan, in ay ku beegan tahay wakhti ay dhamaatay muddo xileedkoodu, inkasta oo ay Komishan ahaan awood u leeyihiin cayimaad wakhtiga doorashada, isla markaana ay muddeyn karaa ka hor inta aan wakhtigoodu dhicin. Wakhtigan Komishanka ee is guraya iyo kalsooni kala noqoshada Xisbiga Waddani, ayaa keeni kara in mar kale ay dib u dhacdo doorashadu. Komishanka, ayaa iyagu dhinacooda wada dedaallo iyo qaybo tirka wixii dhinacooda ah ee la xidhiidha doorashooyinka. 3-Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha Ka hor doorashada Wakiillada ee qorsheysan bisha 12-aad ee sannadkan, wax aka horreeya oo qorshuhu yahay in ay Komishanka doorashooyinku sameeyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, gaar ahaan dadkii aan fursada u helin in ay qaataan kaadhka codbixinta iyo weliba dadkii qaan-gaadhay muddadii ka dambaysay diiwaan gelintii hore. Diiwan gelintan oo dhaqaale iyo farsamo u baahan, ayaa ka mid ah waxyaabaha caqabada ku noqon kara doorashada Golaha Wakiillada. 4-Saami qaybsiga iyo Xeerarka Doorashada Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ah wakhtigan saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah gobollada Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga iyo Galbeed,kuwaas oo sheegay in aanay diyaar u ahayn in ay ka qayb galaan doorasho ku salaysan qaabkii hore. Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Awdal iyo Sool, ayaa muujiyey in qaabkan imika loo qaybsado kuraasta wakiilladu ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan gobollada dalku u sinayn. Qaddiyadan saami qaybsiga oo soo taagnayd muddo labaatan sanno ka badan, ayaan weli xal laga gaadhin, waxaanay imika culays ku haysaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa, madaama oo uu wakhtigii doorashaduna soo dhaw yahay. Illaa imika ma jiro ifafaale muujinaya in xal laga gaadhay qodobkan ka mid ah caqabadaha doorashada. Sidoo kale, waxa jira xeerar la xidhiidha kuwa doorashada Wakiillada oo iyaga aan la ansixin, balse hor yaalla Golaha Wakiillada. 5-Dhaqaalihii Dalalka Taageera Doorashooyinka Somaliland Caqabadaha aynu kor ku soo xusnay ee ay ta komishanka ka taagani ugu horreyso, ayaa waxa ay keentay in aanay dalalka ka caawiya Somaliland dhinaca dhaqaalaha lagu qabto doorashadu, aanay weli soo shubin dhaqaalihii laga sugayey ee doorashada. Dublamaasiyiin iyo xubno ka socda dalalkan oo Somaliland u yimid arrimaha doorashada, ayaa waxa ay dhinacyada isku khilaafsan doorashada u soo jeediyeen in ay xal kama dambays ah ka gaadhaan caqabadaha doorashada ka taagan, taasina weli ma muuqato. Dalalkan waxa ay ugu hanjabadeen Somaliland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan, haddii aan xal la gaadhin, isla markaana aan doorashada la qaban wakhtigii loo qorsheeyey. Si kastaba ha ahaatee, qodobbadan, ayaa ah caqabado hortaagan doorashada la filayo in ay sannadkan dhammadkiisa qabsoomaan, waxaanay qaarkood u baahan yihiin wakhti ka badan ka imika hadhsan. Waxa Qoray: Saleban Hashi Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Ka Mid Ah Beesha Habar-jeclo Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Kala Duwanaanshah Maamulka Iyo Hogaaminta Caalamka (Leadership Styles) W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Maamulka iyo Hogaanku waa nidaamka loo adeegsan karo dadka meel ku dhaqan si loo gaadho u jeedada uu leeyahay dalkaasi, waddan kasta oo caalamka katirsan waxaa ka jira dawlado kala maamul duwan sida maamulada iyo hogaanka waddamada loogu qaybiyo saddexda nooc ee aadka u kala duwan oo kala ah 1. Autocratic Government (Dawlad Digtaatoriyad ah) 2. Democratic Government (Dawlad Dadka la tashata) 3. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa) Hadaba Aan isku dayo in Ablo-ablaynta aan sameeyey ku saleeyo Dawladaha kala duwan ee caalamka kaga kala jiraan oo aan tusaale u soo qaato Dawlado dhawar ah oo isticmaala Nooca(style)ka Maamul ee kala duwan. AUTOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Digtaatoriyada ah) Dawlada Noocan ahi waa mid Adayg kula dhaqanta bulshada ay maamusho misana u diida wax badan oo ay xaq u leeyihiin shacabku, waxay dadka ku abaal marisaa ciqaab iyo inay shaqaala shaqada ka erido, waa dawlad aan jecelayn in ladhiisa ay leedahay la sheego misan wax kasta oo xan ah la qariyo, waa dawlad go’aanka ay shay kasoo saarto aan ka noqon misana eegin danaha bulshada oo teeda uun eegta. Dawlada noocan ahi waxay horumar gaadhsiisaa waddanka laakiin dhaqaalaha waddanka wax loogu qabto waxaa kabadan kan waddo khaldan maraya, sidoo kale waa dawlad ku caano maashay in cid kale oo cadaw ahi aanay ku soo xadgudbin, wadamada ay ka jiro maamulka noocan ahi waxaa kamid ah Eleteria, Egypt, Syria, UAE (United Arabic Emirate) Hadaba wadamadan oo ah kuwo horumarsan, hogaamiyayaasha xilka u hay iyo kuwii soo marayba ay ku maamuli jireen nidaam aan cid kale ka daba hadlin misana waxaa waddamadan ku yar mucaaradka oo hadii uu samaysmo loo taxaabayo jeelka misan aan loo ogolayn siyaasada in cid kale ku soo biirto, waddama sidan ahi waxay u badan yihiin kuwo Madaxtinmada wadanka ay iskaga dambeeyaan dad isku reer ah misan ka dhiga boqortooyo la iska dhaxlo maamulka. Waddamadan oo sidaad aragto ah kuwo kamid ah waddamada islaamka ku abtirsada ayaa waxaa maamulkan ku kelifaaya iyaga oo taageero been ah ka helaaya wadamo shisheeye oo aan diin iyo dal toona aan tixgelin siinahaynin. DEMOCRATIC LEADERSHIP (Dawlada Dadka la tashata) Dawlada noocan ahi waa mid la tashata dadka shacabka ah ee ay maamusho misana u ogol dadka in ay samaystaan ururo, xisbiyo, iyo koox dawlada la tashada sida goolayaasha oo ah kuwo u taagan shacabka, Dawlada noocan ahi waa mid ay ku dedaalaan dalalka reer galbeedku in ay ka hirgeliyaan waddan kasta oo caalamka kamid, Democratic (dimiquraadi) waa maamul ay soo doorteen dadku, laga soo doortay dadka dhexdooda, losoo doorta danta dadka iyo dalka, Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ahi waa mid ku fidaaya waddamada islaamka oo ah in diintii islaamka ee ay isku maamuli lahayeen laga saaray meesha inta wax laga soo dheehday misana aan la wadda qaadan. Waddamada ku dhaqma maamulka noocan ah waxaa kamid ah Somaliland oo Sanadadii 2003 la is odhan karo waxay qaadatay nidaamkan, Laakiin aan si buuxda uga hirgelin oo aan waddanka maamulka ka jiraa aanu la tashan dadka Aqoonayahnada u ah bulshada, Weriyayaasha , Dadka qalin maalka ah ee Kalmada Xaqiiqada ah Qalinka ku duuga. Saudi Arabia waa waddama islaamka ugu waaweyn laakiin dhaqan la baray ayaa ah mid hada kusoo laba kaclaynaya misana suurto gelinaya in Waddan shisheeye uu rabo in uu u yeedhiyo waxa lugu xukumayo waddanka, Inkasta oo Waddanka lugu xukumo diinta macaan ee islaamka, misana laga fuliyo shareecada islaamka ayaa misana waxaa ka jira in USA oo ah marykan uu u tilmaamo wax uu yidhi waa horumar. Laissez faire Government(Dawlad Dadka Xornimo siisa) Dawlada noocan ahi waa mid si xornimo leh kula dhaqanta dadka ay maamusho misana waa dawlad u taagan in ay hirgeliso inta baddan wixii ay u balanqaaday dadka, Inkasta oo dawladaha noocan ahi yihiin kuwo dhaafay heer dimiquraadiga ah, Sidaan kawarqabno waddamada islaamku waa kuwo haysta xoriyada ugu baddan ee xaga dhaqanka oo ah diinta islaamka, misana diinta islaamku waxay inaga reebtaa wax kasta oo aan faido Aduunyo iyo mid Aakhiro toona inoo lahayn misana waxay inoo ogoshahay wax kasta oo Aakhirada iyo Aduunyada aynu ku Guulaysanyno. Inkasta oo dhaqanka Noocani uu yahay mid dalalka islaamka aan ku badnayn u jeedada oo ah inta baddan waddamada islaamka oo sanka laga gelyey dhaqan layidhahdo Dimquraadiyad , iyo xukun xoog ah ayaa waddamada qaatay qaabka hogaanka waxaa kamid ah Inta baddan waddamada Yurub, Marykanka Iyo waddamo aan badnayn oo katirsan Asiya. In kasta oo Waddamo aad u yar oo kamid ah Afrika ay qaadanayaan maamulka noocan ah, Handdana ma jirto waddan farta lugu fiiqo oo ka jiro maamul noocan ah, Somaliland oo dadka kunooli yihiin 100% dad islaam ah ayaa xoriyada ay haystaan dadku tahay mid aad iyo aad u baddan, laakiin dhinaca kale ay jiraan dhaliil losoo jeedinaayo maamulka hadba ka jira waddanka oo talaabo ka qaada cida runta sheegta, Misana la is odhan karaba waxaa aan lugu adag ku taagnayn Qodobkii labaad ee aan kasoo hadlay oo ahaa Dawlad Dimuqaraadi ah, oo ahaa in dawladu la tashato shacabka misana go’aamada ay gaadhayso wax kaweydiiso. Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan Wa-bilaahi Tawfiiq Saxafi /Qoraa Madax banaan. Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare) E-mail: Xamse18@gmail.com Www.facebook.com/wiyeeer Www.wiyeeryare.blogspot.com Hargeysa/Somaliland Kala Duwanaanshah Maamulka Iyo Hogaaminta Caalamka (Leadership Styles) W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Qaran News