Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,756
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba uu buray heshiiskii Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca. Wuxuu tilmaamay Xaaf, in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, sidoo kalena meesha ay ka baxayaan wax walbo oo ku yimid heshiiskii horey u dhacay. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu dhammaaday mad-madowgii ka dhex jiray dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  2. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu soo dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada. Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada. Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ee lagu soo saxiixay waddanka Djibouti. Madaxweynaha Galmudug ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray sidoo kale ku ogolaaday in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka iyo in wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ay Galmudug kala shaqeyso qabashada doorashadaasi iyo in dib u-heshiisiin la sameeyo. Waxaa kale oo uu war-saxaafadeedka ku xusay in doorashada ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo sida uu sheegay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug isagoo caddeeyay in uu dhammaaday khilaafkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Xaaf oo ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
  4. Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe [...] Source
  5. The military voices reservations over the plan for transition to civilian rule and instead seeks joint AU-Ethiopia plan. Source: Hiiraan Online
  6. RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia launched on Sunday their new special residency scheme similar to green card systems applicable in other countries, aimed at attracting wealthy and high-skilled expats. Source: Hiiraan Online
  7. Managing Director of Ethiopian Airlines International Services Mr. Esayas Hailu in this interview said Africa needs more airlines to end the current state of affairs in the region where 80 per cent of international passengers are airlifted by non-African carriers Source: Hiiraan Online
  8. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Sida aan xogta ku helnay, shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen. Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo. Ciidanka amniga ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xubnahaasi u wareejiyay Xabsi ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin xarigga loo geystay, Culimada,Ganacsatada iyo waxgaradka laga xir xiray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Kenya is scouting for new buyers for miraa in Djibouti and Mozambique as stiff competition from Ethiopian varieties squeeze its traditional Somalia market. Source: Hiiraan Online
  10. Abukar Moallim Ahmed, a Somali man who lost his sight after being injured in a grenade explosion in his country, recovered thanks to a rare surgery in Turkey Source: Hiiraan Online
  11. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka. Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “ Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka. Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhaqaale appeared first on Puntland Post.
  12. BEIJING, June 23 (Xinhua) -- Chinese State Councilor and Foreign Minister Wang Yi held talks or meetings here Sunday with foreign ministers from eight African countries, who are here to attend the upcoming coordinators' meeting on the implementation of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) Beijing Summit outcomes. Source: Hiiraan Online
  13. BEIJING, June 23 (Xinhua) -- Chinese State Councilor and Foreign Minister Wang Yi held talks or meetings here Sunday with foreign ministers from eight African countries, Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale waxay ka jawaabtay war-murtiyeedkii uu ururka Jamaacadda Carabta ku garab istaagey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaanka oo lagu xusay in dhul badeedka ay sheeganeyso Kenya ay yihiin kuwa been abuur ah ayaa xukuumada Nairobi loogu digay in ay joojiso farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Afhayeenka dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa ku sifeeyay warbixinta kasoo baxay ururkaasi oo ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya faafisay “waxba kama jiraan”, sida ay baahisay saxaafada maxaliga ah. Cyrus Oguna ayaa waxa uu ku tartarsiiyey dadka Kenya in ay ka digtoonaadan wararkaasi uu ugu yeeray “kuwa aanan waxbo ka jirin”. Xukuumada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay adeegsaneyso ururo siyaasadeed si ay “xaqiiqada jirta u laasho”. “Dadweynaha haka digtoonaadan wararkaan lasoo diyaariyey ee aysan iyaga xitaa u qalmin,” ayuu u sheegay Daily Nation. Isaga oo sii hadlaya ayuu ku booriyey saxaafada dalkiisa in aysan baahin “wararka aanan ka imaan ilaha aan saxda aheyn”. “Sababtaasi darteeda waxaanu dooneynaa in aan ka korno maalmaha soo aadan been-abuurashada noocaan ah,” ayuu daba dhigay. Hadaladdan culus ee kasoo yeeray afhayeenka dowlada Kenya ayaa imaanaya iyadda oo ay dowladda Soomaaliya warbaahinta madaxa banaan ka codsatay in aysan “dhexdhexaad ka noqon qadiyada badda”. Kala taag-taaga labada dowladood ee deriska ah oo sii xumaanaya ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamada Cadaalada Aduunka ay bilooyin ka harsan tahay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
  15. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Wang Yi , Caasimadda Beijing. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka. Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “ Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka. Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada. Source: goobjoog.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey madal dhalinyaro oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in dowladda Farmaajo iyo Somaliland ay isku haystaan inay xaq u leedahay inay go’do. Guddoomiye Faysal ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya oo bishii hore lagu xiray magaalada Hargeysa, kaasi oo uu sheegay inay aheyd in la gubo markii Ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabayen. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada reer Somaliland loo soo adeegsado inay wiiqan qadiyadooda, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona eedeymo u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri: “Waxaa nasiib darro ah maanta Cadowga Somaliland uu target-gareeyay dhalinyarada Somaliland, waxa la isku hayo garan maysan, waxa la isku hayaa waa Somaliland gobonimadeeda ma haysan kartaa oo xaq ma u leedahay inay go’do oo wadankeedi wadato”. “Markaa waxa weyi dhalinyarta Somaliland waa in aad iska celisan dhalinyarta dalkeena khal-khalka galinaysa, maalin dhoweyto waxad tiraahden Ninba calan Soomaliya xidhay, wuxuu la mid ahaa Nin calankii Naasiga ahaa ku dhex xiran Isra’iil, ma noolaan lahaa, wan arkayo Booliska baa loogu yeeray, waxay aheyd inay meesha ku gubaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaynu noqoney dad biidho (laaluush) qaatayaal ah, anigey igu yiraahdan Faysal lacag buu qaata, haddan qaato miyaan ka qaato Farmaajo. Xukunkii dhamaa dadkii lahaa ee u badnaa dibaday ka joogan, wax qaylinaya ma maqasheen, maalin dhoweyto waxan idin sheegaya nin wata mooto bajaaj uu Askari madaxa ka toogtay, shan iyo toban baa lagu dilay meesha la yiraahdo Baydhabo, waa Farmaajo”. “Maanta haduu ka dhaco meesha (xilka) magaalo uu uhoydo oo wadanka gudihiisa maleh, ma jirto magaalo uu Farmaajo ku abtirsado, waa tuulooyin, markaasu doonaya in uu adiga ku baabiyo oo wax ka sheego, markaasu intuu lacag ku siiyo ku leeyahay Somaliland soo cay.” Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Marka aan leeyahay qaramayn waa in kooxda dhagar qabayaasha ah ee Al-Shabaab loo oggolaado ku biritaanka hay’adaha aminga iyo helitaanka xogaha amni ee u degsan ciidamada qalabka sida iyo lamaha kale amniga. Ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab ma aha in ay gashanyihiin shaadhkii hore ee ay ku joogeen duurka balse waa kuwo gashtay shaati cusub kana diiwaan-gashan xaruumaha maamulka ciidamada, kuwaas oo ku soo gala hab is-dhibitaan kaas oo aan marin intiisa badan daba-gal iyo dhaadhitaan xaqiijineed oo dhammaystiran kaas oo caddaynaya in ay xubnahaasi ka tanaasuleen fikirkii xag-jirnimo ee ay amminsanaayeen. Hannaanka uugu adag ee ay maraan xubnaha isa soo dhiiba ayaa ah in ay helaan qof damiinta xilliga ay gelayaan laamaha amniga dawladda, taas oo ugu dambayn Al-Shabaab u sahla in ay si fudud u dhex-galaan halkay rabeen. Ma xuma in laamaha amingu adeegsadaan xubnaha isa soo dhiiba, iyaga oo ka raadinaya xogo iyo hannaanka wada shaqayneed ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dhibaato ah oo weliba halisteeda wadata in xubanaha laga raadinaayo xogta ay iyagu noqdaan kuwo xog gudbiya, waayo hannaanka xog raadinta ayaa ka dhigaysa xubnahaas in ay iyagu noqdaan kuwo jiheeya ama qorsheeya hannaanka dagaal ama sirdoon ee loo wajahaayo Al-Shabaab, waana arrin aan hubo in ay tahay dhabar-jabka uugu weeyn ee soo wajaha laamaha amniga. Wakhtiyada qaybood waxaa dhacda in shakhsiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab ay noqdaan kuwo si toos ah u fuliya hawl-galka, marmarka qaybtoodna waxa ay kala soocaan oo kala saaraan ragga lugu tuhunsanyahay Al-Shabaab iyo weliba kuwii hore uuga tirsanaa. Kala saarista kooxdani ay kala saarayso dhagar-qabayaasha ayaa marmarka qaybteed waxa dhacda in ay hareer maraan oo ay fasaxan rag ka tirsan Al-Shabaab. Maxaa dawladda kala gudboon xubnaha isa soo dhiiba ee Al-Shabaab? Dawladdu waa in ay samaysaa hannaan cusub kaas oo meesha ka saaraya habka aan xadka iyo sharciga lahayn ee xubnaha isa soo dhiiba ay uugu biirayaan lamaha muhiimka ah ee amniga. Xogta laga raadinaayo xubnaha Al-Shabaab waa in laga raadiyaa iyaga oo ku sugan meelo loo diyaariyaya, meelahaas o ka baxsan ama ay ku adagtahay helitaanka xogaha hannaanka amniga waddanka. Ma habboonna qof fikir xag-jirnimo aamminsanaa in lugu kalsoonaado markii u Qof dammiinto isla markaasna loo oggolaado dhex-galista hannaan uu markii hore dullaan ku ahaa, fikirka xag-jirnimada ee uu qofku amminaa ma aha wax sahlan oo lugu kalsoonnaankaro kolkii uu qof dammaanad qaado qof xag-jir ahaa, waa qorshe u bahaan dabar-gooyn iyo dhaqan-celin muddo qaadata, waana arrin aysan sahlanayn in si fudud qofkaas loo dhex geeyo meelaha muhiimka ah. Faafinta shaqaalaha hay’adda sirdoonka Si tuhunka iyo fallalka argagixisnimo shakhsiyaadka ku jira looga war helo ama loola socdo waa in shaaqalaha nabad-sugidda lugu dhex faafiyaa goobaha shaqooyinka dowladda iyo meel kasta oo xaruun dawladdeed ah, Si loola socdo dhaqdhaaqaaqyada kooxaha dulmi-wadayaasha ah ee ku dhex jira dalwadda kuwaas oo hore isu dhiibay ama fikirkaas uu ku dhex-abuurmay intii ay shaqaynayeen oo ka tirsanaayeen laamaha dawladda. Awood siinta madaxda hay’adda sirdoonka NISA. Waa in awood buuxda la siiyaa saraakiisha hay’adda sirdoonka, go’aannada uugu dambaynta ahna waa in ay gaadhaan iyagu. Marka aan leeyahay awood-siinta waa in madaxda aan go’aankooda lugu burburin dammaanad qof magac leh uu dalbaday iyo mid ka tirsan dawladdaba, waa in go’aankoodu noqdaa midka uugu dambeeya, loona oggolaada in ciqaabta mariyaan cidkasta oo ay ku caddaato fallalka dembi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Cumar Rodol Hyderabad, india Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay cabudhinta ay xukuumada Muuse Biixi kula kacdo warbaahinta ka howl-gasha deegaanada Somaliland. Siyaasi Dheri ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Biixi ay tahay mid bilaa dulqaad ah oo isku dayeysa inay sharci daro ku cabudhiso warbaahinta baahisa dhaliilaheeda. Dheri ayaa sidoo kale waxa uu sii adkeyay mowqifka xisbiga Waddani ka taaganyahay Guddiga doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu baaqayna inay is casilaan. “Xukuumaddu ma ogola in dhaliilaheeda iyo khaladaadkeeda la sheego ee dulqaad la’aan ayey Saxaafadda ku cabudhinaysa, kuna xir-xiraysa, Xukuumaddani meel bay kaga dhacday xoriyadii Saxaafadda iyo xoriyatul qawalkii, halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaheeda ayey xadhiga Saxaafadda maciin biday, taasina waxba ku hagaagi mayaan” ayuu yiri Siyaasi Dheri oo la hadlayey warbaahinta. Wuxuuna intaas ku daray “Komishanka waxaan leeyahay Doorasho dambe la idnku aamini maayo, cidina idinma rabto ee is casila, inta aanu wakhtigu idinka dhicin, muddo xileedkiini wax yar ba idin hadhaye”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay go’aan xasaasi oo lama filaan ah oo u muuqda inuu soo afjarayo xiisaddii iyo loolankii siyaasadeed ee Galmudug. Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, islamarkaana la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, islamarkaana ay si wada jir ah u qaban doonaan dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug. Go’aanka Xaaf ayaa yimid saacado kadib markii uu ka tagay magaalada Dhuusomareeb oo ay ka socdeen wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna, oo la doonayey in isaga lagu tuuro. Dad ku dhow Xaaf ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay isaga oo ku xumaynaya Ahlu-Sunna, islamarkaana hadda joojiyey meel aysan ku lahayn awood ay kula gorgortamaan dowladda. Xaaf ayaa dareemaya in Ahlu-Sunna ay dhabarka ka toogatay. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Xaaf Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  20. Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku sugan degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula leeyahay qaar ka mid ah waxgaradka degaanka. Ciidamo 12 gaari ah ayaa madaxweynaha uga horyimid meel ka baxday magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda galbinaya. Kulamadaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Waxgarad ka yimid Magaalada Cadaado oo lagu waddaa in uu gaaro maalinta Berri ah. Xaaf waxaa uu ku sii-jeedaa Cadaado, lama oga inuu ku hakan-doono, laakin wararka waxaa ay sheegayaan in ku socdo Galkacyo. Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waxgaradka degaanka iyo maamulka Galmudug, islamarkaana laga shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa in ay Cadaado ku shaqeeyaan hoggaanka Galmudug. Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu gaari doono ilaa iyo Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uusan ku laaban doonin Magaalada Dhuusamareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha maamul Goboleedk Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa caawa ku hoyday deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado. Dhanka kale Madaxii Galmudug [...] Source