Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,744
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in doorashada Maamulka Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4ta bisha Juley ee sanadkan ayna ku eg tahay muddo xilleedka hadda jira. Wasaarada arimaha gudaha warkan ay soo saartay ayaa imaanaya xili Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb isla markaana heshiis uu la galay Kooxda Ahlu Sunna. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  2. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay inuu burburay heshiiskii kala dhaxeeyay Maamulkiisa Galmudug isla markaana la qabanayo doorashada Madaxweynaha. Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo ah Sida uu sheegay caasimadda KMG ah ee Gaalmudug. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  3. The number of people with diabetes in the Middle East is set to double within the next 30 years, but doctors in the UAE are leading the fight against a global health epidemic. A conference held by Imperial College London Diabetes Centre in Abu Dhabi on Saturday revealed how researchers are trying to combat the worrying rise. READ MORE UAE hospital launches campaign to tackle ‘stigma’ of psoriasis Effect of camel milk against cancer tested in regional study New global initiative to tackle obesity levels backed by Gulf medics It is estimated that one in five people in the Emirates suffers from diabetes, a condition that can cause multiple serious health problems including heart disease, and damage to organs including the eyes and kidneys. Dr Emad George, consultant endocrinologist and diabetologist at ICLDC, admitted international diabetes figures make for stark reading. But he believed the forum offered doctors a vital opportunity to come together to tackle a common concern. “We see it as a chance to spread expertise to benefit care for patients across Abu Dhabi. We are focused on providing updates and advances in many aspects on diabetes care,” said Dr George. There is a pressing need – both in the region and internationally – to address a surge in diabetes cases, he said. “We are seeing a global increase. Cases have tripled in the past 20 years and there were 425 million in 2017, and it is predicted that by 2045 this figure will rise to 630 million. “In the Mena region, there are probably fewer than 40 million people with diabetes that we know of, but by 2045 that number is expected to double,” Dr George said. While the international outlook may appear bleak, doctors believe their hard work will deliver results. “In fairness, the estimates have been reasonably accurate but there is some evidence that diabetes rates have been reduced in Abu Dhabi. “The public health initiatives that have been put in place are having an impact,” said Dr George. ICLDC’s conference was an opportunity for the medical community to exchange ideas, practices and discuss the latest techniques being used to help turn the tide. Updated: June 23, 2019 07:20 AM It is estimated that one in five people in the Emirates suffers from diabetes, a condition that can cause multiple serious health problems including heart disease, and damage to organs including the eyes and kidneys. Dr Emad George, consultant endocrinologist and diabetologist at ICLDC, admitted international diabetes figures make for stark reading. But he believed the forum offered doctors a vital opportunity to come together to tackle a common concern. “We see it as a chance to spread expertise to benefit care for patients across Abu Dhabi. We are focused on providing updates and advances in many aspects on diabetes care,” said Dr George. There is a pressing need – both in the region and internationally – to address a surge in diabetes cases, he said. “We are seeing a global increase. Cases have tripled in the past 20 years and there were 425 million in 2017, and it is predicted that by 2045 this figure will rise to 630 million. “In the Mena region, there are probably fewer than 40 million people with diabetes that we know of, but by 2045 that number is expected to double,” Dr George said. While the international outlook may appear bleak, doctors believe their hard work will deliver results. “In fairness, the estimates have been reasonably accurate but there is some evidence that diabetes rates have been reduced in Abu Dhabi. “The public health initiatives that have been put in place are having an impact,” said Dr George. ICLDC’s conference was an opportunity for the medical community to exchange ideas, practices and discuss the latest techniques being used to help turn the tide. The National Qaran News
  4. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-240619.mp3 View the full article
  5. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada Galmudug iyo sidoo kale halka lagu qaban doono. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashooyinka Galmudug ee baarlamaanka iyo madaxda fulinta dhici doonaan 4-ta bisha July ee 2019. Sidoo kale, wasaaraddu ayaa sheegtay in doorashooyinkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay khilaaf cusub oo ka dhashay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulka Galmudug. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug lagu qababanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay shaacisay in doorashada ay dhaceyso afarta bisha July ee soo socota. Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo u muuqday inuu soo afjarayo xiisadda maaamulkaasi ayaa ka horyimid go’aankan. War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in doorashada uu aqbalay, balse ay ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa abuuri karta khilaaf kale oo hor leh, maadaama dowladda dhexe, Xaaf iyo Ahlu-Sunna ay haatan ku kala aragti duwan yihiin, halka lagu qabanayo doorashadaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  7. Su’aalo badan iyo doodo kala aragti duwan ayaa ka dhashay masuulka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay guddoomiyaha gobalka Badhan, kaddib markii uu soo baxay xidhiidhka ganacsi iyo siyaasadeed ee uu waqti aad u dhow la lahaa dawladda Puntland. Xil-ka-qaadis iyo magacaabis kooban oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sabtidii 22 -ka Juun ku sameeyey xukuumadda, ayaa uu xilka guddoomiyaha gobalka Badhan u magacaabay Mudane Maxamed Xaamud Cumar. Xilkaas oo uu dhowaan banneeyey Cali Xuseen – Cali Somali oo isaga iyo ciidamo deegaanka ka mid ahaa u goosteen dhinaca maamul-gobaleedka Puntland. Waxaa saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada Somaliland ku xidhiidho aad la isugu gudbinayey muuqaallada guddoomiyaha cusub oo ku labbisan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya iyo calaamad muujiinaysa in uu u sharraxnaa baarlamaanka Puntland. Warar dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helayna waxa ay sheegayaan, guddoomiyaha cusub ee uu madaxweyne Biixi u magacaabay Badhan, oo ka mid ahaa wafti madax dhaqameed hoggaaminayey oo dhowaan yimi Hargeysa, in uu ahaa xagjir si fog uga soo horjeeda Somaliland iyo lahaanshiyaheeda gobalka Sanaag. Warku waxa uu sheegayaa in guddoomiyaha cusub uu xidhiidho adag oo dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga ah la lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), iyo siyaasiyiin reer Puntland ah. ka hor intii aanay dhowaan ku kala fogaan cadho la xidhiidhay magacaabista golaha xukuumadda cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhisay markii la doortay kaddib. Mudane Maxamed Xaamud Cumar waxa oo ahaa murashax u tartamay xildhibaan Baarlamaan, balse aan ku guulaysan, ayaa uu warku sheegayaa in uu qayb ka yahay saamileyda shirkadda SANAAG CONSTRUCTION CO, oo ka diiwaangashan Puntland, isla markaana uu ahaa guddoomiyaheeda. Shirkaddan ayaa intii aanay mudane Maxamed Xaamud Cumar kala fogaan Puntland, waxa ay qaadan jirtay dhismaha mashaariicda ugu badan ee ay dawladda iyo hay’adaha Puntland deggeni ka hirgelinayaan gobalka Sanaag. Mashruucii u dambeeyey uu qaatayna waxa uu ahaa dhismaha xarunta labaad ee baarlamaanka Puntland oo magaalada Badhan laga dhagax dhigtay horraantii bishii Noofambar ee 2018 kii. In kasta oo mashruucaas wejigiisii labaad aan la siinin, dhismihiina uu qabyoobay. Guddoomiyaha cusub ee Badhan oo markaas ahaa guddoomiyaha shirkadda ayaa munaasabadda dhagax dhigga ka sheegay in sababaha ay ugu guulaysteen mashruucan ay ka mid tahay in ay dawladad Puntland u yihiin muwaadiniin cashuur bixiyeyaal fiican ah. Inkasta oo ay run tahay in aragtida siyaasiga ah ee qofku isbeddeli karto, haddana in arrintan su’aalo la iska weydiiyo, waxaa xoojinaya xiisadaha ka taagan deegaanka Bariga Sanaag ee sababay in masuuliyiin iyo askar u dhaartay Somaliland ay u goostaan Puntland, taas oo abuuraysa dareen ah in loo baahan yahay in shakhsiyaadka xilalka loo magacaabayaa ay noqdaan kuwo si aad ah looga baaraan degey, si aanay xukuumaddu u gelin qalad sababa in hadba masuuliyiin xil hayaa ay siraha iyo masuuliyadda qaranka cid kale ula goostaan. Geeska Qaran News
  8. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan. Cabdi Cali Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka ee ururka 17-aad ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ulajeedkoodu yahay sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin. Wuxuu sheegay taliyaha in ciidanku ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo Shabellaha Hoose ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Taliye Raage ayaa dhinaca kale sheegay in ciidanka xoogga dalka ay socon doonaan inta ay dalka oo dhan ka saarayaan Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysiga-taliyaha-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaanno ka kala tirsan Golaha shacabka iyo aqalka sare iskamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa maanta tagaya magaaladaas. Xildhibaannadan waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Axmed Bukhaari, Siciid Nuur Giriish, Saabir Nuur Shuuriye,C/Raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo kuwo kale. Safarka Xildhibaannadan ayaa imanaya iyada oo xaalad siyaasadeed oo aad u kala aragti duwan ay ka taagantahay Galmudug. Dowladda Federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in doorashada Galmudug la qabanayo 4ta July kana dhaceyso Dhuusamareeb, Xaaf oo go’aankaas horay u diiddanaa ayaa hadda oggolaaday waxaase uu sheegay in doorashada ka dhaceyso Cadaado. Ahlu Sunna oo iyana war ka soo saartay go’aanka dowladda ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in doorashada ka dhacdo Dhuusamareeb oo ah xarunta dowlad Goboleedka Galmudug. Lama xaqiijin ujeedada rasmiga ah ee Xildhibaaanadaas labada aqal ka socda maanta u tagayaan Cadaado waxaase loo badinayaa in ay qeyb ka noqdaan xalka iyo dib u heshiisiinta dadka ku kala argtida duwan dhismaha Maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4 bisha soo socota ee July sannadkan 2019. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4 bisha Julay ayna ka dhacayso magaalo-madaxda DGGM ee Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo taariikhaysay doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  11. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maanta ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug inay gaaraan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Dhuusamareeb gaarayu Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,waxaana Maanta safarka Ra’iisul Wasaaraha looga dareemayaan Magalada Dhuusamareeb. U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Go’aan ka gaarista sida ay ku dhici laheyd 4-da Bisha soo socota ee Kuly doorashada Maamulka Galmudug. Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Ammaanka Magalada dhuusamareeb,waxaana amaanka sugaya Ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu xoojiyay Ciidamada DANAB ee xoogga dalka soomaaliyeed,kuwaas oo dhawaan la geeyay Magalada Dhuusamareeb. Ciidamada ayaa baaritaano waxaa ay ku sameynayaan Gaadiidka isticmaalaya Xaafada Magalada Dhuusamareeb iyo kuwa soo gaya Magaaladaas,waxaana jira diyaar garoow ku aadan qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayan in Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo Sanotero ay tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si xal looga gaaro xaaladaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba uu buray heshiiskii Galmudug iyo sidoo kale Ahlu-sunna Waljameeca. Wuxuu tilmaamay Xaaf, in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Cadaado, sidoo kalena meesha ay ka baxayaan wax walbo oo ku yimid heshiiskii horey u dhacay. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu dhammaaday mad-madowgii ka dhex jiray dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  13. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu soo dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada. Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada. Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda. Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ee lagu soo saxiixay waddanka Djibouti. Madaxweynaha Galmudug ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray sidoo kale ku ogolaaday in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka iyo in wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ay Galmudug kala shaqeyso qabashada doorashadaasi iyo in dib u-heshiisiin la sameeyo. Waxaa kale oo uu war-saxaafadeedka ku xusay in doorashada ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo sida uu sheegay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug isagoo caddeeyay in uu dhammaaday khilaafkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Xaaf oo ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
  15. Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe [...] Source
  16. The military voices reservations over the plan for transition to civilian rule and instead seeks joint AU-Ethiopia plan. Source: Hiiraan Online
  17. RIYADH (Reuters) - Saudi Arabia launched on Sunday their new special residency scheme similar to green card systems applicable in other countries, aimed at attracting wealthy and high-skilled expats. Source: Hiiraan Online
  18. Managing Director of Ethiopian Airlines International Services Mr. Esayas Hailu in this interview said Africa needs more airlines to end the current state of affairs in the region where 80 per cent of international passengers are airlifted by non-African carriers Source: Hiiraan Online
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa todobaad ka hor magaalada Gaalkacyo ka qabtay saddex nin oo la sheegay in ay abaabuleen shir ka dhacay magaaladaaasi oo looga dhawaaqay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Sida aan xogta ku helnay, shirkaasi oo lagu qabtay magac beeleed, ayaa dadkii ka hadlay waxay sheegeen in beeshoodu ay qaadatay ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, waxaana ay bulshada kale ugu baaqeen in la hirgeliyo nidaam ku dhisan Sharciga Ilaahay, sida ay hadalka u dhigeen. Saddexda nin ee loo xiray in ay abaabuleen shirkaasi, ayaa magacyadooda lagu sheegay ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi, nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle iyo sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo kamid ah imaamyada caanka ah ee masaajidda magaalada Gaalkacyo. Ciidanka amniga ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xubnahaasi u wareejiyay Xabsi ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin xarigga loo geystay, Culimada,Ganacsatada iyo waxgaradka laga xir xiray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Kenya is scouting for new buyers for miraa in Djibouti and Mozambique as stiff competition from Ethiopian varieties squeeze its traditional Somalia market. Source: Hiiraan Online
  21. Abukar Moallim Ahmed, a Somali man who lost his sight after being injured in a grenade explosion in his country, recovered thanks to a rare surgery in Turkey Source: Hiiraan Online
  22. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad, waxa uu ammaanay kaalinta China ee difaaca Arrimaha Afrika ee fagaarayaasha caalamiga iyo xal u helidda dhibaatooyinka walwalka leh ee dadka qaaradda haysta, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka. Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo China ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga dhinacyada kala duwan leh, si gaar ah dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada China ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “ Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda China Wang Yi waxa uu carabka ku dhuftay sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda iyo ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ay ka kala qaataan arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka. Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo China waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhaqaale appeared first on Puntland Post.