-
Content Count
208,756 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulan hordhac u ah wada-hadallo dhex mari doona xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,ayaa sida qorshaysan maalinta berriya ka furmi doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya. Kulanka ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar. Sidoo kale, xukuumadda Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle. Dhanka Beesha Caalamka, ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale. Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), oo uu madaxdeeda kamid yahay wasiirkii hore ee Arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar. PUNTLAND POST The post Wada-hadaloo u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo berri ka furmaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online ) – Kooxda Macaawiisley ee ka daalanta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in Maxaabiis fara badan ay ka soo furatay Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay nawaaxiga magaalada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Horjooge ka tirsan Kooxda hubeysan ee Macaawiisley oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale horjoogahan ayaa tilmaamay in ay la wareegeen saldhigyo ciidan, islamarkaana ay sii daayeen dad shacab ah oo kor u dhaafayay 30 Qof oo u xirnaa Kooxda Al-Shabaab. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay ka dambeysay, kadib markii ay sii korortay cabasho uu tilmaamay in ka soo gaareyso dadka deegaanka. Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay dagaal ay kula jirtaa Al-Shabaab. Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dib ugu soo laabtay siyaasadda Soomaaliya kadib mudda uu kaga maqnaa xaalado caafimaadkiisa la xiriira. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu yagleelayo xisbi-siyaasadeed mucaarad ku ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo is-bahaysi adag la samaysan doona xisbiyada mucaraadka ah ee ka dhisan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay xisbiyada mucaaradka ku ah Villa Somalia” Waxaanu bogaadineynaa xoogagga isbadal doonka ah ee u taagan toosinta hanaanka dimoquraadiyadeed ee dalka iyo sareynta sharciga” ayuu yiri Guuleed. Dhanka kale wuxuu baaq u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya” Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira”. Hadalka Guuleed ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo uu ka sii daray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug halkaasi oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay doorasho madaxtinimo ka qabato. Hoos ka eeg qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Guuleed PUNTLAND POST The post Cabdikariin Guuleed oo ku dhawaaqay xisbi ka dhana Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan M/Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in uu la xariiro soo afjarida xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug. Ammaanka aya si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu warkayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Dhuusamareeb. Xaaladda Galmdug ayaa qasan, waxaana la filayaa in doorashada hoggaanka maamulkaasi la qabto afarka bisha July ee soo socota. View the full article
-
Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Dr. Saalax Xaaaji Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Marxuumku waxa uu ahaa dhakhtarkii lafaha ee ugu waynaa Puntland, waxaana uu aas-aasay cisbitaalka lafaha Carmo, kaas oo shaqo muhiim ah u qabta shacabka Soomaaliyeed ee uga yimaadda Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya, waxa uu ku suntanaa gacansiinta shacabka tamarta yar, wuxuu si gaar ah xaaladdooda caafimaad ula tacaalijirey ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacma, iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland iyo bahda dhakhaatiirta geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Saalax Xaaji, si gaar ah waxa uu uga tacsiyaynayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. -DHAMMAAD- The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Dr. Saalax Xaaji appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sida la sheegayo maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kadib markii kooxda Ahlu-sunna waljaamaca oo ka talisa magaaladaasi ay si hoose ula heshiisay Villa Somalia. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa isna shalay ka soo baxay Dhuusamareeb isagoo xalay ku hoyday tuulada Godinlabe oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Cadaado halkaasi oo uu xalay kaga dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna. Dhinaca kale magaalada Cadaado oo uu ku sii jeedo madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan wefdi ka socda xildhibaannada labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya si ay ula kulmaan Xaaf. Xildhibaannada la filayo in ay tegaan Cadaado ayaa waxa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa Saabir Nuur Shuuriye Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda degaaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Wufuud kala duwan oo ku wajahan Cadaado iyo Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada. Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada. Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu ka dhisanayo guryo fara badan gudaha iyo dibadda ayaa waxa arrintaasi markii ugu horreysay ka hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa qiray in jiraan guryo badan ee uu leeyahay iyo kuwa kale oo uu hadda dhisanayo. Mr Beylea ayaa sheegay in markii uu ku soo laabtay dalka uu magaalada Muqdisho ka dhistay Guri cusub, si uu ugu noolaado. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guri qurux badan oo uu dhisayay muddo 10 sano uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaana uu xusay in haatan la soo gabagabeeyay dhismaha gurigaasi. Wasiirka Maaliyadda ayaa intaasi ku daray in guri kale oo weyn uu ku leeyahay dalka Mareykanka, gaaraan magaalada ay Soomaalida ay ku badan tahay ee Minneapolis. Belye waxa uu iska fogeeyay in dhammaaan hantidaasi ay ku soo gashay qaab masuq-maasuq ah, balse waxaa uu xusay inuu shaqeystay 30 kii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana uu qabtay howlo kala duwan, kuna sameystay hantidaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah maamulka Maaliyadda oo loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Beyle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ka aamusan xaaladda ka soo cusboonaatay Galmudug oo haatan maraysa heer xasaasiya. Jaah-wareerka ka taagan Galmudug ayaa ka sii daray maalmihii u dambeeyay iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay malaayiiin Dollar soo gelisay magaalada Dhuusamareeb si ay ula wareegto madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo kooxdiisa oo hore ula safnaa madaxweynaha Galmudug. Hadalkaasi oo ay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa durbadiiba rumoobay kadib markii garabka Sheikh Shaakir ay ka hoos baxeen madaxweyne xaaf iyagoo si buuxda u taageeray Villa Somalia taasi oo keentay madaxweynaha Galmudug uu ka soo guuro magaalada Dhuusamareeb. Mudane Xaaf ayaa isna xalay ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiixay dalka Djibouti waxaana uu ogolaaday in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug laakiin ay ka dhacdo magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay loo aqoonsan doono caasimadda ku meel-gaarka Galmudug. Xaaf ayaa sidoo kale iskiis ugu dhawaaqay in uu dhammaaday khilaafkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug balse waxa go’aankaasi la qaadan waayay Villa Somalia oo shaacisay in doorashada Galmudug ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb. Haddaba Puntland oo hore looga bartay in ay ka hadasho khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ka dhex taagan ayaa isha ka daawanaysa af-duubka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka waddo Galmudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa laftiisu dhowaan xiriirkii wada-shaqeynta u jaray xukuumadda Soomaaliya inkastoo aan la aqoon mowqifka uu ka istaagi doono xaaladda Galmudug. PUNTLAND POST The post Deni oo isha ka daawanaya waxa ka socda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi oo ahaa dhakhtar weyn oo laga yaqaaney dhamaan geyiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ahaana khabiir takhasus dheer u leh cilmiga lafaha iyo daweyn tooda. Dr. Saalax wuxuu ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu halwo shaqo u joogay si kedis ah habeenimadii xalay. AUN, Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi Dr Saalax waxaa lagu xasuustaa asaaska cisbitaalka ugu weyn ee lafaha Soomaaliya ee Bilcil Hospital ee degmada Carmo. Cisbitaalka Bilcil wuxuu daboolay baahidii loo qabay in la helo cisbitaal lagu daaweeyo oo lagu kabo lafaha iyo xanuunada la halmaala ee kala duwan. Cisbitaalka Bilcil ee degmada Carmo ee dhakhtarku asaasay waxaa looga yimaadaa qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Dr. Saalax uu tababaro takhasus ah siisyey dhakhaatiir dhalin yaro ah kuwaas oo qaar kood ay ka hawl galaan cisbitaalka Carmo qaarna ay ka shaqeeyaan cisbitaalada kale ee dalka. Bahda warbaahinta Puntland Post waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi Bilcil. PUNTLAND POST The post Dhartarkii asaasay Cisbitaalka lafaha Carmo oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu warramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay hormarada ay dowladdu muddooyinkii la soo dhaafay ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha. Wasiir Beyle ayaa sheegay in guul la taaban karo Soomaaliya ay ka gaartay, islamarkaana uu jiro kobac iyo sibedal ballaaran oo ku yimid dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daraya in QM markii ay aragtay hunfnaanta ka jirta dhaqaalaha DFS ay ku abaal marisay lacag dhan 100 milyan oo doller. Dhinaca kale mar ay Shabelle wax ka weydiisay warar la’isla dhexmarayay oo ku aadan in wasiirku guryo uu ka dhistay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan guryo u leeyahay, balse uu ku dhistay hantidiisa. Beyle ayaa difiray in qaab masuq-maasuq ah ay wax ku soo galeen, waxaana uu tilmaamay in 30-kii sano ee la soo dhaafay uu ka soo shaqeynayay hay’ado kala duwan, kuna sameystay hantidaasi faraha badan. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinayo dhaqaalaha, sidoo kalena dib loogu habeynayo, taas oo ay si weyn ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed. View the full article
-
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Villa Somalia ku raacay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qabto 4 bisha July ee soo socota. Qoraal ka soo baxay xafiiska Sheikh Shaakir oo tixraacaya war-saxaafadeedkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019 laguna qaban doono magaalada Dhuusamareeb. Sheikh Shaakir ayaa dhammaan shacabka Galmudug ugu baaqay in ay taageeran doorashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Villa Somalia lagu saxiixay ee midaynta Galmudug. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle uu sheegay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiisay dalka Djibouti. Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ogolaaday in doorashada Galmudug la qabto balse wuxuu sheegay in lagu qaban doono magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo taageeray doorashada Villa Somalia ka qabanayso Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in doorashada Maamulka Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4ta bisha Juley ee sanadkan ayna ku eg tahay muddo xilleedka hadda jira. Wasaarada arimaha gudaha warkan ay soo saartay ayaa imaanaya xili Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb isla markaana heshiis uu la galay Kooxda Ahlu Sunna. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhowaaqay inuu burburay heshiiskii kala dhaxeeyay Maamulkiisa Galmudug isla markaana la qabanayo doorashada Madaxweynaha. Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhacayso magaalada Cadaado oo ah Sida uu sheegay caasimadda KMG ah ee Gaalmudug. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
The number of people with diabetes in the Middle East is set to double within the next 30 years, but doctors in the UAE are leading the fight against a global health epidemic. A conference held by Imperial College London Diabetes Centre in Abu Dhabi on Saturday revealed how researchers are trying to combat the worrying rise. READ MORE UAE hospital launches campaign to tackle ‘stigma’ of psoriasis Effect of camel milk against cancer tested in regional study New global initiative to tackle obesity levels backed by Gulf medics It is estimated that one in five people in the Emirates suffers from diabetes, a condition that can cause multiple serious health problems including heart disease, and damage to organs including the eyes and kidneys. Dr Emad George, consultant endocrinologist and diabetologist at ICLDC, admitted international diabetes figures make for stark reading. But he believed the forum offered doctors a vital opportunity to come together to tackle a common concern. “We see it as a chance to spread expertise to benefit care for patients across Abu Dhabi. We are focused on providing updates and advances in many aspects on diabetes care,” said Dr George. There is a pressing need – both in the region and internationally – to address a surge in diabetes cases, he said. “We are seeing a global increase. Cases have tripled in the past 20 years and there were 425 million in 2017, and it is predicted that by 2045 this figure will rise to 630 million. “In the Mena region, there are probably fewer than 40 million people with diabetes that we know of, but by 2045 that number is expected to double,” Dr George said. While the international outlook may appear bleak, doctors believe their hard work will deliver results. “In fairness, the estimates have been reasonably accurate but there is some evidence that diabetes rates have been reduced in Abu Dhabi. “The public health initiatives that have been put in place are having an impact,” said Dr George. ICLDC’s conference was an opportunity for the medical community to exchange ideas, practices and discuss the latest techniques being used to help turn the tide. Updated: June 23, 2019 07:20 AM It is estimated that one in five people in the Emirates suffers from diabetes, a condition that can cause multiple serious health problems including heart disease, and damage to organs including the eyes and kidneys. Dr Emad George, consultant endocrinologist and diabetologist at ICLDC, admitted international diabetes figures make for stark reading. But he believed the forum offered doctors a vital opportunity to come together to tackle a common concern. “We see it as a chance to spread expertise to benefit care for patients across Abu Dhabi. We are focused on providing updates and advances in many aspects on diabetes care,” said Dr George. There is a pressing need – both in the region and internationally – to address a surge in diabetes cases, he said. “We are seeing a global increase. Cases have tripled in the past 20 years and there were 425 million in 2017, and it is predicted that by 2045 this figure will rise to 630 million. “In the Mena region, there are probably fewer than 40 million people with diabetes that we know of, but by 2045 that number is expected to double,” Dr George said. While the international outlook may appear bleak, doctors believe their hard work will deliver results. “In fairness, the estimates have been reasonably accurate but there is some evidence that diabetes rates have been reduced in Abu Dhabi. “The public health initiatives that have been put in place are having an impact,” said Dr George. ICLDC’s conference was an opportunity for the medical community to exchange ideas, practices and discuss the latest techniques being used to help turn the tide. The National Qaran News
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-240619.mp3 View the full article
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada Galmudug iyo sidoo kale halka lagu qaban doono. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashooyinka Galmudug ee baarlamaanka iyo madaxda fulinta dhici doonaan 4-ta bisha July ee 2019. Sidoo kale, wasaaraddu ayaa sheegtay in doorashooyinkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay khilaaf cusub oo ka dhashay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulka Galmudug. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug lagu qababanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay shaacisay in doorashada ay dhaceyso afarta bisha July ee soo socota. Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo u muuqday inuu soo afjarayo xiisadda maaamulkaasi ayaa ka horyimid go’aankan. War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in doorashada uu aqbalay, balse ay ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa abuuri karta khilaaf kale oo hor leh, maadaama dowladda dhexe, Xaaf iyo Ahlu-Sunna ay haatan ku kala aragti duwan yihiin, halka lagu qabanayo doorashadaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Su’aalo badan iyo doodo kala aragti duwan ayaa ka dhashay masuulka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay guddoomiyaha gobalka Badhan, kaddib markii uu soo baxay xidhiidhka ganacsi iyo siyaasadeed ee uu waqti aad u dhow la lahaa dawladda Puntland. Xil-ka-qaadis iyo magacaabis kooban oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sabtidii 22 -ka Juun ku sameeyey xukuumadda, ayaa uu xilka guddoomiyaha gobalka Badhan u magacaabay Mudane Maxamed Xaamud Cumar. Xilkaas oo uu dhowaan banneeyey Cali Xuseen – Cali Somali oo isaga iyo ciidamo deegaanka ka mid ahaa u goosteen dhinaca maamul-gobaleedka Puntland. Waxaa saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada Somaliland ku xidhiidho aad la isugu gudbinayey muuqaallada guddoomiyaha cusub oo ku labbisan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya iyo calaamad muujiinaysa in uu u sharraxnaa baarlamaanka Puntland. Warar dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helayna waxa ay sheegayaan, guddoomiyaha cusub ee uu madaxweyne Biixi u magacaabay Badhan, oo ka mid ahaa wafti madax dhaqameed hoggaaminayey oo dhowaan yimi Hargeysa, in uu ahaa xagjir si fog uga soo horjeeda Somaliland iyo lahaanshiyaheeda gobalka Sanaag. Warku waxa uu sheegayaa in guddoomiyaha cusub uu xidhiidho adag oo dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga ah la lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), iyo siyaasiyiin reer Puntland ah. ka hor intii aanay dhowaan ku kala fogaan cadho la xidhiidhay magacaabista golaha xukuumadda cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhisay markii la doortay kaddib. Mudane Maxamed Xaamud Cumar waxa oo ahaa murashax u tartamay xildhibaan Baarlamaan, balse aan ku guulaysan, ayaa uu warku sheegayaa in uu qayb ka yahay saamileyda shirkadda SANAAG CONSTRUCTION CO, oo ka diiwaangashan Puntland, isla markaana uu ahaa guddoomiyaheeda. Shirkaddan ayaa intii aanay mudane Maxamed Xaamud Cumar kala fogaan Puntland, waxa ay qaadan jirtay dhismaha mashaariicda ugu badan ee ay dawladda iyo hay’adaha Puntland deggeni ka hirgelinayaan gobalka Sanaag. Mashruucii u dambeeyey uu qaatayna waxa uu ahaa dhismaha xarunta labaad ee baarlamaanka Puntland oo magaalada Badhan laga dhagax dhigtay horraantii bishii Noofambar ee 2018 kii. In kasta oo mashruucaas wejigiisii labaad aan la siinin, dhismihiina uu qabyoobay. Guddoomiyaha cusub ee Badhan oo markaas ahaa guddoomiyaha shirkadda ayaa munaasabadda dhagax dhigga ka sheegay in sababaha ay ugu guulaysteen mashruucan ay ka mid tahay in ay dawladad Puntland u yihiin muwaadiniin cashuur bixiyeyaal fiican ah. Inkasta oo ay run tahay in aragtida siyaasiga ah ee qofku isbeddeli karto, haddana in arrintan su’aalo la iska weydiiyo, waxaa xoojinaya xiisadaha ka taagan deegaanka Bariga Sanaag ee sababay in masuuliyiin iyo askar u dhaartay Somaliland ay u goostaan Puntland, taas oo abuuraysa dareen ah in loo baahan yahay in shakhsiyaadka xilalka loo magacaabayaa ay noqdaan kuwo si aad ah looga baaraan degey, si aanay xukuumaddu u gelin qalad sababa in hadba masuuliyiin xil hayaa ay siraha iyo masuuliyadda qaranka cid kale ula goostaan. Geeska Qaran News
-
Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi iyo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan. Cabdi Cali Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka ee ururka 17-aad ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ulajeedkoodu yahay sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin. Wuxuu sheegay taliyaha in ciidanku ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo Shabellaha Hoose ah, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Taliye Raage ayaa dhinaca kale sheegay in ciidanka xoogga dalka ay socon doonaan inta ay dalka oo dhan ka saarayaan Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysiga-taliyaha-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaanno ka kala tirsan Golaha shacabka iyo aqalka sare iskamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa maanta tagaya magaaladaas. Xildhibaannadan waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Axmed Bukhaari, Siciid Nuur Giriish, Saabir Nuur Shuuriye,C/Raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo kuwo kale. Safarka Xildhibaannadan ayaa imanaya iyada oo xaalad siyaasadeed oo aad u kala aragti duwan ay ka taagantahay Galmudug. Dowladda Federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in doorashada Galmudug la qabanayo 4ta July kana dhaceyso Dhuusamareeb, Xaaf oo go’aankaas horay u diiddanaa ayaa hadda oggolaaday waxaase uu sheegay in doorashada ka dhaceyso Cadaado. Ahlu Sunna oo iyana war ka soo saartay go’aanka dowladda ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in doorashada ka dhacdo Dhuusamareeb oo ah xarunta dowlad Goboleedka Galmudug. Lama xaqiijin ujeedada rasmiga ah ee Xildhibaaanadaas labada aqal ka socda maanta u tagayaan Cadaado waxaase loo badinayaa in ay qeyb ka noqdaan xalka iyo dib u heshiisiinta dadka ku kala argtida duwan dhismaha Maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4 bisha soo socota ee July sannadkan 2019. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4 bisha Julay ayna ka dhacayso magaalo-madaxda DGGM ee Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo taariikhaysay doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maanta ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Xarunta Maamulka Galmudug inay gaaraan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Dhuusamareeb gaarayu Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa,waxaana Maanta safarka Ra’iisul Wasaaraha looga dareemayaan Magalada Dhuusamareeb. U jeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Go’aan ka gaarista sida ay ku dhici laheyd 4-da Bisha soo socota ee Kuly doorashada Maamulka Galmudug. Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Ammaanka Magalada dhuusamareeb,waxaana amaanka sugaya Ciidamada Maamulka Galmudug oo lagu xoojiyay Ciidamada DANAB ee xoogga dalka soomaaliyeed,kuwaas oo dhawaan la geeyay Magalada Dhuusamareeb. Ciidamada ayaa baaritaano waxaa ay ku sameynayaan Gaadiidka isticmaalaya Xaafada Magalada Dhuusamareeb iyo kuwa soo gaya Magaaladaas,waxaana jira diyaar garoow ku aadan qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayan in Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo Sanotero ay tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si xal looga gaaro xaaladaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com