Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,744
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in haatan uu dib ugu soo laabanayo arrimaha siyaasadda dalka, kana qeyb qaadan doono hormarada ka socda dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ka warbixiyay arrimo la xariira caafimaadkiisa, taas oo sababatay in 2017-kii uu ka fariisto siyaasadda. Waxa uu tilmaamay in haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay meesha ka baxday xaaladdii caafimaad ay heysatay. Guuleed ayaa carabka ku dhuftay inuu dib ugu soo laabanayo fagaaraha siyaasadda, kana qeyb qaadanayo wax u qabashada dadka iyo dalka. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan isku soo koobin talada dalka, gaar ahaan arrimaha la xariira dhameystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga kheyraadka dalka Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka. Warka ka soo baxay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulka uu Madaxweynaha ka ahaa ee Galmudug uu ku taagan yahay khilaaf xoogan. Halkan hoose ka Akhriso Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Berbera)-Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Hadashay Nin Diinta Kiristaanka Fidinayay, Halkan hoos ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay laba shirkadood oo uu sheegay inay kooto u xidhay xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Nairobi)-Kulan hordhac u ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka kala socota labada dhinac ah iyo Bulshada Caalamka. Dhinaca Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar. Dhinaca Soomaaliya: Agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle. Dhinaca Bulshada Caalamka: Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland-Somalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale. Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD). Source
  5. (SLT-Riyadh)-Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa Isniinta Maanta gaadhay Dalka Sucuudiga, isagoo uga sii gudbi doona Imaaraadka. Mike Pompeo ayaa Dalka Sucuudiga u tagay inuu Sucuudiga kala hadlo sidii uu u samayn lahaa Isbahaysi Gobolku ka yeesho IRAN. Xoghayaha oo Warbaahinta la hadlay intaanu ka soo ambo-bixin Washinton ayaa sheegay inuu kala hadli doono Masuuliyiinta Sucuudiga iyo Imaraaadka sida ugu wanaagsan ee ay istaatiiji ahaan ugu midoobi karaan (Isbahaysi). Mr Pompeo waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in xulafada Khaliijka Carabta intii hore laga ballaadhiyo, oo la gaadhsiiyo Aasiya iyo Yurub. Booqashada Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay aad u kacsan tahay Xiisadda u dhaxaysa Dalkiisa Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN. Source
  6. Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Maaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow lagu soo gaba-gabeeyay Shir looga hadlayay Imaanshaha Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyiinta deegaanka,isla markaana waxaa Go’aan ay ku gaareen in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godiblabe lagu soo dhaweeyo Magaalada Cadaado. Sidoo kale Odayasha dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in Cadaado markii uu yimaado Madaxweyne Xaaf la dejiyo Xarunta Madaxtooyadda,halkaasi oo markii horey uu ku shaqeyn jiray. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xaaf uu xiriiro kala duwan la soo sameeyay Waxgaradka kunool Cadaado,isla markaana uu ku wargeliyay in uu kusoo wajahan yahay, waxaana muuqato inay Odayaasha durba aqbaleen codsiga Xaaf. Madaxweyne Xaaf ayaa dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay magaalada Cadaado, wixii ka danbeeyay markii uu heshiiska la galay Ahlu suna, isagoo fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana isbedel ku yimid markii ay Ahlu suna heshiis la gashay Dowladda Federaalka, isagoo qoraal uu soo saaray xalay ku sheegay inuu waxba kama jiraan yahay heshiiskii Ahlu suna uu la galay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Tehran)-Shirkadaha Sameeya Hubka ee Maraykanka ayaa sheegay in baahida reer Yurub u qabaan Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Jet-ka, Gantaalaha difaaca iyo Noocyada kale ee Hubku aad kor ugu kacayo, taasina ay sabab u tahay wer-wer-ka ay ka qabaan Ruushka iyo IRAN. Dawladda Maraykanka ayaa Koox khuburo sare ah oo uu ku jiro Xoghayaha Ganacsiga Wilbur Ross wuxuu u diray Bandhigga diyaaradaha oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Paris, halkaasi oo Shirkado ka badan 400 oo Maraykan ahina ku soo bandhigayeen Qalab. Shirkadaha sameeya Lockheed Martin, Boeing iyo noocyada kale ee hubka halista ayaa sheegay inuu kor u kacayo baahida loo qabo hubka lagu farsameeyo Maraykanka, marka la eego kor u kaca xurgufta Ganacsi ee Maraykanka iyo Yurub . “Laba Bandhig oo hore loogu qabtay Paris, ma jirin dalab badan..” ayuu yidhi, Rick Edwards oo Madax ka ah Shirkadda farsamaysa diyaarado dagaal, “Xilligan, Kor u kaca Suuqa Lockheed Martin ee Adduunku waa Yurub..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Qaramo badan oo Yurub ayaa kor u qaaday dhaqaalaha ay ku kharash-gareeyaan Ciidammadooda Millateriga, tan iyo markii uu Ruushku qabsaday Gobolka Crimea ee Ukrain, sanandkii 2014-kii, waxayna joogteeyeen Gantaalaha difaaca, waxayna horumariyeen Diyaaradahooda dagaalka. Dawladaha Xubnaha ka ah NATO waxay isku raaceen sannadkii 2014-kii in 2% ka mid ah wax soo-saarkooda ku kharash-gareeyaan difaaca. Eric Fanning oo ah Agaasimaha Ururka Warshadleyda soo saara Qalabka difaaca Cirka ee Maraykanka iyo Madax ka qayb-gashay bandhiggan ku soo beegmaya muranka IRAN iyo USA ayaa si isku mid ah u sheegay Cabsida laga qabo Koboca Gantaalaha difaaca IRAN uu yahay qodob kale oo muhiim ah. Diyaaraddii Drone-ka ahayd ee Dawladda IRAN ka soo ridday Maraykanku wuu ka soo habsaamay Bandhiggan, sida ay sheegayso Reuters, laakiin Agaasimayaashu waxay sheegeen inuu taageerayo uun in baahida hubka loo qabaa korodho. “IRAN waa horumariyaha ugu wanaagsan ee Ganacsigayaga, Xilli walba waxay sameeyaan sidan oo kale, waxay kor u qaadaan Digniinaha cabsida leh..” ayuu yidhi, Khabiir ah Guddoomiye ka ah Warshad soo saarta Qalabka Ciidammada, kaasi oo codsaday inaan Magaciisa la sheegin. Edward oo Madax ka ah shirkadda soo saarta Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-35 ayaa sheegay in dalalka Poland, Belgium, Bulgaria, Romania iyo dalalkii hore uga midka ahaa Soviet ay dalbadeen Diyaaradahaasi, iyagoo doonaya inay iska beddelaan qalabkoodii hore ee dagaalka. Edwards iyo Guddoomiyeyaasha Shirkadaha Hubka ka shaqeeyaa waxay sheegeen in aanay shaqadooda wax saamayn ah ku yeelanin dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Midowga Yurub. Source
  8. (SLT-Ankara)-Cisbitaal ku yaalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa ku guuleystay inay qaliin casri ah ku sameeyeen Nin Soomaali ah oo mid ka mid ah Indhihiisa dhawaac ka soo gaadhay qarax bishii April ee sannadkan ka dhacay Muqdisho. Abuukar Macallim Axmed oo 33-jir ah ayaa la sheegay in lagu soo sameeyo qaliin naadir ku ah gudaha Turkiga, oo horseeday inuu dib ugu soo noqdo inuu wax ku arko Ishii uu ka xanuunsanayay. Qaliinkaasi waxaa iska kaashaday 4 dhakhtar oo Takhasusi ah, kuwaasi oo sheegay inuu qaliinkaasi ahaa mid aad u adkaa. Dr. Kubilhan Elmas oo ka mdi ahaa Dhakhaatiirtii fulisay qaliinkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay inuu Dhibanaha ka dhaawacanaa Isha Midig, isla markaana ay dib-u-dayactireen qeybta Ishiisa ee ay waxyeelladu soo gaartay, wejiga hore iyo gudaha isha. Dhakhtarka kale ee ka qeyb galay qaliinkaasi oo lagu magacaabo Dr. Volkan Hürmeriç waxa uu tilmaamay in qeybta cad ee ku hareeraysan Bu’da Isha lagu rakibay xuub macmal ah, kaasi oo isha ka taageeraya inay wax si fiican u aragto. Waxa uu hoosta ka xariiqay in qaliinka lagu sameeyey isha bukaankaasi tahay qaliin mar-la-arag ah oo dhif iyo naadir ku ah Caalamka. Dhakhtarka waxa kale oo uu sheegay inay qaliinka maray 4 heer oo socotay muddo 3 saacadood , si ay u hagaajiyaan aragga ishiisa oo haatan aad u wanaagsan. Waxa uu intaasi ku daray inuu aragiisa dib u soo laaban doono sida ugu dhaqsaha badan 100%. Dhinaca kale, Abuukar Macallim Axmed oo ah aabe 5 carruur leh waxa uu Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay inuu ka walaacsanaa in aanu mar dambe wax arki doonin, una shaqeysan karin qoyskiisa. Source
  9. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dad shacab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Weerarka dagaalkan waxaa lahaa shacabkan isku tagay, kuwaasi oo loo yaqaan Macawiisley, waxaana ay la wareegeen saldhigyo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Horjoogayaal u hadlay Macawisleyda ayaa sheegay iney siidaayeen ku dhowaad 30 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay xireen Al-shabaab. Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay bixin dagaalkan, iyadoo meelihii lagu dagaallamay deggan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Somaliland: Sources: Possible Meeting In Kenya Between Somaliland & Somalia Informed sources within the Somaliland government have indicated that there is the possibility of preliminary talks between Somaliland and Somalia in Kenya, in an effort to restart the failed meetings between the two parties. However, given the dire state of the current relationship between Kenya and the federal administration in Mogadishu, it is highly unlikely that the Somalia would agree to any talks taking place in Kenya. The sources indicate that the current visit to Kenya, by the Somaliland Foreign Minister, Yasin Haji Mohamud Hir “Faratoon”, who has already met with members of the Kenyan cabinet, including the Trade Minister, Peter Munya and other senior Kenyan officials, could be part of an effort to resume talks between Hargeisa and Mogadishu. Once again, this seems unlikely, as Somaliland and Kenya are currently engaged in efforts to strengthen the ties between Hargeisa and Nairobi, and would not welcome the distraction of a third party involvement. The Somaliland Foreign Minister has already met with the IGAD Executive Secretary, Ambassador Mahboub Maallim, to discuss the forthcoming parliamentary and local council elections scheduled for the end of this year and other issues pertaining to the Horn of Africa. Qarannews.com Qaran News
  11. (SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah si loo xuso madaxdii lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaas. Habeenkii Sabtidii, madaxii ciidammada dalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen ayaa waxaa dilay ilaalihiisii gaarka ahaa xilli la doonayay la inqilaabo hoggaanka maamulka Amxaarada, waxaa uu doonayay inuu ka hortaggo afgembiga. Waxaa dhacdadaas lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo saddex sarkaal oo kale. Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”. Source
  12. Maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilligan ay deegaanno badan oo gobolkaasi ah ka taagan tahay xaalad dhanka Bini’aadannimada ah. C/rashiid C/laahi Cali, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilli walbo ay ka maamul ahaan ku dedaalaan sidii daryeel wanaagsan u heli lahayeen shacabka ku dhaqan meelaha uu maamulkoodu gaaro. Dadka ayuu sheegay in baahiyaha ay qabaan kala duwan yihiin, balse ay ka wada simanyihiin xaaladda bini’aadannimo. “Maamulkeennu wuu ku dedaalay sidii loogu gar-gaari lahaa dadka, waana wadnaa weli dedaalkeenna” ayuu yiri guddoomiye C/rashiid. Jubbaland waxaa ku sugan kumanaan qoys oo dib uga soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, kuwaasi oo weli aan helin daryeel wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Istanbul)-Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul. Imamoglu oo ah 49 jir oo aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharraxi ka socday xisbiga talada haya ee AK sidoo kalana ah ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim oo isagu xalay qirtay in doorashada looga guuleystay. Waa marki labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib marki ay guddiga doorashada diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March. Sida ay muujineyso natiijada horhdaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23. Source
  14. Kulan hordhac u ah wada-hadallo dhex mari doona xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,ayaa sida qorshaysan maalinta berriya ka furmi doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya. Kulanka ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar. Sidoo kale, xukuumadda Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle. Dhanka Beesha Caalamka, ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale. Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), oo uu madaxdeeda kamid yahay wasiirkii hore ee Arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar. PUNTLAND POST The post Wada-hadaloo u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo berri ka furmaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  15. Beledweyne (Caasimada Online ) – Kooxda Macaawiisley ee ka daalanta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in Maxaabiis fara badan ay ka soo furatay Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay nawaaxiga magaalada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Horjooge ka tirsan Kooxda hubeysan ee Macaawiisley oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale horjoogahan ayaa tilmaamay in ay la wareegeen saldhigyo ciidan, islamarkaana ay sii daayeen dad shacab ah oo kor u dhaafayay 30 Qof oo u xirnaa Kooxda Al-Shabaab. Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay ka dambeysay, kadib markii ay sii korortay cabasho uu tilmaamay in ka soo gaareyso dadka deegaanka. Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay dagaal ay kula jirtaa Al-Shabaab. Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  16. Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dib ugu soo laabtay siyaasadda Soomaaliya kadib mudda uu kaga maqnaa xaalado caafimaadkiisa la xiriira. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu yagleelayo xisbi-siyaasadeed mucaarad ku ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo is-bahaysi adag la samaysan doona xisbiyada mucaraadka ah ee ka dhisan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay xisbiyada mucaaradka ku ah Villa Somalia” Waxaanu bogaadineynaa xoogagga isbadal doonka ah ee u taagan toosinta hanaanka dimoquraadiyadeed ee dalka iyo sareynta sharciga” ayuu yiri Guuleed. Dhanka kale wuxuu baaq u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya” Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira”. Hadalka Guuleed ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo uu ka sii daray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug halkaasi oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay doorasho madaxtinimo ka qabato. Hoos ka eeg qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Guuleed PUNTLAND POST The post Cabdikariin Guuleed oo ku dhawaaqay xisbi ka dhana Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan M/Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in uu la xariiro soo afjarida xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug. Ammaanka aya si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu warkayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Dhuusamareeb. Xaaladda Galmdug ayaa qasan, waxaana la filayaa in doorashada hoggaanka maamulkaasi la qabto afarka bisha July ee soo socota. View the full article
  18. Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Dr. Saalax Xaaaji Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Marxuumku waxa uu ahaa dhakhtarkii lafaha ee ugu waynaa Puntland, waxaana uu aas-aasay cisbitaalka lafaha Carmo, kaas oo shaqo muhiim ah u qabta shacabka Soomaaliyeed ee uga yimaadda Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya, waxa uu ku suntanaa gacansiinta shacabka tamarta yar, wuxuu si gaar ah xaaladdooda caafimaad ula tacaalijirey ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacma, iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland iyo bahda dhakhaatiirta geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Saalax Xaaji, si gaar ah waxa uu uga tacsiyaynayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. -DHAMMAAD- The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Dr. Saalax Xaaji appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sida la sheegayo maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kadib markii kooxda Ahlu-sunna waljaamaca oo ka talisa magaaladaasi ay si hoose ula heshiisay Villa Somalia. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa isna shalay ka soo baxay Dhuusamareeb isagoo xalay ku hoyday tuulada Godinlabe oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Cadaado halkaasi oo uu xalay kaga dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna. Dhinaca kale magaalada Cadaado oo uu ku sii jeedo madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan wefdi ka socda xildhibaannada labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya si ay ula kulmaan Xaaf. Xildhibaannada la filayo in ay tegaan Cadaado ayaa waxa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa Saabir Nuur Shuuriye Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda degaaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Wufuud kala duwan oo ku wajahan Cadaado iyo Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada. Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka baahida ciidanka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada. Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu ka dhisanayo guryo fara badan gudaha iyo dibadda ayaa waxa arrintaasi markii ugu horreysay ka hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa qiray in jiraan guryo badan ee uu leeyahay iyo kuwa kale oo uu hadda dhisanayo. Mr Beylea ayaa sheegay in markii uu ku soo laabtay dalka uu magaalada Muqdisho ka dhistay Guri cusub, si uu ugu noolaado. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guri qurux badan oo uu dhisayay muddo 10 sano uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxaana uu xusay in haatan la soo gabagabeeyay dhismaha gurigaasi. Wasiirka Maaliyadda ayaa intaasi ku daray in guri kale oo weyn uu ku leeyahay dalka Mareykanka, gaaraan magaalada ay Soomaalida ay ku badan tahay ee Minneapolis. Belye waxa uu iska fogeeyay in dhammaaan hantidaasi ay ku soo gashay qaab masuq-maasuq ah, balse waxaa uu xusay inuu shaqeystay 30 kii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana uu qabtay howlo kala duwan, kuna sameystay hantidaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe ay soo baxayeen dhaliilo iyo eedeymo ka dhan ah maamulka Maaliyadda oo loo jeedinayay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Beyle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ka aamusan xaaladda ka soo cusboonaatay Galmudug oo haatan maraysa heer xasaasiya. Jaah-wareerka ka taagan Galmudug ayaa ka sii daray maalmihii u dambeeyay iyadoo xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay malaayiiin Dollar soo gelisay magaalada Dhuusamareeb si ay ula wareegto madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo kooxdiisa oo hore ula safnaa madaxweynaha Galmudug. Hadalkaasi oo ay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa durbadiiba rumoobay kadib markii garabka Sheikh Shaakir ay ka hoos baxeen madaxweyne xaaf iyagoo si buuxda u taageeray Villa Somalia taasi oo keentay madaxweynaha Galmudug uu ka soo guuro magaalada Dhuusamareeb. Mudane Xaaf ayaa isna xalay ku dhawaaqay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiixay dalka Djibouti waxaana uu ogolaaday in la qabto doorashada madaxtinimada Galmudug laakiin ay ka dhacdo magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay loo aqoonsan doono caasimadda ku meel-gaarka Galmudug. Xaaf ayaa sidoo kale iskiis ugu dhawaaqay in uu dhammaaday khilaafkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug balse waxa go’aankaasi la qaadan waayay Villa Somalia oo shaacisay in doorashada Galmudug ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb. Haddaba Puntland oo hore looga bartay in ay ka hadasho khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ka dhex taagan ayaa isha ka daawanaysa af-duubka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka waddo Galmudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa laftiisu dhowaan xiriirkii wada-shaqeynta u jaray xukuumadda Soomaaliya inkastoo aan la aqoon mowqifka uu ka istaagi doono xaaladda Galmudug. PUNTLAND POST The post Deni oo isha ka daawanaya waxa ka socda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Allaha u naxariistee waxaa geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi oo ahaa dhakhtar weyn oo laga yaqaaney dhamaan geyiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ahaana khabiir takhasus dheer u leh cilmiga lafaha iyo daweyn tooda. Dr. Saalax wuxuu ku geeriyooday magaalada Nairobi oo uu halwo shaqo u joogay si kedis ah habeenimadii xalay. AUN, Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi Dr Saalax waxaa lagu xasuustaa asaaska cisbitaalka ugu weyn ee lafaha Soomaaliya ee Bilcil Hospital ee degmada Carmo. Cisbitaalka Bilcil wuxuu daboolay baahidii loo qabay in la helo cisbitaal lagu daaweeyo oo lagu kabo lafaha iyo xanuunada la halmaala ee kala duwan. Cisbitaalka Bilcil ee degmada Carmo ee dhakhtarku asaasay waxaa looga yimaadaa qaybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Dr. Saalax uu tababaro takhasus ah siisyey dhakhaatiir dhalin yaro ah kuwaas oo qaar kood ay ka hawl galaan cisbitaalka Carmo qaarna ay ka shaqeeyaan cisbitaalada kale ee dalka. Bahda warbaahinta Puntland Post waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Dr. Saalax Xaaji Cabdullaahi Bilcil. PUNTLAND POST The post Dhartarkii asaasay Cisbitaalka lafaha Carmo oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu warramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay hormarada ay dowladdu muddooyinkii la soo dhaafay ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha. Wasiir Beyle ayaa sheegay in guul la taaban karo Soomaaliya ay ka gaartay, islamarkaana uu jiro kobac iyo sibedal ballaaran oo ku yimid dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daraya in QM markii ay aragtay hunfnaanta ka jirta dhaqaalaha DFS ay ku abaal marisay lacag dhan 100 milyan oo doller. Dhinaca kale mar ay Shabelle wax ka weydiisay warar la’isla dhexmarayay oo ku aadan in wasiirku guryo uu ka dhistay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan guryo u leeyahay, balse uu ku dhistay hantidiisa. Beyle ayaa difiray in qaab masuq-maasuq ah ay wax ku soo galeen, waxaana uu tilmaamay in 30-kii sano ee la soo dhaafay uu ka soo shaqeynayay hay’ado kala duwan, kuna sameystay hantidaasi faraha badan. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinayo dhaqaalaha, sidoo kalena dib loogu habeynayo, taas oo ay si weyn ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  25. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Villa Somalia ku raacay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qabto 4 bisha July ee soo socota. Qoraal ka soo baxay xafiiska Sheikh Shaakir oo tixraacaya war-saxaafadeedkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019 laguna qaban doono magaalada Dhuusamareeb. Sheikh Shaakir ayaa dhammaan shacabka Galmudug ugu baaqay in ay taageeran doorashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Villa Somalia lagu saxiixay ee midaynta Galmudug. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle uu sheegay in uu buray heshiiskii midaynta Galmudug iyo Ahlu-sunna ee lagu soo saxiisay dalka Djibouti. Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ogolaaday in doorashada Galmudug la qabto balse wuxuu sheegay in lagu qaban doono magaalada Cadaado oo sida uu tilmaamay noqon doonta caasimadda ku meel-gaarka Galmudug. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo taageeray doorashada Villa Somalia ka qabanayso Galmudug appeared first on Puntland Post.