-
Content Count
208,756 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
It's been 50 years since Somalia last conducted a "one-person-one-vote" election. With the support of the African Union, the electoral commission is hoping for polls in 2020. But there is still much that needs to be done. Source: Hiiraan Online
-
CAAWA AAN INYAR KA IDHAAHDO TAARIIKH HORE OO Maxamed Siddiiq Dhamme NOQON KARTA INUU XABSIGA KAGA SOO BAXO. MADAXWEYNAHA XASUUS U NOQON KARTA WAAYO SIYAASADEED USOO MAREY. Bislilaahi Raxmaani Raxiim. Dhacdadaan ka waramaya Waa 1996-1997. Madaxwyne Cigaal ayay kala fogaadeen siyaasadd ahaan Madaxweynaha maanta jooga muuse biixi cabdi. Ka dib Waxa dhacdey inuu dhowr jeer Muuse biixi ku weerarey saxafadda. Madaxweyne Cigaal. Aakhirkii ragi Cigaal ku dhowaa ayaa ku yidhi Madaxweyne xidh muuse biixi. Hadalkiisa batey. Waana mucaradd calan-Cas oo Intaas dadkii buu kicinaya. Ka dib muuse biixi ayaa sidaa aan shekadan ku maqley ogaadey inuu Madaxwyne Cigaal rabo inuu xidho. Ka dib markiiba Muuse biixi wuu fekerey waxu is yidhi tollow yaad maanta ku baxsan kartaa oo adna garab ku noqon kara oo Ina Cigaal ixtiraamaya. Waxu Markii ogaadey saladiinta HY oo wagaas Ina Cigaal ey isfahmeen. Xukumadda cigaalna ey qaadatey siyaasadd ah in la soo dhoweeyo West Burco Clan siiba West Burco Clan, lagana soo doogey dagalaadii sokeeye. Dalkana laga bilaabey dib u heshisiin iyo dowladdnimo hana qaadda. Waxa ka mid ahaa raga Markaas Ina Cigaal u dhego nuglaa ama ixtiraami jirey Suldaan Rashiid Cali Ducaale. Suldaan rashiiid iyo Madaxweyne Muuse biixi waxey ahaayeen saxiibo isku class ah dugsigii “Camuud” balse Ina Cigaal Ma oga. Habeenadii uu is yidhi muuse Malaa ciidamadda ayaa lagu soo diri doona ama lagu yidhi waa lagu qabanaya Ayuu caqli keeney, Isagoo watta. Jariiraddii ugu afka Dheereyd jariradaha warka Somaliland ee Tuur abdi shide aasaasey (journalka Jamhuuriya) ayuu ugu tagey gurigiisa Suldaan rashiid. Waxu yidhi ninkii Ina Cigaal waad ogtahey in aanu kala miraneyno. Markaa xaalku waxu maraya sidaan xuraanka madaxtoyadda ku hayo in la ii xidho. Waxaad ii sameysa Journalka ku qor, Ina Cigaal Ma ragi dalkan usoo halgamey buu xidhxidhaya. Mudane madaxweyne ka noqo hadi ey jirto Xadhigaas aad muuse bixi rabto inaad xidho kuwa kugula taliyeyna maaha niman raba wanaaga xukumadaadda qaranka taladoodu maaha mid waxtar uleh. Dalkuna maanta uma baahna siyaasiyiin la xidhxidho iyo isqabqabsi. Ina cigaal subaxwalba waxu eegi jirey jariiradda jamhuuriya Laba sababood owgood. Mar waxey aheyd jariiradd mucarad ah oo aad u kulul. Marna Waxweyba aheyd xarunta ugu Warka badan dalka. Waliba dalka mey jirin Tv-Yaddan habeen walba la daawanaya! Markuu arkey (CIWANKA UGU SAREYA) oo sawirkii Suldaan rashid iyo Muuse Biixi saaran yahey. Qoraalkiina akhriyey buu Ina Cigaal u yeedhey ragii lahaa xidh Muuse biiixi. Markaasu yidhi Waar Suldaan raashiid iyo Ina Biixi Maxaa isku keeney oo ka dhaxeeya. Markaasa la yidhi Waa Saxiib MADAXWEYNE Waxeyna wadda ciyaari jireen ciyaarta (Xeegadda) isku class bey ahayeen iskuulkiii caaamudd. Intuu Ina Cigaal qosley buu yidhi. Ina biixi maalinba Meel buu igaga soo wareegaya. Mantana iga baxsey bal suldaanka igu yeedha…intuu qosley kkkkkk Hadalkaas muuse waxu rabey inu Madaxwyne Cigaal tuso inuu abtiyadii HY ku leeyahey saxiibo. Cadaawaddna aaney u qabin dagaalkiina laga heshiiyey. Hadii Madaxweyne Cigaal lagu yidhi HY Ina biixi ma arki karto. Xadhigiisana wey ku farxayaan. Inuu tuso suldaankii hogaaminayey ergaddii HY Bari ee uu danbeysey Wax hargeisa ka soo dega suldaanki Ugu tunka weyna inuu diidan yahey Xadhiga muuse Biixi. Waayo waqtigaas Waxa socdey Sidii goboladda bariga dowladdnimadda loo soo gaadhsiin lahaa. Hargiesana Waxa ku sugnaa wufuud culus oo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu jirta. Waxaana Markaas ahaa wasiirka Madaxtoyadda Jama Salax oo isna ahaa nin sacad Yonis ah. Waxaana dalka aad looga dareemayey inuu Madaxwyne Cigaal mansabyo waaweyn siiyey HY. Waxuna rabey in la ilaabo dagaalkii sokeeye iyo waqtigii casru-jaahiligaa ahaa ee reer Somaliland soo mareen gaar ahaan (Reer-shixisixaaq) Markaa Madaxweyne muuse waxu dareemayey cidda uu u marin karo hadalka ee la dhageysanayaa iney tahey Ina Cigaal abtiyaddii. Si uu uga badbaaddo Xadhiga Ina Cigaal la rabo. Rag Xafadiisa ahna u tirinayey iney Ina Cigaal ku yidhaadeen muuse xidh. Hadaba Caawa Anna Waxaan leeyahey Madaxweyne xadhiga Siyaasiga ahi waxba Ma daweeyo. Mohamed sidiiq dhamena Waa nin Dhalinyaro ah oo siyaasi ah. Waxwalba uu qorey waxey ka aheyd aragtidiisa mucaaradnimo. Xeer ilaaliyuhuna maanta eedaymahaa uu keeney maxkamadda Waa aflaagaaddo (Madaxweyne) iyo KICIN dadweyne oo ku saabsan xaaladii gobolka Sanaag ee xukumaddu ku dhawaaqddey (State of emergency) sidu uga hadley. Markaa madaxweyne dadka Dastuurku waxu u fasaxey in eynu hadalka xor u nahey oo waxeynu qaadaney nidaamka dimuqraadiga ah ee in qof-waliba cabiri karo aragtidiisa siyaasadeed. Wallow eynu siyaabaha qaarkood meelaha qaar dastuurkeena khalad u fahaney. Xeerarka Dastuurka qeexayaana aaney wali qarankeena u dhameystirneyn qodobadda qaar. Tafsiirka sharciga marba sidii la doono loo dhigo. Siiba hadba xukumadda joogta eynu ku dhaliilno Dastuur jabin. Ragg badan oo adiga kula midka ahina maalintey mucaradka ahaayeen qodobo badan oo ey khalad u arkayeen ey wali jiraan. maantana xukumadaaddu iyo tii ka horeyseyba ee MADAXWEYNE Siilaanyo ku shaqeyneysey Hadaan tusaale soo qaato sidda qodobkii loo adeegsaddey xukumaddii UDUB Xadhiga Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi iyo Jamal Ceydiid. Waxaad u arkeysey dulmi iyo cabudhin madaxweyne Riyaale waddey Malintaas. Kuna gefey sharciga dalka. Isna waxu u arkayey mucarad qaran dumis ah Waxaan qabaa madaama siyaasigani ku xidhan Madaxweynaha ayaad aflagadeysey inaad xoriyadiisa usoo celiso. Maxkamaddana ka codsato in aanu aflagadaadda u xidhneyn maanta laga bilaabo. Waayo waad cafikarta shaqsiyan haduu gefkaa galey, inkasto Aan Wali maxkamaddi ku caddeyn Qodobka ah kicinta dadweynaha lagu daro. Nin mucaradd ah oo Waliba xisbi mucaradd ah ku jira oo hadana ah xubin mihiim ah oo xasaanadd siyaasadeed leh. Siduu u arkayey aragtidiisa inuu u cabiro iney la aheyd hadalkisu. Waxwalba uu Malintaas qorey ee kaga hadley Xaaladda gobolka Sanaag. Waayo Waxaan qaba hadda wuu xidhnaa mudo. Walina maxkamaddu kiiskiisa kumey caddeyn danbi. Sidaas darteed Waxaad ku eegta maanta muwaadinka. Indhaha aad ku eegi jirtey Hay’adda nabad galyadda Markey xidhi jireen siyaasiyiinti kulmiye Sidaad uga xumaan jirtey. Ee aad u odhan jirtey Waa dulmi, Waa khaladd qofku fekerkisa wuu cabiri karaa. Waa nin siyaasi ah oo xisbiga kulmiye ka tirsan in la Xidhaa Waa khaladd, Dimuqradiyaddey ka hor imaneysa. Gebagebo:- Waxaan ku soo gunaanadayaa Madaxweyne dadka Xadhiga Siyaasiga u xidhan oo dhan in xabsiyadda laga sii daaya waxey sharaf u tahey xukumadda aad hogaamineyso, Waxey sumadd u tahey dimuqraadiyadda Somaliland. Waxey muqaal dhaba u noqoneysa Somaliland iney ka jirto (freedom of speech). Marka aaneynu ku dareyn AFLAGAADO qaawan ee shaqsiyadeed oo qof walba oo Muwaadina Aan xaqloogu laheyn in la Caayo ama uu wax Caayo. Qofku derejadda uu doono ha hayee ama ha noqdo qof shicib ahba. Waxaan ku soo ururinayaa xukumadd Waliba dadka wey xidhi kartaa balse Xadhiga siyaasadda laguma gaadho horumar iyo guul Qaranku ku waaro. Dhaliisha mucaraddkuna waa DAWADDA xukumadda Markaas jirta. Dalkeenuna waxu Wax kunoqonayaa Marka laga dhex dareemo dareenka dimuqradiyadda oo ah xisbiyo mucaradd ah oo xukumadda toosinaya, dhaliilayaa, tilmaamayaa. Hadba waxii ka qaloocdda xukumadda Hadii ey jirto in qaabka asxaabta mucaraddku wax u dhaliilayaan wax ka qaldan yihiiin. Waxaa dadku tilmaamayaa in mucaaraddnimaddii kulmiye ee xukumaddu UDUB qaabkaad u dhaliili jirteen aan Wali xukumaddaha kulmiye ee kala danbeeyey loo dhaliilin. Balse qaabab ka midda loo dhaliilo xukumadaadda. Taasna la qabo in la idinka bartey idinka ragiinii kulmiye hogaanka u ahaa. Waqtiyadda aad aheydeen mucaraddka. Hadaba Inta eynu koreyno oo baraneyno qaabka siyaasadeed ee asxaabta mucaaradka iyo xukumadda iyo xisbigeedda muxaafaddka ahi u wadda dhaqmaan. La isuna dhaliilo ama xukumaddu u dhageysato dhaliisheedda Eynu ku dedaalno ineynu bulsho ahaan caqliga ka karno. Marwalba cidda dalka hogaamineysa dadka aaney ku cabudhin Xadhig. Una arkin xukumaddu Wajiga qudha ey isku difaaci kartaa xadhig, la xidho muwaadiniinta kala duwan. Hadey tahey sarakiisha asxaabta qaranka iyo saxaafadda Madaxa-banaan. Iga dhan Waxaan rajeynayaa inuu maqaalkeygani noqdo mid waxyaabo badan xasuusiya Madaxweynaha daruufaha uu soo marey, Maxabiista siyaasadda u xidhana u noqda fariin lagu xasuusto iney u bahan yihiin iney helaan xoriyadooddii shaqsiga aheyd ee Dastuurku u fasaxayo Waa bilaahi towfiiq Qalinkii Ambassdor_Abdirizak_Diiinaar Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa suuq cusub oo Ganacsiga Qaadka ah ka raadinaya dalalka Jabuuti iyo Mozambique kaddib markii ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya la wareegeen Suuqii Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadka Kenya Kello Harsama, ayaa Warqad u diray Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Kenya. Warqaddaas ayuu ku codsanayay in Dowladda Kenya ay ka shaqeyso sidii Suuq cusub oo Qaad ah looga heli lahaa Afrika isaga oo sheegay in Suuqii ugu weynaa ee Soomaaliya ay ka buuxsameen Ganacsatada Qaadka ee Dalka Itoobiya. Guddi ay sameysteen Ganacsatada Qaadka Kenya oo sahmiya suuqyada iyo halka ay marayaan ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaalida ay inta badan u wareegeen Dalka Itoobiya halkii ay Qaadka ka iibsan lahaayeen kuwa Kenyaanka ah. Wafdi ka socda Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa tagay Itoobiya,waxaana ay soo ogaadeen in Dalka Jabuuti oo kaliya ay Itoobiya maalin kasta u dhoofiso 16 Tan oo Qaad ah, waxaa intaas u dheer Soomaaliya sida Somaliland, Puntland iyo meelo kale oo dowlad degaanka Soomaalida sohdin la leh. Guddiga ayaa sheegay in Qaadka Miiraa ee Kenya uusan jirin Qaad ku tayo ah,gaar ahaanna midka dlka Itoobiya,waxaase ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya ay ku howllanyihiin sidii ay suuqa Soomaaliya u wada qabsan lahaayeen. Wasaaradaha Arrimaha dibaddam Beeraha iyo Rugta Ganacsiga Kenya ayuu Guddiga ka dalbaday in ay la kulmaan mas’uuliyiinta dhiggooda ah ee dalalka Afrika suuq cusubna raadiyaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Somali PM set to reach Galmudug state capital amid standoff
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A high delegation led by Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire is expected to reach in Dhusamareeb town. According to solid sources, the prime minister will be traveling from Mogadishu in the forthcoming hours. Prime Minister Kheire has expected hold talks with the leaders of Galmudug state over the upcoming regional elections. The development comes two days after the Somali government dispatched a delegation led by the country’s interior minister to discuss with the state leaders. Galmudug state is expected to hold its presidential elections this year though some of its leaders have been lobbying for poll postponement View the full article -
The leader of Galmudug regional state of Somalia, Ahmed Duale Gelle Haaf has called for the plans to conduct elections and reconciliation process for his administration. A press statement from regional leader office on Monday urged the Ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation of the Federal Government of Somalia to cooperate in planning the democratic exercise saying the political difference between the regional and Federal government has come to an end. “The difference between the Federal government and Galmudug state is over,” Haaf said, adding “The polls should be conducted in Cadado the, the interim administrative capital of Galmudug state.” Galmudug state leader, however, nullified the contents of a previous agreement between his administration and that of Ahlu Suna that was agreed in Djibouti but signed in Mogadishu on December 2017. “All the agreements between Galmudug and Ahlu Suna including amendments to the regional constitution, vice presidency, speaker, parliament, and cabinet is null and avoid.” The new development comes as the Prime Minister, Hassan Kheyre is scheduled to visit the state in an effort to resolve the stalemate. No comment from Ahlusunna leadership on the invalidation of the signed peace agreement that spearheaded order in the formerly contested region. In a separate letter, the Somali government stated that the Galmudug elections will be held in Dusamareeb. View the full article
-
With frosty relations between Kenya and Somalia which has seen the former close its borders and bar flights to and from Mogadishu, Kenya Airways is considering Hargeisa as its next destination in the Horn of Africa. This will be a massive boost for trade between Kenya and Somaliland. Kenya Airways has previously done a feasibility study on Hargeisa with the parliament too giving an okay for the national carrier to fly to Hargeisa but this is yet to happen. An estimated 15,000 Kenyans are living and working in Somaliland in the hospitality and education sectors. Somaliland Managing Director of Civil Aviation and Airports Authority Abdi Mohammed Rodol recently visited in Nairobi to hold discussions with authorities in Kenya on the suitability of Hargeisa as a destination for Kenya Airways. So far, Ethiopia Airlines flies twice every week to Somaliland between Addis Ababa and Hargeisa. Fly Dubai also has flights between Dubai and Hargeisa bringing business people to Somaliland from all over the world. With plans to open a consulate in Hargeisa still on, the Kenya Airways sees this as an opportunity to introduce flights to the country which parted ways with Somalia after the start of the 1990 civil war. Last month, the Foreign Affairs ministry directed Mr Philip Mundia Githiora to establish the mission in the Somaliland capital. Ethiopia and Djibouti have already set up diplomatic missions in Somaliland. By Odindo Ayieko Business week Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Waddanka Sacuudiga ayaa sannadka shuruud cusub ku soo rogay xoolaha xilliga Xajka ee Somaliland. Qoraal rasmiya oo ay u soo direen xukuumadda Somaliland ayay ku sheegeen in dawladda federaalka Soomaaliya sannadka bixin doonta waraaqda caafimaad ee xoolaha ka dhoofaya Dekedaha Somaliland. Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aankaasi. Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay in xoolaha lagu dhoofiyo magaca Somaliland ama ay sannadka baaqsadaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in haatan uu dib ugu soo laabanayo arrimaha siyaasadda dalka, kana qeyb qaadan doono hormarada ka socda dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale ka warbixiyay arrimo la xariira caafimaadkiisa, taas oo sababatay in 2017-kii uu ka fariisto siyaasadda. Waxa uu tilmaamay in haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, islamarkaana ay meesha ka baxday xaaladdii caafimaad ay heysatay. Guuleed ayaa carabka ku dhuftay inuu dib ugu soo laabanayo fagaaraha siyaasadda, kana qeyb qaadanayo wax u qabashada dadka iyo dalka. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan isku soo koobin talada dalka, gaar ahaan arrimaha la xariira dhameystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo qeybsiga kheyraadka dalka Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka. Warka ka soo baxay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulka uu Madaxweynaha ka ahaa ee Galmudug uu ku taagan yahay khilaaf xoogan. Halkan hoose ka Akhriso Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Kulan hordhac u ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka kala socota labada dhinac ah iyo Bulshada Caalamka. Dhinaca Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar. Dhinaca Soomaaliya: Agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle. Dhinaca Bulshada Caalamka: Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland-Somalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale. Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD). Source
-
(SLT-Riyadh)-Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa Isniinta Maanta gaadhay Dalka Sucuudiga, isagoo uga sii gudbi doona Imaaraadka. Mike Pompeo ayaa Dalka Sucuudiga u tagay inuu Sucuudiga kala hadlo sidii uu u samayn lahaa Isbahaysi Gobolku ka yeesho IRAN. Xoghayaha oo Warbaahinta la hadlay intaanu ka soo ambo-bixin Washinton ayaa sheegay inuu kala hadli doono Masuuliyiinta Sucuudiga iyo Imaraaadka sida ugu wanaagsan ee ay istaatiiji ahaan ugu midoobi karaan (Isbahaysi). Mr Pompeo waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in xulafada Khaliijka Carabta intii hore laga ballaadhiyo, oo la gaadhsiiyo Aasiya iyo Yurub. Booqashada Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay aad u kacsan tahay Xiisadda u dhaxaysa Dalkiisa Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN. Source
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno Maaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow lagu soo gaba-gabeeyay Shir looga hadlayay Imaanshaha Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyiinta deegaanka,isla markaana waxaa Go’aan ay ku gaareen in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godiblabe lagu soo dhaweeyo Magaalada Cadaado. Sidoo kale Odayasha dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa isku raacay in Cadaado markii uu yimaado Madaxweyne Xaaf la dejiyo Xarunta Madaxtooyadda,halkaasi oo markii horey uu ku shaqeyn jiray. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xaaf uu xiriiro kala duwan la soo sameeyay Waxgaradka kunool Cadaado,isla markaana uu ku wargeliyay in uu kusoo wajahan yahay, waxaana muuqato inay Odayaasha durba aqbaleen codsiga Xaaf. Madaxweyne Xaaf ayaa dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay magaalada Cadaado, wixii ka danbeeyay markii uu heshiiska la galay Ahlu suna, isagoo fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana isbedel ku yimid markii ay Ahlu suna heshiis la gashay Dowladda Federaalka, isagoo qoraal uu soo saaray xalay ku sheegay inuu waxba kama jiraan yahay heshiiskii Ahlu suna uu la galay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Tehran)-Shirkadaha Sameeya Hubka ee Maraykanka ayaa sheegay in baahida reer Yurub u qabaan Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Jet-ka, Gantaalaha difaaca iyo Noocyada kale ee Hubku aad kor ugu kacayo, taasina ay sabab u tahay wer-wer-ka ay ka qabaan Ruushka iyo IRAN. Dawladda Maraykanka ayaa Koox khuburo sare ah oo uu ku jiro Xoghayaha Ganacsiga Wilbur Ross wuxuu u diray Bandhigga diyaaradaha oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Paris, halkaasi oo Shirkado ka badan 400 oo Maraykan ahina ku soo bandhigayeen Qalab. Shirkadaha sameeya Lockheed Martin, Boeing iyo noocyada kale ee hubka halista ayaa sheegay inuu kor u kacayo baahida loo qabo hubka lagu farsameeyo Maraykanka, marka la eego kor u kaca xurgufta Ganacsi ee Maraykanka iyo Yurub . “Laba Bandhig oo hore loogu qabtay Paris, ma jirin dalab badan..” ayuu yidhi, Rick Edwards oo Madax ka ah Shirkadda farsamaysa diyaarado dagaal, “Xilligan, Kor u kaca Suuqa Lockheed Martin ee Adduunku waa Yurub..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Qaramo badan oo Yurub ayaa kor u qaaday dhaqaalaha ay ku kharash-gareeyaan Ciidammadooda Millateriga, tan iyo markii uu Ruushku qabsaday Gobolka Crimea ee Ukrain, sanandkii 2014-kii, waxayna joogteeyeen Gantaalaha difaaca, waxayna horumariyeen Diyaaradahooda dagaalka. Dawladaha Xubnaha ka ah NATO waxay isku raaceen sannadkii 2014-kii in 2% ka mid ah wax soo-saarkooda ku kharash-gareeyaan difaaca. Eric Fanning oo ah Agaasimaha Ururka Warshadleyda soo saara Qalabka difaaca Cirka ee Maraykanka iyo Madax ka qayb-gashay bandhiggan ku soo beegmaya muranka IRAN iyo USA ayaa si isku mid ah u sheegay Cabsida laga qabo Koboca Gantaalaha difaaca IRAN uu yahay qodob kale oo muhiim ah. Diyaaraddii Drone-ka ahayd ee Dawladda IRAN ka soo ridday Maraykanku wuu ka soo habsaamay Bandhiggan, sida ay sheegayso Reuters, laakiin Agaasimayaashu waxay sheegeen inuu taageerayo uun in baahida hubka loo qabaa korodho. “IRAN waa horumariyaha ugu wanaagsan ee Ganacsigayaga, Xilli walba waxay sameeyaan sidan oo kale, waxay kor u qaadaan Digniinaha cabsida leh..” ayuu yidhi, Khabiir ah Guddoomiye ka ah Warshad soo saarta Qalabka Ciidammada, kaasi oo codsaday inaan Magaciisa la sheegin. Edward oo Madax ka ah shirkadda soo saarta Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-35 ayaa sheegay in dalalka Poland, Belgium, Bulgaria, Romania iyo dalalkii hore uga midka ahaa Soviet ay dalbadeen Diyaaradahaasi, iyagoo doonaya inay iska beddelaan qalabkoodii hore ee dagaalka. Edwards iyo Guddoomiyeyaasha Shirkadaha Hubka ka shaqeeyaa waxay sheegeen in aanay shaqadooda wax saamayn ah ku yeelanin dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Midowga Yurub. Source
-
(SLT-Ankara)-Cisbitaal ku yaalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa ku guuleystay inay qaliin casri ah ku sameeyeen Nin Soomaali ah oo mid ka mid ah Indhihiisa dhawaac ka soo gaadhay qarax bishii April ee sannadkan ka dhacay Muqdisho. Abuukar Macallim Axmed oo 33-jir ah ayaa la sheegay in lagu soo sameeyo qaliin naadir ku ah gudaha Turkiga, oo horseeday inuu dib ugu soo noqdo inuu wax ku arko Ishii uu ka xanuunsanayay. Qaliinkaasi waxaa iska kaashaday 4 dhakhtar oo Takhasusi ah, kuwaasi oo sheegay inuu qaliinkaasi ahaa mid aad u adkaa. Dr. Kubilhan Elmas oo ka mdi ahaa Dhakhaatiirtii fulisay qaliinkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay inuu Dhibanaha ka dhaawacanaa Isha Midig, isla markaana ay dib-u-dayactireen qeybta Ishiisa ee ay waxyeelladu soo gaartay, wejiga hore iyo gudaha isha. Dhakhtarka kale ee ka qeyb galay qaliinkaasi oo lagu magacaabo Dr. Volkan Hürmeriç waxa uu tilmaamay in qeybta cad ee ku hareeraysan Bu’da Isha lagu rakibay xuub macmal ah, kaasi oo isha ka taageeraya inay wax si fiican u aragto. Waxa uu hoosta ka xariiqay in qaliinka lagu sameeyey isha bukaankaasi tahay qaliin mar-la-arag ah oo dhif iyo naadir ku ah Caalamka. Dhakhtarka waxa kale oo uu sheegay inay qaliinka maray 4 heer oo socotay muddo 3 saacadood , si ay u hagaajiyaan aragga ishiisa oo haatan aad u wanaagsan. Waxa uu intaasi ku daray inuu aragiisa dib u soo laaban doono sida ugu dhaqsaha badan 100%. Dhinaca kale, Abuukar Macallim Axmed oo ah aabe 5 carruur leh waxa uu Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay inuu ka walaacsanaa in aanu mar dambe wax arki doonin, una shaqeysan karin qoyskiisa. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dad shacab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Weerarka dagaalkan waxaa lahaa shacabkan isku tagay, kuwaasi oo loo yaqaan Macawiisley, waxaana ay la wareegeen saldhigyo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Saddex qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay. Horjoogayaal u hadlay Macawisleyda ayaa sheegay iney siidaayeen ku dhowaad 30 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay xireen Al-shabaab. Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay bixin dagaalkan, iyadoo meelihii lagu dagaallamay deggan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland: Sources: Possible Meeting In Kenya Between Somaliland & Somalia Informed sources within the Somaliland government have indicated that there is the possibility of preliminary talks between Somaliland and Somalia in Kenya, in an effort to restart the failed meetings between the two parties. However, given the dire state of the current relationship between Kenya and the federal administration in Mogadishu, it is highly unlikely that the Somalia would agree to any talks taking place in Kenya. The sources indicate that the current visit to Kenya, by the Somaliland Foreign Minister, Yasin Haji Mohamud Hir “Faratoon”, who has already met with members of the Kenyan cabinet, including the Trade Minister, Peter Munya and other senior Kenyan officials, could be part of an effort to resume talks between Hargeisa and Mogadishu. Once again, this seems unlikely, as Somaliland and Kenya are currently engaged in efforts to strengthen the ties between Hargeisa and Nairobi, and would not welcome the distraction of a third party involvement. The Somaliland Foreign Minister has already met with the IGAD Executive Secretary, Ambassador Mahboub Maallim, to discuss the forthcoming parliamentary and local council elections scheduled for the end of this year and other issues pertaining to the Horn of Africa. Qarannews.com Qaran News
-
(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah si loo xuso madaxdii lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaas. Habeenkii Sabtidii, madaxii ciidammada dalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen ayaa waxaa dilay ilaalihiisii gaarka ahaa xilli la doonayay la inqilaabo hoggaanka maamulka Amxaarada, waxaa uu doonayay inuu ka hortaggo afgembiga. Waxaa dhacdadaas lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo saddex sarkaal oo kale. Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”. Source
-
Maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilligan ay deegaanno badan oo gobolkaasi ah ka taagan tahay xaalad dhanka Bini’aadannimada ah. C/rashiid C/laahi Cali, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xilli walbo ay ka maamul ahaan ku dedaalaan sidii daryeel wanaagsan u heli lahayeen shacabka ku dhaqan meelaha uu maamulkoodu gaaro. Dadka ayuu sheegay in baahiyaha ay qabaan kala duwan yihiin, balse ay ka wada simanyihiin xaaladda bini’aadannimo. “Maamulkeennu wuu ku dedaalay sidii loogu gar-gaari lahaa dadka, waana wadnaa weli dedaalkeenna” ayuu yiri guddoomiye C/rashiid. Jubbaland waxaa ku sugan kumanaan qoys oo dib uga soo noqday xeryaha qaxootiga Kenya, kuwaasi oo weli aan helin daryeel wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Istanbul)-Musharraxa ka socday xisbiga mucaaradka ah ee CHP ninka la yiraahdo Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee maanta ka dhacday Istanbul. Imamoglu oo ah 49 jir oo aanan si wanaagsan loogu aqoon siyaasadda Turkiga, ayaa ka badiyay musharraxi ka socday xisbiga talada haya ee AK sidoo kalana ah ra’isulwasaarihi hore Binali Yildirim oo isagu xalay qirtay in doorashada looga guuleystay. Waa marki labaad oo uu Imamoglu ku guuleysanayo doorashada duqa Istanbul, kaddib marki ay guddiga doorashada diideen natiijada doorashadi Istanbul ee 21-ki bishi March. Sida ay muujineyso natiijada horhdaca ah, musharraxa ka socda xisbiga mucaaridka ayaa helay codad dhan 53.86 % halka Yildirim uu helay 45.23. Source