Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,764
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bihi’s achilles’ heel: The military land grab in Tog-Wajaale Plains Dear Friends, Part of the Tog-wajaale Plains was lend to the military as a temporary program so that the military could grow wheat to support their families until the government finds enough financial resources for them. That was during President Egal when we just librated the land. That was sharing and compassion on the part of Tog-wajaale community, and was never intended a total grab of Wajaale Plains by the military Your soldiers changed that. They started selling the grass! For that reason they are considered undesirable as far as the rural community there is concerned. Out of compassion and patriotism Tog-wajaale people agreed to share even when that was on the expense of the (owners) local people whose ancestors have lived this land for generations and whose livelihood depends on the animals graze there and the produce they grow from there. On the other side Mr. President tell me any other community you would tell them “your camels can not graze your land, otherwise you have to buy the grass there as your soldiers did and doing to the compassionate Tog-wajaale community who accepted to share their land with the Military!” there is a clash of cultures there! Tog-wajaale (Gabiley Region) Community’s livelihood has been destroyed by the successive governments in Somaliland. Writes Mr Ibrahim Maed on his republished op-ed piece. Read the whole article Please after you read it post a comment. Ali Mohamed Editor, Gubanmedia.com Covering The Horn of Africa region Lewis Center, Ohio Qaran News
  2. (SLT-Hargeysa)-Maayirka Burco Oo Si Qaawan Oo Anshaxa Ka Baxsan Uga Jawaabay Eedaymo Ugu Yimid Dhiggiisa Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa shuruud hor dhigtay maamulka Somalialnd, taas oo la xiriirta Xoolaha Soomaaliya ee sanadkan loo dhoofinayo dalka Sucuudiga. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Somaliland u dirtay warqad ay ku sheegeyso in warqadda caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee xajka sanadkan ay bixineyso dowladda federaalka ah, halkii ay ka bixin jirtay Somaliland. Wasiirka xannaannada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbaleyn go’aanka dowladda Sacuudiga ka soo baxay. Xoolaha Soomaaliya ayaa inta badan laga dhoofiyaa dekadda magaalada Berbera ee ay maamusho Somaliland, waxaana ay bixin jirtay warqadda caafimaadka xoolaha. Sanadkasta ayaa xoolo malaayiin ah oo kala ah ari, lo’ iyo geel loo dhoofiyaa Sacuudiga,w axaana dowladda Sacuudiga ay hadda go’aansatay in xoolahaas ay kala xiriirto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama oga go’aankan Sacuudiga sida uu u saameyn doono xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga ee inta badan loo adeegsado udxiyada xajka kaddib. Somaliland ayaa hadda wajahaysa laba darran mid dooro oo ah, inay hoos tagto Somaliland iyo inay wayso malaayiin dollar oo kasoo gali jiray dhoofka xoolaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargaysa caasimada@live.com
  4. (SLT-Addis Ababa)-War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in ciidammada ammaanka dalka Itoobiya ay toogasho ku dileen Ninkii ka dambeeyay isku daygii afgambi fashilmay ee ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Ninkaas oo lagu magacaabo Jenaraal Asaminew Tsige ayaa waxaa raadinayay Ciidamada Itoobiya tan iyo maalintii sabtida aheyd ee uu dhacay afgambigii fashilmay. Isku daygii afgambigii fashilmay ee ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay Taliyihii Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Seare Mekonnen iyo Madaxweynihii Maamul-gobaleedka Amxaaradda, Ambajew Mekonnen iyo La-taliyihiisii oo la odhan jirey Ezez Wasiye. Tan iyo markii uu Raysal-wasaare Abiy Ahmed tallada la wareegay sannadkii hore waxa uu isku hawlay sidii uu Isbedel Siyaasadeed ugu samayn lahaa dalkaasi oo ay ku nool yihiin 100 million oo qof. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Afar Dumar Ahi Wiil Ku Kufsadeen Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay masuuliyiin xilal ka soo qabtay Puntland, saraakiil kala duwan ee dhanka ciidanka ah, waxaana [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xidhiidhka xumaaday ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia oo mar ahaan jiray kuwo jaal ka ahaa dhinaca xadka iyo duulimaadyada ka yimaada Muqdisho, ayaa Kenya Airways ay wakhti xaadirkan ay tixgalin siinaysaa sidii ay u bilaabi lahayd duulimaadyo ay ku tagto Hargeysi oo ay noqoto hadafkooda xiga ee Geeska Afrika. Waxaanay arintani si xoog leh kor ugu qaadaysaa ganacsi dhexmara Kenya iyo Somaliland. Kenya Airways ayaa markii hore dhamaystirtay xog ururin buuxda oo ay ka samaynaysay Hargeysa taas oo markii dambe uu Baarlamaanku okay-da ugu duugay inay duulimaadyo ku tagto Hargeysa balse tan ayaan wali dhicin. Waxa lagu qiyaasaa ilaa 15,000 Muwaadiniin Kenyan ahi inay ka shaqeeyaan Somaliland oo si diiran loogu soo dhaweeyey gaar ahaana dhinaca waxbarashada. AGaasimaha maamulka duulimaadka iyo Madaarada Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhaan booqasho ku tagay Nairobi si uu wadahadalo ula yeesho Masuuliyiinta Kenya oo ku saabsanaa in Hargeysa ay ku haboon tahay in duulimaadyo ay ku tagto diyaarada Kenya Airways. Ilaa iyo hada Diyaarada Ethiopia Airlines ayaa laba duulimaad ku tagta Somaliland oo iskaga kala gooshta Addis Ababa iyo Hargeysa. Sidoo kale Fly Dubai ayaa duulimaado iyaduna iskaga kala gooshta magaalooyinka Dubai iyo Hargeisa taas oo keenta ganacsatada Somaliland ee ka imanaya dhamaan aduunka. Qorshaha Qunsuliyada ay Hargeysa kaga furanayaan oo socda iyo Kenya Airways oo aragta in fursado duulimaad ay dalkan Somaliland ka jiraan. Bishii la soo dhaafay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Mr Philip Mundia Githiora ayaa loo asteeyey inuu caasimada Somaliland xafiis ka soo furo, horena waxa xafiisyo diblomaasiyadeed ugu lahaa dalalka Ethiopia iyo Djibouti. Halkan hoose ka akhriso warkan Kenya mulls introducing direct flights to Somaliland capital Hargeisa Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. 2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  9. Kulanka madaxda Puntland iyo Jenaraallada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire. Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa. Kulan ayaa salka ku hayey is xogwaraysi guud oo uu Madaxweyne Deni la yeelanayo Janaraalada Puntland ee ku suntan taariikhda dhismaha ciidamada Puntland, tani waxa ay qayb ka tahay balanqaadyadii Madaxweynaha ee tayaynta ciidamada, tiigsiga dhismaha ciidanka iyo in ahmiyadda kooowaad la siiyo waxtarka iyo dhiirigalinta ciidanka qalabka sida, si loo soo afjaro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish, sidoo kalena la sugo amniga xuduudaha dalka. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka maadaama Puntland ku dhisan tahay wada-tashi, talo-wadaag iyo wax wadalahaansho dhanwalba ah, Janaraaladuna kamid yihiin waxgaradka iyo indheer garadka dalka ee arrimaha Amniga. PUNTLAND POST The post Deni oo wada-tashi ugu yeeray Jenaraallo uu ku jiro Moorgan appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa la filaya in maalinta berri ah ay dib u furmi doonan Wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo wajiga koowaad ee Wada-hadaladaasi ka furmi doonan magalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulankan berri ka furmi doona Nairobi ayaa waxa isku hor fadhiisan doona Mas’uuliyiin ka kala socda Dowlada Somaliya iyo Somaliland, taasi oo ay qeyb weyn ka qaadatay qaban-qaabada kulankaasi xarunta xalinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue. Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayan in Wada-hadaladaasi dalka Kenya uga furmaya Somaliya iyo Somaliland ay dowlada Somaliya u mateli doonaan wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Somaaliya, Dr Nuur Diiriye Xirsi ‘Fursade’. Halka dhinaca Somaliland ay iyaguna wada-hadaladaasi uga qeyb gali doonaan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon. Kulankaasi ay isku hor-fadhiisanayan Mas’uuliyintaasi Somaliya iyo Somaliland ayaa waxa goob-joog ka noqon doona xubno ka socda beesha caalamka. Xubnahaasi caalamiga ah ayaa waxa kamid ah Olgan Bekar, Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadalada Somaliya & Somaliland iyo Wakiil ka socda ururka IGAD, iyo weliba Mas’uuliyiin kale oo ilaa hadda la ogeyn. Si kastaba, waxaa dhowr mar oo hore uu fashil ku yimid wada-hadalo la doonayay inay dhex maraan Dowladda Somaliya iyo Somaliland, hayeeshee kulankan berrito lagu qabanayo caasimada dalka Kenya ayaa u muuqda inuu bilow u noqon doono wada-hadaladaasi oo muddo sanado ah hakad ku yimid. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. The suspected ringleader of Saturday's failed coup attempt in Ethiopia's Amhara region has been shot dead by police, state media report. Source: Hiiraan Online
  12. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmaajo and other senior foreign officials led by the Italian Deputy Foreign Minister, Emanuela C. Del Re attended the historic graduation ceremony for the Somali National University on Monday. The graduation was first ever since the post-conflict era following the resumption of studies in 2014. A total of 131 students from faculty of law, journalism, education, and social science, Vet and animal husbandry, economics and management science, agriculture and environmental science graduated. Among them was Yusuf Abubakar Shador whose studies were cut short by the civil unrest 1991 but resumed his class two decades later and was awarded a well-deserved degree in law. Speaking during the graduation ceremony, Somali head of state congratulated the new alumnae for their hard work and determination. The Somali National University was established in 1954 in the Trust Territory of Somalia and later obtained official university status in 1969. It was one of the most prestigious African universities before the collapse of the central government of Somalia in the early 1990s. View the full article
  13. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay maanta xaflad ay ku qalin-jabinayeen ardaydii u horreysay oo ka qalin-jabiyay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii dib loo furay sanadkii 2014-kii, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dowlad dhexe oo awood leh. Farmaajo ayaa sheegay in doodaha ka socda maamul-goboleedyada dalka ay qayb ka yihiin qorsha lagu dhisayo dowladnimada dalka, sidoo kalena lagu xoojinayo federaalkiisim-ka dalka lagu hoggaamin doono. “Doodaha socda waa kuwo lagu xoojinayo horumarinta dowladnimada dalka, inkastoo maamullada dalka ka jira ay nagu eedeeyaan inaan doonayno inaan awoodda dalka oo dhan la wareegno, balse innagu waxaan aaminsan-nahay in aan nahay federaalka saxda ah, waayo waxaanu rabnaa in la helo dowlad dhexe oo awood leh,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha DF ayaa sharraxaad ka bixiyay dowladda dhexe ee ay doonayaan inuu dalku yeesho, wuxuuna xusay inay doonayaan in la helo dowlad leh ciidan difaaci kara dalka, dowlad ilaashan karta xuduudaha ay la leedahay dalalka kale ee dariska ah iyo sidoo kale dowlad fulin karta dhammaan hawlaha ay bulshadu uga baahan yihiin. “Cid walba oo aan doonayn federaaliisim-ka waan kasoo horjeednaa, waayo waxaan doonaynaa in dalku uu ku dhaqmo nidaamka federaalka ah. Waxaa jira hawlo ay gaar u leeyihiin maamul-goboleedyada, waana ku taageeraynaa, balse doonista dowladda dhexe waa in la helo dowlad awood leh oo dalka oo dhan hanan karta,” ayuu madaxweyen Farmaajo mar kale ku yiri hadalkiisa. Dhanka kale, Dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira soo dhex-galaan oo ay saxaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin in haddii lagu eedyo inay qaldan yihiin ay isi sixi doonaan. Ugu dambeyn, Hadalka madaxweynaha Somalia ee ku aaddan murannada u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maamul-goboleedyada dalka qaarkood ay meel xun marayaan, waxaana doodahaas kuwa ugu xooggan ay xilligan ka socdaan Galmudug. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Waxaanu doonaynaa inaan yeelanno Dowlad dhexe oo Awood leh appeared first on Puntland Post.
  14. Mid kamid aha xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo manata si kulul u dhaliilay xildhibaanada ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka waxa uu ka xiray maykarafonka,kadib markii uu ku [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayay arrimaha federaalka ayaa cod dheer ku dheegay in uu rabo dowlad dhexe oo awood leh. Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Ummadda ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada dalka. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorka maamul goboleedyada ku sheegay kaliya inuu yahay daadajinta adeegyada. “Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate (habka kale ee federaalka ee dowladaha isku biirey ), inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah” ayuu yiri madaxweynahu. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay “Maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa. Dowladda dhexe ee federaalka ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmeysay madaxda maamullada dalka, kuwaas oo ay marar badan madaxa isla galeen. Xiisada ugu daran ayaa haatan ka taagan Galmudug, waxaana ay ka dhalatay doorasho ay dowladdu u qaban qaabineyso inay dhacdo afarta bisha July ee soo socota. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Addis Ababa (PP) ─ Sarkaalkii abaabulay afgambigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa maanta la shaaciyay in toogasho lgu dilay, kaddib markii la baadi-goobayay tan iyo maalintii sabtida ahayd ee uu dhacay afgambiga. Jen. Asamnew Tsigeoo sannadkii hore laga soo daayay xabsi ayaa abaabulay in afgambi ka dhacay ismaamulka amxaarada oo ah kan labaad ee dalkaas ugu weyn, waxaana weerarkaas ku dhintay taliyihii guud ee cidanka Itoobiya iyo madaxweynihii ismaamulka Amxaarada Itoobiya. Booliiska Itoobiya ayaa sheegay in sarkaalkan lagu toogtay meel ku dhaw halkii uu afgambiga ka sameeyay, balse lama sheegin inuu isku dayay inuu iska difaaci ciidamada iyo in kale, waxase tani ay ka dhigan tahay in lasoo af-jaray qalalaasihii ka taagnaa Itoobiya. Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacayay sannadihii lasoo dhaafay qalalaase u muuqday in lagu jiljilayo dowladda dalkaas ka talisa, waxaase isbedel aan la filayn la yimid ra’iisul wasaaraha xilka haya Abiy Ahmed Cali oo Gobolka Oromo ee dalkaas kasoo jeeda, isagoo sameeyay isbedello badan. Sidoo kale, Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu horay uga tirsanaa millateriga dalkaas, waxaana uu xabsiga ku jiray muddo sagaal sannadood ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isku0dayay inuu afmbiyo xukuumadihii middkan ka horreeyay. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu dalkiisa ka dhacay afgambi dhicisoobay, isagoo ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isla markaana la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, kaasoo dhawaan xilka loo magacaabay. Ugu dambeyn, Xiisado ayaa weli ka taagan gobolka Amxaarada ee Sabtidii uu ka dhacay afgambiga fashilmay, waxaanse la ogeyn sida ay xaaladdu noqon doonto kaddib dilka hoggaamiyihii abaabulay afgambiga fashilmay ee ka dhacay dalkaas. PUNTLAND POST The post Sarkaalkii abaabulay af-gambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Itoobiya oo la Toogtay appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay maanta arimaha Federaalka iyo mamaul goboleedyada ayaa sheegay in ay rabaan dowladd dhexe oo awoodleh, oo difaaci karta xuduudaha dalka. Source
  18. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo i maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyhiniin deegaanka Wirkoy ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal toos ah labad dhinac uu ku dhex maray Wirkoy oo u dhexeeya deegaanada Baarsanguudn iyo Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose. Ma cadda illaa iyo hadda khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan , balse Al Shabaabayaa guulo ka sheegtay, inkasto aysan shaacin wax khasaare ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku aadan dagaaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  19. Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug goordhow gaarey wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka iyo xubno kale oo dowlad goboleedyada ah. Wafdiga waxaa horkacaya guddoomiye ku-xigeenka 1-aaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed, waxaa ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ee kala ah: mudane Cabdiraxmaan Odowaa iyo mudane Saabir Shuuriye. Xubnahan oo ah ku matalada, deegaan doorashadooduna tahay Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey magaalada, kadibna waxaa la dejiyey guriga martida. Ujeedka safarka wafdigan ayaa lagu sheegay iney u kuurgalaan xaaladda Galmudug, ka qeyb qaataan wadatashiyada socda ee go’aanka looga gaarayo halka ay u socoto Galmudug. Xildhibaannada gaarey Cadaado waxaa ay in badan ka digeen faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso deegaankooda iyaga oo soo-jeediyey in reer Galmudug loo daayo aayahooda, la dhowro xeerarka, heshiiska federalism-ka iyo awoodaha dastuuriga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay kala leeyihiin. Waxaa kale oo la sheegayaa in ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Kheyre uu gaaray Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Shirakan ayaa waxaa looga hadlaayay nidaamka maamul daadajinta iyo fulinta adeegyada bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Nadaafada, waxaana ka soo qayb galay mamaulka degmada iyo [...] Source
  21. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xog-haye cusub u magacaabay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxamed Dhabancad ayaa Xog-hayaha degmada Buurtinle lagu magacaabay Jaamac Cabdiraxmaan Abshir waxaana maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Buurtinle lagu amray in ay fuliyaan dhaqan-gelinta magacaabistaasi. Degmada Buurtinle ayaa haatan leh maamul ku meel gaar ah kadib markii ay dhowaan is-wada casileen xildhibaannadii golaha degnaanka Buurtinle iyagoo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku eedeeyay in ay taageersantahay guddoomiyihii degmada oo ay ku tilmaameen mid ku fashilmay shaqadiisa. PUNTLAND POST The post Ina Dhabancad oo xog-haye u magacaabay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
  22. Ugu horayn, waxaad moodaa in sanadahan u dambeyey ay aad u soo tarayso xumaanta iyo foolxumadii adeegsiga qabyaaladu, oo meesha ka saaraysa qarannimada kana dhex abuuraysa bulshada xanuuno iyo nacaybshiyo aad u fog oo keeni karaysa kala fogaansho iyadoo xumaan iyo xiqdi ku abuuraysa bulshadii qaranimada ku heshiisay. Qabyaaladu waa xanuun guud ahaan soomalida saamayn wayn ku yeeshay, hoosna uga soo riday meeqaanki ay lahaayen ilaa hadana dawadiisi aan la helin oo ay muhiim tahay in la goobo sidii ama xeeladii lagaga bogsan lahaa xanuunkan liddiga ku ah horumarka iyo wax wada qabsiga ummada. Somaliland ahaan dawladnimada iyo qaranka waxaan u yagleelanay si aan ugaga guurno qadhmuunka iyo xumaanta ay qabyaaladu leedahay, si aan u asaasano qaran aan ku dhisnayn qolo iyo qabiil toona, laakiin waxa hada muuqata in qabyaaladi dib u soo if baxdey oo xitaa ay ka awood badatey qaranimada iyadoo aad maqlayso odeyaal cuqaal sheeganaya oo ahaa kuwi qarannimada iyagu ilaalin lahaa oo leh qabiilkayaga hadaan sidaa loo samayn somaliland anagu kama mid nihin, kaliya shuruud daciifa ayuu ku xidhey ka mid ahaanshiyaha qaranka. Doorashooyinka waxa loogu talo galay in ay hore socod iyo hiigsi fiican ku lahaadan dawlad wanaaga, se waxa cad in doorashoyinki ay kaw ka noqdeen arimaha hurinaya qabyaalada. Iyadoo aynu tusaale cad u soo qaadanayno doorashadii ugu dambaysay ee madaxtinimada ee ay soo shaac baxeen reero qabiilnimada ku bahoobayey sida “JEEGAANTA”. May dhicin doorashoyinkii hore in qabyaaladu heerka intaas leeg gaadho oo la samaysto magacyo qabyaaladaysan oo doorashada lagu gallo si loogu guulaysto. Ugu dambayn waxa muhiima in lagu dadaalo sidii qabyaalada meesha iyo heerka ay joogto hoos looga dhigi lahaa amase loo baabi’in lahaa hadii ay suurto gal tahay. Halkan hoose waxan idinkula wadagaya tix kooban oo ka hadlaysa qaybyaalada. QABYAALADI WAA QUDHUN Dadyow Qaran wayne Qabyaaladu maaha Qabiil iyo reero Qoom iyo umad maaha Qaran dhana maaha Quraaniyo maaha Qaanuun laga reebay Quruun hore maaha Qoraal nebi maaha Xadiis qoran maaha Qiraaliyo maaha Gar geed lagu qaadey Qabyaaladu maaha Qawl iyo hadal fiican Qiraal saxa maaha Qarana u dan maaha. Dadyow qaran wayne Qabyaaladu waa uf Qadhmuun iyo weeye Qadhaadh aan la muudsan Qawl aan sax ahayniyo Qaran dumis weeye Qabiil wax ka sheegid Qabiilna ku faanid Quruun isku cayna Qaadirku u abuuray Qabiil ugu dooray Keliya is qirtaan Ayeyba u qaateen Qoqobiyo kala soocid Qabiilkayagaa san Quruun saxa weeye Qofkii aan ahayna Qoom hoogayba weeye Dadyow qaran wayne Qabiil lagu faano Qabyaaladu weeye Quruun isirkeeda Qab iyo isla wayni Qumaati u caydo Qolo iyo haybtooda Qalooc ku tilmamto Qabyaaladu weeye W/Q: Ahmed Harir Adam Gmail: heebaan6926@gmail.com Hargaysa, Somaliland Qaran News
  23. Waxaa magaalada Nairobi ka furmaya berri oo talaado ah wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue. Shirkan sida uu jadwalku yahay waxaa xoogga lagu saari-doonaa arrimo ay ka mid yihiin: Haddii ay jiraan guulo ama guul-darrooyin la xiriira wada hadalladii la soo galay iyo halka la joogo, kaalinta gobolka ee ku aadan wada hadalka, waxaa kale oo ku jira sida loo bilaabayo wada hadalka. Dadka casuuman ee goobta ka hadlaya waxaa ka mid ah: Oglan Baker: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Taariq Chaudhry: Agaasimaha xafiiska siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, UNSOM Maxamed Cabdi Rodol: maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, Somaliland. Nuur Diiriye: Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdisatar Geelle: Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada, Soomaaliya Alexander Rondos: Ergeyga EU ee Geeska Afrika Baashe Cumar: Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Guyo: Ergeyga IGAD ee Soomaaliya David Korpela: La-taliye dhanka siyaasadda, Ergeyga EU ee Soomaaliya Johan Svenson: Safiirka Sweden ee Soomaaliya Esra Guhadar: oo wax ka dhigta Jaamacadda Bilkent, Ankara Jeffrey Bakken: Agaasimaha USAID ee Soomaaliya. Xasan Cumar Madaalle Stuart Brown: Uk xafiiskeeda ee Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com