Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,764
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray “cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah” isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inuu ku hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka. Xoghayaha Maaliyadda iyo Lacagta ee Mareykanka Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan inay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah. Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid “adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay. Dronetaas oo nooca wax ishaafalateeya ah ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda. Source
  2. Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shalay hor-tegay Baarlamanka si jawaab uga bixiyo eedaymo ku xusan warbixin uu soo bandhigay guddiga Amniga golaha wakiilada Puntland. Guddiga ayaa warbixin uu todobaadkii hore u gudbiyay Baarlamanka ku sheegay in wasaradda Amnigu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale wasaaradda ku eedeeyay ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday in uu horyimaado golaha. Waxaa kale oo guddigu wasiir Gallan ku eedeeyay in uu askareeyay dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso iyo in uu faraha ka laabtay xaaladda nabadgelyo ee gobolka Mudug. Haddaba wasiirka ayaa shalay raalli-gelin ka bixiyay qaar kamid ah eedaymaha ku cad warbixinta guddiga halka qaar kalena uu beeniyay sida in uu askareeyay dhalinyaro dhibaato ku haya amniga Boosaaso. Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay warbixinta laga soo gudbiyay waxaana su’aalahaasi kamid ah sababta uu uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug? Hoos ka daawo jawaabaha wasiirka PUNTLAND POST The post Waa maxay sababta Gallan uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug? appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi. Agaasimaha guud ee Villa Somaliland Dr. Nuur Diiriye ayaa waxaa uu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliyakama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo”. Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue, sidoo kale waxaa ka qeyb geli lahaa mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa uu markii Labaad kasoo muuqdo wariye C/maalik Muuse Coldoon. Coldoon oo ah Wariye ayaa sidoo kale ah Samafale aad looga yaqaano guud ahaan dalka, waana shaqsi u ololeeya arrimaha bini’aadannimada. Wariye Coldoon ayaa ku eedeysan kicin dadweyne iyo sidoo kale arrimo lagu sheegay iney wax u dhimayaan madax-bannaanida ay sheegatay Somaliland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Falanqeeye sare, Saalim Siciid Saalim oo kamid ah khabiirada sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya kuna nool Garoowe, ayaa faallo kooban ku cabbiray jaah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug. “Qaybtii 1aad is hardanka Xaaf iyo dawladda federaalka waxaa muuqata in Xaaf lagu diray oo Dhuusamareeb laga saaray, lana kala furay isaga iyo Ahlu-sunna” ayuu yiri Saalim. Balse, wuxuu aaminsanyahay in xifaaltan u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah uu ka bilwoday Galmudug, uuna saamayn ku yeelan karo xaaladda aloosan. “Qaybta labaad ee hardanka oo tan ugu adag ah ayaa siyaasiyiin mucaarad ku ah dawladda federaalka mar horeba iska xaadiriyeen Cadaado oo ay halkaas ugu yeerteen Xaaf” ayuu sii raaciyay. Mr Saalim ayaa qaba in kooxda la baxday Ahlu-sunna Waljamaaca aysan kalsooni badan ka haysan siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka deggan Galmudug, taasina ay horseedi karto in kafadda siyaasadeed u wareegto dhanka Cadaado ee Xaaf iyo mucaaradku joogaan. “Siyaasiyiinta iyo badi qaa’ilka Galmudug waxay u arkaan Ahlu sunna koox diimeed xagjir ah oo ma doonayaan inay hoos farsiistan maamul ay xoog ku leeyihiin, waxaana tan keenaysa in hadda badi siyaasiyiinta iyo qabaailka maamulka isugu tagaan Cadaado”. Wuxuu intaasi raaciyay, in haddii sidaasi dhacdo ay fursad u abuurayso siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Damu-jadiid oo haatan isu muujinaya in ay la safanyihiin madaxweyne Xaaf, iyadoo ay cidlo soo istaagi doonaan Villa Somalia iyo Ahlu-sunna, haddii miisaanku u liico dhanka Cadaado. Waxaase uu xusay in siyaasiyiinta mucaaradka laftoodu ay musharrixiin gaar ah u wataan doorashada Galmudug aysan taageero Xaaf u aadin magaalada Cadaado, balse sida uu sheegayo fursad ay ka arkeen kala’boodista Xaaf iyo Ahlu-sunna. “Siyaasiyiinta u badan mucaaradka ee Damul Jadiid iyo Daljir iyo rag kale waxay aad ugu faraxsanyihiin kala haadka Xaaf iyo Ahlu-sunna waxayna haatan isu diyaarinayaan sheeka ah “allaw kala guurka Xaaf iyo Ahlu-sunna dabadooda naga risaaq” oo waxay ku taamayaan doorasha dhaqso uga dhacda Cadaado oo ay musharixiin ay wataan kasoo baxaan” ayuu yiri Saalim. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo fursad dahabiya u abuurtay mucaaradkeeda appeared first on Puntland Post.
  6. Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haddii aan degdeg lagu xallin khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale guddoomiyahii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ay keeni karto in uu dhaco dagaal. Admiraal Khaliif Idiris oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in B/weyne ay haatan gashay xaalad murugsan, islamarkaana haddii xal la waayo dagaal la filan karo. Sidoo kale, nabadoonka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti la doonayo in loo adeegsado weerar lagu qaado Yuusuf Dabageed. “Haddii si nabad ah wax lagu xalin waayo dagaal ayaa imaan kara, ciidamada Jabuuti ayaa isku dayaya iney xoog ku weeraraan Dabageed, waxayna taasi keeni kartaa dagaal ay shacabka ka qeybgalaan, waana waxa aan ka digeyno in lagu degdego weerarka Dabageed” ayuu yiri Admiral Khaliif. Yuusuf Dabageed, weli waxa uu diidan yahay in uu wareejiyo xilkii dhowaan laga qaaday, waxaana walwalka ugu badan yahay in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, maadaama madaxda maamulkaasi ay ammar ku bixiyeen in lasoo xiro Dabageed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararkii ugu dambeeyey ee warsidaha Puntlandi uu saaka ka helayo Garoowe ayaa sheegaya inay Puntland ku wajahan yihiin xubno katirsan wakiilada caalamka ee fadhigoodu yahay [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya ayaa shaacisay in ay si weyn uga soo horjeedo in Kenya ay hoggaamiso la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in go’aanka kooxda xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya uusan u qalmin Soomaaliya, islamarkaana aysan u hoggaansami doonin Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in haatan ururka xiriirka Soomaaliya ee la dagaalanka Burcadbadeeda uu dhammaaday waqtigiisa, isaga oo guuleystay. Cawad ayaa intaasi ku daray in aysan jirin Burcadbadeed lala dagaalamo, islamarkaana gabi ahaan laga taqalusay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale carabta ku dhuftay in Kenya iyo Soomaaliya haatan uu ka dhexeeya muran dhinaca badda ah, sidaas daraadeedna aysan suuragal aheyn in Kenya ay qabato hoggaankaasi. Ugu dambeyn waxa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan biyaha Soomaaliya,balse waxa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda ururka ay yihiin cidda qabaneysa shaqadaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan meel xasaasi ah ay mareyso dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaalla maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-25062019.mp3 View the full article
  10. Nairobi (PP) ─ Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ee Somalia ay doonayso inay weerarro aad u culus kusoo qaadaan gudaha dalka Kenya, iyagoo aan sheegin xilliga laga yaabo inay weerarradaas dhacaan. Saraakiisha ciidamada amniga Kenya, ayaa sheegay in xogta ay hayaan ay sheegayso in Al-shababa ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ayna dhici karto inay weerar culus ka geystaan gudaha Kenya. Mas’uuliyiin u hadlay hay’adaha amngia Kenya ayaa xusay in ciidamadoodu ay billaabeen hawl-gallo ay uga hor-tagayaan weerarradan, iyadoo goobaha ay hawl-gallada laga billlaabay ku sheegay inay ka mid yihiin magaalooyinka ku yaalla xuduudaha ay Somalia iyo Kenya wadaagaan; Sida Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera. Sidoo kale, Booliiska Kenya ayaa sheegay in goobaha laga cabsida qabo inay weerarraan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin; Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoos-taga Mandheera. Waxay kaloo booliisku sheegeen in goobaha baqdinta laga qabo ay ka mid yihiin; Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo Khorof Harar, oo dhamaantood ka tirsan is-maamulka Wajeer, sidoo kalena; Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo ka tirsan Gaarisa ay Kooxda Al-shabaab ka geysan karto weerarro. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin digniinta ay ciidamada Kenya soo saareen, waxaana kooxda ayaa dhawr jeer oo hore weerarro khasaare badan dhaliyay ka geystay gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku jireen midkii ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaanahan wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayso inay weerarro uga geysto gudaha Kenya, iyadoo dhawr jeer oo horena ugu hanjabtay Kenya inay dagaal adag la galayso, maadaama ay uga sugan yihiin Somalia ciidammo fara badan oo qayb ka ah AMISOM. PUNTLAND POST The post Booliska Kenya oo shaaciyay cabsi laga qabo in la weeraro Deegaanno kala duwan appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi wuxuu durba ka bilaabay kulamo gaar gaar ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Xaaf kusoo dhoweeyey Cadaado, iyadoo uu degay madaxtooyada magaaladaasi. Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in Xaaf uu wado kulamo gaar gaar ah, isaga oo isla xalay la kulmay xildhibaannada federaalka ee ku sugan magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf ayaa isaga soo guuray degmada Dhuusamareeb, kadib markii ay is khilaafeen Ahlu-sunna Waljameeca oo heshiis la gashay DFS. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa cafiyey wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan kadib markii uu ka badbaadey warbixin ay ka soo gudbiyeen gudiga amniga ee golaha wakiilada [...] Source
  13. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyahii gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, in Saddex jeer uu soo abaabulay isku day uu sheegay in isaga lagu qaarajin lahaa. Dabageed ayaa tilmaamay in halka loo yaqaan Lama-galaay uu madaxweyne Waare kasoo abaabulayo qorsheyaashan, isaga oo isku dayaya inuu adeegsado AMISOM, waa siduu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in dhankooda ay ka foojigan yihiin qorshe walbo oo la doonayo in lagu qaarajiyo. “Waare Lama-galaay wuxuu markii Saddexaad kasoo abaabulay qorshe la igu qaarajinaa, ama nalagu soo weeraraa, taasna waa ku fashilmay ee waxaan u sheegeynaa cid walbo oo reer Hiiraan ah iney arrintan la socoto” Dabageed ayaa dhanka kale ugu baaqay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iney wada yimaadaan magaalada B/weyne, kana tashadaan aayaha gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgauduud. Madaxweynaha Galmudug oo xalay gaaray Cadaado ayaa si ballaaran waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay Odayaasha deegaanka iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya. Xaaf oo ku hoyday xarunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado, islamarkaana uusan tagin muddo ka badan hal sano ayaa halkaasi uga qeyb galay kulamo xasaasi ah. Shirarkan oo ay wada qaateen Xildhibaano uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Lama shaacin natiijada rasmiga ah oo ka soo baxday shirarkaasi oo weli ka sii soconaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in xalay lagu qabtay kulamo oo gooni gooni ah. Kulamadani ayaa waxaa wada qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali iyo madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaasi. Intooda badan waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug oo ay dowladdu ku dhawaaqday in la qabanayo afarta bisha July ee soo socota. Xiisada ayaa u muuqata in ay ka sii dareyso, maadaama labada dhinac ay si aad ah ugu kala fog yihiin meesha lagu qabanayo doorashada. Lama oga halka ay saldhigan doonaan dadaallada socda oo qasbay in ugu dambeyn uu ku biiro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  15. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku gacan-sayrtay go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen in xukuumadda Kenya ay ku hoggaamiso hawl-galka la dagaallanka burcad-badeedda ka qawlaysta xeebaha Somalia. Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in DF aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Somalia ay dalka Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee burcad-badeedda Spmalia lagula dagaalamayo. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in hadda aysan jirin burcad-badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Somalia ay u dhaxeyso xurguf dhinaca badda ah, taasoo dacwaddeedu ay taallo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Cawad, ayaa sheegay in ururka xiriirka Somalia ee la dagaallanka burcad-badeedda Somalia ay dhamaatay hawshiisa ayna ku guuleysteen sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku intaas ku daray, in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Somalia. Dhanka kale, Wasiirku wuxuu beeniyay in ciidan Keenyan ah ay ilaalinayaan biyaha somalia, isagoo xusay in ciidammo isku-dhaf ah oo ka socda ururka xiriirka Somalia ay yihiin kuwa hawsha wada. Ugu dambeyn, Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda VOA-da ayaa xusay in Somalia ay ka war-sugeyso go’aanka maxkamadda ICJ, taaso la xirriirta xukunka badda, inta ka horreysana aysan qaadi doonin tallaabooyin dheeri ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka hor-timid inay Kenya hogaamiso ciidanka ilaalada biyaha Somalia appeared first on Puntland Post.
  16. Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halka Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug. Labada mas’uul ayaa kulammo gooni-gooni ah kawada degmooyinka ay ku kala sugan yihiin, inkastoo Xaaf uu hadda u janjeersaday dhanka dowladda dhexe uuna ku baaqay in la qabto doorasho. Ducaalle ayaa sheegay inuu burburay heshiiskii ay Galmudug iyo Ahlusunna horay ugu kala saxiixdeen dalka Jabuuti, kaasoo Ahlusunna ay ugu biirtay dowladda Galmudug, balse dowladda dhexe ayaa weli qabta I heshiiskaas uusan waxba iska bedelin. Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Galmudug uu kulammo kala duwan la leeyahay wafdi ka socda Dowladda dhexe oo gaaray halkaas, kuwaasoo ay ku jiraan xildhibaano iyo senater-ro kasoo jeeda deegaannada Galmudug. Kulammadan ayaa waxay intooda badan salka ku hayaan sidii loo badbaadin lahaa Galmudug, waxaana uu Geelle qabaa hadda in la qabto doorashada Galmudug, isla markaana uu ka mid yahay musharraxiinta u taagan in xilkan ay qabtaan. Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana kulammo kala duwan la leh xubno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca, isagoo kala hadlaya sidii Dhuusa-mareeb ay uga dhici lahayd doorashada Galmudug, taasoo dowaldda Federaalka ah ay doonayso inay dhacdo bisha soo socota horraanteeda. Khayre iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa la sheegay inay kulammo aan kala kac lahayn ku leeyihiin Dhuusa-mareeb, iyagoo isku dayaya in xubnaha ka tirsan maamuka Galmudug ee ku sugan Cadaado la keeno Dhuusa-mareeb, si doorashada loogu qabto. Ugu dambeyn, kulammadan kala duwan ayaa waxay muujinayaan inuu weli jiro khilaafkii ka taagnaa Galmudug, kaasoo aan xal loo helin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkan oo gaaray meel aad u sarreysa. PUNTLAND POST The post RW Khayre iyo Xaaf oo kulammo ka kala wada Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado appeared first on Puntland Post.
  17. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay Wakaaladda SONNA in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso. Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga. “Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey”, Wasiirka ayaa sidaa u sheegay SONNA. Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan “Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri. Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC Waana shir soconaya laba beri sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA ee caasimada Beijing, hawlaha shaqa u jooga kana qayb-galaya shirkaasi maanta oo talaado ah oo galay maalintiisa labaad. Xigasho: Somali National News Agency (SONNA) PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad: Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay ka faa’ideysato maashaariicda hurumarineed ee Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  18. What are the anti-corruption instruments in legislation? Why should law drafting be gender neutral? Why is the reform of maritime law important for the blue economy of Puntland? These were just a few of the themes addressed during the 2-day legal drafting workshop organised in June by EUCAP Somalia’s Field Office in Garowe. Source: Hiiraan Online
  19. The ragtag Somalia-based Al-Shabaab militia remains a security threat, with active cells in Kenya’s northeastern counties although its capacity to stage regular attacks has been diminished, the Nation can reveal. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay warbaahinta dowladda in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso. Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga. “Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey” Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan “Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri. Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in heshiis KMG ah ay gaareen odayaasha dhaqanka beelaha daga gobalka Banaadir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiiskaas oo ku saabsan go’doonka saaran magaalada Muqdisho. Heshiiskaan oo aan ku imaanin rabitaanka dowladda balse la sheegay in uu ku yimid cadaadis la saaray ayaa lagu gaaray Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Malaaqa beelaha Abgaal iyo odayaal kale oo ka socday waxgaradka gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Villa Somalia todobaadkaan waxeyna Madaxweynaha ku wargeliyeen in aysan mas’uul ka aheyn go’aan kasta oo ay qaataan dadka daga gobalka Banaadir intaan ka badanna aysan hortaagnaan karin cabashada dadweynaha Goobta uu shirkaan ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiga Salaad Cali Jeelle kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha ku wargeliyay culeeska ka heesta ukala gar qaadidda dowladda iyo odayaasha. “Mudane Madaxweyne aniga mas’uul kama ahi mana kaa hortaagnaan karo odayaasha iyo shacabka gobalka Banaadir oo ku dhow in ay qarxaan caburin aawgeed” ayuu yiri Imaamka beelaha Abgaal. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Imaamka iyo dadkii la socday ka dalbaday in dowladda loo sugo ilaa 1-da Luulyo ama todobaadka xorriyadda kadibna ay dowladda Soomaaliya furi doonto wadooyinka gobalka Banaadir. Odayaasha ayaa aqbalay balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in aysan xaqiiq aheyn hadalka Madaxweynaha ee uu doonayo in uu ku dejiyo Imaamka iyo dadka la socda. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa isku aragti ka aheyn go’aanka Madaxweynaha ee furidda wadooyinka waxaana laga yaabaa in aysan suurta gelin ballan qaadka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. SANTA MONICA, Calif. — Toronto Raptors forward Pascal Siakam has won the NBA’s most improved player award. Source: Hiiraan Online