Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,767
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has been seen weeping at a memorial for the army chief of staff who was shot dead in an alleged coup attempt on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee ku sugan Magaalada ay Shuruudo hor dhigeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ahlusunna ku wargaliyay in ay soo wareejiyaan Ciidanka si xuquuq ay u siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid noqdaan taliska qeybta 21-aad, waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in Galmudug si siman loo qeybsan doono, islamarkaana aysan jiri doonin waxyaabo dheeraad ah oo la siinaayo Ahlusunna lala doonaayo maamul dhameystiran in loo dhiso Galmudug. Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa intaasi ka dib la sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha hor dhigay in Xildhibaano dheeraad ah laga siiyo maamulka Galmudug, kuwaasoo ka madax banaan 89 Mudane ee laga soo xulo beelaha Galmudug, in Ciidanka Ahlusunna si gaar ah loo aqoonsado, in xilal ay soo Magacowdaan Sidda Madaxa Xukuumadda, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, islamarkaana dhammaan doorashooyinka Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb. Wasiir ka tirsan Galmudug islamarkaana ka mid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Ahlusunna oo ka gaabsaday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa xaqiijiyay Warkaan, waxaana uu sheegay in Dhuusamareeb uu kasoo bidhaamay Khilaaf cusub oo ku aadan habka awood qeybsiga maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu yeeray Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Cadaado si ay qeyb uga noqdaan xalinta tabashooyinka maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlusunna ay jiraan heshiis hoose oo dowladda dhexe ay la gaartay maalmo ka hor,kuwaasoo aan qaarkood la fulin. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay in dhammaan uu buray heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug, islamarkaana doorashadda maamulkaasi lagu qaban doono Magaalada Cadaado. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. The hearing of the maritime dispute between Kenya and Somalia will start on September 9 and run through to September 13 at the International Court of Justice (ICJ) at the Hague, Netherlands. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraaan xasan ruuxaani ayaa ka hor yimid cunaqabateynta cusub ee uu Mareykanka saaray hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullahi Cali Khumeyni. Mr Ruuxaani ayaa intaa ku daray in go’aankaan uu yahay mid ixtiraam darro ah, isaga oo hoggaanka aqalka cad ku tilmaamay mid maskax ahaan dhiman. Qudbad uu ka jeediyay Tv-ga qaran ayuu Ruuxaani ku sheegay talaadada maanta ah in Cunaqabateynta Khumeyni ay fashil ku dhamaan Doonto. Wuxuu intaa ku daray in aysan xiligaan Jirin baahi uu hogaamiyaha Ruuxiga ah ugu safro dalalka Dibada gaar ahaan Mareykanka. Aqalka Cad maskax ahaan ma ahan mid fadhiya istaraatijiyada aamusnaanta ah ee aan adeegsaneyno ma ahan in aan ka baqeyno Mareykanka ayuu yiri Ruuxaani. Dhanka kale Xukuumada Washington ayaa sheegtay in todobaadkaan ay cunnaqabateyn ku soo rogi doonto wasiirka arimaha dibeda Iiraan Mohammad Javad Zarif. Arimahaan ayaa ku soo aadaya iyadoo xoghayaha amuuraha dibeda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in dalkiisa uu diyaarinayo in wadahadal uu la galo Iiraan. Source
  5. (SLT-Riyadh)-Haweeneyda uu guursan lahaa wariye Jamal Khashoggi oo sannadkii hore lagu dilay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku baaqday in Baadhitaan caalami ah lagu sameeyo dilka Saxafigaan. Baaqa ka soo yeedhay Hatice Cengiz, ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii khabiir dhanka baadhitaanada ah oo ka tirsan qaramada midoobay ay dilka Khashoggi ku eedeysay boqortooyada Sacuudiga. Cengiz oo kula hadashay diblumaasiyiin iyo saxafiyiin ku sugan magaalada Geneva ee caasimada Swiss-ka ayaa sheegtay in warbixinta qaramada midoobay ay xoojin u tahay in baadhitaanada la sii Wado. Waxaan u baahanahay baaritaan caalami ah oo ku aadan dilka loo geestay Khashoggi, ma ahan oo kaliya in la baadho madaxda sacuudiga doorka ay ku leeyihiin dilkaan ee waxaa sidoo kale jira in hogaanka boqortooyada ay cabsi galin iyo handadaad isku dayeen si ayu tirtiraan Cadeymaha. Warbixin ka kooban boqol bog oo 19-bishan June ay soo saartay Agnes Callamard oo qaramada midoobay u qaabilsan dhanka baadhitaanada ayaa muujinaya in boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd dilkii 2-dii October loo geestay wariye Jamal Khashoggi. Saxafigaan ayaa lagu dhex khaarijiyay dhismaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul oo uu ka doontay shahaado muujineysa in ay kala tageen afadiisii Hore. Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in 15 xubnood oo loo soo tababaray dilkaan ay ka danbeeyeen dilka Jamaal. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Sababta Ay Soomaaliya U Diiday Shirkii Wada-hadallada Somaliland Iyo Muqdisho Ee Maanta Ka Dhacay Nairobi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inay Faro-galin Ku Hayaan Xaalado Colaadeed Oo Ka Taagan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargaysa) Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Qandaraas Ay Ka Qayb Qaadanayaan 17 Shirkadood. Source
  9. (SLT-Washington)-Waaxda arrimaha dibedda Maraykanka waxay soo saartay Digniin cusub iyo khataraha ay Muwaadiniintooda kala kulmi karaan haddii ay u safraan dal kasta oo ku yaalla Qaaradda Afrika. USA and Somalia – Miniature Flags Isolated on White Background. Warbixinta waxaa si gaar ah loogu muujiyey 14 Waddan oo ku yaalla Caalamka oo ay ka socdaan colaado, waxana si gaar ah loo tilmaamay 6 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasi oo heerka Socdaalka la gaadhsiiyey digniinta Heerka 4-aad ee lagu qiimeeyey dalalka aan loo safri Karin. Qiimeynta waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu asteeyey Khatarta heerka 4-aad ee aan loogu socdaali karin waxay kala yihiin: Soomaaliya, Suudaan, South Sudan, Mali, Libya iyo dalka Afrikada Dhexe. Digniinta waxaa lagu xusay inay Muwaadiniinta haysta dhalashadda Maraykanka marnaba socdaal ku tegin Soomaaliya (Do Not Travel), waxayna ka digtay inay la kulmi karaan Dembiyo, Afduub, Budhcad-baddee iyo weeraro ka dhici kara deegaanadda ay dadka Dalxiisayaasha booqdaan, iyadoo weerarada baahsan ee ka dhaca Somalia la sheegay inay boqolaal qof ku geeriyoodeen iyo inay Macluul iyo barakaca dadka deegaanka, kuwaasi oo noqday dad u nugul saboolnimo xag-jir ah iyo colaado. Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uga digto dadkeeda inay u soo socdaalaan Somalia, kuna tilmaamaan Dal Khatar ah oo Heerka 4-aad ku jira. Source
  10. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxda imaraadka Carabta ee maalgelisa ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PMPF ayaa joojiyey bishii la soo dhaafay gebi ahaanba qandaraaskii sahay-siinta iyo quudinta hay’addii horay u haysan jirtay oo lagu magacaabo BDG. Hay’adda BDG ayaa ahayd in muddo ah kooxdii haysan jirtay qandaraaska quudinta iyo sahay-siinta ciidamada Badda Puntland. Doorashadii Deni ee Puntland ka dib, waxaa soo kala dhexgalay kooxda BDG dhexdeeda khilaaf xoogan; waxaana jira in qandaraasleyda mudada dheer isla shaqeysan jiray ee ganacsatada Somalida u badan ay haatan u kala jabeen laba garab. Madaxda imaaraadka carabta ee iyagu maalgeliya ciidanka badda Puntlnd ayaa diiday in wax wada shaqayn ah la yeeshaan Hay’adda BDG oo ay leeyihiin rag ganacsato reer Bari iyo reer nugaleed u badan. Dadka aadka ugu dhow dhow BDG iyo kooxaha labada garab u kala jabay ee ganacsatada reer Bari iyo reer Nugaaleedka u kala safan ayaa tilmaamaya in madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani, Maxamuud shido, Daahir Macalin Ayaanle iyo wiil ay madaxweynaha walalo yihiin oo lagu magacaabo Xassan Cabdulaahi Deni ay doonayaan tabo iyo xeelado kale oo ay dhaqaalha ku bixi jiray BDG jeebka ugu shubtaan, meeshana ay ka saaran Sadex nin oo awoodda ugu badan ku lahaa qandaraaska. Kooxdan Madaxweyne Deni duqa u yahay waxay doonayaan in la baabi’iyo gebi ahaanba hay’adda BDG oo marka la burburiyo dib loo abuuro koox gaar ah oo la shaqeyn doonta madaxda Imaaraadka Carabta, isga oo marka la baabi’iyo damacsan yahay in madaxweynuhu u diro qoraal cusub oo loogu cimaamadayo kooxdiisaan cusub , waxaana kooxdaas ka mid ah Maxamuud Shiddo, Daahir Macalin Ayaanle iyo Xassan Deni oo ay walalo yihiin Madaxweynaha, waxayna qabanayaan kooxdaas madaxweynaha magacaabi doono, shaqqdii ay qaban jirtay BDG iyaga oo buuxinaya booskii iyo howlihii ay qaban jireen hay’adda BDG ee hadda laga joojiyey qandaraasyadii ay ka qaadan jireen imaraadka carabta. Kooxaha la dhigay banaanka ayaa waxay kala yihiin Senator Maxamuud Mashruuc, Cismaan Shire Quud iyo Bashiir Abdulaahi Saalax-Deer oo dhaamantood ka soo jeeda beelaha awooda ku leh gobolka bari. Maxanuud shido, Daahir macalin ayaanle iyo Madaxweyne deni ayaa aaminsan in dhaqaalaha ku bixi jiray hay’adda BDG iyagu gacantooda la soo gasho dibaddana loo saaro maalqabeennada reer bariga ah ee kor ku xusan. Saaxiibbada ku dhow dhow Maxamuud shido- oo ah hogaamiyaha kooxda Aaranjaan- ayaa sheegaya in muddo dheer uu u ciil cunayay kooxadan oo la sheegay inay si gunimo ah ula dhaqmi jireen xilliyadii Madaxweyne Gaas taladda hayey, markaas oo uu Shiddo gacan ku gabbad ahaa. Maxamuud shido ayaa la tilmaamayaa in hadda la joogo waqtigii uu jaansika la sugayey kooxda reer bari ee dhaqaale badan oo mashruucaas ka soo xarooday ka gacan-bidixeysay mudadii uu ka mid ahaa BDG. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in uu duqeyn ku dilay hal dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in weerarka cirka ah ay 24-kii bishaan ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. AFRCOM ayaa tilmaamtay in howlgalkan oo ay kala kaashadeen dowladda Soomaaliya aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah. Marka laga soo tago sheegashada Mareykanka, ma jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo kasoo baxay Al-Shabaab. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ujeedada kulanka ayaa la sheegay in uu ahaa la socodka Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qarank oo a ay wado qoristiisa Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS. Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa u soo bandhigtay Guddigaan, qabyo qoraalka koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, Seddexda ahmiyad ee muhiimada u leh dalka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda loo dhan yahay, horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga, iyo kala sareynta Sharciga. Xildhabaanada Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Waasaradda su’aalo ka waydiiyay hanaanka uu u dhacay wada-tashiga Wareegga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo sida loo dhageystay Aragtida Shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka waydiiyay wasaaradda howlaha kale ee muhiimka ah ee ay wado, kuwaas oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeenna, waxaana guddiga uu boggaadiyey shaqada culus oo ay hayso wasaaradda Qorsheynta XFS, kuwaasi oo lafdhabar u ah dalka. View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Dowladda Sacuudi Carabiya ugu hanjabay in xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera aysan mowsimka Xajka ee sanadkan u diri doonin Sucuudiga. Go’aanka ayey Somaliland sheegtay in uu ka dhashay warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xajka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka Xannaada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in wali warqad ay dowladda Federaalka ah dirtay aan xoolo looga dhoofin Somaliland hadda kaddibna aysan dhaceyn. Waxaa uu intaas ku daray in haddii dowladda Sacuudiga ay ku adkeysato go’aankeeda ay Somaliland heysan doonto xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera. Xoolaha Mowsimka Xajka laga dhoofiyo Dekadda Berbera ayaa laga keenaa guud ahaan Dhulka Soomaalida,waxaana laga wada dhoofiyaa Dekadda Berbera. La oga sida ay dowladda Sucuudiga uga warcelin doonto hadalka Somaliland iyada oo dhinaca kalena Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya aysan ka hadlin go’aanka Sucuudiga iyo midka Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iib-geeyo dalka Sucuudiga. War Saxaafadeedka wasaaradda ayaa u qornaa sida tan; Xoolaha Soomaliya waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka waxaana noloshoodu ku tiirsantahay in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay qayb ka qaatan kororka wax soos saarka dhaqaalaha gudaha dalka (GDP) 65% isla markaana waxaa ka soo hoyata dhoofka xoolaha in ka baddan 80% lacagta adag ee soo gasha dalka. Xoolaha Soomaaliyeed waxeey saldhig u yiiin xoolo dhaqatadeena reer guuraaga ah kuna nool miyiga iyagoo ka helo caano iyo hilib ee xagga nafaqada caruurta iyo haweenka iyo lacago kaash oo ay ku dabooshaan nolol maalmoodka iyo in ay ku soo iibsadaan raashinka daruuriga ah. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo ee ku aadan barnamijka Xukuumadda oo uu Rai’iisul Wasraaha ka yahay Mudane Xasan Cai Khayre, gaar ahaan Tubaha Qaranka iyadoo ay Wasaaraddu qay ka tahay tubta dhaqaalaha ee Xukuumadda waxeey u howl gashay fulinta halbeegyada saldhiga u ah tubta dhaqaalha e ku aadan horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed iyo ka qaadida xayiraada saarneyd dhoofka xoolaha ee loo dhoofiyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aan walaalaha nahay, isla markaana loo helo suuqyo cusub oo loo iib geeyo xoolaheena nool iyo waxa ka soo baxa. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqqa, waxeey ku guuleeysatay in markii ugu horaysay diyaariso muddo dheer kadib Straateejiyad guud oo muddo toban sano ah(2020 – 2030), taasoo ay gacan naga siiyeen Hay’adaha Bangiga Aduunka iyo FAO oo lagu horamarinaayo xoolaha Soomaliyeed ee dhinacyada: (Caafimaadka, Daaqa, Biyaha, Waraabka, Horumarinta Dhoofka Xoolaha iyo hagaajinta iyo kobcinta Caanaha, Hilibka, maqaarka xoolaha, Digaaga, Calafka, Shinada iyo wixii la xiriira), taasoo lagu soo gabagabeeyey dalka gudihiisa 17-19-kii bisha Juun 2019 ,waxana daah furay Raii’sul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomalia , goob joogna ay ka ahaayeen Madaxa Xaafiiska Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Madax Xaafiiska FAO ee Soomaaliya, EU, UN-ka iyo xubka socday Deeq bixiyayaasha Calamka. Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo waxeey u howl gashay in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaliya ee aan u dhoofino Dalka Boqortooyada Sacuudiga , iyadoo kashaneeysa Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Ali Kayre. Xiriiro baddan oo aan la sameeynay wasaradda dhigeena ah ee dalka Sacuudiga kadib wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-Xigeenka Xukuumada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa uu safar ku tagay Dalka Sacuudiga iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay in xoolaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraadaha soo noq noqtay waxaana la isku afgartay in si wada jir ah aan uga wada shaqeeyno si aaney xayiraadahaasi ay dib u soo laabanin. Iyadoo Wasaraddu daba joogto arrintaas waxeey safar ku tagtay Dalka France, Paris, bishii May ee sanadkan si ay uga qayb gasho Shirweeynaha 87-aad ee Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee OIE taasoo haysa, bixisana shuruudaha dhoofaka xoolaha nool iyo wax aka soo baxa xoolaha gaar ahaan shuruudaha caafimaadka xoolaha (Animal and Animal Products), waxaana halkaas kula kulanay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) Mrs. Monica Eliot oo aan isku afgaranay in Hay’adda OIE iyo Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqa ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa halbeegyda caalamiga ah ( International Standards) oo lagama maarmaan u ah dhoofka xoolaha iyo wax aka soo baxa; iyo hagajinta iyo kor u qaadida heerka maxjarada xoolaha laga dhoofinayo, Shaybarada iyo Guud ahaan Caafimaadka Xoolaha si looga hortago cudurada loogana daaweeyo. Hadaba, waxaana halkaan ugu soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaay xayrada dhoofka xoolaha Soomaaliya iyado howshasi ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa. Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo magaca Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee aan Walaalaha nahay oo uu Hogaamiyo u addeegaha labada Xaram ee xurmada mudan Boqor Salmaan Bin Abdulaziz, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo runtii ay wada shaqeeyn fiican naga dhaxeeyso waxaana soo dhoweeyneeynaa qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Moosinka Hajka 2019-ka kaasoo si rasmi ah noogu soo gudbiyeen. Anigoo la qaybsanaya farxaddan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneeysa xoolaha Soomaaliyeed waxaan idinka codsaneeyna in aad nagala shaqeeysaan horumarinta caafimaadka iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah (International Standards) ee la xiriira dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyadoo danta gaar aan ka hormarineeyno danta guud ee Umadda Soomaaliyeed oo ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha. Dhammaad View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-25062019.mp3 View the full article
  16. (SLT- Minnesota)-Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacday iyadoo la damaashaadeysa dadka isku jinsiga ah ee isku taga oo sannadkasta bishan oo kale sameysta dabaaldegyo. Dalalka sharci ahaan ogol LGTB waxaa ka dhacaya munaasabo “guur” oo dhexmaraya dadkaas oo sannadkiiba mar la qabto. “Waqti cajiib ah oo ciyaaro iyo dabaaldeg ah ayaan la qaaday #TCPride damaadkii toddobaadka”, ayey ku qortay barteeda Twitter-ka. Waxay soo dhigtay muuqaalkeeda ayadoo qoob ka ciyaar ka sameyneysa goob ay ka muuqdeen dad lagu qiyaasi karo illaa boqollaal qof. Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa dhammaadkii bishii la soo dhaafay, aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah. Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin). Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta. War qoraal ah oo 17-kii bishii May, ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka, oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”. Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Source
  17. Somaliland: Somalia No Show At Prelimary Meeting In Nairobi A consensus building meeting hosted by non-governmental organisation in Nairobi, Kenya, between Somaliland and Somalia was boycotted by the federal entity in Mogadishu. The meeting which was attended by international delegates from the United States, United Kingdom, Kenya, Sweden and Turkey was to have been a starting point for the stalled talks between the Republic of Somaliland and the federal administration in Somalia. However, despite the fact that all other parties were present, the delegation from Somalia was a no show. In a statement issued from representatives of the federal administration in Mogadishu, “the venue, the agenda and the representation were not suitable at this time” As forecast in Qarannews.com, it was highly unlikely that a delegation from the federal administration in Mogadishu would attend a meeting being held in Kenya, given the current frosty relationship between Mogadishu and Nairobi. Still, it was hoped that some maturity and leadership would be shown by the federal administration in Mogadishu, since this meeting, was basically a preliminary discussions about future discussions. It is not clear, whether another meeting will be rescheduled, but, the Somaliland delegation took the opportunity to engage the representatives from the international community and the host nation of Kenya. Qarannews.com Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ka sameeyey agaasimihii wasaaraddaas, sida ku cad qoraal kasoo baxay. Agaasimaha oo lagu magacaabo Karar Shukri Doomey ayaa lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda. Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.” Karar Shukri Doomey ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu soo saaray warsaxaafadeedyo dhowr ah oo ku baxay magaca wasaaradda, balse aysan ka warhayn madaxda sare ee wasaaradda. Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu xilkan si ku-meel gaar ah ugu magacaabay Dr. Xuseen Cali Axmed, oo la-taliye sare u ah wasaaradda. Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday wasiir ku-xigeenka Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la [...] Source
  20. Mac’hadka horumarinta iyo Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku soo bandhigay, diraasad ku saabsan halista sii kordhaysa ee kufsiga iyo xaqiiqada xaaladda haweenka Soomaaliyeeed, waxaana kulanka lagu soo bandhigay diraasadda ka soo qeyb-galay ururrada bulshada rayidka Puntland iyo ardayda jaamacadaha. Diraasadda uu soo bandhigay mac’hadka SIDRA, ayaa muujinaysa in adeegsiga maan-dooriyaha, daawashada filimaanta jinsiga, ku dhaqanka xeer-jajabka beelaha ee xallinta kiisaska kufsiga iyo haweenka la kufsado oo aan ku dhiirran in ay soo bandhigaan tacaddiga loo geystay ay dhammaantood sal u yihiin in uu sii kordho kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Diraasaddu waxay sheegaysaa in aysan jirin wacyi-gelinta laga sameeyo dhibaatooyinka kufsiga iyo tacaddiyada kale ee jinsiga, taasina ay kamid tahay waxyaabaha sii kordhinaya khatarta kufsiga. Sida diraasadda ku xusan, haweenka iyo gabdhaha la guursaday ayaa 67% ku dhiirrada in ay soo sheegaan tacaddiyada loo geystay, halka 12% ay ku dhiirradan gabdhaha aan weli la guursan, sidoo kale 8% haweenka la soo furay ayaa soo sheegaya tacaddiyada jinsiga, halka 2.8% ay ka yihiin haweenka laga dhintay. Cilmi-baarayaasha mac’hadka ee soo bandhigay diraasadda, ayaa sheegay in ay wakhti iyo dadaal badan geliyeen, uruurinta xogaha ku jira diraasaddan muhiimka u ah dabar-goynta tacaddiyada jinsiga ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, diraasadda ayaa soo jeedisay, talooyin ka kooban 9 qodob oo ku aaddan habka looga hortegi karo tacaddiyada jinsiga, gaar ahaanna kufsiga, waxaana qodobadaasi kamid ah; in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku ay dhisan guddi ka shaqeeya ka hortagga tacaddiyada kufsiga iyo in la sameeyo booliis u gaar ah la’tacaalidda denbiyada kufsiga. Sidoo kale, diraasadda ayaa soo jeedisay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalku ay sameeyaan hay’ado haweenku leeyihiin oo u xil saaran, soo sheegidda tacaddiyada kufsiga, islamarkaana la xoojiyo kuwa hadda dhisan iyo in la hirgeliyo taleefonno heegan ah 24-saac oo soo gudbiya kufsiga iyo tacaddiyada kale ee dhacay. Halkaan hoose ka eeg sawirada kulanka PUNTLAND POST The post Mac’hadka SIDRA oo soo bandhigay diraasad ku saabsan khatarta sii kordhaysa ee kufsiga appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka qaybgalay shir ay u balansanaayeen in ay magaalada Nairobi kula yeeshaan dawladda Federalka ee Soomaaliya. Hase yeeshee shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Somaliland iyo xubno ka socday beesha caalamka oo ay ka Mid ahaayeen dalalka Wakiiladoodu ay fadhiyaan Magaalada Nairobi ee Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD iyo UK, ayaa goobtii shirka waxa aan ka soo xaadirin masuuliyiintii shirkaasi ku matalayey dawlada federalka ee Somalia. Dawladda Federalka Somalia ayaa iyadu cabasho ka muujisay in Nairobi aanay ahayn meel ku haboon shirkaasi in uu ka dhaco, balse dhinaca Somaliland oo Ambassador Baashe Cawil uu ka mid ahaa masuuliyiintii Somaliland ku matalayey ayaa tilmaamay in ay aad uga xunyihiin in dawlada federaalka ee Somalia aanay qaadan fursadaasi lagu sii wadayo wadahadalada. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Sheegay In Meeqaamka Somaliland Hoos Loogu Dhigay Shirka Nairobi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Noorwey ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada-jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda. “Waxaan Dowladda Noorwey uga mahadcelinaynaa mashaariicda faraha badan ee ay ka fuliso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa horumarineed ee Puntland ka socda qeybahooda kala duwan, mashaariic faraha badan oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo hana qaaday, waxaan sidoo kale rajaynayaa in mustaqbalka iyo mashaariicda soo socotana gacan weyn ka gaystaan kuwa guud ee ay kala qeyb qaataan hay’addaha UN-ka, EU-da iyo hay’addaha kale, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ay mashaariic badan dowladda iyo kobcinteeda maamulka iyo hormarinta guud qeyb ka qaadan doonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Noorwey uga mahadnaqay wadashaqaynta wanaagsan ay leeyihiin Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxaana uu sheegay inuu rajaynayo in wadashaqayntaasi intaa kasii wanaagsanaanto. “Waxaan rajaynayaa in xiriirka Norway la leedahay Soomaaliya uu noqon doono mid wanaagsan oo sii waara, waan uga mahadcelinaynaa garab istaaggoodii muddada dheer, guud ahaan Soomaaliya ay garab taagnaayeen, waxaana rajaynaynaa in wada-shaqaynteenu noqon doonto mid wanaagsan oo labada dhinacba isfahan iyo horumarka guud ka dhasho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Safiiradda dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie ayaa dhankeeda ka mahadnaqday qaabilaadda wanaagsan ee uu Madaxweynaha Puntland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana ay dhankeeda caadaysay in Noorwey iyo Soomaaliya leeyihiin wadashaqayn wanaagsan oo amin walba sii amba qaadaysa, dhanka kale Safiiradda waxay ay xustay inay sii wadidoonaan wada-shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa dalkeeda iyo Puntland. kulanka Madaxweynaha iyo Safiiradda waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Bilayaha Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan ), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe ku Qaabilay Wefdi ay hogaaminayso Safiirka dalka Norway ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.