-
Content Count
208,767 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiwahaab Xaaji Axmed oo ahaa Turjumaan ayaa sawirro naxdin leh ka qaaday Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku leynaya gudaha magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo la shaqeynayay howlgalka Midowga Africa ayaa la socday kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho. Cabdiwahaab oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadii uu la socday ee AMISOM xilligaasi ay gaari Bl ah kala soo dageen sagaal qof oo rayid ahaa, kadibna ay toogteen. Sidoo kale sawirro uu ka qaaday dhacdadaas iyo warbixino uu ka diyaariyay ayuu sheegay inuu la wadaagay hay’adda dambi baaritsa CID-da ee Soomaaliya. Intaasi kadib CID oo bilowday baaris ayaa AMISOM u gudbisay sawirradii, balse nasiib darro waxa ay arrintaasi dhibaato ka soo gaartay Cabdiwahaab oo markii dambe xabsiga la dhigay. Waxa uu tilmaamay in loo yeeray isaga oo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, kadibna lagu wargaliyay in shaqadii laga joojiyay muddo lix bilood ahna xabsi yahay. Sidoo kale waxa uu xusay in lagu wargaliyay inuu bixiyay sirta AMISOM ,lana shaqeeyay Kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo Soomaali Kenyaan ah ayaa sheegay in ciqaab xoogan uu kala kulmay xabsiyadii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho. Xarigga Cabdiwahaab ayaa dhacay bishii August 2018,waxaana ugu dambeyn loo wareejiyay magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo Kenyaan ah. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Codka-Amisom.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo diidaya isku socodka gaadiidka. Wadada dheer ee makakka Al-mukarrama ayaa si gaar ah waxaa isgoys walba u taagan ciidamada dowladda, waxayna celinayaan gaadiidka ay wataan dadka shacabka ah. Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya wadadadaasi iyo sidoo kale dhammaan jidadka kale ee soo gala wadada makka Al-mukarrama. Shacabka lugeynaya ayaa u badan shaqaale iyo arday, kuwaasi oo kuu sheegaya iney dhib qabaan xilliyada ay waddooyinka xiran yihiin. Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegayaa dabaaldegyada 26-ka June ee ka socda magaalada Muqdisho. Wixii ka dambeeyey markii la doortay madaxweyne Farmaajo waxaa aad usoo kordhay waddooyinka magaalada ee Ogeysiin la’aanta la iska xiro, xilli olilihii Farmaajo qeyb ka ahayd inaan shacabka waddooyinka laga xiran doonin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) ― Xiriirka u dhaxeeya dowlada Somaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad usii xumaanayey, kaasi oo sababay in dowlada Kenya ay hore ugu dhawaaqday inay xirtay xuduudii Soomaaliya, isla markaana ay joojiso gebi ahaanba ganacsigii kaga iman jirey Soomaaliya. Xiriirkaasi xumaaday ee u dhexeeyay Kenya iyo Somaliya ayaa waxa uu sababay in Shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways ay waqti xaadirkan ay tix-gelin gaar ah siiso sidii ay duulimaadyo cusub ugu tagi laheyd magaalada Hargeysa, taasi oo ay qorsheynayso inay noqoto hadafkeeda xiga ee Geeska Afrika. Talaabadan ay dowladda Kenya qaadeyso ayaa waxay sarre u qaadeysa xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland. Kenya Airways ayaa muddo ku jirtay xog ururin buuxda oo ay ka sameynaysay Hargeysa oo ay hadda dhameystirtay, taasi oo markii dambe uu Baarlamaanku qalinka ugu duugay inay duulimaadyo ku tagi karto Hargeysa, balse ilaa hadda aan weli suurtagalin. Muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool gudaha Somaliland ayaa waxa lagu qiyaasaa ilaa 15,000-qof, kuwaasi oo ka shaqeeya deeganada Somaliland, gaar ahaan dhinaca waxbarashada. Agaasimaha maamulka duulimaadka iyo Madaarada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol ayaa dhawaan waxa uu booqasho ku tagey caasimada Kenya ee Nairobi, si uu wada-hadalo ula yeesho Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Kenya, midaasi oo ku saabsaneyd in Hargeysa ay ku haboon tahay in duulimaadyo ay ku tagto diyaarada Kenya Airways. Waxa magaalada Hargeysa ilaa iyo hadda duulimaadyo caalami ah ku taga diyaarada Ethiopia Airlines oo iyadu todobaadkii labo jeer iskaga kala goosta Addis Ababa iyo Hargeysa. Sidoo kale Fly Dubai ayaa iyaduna duulimaado ka sameysa, taasi oo ka kala gooshta magaalooyinka Dubai iyo Hargeysa, midaasi oo keenta ganacsatada Somaliland ee ka imaanaya dhamaan dunida. Waxa isku soo beegmaya qorshaha ay Kenya qunsuliyada kaga furaneyso Hargeysa oo socda iyo daneynta Shirkada Kenya Airways oo iyadu u aragto inay Somaliland ka jirto fursado duulimaad. Bishii lasoo dhaafay, Agaasimaha Arrimaha Dibeda Kenya, Mr Philip Mundia Githiora ayaa loo asteeyay inuu caasimada Somaliland xafiis kasoo furo, waxaana hore xafiisyo diblomaasiyadeed ugu lahaa Hargeysa dalalka Itoobiya iyo Jabuuti. Dowladd Kenya ayaa mudooyinkii u dambeeyay qaadeysay talaabooyin ay ku sii xoojinayso xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, midaasi oo loo arkayo cadaadis cusub oo Kenya ay Dowladda Somaliya ku saareyso khilaafka kala dhaxeeya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay. Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug. Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog. Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Gal-mudug. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Marxuum Mursi, iga guddoon salaan gobeed. Waxaan kaala soo hadlayaa adduunyadii aad ka tagtay. Habeenkii aan geeridaadii maqlay oo hadda laga joogo hal asbuuc ayay aheed in aan farriintaan kuusoo diro, waxaanse ka cabsaday in ay kaaga dhex lunto farriimahii hirarka ahaa ee tacsida iyo ducada u badanaa ee laguu soo dirayay, sidaas ayaana ugu doortay in aan maanta kuu soo diro. Waxaan jeclaa in aan kaaga sheekeeyo sida jaceylka, dareenka iyo xamaasadda leh oo ay dadku uga falceliyeen geeridaada, balse warkooda kugu mashquulin maayo, waayo waxaad ogtahay in dadkii ku difaaci waayay adiga oo nool, aysan kuu gurmaneyn adiga oo dhintay. Aanse kuu soo koobee, malaayiin sadar oo geeridaada laga kala qoray waxaa ka run badnaa dhowr eray oo uu wiilkaada Axmed ah kuusoo qoray mar uu yiri: “Aabe, Alle agtiis ayaan ku kulmi doonnaa!” Dad badan oo aan hubo in aysan aqoon fiican kuu laheyn ayaa qoraallo kugula diganayay, waxa kaliya oo ay kugu colaadiyeenna waa in ay kaa uriyeen fikir Islaami ah iyo hammiga ummadeed ee aad maanta godka ugu jirto. Marxuum, in kaste oo aan wax badan kugu diiddanaa, miisaan kulama saarayo calmaani dhiiga-cab ah. Waan ka xumahay silaca laguu dilay, waxaanse kuugu hambalyeynayaa in aad ku dhimatay mabdi’ii aad u soo halgantay, ku soo cirreysatay, kuna han-weyneed in aad dhaqan-geliso, balse aad sababsatay. Ku seexo in uu Mursi dhintay, oo uusan mabdi’i dhiman, aana ku xusuusiyo hadalkii uu Cumar Mukhtaar yiri maalinkii la daldalayay ee ahaa “Isma dhiibeyno, waan guuleysaneynaa ama waan dhimaneynaa, fikirkeyguna aniga god ilama gelayo, ee wuu jiri doonaa, cimrigeyguna wuu ka dheeraan doonaa cimriga kan kan i diliya, oo magaceyga ayay taariikhdu xusi doontaa!!” Hadalka Cumar ku laab-qabowso, oo ku seexo in lagugu soo xusuusan doono in aad god u gashay fikirkaada iyo doorashadii shacabka. Cumar binu Khaddaab oo maalinkii uu furtay magaalada Qudus laga guntay in uu yiri “Waxan nahay dad uu Alle Islaamka ku sharfay, haddii aan sharaf meel kale ka raadinnana Alle wuu duleynayaa!” uga sheekeey sida ay Muslimiintu maanta uga fogaadeen diintooda iyo dulliga ay ka dhaxleen, una sheeg in magaalooyinkiisii Maka iyo Madiina dhowaan laga furay goobo lagu tunto oo xalaal ah!! Cumar u sheeg hadalkii uu caalimkii reer Masar ee Maxamed Cabdi ahaa uu yiri markii uu 1881-dii kasoo laabtay shirkii Baariis ee ahaa “Galbeedka ayaan tegay waxaana kusoo arkay dhaqan Islaam balse Muslimiin kuma soo arag, waxaan sidoo kale tegay bariga waxaana kusoo arkay Muslimiin balse dhaqan Islaam kuma arag!!” Cumar uga warbixi heerarkii ay Qudus soo martay isaga kadib, una sheeg in uu Mareykan maanta qorsheynayo in uu caasimad uga dhigo Yuhuudda. U sheeg dulliga muslimiinta heysta iyo sida madaxda Carabtu ay maanta ugu tartamayaan daba-dhilifnimada Yahuuda, una wari hadalkii uu aasaasaha machadka daraasaadka ee Yahuuda Mr. Mike Evans oo shir axaddii hore ka dhacay magaalada New-York ka sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman iyo dhaxal-sugaha Imaaraatka Maxamed bin Zaayid ay Israa’iil siiyaan dhaqaale ka badan kan ay Yahuudda ka helaan. Abuubakaru-siddiiq oo markii uu nabigu naf baxay ee dad badan ay diinta ka baxeen, inta seeftiisa qaatay oo murtaddiinta ku jihaaday, yiri “Ma diinta Islaamka ayaa nuqsaameysa aniga oo nool!” ku dul aqri khudbaddii uu 2014-kii jeediyay madaxweynaha Yuhuudda Mr. Reuven Rivlin ee ciwaankeedu ahaa “Noosoo celiya hantideennii!” ee uu Carabta uga dalbaday in ay magdhaw ahaan u siiyaan 300 oo bilyan oo dollar oo ay ku soo qiimeesteen hantidii ay uga tageen dalalka Carabta waagii ay ku qulqulayeen Falasdiin, iyo 100 bilyan oo doollar oo ah diyada Yuhuuddii lagu dilay dagaalkii Kheybar iyo hantidii looga qaniimeystay dagaalladii ay rasuulka la galeen! Abuubakar u sheeg in awoodda koobaad ee maanta dunida looga loollamayo aysan seef aheyn, oo ay aqoon iyo fikir tahay, loona kala horreeyo sida loo kala aqoon iyo aqris badan yahay, Muslimiintana tartankaas looga badiyay, oo umaddii ay suuradda Iqro kusoo degtay aysan maanta waxba aqrin, celcelis ahaanna uu qofka Muslimka ah uu sanadkii aqriyo hal buug, halka qofka Mareykanka u dhashay uu sanad kaste aqriyo 11 buug, kan Jabbaaniiska ahna uu aqriyo 70 buug. U sheeg in ay maanta Muslimiintu dulsaar ku yihiin caalamka oo aysan hayaanka kayaanka waxba darsan, taasna ugu tusaaleey in cuntada, cabitaanka, dharka, dawada iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha qofka muslimka ah lagu soo sameeyo dalalka reer galbeedka. Igu salaam halgamayaashii qarniyadaan ee fikirkooda godka u galay, taariikhduna ay baal dahab ah ku qortay, oo ay ugu horreeyaan Axmed Gurey, Sayid Maxmed Cabdulle Xasan, Cumar Mukhtaar, Xasan Al-Bannaa, Sayid Qudub, Axmed Yaasiin iyo Saadaam Xuseen; uguna hambalyey in ay ku dhex noolyihiin, kuna noolaan doonaan quluubteenna. Nabadeey. Waxaa qoray Hussein Sabrie Gmail: Husseinsabrie@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu hore xaalad deg-deg ah ugu soo rogay degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwasi oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-Adag. Madaxweyne Biixi ayaa maanta ka laabtay xaaladii deg-dega aheyd ee uu xiligaasi uu ku soo rogay deeganadaasi, taasi oo uu ku sababeeyay in xiisadii gobolkaasi la dajiyey, ayna hadda nabad-doontahay. Wareegtada uu Madaxweynuhu kaga laabtay xaaladii deg-deg aheyd ayaa waxay u dhigneyd sidan: Wareegto Madaxweyne Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad; Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn; Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi; Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso; Waxaan Go’aamiyey; 1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd. 2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
CASHUUR DEGMO AMA GOBOL GAAR AH MADAXWAYNE CIGAAL U XIDHAY IYO DEGMO UU WAX KA JARAY MIDINA MA JIRIN ! Waxa had iyo goor soo noqnoqda ama dadka qaar ku celceliyaan in ay yidhaahdaan madaxwayne cigaal baa gobolo ama degmooyin dhaqaale cashuureed oo gaar ah amaba sed bursiimo ah u sameeyay, arinkaasi waa mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn. Xeer la yidhaahdo mideynta cashuuraha ayaa ay dawladii Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal samaysay xeerkaasi oo cashuuraha intoodii ugu badnayd ka wareejiyey dawladaha hoose oo diiday in dadka laba cashuurood ku dhacaan. Cashuuraha iyo dakhliga dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe waa laba cashuurood oo midi ugu hadho baanka gobolka ama degmada cashuurta lagu qabtay, waana cashuurta dakhligeedu yahay 10% , iyo cashuur kale oo waxa la cashuurayo ka noqota 12.5% oo qasnada dawlada dhexe ku soo dhacda. Cashuurta dawlada hoose ee 10% ee degmooyinku ka helaan dakhliga dawlada dhexe ee gobolkaa ama degmadaa iyaga oo marka la qabtoba si toosa uga qaadan kara baanka , waxa lagu kala badan yahay sifooyinkan;- 1- Dawladaha hoose iyo maamulka gobolada oo kala shaqeeya in cashuurtu dawlada dhexe u soo wada xerooto, koontarabaanka iyo waxyaabaha lagu lunsado cashuuraha sida foojariga kala dagaal gasha wasaarada maaliyadda . 2- Iyo deegaanka istaratijayadeed ee degmadaasi ama gobolkaasi ku yaallo . Cashuurta kale ee 12.5% ee raacda cashuurta dawlada dhexe ee qasnada maaliyada ku dhacdaa waxa dib loogu kabaa degmooyinka inta badan looma eego tanaa dhaqaale badnayd ee darajada degmada ayaa wax lagu bixin jiray xiligii iigu dambaysay, waxaana jira degmooyin aan lahayn ilo dhaqaale oo xaq u leh in dawladoodu kabto. Arimahaa waxa aan arkaa iyada oo la siyaasadaynayo ee bal ka waran hadii la yidhaahdo degmo kastaa waxa ay dhaqaale soo saarto wax u qalma ayaa lagu celinayaa , waxa dhici karta in degmooyinka cabanaya ay kaga sii xumaataa ba , haddaba dhaqaale waa ay sameyn kartaa degmo waliba hadii ay nidaam wanaagsan oo ay ku urursato cashuuraha dawlada hoose iyo waxii ay ka hesho dawlada dhexe qorshe u samaysato. Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Ugu horayn, Dawladnimadu waa tiir ku qaali ah ah bulsho wayn kasta oo aasaastay dawladnimo ay ku gaadhaan guulo iyo horumar la taaban karo, la.aanteedna aan la awoodin gaadhisteeda tab iyo xeelad kasta oo la adeegsado. Dawladnimo waxay u baahan tahay Hogaan ay daacad ka tahay hogaamintu jecel horumarka bulshada kana fogaada wax kasta oo hagar daamo ku ah bulshada uu madaxda u yahay, aan jeclayn xilka se jecel gaadhsiinta bulshada heer la majeerto. Dawladnimo waxay u baahan tahay bulsho fahamsan dawladnimada adeecaysa hogaankooda kalana shaqaynaysa horumarka iyo gaadhida himilooyinka bulshadani leedahay. Dawladnimadu dhaba waxa lagu gaadhaa wada shaqayn, laab xaadhnaan, isla xisaabtan, calool furnaan, isu tanaasul iyo is gacan qabsi, se laguma qaadho aflagaado, nin jeclaysi, qabyaalad iyo ka faro qabsi toona. Soomaliland ahaan dawladnimada waxa aynu ka dhiganay boos kolba reer uu ku dilaal tago inta uu xilka hayana kaga faa,idaysto danahiisa iyo danaha reerkiisa sida; siinta ehelkiisa iyo qanacsatada isku reerka yihiin Mashaariic aan umada kale la siin oo ay u tahay naas nuujin iyo ka faa,idaysasho mudada xil haynta. Waxaana gaadhey heer qabiiladu ku heshiiyaan in dawladnimada qori isu dhiib ugu heshiiyan si ay iyaguna markooda hasha u maalaan, oo ay uga faa,idaystaan mudadaas ay maamulka hayaan. Inta aynu dawladnimada dano gaara ka leenahay, ma awoodno in horumar ka samayno ku kasta oo yimaadana kuma fikirayo horumarinta bulshada iyo dadka uu masuulka ka yahay ee dhiban balse tiisa ayaa cuslaysay ok wuxu ku dedaala intaanu ka tagin sidii uu uga faro qabsan lahaaa. Shakhsiga mudakarka ah ee ka fogaata xoolaha ummada, madax dhaqameedkiisa ayaa ku dhaliila waanu ku saarnee maxaad ka qabsatay meesha intaad joogtay. *ilayn waa duni aakhiru sabaan *Dadku ay isu muuqdaan *Oo dadka kii u dhawaa ku eegaayo dhurwaaga. *Waa duni kii wax taraayey uu ku duloobey agtooda. *Waa dunni kii wax liqaayey dadka uu u horeeyo. *Duni weeye dadkeeda qalbigeedu daboolmay. *Duni weeye dadkeedu ay dugaaga wax dhaamin. *Duni weeye waanagu gebigeed ka dhamaadey. Hadaba waxa inala gudboon waqti kale oo aan dawladnimo ku dhisanaa somaali ahaan inooma hadhin cid inoo dhisaysaana ma jirto ee waxa la jooga waqtigii dawladnimo saxa oo dadku daacad ka yahay la asaasi laha oo bulshadu markale ku diirsato kuna gaadho horumarkii ay dib uga dhacday muddadi ay dhibaatada iyo qaxa ku jirtay. Ugu dambayn, Alle waxaynu waydiisanynaa in uu masuul nooga dhigo dadka kooda ay daacad ka tahay dawladnimadu oo umada gaadhsiiya halkay u ooman tahay oo ah horumar. Alla Mahad leh W/Q: Ahmed Harir Adam Gmail:heebaan6926@gmail.com Hargeisa Somaliland Qaran News
-
Waxa nasiibdaro ah in Farmaajo iyo Khayre ay meel kaga dhacaan maalintii ay Somaliland xoriyada qaadatay ee 26 June 1960kii xoriyadaasi ay ka qaadatay dalka Ingriiska. Waxa nasiibdaro ah in maanta xagii ay hambalyo u soo diri lahaayeen walaalahooda Somaliland ay maanta caruurtooda u sheegaan taariikh khaldan oo ay yidhaahdaan waa maalintii ay is raaceen Somaliland Iyo Somalia Qaran News
-
Muddo hadda laga joogo, laba sannadood iyo badh ayuu Raiisal Wasaare ahaa Xasan Cali Kheyre. Taas oo kasoo bilaabmatey 1-dii – Maarso ee sannaddii 2017kii. Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, uu digreeto ku magacaabey 23-dii – Febraayo, 2017kii Xasan Cali Kheyre. Halka Golaha shacabkuna ay ansixiyeen codeyntiisa dabaddeed 29-kii maarso. Rejo baahsan, aadna u mugweyn baa laga qabey labadamas’uul ee talada dalka gacanta ku dhigey. Ololihii hore, ee uu sameeyey Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa shacabka Soomaaliyeed quluubtooda gilgiley, oo in uun u bidhaamiyey naallo soo noqotey. Durbadiiba, waxa uu Xasan lasoo ifbaxey aftahannimo, uu ku sakhraamiyey shacabkii Soomaaliyeed. Riyaaqa iyo taageere xadkiisii dhaafey buu kasbadey, kaas oo horseeday in la illaawo waxyaabo badan, oo loo baahnaa in caqliga Soomaaligu uu isweyddiiyo. Anigeygan, qoraalka qoraya waxa aan kamid ahaa shacabkaas, jidboodey oo weyddiimaha tirada badan aan xasuusanba. Wuxuuna iila muuqdey, nin Eebbahay ku galladey sifooyin badan oo aan siyaasiyiinta Soomaalida, muddo ku arag. Waxa kamid ahaa waxaa iiga dhex muuqdey Xasan: Daacadnimo, Soomaalinimo Jaceyl, Deddaal badan, Waddani, Maamule wanaagsan, Siyaasi aragti fog iwm. Horaa, se Soomaali ugu maahmaahdey “Caano daatey, debadood la qabey e” muddo laba sanno iyo googo’ ah ayaan weyddiimihii dib isu weyddiiyey. Waxaan isweyddiiyey Xasan Cali Kheyre waa kuma? Halkuu ka yimid? Goormuu siyaasadda ku biirey? Siyaasadda Soomaalida goormuu kusoo biirey? Background jaadkee ah ayuu leeyahay? Ma Waddani dhab ahbaa? Hadalladan badan fal maku daraa? Waxqabad intee le’eg buu ku tallaabsadey muddadaas uu xilka hayey? Waa jaadkee siyaasaddiisa guddeed? Tiisa dibaddeed? Iwm. Haddaba waxaan isku deyi doonaa inaan guudmar ku sameynno sooyaalka ama taariikhda shakhsiyadeed ee Xasan Cali Kheyre? Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre Xasan wuxuu ku dhashey tuulada loo yaqaan Jacar Galgaduud, taas oo ilaa 50km u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, hilaaddii 1968-kii. Wuxuu muddo kaddib, usoo hayaamey magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, halkaas oo uu Dugsigii Hoose/Dhexe iyo Sare ba ku dhammesytey. Kaddib 1991kii, markii dalku burburey, ee dagaalladu bilaabmeen, Xasan wuxuu u soo qaxey dalka Norwey. Dabaddeed muddo afar sanno ah kaddib, oo ku beegan 1994kii ayaa uu bilaabmey Jaamacadda Osolo, gaar haan Kuliyadda Political Science, halka minor ay u aheyd Sociology. Wuxuuna ka qalinjebiyey sannaddii 1998-kii. Intaas kaddib, wuxuu bilaabey Master of Bussiness Adminisration(MBA) oo uu ka bilaabey Jaamacadda Edinburgh Bussiness School, gaar ahaanna Dugsiga heerka labaad ee Ganacsiga Heirot-Watt University. Wuxuuna qalinjebiyey sannaddii 2001-dii. Heerkiisa aqooneed waa intaas. Bal haddana aynu jalleecno heerkiisa khibradeed ama shaqo, oo laga soo bilaabo ilaa markaas uu waxbarashada Academic ah dhammeystey oo ah 2001-dii. Xasan qalinjebintiisa kaddib, wuxuu shaqo ka bilaabey hay’adda Qoxootiga ee Norway “Norwegian Refugee Council – NRC” waxayna markaas aheyd 2002-dii. Waxaana uu ahaa isku xidhaha xarumaah hay’adda NRC-da. Xasan wuu ka tagey shaqadii muddo yar oo kooban kaddib, isagoo isku dayey in uu bilaabo Ganacsi iwm. Balse sannaddii 2006dii, ayuu kusoo noqdey hay’addii uu ka tagey ee NRC-da. Wuxuuna sii joogeey illaa muddo sagaal sannadood ah. Wuxuuna noqdey Agaasime heer gobol, gaar ahaan oo loo magacaabey Agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda NRC-da. Markaas uu ahaa Agaasimaha Geeska Afrika, oo ku beegan 2012-kii, gaar ahaanna bishii Juun. Waxa Badeecaddii hay’adda NRC ayaa laga soo weerarey Waqooyi-Bari Kenya “NFD” taas oo la diley mid kamid ah darawalladii, halka kuwo kale-na la dhawaacey. Halka afar qof oo ajanabi ahna la afduubtey. Dabaddeed, muddo afar maalmood ah ajnebigii waa lasoo daayey. Waxaana ay Maxkamadda Norwey, ku eedeysey mas’uulkii Hay’adda ee aaggaas oo ahaa Xasan Cali Kheyre, in ay arrintani sabab u tahay diyaar garow la’aan ama habeysnaan la’aan amni, oo isaga dhankiisa ahaatey. Kaddib Xasan Cali Kheyre, waxa uu la shaqeeyey 2013-ka wixii ka dambeeyey shirkadda shidaal baadhista ee Soma Oil and Gas. Waxaana loo magacaabey Agaasimaha Fulinta shirkadda ee qaaradda Afrika. Shirkaddani, waa shirkad Ingiriis ah, waxayna ku shaqo leedahay, shidaal sahaminta Soomaaliya. Haddaba Febraayo, 2016-kii ayaa Qaramada Midoobey, warqad u direen diblumaasiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Norway, kuwaas oo ay ku tilmaamayaan in Xasan Cali Kheyre ay baadhayaan Guddida ilaalinta Soomaaliya iyo Eriteriya ee Qaramada midoobey “United Nations Monitoring Group for Somalia and Eriteria”, taas oo ay ku tilmaamey in Agaasimaha Fulinta Soma Oil Gas ee Afrika Xasan Cali Kheyre, uu baadhitaan ku socdo la xidhiidha in lagu eedeeyey in uu ay jiraan xadhko uu la leeyahay ururada argagixisada, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ee Al-Shabaab. Kaddib, haddana 17-kii Febraayo ee isla sannadkaas 2016-kii ayaa ay caddeeyeen, in waxba lagu waayey Mr. Kheyre, dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo dhan. Walow, ay se tilmaameen in weli shaki arrintaa la xidhiidhaa uu jiro. Intaas kaddib, Xasan Cali Kheyre waxa uu shirkaddii Soma Oil Gas iska casiley 23-dii – Febraayo, 2017-kii. Taariikhdiisa, intaas ayey ku egtahay. Bal haddaba, waxaan isweyddiiyey arrimahan soo socda! Sidee baa qof badeecaddii NRC-da u sameyn kari waayey qorshe ammaan oo adag, ayunu dal dhan oo burburey dib u dhiskiisa ugu aaminney? Sidee baa qof aan khibraddiisu dhaafsiisneyn Agaasime hay’addeed loogu aaminey Raiisal Wasaaranimadii dalka? Isagoon weligii Agaasime Wasaaradeed, Xoghaye Wasaaradeed ama Ku-xigeen Wasiir soo noqon? Ee aynnu keliya hal mar u saarney kursigii dalka ugu sarreeyey ee Raiisal Wasaaranimada? Sow haggardaamo iyo god katuur dawladdeena ah maaha? Waxa kale ee la yaabka lihi, waxa ay tahay sidee baa qof loogu eedeeyey xadhko aragagaxiso in uu la leeyahay Al-Shabaab, loogu doortey Raiisal Wasaaraha dalka? Miyaan background-kiisa hore la baadhin? Khibraddiisa hore la baadhin? Cidduu yahey la baadhin? Arrintani waxa ay ka turjumeysaa, mooganaanta ay shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dharaar iyo habeen. Waana sababta illaa hadda aan loo heynin wax waxqabad ah, oo uu dalka kusoo kordhiyey Xasan Cali Kheyre, aan ka aheyn booto iyo hadal uu fagaarayaasha kaga dhurmo. Wuxuu ku celceliyaa isla xisaabtan iyo waddaninimo, balse isaga ayaa ay tahay in lala xisaabtamo, oo la hubiyo in uu waddani yahay iyo in uu khaa’in yahay? Arrinta kale, baa waxa ay tahay shirkaddii u dambeysey ee uu Xasan Cali Kheyre ka shaqeynayey waa shirkad rabta in ay sahansato shidaalka ku jira dalkeenna. Si kasta oo loogu fududeyn karo helistiisana waa ay u mareysaa. Shirkaddan Soma and Oil Gas, markii ay sahamisey ceelasha shidaalka Soomaaliiya, waxa durbaba qeylo dhaan ka muujisey dawladda Kenya. Arrintanna, in loo fiirsado ayaa ay mudantahay sababtoo ah Kiiniya iyo shirkaddanba waxa aynnu maqalney waa intii dawladda Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre timid. Mar ka horreysey, oo aynnu maqalney ma jirin? Dherigana waxa kulka ka keena waa kuleylka ayaa hore loo yidhi. Xasan Cali Kheyre, waxa uu u egyahay nin u jooga dilaalidda shidaalka Soomaaliya, una dilaalaya shirkadda Soma and Oil Gas. Doorashadiisiina in dawladda Nabad iyo Nolol soo bixisteeda ay gacmo shisheeye ku lug leeyihiin shaki kuma jiro. Xasan Cali Kheyre, waxa keliya ee immika u hadhey waa sannad iyo lix bilood. Qodobo la taaban karo, oo uu ku dhaqaaqeyna ama uu qabteyna ma jirto. Carruur baa magafe laga soo daayey oo keliyana, wax shacabka Soomaaliyeed lagu aamusiin karo ilama aha aniga agteyda. Waxaan hadal iyo afka noolnimo aheynna Xasan waa laga waayey. Waxaa, se ay u egtahahay in Maxamed Farmaajo uu Xasan u doortey, mashquulinta iyo aftahannimo ku sixridda shacabka Soomaaliyeed. Waxay, se shacabka Soomaaliyeed, muddooyinkan garowsadeen luggooyada iyo hungowga uu horseedka ka yahay Xasan Cali Kheyre, iyo in lagula khaldamey kursigaas Raiisal Wasaaranimada! Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani” Hargeisa, Somalia Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida. The post Xasan Cali Kheyre: Miyaa lagu hungoobey? Mise? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 26 juun ee ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Ingiriiska gobolada waqooyi ee dalkeena. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha Xoriyadu ay yihiin kuwo mudan in la wayneeyo oo jiilka Cusub la dareensiiyo qiimaha ay ku fadhido madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeena. Caawa oo kale ayay ahayd habeenkii ugu horeeysey ee dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago calankeena buluuga ah ayada oo 26-June-1960 waqtigan oo kale laga taagey bartamaha magaalada Hargeysa . PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June appeared first on Puntland Post.
-
APO Group content is copyright free and can be republished at will. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South Sudan The Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project will support the rehabilitation of approximately 50km of the Juba town distribution network and related works ABIDJAN, Ivory Coast, June 25, 2019/ — The Board of Directors of the African Development Bank (www.AfDB.org) on June 20, 2019, approved a proposal to commit $24.7 million to finance the South Sudan Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project. The Strategic Water Supply and Sanitation Improvement Project will support the rehabilitation of approximately 50km of the Juba town distribution network and related works, including metering and public water collections outlets. The project will also cover feasibility and engineering design for two other towns under the jurisdiction of South Sudan Urban Water Corporation. The project will additionally cover the development of solar powered water distributions systems and sanitation and hygiene promotion in high-density rural communities surrounding Juba, as well as capacity development in the relevant water institutions. Implementation will commence during the 2019/2020 financial year, with the Ministry of Water Resources and Irrigation and the South Sudan Urban Water Corporation serving as the executing and implementing agencies, respectively. South Sudan’s capital city of Juba, like many urban centers in the country, suffers from the effects of years of armed conflict and under-investment in the development and maintenance of basic water infrastructure. Increased numbers of displaced people and rapid urbanization have placed considerable strain on existing urban water supply infrastructure and the illegal supply of untreated water drawn from river Nile by private water tanker operators is common in the city and its suburbs. On completion, the project will directly benefit 300,000 people in Juba and the surrounding rural Jubek state. The nearly $2 million grant will ensure that schools and communities in eight targeted rural areas of Jubek state, will benefit from 40 public/institutional latrines blocks to be constructed, as well as hygiene education. “The incorporation of a rural water and sanitation component in areas that are relatively safe to reach indicates that the project opens a pathway for more support for rural WaSH going forward,” said Osward Chanda, Manager for the Water Security and Sanitation Division at the Department of Water Development and Sanitation. “By helping to improve the quality and delivery of urban water supply services in Juba city and strengthening rural water supply and sanitation services, the project will greatly assist its target population,” said Bank Country Manager for South Sudan, Benedict Kanu. He added that it will help in combatting diseases, reducing health costs, improving quality of life, as well as helping women save time and increased convenience due to closer water supply outlets. Since 2012, the Bank has contributed more than $136.79 million in development aid across various sectors in South Sudan. Bank support has focused on capacity building, infrastructure development, and creating conditions for promoting peace, stability and state building, among the Bank’s strategic priorities. The project aligns with South Sudan’s National Development Strategy (2018-21) and the orientation of the Bank’s 2012-18 Country Strategy Paper, which was extended in May 2019 to 2021. Both strategies emphasize nation building through capacity building and infrastructure development. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). View multimedia content Media Contact: Amba Mpoke-Bigg Communication and External Relations Department African Development Bank Email: a.mpoke-bigg@afdb.org Technical Contact: Andrew Mbiro Water and Sanitation Specialist African Development Bank About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (www.AfDB.org) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank, the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 37 African countries with an external office in Japan, the Bank contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB)African Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South SudanAfrican Development Bank approves USD 24.7 million for Water and Sanitation Development in South Sudan Qaran News
-
Sidii Ay Kutimi Xornimadii Somaliland Ee 26-kii June 1960-kii Iyo 59 Sano Kadib Halkay Ku Dambeysay. W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare “Calankaannu sugaynaye , Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow, Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow, Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow, Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow, Saaxirkii kala guurraye aha Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar” Abwaan cabdilahi suldaan – 26kii june 1960kii Taariikh ahaan waxay ku beegnayd 1884kii markii Guumeystayaashii reer galbeedku usoo kala tartameen qabsashada Dhulkii Soomaalidu deganayd oo ay Somaliland-na kamid ahayd, Somaliland oo kutaalay bogcad aad muhiim ugu ah isku xidhka caalamka, sidoo kalena leh Khayraad dabiici ah oo aad u faro-badan. Dhamaadkii qarnigii 19aad waxay Somaliland u ahayd wakhti ay la kulantay isbedelo taariikhi ah, waana xiligii Nin cadaan ah oo kasocoday Dawladii Ingiriisku uu kormeer kusoo maray deegaanada Somaliland, waana xiligii dadka Somaliland (Oday dhaqameedyo) ay heshiis taarikh ah la galeen Guumaystihii Ingiriiska, heshiiskaad dadka Somaliland ay ku ilaalinayeen diintooda iyo dalkooda, waxaanu heshiiskaasi ahaa mid Somaliland taariikhada u galay oo ay kaga duwaneyd Qaarada inteeda kale ee uu guumaystuhu qoriga caaradiisa ku qabsaday. Qodobadii Lugu Heshiiyey: 1. In aan Saraakiil mooyaane aanu Askari u dhashay Dalka Ingiriisku aanu iman karin dhulka Somaliland, taas badelkeedana uu Ingiriisku Askarta ka qorto dadka reer Somaliland. 2. In Xaasaska saraakiisha Ingiriisku aanay ku dhali karin meel kamid ah dhulka Somaliland, taas oo macnaheedu ahaa in Dalka laga saaro marka ay gaadhaan xiliga dhalmada. 3. In aanu Ingiriisku dalka ka dhisi karin Kiniisado ama Dugsiyo lugu barto Afkiisa, taas oo looga jeeday in la ilaaliyo dhaqanka suuban ee diinta Islaamka iyo afka hooyo ee ay umadu leedahay. 4. In boqortooyada Ingiriisku aanay lacankeeda ku dul taagin meel kamid ah dhulka Somaliland ee ay ka taagaan meel ka sareysa ciida, si aanu Ingiriisku iskugu arkin in uu leeyahay dhulka Somaliland. 5. Waxa kale oo kamid ahaa in aanu Ingiriisku ku wareejin karin dhulka Somaliland dawlad kale oo shisheeye. Bilawgii qarnigii 20aad waxaa dhulka Somaliland ka bilaamay halgan xornimo-doon ah oo ay horkacayeen ciidamadii Daraawiishta oo uu hogaaminaayey AHN Sayid Maxamed Cabdale Xasan, ciidamadaas oo ay xarun u ahayd magaalada Taleex, 21-tan sano kadib markii uu socoday halgankii daraawiishutu ayaa ugu dambeyntii la jabiyey ciidankii Daraawiishta, kadib markii diyaaradihii ugu horeeyey ee yimaada qaarada Afrika ay dulaan iyo duqaymo ku qaadeen xaruntii halgamayaasha ee taleex, iyagoo dhulka dhigay qalcadihii waaweynaa ee looga telin jiray halgamayaashii Daraawiishta. Sayidka oo gabay ku sifaynaaya duulaankaas diyaarada ayaa waxa kamid ahaa gabaygaas “Coomaado duulayey Cadan ka keeneen, Cirka iyo dhulkaa isqabsaday cararaqdoodiiye”. Halgankii daraawishu muu noqon mid ku joogsada duqaymihii diyaaradaha, ee waxay firdhadkii ku galeen dhulkii looyaqaanay Soomaali galbeed halkaas oo ay kasii wadeen halgamo iyo abaabulo hoose oo aakhirkiina soogaadhey Somaliland. Sanadkii 1957kii waxaa la aasaasay Goleh Dad Somalilander ah iyo Xubno Ingiriis ah iskugu jiray, wuxuuna ahaa goole metalaaya Somaliland, golahan ayaa ahaa mid go’aaminaaya sharciga, Madaxdii Ingiriiska ee golahaas kujiray iyo odayaal dhaqameed Somaliland ah ayaa xiligaas socodaal kutegay dalal badan oo Yurub iyo afrika katirsan, markii ay xubnahaasi kusoo noqodeen Somaliland waxaa si xoogleh u bilaamay halgankii xornimo-doonka iyada oo si toos ah dadka Somaliland Ingiriiska ku amrayeen in ay xoriyadooda siiyaan, si xaalada kacsan ee shacabka loo dejiyo ayuu Ingiriisku gudaha Somaliland ku qabtay doorasho ay ku tartamayeen Xisbiyo badan taas oo qayb ka ahayd sidii Madaxtinimada qayb looga siin lahaa Bulshadii dalka lahayd ee reer Somaliland. 26kii June 1960kii ayey Somaliland si buuxda xoriyadeedii uga heshay Boqortooyadii Ingiriiska iyada oo aqoonsi buuxda ka heshay dalalkii joogtada ku ahaa Golaha Amaanka sida Faransiiska, Shiinaha, Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawgii Soofiyatiga, halka sidoo kale ay Somaliland aqoonsadeen dalal ay kamid ahayd Jamhuuriyada Carabta ee Masar, Munaasibado waaweyn oo xornimada loogu debaal degaayana waxaa lugu qabtay guud ahaan Somaaliland. Abaaro 6dii markay saacadu ahayd 26kii june ayaa calankii Ingiriiska laga dejiyey goob munaasibada xoriyadu ka dhacaysay oo kutaala gudaha magaalda Hargeysa, munasibadaas waxaa goobjoog ahaa Madax aad u tiro badan oo Boqortooyadii Ingiriiska ka socoday oo uu hogaaminayey Badhasaabkii Ingiriiska u fadhiyey Somaliland, sidoo kale waxaa goobtaas buux dhaafiyey dadweyne xamaasad iyo jibo haysay oo mar uun sugaayey in ay arkaan calanka Ingiriiska oo la dejinaayo, Munasibadaas waxay ciidankii Ingiriisku ka rideen madaafiic ay kaga qayb qaadanayaan xorniyada ay Somaliland heshay, Badhasaabkii Ingiriiskuna waxa uu goobtaas ka akhriyey khudbad Amaan iyo xil-wareejin iskugu jirta oo uu kusii sabootinaayey Dadkii iyo Dhulkii mudada badan ay xukumayeen, Sidoo kale waxa goobtaas ay abwaano Somaliland ah (Cabdilaahi Suldaan Timacade, Abwaan Cabdi Iidaan Faarax) kusoo bandhigeen Gabayo iyo geeraaro taariikhda galay oo ay kaga qayb qaadanayeen xuskaas iyo munaasibadaas aadka qiimaha ugu dhex lahayd dadka Somaliland, Abaaro 12kii markay saacadu ahaydna waxay dadkii iskusoo baxay oo xoonsani isku soo shubeen Beerta xoriyada Hargeysa si ay mar uun indhaha uga qaadaan calanka la saarayo ee bedelay kii laga dejiyey ee Ingiriiska. Hadii aan intaas kagasoo gudbo sidii xoriyadu kutimi iyo dedaalkii loo maray, aynu eegno 59 sano kadib maanta oo kale. Somaliland oo xor ahayd 59 sanadood ayaan weli wax aqoonsi ah ka heli caalamka, inkasta oo aynu soo tilmaamnay in maalintii xornimada ay Somaliland aqoonsadeen wadamo waaweyn caalamka kamid ahi ahadan sababo jiray awgeed aqoonsigaasi muu noqon mid sii waara. Xukumadihii ugu horeeyey ee Somaliland soo maraa waxay sanad kasta 26ka June qaban jireen munaasibado waaweyn oo lugu xusaayo maalintaas qiimaha uleh shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida, laakiin sanadadii ugu dambeeyey xuska 26ka June waxay u muuqatay mid meesha kasii baxaysa iyada oo iyada badalkeedii la xusaayey oo la weyneeyey 18ka May,Hadaba shacabka Somaliland miyey ilaaween maalintaas qiimaha badan?, libin iyo guul ay Soomaali oodhan usoo xareeyeen maxaa ka dhigay maanta mid ay ka gacan madhanyihiin?, Maxaa ka dhigay 26ka June in ay kusii hadho oo keliya afka iyo hadal hayn?, Jawaabaha su’aalahani waakuwo guud ahaan sugaaya Shacabka Somaliland. Lasoco Qaybta Xoriyadii luntay 4 cisho kadib Wa-bilaahi Tawfiiq Saxafi /Qoraa Madax banaan. Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare) E-mail: Xamse18@gmail.com Www.facebook.com/wiyeeer Www.wiyeeryare.blogspot.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar__-Qumanaha-Wararka-25062019-Oky.mp3 View the full article
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed sobbed openly at a service Tuesday for the country’s military chief who was assassinated by his bodyguard over the weekend. Source: Hiiraan Online
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qoraal ay soo saartay shaaca uga qaaday goorta si rasmi ah loo dhageysan doono doodda dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhici doonto 9-ka illaa 13-ka bisha Sepetmber ee sanadkan. Dhageysiga ayaa ka kooban laba wareeg. Wareegga koowaad ayaa la qaban doonaa 9-ka iyo 11-ka September. 9-ka oo ku beegan Isniin waxaa doodda leh Soomaaliya, halka 11-ka oo arbaco ay leedahay Kenya. Wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ayaa dhici doona 12-ka iyo 13-ka September. 12-ka oo ku beegan khamiis waxaa hadli doonaa Soomaaliya, halka 13-ka oo Jimco ah ay hadalka leedahay Kenya. Go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo dabayaaqada sanadkan. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com