Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,764
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay sida ay ku suurtagashay in dowladda Sacuudiga ay xayiraadda ka qaaddo xoolaha dalka laga dhoofin jiray. Wasiirka Xanaanada xoolaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dowladda ay dedaal badan gelisay sidii looga shaqeyn lahaa in xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo Sacuudiga. Wasiirka ayaa sheegay in sanado badan kadib ay ku guuleysteen iney la yimaadaan qorsheyaal lagu shaqeeyo, sidoo kalena dowladda Sacuudiga looga dhaadhicinayo in dib loo bilaabo dhoofkii xoolaha Soomaaliya. Xoolaha dalka ayaa loo iibgeeyaa dalal badan oo carbeed, hase ahaatee waxaa muddooyinkii dambe hakad ku jiray xoolihii loo iibgeyn jiray Sacuudiga. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Wasiirka-Xanaanada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Washington)-Robert Mueller, dambi baahdihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congresska Maraykanka. Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona bisha soo socota. Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay Talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan. Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro. Source
  3. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan cali Khayre oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Ahlu-Sunna waljamaaca ayaa kala hadlay qorshayaal ay dowladda dhexe ka fulineyso magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. Qorshayaashan ayaa waxa ka mid ah in ciidamada Ahl-Suna la hoos geeyo wasaaradda Gaashaandhigga, si loogu daro kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed. Warar qaar ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu heshiin qorshahaasi, balse ay socdaan dadaallo ku aadan arrintaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Dhuusamareenb ayaa ugu baaqay madax Ahlu-Sunna in ay soo dhaweeyaan qorshayaal uu sheegay in hay’adaha dowladdu ay ka fulin doonaan magaaladaasi.. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in dooarasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo uu khilaaf ka dhashay haatan ka taagan yahay deegaanada maamulkaasi. View the full article
  4. (SLT-Washington)-La-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka Jared Kushner ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha bariga dhexe uu yahay xalka kaliya ee ku jira in la helo nabada Israa’iil iyo Falastiin. Mr Jared Kushner ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dadaalayo sidii loo hormarin lahaa ilaha dhaqaalaha. Wiilkaan uu sodog u yahay madaxweyne Trump ayaa wada dadaalada Nabada ee Mareykanka uu hogaaminayo oo lagu daahfuray talaadada maanta ah magaalada Manama. Isaga oo ka hadlayay daahfurka shirka ayaa waxuu tilmaamay in aysan suura gal noqon doonin nabada Bariga dhexe ilaa la dhisayo ilo Dhaqaale. Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya diblumaasiyiin ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo lagu marti Qaaday. Shacabka reer Falastiin ayaa horay u qaadacay shirkaan maadama aysan dowlada Mareykanka aysan ku qeexin madax banaanida Falastiin. Kushner ayaa horay u sheegay in shacabka Falatiin aysan gaarin heer ay ismaamusho waqtina ay qaadan Doonto. Source
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. View the full article
  6. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-260619-ww.mp3 View the full article
  7. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ammaanka magaalada Gaalkacyo ay waxbadan ka qabteen, kadib howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka. Axmed Muuse Nuur oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay iney soo qabteen dhallinyaro dhib ku haysay bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo. Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in haatan ay baaritaanno ku wadaan dhallinyaradaasi, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono. “Ammaanka wax badan ayaan ka qabannay, waxaan soo qabannay dhallinyao dhib ku haysay magaalada, kuwaas oo hadda baaritaanno ku hayno” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Axmed ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay la leeyihiin wadashaqeyn buuxda islamarkaana iska kaashadaan howlgallada ammanka ee ka dhaca gobolka Mudug. Magaalada Gaalkacyo waxaa ka howlgalada ciidamo isku dhaf ah kuwaasi oo si wadajir ah uga shaqeeya amniga magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlayay munsaabadda 26- June oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo ku aadan doorashada maamulkaasi. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Isaga iyo Madaxweyne Xaaf ay ka mid noqonayaan shacabka Galmudug, islamarkaana ay la shaqeynayaan madaxda imaan doonto, kadib doorashada maamulkaasi. Go’aankan ayaa waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay ku sheegeen in ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa xaaladda cakiran ee Galmudug. Dhinaca kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in haatan uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira Galmudug iyo dowladda dhexe. Shaakir ayaa tilmaamay in ay jirto cid u kalawarranta labada dhinac, islamarkaana gudbisay fariin aan loo baahneyn. “Annaga iyo dowladda waxaa jira duul noo kala warrama, waxa ay sheegaan in aan nahay Dad dhega-adag oo aan waxba lagu karin balse qofkii halkaan yimaadaba waa iska qanacdaa” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Khilaafka Galmudug oo muddo soo jiitamayay ayaa haatan ku soo biyo shubtay arrimaha doorashada maamulkaasi, waxaana weli la’isku mari la’yahay magaalada lagu qabanayo doorashada. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Sheekh-Maxamed-Shaakir-.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. Ethiopia marked a national day of mourning on Monday after four government officials, including the governor of the Amhara region and the chief of the army, were assassinated over the weekend in dual attacks in Addis Ababa and Amhara’s capital city, Bahir Dar. Source: Hiiraan Online
  10. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay. Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug. Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog. Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo hadalka Ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo madax-dhaqameedka Dhuusamareeb kala hadlay dib u heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  11. Abwaanada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhallinyarada iney ka shaqeeyaan midnimada dalka, kana faa’ideystaan fursadaha ay hadda u haystaan iney dalkooda wax u qabtaan. Abwaan Xirsi Dhuux oo ah guddoomiyaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in munaasabadda 26-ka June ay tahay maalin qaali ah, ayna tahay maalin nabadeed oo gobannimo wadato. Sidoo kale, Abwaanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed gabi ahaamba waajib ka saaran yahay iney dib u milicsadaan taariikhda dalka oo ay iska fogeeyaan wax walbo oo kala qub-qubi kara. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-abwaan-xirsi-dhuux-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wadahadal ugu baaqay Somaliland, xilli uu hadal ka jeedinayey munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo lagu xusayey 59-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi ee dalka. Wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu horreyn uu sheegay in maalintan ay tahay mid qiimo badan, ayna tahay in shacabka Soomaaliyeed ilaalsadaan. “Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.” Somaliland ayuu ugu baaqay madaxweynaha iney ka shaqeeyaan midnimada. “Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna” Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya, iyadoo maalintii shalay ahayd ay DFS iska diidday ka qeybgalka shir ka dhici lahaa magaalada Nairobi, kaasi oo wadahadal lagula furayo Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa umadda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-ka June oo ku beegan, markii ay xornimada qaateen gobollada Waqooyi ee dalka. “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeeynayaa, sannad-guuradii 59-aad eek a soo wareegatay, markii xorriyadda gobolada waqooyi ay qaateen ee 26-ka June” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Deni. Madxaweynaha ayaa dhinaca kale si guud shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay, todobaadka xornimada dalka ee 26 June iyo 1-da bisha soo socota ee Luuliyo, isagoo si gaar ah u xusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb-qaatay halgankii dheeraa ee xornimada dalka loo soo galay. “Waxay sidoo kaleeto hambalyadeynan hordhac u tahay usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed lagu xuso iyo midowgii labadii gobol, gobolladii waqooyi iyo gobolladiii koonfureed ee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaan si gaar ah u xusayaa halyeeyadii ka qeyb-qaatay halgankaa dheer ee dadka Soomaaliyeed xornimada loogu raadinayey” ayuu yiri mudane Deni. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xornimada dalka ee naf iyo maalba loo huray uu dayac ku dhacay, dayacaasi oo ka dhashay burburka siyaasadeed iyo midka maamul ee Soomaaliya haleelay wixii ka dambeeyay sannadkii 1991-dii, waxaana uu ku baaqay in laga qeyb-qaato dib-u-dhiska iyo hagaajinta waddanka. Madaxweynaha Puntland waxaa kale oo uu ku baaqay in gobollada waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay wada-hadlaan oo wixii la kala tabanayo lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii umadda Soomaaliyeed, loon helo waqooyi iyo koonfur midaysan xasiloon oo horumarsan. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo umadda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay todobaadka xornimada dalka appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Caafimaad ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo ka badan 6 bil u xiran dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka qeyb galay doorashada Koonfur Galbeed oo ay ka diidaneed dowladda Soomaaliya. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa habeen hore laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa. Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsanaya Kiliyaha waxaana la sheegay in uu aad u dhamaaday islamarkaana ay ka sii dareyso xaaladda Caafimaad. Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ku taliyay in Sheekh Mukhtaar loo qaado dibadda si loogu soo daweeyo. Dhaqtarka gaarka ah ee Abuu Mansuur ayaa Saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya kula taliyay in Sheekha loo qaado dibadda maadaama adagtahay in dalka wax looga qabto. Sheekh Mukhtaar Roobow oo habeen hore saqdii dhexe laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ayaa lagu celiyay xarunta hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee Habar-khaadiijo waxaana la filayaa in dhowaan loo qaado Isbitaal ku yaalo magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waa markii labaad muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur oo kaliyaha ka xanuunsanaya mana jirto ilaa hadda wax dedaal oo socda oo lagu sii deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka. Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waa xarunta Caafimaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah wadamada Gobalka, hadii wax looga qaban waayyana waxaa loo badaniyaa in loo qaado wadamada dibadda. Mukhtaar Roobow, waa adag tahay in dal walba loo qaado sida wadamada Caafimaadka ku wanaagsan sida Hindiya iyo Germany balse waxaa la filayaa in loo qaado Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Qatar oo aad u taageera Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad baraha bulshada la soo geliyay oo sheegaysa in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre uu xilka ka qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay daabacday wakaaladda Wararka SONNA ayaa gebi ahaanba lagu beeniyay in xilka qaadis lagu sameeyay wasiirk ku xigeenka wasaaradda Batroolka Soomaaliya. “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Batroolka appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay munaasabadda Xuska 26-ka June appeared first on Puntland Post.
  17. MOGADISHU, June 25 (Xinhua) -- Newly appointed special representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan arrived in Mogadishu on Tuesday, vowing to seek lasting progress on peace and prosperity in the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  18. Jitters are rising among Lamu residents over the prospect that the county could lose a large chunk of its traditional fishing grounds because of the Kenya-Somalia maritime territorial dispute. Source: Hiiraan Online
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Somaliland xuska 59 guurada xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan maalinta madax banaanida gobollladaasi ee 26-ka June. Khayre ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed oo dhacday lagu kala tagay, balse aan lagu talagalin waxii gaaray Somaliland. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay ka xuntahay dhibaatadii gaartay dadka dagan gobolka Waqooyi ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaarabeyso dhibaatada gaartay walaalaha Somaliland. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaaanay shacabka iyo madaxda maamulkaasi dadaalkii ballaarnaa ee ay u galeen madaxbannanida dalka iyo midowga koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya. Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqday inay ka’ go’aday Soomaaliya inteeda kale ayaa tan markaasi raadineysay madax banaanin, inkasto aysan weli waxba ka hirgalin. Hadalkan ka soo yeeray Xukumadda Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli shalay dowladda federaalka ay shalay ka biyo diiday ka qeyb galka shir ay isugu imaan lahaayeen wakiilo ka socday labada dhinac. Shirkaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kali ku noqday Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  20. “People are exposing their eyes to this stream of photons from these objects,” says Dr. Dan Siegel, explaining just how impactful screens can be on our sleep. “They basically tell your brain, ‘Stay awake!'” Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka. June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska maalinta Xornimada 26-ka June appeared first on Puntland Post.
  22. Mette Frederiksen’s Social Democratic party forms minority government Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiwahaab Xaaji Axmed oo ahaa Turjumaan ayaa sawirro naxdin leh ka qaaday Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku leynaya gudaha magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo la shaqeynayay howlgalka Midowga Africa ayaa la socday kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho. Cabdiwahaab oo Wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadii uu la socday ee AMISOM xilligaasi ay gaari Bl ah kala soo dageen sagaal qof oo rayid ahaa, kadibna ay toogteen. Sidoo kale sawirro uu ka qaaday dhacdadaas iyo warbixino uu ka diyaariyay ayuu sheegay inuu la wadaagay hay’adda dambi baaritsa CID-da ee Soomaaliya. Intaasi kadib CID oo bilowday baaris ayaa AMISOM u gudbisay sawirradii, balse nasiib darro waxa ay arrintaasi dhibaato ka soo gaartay Cabdiwahaab oo markii dambe xabsiga la dhigay. Waxa uu tilmaamay in loo yeeray isaga oo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, kadibna lagu wargaliyay in shaqadii laga joojiyay muddo lix bilood ahna xabsi yahay. Sidoo kale waxa uu xusay in lagu wargaliyay inuu bixiyay sirta AMISOM ,lana shaqeeyay Kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo Soomaali Kenyaan ah ayaa sheegay in ciqaab xoogan uu kala kulmay xabsiyadii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho. Xarigga Cabdiwahaab ayaa dhacay bishii August 2018,waxaana ugu dambeyn loo wareejiyay magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo Kenyaan ah. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Codka-Amisom.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com