Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,783
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta socdaal dhinaca dhulka ah uu ku tago magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa goor dhow gaaray gudaha magaaladaasi. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaan waddooyinka magaalada la soo dhoobay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya nabad galyada. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gaarka ah ee ilaalada Ra’iisul wasaare Khayre ay tageen halkaasi, si u hubiyaan amnigiisa. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmududg, gaar ahaan arrimaha doorashada. Khayre ayaa doonaya in Xaaf uu kala hadlo doorashada, kuna qanciyo in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Lama oga waxa ka soo bixi kara wada-hadallada Ra’iisul wasaraha ee Cadaado, balse waxaa haatan socda dadaallo dheeraad oo lagu xalinayo khilaafkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah mas’uuliyiinta xibiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadashay shir shalay la filayay in uu Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-maro magaalada Nairobi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garaw loogu jiro soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Marwada Marxuun Madaxweyne Cigaal Oo Dacwad Ka Gudbisay Dadkii Gubay Gurigeeda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay M/ Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug. Sheekh Shaakir oo ka hadlayay arrimaha doorashada maamulkaasi ayaa sheegay in Isaga iyo Madaxweyne Xaaf ay ka mid noqonayaan shacabka Galmudug, islamarkaana ay la shaqeynayaan madaxda imaan doonto, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in ay ku rajo weyn yihiin inay hormarto Galmudug, kana baxdo xaaladda ay hadda ku jirto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Sheekh-Maxamed-Shaakir-.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – MadaxweynahaSoomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo Muqdisho lagu qabtay ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxwene Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso qorshe kasta oo lagu qancin karo maamulka Somaliland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dardar geliyo wada-hadallada labada dhinac oo in muddo ah hakad ku jira. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga wada heshiisyo wixii dhacay. “Waxaan ku baaqayaa in aan dardar gelino wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareysto, lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa marar badan ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Turki, balse ma jirto natiijo muuqata oo la gaaray. Somaliland ayaa ku dhawaaqday 1991-kii in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana tan iyo xilligaas ay raadineysaa ictiraaf, si ay u noqto dal madax banaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Maxkamadda Cadaaladda adduunka, war saxaafadeed ay soo saaray waxaa lagu sheegay in sanadkan bisha September dib loo bilaabayo dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka waxaa lagu sheegay in maxkamadda ay ku dhageysan doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya Peace Palace ee magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dooneysa xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya. Wareegga 1-aad: Isniinta oo ah 9-ka September 2019, 19-ka, 10: Subaxnimo ilaa 1:00 Duhurnimo iyo 3pm-4:30 Pm , waxaa la dhageysan doono dalka Soomaaliya, Arbaco: 11 September 2019, 10am-1-da PM iyo 3pm-4:30 Pm waxaa la dhageysan doonnaa Kenya. Wareegga 2-aad: Khamiis, 12-ka September 2019, 3PM-6PM Soomaaliya, halka Jimco 13 September 2019, 3PM-6PM, la dhageyn-doonnoo dalka Kenya Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice): International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 59 sano guuradii ka soo wareegtay 26ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi. Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen. British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii. Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur. 6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad. Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”. Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. 4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ” Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963 Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii. Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah. July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. Hargeisa wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani. Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan. Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland. Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto. Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran. Cabdi Casis Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garowe (Caasimada Online ) – Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa maanta markale dhageysaneyso dacwadda saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Saddexda ee edeysane ayaa kale Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Maxkamada ayaa dhageysiga kiiskan dib u dhigtay Sabtidii la soo dhaafay, iyadoo lagu ballamay 26 June oo maanta ku beegan. Go’aan kama dambeys ah ayaa la filayaa in Puntland ay ka gaarto dacwaddan oo soo jiitameysay, tan iyo bishii February ee sanadkan ee 2019-ka Waa kiis isha lagu wada hayo, kaas oo si weyn u taabtay bulshada Soomaaliyeed, kadib markii la kufsaday, si arxan darro ahna loo dilay Caaisho yar. Maxkamadda darajada koowaad ee Garowe ayaa horay raggan ugu xukuntay dil toogasho ah, balse lama oga in maxkamadda racfaanku ay ku raaci doonto xukunkaasi iyo in kale. Caa’isho Ilyaas Aadan ayaa iyada oo Meyd ah la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  10. Warbaahinta Puntland Post, ayaa maalmo ka hor daabacday in guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland (TPEC), ay dhammaantood is-wada casilayaan, kadib kulan ay la qateen madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo guddiga TPEC ayaan warbaahinta lala wadaagin wixii ka soo baxay, balse sida ay ogaatay Puntland Pos, guddiga ayaa madaxweyne Deni u gudbiyay qoraal is-casilaad ah, kaasi oo ay ku saxiixan yihiin dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 9 qof. Qoraalkaas oo sidoo kale la ogaysiiyay dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaan weli warbaahinta laga shaacin, waxaase la filayaa in xubnaha guddiga ay maalinta berriya oo ku beegan Khamiis 27 june si rasmiya ugu dhawaaqan is-casilaadooda. Madaxweyne Deni, ayaa isna qorshaynaya in uu soo magcaabo guddi cusub, si ay halkaasi uga sii wadaan geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto hannaanka qabaliga ah. Guddiga ayaa ka kooban 9 xubnood, 5 ka mid ah waxaa magacaaba madaxweynaha, halka 4-ta kalana uu magacaabo Baarlamaanku. PUNTLAND POST The post Maxaa soo kordhay is-casilaaddii guddiga doorashooyinka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo si qoto-dheer uga hadlay xuska sannad guurada 59aad ee 26 June, waxaanu sheegay in dalka colaado badani ka jiraan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Dacar Oo Ka Sheekeeyay Dhibkii Loo Soo Maray Xorriyadii 26-Ka Jun Iyo In Soomaaliya Laga Soo Mustaafuriyay 1959kii, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland. Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenkiisa, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiillo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay. Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, abwaan Maxamed Aadan Dacar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay munaasibadda 26-ka June u leedahay guud ahaanba ummadda reer Somaliland iyo sida ay mudan tahay in wax badan laga barto taariikhda ku duugan. Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey tubta toolmoon ee uu qaranka ku hoggaaminayo, isaga oo bulshada ku dhaqan gobolka Sanaagna ugu baaqay inay adkeeyaan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray taariikhda ma guurtada ah ee ay Somaliland leedahay oo uu sheegay inay ka horraysay waqtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dalweynaha Ingiriiska,“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in bulshada Somaliland oo dhammi si midaysan u dhisatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo bulshada la wadaagayey magacyada, waxgarad kasoo kala jeeda guud ahaanba gobollada Somaliland oo ka mid ahaa aas-aasayaashii qarankan. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey shuruudaha aan la aqbali Karin ee ay dawladda Sucuudigu ku xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaadheen inaanay u hoggaansamin shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya, isaga oo dhammaanba dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland-na usoo jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dawladda Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii la laayey, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba. Ugu dambayntii waxa calanka Jamhuuriyadda Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  15. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale. View the full article
  16. (SLT-Muqdisho)-Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya. “Waxaan mar kale ku baaqayaa ama ugu baaqayaa in wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland aan dardargalino, waxaan ku soconaa muddo 30 sanno ah oo umadda Soomaaliyeed uu waqti badan ka lumay gaar ahaan dhalinyarada”,ayuu yidhi madaxwayne farmaajo. Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in la isu xog waramo si loo daaweeyo ayuu yidhi nabaradii duruufihii adkaa ee la soo maray. Madaxwaynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliland sidii ay hormuudka uga ahaayeen midnimadii labada dhinac ay imikana hormuud u noqdaan midnimada dalka Soomaliya. “Haddii dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo-doonka iyo wadaniyadda,waxaan ugu baaqayaa inay hadda hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka soomaaliya”,ayuu intaa ku daray madaxwaynaha. Source
  17. (SLT-Yemen)-Ciidanka gaarka ee Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Amiirkii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dalka Yemen, Abu Osama Al-Mujahir. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Abu Osama Al-Mujahir iyo xubno kale oo ka tirsan Daacish gacanta lagu dhigay Hawlgal bishan June 3-dii ka dhacay gudaha dalka Yemen. Afhayeenka Isbahaysiga Millateri ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hoggaamiyaan, Kolonel Turki Al-maliki ayaa sheegay inay ilaalo Sirdoon ku ogaadeen guriga uu ku jiray Amiirkii Daacish ee dalka Yemen, isla markaana ay Hawlgalkaas ku soo qabteen Xubnaha ka tirsan Kooxda Daacish iyo 3 haween iyo 3 carruur oo kula sugnaa guriga la beegsaday. Waxa kale oo uu sheegay inay Hawlgalkaasi oo qaatay 10-daqiiqo ku soo qabteen Hub, rasaas iyo qalabka Isgaaarsiinta. Source
  18. Waxaa guud ahaanba maanta dib loo dhigay oogista dacwaddii iyo kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan, iyadoona maxkamadda rafcaanku ay dib u dhigtay ilaa maalinimada Sabtida [...] Source
  19. Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ee magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay dib u bilowdo dhegeysiga Kiiska Dhegeysiga Dacwadda ay Kenya ku sheeganayso qeyb ka mid ah Xuduud-baddeedka Soomaaliya.Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa bilaaban doonta bisha September 9-da ee sannadkan 2019-ka, waxayna socon doontaa muddo 4 maalmood oo ku eg isla bisha September 13-da. Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ waxay shalay oo Talaado ahayd baahisay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi, iyadoo Dowladda Kenya ka walaacsan tahay Go’aanka la filayo inay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo, kaasi oo loo badinayo in Somalia loo xukmin doono xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso. Maxkamadda ICJ waxay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi ku sheegtay in maalinta Koowaad ee Dhegeysiga Dacwadaasi ay Somalia hor imaan doonaan Xeer-beegtida ICJ, iyadoo Kenya la filayo inay Maxkamadda hor tagaan bisha September 11-da. Sidoo kale, Soomaaliya waxay mar kale hortegi doontaa Maxkamadda iCJ isla bisha September 12-da, halka Kneyana la filayo inay mar kale hortagaan Maxkamadda isla bisha September 13-da. Dowladda Somalia waxay dacwad ka dhan ah sheegashada Kneya u gusbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ bishi iAugust ee sannadkii 2014-kii, iyadoo ku eedeysay inay Dowladda Kenya sheeganayso boobna ku hayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya. Source
  20. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay sida ay ku suurtagashay in dowladda Sacuudiga ay xayiraadda ka qaaddo xoolaha dalka laga dhoofin jiray. Wasiirka Xanaanada xoolaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dowladda ay dedaal badan gelisay sidii looga shaqeyn lahaa in xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo Sacuudiga. Wasiirka ayaa sheegay in sanado badan kadib ay ku guuleysteen iney la yimaadaan qorsheyaal lagu shaqeeyo, sidoo kalena dowladda Sacuudiga looga dhaadhicinayo in dib loo bilaabo dhoofkii xoolaha Soomaaliya. Xoolaha dalka ayaa loo iibgeeyaa dalal badan oo carbeed, hase ahaatee waxaa muddooyinkii dambe hakad ku jiray xoolihii loo iibgeyn jiray Sacuudiga. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Wasiirka-Xanaanada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Washington)-Robert Mueller, dambi baahdihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congresska Maraykanka. Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona bisha soo socota. Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay Talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan. Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro. Source
  22. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan cali Khayre oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Ahlu-Sunna waljamaaca ayaa kala hadlay qorshayaal ay dowladda dhexe ka fulineyso magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. Qorshayaashan ayaa waxa ka mid ah in ciidamada Ahl-Suna la hoos geeyo wasaaradda Gaashaandhigga, si loogu daro kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed. Warar qaar ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu heshiin qorshahaasi, balse ay socdaan dadaallo ku aadan arrintaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Dhuusamareenb ayaa ugu baaqay madax Ahlu-Sunna in ay soo dhaweeyaan qorshayaal uu sheegay in hay’adaha dowladdu ay ka fulin doonaan magaaladaasi.. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in dooarasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo uu khilaaf ka dhashay haatan ka taagan yahay deegaanada maamulkaasi. View the full article
  23. (SLT-Washington)-La-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka Jared Kushner ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha bariga dhexe uu yahay xalka kaliya ee ku jira in la helo nabada Israa’iil iyo Falastiin. Mr Jared Kushner ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dadaalayo sidii loo hormarin lahaa ilaha dhaqaalaha. Wiilkaan uu sodog u yahay madaxweyne Trump ayaa wada dadaalada Nabada ee Mareykanka uu hogaaminayo oo lagu daahfuray talaadada maanta ah magaalada Manama. Isaga oo ka hadlayay daahfurka shirka ayaa waxuu tilmaamay in aysan suura gal noqon doonin nabada Bariga dhexe ilaa la dhisayo ilo Dhaqaale. Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya diblumaasiyiin ganacsato iyo shaqsiyaad caan ah oo lagu marti Qaaday. Shacabka reer Falastiin ayaa horay u qaadacay shirkaan maadama aysan dowlada Mareykanka aysan ku qeexin madax banaanida Falastiin. Kushner ayaa horay u sheegay in shacabka Falatiin aysan gaarin heer ay ismaamusho waqtina ay qaadan Doonto. Source
  24. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. View the full article
  25. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-260619-ww.mp3 View the full article