-
Content Count
208,767 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hague (SMN) – Dhageysiga Kiiska badda Soomaaliya ee ay sheeganayso Kenya ayaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu billaabanayo, iyadoo lasoo bandhigay jadwal ku saabsan sida ay dooda u dhacayso. Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa sheegtay in dhageysiga dacwadda dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014 ay dhageysanayso bisha September ee sanadkan 2019. Kulanka Maxkamadda ayaa furmi doona 9-ka September, waxaana uu socon doonaa illaa 13-ka bishaasi, iyadoo dhageysiga laga dhigi doono mid furan, oo lagala socon doono si toos ah baraha Internet-ka. Dal kasta, Soomaaliya iyo Kenya waxaa la siiyay labo maalmood oo ku difaaco doodiisa ku aadan arinta xuduuda badeeda, sida ku xusan war saxafaadeed kasoo baxay shalay Maxkamadda ICJ. Soomaaliya ayaa ku horeyn doonta difaacashada Kiiska, oo ah 9-ka September illaa 10-ka bishaas ayaan fursad la siiyay qareenada u doodaya. Kenya ayaa raadinaysa in kiiskan lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ, taasoo dowladda federaalka ku gacan seertay mar hore, maadaama ay doonayso inay si sharci darro ah ku boobto badda dalka. Kiiskan ayaa mugdi geliyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-26062019.mp3 View the full article
-
The hearing of the maritime dispute between Kenya and Somalia will start on September 9 and run through to September 13 at the International Court of Justice (ICJ) at The Hague, Netherlands. The Court published a schedule for the hearing which will be streamed live. The program, announced by the Court on Tuesday, states that there will be two parts of hearings – one on Monday and Wednesday, the other on Thursday and Friday, with each country being given two days to defend their cases. Somalia will prosecute its case on the first day, September 9, through oral submissions between 10am and 1pm, then 3pm to 4.30pm Hague time. Kenya will have the same time to respond on September 11. The second round of oral submissions will be on Thursday, September 12, with Somalia getting the time between 3pm to 6pm to respond. Kenya will get a similar opportunity to respond the next day, September 13. Journalists intending to cover the proceedings from the venue must apply for online accreditation before September 2, 2019. The schedule means the case will go on despite Kenya’s continued search for an out of court settlement. Somalia sued Kenya at the ICJ, seeking to redraw the maritime boundary from the current eastwards flow from the land border south of Kiunga, to a diagonal flow. If the court agrees with Somalia, Kenya could lose up to 100,000km2 of sea thought to contain huge amounts of hydrocarbons. But Nairobi has argued, both in court and outside of it, that the case should never have been filed because there were alternative means which had not been exhausted. Nairobi also accused Somalia of continuing to market oil stocks to investors even though the area is still contested. It accused Mogadishu of using illegal maps that encroached on the Kenyan side. Mogadishu denies encroaching on Kenyan land. View the full article
-
The Security has been beefed up in the Somali capital, Mogadishu, on Wednesday with heavy deployment of troops as Somalia marks the 26th June celebrations when the country’s northern region gained its independence from Britain. Last night, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo attended a ceremony to mark the independence day at Banadir region’s headquarters in Mogadishu. President Farmajo congratulated all Somalis on the commemoration of the 26th June independence day. “Congratulations to all Somali people wherever they are, in the north, in the south, and across the world on the 59th anniversary of the 26th June independence day when the northern region of Somalia gained its independence from Britain in 1960. Our country needs to be united, therefore let us come together and eradicate the tribalism which destroyed our nation,” the president said in a speech at a ceremony to mark the independence. After the president’s speech, celebratory gunshots were heard in parts of Mogadishu in honor of the 26th June when the Somali flag was raised in Hargeisa in northern Somalia. As the country began a week of celebrations to mark this important day, the Somali government on Wednesday morning blocked the main roads in the capital, Mogadishu. The celebrations will culminate in an event to mark the main independence day on 1st July when the southern part of Somalia gained its independence from Italy on 1st July 1960 and united with the northern part to form the Somali Republic. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale si adag uga hor-timid warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xaj-ka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Somaliya. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey 26-kii June, ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka uu Sacuudigu ku hoos geeyay dowladda Somaliya. Madaxweyne Biixi ayaa wax la aqbali karin ku sheegay go’aankaasi kasoo baxay Sacuudiga, kaasi oo ay dhoofka xoolaha Somaliland ku xirtay in Dowlada Federaalka ay kasoo qaadato warqada caafimaad ee xoolaha laga dhoofinayo dekedda Berbera. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ganacsatada reer Somaliland aysan marnaba ogolaan doonin shuruudahaasi uu Sacuudigu ku xiray dhoofinta xoolaha Somaliland. Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa iyadu inta badan la kulanta caqabado noocan ah oo lagu xirayo inay ogalaansho kasoo qaatan dowlada Somaliya, inkasta oo ay ku doodo inay ka go’day Somaliya inteeda kale, balse ilaa hadda caalamku wuxuu u aqoonsanyahay maamul ka tirsan Somaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta socdaal dhinaca dhulka ah uu ku tago magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa goor dhow gaaray gudaha magaaladaasi. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaan waddooyinka magaalada la soo dhoobay ciidamo fara badan oo xaqiijinaya nabad galyada. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gaarka ah ee ilaalada Ra’iisul wasaare Khayre ay tageen halkaasi, si u hubiyaan amnigiisa. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmududg, gaar ahaan arrimaha doorashada. Khayre ayaa doonaya in Xaaf uu kala hadlo doorashada, kuna qanciyo in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Lama oga waxa ka soo bixi kara wada-hadallada Ra’iisul wasaraha ee Cadaado, balse waxaa haatan socda dadaallo dheeraad oo lagu xalinayo khilaafkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
-
Shaakir “Aniga iyo Xaaf shacabka ayaan ka mid noqon doonaa”
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay munaasabadda 26-ka June uga qeyb galay M/ Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug. Sheekh Shaakir oo ka hadlayay arrimaha doorashada maamulkaasi ayaa sheegay in Isaga iyo Madaxweyne Xaaf ay ka mid noqonayaan shacabka Galmudug, islamarkaana ay la shaqeynayaan madaxda imaan doonto, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in ay ku rajo weyn yihiin inay hormarto Galmudug, kana baxdo xaaladda ay hadda ku jirto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Sheekh-Maxamed-Shaakir-.mp3 View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – MadaxweynahaSoomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June oo Muqdisho lagu qabtay ayaa soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxwene Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameyneyso qorshe kasta oo lagu qancin karo maamulka Somaliland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dardar geliyo wada-hadallada labada dhinac oo in muddo ah hakad ku jira. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga wada heshiisyo wixii dhacay. “Waxaan ku baaqayaa in aan dardar gelino wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareysto, lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa marar badan ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Turki, balse ma jirto natiijo muuqata oo la gaaray. Somaliland ayaa ku dhawaaqday 1991-kii in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana tan iyo xilligaas ay raadineysaa ictiraaf, si ay u noqto dal madax banaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxkamadda Cadaaladda adduunka, war saxaafadeed ay soo saaray waxaa lagu sheegay in sanadkan bisha September dib loo bilaabayo dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka waxaa lagu sheegay in maxkamadda ay ku dhageysan doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya Peace Palace ee magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dooneysa xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya. Wareegga 1-aad: Isniinta oo ah 9-ka September 2019, 19-ka, 10: Subaxnimo ilaa 1:00 Duhurnimo iyo 3pm-4:30 Pm , waxaa la dhageysan doono dalka Soomaaliya, Arbaco: 11 September 2019, 10am-1-da PM iyo 3pm-4:30 Pm waxaa la dhageysan doonnaa Kenya. Wareegga 2-aad: Khamiis, 12-ka September 2019, 3PM-6PM Soomaaliya, halka Jimco 13 September 2019, 3PM-6PM, la dhageyn-doonnoo dalka Kenya Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice): International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah. Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Cabdulqawi Axmed Yusuf. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 59 sano guuradii ka soo wareegtay 26ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi. Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen. British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii. Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur. 6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad. Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”. Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. 4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ” Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963 Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii. Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah. July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. Hargeisa wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani. Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan. Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland. Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto. Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran. Cabdi Casis Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online ) – Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa maanta markale dhageysaneyso dacwadda saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Saddexda ee edeysane ayaa kale Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Maxkamada ayaa dhageysiga kiiskan dib u dhigtay Sabtidii la soo dhaafay, iyadoo lagu ballamay 26 June oo maanta ku beegan. Go’aan kama dambeys ah ayaa la filayaa in Puntland ay ka gaarto dacwaddan oo soo jiitameysay, tan iyo bishii February ee sanadkan ee 2019-ka Waa kiis isha lagu wada hayo, kaas oo si weyn u taabtay bulshada Soomaaliyeed, kadib markii la kufsaday, si arxan darro ahna loo dilay Caaisho yar. Maxkamadda darajada koowaad ee Garowe ayaa horay raggan ugu xukuntay dil toogasho ah, balse lama oga in maxkamadda racfaanku ay ku raaci doonto xukunkaasi iyo in kale. Caa’isho Ilyaas Aadan ayaa iyada oo Meyd ah la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Warbaahinta Puntland Post, ayaa maalmo ka hor daabacday in guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland (TPEC), ay dhammaantood is-wada casilayaan, kadib kulan ay la qateen madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo guddiga TPEC ayaan warbaahinta lala wadaagin wixii ka soo baxay, balse sida ay ogaatay Puntland Pos, guddiga ayaa madaxweyne Deni u gudbiyay qoraal is-casilaad ah, kaasi oo ay ku saxiixan yihiin dhammaan xubnaha guddiga oo ka kooban 9 qof. Qoraalkaas oo sidoo kale la ogaysiiyay dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaan weli warbaahinta laga shaacin, waxaase la filayaa in xubnaha guddiga ay maalinta berriya oo ku beegan Khamiis 27 june si rasmiya ugu dhawaaqan is-casilaadooda. Madaxweyne Deni, ayaa isna qorshaynaya in uu soo magcaabo guddi cusub, si ay halkaasi uga sii wadaan geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto hannaanka qabaliga ah. Guddiga ayaa ka kooban 9 xubnood, 5 ka mid ah waxaa magacaaba madaxweynaha, halka 4-ta kalana uu magacaabo Baarlamaanku. PUNTLAND POST The post Maxaa soo kordhay is-casilaaddii guddiga doorashooyinka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland. Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenkiisa, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiillo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay. Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, abwaan Maxamed Aadan Dacar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay munaasibadda 26-ka June u leedahay guud ahaanba ummadda reer Somaliland iyo sida ay mudan tahay in wax badan laga barto taariikhda ku duugan. Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey tubta toolmoon ee uu qaranka ku hoggaaminayo, isaga oo bulshada ku dhaqan gobolka Sanaagna ugu baaqay inay adkeeyaan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray taariikhda ma guurtada ah ee ay Somaliland leedahay oo uu sheegay inay ka horraysay waqtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dalweynaha Ingiriiska,“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in bulshada Somaliland oo dhammi si midaysan u dhisatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo bulshada la wadaagayey magacyada, waxgarad kasoo kala jeeda guud ahaanba gobollada Somaliland oo ka mid ahaa aas-aasayaashii qarankan. Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey shuruudaha aan la aqbali Karin ee ay dawladda Sucuudigu ku xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaadheen inaanay u hoggaansamin shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya, isaga oo dhammaanba dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland-na usoo jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dawladda Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii la laayey, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba. Ugu dambayntii waxa calanka Jamhuuriyadda Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya. “Waxaan mar kale ku baaqayaa ama ugu baaqayaa in wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland aan dardargalino, waxaan ku soconaa muddo 30 sanno ah oo umadda Soomaaliyeed uu waqti badan ka lumay gaar ahaan dhalinyarada”,ayuu yidhi madaxwayne farmaajo. Madaxwaynaha ayaa farta ku fiiqay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in la isu xog waramo si loo daaweeyo ayuu yidhi nabaradii duruufihii adkaa ee la soo maray. Madaxwaynaha dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliland sidii ay hormuudka uga ahaayeen midnimadii labada dhinac ay imikana hormuud u noqdaan midnimada dalka Soomaliya. “Haddii dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo-doonka iyo wadaniyadda,waxaan ugu baaqayaa inay hadda hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka soomaaliya”,ayuu intaa ku daray madaxwaynaha. Source