Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,783
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa xabsiga weyn ee Garoowe u taxaabay taliyihii CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kadib markii uu madaxweynaha Puntland amar ku bixiyay in la soo xiro, sida ay xaqiijiyeen ilo’ lagu kalsoonyahay. Siciid Deni ayaa sida la sheegayo ka carooday, hadal ay taliye Abshir ka soo xigteen qareennada u doodaya rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyay in taliyaha loo dhaadhiciyo xabsiga weyn ee magaalada Garoowe halkaasi oo u hada ku xiranyahay. Dhinaca kale, Ex. Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceel oo ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Puntland, ayaa maanta lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Jaceel ayaa duhurnimadii maanta waxaa bartamaha Garoowe ka qabtay, askar ka tirsan Booliiska oo la sheegay in ay wateen waaran-maxkamadeed, inkastoo weli aan soo bandhigin eedaymaha loo heysto. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Puntland oo Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud. Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Mas’uuliyiin kale Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Safar dhulka Ah Ku Gaaray Magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.
  3. Hassan Aabi is carrying the weight of a huge burden on his shoulders as he counts off the days before the debt collectors come for him again. With his pitifully depleted herd of 23 feeble goats, Hassan is struggling to support his three wives and 23 children in Benyo-ad village, 25 km south of Guriel in Galgadud. Earlier this month, his creditors had him arrested and they are threatening to do so again if they don’t get paid.   “In the last Jilal [long dry season], I lost 300 goats and the remaining ones are still very weak. Circumstances forced me to take this huge debt,” explained 48-year-old Hassan, who owes $1,300. He was detained in Guriel police station.  “I was released on bond with the help of relatives and given a three-month ultimatum to clear the debt,” Hassan told Radio Ergo. Borrowing money from people he knew was the only way to survive during the harsh drought, especially with three households to support. But his source of income, his livestock, was decimated and he is trapped in a vicious cycle. Recovery seems to be an illusion. “My fellow pastoralists would have helped me, but we are all in the same situation. Though it has rained, the livestock are still weak,” said Hassan. Livestock herders hit by the drought are in similar position all over Somalia. They borrowed from friends and relatives to keep going. Over 1,000 km to the south in Bala’d, Middle Shabelle, single mother Faduma Ahmed Nur lost 20 of her 37 cattle in 2016, leaving her desperate. Faduma borrowed So sh 35,000,000 ($1,500) from a neighbour to buy fodder for her livestock during the drought. “During that time, life was miserable, and we had no alternative but to borrow money hoping that we would be able to repay during the season,” said Faduma. Faduma has been arrested three times for failure to repay her debts. But just like Hassan, she cannot earn enough to get back on her feet. “I am still unable to settle the debt because I get little milk from only three cows, which I sell to feed my children,” said Faduma, who has six children. Amina Hussein Suleiman, a former trader in Gorofley village, 40 km East of Hudun in Sool region, represents the other side of the coin. Amina, a mother of five, had to close her small shop after going bankrupt. She has given out loans totaling $5,000 to drought-hit pastoralists living in her village. “I lent them all I had hoping that they would pay me back in the rainy season but today we are all in the same situation and that has forced me to stop my business,” she said. Omar Jam’a Farah, who runs a local NGO, Takula Somaliland Communities, called for substantial help to enable to the pastoralists to recover from their losses. “People have few livestock now and they do not get any food from them so in order to stand on their feet in the coming years, they need help in getting food,” he said. Abdi Hussein Roble, the head of the Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU), warns that recovery from the effects of the drought in Somalia will take a long time. Somaliland, Puntland, central regions, and Bay and Bakol regions have been worst affected. Source: Hiiraan Online
  4. Seven police officers have been killed in a militant attack in restive northern Sinai Peninsula, Egypt's Interior Ministry said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. Despite being behind bars, Ahmed Adan Abdi, 30, feels he has been liberated by the chance to learn to read and write. Source: Hiiraan Online
  6. Kani waa sawir hore Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal qaraar oo shalay ka dhacay tuulada Miir-Khaliifo oo ka tirsan degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed. Malayshiya-beeleed ka soo duulay tuulooyinka Cillaanle iyo Duuban oo hoostaga degmada Wardheer, ayaa sida la sheegayo shalay subax dagaal ku qaaday tuulada Miir-Khaliifo oo ay deggan yihiin shacab hayb-ahaan ka soo jeeda Puntland, halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray dadka degaanka iyo malayshiyaadkii soo duulay. Dagaalka oo socday ilaa gelinkii dambe ee shalay, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux oo isugu jira dadka degaanka iyo malayshiyaadkii soo duulay, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale, waxaana dib loo celiyay malayshiyaadkii duullaanka soo qaaday. Wararkii u dambeeyay ee dhulkaasi laga helayo ayaa sheegaya in maanta aan wax dagaal ah dhicin, inkastoo labada dhinacba ay hub-uruursi iyo gurmad ku maqan yihiin, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaalku sii socdo. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post, The post 15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Miir-Khaliifo oo ka tirsan gobolka Doollo appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. PUNTLAND POST The post Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah appeared first on Puntland Post.
  8. Somali Journalists Syndicate (SJS) is gravely concerned by unfounded and unjustified charges brought by Somaliland prosecutor before the Hargeisa-based Marodi Jeh Regional Court against a journalist and social media activist Abdimalik Muse Oldon who was arrested on April 17, 2019 over his critical reporting and social media posts. Source: Hiiraan Online
  9. Somali Journalists Syndicate (SJS) is gravely concerned by unfounded and unjustified charges brought by Somaliland prosecutor before the Hargeisa-based Marodi Jeh Regional Court against a journalist and social media activist Abdimalik Muse Oldon who was arrested on April 17, 2019 over his critical reporting and social media posts. Source: Hiiraan Online
  10. Naiorbi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhex dhexaadineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xilligaan uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah dhul Badeedka dalka Soomaaliya. Safiirka Mareykanka ee Dalka Kenya, Kyle McCarter ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu doonayo in xiisadda labada dal lagu dhameeyo wada-hadal ka baxsan maxkamadda, taasi oo Soomaaliya ay horey u diiday. Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya laga laayahay, ayaa Kyle McCarter wax laga weeydiiyay hadii meelo kale lagu xaliyo muranka Badda, sida Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, isaga oo ku jawaabay “Waxaa hubaal ah in labada dal ay yihiin kuwo wax wadaag ah oo uu dagaal kala dhaxeeyo Ururka Al-Shabaab, anaga waxaan si toos ah ugu jirnaa xalintooda waayo waa ay wanagsan tahay in la wada ilaaliyo deris wanaagsa” ayuu yiri Kyle McCarter. Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ku aadan inay dhex dhexaadineyso Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay shaacisay in 9 Bisha September ee sanadkaan 2019 mar kale dib u bilaaban doonto qaadista Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in hadalka dowladda Mareykanka uu u muuqdo mid Kenya ay gadala ka riixeyso, kaidb markii ay fashilmeen cadaadisyadii ay Soomaaliya saartay. Kenya ayaa dalalka reer galbeedka u adeegsaneysa inay Soomaaliya ku qasabto wada-hadal ka baxsan maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO. Ajandaha ugu weyn ee kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid wuxuu ahaa doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha. Soomaaliya waxay si buuxda uga qaybgashay dhammaan howlaha shirka, Wasiirka oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaana kulan qaasa oo uu la yeeshay madaxa Hey’adda (IFAD) Gilbert F. Houngbo wuxuu kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku saabsan. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka loona heli lahaa Maalgashiyo dhinacyo kala duwan leh si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhameystiran. PUNTLAND POST The post Wasiirka Beeraha XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  12. Cadaad (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi hor dhac u ah socdaalka Ra’iisul wasaare Khayre oo isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa barqanimadii maanta gaaray halkaasi. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo socdaal dhulka ah ku tagi doono Cadaado ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Khayre ayaa dadaal badan ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada Galmudug. Xaaladda ayaa weli cakiran balse waxaa socda dadaallo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee BFS, kuwaas oo lagu soo afjarayo khilaafkaasi. View the full article
  13. Roma (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO. Ajandaha ugu weyn ee kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid wuxuu ahaa doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha. Soomaaliya waxay si buuxda uga qaybgashay dhammaan howlaha shirka, Wasiirka oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaana kulan qaasa oo uu la yeeshay madaxa Hey’adda (IFAD) Gilbert F. Houngbo wuxuu kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku saabsan. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka loona heli lahaa Maalgashiyo dhinacyo kala duwan leh si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhameystiran. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa mooto ay saarnaayeen laba askari iyo darawalkii mootada ku dar daray Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Sida wararku sheegayaan, maydka 3da ruux ayaa laamiga yaalay in mudaa, iyadoo ciidamadii waxyeelada gaystay ay safarkoodii iska wateen waxaana la soo sheegayaa in lagu hayo deegaanka Calamada waxaana halkaas uga daba tagay askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Ceelsha Biyaha Saldhig ku lahaa. Meydadka askarta ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la keenay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaas oo Sawirran looga qaaday sida wararku sheegayaan. Saraakiisha AMISOM oo hoggaamineysay gawaarida dhibaatadan geystay ayaa la soo sheegayaa in ay dalbadeen in socodkooda loo sii ogolaado, wixii eed ah ee loo heystana ay kala xaaltamaan ehelka dhibanayaasha Ciidanka AMISOM ayaa tacadiyo kala duwan ugaysta Shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo kale ee dalka,mana muuqato ilaa iyo hada wax laga qabtay Tacadiyadaan.
  15. Hague (SMN) – Dhageysiga Kiiska badda Soomaaliya ee ay sheeganayso Kenya ayaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu billaabanayo, iyadoo lasoo bandhigay jadwal ku saabsan sida ay dooda u dhacayso. Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee dalka Holland ayaa sheegtay in dhageysiga dacwadda dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014 ay dhageysanayso bisha September ee sanadkan 2019. Kulanka Maxkamadda ayaa furmi doona 9-ka September, waxaana uu socon doonaa illaa 13-ka bishaasi, iyadoo dhageysiga laga dhigi doono mid furan, oo lagala socon doono si toos ah baraha Internet-ka. Dal kasta, Soomaaliya iyo Kenya waxaa la siiyay labo maalmood oo ku difaaco doodiisa ku aadan arinta xuduuda badeeda, sida ku xusan war saxafaadeed kasoo baxay shalay Maxkamadda ICJ. Soomaaliya ayaa ku horeyn doonta difaacashada Kiiska, oo ah 9-ka September illaa 10-ka bishaas ayaan fursad la siiyay qareenada u doodaya. Kenya ayaa raadinaysa in kiiskan lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ, taasoo dowladda federaalka ku gacan seertay mar hore, maadaama ay doonayso inay si sharci darro ah ku boobto badda dalka. Kiiskan ayaa mugdi geliyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaaliya iyo Kenya. View the full article
  16. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-26062019.mp3 View the full article
  17. Somaliland has sent an invitation to France to explore investment opportunities in the country's aviation industry. Source: Hiiraan Online
  18. The hearing of the maritime dispute between Kenya and Somalia will start on September 9 and run through to September 13 at the International Court of Justice (ICJ) at The Hague, Netherlands. The Court published a schedule for the hearing which will be streamed live. The program, announced by the Court on Tuesday, states that there will be two parts of hearings – one on Monday and Wednesday, the other on Thursday and Friday, with each country being given two days to defend their cases. Somalia will prosecute its case on the first day, September 9, through oral submissions between 10am and 1pm, then 3pm to 4.30pm Hague time. Kenya will have the same time to respond on September 11. The second round of oral submissions will be on Thursday, September 12, with Somalia getting the time between 3pm to 6pm to respond. Kenya will get a similar opportunity to respond the next day, September 13. Journalists intending to cover the proceedings from the venue must apply for online accreditation before September 2, 2019. The schedule means the case will go on despite Kenya’s continued search for an out of court settlement. Somalia sued Kenya at the ICJ, seeking to redraw the maritime boundary from the current eastwards flow from the land border south of Kiunga, to a diagonal flow. If the court agrees with Somalia, Kenya could lose up to 100,000km2 of sea thought to contain huge amounts of hydrocarbons. But Nairobi has argued, both in court and outside of it, that the case should never have been filed because there were alternative means which had not been exhausted. Nairobi also accused Somalia of continuing to market oil stocks to investors even though the area is still contested. It accused Mogadishu of using illegal maps that encroached on the Kenyan side. Mogadishu denies encroaching on Kenyan land. View the full article
  19. The Security has been beefed up in the Somali capital, Mogadishu, on Wednesday with heavy deployment of troops as Somalia marks the 26th June celebrations when the country’s northern region gained its independence from Britain. Last night, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo attended a ceremony to mark the independence day at Banadir region’s headquarters in Mogadishu. President Farmajo congratulated all Somalis on the commemoration of the 26th June independence day. “Congratulations to all Somali people wherever they are, in the north, in the south, and across the world on the 59th anniversary of the 26th June independence day when the northern region of Somalia gained its independence from Britain in 1960. Our country needs to be united, therefore let us come together and eradicate the tribalism which destroyed our nation,” the president said in a speech at a ceremony to mark the independence. After the president’s speech, celebratory gunshots were heard in parts of Mogadishu in honor of the 26th June when the Somali flag was raised in Hargeisa in northern Somalia. As the country began a week of celebrations to mark this important day, the Somali government on Wednesday morning blocked the main roads in the capital, Mogadishu. The celebrations will culminate in an event to mark the main independence day on 1st July when the southern part of Somalia gained its independence from Italy on 1st July 1960 and united with the northern part to form the Somali Republic. View the full article
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markale si adag uga hor-timid warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xaj-ka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Somaliya. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey 26-kii June, ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka uu Sacuudigu ku hoos geeyay dowladda Somaliya. Madaxweyne Biixi ayaa wax la aqbali karin ku sheegay go’aankaasi kasoo baxay Sacuudiga, kaasi oo ay dhoofka xoolaha Somaliland ku xirtay in Dowlada Federaalka ay kasoo qaadato warqada caafimaad ee xoolaha laga dhoofinayo dekedda Berbera. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ganacsatada reer Somaliland aysan marnaba ogolaan doonin shuruudahaasi uu Sacuudigu ku xiray dhoofinta xoolaha Somaliland. Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa iyadu inta badan la kulanta caqabado noocan ah oo lagu xirayo inay ogalaansho kasoo qaatan dowlada Somaliya, inkasta oo ay ku doodo inay ka go’day Somaliya inteeda kale, balse ilaa hadda caalamku wuxuu u aqoonsanyahay maamul ka tirsan Somaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com