Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,777
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cabdirisaaq Shire Xeyle Guddoomiyaha guddiga magaalada Ceel buh ee gobolka Sanaag ayaa waraysi gaar ah oo uu siyay maanta warsidaha Puntlandi.com waxa uu ka ga [...] Source
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. View the full article
  3. Madaxa xukuumadda ee Villa Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gabal gaabkii galabta lagu soo dhoweeyey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib [...] Source
  4. (SLT-Muqdisho)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu ka dego todobaadkan magaalada Hargeysa isagoo sita calanka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Moscow)-Dalka Ruushka ayaa soo bandhigay nooc cusub oo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, taas oo loo adeegsanayo hawlaha basaasida ee dhinaca milatariga. Diyaaradan drone-ka ee cusub ayaa Wasaarada Difaaca ee dalka Ruushku ay ku soo bandhigtay maalintii shalay bandhig dhinaca milatariga ah oo sanad kasta lagu qabto caasimada dalka Ruushka ee Moscow. Waxaana diyaaradan yar ee drone-ka ah loo ekaysiiyey shimbirka Baaska ama Guumaysta ay dadka soomaalidu u yaqaanaan oo cagaha hawada ku kala fidisay. Drone-kan cusub ayaa ah sidoo kale lagu hagi karaa remote-control, waxaana culayskeeda lagu sheegay 5kg oo kaliya, iyadoo duuli karta masaafo aad u dheer, loona isticmaali karo dhinaca milatariga oo kaliya. Source
  6. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud. Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Mas’uuliyiin kale Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Dibad-bax Ka Dhacay Degmada Xarshin Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristeyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-26062019.mp3 View the full article
  9. Cadaado (Caasimada Online) – Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhafaay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Godinlabe, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dawlada. Madaxweynaha Galmudug, ayaa wafdigan u soo galbiyay magaalada Cadaado oo xarun u ah Baarlamaanka Galmudug, halkaas oo Caawa ay ka bilaabanaya wadahaalo si uu ugala hadlo xal u helida caqabadaha siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in kulamada ilaa iyo beri kadib uu gelinka danbe ee Khamiista dib ugu laabto magaalada Dhuusa-Mareeb, halkaas oo sida qorshuhu yahay la geynayo madaxweynaha Galmudug Xaaf oo habeen ka hor gaaray Cadaado. Caasimada Galmudug ayaa la filayaa in looga dooda arrimo ay kamid yihiin cida sugeysa amaanak doorashada, iyadoo Ra’iisul Wasaare Khayre uu daneynayo in Ciidamo Boolis ah la geeyo magaalada oo laga qaadayo Muqdisho, halka Ahlu-Suna ay ku doodeyso iney iyaga ku filan yihiin sugida amaanka doorashada. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa ku martiqaaday Faransiiska inay wax kala qabtaan, isla markaana ay raadiyaan maalgashi ku saabsan fursadaha ka banaan dhinaca Duulista hawada ee dalka Somaliland. Agaasimaha maamulka Madaarada iyo Duulista Cabdi Maxamed Rodol ayaa kulan safaarada Faransiiska ee magaalada Nairobi kula yeeshay ganacsade Emmanuel Dragon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaarada dawlada Faransiiska ee dalka Kenya. Mr Rodol ayaa u sheegay masuuliyiinta uu kula kulmay Safaarada dalka Faransiiska ee magaalada Nairobi in dalkiisa yari uu raadinayo fursado uu ku soo dhaweeyo maalgashadayaasha caalamka arimo door ah oo u baahan in la maalgashado oo Somaliland ay hodan ku tahay. Waxaanu sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in maalgashadayaasha faransiisku ay la eegaan fursadan u baahan in la maalgashado. Kulankan Agaasimaha Madaarada iyo Duulimaadyada Somaliland ayaa waxa ku wehelinayey wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil. Arintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa kadib markii dhawaan ay masuuliyiinta Somaliland ay kulan la yeesheen madaxda shirkadda Kenyan Airways, taas oo qorshaynaysa inay duulimaadyo toos ah ay ku timaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Source
  11. Madaxweynaha dalka Jaalle Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbo siyaabo kala duwan loo fasiray ka jeediyay munaasabad qalin-jabin oo loo qabtay ardayda Jaamacadda Ummadda. Meelaha su’aalaha laga keenay waxaa ka mid ahaa muxuu khudbad siyaasadeed ugu jeediyay arday qalin-jabinayso? Muxuu uga jawaabi waayay codsigii guddoomiyaha jaamacadda ee ahaa in isbitaal tababar loo dhiso jaamacadda? Muxuu ardaydi qalin-jabinaysay shaqooyin iyo cawimaad ugu ballan-qaali waayay? Wuxuu caddaystay xanti ahayd federaalka ayuu baabi’inayaa oo dowlad dhexe kaliya ayuu rabaa! Waxaa isku dayi doonaa inaan su’aalahaan wax ka iraahdo iskuna dayo inaan si caddaalad ah u miisaamo hadalka madaxweynaha. Muxuu khudbo siyaasadeed ugu jeediyay aradyda? Su’aashaas maahan mid culus in jawaabteeda la fahmo. Ardayda qalain-jabisay waa mirihii soo go’ay ee joogay waqtigii la cuni lahaa. Waxay diyaar u yihiin heedis iyo meehaah lagu kala sooco halka uu muqtaqbalkooda u badan doono. Shirkadaha ganacsiga, xisbiyada siyaasadda iyo xataa kooxaha dagaalka ku jiro waxay isha ku hayaan aradyda soo baxdo si ay qayb uga helaan miraha cosobka ah ee soo go’ay. Madaxweynuhu sida inta kale ayuu doonayaa inuu afkaartiisa iyo aragtidiisa ku tallaasho dhalinta soo baxday. Tan labaad, maalmaha farxadda oo ay ka mid tahay qalin-jabintu waa waqtiyada ugu fiican ee la jeediyo khudbaha siyaasadda gaar ahaan kuwa aad rabto inay dadku wada dhagaystaan. Shalay ruux walba waxaa uu daawanayay xafladda sida quruxda badan loo soo agaasimay ee loogu talagalay ardayda. Kuwo badan oo aan waqti galiyeen Jaalle Farmaajo ayaa hadlayo baa shalay waqti siiyay khubada waayo xafladdi socotay ayuu soo dhexgalay. isteraatijiyada noocaan ah waa mid caalami ah oo siyaasiyiinta dunidu isticmaalaan. Muxuu uga Jawaabi waayay codsigii guddoomiyaha jaamacadda? Guddoomiyaha jaamacadda ayaa khudbadiisi ku daray codsi uu u diray madaxda dowladda. Wuxuu sheegay in jaamacaddu u baahantahay isbitaal ay ardaydu tababbar ku qaataan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Talyaanugu diyaar u yahay inuu qalabeeyo haddii isbitaalka la dhiso. Sidaa darteed wuxuu madaxda ka codsaday in isbitaal jaamacadda loo dhiso. Madaxweynuhu haa iyo maya toona ma oran mana soo qaadin codsigii guddoomiyaha. Aniga waxaa ii muuqato in codsigu meel khaldan ku yimid. Munaasib maahan mashruuc iyo horumarin loo rabo jaamacad in hadal lagu jeediyo. Caadiyan waa inuu jiraa qorshe horumarineed oo jaamacaddu leedahay ugu yaraan shanta sano ee soo socoto. Qorshahaan waa inuu yahay mid qoran oo waqtiyaysan lana yaqaan cidda maalgalinayso iyo meelaha dhaqaale loogu dooni doono. Taasoo ka dhigan in haddii baahidaasi jirto horay qoraal loogula wadaagay waaxaha dowladda ee ay qusayso. Haddii waaxdi ku shaqo lahayd ay fulin wayday cocdsigi ama kasoo jawaabi wayday waa in la maraa jaranjarada cabashada. Laakiin marnaba sax u muuqan mayso in sidii odayaal madax soo salaantay, loo codsado qorsho horumarineed oo ballaaran. Sidoo kale, madaxweynuhu ma ballanqaadi karo dhisidda isbitaalka waayo ma jirto lacag uu isagu leeyahay oo u ku bixin doono, miisaaniyaddi waxbarshadana horay ayaa loo qoondeeyay oo qolo walba waxay lahayd meel loo saaray. Kolley garan maayo waxa uu maanka ku hayay guddoomiyuhu marka uu codsigaas gudbinayay. Muxuu dhalinyarada qalin-jabisay shaqooyin ugu ballan-qaadi waayay? Jaamacadda ummadda waxaa leh dowladda. Iyadaa maamusho, maalgaliso kana masuul ah. Sidaas darteed dhalinta soo baxday waxay wax ku barteen si bilaash ah halka kumannaan la mid ah ay qarash farabadan ku bixiyaan waxbarashadooda. Haddii ay dowladdu si gooni ah u shaqaylaysiiso ardayda kasoo baxdo jamacaddeeda waxay isu baddalaysaa shirakad ganacsi oo jaamacad ay shaqaalaheeda ku tababarato furatay. Waa arrin marnaba aan u wanaagsanayn tartanka jaamacadaha iyo horumarinta waxbarashada. Sidaa darteed ardayda kasoo baxdo Jaamacadda Ummada waxay la midyihiin kuwa kasoo baxa Simmad iyo Banaadir xil gooni ahna kama saarna dowladda shaqaalaysiintooda ee ardayda oo dhan ayaa u baahan shaqo abuur iyo horumarin taasina waxaa lagu heli karaa dagganaasho siyaasadeed iyo amni buuxa oo soo jiita maalgashi ballaaran. Maalaha waa midda uu madaxweynuhu u doorbiday inuu xoogga saaro siyaasadda. Ma aaminsanyahay federal mase doonayaa dowlad dhexe kaliya? Qodabkaan waa kan ugu darnaa ee aadka loo wareejiyay. Labo daqiiqo iyo shan iyo soddon seken ayuu kaga hadlay arrinta federaalka. Waxaa uu sharraxay erayo Ingiriis ah, Federal, con-federal iyo loose feredal. Wuxuu si cad u sheegay inuu aaminsanyahay ama yahay mid u janjeera xagga faderalka. Hasa yeeshee sida uu hadalka u yiri ayaa ahayd mid dadka wereerisay ama sahashay inay dad badan sida ay iyagu rabaan u dhigaan hadalka madaxweynaha. Jaalle Farmaajo wuxuu ku celceliyay inuu doonayo dowlad dhexe oo awood leh, ciidan adag leh, xuddoodaheeda difaacan karta, dunida si sharaf leh kula macaamisho. Marar badan ayuu ku celceliyay jumlada “dolwad dhexe oo awood leh”. Jumaladaan sida uu u dhigay waa mid loo fasiran karo inuu doonayo in laga taqaluso nidaamka federalka ee dalku qaatay. Hasa ahaatee waxaa uu jeeday inuu yiraahdo waxaan rabnaa dowlad federal ah oo nidaam iyo kala danbayn shaqo leh taasoo dowlad goboleedyaduna qabsadaan shaqada ku aadan ee ku kooban arriamah deekaanka ay maamuulaan, dowladda dhexana ay qabsato shaqadeeda sida ilaalinta xudduudaha, arriamaha dibadda, arriamha lacagta iyo maaliyadda iyadoo uusan jirin maamul goboleed gadowga ku dhaggan. Inuu sidaas ula jeeday waxaa caddayn u ah hadalkiisa qaybaha danbe. Wuxuu yiri waxaan rabnaa federal aan habacsanayn (loose federal) macnaha aan isgarab yaac ahayn ee qolo walba shaqadeeda u gaarka ah qabsato. Haddii aad si daggan u dhuuxdo waa ay caddahay inuu rabay inuu yiraahdo waxaan rabnaa federal ay dowaladda heer federalka ah awood u yeelato hanashada xuddudaha iyo ilaalinta hantida dadka Soomaaliyeed. Halka dhibka ka jiro ee aniga ii muuqato waa cillad xagga hadalka madaxweynaha ka haysato iyo inuusan sidoo kale haysan dad aqoon u leh diyaarinta khudbooyinka iyo hadalka uu dhihi lahaa. Madaxda adduunku ma wada aha hadal yaqaan laakiin waxay ku kala tageen adeegsiga dadka xirfadda leh. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Buushki yaraa wuxuu ahaa afgarooc aan hadal u dhalan xikmadduna ku yartahay sida ay caddeeyeen gacanyarayaashaasi. Hasa yeeshee waxay qireen inuu cajiib ku ahaa edeegsiga dadka xirfada u leh meelaha uu ka liito. Wuxuu jeedin jiray khudbooyin cajiib ah oo uusan xaraf ku lahayn. Waxaa jirtay mar uu dood ka qayb galayay oo makrofoon dhiniciisa kale ruux haysto uu hoosta soo gashaday si loo toosiyo marku barriiqdo isagoon la fahmin. Taasi waxay u fududaysay inuu gabi-dhaciisu yaraado waqti dalku galay marxalado adag iyo dagaal qaraar. Si kooban, tan iyo inti xukunka u qabtay Jaalle Farmaajo khudbad walba ee uu jeediyo waxay dhalisaa dhaliilo badan. Dhaliisha inta badan waxaa keeno doorasho xumo xagga erayada ah iyo habka gudbinta hadalka oo uu dhib ku qabo. Hadal aqoon la’aantu ceeb maahan oo hadalku waa hibo Eeebe cidduu doono siiyo, waxaase la yaab ah inuusan madaxweynuhu cashar ka baran arrintaan soo noqnoqtay. Ma cid la taliso ayuusan haysan? ma isla qummanyahay oo hadal yaqaan laacib ah ayuu isu arkaa? Mise waligiisba dhaliishiisa ma gaarin? Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Ibrahim Aden Shire kala xariir: ishire86@gmail.com kala soco: humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Saacadihii ugu dambeeyey waxaa xabsi kuyaal magaalada Garoowe lagu xiray sarkaal katirsan ciidamada dembi baarista Puntland ee CID-da iyo xildhibaan hore oo katirsanaan jirey barlamaankii [...] Source
  13. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan maalinta Xornimada Wadankaasi uu ka qaatay gumaystihii Faransiiska ee 27, Juun, 1977. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo faahfaahiyey muhiimadda isaga iyo weftigiisa ayaa xusay in dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka heleen casumaad rasmi ah oo ku aadan ka qayb galka xuska maalindooda xuriyadda. “Waxaan Casumaad ka helnay dowladda aan walaalaha nahay, waliba jaarka nahay ee Jabuuti, waxaan ka qayb gelaynaa maalinta ay Xornimada ka qaateen gumaystihii faransiiska oo ku beegan beri 27, Juun, 2019, waana ku faraxsanahay inaan kala qayb galno farxadda iyo dabaal deggooda, runtii ma gudi karno abaalkooda, walaalnimo ee ay noogaleen maalintaan garabka u baahnayn, anaga kaan u galnay waxaa nagalaweyn kay iyagu noogaleen”. ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland. Safarka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu ambaboxo dalka dibaddiisa tan iyo intii la doortay 08 Janaayo 2019. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti waxa ay kulamo kala duwan la qaadan-doonaan madaxda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, [...] Source
  15. APO Group content is copyright free and can be republished at will. United Nations Economic Commission for Africa (ECA) PRESS RELEASE All set for Horn of Africa trade forum focusing on region’s pharmaceutical industry The forum is being organized by the ECA, the Government of Ethiopia, the African Union Commission (AUC), and the European Union (EU) ADDIS ABABA, Ethiopia, June 26, 2019/ — All is set for the two-day regional trade forum for the Horn of Africa focusing on the implementation of the historic African Continental Free Trade Agreement that went into force on 30 May. The theme of the forum is: “AfCFTA Implementation: Breaking Down Geographical, Logistical and Regulatory Barriers to Trade and Investment in the Horn to Boost Industrialisation: A Focus on the Pharmaceutical Industry”. Speaking on the eve of the meeting. Stephen Karingi, Director of the Economic Commission for Africa’s (ECA) Regional Integration and Trade Division, said much work now needs to be done now that the AfCFTA is in force. “These regional trade forums, besides providing platforms for member States, business communities, researchers and others to access cutting-edge evidence-based policy analysis and briefs, methodologies and tools to support shared gains from the AfCFTA, will allow the region to discuss what needs to be put in place in terms of policies to ensure every African benefits,” Mr. Karingi said. He said sessions, which will focus on a number of sub-themes, including boosting competitiveness and job creation in the Horn of Africa with pharmaceuticals as an example; stocktaking – completing the investment, competition and intellectual property protocols of the Phase II agenda; broadening policy space and taking advantage of flexibilities, will encourage participants to expand their thinking and explore fresh opportunities under the new continental market. “Thanks to the AfCFTA, Africa is now in a position to say market size is no longer an issue for pharmaceutical manufacturers to engage in, for example, the local production of generic medicines on the continent,” the ECA Director noted. The forum will provide a platform where the pharmaceutical industry value chain will be used as a demonstration of the extent to which the emerging, AfCFTA-anchored, African single market changes the economics on the ground and makes the case for significant investment in manufacturing across the continent. The regional trade forum will also provide an opportunity for stakeholders, from policy makers to commercial actors, from academics to civil society organisations, to explore the extent to which the AfCFTA can contribute to efforts to address Africa’s unique trade and competitiveness challenges. Part of the forum will include high level panels discussing topics such as ‘Making the AfCFTA a Truly Pan-African Reality and Boosting Competitiveness and Industrialisation in the Horn of Africa’ and ‘Breaking Down Geographical and Logistical Barriers to Trade and Investment in the Horn’. High-level participants are expected to come up with recommendations at the end of the two days on, among other issues, how to use the AfCFTA as a policy tool to create positive change and impact in African economies as well as a tool for advancing gender equality and women’s economic empowerment, as a catalyst for inclusive and sustainable socio-economic development on the continent. Once all 55 countries have joined, the African Continental Free Trade Area will cover at least 1.2 billion people and over $3 trillion in GDP. In addition to creating a massive market, the AfCFTA also eliminates 90 percent of tariffs which proponents say will encourage foreign direct investment by creating and easing entry into a larger, single, seamless market for goods and services. The forum is being organized by the ECA, the Government of Ethiopia, the African Union Commission (AUC), and the European Union (EU) in collaboration with their partners IGAD Secretariat, Afreximbank, TradeMark East Africa, and the Ethiopian Airlines Group. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
  16. Godinlabe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa degaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusii jeeda magaalada Cadaado ee xarunta baarlamanka Galmudug oo uu kula hadli doono mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xafa. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay bannaanka deegaanka isku gacan qaadeen, kuna yeesheen kulan kooban, waxaana ka muuqatay isu dhoola cadeyn. Soo dhoweynta Xaaf iyo inuu Kheyre ka hortagay ayaa lama filaan noqotay marka la eego wixii dhex maray labada dhinac iyo xiisadda siyaasadeed ee sanadaha u dhaxeysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira in sidii Maamulka Galmudug wadajir loogu dhisi lahaa, iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin, waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajooneyso oo kaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga. Taallada Dhagaxtuur waxay ku astaysan tahay maamuuska iyo weyneynta halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurkii loo sameeyay sidii Soomaaliya xorimadeeda ugala soo noqon lahayd guumaystaha. View the full article
  18. Ciidamada amniga dowladda Puntland, ayaa xabsiga weyn ee Garoowe u taxaabay taliyihii CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kadib markii uu madaxweynaha Puntland amar ku bixiyay in la soo xiro, sida ay xaqiijiyeen ilo’ lagu kalsoonyahay. Siciid Deni ayaa sida la sheegayo ka carooday, hadal ay taliye Abshir ka soo xigteen qareennada u doodaya rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas, waxaana madaxweynuhu amar ku bixiyay in taliyaha loo dhaadhiciyo xabsiga weyn ee magaalada Garoowe halkaasi oo u hada ku xiranyahay. Dhinaca kale, Ex. Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceel oo ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Puntland, ayaa maanta lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Jaceel ayaa duhurnimadii maanta waxaa bartamaha Garoowe ka qabtay, askar ka tirsan Booliiska oo la sheegay in ay wateen waaran-maxkamadeed, inkastoo weli aan soo bandhigin eedaymaha loo heysto. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Puntland oo Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud. Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Mas’uuliyiin kale Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Safar dhulka Ah Ku Gaaray Magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.
  20. Hassan Aabi is carrying the weight of a huge burden on his shoulders as he counts off the days before the debt collectors come for him again. With his pitifully depleted herd of 23 feeble goats, Hassan is struggling to support his three wives and 23 children in Benyo-ad village, 25 km south of Guriel in Galgadud. Earlier this month, his creditors had him arrested and they are threatening to do so again if they don’t get paid.   “In the last Jilal [long dry season], I lost 300 goats and the remaining ones are still very weak. Circumstances forced me to take this huge debt,” explained 48-year-old Hassan, who owes $1,300. He was detained in Guriel police station.  “I was released on bond with the help of relatives and given a three-month ultimatum to clear the debt,” Hassan told Radio Ergo. Borrowing money from people he knew was the only way to survive during the harsh drought, especially with three households to support. But his source of income, his livestock, was decimated and he is trapped in a vicious cycle. Recovery seems to be an illusion. “My fellow pastoralists would have helped me, but we are all in the same situation. Though it has rained, the livestock are still weak,” said Hassan. Livestock herders hit by the drought are in similar position all over Somalia. They borrowed from friends and relatives to keep going. Over 1,000 km to the south in Bala’d, Middle Shabelle, single mother Faduma Ahmed Nur lost 20 of her 37 cattle in 2016, leaving her desperate. Faduma borrowed So sh 35,000,000 ($1,500) from a neighbour to buy fodder for her livestock during the drought. “During that time, life was miserable, and we had no alternative but to borrow money hoping that we would be able to repay during the season,” said Faduma. Faduma has been arrested three times for failure to repay her debts. But just like Hassan, she cannot earn enough to get back on her feet. “I am still unable to settle the debt because I get little milk from only three cows, which I sell to feed my children,” said Faduma, who has six children. Amina Hussein Suleiman, a former trader in Gorofley village, 40 km East of Hudun in Sool region, represents the other side of the coin. Amina, a mother of five, had to close her small shop after going bankrupt. She has given out loans totaling $5,000 to drought-hit pastoralists living in her village. “I lent them all I had hoping that they would pay me back in the rainy season but today we are all in the same situation and that has forced me to stop my business,” she said. Omar Jam’a Farah, who runs a local NGO, Takula Somaliland Communities, called for substantial help to enable to the pastoralists to recover from their losses. “People have few livestock now and they do not get any food from them so in order to stand on their feet in the coming years, they need help in getting food,” he said. Abdi Hussein Roble, the head of the Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU), warns that recovery from the effects of the drought in Somalia will take a long time. Somaliland, Puntland, central regions, and Bay and Bakol regions have been worst affected. Source: Hiiraan Online
  21. Seven police officers have been killed in a militant attack in restive northern Sinai Peninsula, Egypt's Interior Ministry said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  22. Despite being behind bars, Ahmed Adan Abdi, 30, feels he has been liberated by the chance to learn to read and write. Source: Hiiraan Online