Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,767
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hor yimid munaasibadii loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 59-aad ee 26-kii June. Mustafe Shiine ayaa sheegay inuusan qabin in loo dabaal-dego maalintaasi, isagoona xusey inay jirin wax ay Somaliland ugu dabaal-degto munaasibadaasi. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Somaliland ay ku hungoowday midowgii Somaliweyn, kaasi oo uu ku tilmaamay kuwo uun gumaysi diir madow oo aanay u qudh-qudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii ay reer Somaliland xiligaasi waday. Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Waxaa loo dabaaldegay sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay maalintaynu qaadanay calankii aan toddobaad bixin ee aynu 4 maalmood kadib, geynay Muqdisho. Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in aanay jirin waxaynu u dabaaldegnaa maalintan, keliya waxa aynu xusi karaynaa in ay bulshada reer Somaliland halgan dheer oo mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba leh, kadib aynu ku guuleysanay inaynu gumeysigii cadaa ee Boqortooyada Ingiriiska ahaa uu inaga tegay, balse aynaan hanan oo maalmo uun kadib, aynu tuurnay, iyadoo ay Ina qaaday jibadii ahayd Somaliweyn. 30 sano kadib, ayaa lagu soo dhiciyay dhiig, kadib markii lagu hungoobay dadkii aynu isku muuqa iyo afka ahayn ee ay ina dagtay walaalnimadoodu, kuwaasi oo ahaa uun gumaysi diir madow oo aanay u qudhqudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii waday reer Somaliland. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa habeenkaa oo aan anaguna London ku xusi doono aan anigu u aqaan inuu yahay mid laga dhaxlay cashar nololeed oo aanay ummadda reer Somaliland marnaba dib ugu dhici doonin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed is a very lucky man. He has survived three attempts to kill or overthrow him in the past year. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar___Qubanaha-26062019-GG.mp3 View the full article
  4. Academics from Cardiff University are visiting Somaliland to develop research collaborations on some of the country’s most pressing issues. The Cardiff-Somaliland Working Group was set up to forge closer links between members of the Somaliland community in the city, academic staff and the Government of Somaliland. During the week-long trip, experts from a variety of disciplines across the university are exploring how their research can help the country as it rebuilds and recovers from civil war. Cardiff, which was a major port for coal exportation in the 19th and early 20th centuries has strong historical links with Somaliland. Thanks to the pioneer Somali seaman who worked and then settled in the city, the Welsh capital is now home to one of the largest and most established Somali communities in the UK. The partnership project stemmed from research which was led by Dr Richard Gale, Dr Andrew Williams and Ali Abdi, in collaboration with Cardiff’s Somali community and funded by the University’s Community Gateway programme. Dr Gale, based at the School of Geography and Planning, said: “We cannot underestimate the contribution the Somali population have made to the Cardiff we see today. Our research, which was carried out collaboratively with the community, aimed to understand this rich history further and has now led to important links being made with the country of Somaliland. We are looking forward to meeting with the Government there to explore how the University can assist them in developing a prosperous, sustainable economy.” A number of areas will be discussed and investigated during the trip. Professor John Pickett from the School of Chemistry will be meeting with discussing pest control and the health of livestock. Dr Rhys Jones from the School of Biosciences will be considering how cultivating certain plant species could sustain agricultural livelihoods. Dr Richard Gale and Nasir Adam from the School of Geography and Planning will be investigating how their research can assist with urban livelihoods and youth employment. Members of the University’s Water Research Institute will be offering expertise on water sustainability. Health education and women’s health, as well as forestry and environment are also issues that will be explored. Nasir Adam, who is doing his PhD on the Somali community in Cardiff, said: “The Somaliland community is one the oldest communities here in Wales and as Welsh Somalilander I truly believe that this is a timely piece of research both among Somali diaspora here in Cardiff and Somaliland. “Until now, robust research has been limited; it will not only have a huge impact on the diaspora community here in Wales, but it will also have a fundamental impact in understanding needs of young people in Somaliland. Most importantly the research will cement sustainable partnership with civil societies, non-government organisations, youth organisations and academic institutions.” Cardiff University Vice-Chancellor Professor Colin Riordan commended the aims of the project. “As Somaliland consolidates its path to reconstruction, it presents a powerful example of hope and recovery to many other societies, particularly those emerging from civil war. These are challenges in which Cardiff University is keen and well-placed to assist. “I look forward to the opportunities this partnering project creates for future dialogue and cooperation.” Welsh Government Minister for International Relations Eluned Morgan said: “The progress of the project, which focuses on assisting the Somaliland Government to achieve a number of its UN Sustainable Development Goals with funding from the Global Challenges Research Fund, will build on the strong diaspora ties that continue to connect the Cardiff community with Somaliland. “I am excited by the prospect of this project and the benefits it will bring to the people of Wales and Somaliland.” Cardiff university Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in caawa ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duulaanka oo la sheegay in uu ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah, wallow illaa iyo haatan aanan la ogeyn khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. Saraakiisha ciidanka xooga illaa iyo haatan kama aysan hadlin iska hor-imaadka oo la tibaaxay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna ay socotay in muddo ah. Sikastaba ha ahaatee, Buulo Mareer oo Koonfur Bari kaga taala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  6. Held captive by gun-toting smugglers at a warehouse in southern Libya, newlywed Somali refugee Maryam* was taken from her husband Ahmed* and raped — repeatedly — over several months. Only when she became pregnant was she returned to him. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN) – Saddex ruux oo laba kamida ay askar yihiin ayaa ku geeriyootay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho markii uu dul-maray mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Midowga Afrika. Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, baabuurta ciidamada AMISOM ayaa goobta ka dhaqaaqay kadib markii ay falkaasi ay geysteen, iyagga oo aanan daqiiqado xitaa meesha ay dhibta ku geysteen ku hakan. Balse mas’uuliyiinta maamulka degaanka Lafoole ee ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa tilmaamay in ay joojiyeen gaadiidka, isla markaana ay ka qaadeen telafoono lagala xiriiro marka loo baahdo. Taliska AMISOM illaa iyo haatan kama uusan hadlin dhacdadan oo kusoo beegmeysa iyada oo ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay xoogaga nabad-ilaalinta u jooga dalka ay shacabka iyo askarta kula kacayaan. View the full article
  8. Hal-buurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI oo taageero ka helayey hay’adda ADRA Somalia, ayaa magaalada Garoowe tababar 4 maalmood soconayay usoo gabagabeeyey 30 suxufi oo isaga kala yimid dhammaan gobollada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya. Muddadii tabarkaani socday ayaa waxaa lagu bartay ilaalinta carruurta iyo qaabka loo tebiyo ama loo weriyo sheekooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira carruurta, iyada oo la raacayo hab tebineedka waafaqsan anshaxa saxaafadda iyo kan caalamiga ah ee xaquuqda carruurta. Si goonni ah waxaa diiradda loo saaray intii tababarku socdey casharro oo la xiriira guud ahaan dhawridda guud ahaan xaquuqada aadanada, mabaadi’da caalamiga ah ee werinta sheekooyinka carruurta iyada oo la ilaalinayo ilmaha, dadka dhibbanayaasha ah, dadka mahadhada qaba iyo anshaxa caalamiga ah iyo kan dalka u deggan ee saxaafadda. Gabagabadii tababarka waxaa ka hadashay madaxa waaxda jinsiga iyo xaquuqda aadanaha Faadumo Maxamed, waxa ayna mahadcelin kadib kula dartaarantay suxufiyiinta tababarku usoo dhammaaday in wixii ay barteen dib ugu celiyaan xarumihii warbaahineed ee ay ka socdeen. “Inaad dabakhdaan oo ku dhaqanteen casharradii aad halkaan ka barateen, waxa ay faa’iido weyn u tahay naftiinna iyo xarumihii warbaahineed ee aad ka socoteen waxaana idiin fududdaan doonta inaan isbeddel ku samaysaan qaab tebineedkiini la xiriiray werinta sheekooyinka iyo wararka la xiriira carruunta dhibaataysan” ayay tir Faadumo Maxamed oo la hadlaysey suxufiyiinta tababarka qaadatay. Faadumo ayaa intaas ku dartay “Ururka Hal Abuurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI waxaa uu dadaal weyn u gelayaa sidii loo samayn lahaa aqoon kororsiyo iyo tababarro faa’iido u leh korna loogu qaadayo aqoonta iyo tayada suxufiga ah gaar ahaan haweenka warbaahinta ku jira, si bulshada loogu tebiyo barnaamijyo iyo sheekooyin faaii’do leh”. Ugu dambeyn Faadumo waxa ay u mahadcelisey dhammaan suxufiyiintii kasoo qayb galay tababarka, gaar ahaan weriyayaashii meelaha fog fog uga soo safray si ay uga faaiidaystaan tababarkaas. Halkaan hoose ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post WIMI oo tababbar Garoowe ugu soo gabagabeyey 30 suxufi appeared first on Puntland Post.
  9. Supermajors Royal Dutch Shell and ExxonMobil last week signed a settlement letter with the Federal Government of Somalia regarding drilling blocks under force majeure, Kallanish Energy learns. Source: Hiiraan Online
  10. Maamulka dawladda Hoose ee degmada Jariiban ayaa xariga ka jaray mashruuc biyo galin loogu samaynayay degmada Jariiban. Xaflada ayaa ka dhacday hoolka Jaamacada Jariiba, waxaana [...] Source
  11. (SLT- Gambia)-Madaxweynihii hore ee Gambia Yahya Jammeh ayaa lagu eedeeyay kufsi uu u gaystay dumar u dhashay dalkaasi intii uu hayay Tallada. War saxaafadeed ka soo baxay arbacada maanta ah hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa lagu sheegay in Jameh uu galmo la sameeyay dhowr hablood intii u dhaxeysay sanadihii 1996-dii ilaa 2017-da. Hoggaamiyihii hore ee Gambia ayaa hore loogu eedeyay falal dilal ah, balse waa markii ugu horeysay oo loo soo jeediyo eedo la xidhiidha Kufsi. Reed Brody oo u qaabilsan Human Rights Watch ayaa sheegay in Jameh dumarka uu u isticmaali jiray sida xoola uu isagu Leeyahay. Brody ayaa intaa ku daray in kufsiga iyo galmada ay tahay xadgudub bani, Aadanino Yaxya Jameh-na uusan sharciga ka weyneyn. Siyaasigaan ayaa si masaafuris ah ugu nool dalka Equatorial Guinea kadib markii looga itaal roonaaday doorashadii 2016-ka ka dhacday Gambia. Source
  12. Degmada Buursaala ee gobolka Mudug waxaa laga hirgaliyay Ceelbiyood ku kacay dhaqaale gaaraya 50 kun oo doolar, taas oo ku timid si isku tashi ah,waxaan [...] Source
  13. Cabdirisaaq Shire Xeyle Guddoomiyaha guddiga magaalada Ceel buh ee gobolka Sanaag ayaa waraysi gaar ah oo uu siyay maanta warsidaha Puntlandi.com waxa uu ka ga [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. View the full article
  15. Madaxa xukuumadda ee Villa Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gabal gaabkii galabta lagu soo dhoweeyey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib [...] Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu ka dego todobaadkan magaalada Hargeysa isagoo sita calanka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Moscow)-Dalka Ruushka ayaa soo bandhigay nooc cusub oo diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, taas oo loo adeegsanayo hawlaha basaasida ee dhinaca milatariga. Diyaaradan drone-ka ee cusub ayaa Wasaarada Difaaca ee dalka Ruushku ay ku soo bandhigtay maalintii shalay bandhig dhinaca milatariga ah oo sanad kasta lagu qabto caasimada dalka Ruushka ee Moscow. Waxaana diyaaradan yar ee drone-ka ah loo ekaysiiyey shimbirka Baaska ama Guumaysta ay dadka soomaalidu u yaqaanaan oo cagaha hawada ku kala fidisay. Drone-kan cusub ayaa ah sidoo kale lagu hagi karaa remote-control, waxaana culayskeeda lagu sheegay 5kg oo kaliya, iyadoo duuli karta masaafo aad u dheer, loona isticmaali karo dhinaca milatariga oo kaliya. Source
  18. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud. Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Mas’uuliyiin kale Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Dibad-bax Ka Dhacay Degmada Xarshin Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristeyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-26062019.mp3 View the full article
  21. Cadaado (Caasimada Online) – Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhafaay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Godinlabe, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dawlada. Madaxweynaha Galmudug, ayaa wafdigan u soo galbiyay magaalada Cadaado oo xarun u ah Baarlamaanka Galmudug, halkaas oo Caawa ay ka bilaabanaya wadahaalo si uu ugala hadlo xal u helida caqabadaha siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in kulamada ilaa iyo beri kadib uu gelinka danbe ee Khamiista dib ugu laabto magaalada Dhuusa-Mareeb, halkaas oo sida qorshuhu yahay la geynayo madaxweynaha Galmudug Xaaf oo habeen ka hor gaaray Cadaado. Caasimada Galmudug ayaa la filayaa in looga dooda arrimo ay kamid yihiin cida sugeysa amaanak doorashada, iyadoo Ra’iisul Wasaare Khayre uu daneynayo in Ciidamo Boolis ah la geeyo magaalada oo laga qaadayo Muqdisho, halka Ahlu-Suna ay ku doodeyso iney iyaga ku filan yihiin sugida amaanka doorashada. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com