-
Content Count
208,784 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre oo shalay galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa maanta socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo. PUNTLAND POST The post Khayre: Mowqifka dowladda waa In La dhamaystiraa day’adaha dowladeed ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saaka aroortii hore uu ka bilowday gudaha degmadaasi. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Khasaare leh dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay. Warar heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka dhashay muran ka dhashay Jidgooyo ay isku qabteen Maleeshiyaadkaasi hubeysan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa daryanka hubka culus. Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku baxay xiisadan, maana muuqato xal waara oo laga gaaray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in dib loogu noqdo heshiis hordhac ahaa oo horey u dhex maray dowladda federaalka ah iyo kooxda Ahlu-Sunna, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Heshiiskan oo intiisa badan la gaaray intii uusan Xaaf ogolaan in doorasho ka dhacdo Galmudug, ayaa dhigayey in dowladda ay kooxda Ahlu-Sunna siiso xilka wasiirka arrimaha gudaha, safiiro iyo lacag dhowr milyan oo dollar ah, si ay dowladda ugala shaqeyso in meesha laga saaro Xaaf. Si kastaba, kadib markii Xaaf si lama filaan ah u sheegay inuu dowladda la heshiiyey kana furtay Ahlu-Sunna, ayaa wax walba is-beddeleen waxaana dowladda ay dareentay inaysan ku qasbaneyn in ay Ahlu-Sunna la gasho gorgorton siyaasadeed. Waxyaabaha ra’iisul wasaraaha diiday ayaa waxaa ka mid ah lacag afar milyan oo dollar ah oo markii hore labada dhinac ay si mabda’ ahaan isugu raaceen, inkasta oo xilalka qaar uu weli ogol yahay. Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusomareeb u sheegay madaxda Ahlu-Sunna in maadaama hadda Xaaf uusan ahayn madax lagu gorgortomo aysan dowladda ku qasbaneyn inay wax badan ku bixiso ogolaanshaha Ahlu-Sunna ee doorasho dhacdo. Inkasta oo Ahlu-Sunna ay si shaacsan u sheegtay inay raali ka tahay doorasho dhacdo, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay aad uga carrootay hadalka ra’iisul wasaare Kheyre, una aragtay mid muujinaya in dowladda ay tahay danaysato. Dhinacyada ayaa la filayaa in wada-hadallo dheeraad ah yeeshaan ka hor doorashada Galmudug ayada oo Ahlu-Sunna ay rumeysan tahay in dowladda ay ku qasban tahay inay sida ay doonto u yeesho maadaama aan Galmudug laga dhisi karin maamul aysan raali ka ahyan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeya (Caasimada Online) – Wararka ka soo baxaya kulan-hawleedka salaasadii shalay magaalada Nairobi ka qabsoomay ayaa sheegaya in aanay haba yaraato ee ka soo xaadirin masuuliyiintii la filayey in ay dhinaca Soomaaliya ku metelaan kulankaas oo lagu sheegay in uu gogolxaadh u yahay bilowga wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kale oo iyaguna kulanka ka maqnaa diblumaasiyiin badan oo hore loo shaaciyey in ay iman doonaan. Kulankan waxaa Somaliland uga qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), maareeyaha hay’adda duulista iyo hawada mudane cabdi Maxamed Rodol iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Mudane Baashe Cawil Cumar. Laakiin waxa aan shirka ka soo xadirin masuuliyiintii hore loo shaaciyey in ay Soomaaliya ku meteli doonaan kulanka, oo ahaa madaxa shaqaalaha madaxweyne Farmaajo, Dr. Nuur Diiriye Xirsi iyo ku xigeenkiisa Cabdisataar Geelle. Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in kulanku uu ahaa kulan-hawleed ama waxa siminaarka loo yaqaanno oo hawlihiisa iyo qaban qaabadiisu ay u gaar ahayd xarunta ‘Centre for Humanitarian Dialogue’ iyadu ay diyaarsatay ajandaha iyo mawduuca kulanka, kaddibna ku casuuntay diblumaasiyiinta beesha caalamka ee ay magacyadooda xustay iyo labada dawladood. Warku waxa uu intaas ku darayaa in xarunta Centre for humanitarian dialogue aanay ujeedada iyo imaanshiyaha kulankan kala hadal dawladda Soomaaliya, balse ay si madaxbannaan u casuuntay labada masuul ee magacyadooda la shaaciyey oo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee madaxtooyada Soomaaliya. Halka dhinaca Somaliland, uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda somaliland mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xarunta ka tirsan, uu xukuumadda Somaliland kulankan u tusay in uu gogolxaadh u noqon doono wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Maadaama oo ay diblumaasiyiin badani imanayaanna u dan u yahay Somaliland. Arrintaas oo sabab u noqotay in masuuliyiin miisaan leh oo dhinaca Somaliland ka socdaa ay shirka tagaan. Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka war heshay labada masuul ee shirkan sida shakhsiga ah uga qaybgalaya, kuna canaanatay in ay si dhaqso ah uga joogaan, cadeeyaanna mawqifka runta ah ee ay Soomaaliya ka taagan tahay oo ah diidmo. Madaxa shaqaalaha madaxweynaha Soomaaliya, oo ahaa masuulka ugu sarreeyey ee dawladda Soomaaliya ka tirsan ee shirka tegi lahaa ayaa isla saacadihii hore ee bilowga wada hadallada waxa uu bartiisa twitter ka ku faafiyey qoraal uu ku deedifaynayo kulanka, isaga oo sheegay in wakiilo dawladda Soomaaliya ka socdaa aanay kulanka Nairobi ka qaybgeli doonin. Nuur waxa uu qoraalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la yeelato Somaliland, laakiin waxa uu ku xidhay shardi ah in ay noqdaan kuwo marka hore laga sii heshiiyey, halka suurtagalka ah ee ay ka qabsoomayaan, ajandaha laga wada hadlayo iyo cidda ka qaybgelaysa. Dadka arrimaha siyaasadda gorfeeya ayaa aaminsan in kala sarraynta heerka ergada kulankan uga qaybgelaysay labada dawladood uu diblumaasiyad ahaan nusqaan ama bah-dil ku ahaa Somaliland, marka lagu daro in wakiillada dawladda Soomaaliya aanay ka soo qaybgelin iyo qoraalka masuulka Soomaaliya uu bartiisa Twitter ka dhigay, waxa ay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay xukuumadda Somaliland ay ka taxaddarto heerka metelaadda ee kulamada ay ka qaybgelayso iyo in ay qorshe cad ka yeelato ergada rasmiga ah ee kulamada wada hadallada mustaqbalka uga qaybgeli doona. Si kastaba ha ahaato ee xukuumadda Somaliland ayaa iyadu sheegtay in go’aankeedu yahay in ay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku hor fadhiisato masuul kasta oo Soomaaliya soo dirato darajo kasta oo uu yahay, sida uu caddeeyey wasiirka arrimaha dibadda oo Idaacadda BBC la hadlay. Dhinaca kalana wakiilka Somaliland ee dalka Kenya ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa Facebook ku sheegay in waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibaddu ay ku faraxsan yihiin ka qaybgalka shirkan ku saabsanaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Baashe waxa uu sheegay in Somaliland wax laga qoomamoodo ay u aragto in dawladda Federaalka Soomaaliya aanay ka faa’iidayn fursaddan lagu sii wadi lahaa waxa xaajoodka, taasina ay calaamad u tahay fawdada iyo wacad la’aanta ka jirta qaabka ay Filla Soomaaliay doonayso in ay u marto iskaashi nabdoon oo ay la yeelato Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
The newly appointed UN envoy in Somalia on Wednesday lauded the critical role played by the African Union troops in ongoing efforts to stabilize Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Cabdirashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa la dejiyey xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Janan uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka raadineyso albaab ay ka gasho, xilli ay aad isku khilaafsan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa horey u diiday in dowladda federaalka ah ay wax kaalin ama korjoogto ah ku yeelato doorashada madaxweynaha Jubaland. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu habeenimadii Arbacadda Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafe Cumar. Deni iyo Mustafa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socda isla markaana yeeshay kulan gaar ah kaasi oo ay dibad joog ka ahayd warbaahinta ayaa shirka kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ugu horeyntii, hogaamiyaha dowlada Puntland ayaa tilmaamay in ay lafa gureen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Puntland-Itoobiya iyo iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo ganacsiga. “Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Deni. Inkasta oo lagu casuumay, haddana Mr Jamaaludiin oo kamid ahaa madaxdii ugu horeysay ee u soo hambalyeysan Deni markii la doortay, ma uusan kasoo muuqan xafladii caleemo saarka. “Waan ku faraxsanahay in Jamaaludiin isku aragno Garowe, xiligii caleemo saarka ayuu dalka uga maqnaa safar, isaga oo ahaa safiiradii iyo madaxdii ugu horeysay ee i soo hambalyeysay,” ayuu daba dhigay. Wuxuu daba dhigay: “Safiirka oo aan rumeysanahay in uu yahay qofkii ugu mudnaa xilkan wax badana qabtay mudada uu [xafiiska] joogo waxaan rajeynayaa in uu muddo badan kusoo noqon doono halkan [Garowe]”. Geesta kale, danjiraha ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay xoojin doonto wadashaqeynta iyo xiriirka safaarada uu madaxda ka yahay la leedahay xukuumada Puntland. Balse ujeedada ugu weyn ee safarkiisa shaqo ee magaala madaxda dowladda Puntland ayuu ku qeexay in ay ahayd qiimeyn uu ku sameynayey shaqada Qunsulyadda Itoobiya ee Garowe. “Waxaan golaha wasiirada Puntland aan kawada fariisanay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ahaa ee mudan in la xoojiyo. Iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo amniga,” ayuu hadalkiisa hoosta ka xariiqay. Ugu dambeyntii, Jamaaludiin oo Soomaali-Itoobiyaan ah ayaa bogaadiyey wax-qabadka xukuumada Deni mudada bilooyinka ah ee ay shaqeyneyso sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’addaha dowladda. “Safaarad ahaan iyo Qunsulyada halkan waanu xoojin doonaa wadashaqeynta iyo xiriirka nagala dhaxeysa Puntland, waana ka mahad-celinayaan soo dhaweynta diiran,” ayuu xusay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa shalay socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hor yimid munaasibadii loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 59-aad ee 26-kii June. Mustafe Shiine ayaa sheegay inuusan qabin in loo dabaal-dego maalintaasi, isagoona xusey inay jirin wax ay Somaliland ugu dabaal-degto munaasibadaasi. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Somaliland ay ku hungoowday midowgii Somaliweyn, kaasi oo uu ku tilmaamay kuwo uun gumaysi diir madow oo aanay u qudh-qudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii ay reer Somaliland xiligaasi waday. Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Waxaa loo dabaaldegay sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay maalintaynu qaadanay calankii aan toddobaad bixin ee aynu 4 maalmood kadib, geynay Muqdisho. Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in aanay jirin waxaynu u dabaaldegnaa maalintan, keliya waxa aynu xusi karaynaa in ay bulshada reer Somaliland halgan dheer oo mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba leh, kadib aynu ku guuleysanay inaynu gumeysigii cadaa ee Boqortooyada Ingiriiska ahaa uu inaga tegay, balse aynaan hanan oo maalmo uun kadib, aynu tuurnay, iyadoo ay Ina qaaday jibadii ahayd Somaliweyn. 30 sano kadib, ayaa lagu soo dhiciyay dhiig, kadib markii lagu hungoobay dadkii aynu isku muuqa iyo afka ahayn ee ay ina dagtay walaalnimadoodu, kuwaasi oo ahaa uun gumaysi diir madow oo aanay u qudhqudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii waday reer Somaliland. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa habeenkaa oo aan anaguna London ku xusi doono aan anigu u aqaan inuu yahay mid laga dhaxlay cashar nololeed oo aanay ummadda reer Somaliland marnaba dib ugu dhici doonin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed is a very lucky man. He has survived three attempts to kill or overthrow him in the past year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar___Qubanaha-26062019-GG.mp3 View the full article
-
Academics from Cardiff University are visiting Somaliland to develop research collaborations on some of the country’s most pressing issues. The Cardiff-Somaliland Working Group was set up to forge closer links between members of the Somaliland community in the city, academic staff and the Government of Somaliland. During the week-long trip, experts from a variety of disciplines across the university are exploring how their research can help the country as it rebuilds and recovers from civil war. Cardiff, which was a major port for coal exportation in the 19th and early 20th centuries has strong historical links with Somaliland. Thanks to the pioneer Somali seaman who worked and then settled in the city, the Welsh capital is now home to one of the largest and most established Somali communities in the UK. The partnership project stemmed from research which was led by Dr Richard Gale, Dr Andrew Williams and Ali Abdi, in collaboration with Cardiff’s Somali community and funded by the University’s Community Gateway programme. Dr Gale, based at the School of Geography and Planning, said: “We cannot underestimate the contribution the Somali population have made to the Cardiff we see today. Our research, which was carried out collaboratively with the community, aimed to understand this rich history further and has now led to important links being made with the country of Somaliland. We are looking forward to meeting with the Government there to explore how the University can assist them in developing a prosperous, sustainable economy.” A number of areas will be discussed and investigated during the trip. Professor John Pickett from the School of Chemistry will be meeting with discussing pest control and the health of livestock. Dr Rhys Jones from the School of Biosciences will be considering how cultivating certain plant species could sustain agricultural livelihoods. Dr Richard Gale and Nasir Adam from the School of Geography and Planning will be investigating how their research can assist with urban livelihoods and youth employment. Members of the University’s Water Research Institute will be offering expertise on water sustainability. Health education and women’s health, as well as forestry and environment are also issues that will be explored. Nasir Adam, who is doing his PhD on the Somali community in Cardiff, said: “The Somaliland community is one the oldest communities here in Wales and as Welsh Somalilander I truly believe that this is a timely piece of research both among Somali diaspora here in Cardiff and Somaliland. “Until now, robust research has been limited; it will not only have a huge impact on the diaspora community here in Wales, but it will also have a fundamental impact in understanding needs of young people in Somaliland. Most importantly the research will cement sustainable partnership with civil societies, non-government organisations, youth organisations and academic institutions.” Cardiff University Vice-Chancellor Professor Colin Riordan commended the aims of the project. “As Somaliland consolidates its path to reconstruction, it presents a powerful example of hope and recovery to many other societies, particularly those emerging from civil war. These are challenges in which Cardiff University is keen and well-placed to assist. “I look forward to the opportunities this partnering project creates for future dialogue and cooperation.” Welsh Government Minister for International Relations Eluned Morgan said: “The progress of the project, which focuses on assisting the Somaliland Government to achieve a number of its UN Sustainable Development Goals with funding from the Global Challenges Research Fund, will build on the strong diaspora ties that continue to connect the Cardiff community with Somaliland. “I am excited by the prospect of this project and the benefits it will bring to the people of Wales and Somaliland.” Cardiff university Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in caawa ay weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duulaanka oo la sheegay in uu ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah, wallow illaa iyo haatan aanan la ogeyn khasaaraha soo kala gaarey labada dhinac. Saraakiisha ciidanka xooga illaa iyo haatan kama aysan hadlin iska hor-imaadka oo la tibaaxay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna ay socotay in muddo ah. Sikastaba ha ahaatee, Buulo Mareer oo Koonfur Bari kaga taala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay qiyaastii 120 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
Held captive by gun-toting smugglers at a warehouse in southern Libya, newlywed Somali refugee Maryam* was taken from her husband Ahmed* and raped — repeatedly — over several months. Only when she became pregnant was she returned to him. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Saddex ruux oo laba kamida ay askar yihiin ayaa ku geeriyootay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho markii uu dul-maray mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Midowga Afrika. Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, baabuurta ciidamada AMISOM ayaa goobta ka dhaqaaqay kadib markii ay falkaasi ay geysteen, iyagga oo aanan daqiiqado xitaa meesha ay dhibta ku geysteen ku hakan. Balse mas’uuliyiinta maamulka degaanka Lafoole ee ku dhow Ceelasha Biyaha ayaa tilmaamay in ay joojiyeen gaadiidka, isla markaana ay ka qaadeen telafoono lagala xiriiro marka loo baahdo. Taliska AMISOM illaa iyo haatan kama uusan hadlin dhacdadan oo kusoo beegmeysa iyada oo ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay xoogaga nabad-ilaalinta u jooga dalka ay shacabka iyo askarta kula kacayaan. View the full article