Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,767
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan guddi dhowaan uu golahan u saaray iney soo baaraan dhacdadii dadka lagu laayey ee ka dhacday Gaalkacyo, ayaa sheegay iney bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan ehlada dadkii la dilay. Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in halkaasi ay kasoo diyaarin doonaan warbixin dhammeystiran, iyaga oo kaashanaya xildhibaanno kale oo Gaalkacyo uga sii horreeyey. Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin ayaa sheegay in maanta ay la kulmi doonaan waxgaradka dadkii la laayay, sidoo kalena ay sameyn doonaan baaritaanno dheeraad ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/xildhibaan-axmed-macalin-fiqi-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dagaal culus oo u dhexeeya malayshiya-beeleedyo iska horjeeda ayaa saaka ka socda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan goobjoogayaal degmadaasi ku sugan. Dagaalka oo ka socda bartamaha magaalada ayaa la isu adeegsanayaa hub culus oo gariiriyay magaalada waxaana haatan dagaalku ku sii fidayaa qeybaha kale iyadoo sida la sheegayo labada dhinac ee dagaallamaya uu mid walba gurmad helayo. Wararku waxay sheegayaan in Khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaaraha halkaasi ka dhacay iyadoo wakhti hore tahay in xog fiican laga helo. Xiisadda ayaa dib ugu soo cusboonaatay degmada Wanlaweyn kadib markii dhowaan ay dilal kala duwan oo la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen gudaha degmadaasi. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka socda degmada wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
  3. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee ay saaka helayso shabakadda wararka ee Puntlandi dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed ayaa waxa uu ka socdaa [...] Source
  4. Gaalkacyo (SMN) – Wafdigan ka kooban labo gudi oo ka kala socoda Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweyeey. Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaanada golaha shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 xildhibaan ah oo uu dhawaan magacabay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo Wasirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo uu hogaaminaaya xubnaha gudiga oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Somalaiya. Xubnaha labada gudi ka koobna ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Galkacayo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo guddoomiyaha gobolka mudug ee dowlada goboleedka Galmudug ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga,waxaana ay sheegey in ay ku faraxsan yihiin in gudiyada Gaalkacayo soo gaaraan si markaasi looga wada xaajoodo 14kii bishan dhibaatadii ka dhacadey Galkacayo iyo Dhuusamareeb. Xubnaha guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo,iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wada shaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb. View the full article
  5. Wanlaweyn (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore uu dagaal xoogan ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah daaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan gudaha degmadaasi. Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlawey, mana muuqato dadaallo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
  6. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-27062019.mp3 View the full article
  7. Goroonka diyaaradaha ee magaalada Hargeisa gaar ahaan dhabada ay diyaaraduhu Ku soo dagaan ama ay ka hadaan ayaa saaka xoolo soo galeen. Xoolahaasi ayaa gacan ku haynta dhabadaasi in mudo ah gacanta ku hayay una diiday in ay soo fadhiistaan wax diyaarad ahi. Diyaarada fly Dubai oo siday rakaab tiro badan ayaa ku soo degi kari weyday madaarka Hargeysa, saaka subaxdii hore, waxana la arkaayay diyaaradaasi oo magaalada dul heehaabaysa iyada oo madaarka ka codsatay in xoolaha laga saaro, taasi oo aakhirkii si nabadgalyo ah u soo caga dhigatay. Ma la garanaayo sababta keentay in xooluhu soo galaan madaarka madaama oo dhaqaale arintaasi Ku mushaar qaadan jiray ay jiro jireen. Dhanka kalana dadka rakaabka ahaa ayaa muujiyay farxad markii ay diyaaraduhu ay la socdeen ay si nabadgalyo ah u soo fadhiisatay Arinkani kama ay hadal maamulka maadaarku in kasta oo agaasime Rodol ku joogo booqasho Nairobi, hore ayaa taar loogu xidhay madaarka si aanay xooluhu u soo galin in kastoo albaada qaar kasoo geli karaan madaarka ayaa baryahan danbe habacsanaan ka muuqaataa iyadoo la galay waqtigii fasaxa Xagaaga Qaran News
  8. Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, mas’uuliyiinta Galmudug, waxgarad iyo siyaasiyiin. Kulamadan ayaa ah kuwo looga shirayo xaaladda Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul loo dhan yahay oo aanay cidna diidaneyn. Kheyre oo shalay tagay Cadaado ayaa la kulmay madaxweyne Xaaf oo ay ka wadahadleen arrimaha hadda jira si loo dhameeyo khilaafyada, wallow aan la ogeyn kulankaasi natiijada kasoo baxday. Waxaa sidoo kale Cadaado ku kulmay xildhibaannada Labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, wasiiro kasoo jeeda maamulkaasi iyo Xasan Cali Kheyre oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka Galmudug. Maanta ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu la kulmo waxgaradka degmada Cadaado iyo sidoo kale waxgaradka Gaalkacyo oo magaaladaasi ku sugan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-wariyaha-cadaado-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa malayshiyaadka Al-shabaab kala wareegay degaanno cusub oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Degaannada ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka saareen Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah Shanlow, Saarsaare, Cadayga iyo Xanshooleey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada. Sidoo kale, saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhan ka ah malayshiyaadka Al-shabaab, ilaa laga sifaynayo degaannada ay kaga harsan yihiin gobolka Shabeellaha dhexe. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre oo shalay galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa maanta socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo. PUNTLAND POST The post Khayre: Mowqifka dowladda waa In La dhamaystiraa day’adaha dowladeed ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saaka aroortii hore uu ka bilowday gudaha degmadaasi. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Khasaare leh dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay. Warar heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka dhashay muran ka dhashay Jidgooyo ay isku qabteen Maleeshiyaadkaasi hubeysan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa daryanka hubka culus. Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku baxay xiisadan, maana muuqato xal waara oo laga gaaray. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  12. Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in dib loogu noqdo heshiis hordhac ahaa oo horey u dhex maray dowladda federaalka ah iyo kooxda Ahlu-Sunna, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Heshiiskan oo intiisa badan la gaaray intii uusan Xaaf ogolaan in doorasho ka dhacdo Galmudug, ayaa dhigayey in dowladda ay kooxda Ahlu-Sunna siiso xilka wasiirka arrimaha gudaha, safiiro iyo lacag dhowr milyan oo dollar ah, si ay dowladda ugala shaqeyso in meesha laga saaro Xaaf. Si kastaba, kadib markii Xaaf si lama filaan ah u sheegay inuu dowladda la heshiiyey kana furtay Ahlu-Sunna, ayaa wax walba is-beddeleen waxaana dowladda ay dareentay inaysan ku qasbaneyn in ay Ahlu-Sunna la gasho gorgorton siyaasadeed. Waxyaabaha ra’iisul wasaraaha diiday ayaa waxaa ka mid ah lacag afar milyan oo dollar ah oo markii hore labada dhinac ay si mabda’ ahaan isugu raaceen, inkasta oo xilalka qaar uu weli ogol yahay. Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusomareeb u sheegay madaxda Ahlu-Sunna in maadaama hadda Xaaf uusan ahayn madax lagu gorgortomo aysan dowladda ku qasbaneyn inay wax badan ku bixiso ogolaanshaha Ahlu-Sunna ee doorasho dhacdo. Inkasta oo Ahlu-Sunna ay si shaacsan u sheegtay inay raali ka tahay doorasho dhacdo, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay aad uga carrootay hadalka ra’iisul wasaare Kheyre, una aragtay mid muujinaya in dowladda ay tahay danaysato. Dhinacyada ayaa la filayaa in wada-hadallo dheeraad ah yeeshaan ka hor doorashada Galmudug ayada oo Ahlu-Sunna ay rumeysan tahay in dowladda ay ku qasban tahay inay sida ay doonto u yeesho maadaama aan Galmudug laga dhisi karin maamul aysan raali ka ahyan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Hargeya (Caasimada Online) – Wararka ka soo baxaya kulan-hawleedka salaasadii shalay magaalada Nairobi ka qabsoomay ayaa sheegaya in aanay haba yaraato ee ka soo xaadirin masuuliyiintii la filayey in ay dhinaca Soomaaliya ku metelaan kulankaas oo lagu sheegay in uu gogolxaadh u yahay bilowga wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kale oo iyaguna kulanka ka maqnaa diblumaasiyiin badan oo hore loo shaaciyey in ay iman doonaan. Kulankan waxaa Somaliland uga qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), maareeyaha hay’adda duulista iyo hawada mudane cabdi Maxamed Rodol iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Mudane Baashe Cawil Cumar. Laakiin waxa aan shirka ka soo xadirin masuuliyiintii hore loo shaaciyey in ay Soomaaliya ku meteli doonaan kulanka, oo ahaa madaxa shaqaalaha madaxweyne Farmaajo, Dr. Nuur Diiriye Xirsi iyo ku xigeenkiisa Cabdisataar Geelle. Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in kulanku uu ahaa kulan-hawleed ama waxa siminaarka loo yaqaanno oo hawlihiisa iyo qaban qaabadiisu ay u gaar ahayd xarunta ‘Centre for Humanitarian Dialogue’ iyadu ay diyaarsatay ajandaha iyo mawduuca kulanka, kaddibna ku casuuntay diblumaasiyiinta beesha caalamka ee ay magacyadooda xustay iyo labada dawladood. Warku waxa uu intaas ku darayaa in xarunta Centre for humanitarian dialogue aanay ujeedada iyo imaanshiyaha kulankan kala hadal dawladda Soomaaliya, balse ay si madaxbannaan u casuuntay labada masuul ee magacyadooda la shaaciyey oo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee madaxtooyada Soomaaliya. Halka dhinaca Somaliland, uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda somaliland mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xarunta ka tirsan, uu xukuumadda Somaliland kulankan u tusay in uu gogolxaadh u noqon doono wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Maadaama oo ay diblumaasiyiin badani imanayaanna u dan u yahay Somaliland. Arrintaas oo sabab u noqotay in masuuliyiin miisaan leh oo dhinaca Somaliland ka socdaa ay shirka tagaan. Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka war heshay labada masuul ee shirkan sida shakhsiga ah uga qaybgalaya, kuna canaanatay in ay si dhaqso ah uga joogaan, cadeeyaanna mawqifka runta ah ee ay Soomaaliya ka taagan tahay oo ah diidmo. Madaxa shaqaalaha madaxweynaha Soomaaliya, oo ahaa masuulka ugu sarreeyey ee dawladda Soomaaliya ka tirsan ee shirka tegi lahaa ayaa isla saacadihii hore ee bilowga wada hadallada waxa uu bartiisa twitter ka ku faafiyey qoraal uu ku deedifaynayo kulanka, isaga oo sheegay in wakiilo dawladda Soomaaliya ka socdaa aanay kulanka Nairobi ka qaybgeli doonin. Nuur waxa uu qoraalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood la yeelato Somaliland, laakiin waxa uu ku xidhay shardi ah in ay noqdaan kuwo marka hore laga sii heshiiyey, halka suurtagalka ah ee ay ka qabsoomayaan, ajandaha laga wada hadlayo iyo cidda ka qaybgelaysa. Dadka arrimaha siyaasadda gorfeeya ayaa aaminsan in kala sarraynta heerka ergada kulankan uga qaybgelaysay labada dawladood uu diblumaasiyad ahaan nusqaan ama bah-dil ku ahaa Somaliland, marka lagu daro in wakiillada dawladda Soomaaliya aanay ka soo qaybgelin iyo qoraalka masuulka Soomaaliya uu bartiisa Twitter ka dhigay, waxa ay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay xukuumadda Somaliland ay ka taxaddarto heerka metelaadda ee kulamada ay ka qaybgelayso iyo in ay qorshe cad ka yeelato ergada rasmiga ah ee kulamada wada hadallada mustaqbalka uga qaybgeli doona. Si kastaba ha ahaato ee xukuumadda Somaliland ayaa iyadu sheegtay in go’aankeedu yahay in ay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku hor fadhiisato masuul kasta oo Soomaaliya soo dirato darajo kasta oo uu yahay, sida uu caddeeyey wasiirka arrimaha dibadda oo Idaacadda BBC la hadlay. Dhinaca kalana wakiilka Somaliland ee dalka Kenya ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa Facebook ku sheegay in waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibaddu ay ku faraxsan yihiin ka qaybgalka shirkan ku saabsanaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Baashe waxa uu sheegay in Somaliland wax laga qoomamoodo ay u aragto in dawladda Federaalka Soomaaliya aanay ka faa’iidayn fursaddan lagu sii wadi lahaa waxa xaajoodka, taasina ay calaamad u tahay fawdada iyo wacad la’aanta ka jirta qaabka ay Filla Soomaaliay doonayso in ay u marto iskaashi nabdoon oo ay la yeelato Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. MIAMI (Reuters) - Democratic presidential contenders battled over healthcare coverage and border policy on Wednesday during a surprisingly heated first debate that laid bare the party’s divisions on whether to abolish private insurance and shift to a Medicare-for-All system. Source: Hiiraan Online
  15. OTTAWA (Reuters) - Canadian unemployment is at an all-time low and businesses have a message for politicians ahead of October’s national election: We need immigrant workers so do not make the campaign about keeping them out. Source: Hiiraan Online
  16. German carmaker Volkswagen has reportedly picked Turkey for its new factory investment. Reports started to emerge after VW CEO Herbert Diess paid a visit to Turkey last week and met President Recep Tayyip Erdoğan. Source: Hiiraan Online
  17. LONDON (Reuters) - Boris Johnson, the favorite to become British prime minister, said the chances of Britain leaving the European Union without a deal are “a million-to-one” even as he repeated his promise to leave the bloc without a deal by the end of October. Source: Hiiraan Online
  18. The newly appointed UN envoy in Somalia on Wednesday lauded the critical role played by the African Union troops in ongoing efforts to stabilize Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. United Nations members urged the U.S. and Iran Wednesday to step back from the brink of war and prevent an escalation of tensions. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Cabdirashiid Janan oo ka mid ah Xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa la dejiyey xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in socdaalka Janan uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka raadineyso albaab ay ka gasho, xilli ay aad isku khilaafsan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa horey u diiday in dowladda federaalka ah ay wax kaalin ama korjoogto ah ku yeelato doorashada madaxweynaha Jubaland. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu habeenimadii Arbacadda Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafe Cumar. Deni iyo Mustafa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socda isla markaana yeeshay kulan gaar ah kaasi oo ay dibad joog ka ahayd warbaahinta ayaa shirka kadib si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ugu horeyntii, hogaamiyaha dowlada Puntland ayaa tilmaamay in ay lafa gureen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya si gaar ah Puntland-Itoobiya iyo iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo ganacsiga. “Itoobiya waa dowlad saaxiib la ah Puntland, muddo adag oo ay ku jirtay Puntland soo garab-taagneyd, haddana aan rajeynayo in ay garab taagnaan doonto,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Deni. Inkasta oo lagu casuumay, haddana Mr Jamaaludiin oo kamid ahaa madaxdii ugu horeysay ee u soo hambalyeysan Deni markii la doortay, ma uusan kasoo muuqan xafladii caleemo saarka. “Waan ku faraxsanahay in Jamaaludiin isku aragno Garowe, xiligii caleemo saarka ayuu dalka uga maqnaa safar, isaga oo ahaa safiiradii iyo madaxdii ugu horeysay ee i soo hambalyeysay,” ayuu daba dhigay. Wuxuu daba dhigay: “Safiirka oo aan rumeysanahay in uu yahay qofkii ugu mudnaa xilkan wax badana qabtay mudada uu [xafiiska] joogo waxaan rajeynayaa in uu muddo badan kusoo noqon doono halkan [Garowe]”. Geesta kale, danjiraha ayaa dhinaciisa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay xoojin doonto wadashaqeynta iyo xiriirka safaarada uu madaxda ka yahay la leedahay xukuumada Puntland. Balse ujeedada ugu weyn ee safarkiisa shaqo ee magaala madaxda dowladda Puntland ayuu ku qeexay in ay ahayd qiimeyn uu ku sameynayey shaqada Qunsulyadda Itoobiya ee Garowe. “Waxaan golaha wasiirada Puntland aan kawada fariisanay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ahaa ee mudan in la xoojiyo. Iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo amniga,” ayuu hadalkiisa hoosta ka xariiqay. Ugu dambeyntii, Jamaaludiin oo Soomaali-Itoobiyaan ah ayaa bogaadiyey wax-qabadka xukuumada Deni mudada bilooyinka ah ee ay shaqeyneyso sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’addaha dowladda. “Safaarad ahaan iyo Qunsulyada halkan waanu xoojin doonaa wadashaqeynta iyo xiriirka nagala dhaxeysa Puntland, waana ka mahad-celinayaan soo dhaweynta diiran,” ayuu xusay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
  22. Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug. Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa shalay socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com