Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,784
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Geeljire Oo Sheegay In Ganacsato Ka Dambeyso Go’aanka Sucuudiga Ee Xoolaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Cadaado (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gooni gooni ah oo xalay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Kulamadan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo xalay ku hoyday gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa kulamada ka qeybgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole oo ka soo soo jeeda maamulkaasi. Shirarkan ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan sida loo wajahayo doorashada maamulkaaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax natiijo ah aan la gaarin, balse lagu ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya halkaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Galgaduud ayaa dadaal xoogan ku bixinaya xalinta xiisadaha taagan Galmudug. Khayre ayaa horay ugu dhawaaqay in doorashada lagu qabanayo Dhuusamareeb, halka taasina uu ka soo horjeedo Xaaf. Afarta bisha soo socota ee Julay ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada, balse waxaa weli jira caqabada ka horreeya oo u baahann xalin deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay. Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda. “Duddadaanu ahayne, Dawlad soo gashay ma ihine, danteennaa laba diiddaye, Dabuub aannu maqlaynay, dareen baannu ka qabnaayoo, dugsigii Baarlamaankiyo, Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, doonniyi yaanay ku leexan”. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan xalay, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” Source
  5. Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleystay iney xalliyaan khilaaf u dhaxeeyey beello walaalo ah oo ku dhaqan degmadaasi iyo nawaaxigeeda. Beelahan ayaa kala dhacay inta khilaafkoodu jiray Labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyosidoo kale Saddex neef oo geel ah. Guddoomiyaha degmada Warsheekh, Korneyl Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa isku keenay waxgaradka Labadan beel, si loo dhammeeyo khilaafkan. Heshiis kadib waxay beelahan isku celiyeen gaadiidkii iyo xoolihii ay kala dhaceen, iyadoo waxgaradku uu ballanqaaday ineysan arrintan oo kale soo noqon doonin. Guddoomiye Shiidka ayaa ugu baaqay beelahan walaalaha ah iney iska cafiyaan wax walbo oo dhacay, sidoo kalena lagu dedaalllo in mar kale aysan dhicin falkan oo kale. Hoos ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT- Tripole)-Dowlada Liibiya ee ay caalamka aqoonsan yihiin ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda dib ula wareegeen magaalada istaraatijiga ah ee Gharyan ka dib dagaal ay la galeen ciidamada mucaaradka. Gharyan ayaa ahayd magaalada saldhig ay gurmad dhanka saadka ah ka helaan dagaalyahanada daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar ee weerarka ku ah caasimada Liibiya ee Tripole. Ciidamada Hafdar ayaa magaladan oo ku taalla Koonfurta Tripoli, gacanta ku hayay tan iyo 2 bishii April markaasi oo ay duulaan xooggan caasimada ay kaga soo qaadeen dhanka bari iyo Koonfur. Ciidamada qaranka Liibiya wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada daacadda u ah dowladda Liibiya ay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen magalada Gharyan oo ku dhaw caasimadda. Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Liibiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qabsashada ay qabsadeen magalada Gharyan “ay guul muhim ah u tahay” taasi oo horseedi karta jabka ciidamada xoogaga uu hogaamiyo Haftar. Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay sawiro muujinaya ciidamada dowladda midnimada qaran ku sugan gudaha magaalada islamarkana soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay yihiin dagaalyahanada Janaraal Haftar. Dalka Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa qas iyo jahwareer tan iyo xukunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi Muammar Gaddafi 2011. Tiro dad ah ayaa ku dhintay tan iyo intii ciidamada Khaliifa Xafdar ay weerarka ku soo qaadeen dowladda midnimada qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobey taasi oo uu hogaamiyo rai’sul wasaare Fayez al-Serra. Janaraal Haftar ayaa waxa uu awood ku lahaa bariga Liibiya,waxayna xulafadiisa sheegeen inay doonayaan in ay dib u soo celiyaan ammaanka ayna la dagaalamaan “argagixisada”. Source
  7. Cadaado (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasal Cali Khayre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Ra’iisul wasaaruhu uu la qaadanayo Xaaf, Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada BFS ee ku sugan halkaasi Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saarayaa xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khayre saacadaha soo socda uu booqan doono degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khayre ayaa dadaallo nabadeed oo xal raadin ah ka wada deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  8. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka qeyb galay Shir Sanadeedka Hay’adaha Hantidhowrada Afrika oo sannadkiiba hal mar laqabto loogana hadlo Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha kaas oo sannadkan ka dhacacaya Caasimadda Kigaali ee Dalka Rwanda. Shirkaan oo socon doona 24-28 Bishaan June 2019 ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan Hantidhowrada Dowladaha ku mideysan AFROSAI-E. Waxaana diiradda lagu saarayaa “ka shaqeynta Horumarinta Hantidhawrada Afrika iyo soo bandhigidda shaqo wanaagga laga rabo Hantidhowrada Africa shaqaalahooda iyo waxbarashadooda si loo wanaajiyo kartida & habdhaqanka shaqo ee shaqaalaha Hantidhowrka”. Dhanka kale, Madasha kulanka Hantidhowrradda Afrika ayaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranku waxaa uu kusoo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka dalkeenna Soomaaliyeed, iyadoona lagu ammaanay sida ay u soo bandhigeen Xubnihii matalayay XHGQ. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka hantidhorka AFrika appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Yemen)-Saraakiil ka tirsan dagaal-yahanada xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu hormarinayo gantaalaha difaaca iyo hubka kale Ballistic-da oo ay u adeegsadaan Weerarada. Jenaral Yaxya Saree oo ka mid ah saraakiisha xuutiyiinta ayaa tilmaamay isbadaladan la arki doono, sida ugu dhaqsiyaha Badan. Gantaalaha difaaca ayaa qaban doona madaafiicda-da ay soo tuurayaan isbaheysiga sacuudiga waxaana ay tani noqon doontaa markii ugu horeysay ee Taariikhda Yemen ay hesho gantaalaha Casriga. Sargaal diiday magaciisa ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ay ka shaqeynayaan difaaca sharafta iyo diinta shacabka Yemen. Arintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii dagaal-yahanada xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen saldhig Milatari oo ku yaal koonfurta Sacuudiga. Source
  10. Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la xiriirnay, dagaalkan ayaa ka bilowday goob gaadiidka lacag looga qaado oo maleeshiyaadkan isku qabsadeen. Dagaalkan oo markii hore ka bilowday galbeedka degmada Wanlaweyn ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa in uu ka dhex socdo xaafadaha qaar ee degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhimatay Labo qof oo mid haweeney ahayd, waxaana jira dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo dad kale oo rayid ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Magaalada Garoowe waxaa hadda shir jaraa’id kaga dhawaaqaya inay iscasilayaan dhammaan xubnaha gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo la soo dhisay xilligii xukuumaddii [...] Source
  12. (SLT-Qaza)-Hogaamiye-yaasha Falastiin aan ka hor yimid shirka nabadeynta iyo dhaqaalaha ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Manama ee caasimada Baxreyn. Shirka oo socday laba maalin ayaa waxaa hormuud ka ahaa la-taliyaha aqalka cad ee Mareykanka, Jared Kushner. Madaxda Falastiin ayaa tilmaamay in shirkaan markii horeba ay ka soo hor jeedeen maadama uu ahaa mid aan lagu qeexin mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda una xaglinaya Israa’iil. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaalaha $50 Billion oo uu wax ka qabanayo amniga sarena uu u qaadi doono kobaca dhaqaale ee bariga Dhexe. Hanan Ashrawi oo ka tirsan saraakiisha xoreynta Falastiin oo loo yaqaan (PLO) ayaa sheegay in ay ka soo horjeedan shirka lagu soo afmeeray magaalada Banama. Jared Kushner oo ah wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump ayaa gabagabadii shirka ku booriyay madaxda Falastiin ee dibad jooga ka ah shirka ay aqbalaan heshiisyadii lagu saxiixay Shirka. Source
  13. (SLT-Moscow)-Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in diyaarad rakaab oo nooceedu aahaa ANTINOV 24 ay si degdeg ah u caga-dhigatay garoon ku yaalla magaalada Nizhenangarask oo ka tirsan Jamhuuriyadda Buryatia ee Federalka Raashiya. Diyaaraddaasi oo saaka ku sii magaalada Ulan Ude, ayaa la sheegay inay cilladi ka qabsatay dhanka Matoorka, waxayna Duuliyayaasha go’aansadeen inay dib ugu laabteen garoonkii ay markii hore ka soo duuleen. Xoghayaha Warfaafinta ee Gobalkaasi, Aleksi Fishev ayaa sheegay inay 2 duuliye ku geeriyootay, 7 qof oo rakaab ahna ku dhawaacmeen xilligii ay Diyaaraddaasi si degdegga ah ugu degtay garoonka. Waxa kale oo uu sheegay in Diyaaradda burburtay laga soo badbaadiyey 42 qof oo dad qaangaar ah iyo ilmo yar oo ka mid ahaa rakaabkii la socday Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Angara Airlines. Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo dood dhinaca Badda ah haatan ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa markale u geftay dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Moses Kuria oo ka hadlayay muranka Bada ayaa xusay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya, taas oo uu gar darro ku tilmaamay. Waxa kale uu dowladda Kenya kula taliyay in ay isticmaasho awoodeeda Milatari, iskana celiso Soomaaliya. Xildhibaankan ayaa sidoo kale dowladdiisu ka codsaday in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay kala soo baxdo gudaha Soomaaliya. Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal. Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaaban doono bisha September ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. (SLT-Delhi)-Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu ka xanuunsaday dil toddobaadkii hore loo gaystay nin muslim ah oo u dhashay Hindiya. Weerarka lagu dilay ninkaan ayaa waxaa geestay koox dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qowmiyada Hinduuga. Modi ayaa waajahayay dhaleeceyn ku aadan sida adag aanu kaga hadlin beegsiga dadka Hinduuga ah ku hayaan Musliniinta Hindiya. Isaga oo ka hadlayay xarunta baarlamaanka ayaa wuxuu yidhi wey i xanuujisay dilka ninkaan dhalinyarada ah loogu geestay degmada Jharkhand. Modi ayaa intaa raaciyay in sharciga uu ciqaabi doono kuwii ka danbeeyay dilkaan foosha Xun. Laamaha booliska magaalada Jharkhand ayaa xabsiga dhigay 11 qof oo lala xidhiidhinayo in dilkaan ay ku lug Lahaayeen. Tabrez Ansari oo 24 jir ahaa ayaa 12 saac oo xidhiidh ah garaacis lagu waday iyadoo ugu danbeyn maalintii Sabtida uu dhaawacaasi ugu geeriyooday Cisbitaalka. Source
  16. Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey howlgal ballaaran oo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Taliyaha qeybtan, Jeneraal C/raxmaan Maxamed Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan oo ah wejiga Koowaad ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada iyo degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose. Wuxuu tilmaamay in howlgalkan uu wejiyo kale leeyahay, balse ma aanu sheegin meesha iyo xilliga ay bilaabayaan wejiyada kale ee howlgalka. Dhinaca kale, taliye C/raxmaan ayaa sheegay in ay rajeynayaan iney sanad gudahiisa ay Al-shabaab uga saaraan deegaannada K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Warcade-Q60aad-Howgal.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan guddi dhowaan uu golahan u saaray iney soo baaraan dhacdadii dadka lagu laayey ee ka dhacday Gaalkacyo, ayaa sheegay iney bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan ehlada dadkii la dilay. Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in halkaasi ay kasoo diyaarin doonaan warbixin dhammeystiran, iyaga oo kaashanaya xildhibaanno kale oo Gaalkacyo uga sii horreeyey. Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin ayaa sheegay in maanta ay la kulmi doonaan waxgaradka dadkii la laayay, sidoo kalena ay sameyn doonaan baaritaanno dheeraad ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/xildhibaan-axmed-macalin-fiqi-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dagaal culus oo u dhexeeya malayshiya-beeleedyo iska horjeeda ayaa saaka ka socda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan goobjoogayaal degmadaasi ku sugan. Dagaalka oo ka socda bartamaha magaalada ayaa la isu adeegsanayaa hub culus oo gariiriyay magaalada waxaana haatan dagaalku ku sii fidayaa qeybaha kale iyadoo sida la sheegayo labada dhinac ee dagaallamaya uu mid walba gurmad helayo. Wararku waxay sheegayaan in Khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaaraha halkaasi ka dhacay iyadoo wakhti hore tahay in xog fiican laga helo. Xiisadda ayaa dib ugu soo cusboonaatay degmada Wanlaweyn kadib markii dhowaan ay dilal kala duwan oo la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen gudaha degmadaasi. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka socda degmada wanlaweyn appeared first on Puntland Post.
  19. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee ay saaka helayso shabakadda wararka ee Puntlandi dagaal u dhexeeya laba malayshiya beeleed ayaa waxa uu ka socdaa [...] Source
  20. Gaalkacyo (SMN) – Wafdigan ka kooban labo gudi oo ka kala socoda Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweyeey. Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaanada golaha shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 xildhibaan ah oo uu dhawaan magacabay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo Wasirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo uu hogaaminaaya xubnaha gudiga oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Somalaiya. Xubnaha labada gudi ka koobna ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Galkacayo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo guddoomiyaha gobolka mudug ee dowlada goboleedka Galmudug ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga,waxaana ay sheegey in ay ku faraxsan yihiin in gudiyada Gaalkacayo soo gaaraan si markaasi looga wada xaajoodo 14kii bishan dhibaatadii ka dhacadey Galkacayo iyo Dhuusamareeb. Xubnaha guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo,iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wada shaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb. View the full article
  21. Wanlaweyn (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore uu dagaal xoogan ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah daaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan gudaha degmadaasi. Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda halkaasi. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlawey, mana muuqato dadaallo looga hortagayo xiisadaasi. View the full article
  22. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-27062019.mp3 View the full article
  23. Goroonka diyaaradaha ee magaalada Hargeisa gaar ahaan dhabada ay diyaaraduhu Ku soo dagaan ama ay ka hadaan ayaa saaka xoolo soo galeen. Xoolahaasi ayaa gacan ku haynta dhabadaasi in mudo ah gacanta ku hayay una diiday in ay soo fadhiistaan wax diyaarad ahi. Diyaarada fly Dubai oo siday rakaab tiro badan ayaa ku soo degi kari weyday madaarka Hargeysa, saaka subaxdii hore, waxana la arkaayay diyaaradaasi oo magaalada dul heehaabaysa iyada oo madaarka ka codsatay in xoolaha laga saaro, taasi oo aakhirkii si nabadgalyo ah u soo caga dhigatay. Ma la garanaayo sababta keentay in xooluhu soo galaan madaarka madaama oo dhaqaale arintaasi Ku mushaar qaadan jiray ay jiro jireen. Dhanka kalana dadka rakaabka ahaa ayaa muujiyay farxad markii ay diyaaraduhu ay la socdeen ay si nabadgalyo ah u soo fadhiisatay Arinkani kama ay hadal maamulka maadaarku in kasta oo agaasime Rodol ku joogo booqasho Nairobi, hore ayaa taar loogu xidhay madaarka si aanay xooluhu u soo galin in kastoo albaada qaar kasoo geli karaan madaarka ayaa baryahan danbe habacsanaan ka muuqaataa iyadoo la galay waqtigii fasaxa Xagaaga Qaran News
  24. Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan kulamo u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, mas’uuliyiinta Galmudug, waxgarad iyo siyaasiyiin. Kulamadan ayaa ah kuwo looga shirayo xaaladda Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul loo dhan yahay oo aanay cidna diidaneyn. Kheyre oo shalay tagay Cadaado ayaa la kulmay madaxweyne Xaaf oo ay ka wadahadleen arrimaha hadda jira si loo dhameeyo khilaafyada, wallow aan la ogeyn kulankaasi natiijada kasoo baxday. Waxaa sidoo kale Cadaado ku kulmay xildhibaannada Labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, wasiiro kasoo jeeda maamulkaasi iyo Xasan Cali Kheyre oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka Galmudug. Maanta ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu la kulmo waxgaradka degmada Cadaado iyo sidoo kale waxgaradka Gaalkacyo oo magaaladaasi ku sugan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-wariyaha-cadaado-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa malayshiyaadka Al-shabaab kala wareegay degaanno cusub oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Degaannada ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka saareen Al-shabaab ayaa waxaa kamid ah Shanlow, Saarsaare, Cadayga iyo Xanshooleey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada. Sidoo kale, saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhan ka ah malayshiyaadka Al-shabaab, ilaa laga sifaynayo degaannada ay kaga harsan yihiin gobolka Shabeellaha dhexe. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe appeared first on Puntland Post.