Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,783
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (Caasimada Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku buriyay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Suna iyo Galmudug, dibna ugu celiyay Cadaado inay tahay caasimaddii KMG aheyd waxay albaabada u furtay in Cadaado ay mar kale noqoto mid wax ka go’aamiso masiirka Galmudug. Hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeeda oo in saameyntooda ay meesha ka baxdo aan ogolaan doonin Ahlu-Sunna iyo siyaasiyiinta reer Dhuusomareeb. Dowladda Federaalka ayaa isku daygeedii hore ahaa la xaajoodka Ahlu-Ssuna, iyadoo inay kasbato oo ay qanciso ku bixisay waqti fara badan, kaddib markii ay horay ugu guuldareysatay inay wada xaajood la gaarto Xaaf. Dooda ugu badan iyo caqabadaha soo bixi doona maalmaha soo socda ayaa noqon doona goobta la isku raacsan yahay inay ka dhacdo doorashada Galmudug, maadaama horay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u iclaamisay inay ka dhaceyso Dhuusamareeb, halka Madaxweynaha xilka haya Xaaf uu ku dhawaaqay in Cadaado ka dhacdo, maadaama ay tahay Xaruntii Baarlamaanka Galmudug. Xaaf ayaa waxaa ku biiray inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Cadaado ee Saleebaan oo aan dooneyn inay meesha ka baxdo saameynta magaaladodoa, halka siyaasiyiinta Ceyr ay garab siinayaan kooxda Ahlu-Sunna Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Maalmaha soo socda ayaan la ogaan doonaa halka loolanka cusub uu ku dambeeyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  2. The UN migration agency said it has relocated more than 3,900 internally displaced persons (IDPs) at risk of eviction to newly developed public sites in Baidoa, southwestern Somalia. The International Organization for Migration (IOM) said some 682 households, consisting of 3,914 individuals drawn from 12 out of 15 targeted IDP sites have been relocated to the new Baidoa public site as of June 23, one week after relocation began. “The relocation, expected to continue until July, will benefit over 1,000 households from 15 IDP sites,” IOM said in a statement issued on Tuesday evening. The UN agency said the effort will support internally displaced persons with better living conditions and sustainable land tenure. The city of Baidoa which hosts an estimated 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements, are at constant risk of forced evictions, according to IOM. The UN agency said it had developed the new public site together with the South West State authorities, the Baidoa municipality and the community ahead of the relocation. The IOM says the presence of IDPs may create tension across poor communities, often because as many do establish temporary homes to live in, they raise conflicts of over land tenure and their very right to remain in place. It said thousands of IDPs are under constant threat of eviction in the city of Baidoa which currently hosts more than 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements. According to statistics, more than 11,900 individuals were evicted in Baidoa without proper notice this year just between January and March. View the full article
  3. Galmudug is planning to hold its leadership elections next week, the region’s leader confirmed Wednesday. Somali prime minister, Hassan Ali Kheire has reached Adado town on Wednesday a day he visited Dhusamareb town. The prime minister was received by Galmudug leaders including the region’s president, Ahmed Duale Haaf. President Haaf held a meeting with the prime minister in the state’s presidential palace in Adado. The two discussed wide range issues including the political crisis in the region, elections as well as the cooperation between the federal government and Galmudug state. After the meeting, both leaders addressed the public in an open area in the center of the town. Addressing the crowd, President confirmed that his committed to holding the elections next week. “We are planning to prepare and hold the elections this coming week, it will be peaceful, free and fair,” he said. On his part, the prime minister pledged that his government will support Galmudug hold elections peacefully. “The government is ready to support and implement the decisions by Galmudug people and their leaders,” the PM stated. The prime minister lauded the leader of Galmudug for his committed to hold elections and progress he achieved while in office. View the full article
  4. (SLT-Garoowe)-Guddida doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen, kuwaas oo sheegay in is-casilaadooda ay keentay duruufo u gaar ah oo ku gedaaman guddidaasi doorashada. Xubnaha guddidan doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa sidaasi sheegay mar ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedkaasi Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale Guddidan Doorashada Puntland ayaa iscasilaadooda ku sheegay inay sababtay in xubno ka mid ah guddidaasi ay hore isku casileen isla markaana aan xilalkooda la soo buuxin. Guddidan doorashada Puntland ayuu hore u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaasi Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), walow uu ku guuldaraystay in maamul goboleedkaasi uu ka hirgaliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay guddidani intii aanay iscasilin ay warqada is-casilaadooda ay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha Baarlamaanka, kuwaas oo ka ogolaaday Iscasilaadooda. Waxaana la ogyahay in maamul goboleedka Puntland uu ku guuldaraystay tan iyo xiligii la aasaasay sanadkii 1998-kii in laga hirgaliyo nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyadoo, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey ay ku soo dhaqmayeen in Madaxweynaha ay soo doortaan aqalka Baarlamaanka oo iyagana la soo magacaabo. Source
  5. A resident says a fierce gunfight broke out Thursday morning between two rival clan militias in the town of Wanlaweyn, located about 90 kilometers southwest of Mogadishu. The tribal violence has left several people dead while dozens of others wounded, according to the resident, who spoke to Radio Shabelle on condition of anonymity. The clash was ignited by a dispute over a checkpoint on the western outskirts of the town. Local authorities are trying to intervene in the warring sides and ease the fire that shattered a period of relative calm in the strategic city which links Mogadishu to Baidoa. The situation remains tense and Civilians are living in “shock and panic” as the clan battle rages on since morning with no immediate intervention from regional officials. View the full article
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed maanta dib uga qarxay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu saaka ka bilowday deegaano dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, una dhexeeyo labo Beelood oo wada daga halkaasi. Ku dhawaad 15 qof oo labad dhinac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 23 kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay HirShabelle iyo GalMudug oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan, waxaana ay iska dileen inta ay dagalaamayeen tiro aad u badan. Xiisada Beelaha dagaalamaya ayaa salka ku heyso muran la xariira dhul daaqsimeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  7. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah ku dhawaaqay in dhammaan ay is wada casileen guddigii doorashada maamulka Puntland. Xubnaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa shaaciyay go’aankaasi is casilaada ah. Guddigan oo KMG ahaa ayay sababta ay isku casileen waxa ay ku sheegeen in ay la soo darseen daruufo gaar ah oo caqabad ku noqday shaqooyinkooda. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku fashilmay in uu wax ka qabto arrinta guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Kulan gaar ah oo ay dhawaan wada qaateen isaga iyo guddiga ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is afgarad la’aan, taas oo sababtay in guddigu is casilo. Deni ayaa haatan looga fadhiyaa in uu soo magcaabo shanta xubnood ee ugu horreysa ee guddiga cusub, halka 4 kale ay ka imaan doonaan golaha wakiilada Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  8. Wasiirka caafimaadka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay booqday cisbtalka weyn ee magaalada Garoowe, waxaana weheliyey xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dowladda katirsan. Xildhibaan [...] Source
  9. Somaliland: Shalayto Waxaa La Xusay 26kii June, 1960 Waxaa habeen hore, madaxtooyadda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa lagu xusay sannadguuradii 59aad ee maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadii ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska. Xuskaa waxaa khudbaddo qiimo leh ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo asxaabta siyaasadeed ee xisbiyadda, iyo golayaasha qaranka. 26kii, 1960, waxaa xorriyadii qaadatay Jamhuuriyadda Somaliland, “gobollada waqooyiga” ee dad qaarkood isku maaweeliyaan, ma jirin. In ka badan 30 waddan iyo Qaramadda Midoobay ayaa aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland, oo lahayd Ra’iisal Wasaare, maamul dawlad, Ciidammo iyo Garsoorba. Taariikhda lama khaldi karo, oo way qorantahay, oo markhaati baa loo yahay. Waxaa kaloo shalay la sheegay, in uu nin Xamar lagu ilaaliyo, ubax dhigay taaladii Dhagaxtuur oo labo talaabo u jirta villa Somalia. Ileen, meel durugsan lama gaadhi karee. Haddii dadka walaaleheen Soomaalida ah, ee ku nool wadamadda aynu deriska nahay, sida Jaboouti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kiiniya, hambalyo uu soo diriyaan Somaliland, waxaannu uga guddoonay qalbi furan iyo kalgacayl, waanu u mahad celinanaa. Waa Bilaahi Towfiiq. Cali Maxamed Abokor Qaran News
  10. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka [...] Source
  11. Somaliland: Waddani Youth Spokesperson Convicted Of Defamation & Incitement Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhame”, the youth spokesperson for Waddani, Somaliland’s main opposition party, has been found guilty of defamation and incitement to violence by the Marodi Jeh Regional Court in Hargeisa. The trial lasted for just over a week, after the defendant had spent more than two months in remand. The charges stem from an alleged post on the social media website, Facebook. Lawyers for the defendant had argued that, Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhame”, was exercising his constitutional right to freedom of speech and expression. The regional court disagreed and found the defendant guilty. The sentence is one of six months in prison, minus time served. It is expected that the defendant will file an appeal against the verdict. There is also speculation, that the defendant may receive a presidential pardon. Qarannews.com. Qaran News
  12. Dalka Djibouti waxaa maanta loo dabaal-degayaa 42 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyaddooda, Djibouti waa dhul iyo dad Soomaaliyeed, waa dad aanu isku dhiig, dhaqan iyo isku diin nahay, maantana Soomaalida waxaa ay ugu yeeraan Hiil-Walaal. Djibouti waxaa ay ka mid tahay dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo wali ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djabuti qeyb loo siiyay Faransiiska. Djibouti isma dhiibin, ee dagaal ayey la galeen gumeystaha, iyagoo wiilal badan ku waayey xuriyadda iyo in ay la midoobaan Soomaaliya, geesiyaashii soo maray waxaa ugu caansanaa Maxamud Xarbi. Maxamuud Xarbi: Maxamud Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta DJibouti, dalka (Masar) ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalka Masar ayaa lagu hardhay halkaas uu wax ka bartay, ururkii PMP ayuu ku dhisay,isagoo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti. Maxamud Xarbi oo mar Madaxweyne ku xigeen ka noqday is-maamul ay faransiiska u sameeyeen Djabuti 50-meeyadii, waxaa uu hogaaminayey wafdigii ka socday Djabuti ee ka qeyb galay maamlmihii dabaal-degga xuriyadda ee 1da July 1960-kii. Ugu dambeyntii, October 1960-kii ayey cadawga Faransiiska diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday, Maxamuud Xarbi waa geesi kale dayaxu u baroortay. Xuriyadda Djibouti: Dalka Djabuti, Soomaaliya ayaa ku gacan siisay dalka Djabuti in ay xuriyadda ka gaaraan Faransiiska kadib hal qarni uu halkaas gumeysanayey, isagoo u diiday sidoo kale in ay la midoobaan Soomaaliya, ugu dambeyntii maanta oo kale 1977dii ayey xuriyad qaateen. Macluumaad Ku Saabsan Dalka Djibouti: Dalka Djabuti waxaa ay xuriyad qaateen 27-dii June 1977dii, waxaa ay xuriyad ka qaateen dalka Faransiiska, Caasimadda Djabuti waa magaalada Djabuti, Madaxweynihii ugu horeeyay waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa madaxweyne ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle. Magaalooyinka ugu caansan waa Djabuti oo caasimadda ah, Carta, Tajorah, Cali Sabiix, Obok, Dakhil, waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Lacagta Lacaga isticmaalo waa Faranc. Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti: Dalka Djabuti, waxaa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, Labo ka mid ah 3 shir oo dalkaasi lagu qabtay waxaa lagu dhisay dowlado. Shirarka Djibouti ka dhacay, waxaa ay kala ahaayeen: Shirkii Djibouti June 12, 1991-dii. Shirkii Cartre , August 9, 2000. Shirkii 2008-dii ee heshiiskii dowladdii TFG iyo isbaheysigii ARS). Xilliga la joogo, Waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka AMISOM, Soomaalida gobollada dhexe waxaa ay ula baxeen Hiil-Walaal, waxaa ay ka jecel yihiin ciidanka Madow ee dalka ku sugan. Ugu dambeyntii dalka Djabuti, waa dal xor ah, Laakin waxaa si dadban u maamulo Faransiiska, kama jirto dowlad adag oo dimoqoraadi ah, shacabka Djabuti oo hal Milyan ka yar, si fiican ugama faa’ideystaan Kheyraadkooda, Faransiiska iyo Ciidamo kale oo ajaanib ah ayaa ku dul nool. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee deegaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan kulamo wadatashi ah u joogay Cadaado ayaa xalay magaalada kula kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ninka dambe oo arbacadii gaaray halkaasi ayaa xildhibaannada kala hadlay ujeedka safarkiisa iyo kaalinta dowladda ee maamul u sameynta Galmudug. “Kulan salaan iyo xogwaraysi arimaha Galmudug, waxa uuna ku so dhamaaday is afgarad ah in arimaha Galmudug wadatashi laga wada yeesho oo aan la isku mucaaradin si aayaha Galmudug meel wanaagsan loo geeyo” sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyey Xildhibaan Saabir Shuuriye oo qeyb ka ahaa kulanka. Xildhibaannada kulanka joogay waxaa ka mid ah: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo xildhibaanno kale. Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa sheegay in la galayo doorasho ka dhici-doonta Cadaado. Galmudug ayaa isku qaban-qaabineysa xulista baarlamaanka iyo doorashada madaxweyne, waxaana la filayaa in laga soo hormariyo weji dib-u-heshiisin, oo ay isku arkaan dhammaan beelaha deegaanka, kana tashtaan hiigsiga dad iyo maamulba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Gudigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dhammaan iska casiley shaqadii xafiiska, iyagoona faahfaahin ka bixiyey sababaha [...] Source
  15. Xubnaha gudiga iscasilay Dhammaan xubnihii guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland ayaa is-casilay, kadib shir jaraa’id oo ay saaka ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddiga ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay, ayna kamid tahay in ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan, si loo helo guddi cusub oo isla’ jaan-qaadi kara. Xubnaha is-casilay, ayaa u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo gacan ku siiyay shaqadooda mudadii ay xilka hayeen, iyagoo si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Puntland oo ay sheegeen in uu si qiimo leh u aqbalay is-casilaadooda. Madaxweyne Deni, ayaa la filayaa in uu soo magcaabo 5-ta xubnood ee u horreysa guddiga cusub, halka 4-ta kale ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada, si loo dhammaystiro 9-ka xubnood ee guddiga doorashooyinka Puntland. Guddiga cusub ayaa sii wadi doona, geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland oo madaxweynaha haatan xilka hayaa uu ballan-qaaday in uu dardar-gelin doono, si Puntland uga gudubto nidaamka qabaliga ah. halkaan hoose ka daawo iscasilaadda PUNTLAND POST The post Guddigii doorashooyinka Puntland oo is-wada casilay appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Kuunyo Barow June 25, 2019. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu taageeray xoogga dalka ay waqti iyo dhul u helaan la-dagaalanka Al-shabaab. Duqeyntan ayaa la sheegay in hakiyeen dhaqdhaqaada kooxda, isla markaana looga burburiyey hanti badan. Mareykanku waxaa ay sheegeen in hal qof lagu dilay weerarkaas, sidoo kale aaney wax ku nqon wax rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Hargeysa (Caasimada Onine) – Maxamed Sidiiq dhamme oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa waxaa saaka xukun xasbi ah ku riday maxkamadda darajada koowaad gobolka Maroodi-Jeex ee maamulka Somaliland. Wiilkan oo ku dhawaad labo bil ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa lagu eedeeyay in uu aflagaado u geystay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa lix bil ah oo xabsi ah ku xukuntay ninkaasi, kadib markii saaka la horgeeyay. Maxamed Sidiiq dhamme ayaa ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaradka ee Wadani. Wararka qaar ayaa sheegaya in xukunkan uu racfan ka qaatay mas’uulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xisbiga uu ka tirsanaa ee Wadani haatan uu wado dadaallo si damaanad ah loogu sii deynaayo wiilkaasi. Somaliland ayaa inta badan xarig kula dhaqaaqda xubnaha mucaaradka ee ku sugan deegaanadeeda, waxaana maamulkaasi lagu eedeeyaa caburin joogta ah. Dhawaan ayey aheyd markii la sii daayey Xildhibaan Dhakool oo muddo xirnaa, kadib markii uu ka soo horjeesay xuska 18-ka May ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  18. (SLT-Darasalaam)-Ganacsade u dhashay dalka Kenya ayaa dad aan haybtooda la garanayni ay ku afduubeen magaalada Darasalaam ee dalka Tanzania, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidamada bileyska dalka Tanzania, Dan Kazungu. Ganacsadaha la Afduubka ayaa magaciisa lagu sheegay Raphael Ongangi, kaas oo laga afduubay maalintii isniintii isgayska ay ku kulmaan jidadka Msasani iyo Karume, waxaana la sheegay in ay afduubeen dablay saarnayd saddex gaadhi iyo hal dhugdhuglay ama mooto. Haweenayda uu qabay ninkaasi ganacsadaha ah oo la yidhaahdo Veronica ayaa dawlada iyo taliyaha ciidamada dalka Kenya ku wargalisay dhacdadaasi, waxaanu sidoo kale xaqiijiyey afduubkaasi inuu dhacay taliyaha ciidamada bileyska ee dalka Tanzania Dan Kazungu, kaas oo sheegay inay ku hawlan yihiin arinta falkaasi. Source
  19. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku hawllantahay kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka Qeyb-gashay Daah-furka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Jamaaludiin Mustafe Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaaradda dalkaasi ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka ay wadaqaateen weftiga Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inuu ku faraxsan yahay muddo dheer ka dib inay safiirka Puntland ku yeeshaan kulan shaqo oo muhiimaddisa leh. “Waxaa caawa magaalada Garoowe safar shaqo noogu yimid safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo saldhigiisu yahay magaalada Muqdhisho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa safiirka oo ah shaqsi muddo dheer Soomaaliya kasoo shaqeeyey, waxa uu ka shaqeeyey dalka wakhti adag oo aan u baahnayn taageerada caalamka” “Waan ku faraxsanahay in aan Garoowe isku aragno anagoo muddo badan soo wada-shaqaynay magaalada Muqdisho xilligii aan Wasiirka qorshaynta ka ahaa asna uu qunsulka ka ahaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay weftiga safiirka wadayeesheen shir muhiim ah oo looga hadlayo xiriirka guud ee dalka Itoobiya iyo Soomaliya, gaar ahaan Puntland ee arrimaha ganacaiga iyo amaanka. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyeeyey masuuliyiintii ku nafwaayey qalalaasihii ka dhacay dalkooda todobaad ka hor, waxaa uu sheegay in talaabadaasi noqoto mid ay ka bartaan cashar oo u horseedda wadajir iyo horumar. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Musatafe Cumar ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadnaqay qaabilaadda iyo soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada-hadleen xidhiidhka wadashaqayneed ee labada dhinac. “Mudane Madaxweyne waan kuugu hambalyeynayaa shaqooyinka wanaagsan ee kuu qabsoomay mudada aad joogtey, waxaan Madaxweynaha ka wadahadalnay xoojinta Iskaashiga soo jireenka ah ee Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga, waxaan xoojinaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Qunsuliyadda iyo Puntland, ka safaarad ahaanna diyaar ayaan u nahay wada shaqaynta Puntland” Ayuu yiri safiirka Itoobiya ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Xarunta madaxtooyada Garoowe Ku Qaabilay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. kamid ah eedaysanayaasha oo faraxsan Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe waxaa ku xiran taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da ee gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali kadib markii maalmo ka hor lagu soo xiray amar uu bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Taliyaha ayaa sida la sheegayo lagu soo eedeeyay in uu bixiyay macluumaad la xiriira baaritaanka kiiskii Caa’isho oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii lagu riday saddex nin oo ku eedaysan in ay kufsi iyo dil u gaysteen gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Qareennada difaacaya saddexda eedaysane ayaa marar kala duwan ku dooday in hannaanka loo baaray kiiska Caa’isha ee adeegsiga dheecaanka hidde-sidaha DNA aan macluumaad buuxa laga bixin taasina ay shaki gelinayso xukunka ku dhacay eedaysanayaasha. Sidoo kale waxaa saddex jeer dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda rafcaanka ee ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal dil ku xukuntay. Dacwadda rafcaanka ayaa mar kale la go’amiyay in dib loo dhegaysto maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda. PUNTLAND POST The post Maxaa lagu haystaa taliyihii Laanta CID-da gobolka Nugaal? appeared first on Puntland Post.
  22. Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyhihiin gobolkaasi. Weerarka koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer, waxaana la sheegay in uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale weerar qorsheysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Kaliini oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda oo ku sugnaa halkaasi ay sameeyeen iska cabin xoogan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka baxay Al Shabaab iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalladaasi. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Goroonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa gaar ahaan dhabada ay diyaaraduhu Ku soo dagaan ama ay ka hadaan ayaa saaka xoolo soo galeen. Xoolahaasi ayaa gacan ku haynta dhabadaasi in mudo ah gacanta ku hayay una diiday in ay soo fadhiistaan wax diyaarad ahi. Diyaarada fly Dubai oo siday rakaab tiro badan ayaa ku soo degi kari weyday madaarka Hargeysa, saaka subaxdii hore, waxana la arkaayay diyaaradaasi oo magaalada dul heehaabaysa iyada oo madaarka ka codsatay in xoolaha laga saaro, taasi oo aakhirkii si nabadgalyo ah u soo caga dhigatay. Lama garanaayo sababta keentay in xooluhu soo galaan madaarka madaama oo dad arintaasi ku mushaar qaadan jiray ay jiri jireen. Dhanka kalana dadka rakaabka ahaa ayaa muujiyay farxad markii ay diyaaraduhu ay la socdeen ay si nabadgalyo ah u soo fadhiisatay Arinkani kama ay hadal maamulka maadaarku in kasta oo agaasime Rodol ku joogo booqasho Nairobi, hore ayaa taar loogu xidhay madaarka si aanay xooluhu u soo galin in kastoo albaada qaar kasoo geli karaan madaarka ayaa baryahan danbe habacsanaan ka muuqaataa iyadoo la galay waqtigii fasaxa Xagaaga. Source: Qaran Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa xukun ku riday Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI. Maxkamadda ayaa ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah oo ah waxa ay sheegtay in lagu helay dambi ah aflagaaddo madaxweyne. Source