-
Content Count
208,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug waxaa maanta kulan ku yeeshay odeyaasha dhaqanka magaalada iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayey odeyaasha ku soo bandhigeen qodobbo muhiim u ah horumarka Galmudug iyaga oo soo-jeediyey in laga dhiso Galmudug maamul oo dhan yahay, oo cid walbo raalli ka tahay. Qodobbada kale ee ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa: In marnaba aan gorgortan la gelin xarunnimada Cadaado ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sidaa darteedna ay ka dhacdo doorashada soo socota. Odeyaasha dhaqanka ayaa ra’isul wasaare Kheyre xusuusiyey ballanqaadyo mashaariic oo uu ku jira dhismaha xabsiga magaalada, kaas oo horay ay u sameysay dowladda dhexe balse aan waxbo laga qaban. Dhankiisa, ra’isul wasaare Kheyre ayaa balanqaaday in talada ay dhex taallo reer Galmudug, dowladda Soomaaliyana ay gacan siin-doonto uun dadka reer Galmudug. Kheyre waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in magaalada Cadaado ay bilowday nabad iyo nolol iyo barnaamijyada is xilqaanka, ayna caan ku tahay. Kulanka oo is afgarad ku soo dhammaadey waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaannada Galmudug ku matala baarlamaanka federaalka ah oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale sida mudane Saabir Shuuriye iyo mudane Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
DULMIGII HAWADDII SOMALI-WAYN IYO XORNIMADDA XABASHA AAN KA SOO SAARNEY!!! Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba, Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland. Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid danbeba, Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda. Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey. Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda. Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay. Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney. Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine. Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay. Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay’ Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli awgeed uun baa keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya. Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta Shin maa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland 1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada. Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960. Wabilaahitawfiiq. Mahad Ali-Salaan. Hargeisa mahadpobox@gmail.com Qaran News
-
Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa maanta isku dhinac qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska dalka Tunisia oo taagnaa shaaraca ug uweyn ee Bartamaha caasimadda [...] Source
-
Meydka Haweeney laga helay Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Hotel ku yaal laga helay meydka Haweeney. Meydka Haweeneydaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Hey’adda Dambi Baarista Booliska ee CID. Haweeneydaan ayaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd. Suleeqo ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay. Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu jiro shaku ku aadan in haweeneydaan lagu sameeyey Hotelka dhexdiisa sidaasna ay ku dhimatay. Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4-aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID in ay xiraan gal dacwadeedka. Wasiirka Amniga Jubaland ayaa shalay safar lama filaan ah ku imaaday Muqdisho waxaana sida wararka ay Mustaqbal heshay la dajiyay Xarunta Nabad Sugida Soomaaliya ee Habar Khadiijo. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Hoos ka aqriso warka ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliyaashii ugu qornaa Somaliland gobolka Sanaag oo dhowaan iyaga iyo ciidamadooduba ku biiray Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle xaaji Diraac oo ay weheliyaan guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland Cali Xuseen Maxamed iyo saraakiil kale oo ka yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa dhanka bari ee caasimadda Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xassan. Waxaa kale oo soo dhoweynta ka qeyb-qaatay, saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, madax-dhaqameed, ganacsato, iyo qeyba kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe oo sitay caleemo qoyan. Saraakiisha ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda xarunta madaxtooyada Garoowe kula kulmaan, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa difaaca gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Taliyaashii ka soo baxay Somaliland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka jawaab celisay khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey munaasibadii dabaal-degga xuska 26-ka June. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay inay wax-kasta ku bixinayan siday u soo celin lahaayen Somaliland, oo iyadu ku dooda inay ka go’day Somaliya, muddona baadi-goob ugu jirta Aqoonsi caalami ah. War qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga jawaab celiyay hadalkaasi, isla markaana waxa eedeymo loogu jeediyey Dowladda Federaalka, wuxuuna u dhigna sidan: “Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay. Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda. “Duddadaanu ahayne, Dawlad soo gashay ma ihine, danteennaa laba diiddaye, Dabuub aannu maqlaynay, dareen baannu ka qabnaayoo, dugsigii Baarlamaankiyo, Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, doonniyi yaanay ku leexan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku buriyay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Suna iyo Galmudug, dibna ugu celiyay Cadaado inay tahay caasimaddii KMG aheyd waxay albaabada u furtay in Cadaado ay mar kale noqoto mid wax ka go’aamiso masiirka Galmudug. Hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeeda oo in saameyntooda ay meesha ka baxdo aan ogolaan doonin Ahlu-Sunna iyo siyaasiyiinta reer Dhuusomareeb. Dowladda Federaalka ayaa isku daygeedii hore ahaa la xaajoodka Ahlu-Ssuna, iyadoo inay kasbato oo ay qanciso ku bixisay waqti fara badan, kaddib markii ay horay ugu guuldareysatay inay wada xaajood la gaarto Xaaf. Dooda ugu badan iyo caqabadaha soo bixi doona maalmaha soo socda ayaa noqon doona goobta la isku raacsan yahay inay ka dhacdo doorashada Galmudug, maadaama horay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u iclaamisay inay ka dhaceyso Dhuusamareeb, halka Madaxweynaha xilka haya Xaaf uu ku dhawaaqay in Cadaado ka dhacdo, maadaama ay tahay Xaruntii Baarlamaanka Galmudug. Xaaf ayaa waxaa ku biiray inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Cadaado ee Saleebaan oo aan dooneyn inay meesha ka baxdo saameynta magaaladodoa, halka siyaasiyiinta Ceyr ay garab siinayaan kooxda Ahlu-Sunna Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Maalmaha soo socda ayaan la ogaan doonaa halka loolanka cusub uu ku dambeeyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
-
The UN migration agency said it has relocated more than 3,900 internally displaced persons (IDPs) at risk of eviction to newly developed public sites in Baidoa, southwestern Somalia. The International Organization for Migration (IOM) said some 682 households, consisting of 3,914 individuals drawn from 12 out of 15 targeted IDP sites have been relocated to the new Baidoa public site as of June 23, one week after relocation began. “The relocation, expected to continue until July, will benefit over 1,000 households from 15 IDP sites,” IOM said in a statement issued on Tuesday evening. The UN agency said the effort will support internally displaced persons with better living conditions and sustainable land tenure. The city of Baidoa which hosts an estimated 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements, are at constant risk of forced evictions, according to IOM. The UN agency said it had developed the new public site together with the South West State authorities, the Baidoa municipality and the community ahead of the relocation. The IOM says the presence of IDPs may create tension across poor communities, often because as many do establish temporary homes to live in, they raise conflicts of over land tenure and their very right to remain in place. It said thousands of IDPs are under constant threat of eviction in the city of Baidoa which currently hosts more than 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements. According to statistics, more than 11,900 individuals were evicted in Baidoa without proper notice this year just between January and March. View the full article
-
Galmudug is planning to hold its leadership elections next week, the region’s leader confirmed Wednesday. Somali prime minister, Hassan Ali Kheire has reached Adado town on Wednesday a day he visited Dhusamareb town. The prime minister was received by Galmudug leaders including the region’s president, Ahmed Duale Haaf. President Haaf held a meeting with the prime minister in the state’s presidential palace in Adado. The two discussed wide range issues including the political crisis in the region, elections as well as the cooperation between the federal government and Galmudug state. After the meeting, both leaders addressed the public in an open area in the center of the town. Addressing the crowd, President confirmed that his committed to holding the elections next week. “We are planning to prepare and hold the elections this coming week, it will be peaceful, free and fair,” he said. On his part, the prime minister pledged that his government will support Galmudug hold elections peacefully. “The government is ready to support and implement the decisions by Galmudug people and their leaders,” the PM stated. The prime minister lauded the leader of Galmudug for his committed to hold elections and progress he achieved while in office. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Guddida doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen, kuwaas oo sheegay in is-casilaadooda ay keentay duruufo u gaar ah oo ku gedaaman guddidaasi doorashada. Xubnaha guddidan doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa sidaasi sheegay mar ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedkaasi Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale Guddidan Doorashada Puntland ayaa iscasilaadooda ku sheegay inay sababtay in xubno ka mid ah guddidaasi ay hore isku casileen isla markaana aan xilalkooda la soo buuxin. Guddidan doorashada Puntland ayuu hore u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaasi Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), walow uu ku guuldaraystay in maamul goboleedkaasi uu ka hirgaliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay guddidani intii aanay iscasilin ay warqada is-casilaadooda ay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha Baarlamaanka, kuwaas oo ka ogolaaday Iscasilaadooda. Waxaana la ogyahay in maamul goboleedka Puntland uu ku guuldaraystay tan iyo xiligii la aasaasay sanadkii 1998-kii in laga hirgaliyo nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyadoo, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey ay ku soo dhaqmayeen in Madaxweynaha ay soo doortaan aqalka Baarlamaanka oo iyagana la soo magacaabo. Source
-
A resident says a fierce gunfight broke out Thursday morning between two rival clan militias in the town of Wanlaweyn, located about 90 kilometers southwest of Mogadishu. The tribal violence has left several people dead while dozens of others wounded, according to the resident, who spoke to Radio Shabelle on condition of anonymity. The clash was ignited by a dispute over a checkpoint on the western outskirts of the town. Local authorities are trying to intervene in the warring sides and ease the fire that shattered a period of relative calm in the strategic city which links Mogadishu to Baidoa. The situation remains tense and Civilians are living in “shock and panic” as the clan battle rages on since morning with no immediate intervention from regional officials. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed maanta dib uga qarxay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu saaka ka bilowday deegaano dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, una dhexeeyo labo Beelood oo wada daga halkaasi. Ku dhawaad 15 qof oo labad dhinac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 23 kale. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay HirShabelle iyo GalMudug oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan, waxaana ay iska dileen inta ay dagalaamayeen tiro aad u badan. Xiisada Beelaha dagaalamaya ayaa salka ku heyso muran la xariira dhul daaqsimeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah ku dhawaaqay in dhammaan ay is wada casileen guddigii doorashada maamulka Puntland. Xubnaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa shaaciyay go’aankaasi is casilaada ah. Guddigan oo KMG ahaa ayay sababta ay isku casileen waxa ay ku sheegeen in ay la soo darseen daruufo gaar ah oo caqabad ku noqday shaqooyinkooda. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku fashilmay in uu wax ka qabto arrinta guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Kulan gaar ah oo ay dhawaan wada qaateen isaga iyo guddiga ayaa waxa uu ku soo dhammaaday is afgarad la’aan, taas oo sababtay in guddigu is casilo. Deni ayaa haatan looga fadhiyaa in uu soo magcaabo shanta xubnood ee ugu horreysa ee guddiga cusub, halka 4 kale ay ka imaan doonaan golaha wakiilada Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Somaliland: Shalayto Waxaa La Xusay 26kii June, 1960 Waxaa habeen hore, madaxtooyadda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa lagu xusay sannadguuradii 59aad ee maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadii ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska. Xuskaa waxaa khudbaddo qiimo leh ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo asxaabta siyaasadeed ee xisbiyadda, iyo golayaasha qaranka. 26kii, 1960, waxaa xorriyadii qaadatay Jamhuuriyadda Somaliland, “gobollada waqooyiga” ee dad qaarkood isku maaweeliyaan, ma jirin. In ka badan 30 waddan iyo Qaramadda Midoobay ayaa aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland, oo lahayd Ra’iisal Wasaare, maamul dawlad, Ciidammo iyo Garsoorba. Taariikhda lama khaldi karo, oo way qorantahay, oo markhaati baa loo yahay. Waxaa kaloo shalay la sheegay, in uu nin Xamar lagu ilaaliyo, ubax dhigay taaladii Dhagaxtuur oo labo talaabo u jirta villa Somalia. Ileen, meel durugsan lama gaadhi karee. Haddii dadka walaaleheen Soomaalida ah, ee ku nool wadamadda aynu deriska nahay, sida Jaboouti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kiiniya, hambalyo uu soo diriyaan Somaliland, waxaannu uga guddoonay qalbi furan iyo kalgacayl, waanu u mahad celinanaa. Waa Bilaahi Towfiiq. Cali Maxamed Abokor Qaran News
-
Somaliland: Waddani Youth Spokesperson Convicted Of Defamation & Incitement Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhame”, the youth spokesperson for Waddani, Somaliland’s main opposition party, has been found guilty of defamation and incitement to violence by the Marodi Jeh Regional Court in Hargeisa. The trial lasted for just over a week, after the defendant had spent more than two months in remand. The charges stem from an alleged post on the social media website, Facebook. Lawyers for the defendant had argued that, Mohamed Sadik Abdillahi, “Dhame”, was exercising his constitutional right to freedom of speech and expression. The regional court disagreed and found the defendant guilty. The sentence is one of six months in prison, minus time served. It is expected that the defendant will file an appeal against the verdict. There is also speculation, that the defendant may receive a presidential pardon. Qarannews.com. Qaran News
-
Dalka Djibouti waxaa maanta loo dabaal-degayaa 42 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyaddooda, Djibouti waa dhul iyo dad Soomaaliyeed, waa dad aanu isku dhiig, dhaqan iyo isku diin nahay, maantana Soomaalida waxaa ay ugu yeeraan Hiil-Walaal. Djibouti waxaa ay ka mid tahay dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta oo qeyb ahaan loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo wali ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djabuti qeyb loo siiyay Faransiiska. Djibouti isma dhiibin, ee dagaal ayey la galeen gumeystaha, iyagoo wiilal badan ku waayey xuriyadda iyo in ay la midoobaan Soomaaliya, geesiyaashii soo maray waxaa ugu caansanaa Maxamud Xarbi. Maxamuud Xarbi: Maxamud Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta DJibouti, dalka (Masar) ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalka Masar ayaa lagu hardhay halkaas uu wax ka bartay, ururkii PMP ayuu ku dhisay,isagoo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti. Maxamud Xarbi oo mar Madaxweyne ku xigeen ka noqday is-maamul ay faransiiska u sameeyeen Djabuti 50-meeyadii, waxaa uu hogaaminayey wafdigii ka socday Djabuti ee ka qeyb galay maamlmihii dabaal-degga xuriyadda ee 1da July 1960-kii. Ugu dambeyntii, October 1960-kii ayey cadawga Faransiiska diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday, Maxamuud Xarbi waa geesi kale dayaxu u baroortay. Xuriyadda Djibouti: Dalka Djabuti, Soomaaliya ayaa ku gacan siisay dalka Djabuti in ay xuriyadda ka gaaraan Faransiiska kadib hal qarni uu halkaas gumeysanayey, isagoo u diiday sidoo kale in ay la midoobaan Soomaaliya, ugu dambeyntii maanta oo kale 1977dii ayey xuriyad qaateen. Macluumaad Ku Saabsan Dalka Djibouti: Dalka Djabuti waxaa ay xuriyad qaateen 27-dii June 1977dii, waxaa ay xuriyad ka qaateen dalka Faransiiska, Caasimadda Djabuti waa magaalada Djabuti, Madaxweynihii ugu horeeyay waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa madaxweyne ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle. Magaalooyinka ugu caansan waa Djabuti oo caasimadda ah, Carta, Tajorah, Cali Sabiix, Obok, Dakhil, waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta. Lacagta Lacaga isticmaalo waa Faranc. Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti: Dalka Djabuti, waxaa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, Labo ka mid ah 3 shir oo dalkaasi lagu qabtay waxaa lagu dhisay dowlado. Shirarka Djibouti ka dhacay, waxaa ay kala ahaayeen: Shirkii Djibouti June 12, 1991-dii. Shirkii Cartre , August 9, 2000. Shirkii 2008-dii ee heshiiskii dowladdii TFG iyo isbaheysigii ARS). Xilliga la joogo, Waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka AMISOM, Soomaalida gobollada dhexe waxaa ay ula baxeen Hiil-Walaal, waxaa ay ka jecel yihiin ciidanka Madow ee dalka ku sugan. Ugu dambeyntii dalka Djabuti, waa dal xor ah, Laakin waxaa si dadban u maamulo Faransiiska, kama jirto dowlad adag oo dimoqoraadi ah, shacabka Djabuti oo hal Milyan ka yar, si fiican ugama faa’ideystaan Kheyraadkooda, Faransiiska iyo Ciidamo kale oo ajaanib ah ayaa ku dul nool. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com