Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,777
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa si adag uga hadlay xukunka lagu riday Maxamed Siddiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Cadaado (Caasimadda Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Waxaa soo dhamaaday kulan Xalay illaa Maanta u socday Ra’isulwasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Odayaasha ayaa waxay Kheyre u gudbiyeen tallooyin ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna Kheyre u sheegay inuu talooyinkooda maqlay uuna u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka. Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa Ra’isulwasaaraha hor dhigay illaa 4 qodob oo xasaasi ah oo ay sheegeyn inay dowladda ka rabeen fulinteeda. Qodobadaas oo ay Caasimadda Online u suurtagashay inay hesho ayaa waxay kala yihiin sida soo socot: 1: Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo. 2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado. 3: In si Cadaalad ah loo maro hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug. 4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay kasii dartay cadaadiska ay ku hayso dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, ayada oo soo bandhigtay qoraal u muuqda inay ku muujineyso inay Somaliland u aqoosantay dal. Wasaaradda arrimaha diebdda Kenya ayaa qoraalkan oo ay goordhow soo dhigtay barta twitter waxa ay si cad ugu yeeray Somaliland inay tahay “dal.” Qoraalkan ayaa ku saabsanaa kulan dhex maray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau iyo wasiirka warrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”. Kenya ayaa bilihii dhowaa aad u kordhineysay wada-shaqeynta iyo soo dhoweysashada Somaliland, ayada oo ujeedku yahay in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay sidoo kale dhowaan sheegtay inay wakiil u direyso magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu halkaas uga furo xafiis diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee dalka ugu yeeray Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Duqa degmada Garoowe Axmed Bare ayaa maanra magaalada Garoowe waxa uu tababar ugu soo xiray shaqaalaha Dab damiska ee ee dowaldda hoose ee Garoowe , [...] Source
  7. Magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug waxaa maanta kulan ku yeeshay odeyaasha dhaqanka magaalada iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayey odeyaasha ku soo bandhigeen qodobbo muhiim u ah horumarka Galmudug iyaga oo soo-jeediyey in laga dhiso Galmudug maamul oo dhan yahay, oo cid walbo raalli ka tahay. Qodobbada kale ee ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa: In marnaba aan gorgortan la gelin xarunnimada Cadaado ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sidaa darteedna ay ka dhacdo doorashada soo socota. Odeyaasha dhaqanka ayaa ra’isul wasaare Kheyre xusuusiyey ballanqaadyo mashaariic oo uu ku jira dhismaha xabsiga magaalada, kaas oo horay ay u sameysay dowladda dhexe balse aan waxbo laga qaban. Dhankiisa, ra’isul wasaare Kheyre ayaa balanqaaday in talada ay dhex taallo reer Galmudug, dowladda Soomaaliyana ay gacan siin-doonto uun dadka reer Galmudug. Kheyre waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in magaalada Cadaado ay bilowday nabad iyo nolol iyo barnaamijyada is xilqaanka, ayna caan ku tahay. Kulanka oo is afgarad ku soo dhammaadey waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaannada Galmudug ku matala baarlamaanka federaalka ah oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale sida mudane Saabir Shuuriye iyo mudane Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. DULMIGII HAWADDII SOMALI-WAYN IYO XORNIMADDA XABASHA AAN KA SOO SAARNEY!!! Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba, Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland. Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid danbeba, Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda. Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey. Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda. Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay. Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney. Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine. Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay. Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay’ Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli awgeed uun baa keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya. Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta Shin maa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland 1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada. Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960. Wabilaahitawfiiq. Mahad Ali-Salaan. Hargeisa mahadpobox@gmail.com Qaran News
  9. Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa ka socota xuliska golaha cusub ee degmada, kadib markii golihii hore ay iscasileen. waxgaradka degmada ayaa ku howlan sidii [...] Source
  10. Ciidamada Boliska ee dalka Ethiopia ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Addis- Ababa waxa ay ku soo qab qabteen 56 xubnood oo ka tirsan Xisbiga Amxaaradda [...] Source
  11. Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa maanta isku dhinac qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska dalka Tunisia oo taagnaa shaaraca ug uweyn ee Bartamaha caasimadda [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Hotel ku yaal laga helay meydka Haweeney. Meydka Haweeneydaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Hey’adda Dambi Baarista Booliska ee CID. Haweeneydaan ayaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd. Suleeqo ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay. Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu jiro shaku ku aadan in haweeneydaan lagu sameeyey Hotelka dhexdiisa sidaasna ay ku dhimatay. Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Odayaal ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomalaiya oo dhawaan Warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in Puntland [...] Source
  14. Deegaanka Tooxin oo ka tirsan degmada Bareeda ee gobolka Garda Fuu waxaa ku dhufatay dabay aad u xoogan oo saqabkii kala kacday guryihii ku yaalay [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4-aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID in ay xiraan gal dacwadeedka. Wasiirka Amniga Jubaland ayaa shalay safar lama filaan ah ku imaaday Muqdisho waxaana sida wararka ay Mustaqbal heshay la dajiyay Xarunta Nabad Sugida Soomaaliya ee Habar Khadiijo. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Hoos ka aqriso warka ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Taliyaashii ugu qornaa Somaliland gobolka Sanaag oo dhowaan iyaga iyo ciidamadooduba ku biiray Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle xaaji Diraac oo ay weheliyaan guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland Cali Xuseen Maxamed iyo saraakiil kale oo ka yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa dhanka bari ee caasimadda Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xassan. Waxaa kale oo soo dhoweynta ka qeyb-qaatay, saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, madax-dhaqameed, ganacsato, iyo qeyba kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe oo sitay caleemo qoyan. Saraakiisha ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda xarunta madaxtooyada Garoowe kula kulmaan, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa difaaca gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Taliyaashii ka soo baxay Somaliland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka jawaab celisay khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey munaasibadii dabaal-degga xuska 26-ka June. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay inay wax-kasta ku bixinayan siday u soo celin lahaayen Somaliland, oo iyadu ku dooda inay ka go’day Somaliya, muddona baadi-goob ugu jirta Aqoonsi caalami ah. War qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga jawaab celiyay hadalkaasi, isla markaana waxa eedeymo loogu jeediyey Dowladda Federaalka, wuxuuna u dhigna sidan: “Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay. Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda. “Duddadaanu ahayne, Dawlad soo gashay ma ihine, danteennaa laba diiddaye, Dabuub aannu maqlaynay, dareen baannu ka qabnaayoo, dugsigii Baarlamaankiyo, Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, doonniyi yaanay ku leexan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Cadaado (Caasimada Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku buriyay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Suna iyo Galmudug, dibna ugu celiyay Cadaado inay tahay caasimaddii KMG aheyd waxay albaabada u furtay in Cadaado ay mar kale noqoto mid wax ka go’aamiso masiirka Galmudug. Hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeeda oo in saameyntooda ay meesha ka baxdo aan ogolaan doonin Ahlu-Sunna iyo siyaasiyiinta reer Dhuusomareeb. Dowladda Federaalka ayaa isku daygeedii hore ahaa la xaajoodka Ahlu-Ssuna, iyadoo inay kasbato oo ay qanciso ku bixisay waqti fara badan, kaddib markii ay horay ugu guuldareysatay inay wada xaajood la gaarto Xaaf. Dooda ugu badan iyo caqabadaha soo bixi doona maalmaha soo socda ayaa noqon doona goobta la isku raacsan yahay inay ka dhacdo doorashada Galmudug, maadaama horay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u iclaamisay inay ka dhaceyso Dhuusamareeb, halka Madaxweynaha xilka haya Xaaf uu ku dhawaaqay in Cadaado ka dhacdo, maadaama ay tahay Xaruntii Baarlamaanka Galmudug. Xaaf ayaa waxaa ku biiray inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Cadaado ee Saleebaan oo aan dooneyn inay meesha ka baxdo saameynta magaaladodoa, halka siyaasiyiinta Ceyr ay garab siinayaan kooxda Ahlu-Sunna Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Maalmaha soo socda ayaan la ogaan doonaa halka loolanka cusub uu ku dambeeyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  19. The UN migration agency said it has relocated more than 3,900 internally displaced persons (IDPs) at risk of eviction to newly developed public sites in Baidoa, southwestern Somalia. The International Organization for Migration (IOM) said some 682 households, consisting of 3,914 individuals drawn from 12 out of 15 targeted IDP sites have been relocated to the new Baidoa public site as of June 23, one week after relocation began. “The relocation, expected to continue until July, will benefit over 1,000 households from 15 IDP sites,” IOM said in a statement issued on Tuesday evening. The UN agency said the effort will support internally displaced persons with better living conditions and sustainable land tenure. The city of Baidoa which hosts an estimated 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements, are at constant risk of forced evictions, according to IOM. The UN agency said it had developed the new public site together with the South West State authorities, the Baidoa municipality and the community ahead of the relocation. The IOM says the presence of IDPs may create tension across poor communities, often because as many do establish temporary homes to live in, they raise conflicts of over land tenure and their very right to remain in place. It said thousands of IDPs are under constant threat of eviction in the city of Baidoa which currently hosts more than 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements. According to statistics, more than 11,900 individuals were evicted in Baidoa without proper notice this year just between January and March. View the full article
  20. Galmudug is planning to hold its leadership elections next week, the region’s leader confirmed Wednesday. Somali prime minister, Hassan Ali Kheire has reached Adado town on Wednesday a day he visited Dhusamareb town. The prime minister was received by Galmudug leaders including the region’s president, Ahmed Duale Haaf. President Haaf held a meeting with the prime minister in the state’s presidential palace in Adado. The two discussed wide range issues including the political crisis in the region, elections as well as the cooperation between the federal government and Galmudug state. After the meeting, both leaders addressed the public in an open area in the center of the town. Addressing the crowd, President confirmed that his committed to holding the elections next week. “We are planning to prepare and hold the elections this coming week, it will be peaceful, free and fair,” he said. On his part, the prime minister pledged that his government will support Galmudug hold elections peacefully. “The government is ready to support and implement the decisions by Galmudug people and their leaders,” the PM stated. The prime minister lauded the leader of Galmudug for his committed to hold elections and progress he achieved while in office. View the full article
  21. (SLT-Garoowe)-Guddida doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen, kuwaas oo sheegay in is-casilaadooda ay keentay duruufo u gaar ah oo ku gedaaman guddidaasi doorashada. Xubnaha guddidan doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa sidaasi sheegay mar ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedkaasi Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale Guddidan Doorashada Puntland ayaa iscasilaadooda ku sheegay inay sababtay in xubno ka mid ah guddidaasi ay hore isku casileen isla markaana aan xilalkooda la soo buuxin. Guddidan doorashada Puntland ayuu hore u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee maamul goboleedkaasi Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), walow uu ku guuldaraystay in maamul goboleedkaasi uu ka hirgaliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay guddidani intii aanay iscasilin ay warqada is-casilaadooda ay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha Baarlamaanka, kuwaas oo ka ogolaaday Iscasilaadooda. Waxaana la ogyahay in maamul goboleedka Puntland uu ku guuldaraystay tan iyo xiligii la aasaasay sanadkii 1998-kii in laga hirgaliyo nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah iyadoo, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey ay ku soo dhaqmayeen in Madaxweynaha ay soo doortaan aqalka Baarlamaanka oo iyagana la soo magacaabo. Source
  22. A resident says a fierce gunfight broke out Thursday morning between two rival clan militias in the town of Wanlaweyn, located about 90 kilometers southwest of Mogadishu. The tribal violence has left several people dead while dozens of others wounded, according to the resident, who spoke to Radio Shabelle on condition of anonymity. The clash was ignited by a dispute over a checkpoint on the western outskirts of the town. Local authorities are trying to intervene in the warring sides and ease the fire that shattered a period of relative calm in the strategic city which links Mogadishu to Baidoa. The situation remains tense and Civilians are living in “shock and panic” as the clan battle rages on since morning with no immediate intervention from regional officials. View the full article