Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,784
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa maanta si wada jir ah xariga uga jaray Xarunta Qeybta 21aad ee Ciidamada Xooga Soomaaliya. Xaruntan oo ah mid Is-xilqaan ay ku dhiseen dadweynaha ayaa waxay ku taalaa magaaladda Cadaado. Dhanka kale, madaxweynaha iyo Ra’iisu Wasaaraha ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidamada Nabad-sugida Galmudug oo uu dhisme ku socdo. Dhismaha Xarunta Nabad-sugida ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijka Is-xilqaan oo ay bulshada reer Cadaado ku dayac-tirayaan xarumaha danta guud. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Intii u dhaxaysay 17-kii April iyo 1-da bisha May ee Sannadkan, waxay Masuuliyiinta Somaliland Xidh-xidheen Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon, Hoggaamiyaha dhallinyarada xisbi Mucaarad ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Saddexdoodaba waxa Xadhiggooda loo cuskaday inay Baraha Bulshada ku baahiyeen Qoraallo loo arko inay khatar ku yihiin Dawladda Somaliland iyo Masuuliyiinteeda, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International. Amnesty International oo si toos ah Qoraal ugu dirtay Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegtay in Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 17-dii Aprill laga soo xidhay Magaalada Burco, laguna eedeeyay inuu Facebook-ga ku dhaleeceeyay Madaxweynaha, sidoo kalena Borobagaando lid ku ah Somaliland iyo Warar been ah oo ku saabsan Dugsiga Abaarso uu ku baahiyey, xilligana uu ku xidhan yahay Jeelka dhexe ee Hargeysa. Amnesty International, waxay sheegtay Jamaal Cabdi Muxumed oo shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xafiiskiisa laga soo xidhay 24-kii Aprill, iyadoo lagu eedeeyay inuu Facebook-giisa ku dhaleeceeyay habacsanaanta shaqada Ciidammada Booliska, sidoo kalena eedaha Amnesty International sheegtay in loo haysto Jamaal waxa ka mid ah inuu Aflagaadeeyay Sarkaal Booliska ka mid ah. Jamaal hadda wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, sida hay’addu sheegtay. Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Gurigiisa Hargeysa laga xidhay 1-dii Bishii May ee sannadkan, 2019. Dhamme oo Facebook-giisa ku Cambaareeyay Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay Degmooyin Gobolka Sanaag ka mid ah, ayaa 8-dii June lagu eedeeyay inuu meel kaga dhacay sharafta Madaxweynaha. 27-kii June ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay ku heshay dambi ah inuu gefay sharafta Madaxweynaha, waxaana lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah. Hay’addu waxay sheegtay in saddexda Xubnood ee xidhan dhammaantood qabashadooda aan loo soo qaadan Waaran qabasho ah, Maaddaama oo qodobka 25-aad ee Dastuurku uu amrayo in Qofka boolisku xidhayo uu u soo qaado Waaran Qabasho ah oo Maxkamad ka soo baxday, ka hor inta aan la xidhin. Hay’adda Amnesty International waxay ku baaqday in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo soo daayo Cabdimaalik Muuse Coldoon, Jamaal Cabdi Muxumed iyo Maxamed Sidiiq Dhamme. Source
  4. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Ambassador Peter Macharia. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa ka wada-hadlay arrimo la xidhiidha Danaha labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya ku baahiyey Twitter-ka. Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Adeegsanaya Kalmadda ah ‘Labada Dal’ ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo soo xoojin lahaa Xidiidhka wada-shaqayneed. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland waxa kulankaa ku wehelinyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar. Source
  5. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa magaala Djabuuti ee dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasibadda xuska sanadguuradii 42-aad ee kasoo wareegtey maalintii xornimada dalkaasi Juun, 27, 1977. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaasi, Safiirka Ingiriiska ee Jabuuti, masuuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda dalka Jabuuti, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo ka qayb galay munaasibadda xuska maallinta xuriyadda dalkaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka aan walaalaha nahay ee wadankaasi, taasi oo uu uga sidey Shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka qayb galay xuska maalintan ku wayn shacabka Jabuubti ayaa Dowladda iyo shacabka dalkaasi ku amaanay horumarka, nabadda, xasiloonida, wadaniyadda iyo isku-tashiga taabagalay ee ay guusha ku gaadheen xornimadooda kadib. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoggaanka iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyey horumar, nabad, wadajir iyo barwaaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay xuska munaasabadda Xornimada DJabuuti appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah darawallada Gaadiidka Guddida Abaaraha Somaliland ayaa sheegay in uu isku qarxin doono gaadhiga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ka dib markii uu ku eedeeyay in uu siin waayay mushaharkiisii muddo uu ka shaqeynayay Gaadiidka Guddiga Abaaraha. Hase ahaatee Wasiir Khaliil ayaa beeniyay eedaha uu u jeediyay ninkani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika. Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika. Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummaadda Soomaaliyeed. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan. Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman. Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa si adag uga hadlay xukunka lagu riday Maxamed Siddiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Cadaado (Caasimadda Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore. Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb. Waxaa soo dhamaaday kulan Xalay illaa Maanta u socday Ra’isulwasaare Kheyre iyo Odayaasha dhaqanka Deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Odayaasha ayaa waxay Kheyre u gudbiyeen tallooyin ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna Kheyre u sheegay inuu talooyinkooda maqlay uuna u gudbin doono madaxda ugu sareeyo dalka. Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa Ra’isulwasaaraha hor dhigay illaa 4 qodob oo xasaasi ah oo ay sheegeyn inay dowladda ka rabeen fulinteeda. Qodobadaas oo ay Caasimadda Online u suurtagashay inay hesho ayaa waxay kala yihiin sida soo socot: 1: Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo. 2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado. 3: In si Cadaalad ah loo maro hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug. 4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda. Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay kasii dartay cadaadiska ay ku hayso dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, ayada oo soo bandhigtay qoraal u muuqda inay ku muujineyso inay Somaliland u aqoosantay dal. Wasaaradda arrimaha diebdda Kenya ayaa qoraalkan oo ay goordhow soo dhigtay barta twitter waxa ay si cad ugu yeeray Somaliland inay tahay “dal.” Qoraalkan ayaa ku saabsanaa kulan dhex maray xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau iyo wasiirka warrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon. Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Ambassador Macharia Kamau ayaa galabta wada-hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon. Labada dhinac ayaa ka xaajooday danta guud ee LABADA DAL iyo sida ay ku xoojin karaan wada-shaqeyntooda”. Kenya ayaa bilihii dhowaa aad u kordhineysay wada-shaqeynta iyo soo dhoweysashada Somaliland, ayada oo ujeedku yahay in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay sidoo kale dhowaan sheegtay inay wakiil u direyso magaalada Hargeysa ee Somaliland si uu halkaas uga furo xafiis diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ee dalka ugu yeeray Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Duqa degmada Garoowe Axmed Bare ayaa maanra magaalada Garoowe waxa uu tababar ugu soo xiray shaqaalaha Dab damiska ee ee dowaldda hoose ee Garoowe , [...] Source
  13. Magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug waxaa maanta kulan ku yeeshay odeyaasha dhaqanka magaalada iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayey odeyaasha ku soo bandhigeen qodobbo muhiim u ah horumarka Galmudug iyaga oo soo-jeediyey in laga dhiso Galmudug maamul oo dhan yahay, oo cid walbo raalli ka tahay. Qodobbada kale ee ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa: In marnaba aan gorgortan la gelin xarunnimada Cadaado ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sidaa darteedna ay ka dhacdo doorashada soo socota. Odeyaasha dhaqanka ayaa ra’isul wasaare Kheyre xusuusiyey ballanqaadyo mashaariic oo uu ku jira dhismaha xabsiga magaalada, kaas oo horay ay u sameysay dowladda dhexe balse aan waxbo laga qaban. Dhankiisa, ra’isul wasaare Kheyre ayaa balanqaaday in talada ay dhex taallo reer Galmudug, dowladda Soomaaliyana ay gacan siin-doonto uun dadka reer Galmudug. Kheyre waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in magaalada Cadaado ay bilowday nabad iyo nolol iyo barnaamijyada is xilqaanka, ayna caan ku tahay. Kulanka oo is afgarad ku soo dhammaadey waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaannada Galmudug ku matala baarlamaanka federaalka ah oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale sida mudane Saabir Shuuriye iyo mudane Cabdiraxmaan Odowaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. DULMIGII HAWADDII SOMALI-WAYN IYO XORNIMADDA XABASHA AAN KA SOO SAARNEY!!! Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba, Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland. Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid danbeba, Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda. Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey. Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda. Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay. Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney. Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine. Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay. Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay’ Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada? Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli awgeed uun baa keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se waxay noqoneysa ( Fratello=Walaalkii,Fortunato=Nasiibka lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya. Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta Shin maa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! Waxaa dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland 1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada. Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960. Wabilaahitawfiiq. Mahad Ali-Salaan. Hargeisa mahadpobox@gmail.com Qaran News
  15. Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa ka socota xuliska golaha cusub ee degmada, kadib markii golihii hore ay iscasileen. waxgaradka degmada ayaa ku howlan sidii [...] Source
  16. Ciidamada Boliska ee dalka Ethiopia ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Addis- Ababa waxa ay ku soo qab qabteen 56 xubnood oo ka tirsan Xisbiga Amxaaradda [...] Source
  17. Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa maanta isku dhinac qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska dalka Tunisia oo taagnaa shaaraca ug uweyn ee Bartamaha caasimadda [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Hotel ku yaal laga helay meydka Haweeney. Meydka Haweeneydaan ayaa laga helay Hotel ku yaal Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana kiiskeeda la wareegay Hey’adda Dambi Baarista Booliska ee CID. Haweeneydaan ayaa lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Barkhadle, waxaana la waysanaa dhawr Saacadood oo ay gurigeeda ka maqneyd. Suleeqo ayaa aheyd hooyo heysatay Shan carruur ah oo agoon ah, waxaana la sheegay in horey looga dilay ninkeeda oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Haweeneydaan oo deganeyd agagaarka xaafadda Shiirkole ay tagtay Hotelka arrimo u gaara dartood, kadibna la waayey, halka markii danbe meydkeeda la helay. Ciidamada Booliska ayaa hotelka gaaray, waxaana la xiray qaar ka mida maamulka Hotelka, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaalka Digfeer. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu jiro shaku ku aadan in haweeneydaan lagu sameeyey Hotelka dhexdiisa sidaasna ay ku dhimatay. Kiisaska dilalka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii dambe kusoo badaney Magaalada Muqdisho, waxayna noqdeen kuwa joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Odayaal ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomalaiya oo dhawaan Warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in Puntland [...] Source
  20. Deegaanka Tooxin oo ka tirsan degmada Bareeda ee gobolka Garda Fuu waxaa ku dhufatay dabay aad u xoogan oo saqabkii kala kacday guryihii ku yaalay [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4-aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID in ay xiraan gal dacwadeedka. Wasiirka Amniga Jubaland ayaa shalay safar lama filaan ah ku imaaday Muqdisho waxaana sida wararka ay Mustaqbal heshay la dajiyay Xarunta Nabad Sugida Soomaaliya ee Habar Khadiijo. Imaatinka Janan ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo bilow u ah dagaalka siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ay dooneyso inay ku qaado madaxweyne Axmed Madoobe. Inkastoo uu Janan yahay nin ka mid ragga ugu awoodda badan Jubbaland, marka loo eego gobolka Gedo, hadana waxaa la ogeyn waxa uu la soo bixi doono, marka dowladdu tashkiiliso, inta uu ku sugan yahay Muqdisho. Hoos ka aqriso warka ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Taliyaashii ugu qornaa Somaliland gobolka Sanaag oo dhowaan iyaga iyo ciidamadooduba ku biiray Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo G/sare Xayle xaaji Diraac oo ay weheliyaan guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland Cali Xuseen Maxamed iyo saraakiil kale oo ka yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa dhanka bari ee caasimadda Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Maxamed Xassan. Waxaa kale oo soo dhoweynta ka qeyb-qaatay, saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, madax-dhaqameed, ganacsato, iyo qeyba kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe oo sitay caleemo qoyan. Saraakiisha ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda xarunta madaxtooyada Garoowe kula kulmaan, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana kulankaasi looga arrinsan doonaa difaaca gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Taliyaashii ka soo baxay Somaliland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka jawaab celisay khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey munaasibadii dabaal-degga xuska 26-ka June. Farmaajo ayaa waxa uu sheegay inay wax-kasta ku bixinayan siday u soo celin lahaayen Somaliland, oo iyadu ku dooda inay ka go’day Somaliya, muddona baadi-goob ugu jirta Aqoonsi caalami ah. War qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga jawaab celiyay hadalkaasi, isla markaana waxa eedeymo loogu jeediyey Dowladda Federaalka, wuxuuna u dhigna sidan: “Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland. Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay. Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda. “Duddadaanu ahayne, Dawlad soo gashay ma ihine, danteennaa laba diiddaye, Dabuub aannu maqlaynay, dareen baannu ka qabnaayoo, dugsigii Baarlamaankiyo, Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, doonniyi yaanay ku leexan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com