Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,784
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdi Bashiir Muuse ayaa laga dhex-toogtay gellinkii dambe ee shalay gaari kuwa dadweynaha ah, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee dilkiisa ka dambeysa. Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka ganacsan jiray liinta, marka la dilayayna uu hor-taagnaa goob ganasi oo uu ku lahaa duulleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM-13 oo ku taalla waddada aadda Afgooye. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidammo ka tirsna kuwa booliiska Somaila ay gacanta ku dhigeen gaarigii iyo darwalki waday, balse darawalku uu ku doodayo in ruuxa dilka geystay uusan garanayn uuna gaari ka dagay dilka kaddib. Saraakiil u hadlay hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan darawalkii gaariga, ayna ku socdaan baaritaanno si loo helo gacan-ku-dhiiglihii dilka u geystay marxuumka, laasoo maydkiisa isla xalay la gaarsiiyay xarunta barista dambiyada booliiska ee C.I.D. Dhanka kale, nin ku hubeysan bastoolad ayaa ciidan ka tirsan kuwa booliska kula dagaalamay xalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeyn ciidamada booliiska u suuro-gashay inay toogasho ku dilaan. Taliye kux igeenka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in lagu guuleystay in ruuxan ku hubeysan bastooladda la dilay, kaddib markuu isku dayay inuu dilo askari hawlihiisa sugidda amniga ku jiray. “Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay iska-horimaad kooban oo ka dhacay halka lagu toogtay ruuxan ka tirsan argagaxisada,” ayay Zakiya u sheegtay wrabaahinta, iyadoo sheegtay in hawlahooda sugidda amniga ah ay halkooda kasii wadayaan. Ugu dambeyn, xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo shacab iyo askar ka tirsan ciidamada DF, iyadoo falalkaan ay imaanayaan xilli weli ay xiran yihiin qaybo badan oo ka tirsan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ganacsade lagu dilay duleedka Muqdisho iyo ruux dagaal la galay Ciidammo Booliis ah appeared first on Puntland Post.
  2. Four years ago, Asha made what seemed like an impossible decision. She knew the journey from Kenya’s Dadaab refugee camp back to her native Somalia was risky. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Taalada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida wadaniyadda leh ee ay u weyneynayaan maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luulyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin dariseynta, iscafinta iyo wacyigelinta bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.” Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka. Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa kormeer ugu tagay bulshada Degmada Deyniile, goob fagaare ah oo uu kula hadlayna waxa uu uga warbixiyey miro dhalka Barnaamijka Isxilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda. Ugu dambey, Guddoomiye Inj. Yariisoow, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed Todobaadka Xurriyadda, isagoona ugu baaqay in laga wada qeyb qaato Xuska maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah maalmihii waddaniga ah ee xurriyadda dalkeenna. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Shacabka Xamar way ku amaanan yihiin kaalintooda Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  4. The Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia has announced an agreement was reached between the country’s member states and is now included in the country's petroleum law, Kallanish Energy learns. Source: Hiiraan Online
  5. Scores of people with links to an ethno-nationalist party in Ethiopia’s Amhara state have been arrested after an attempted coup in the region, a party spokesman said Thursday. “In Addis Ababa alone, 56 of our members and sympathisers have been arrested while dozens other NaMA (National Amhara Movement) sympathisers and members in Oromia have also been arrested,” said party spokesman Christian Tadele. “The campaign of arrests against NaMa members and sympathisers isn’t just directed against a party, but is also an identity-based attack,” Christian said. Other arrests have also taken place as the government scrambles to contain a political crisis highlighted by the attempt to take over the state government in Amhara — the second-largest region — which left three top leaders dead. The Saturday attack is believed to have been linked to the murder of the army chief Seare Mekonnen by his bodyguard in Addis Ababa. The violence is seen as a backlash to Prime Minister Abiy Ahmed’s efforts to lead democratic reforms in Africa’s second-most populous nation. His loosening of the reins in the long-authoritarian state has stirred up in ethno-nationalist sentiment in the nine autonomous regions divided along ethnic lines, and fuelled jockeying for resources and power. Ethnic violence has displaced over two million people in the country. An employee of the attorney general’s office in Addis Ababa told AFP he had seen several of his colleagues arrested in their offices since Monday. Elias Gebru, a journalist and a civil society activist based in Addis Ababa, said three of his colleagues had been arrested and appeared in court Tuesday on accusations they assisted in the coup bid. MORE FROM DAILY MONITOR President ‘seriously ill’ as attacks rock Tunisia capital KCCA suffers two office break-ins Lightning kills three pupils in Kibaale Albertine men fear losing wives to oil and gas workers Advertisement Daily Monitor Qaran News
  6. Somaliland: Kenyan Foreign Minister ” We will engage with all regional partners” The Kenyan Foreign minister, Monica Juma, stated in an interview with the BBC Somali Service that her country will engage with all regional partners in the Horn of Africa, irrespective of their political or recognition status. Referring to Somaliland, Foreign minister, Juma stated ” Kenyan respects the AU position with regard to borders from the 1964 treaty. However, that doesn’t mean that we will not engage with Somaliland, just like we did with South Sudan prior to it’s independence. Kenya has many nations and peoples represented here and we reserve the right to engage all of them”. The Kenyan Foreign minister, Monica Juma also touched on several points regrading the current disputes between her government and the federal administration in Mogadishu, primarily the sea boundary and the elections in the federal region of Jubbaland. Qarannews.com Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho uu si la yaab leh nin hubeysnaa uga geyteen duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cali Bashiir Muuse, kaas oo ahaa ganacsade. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu hor taagnaa goobtiisa ganacsi oo ku taalla duleedka Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimda Online u sheegay in Marxuumka laga dhex toogtay gaari BL, gaar ahaan Hoomey ku socdaaleysay waddada marta Tareedisho ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale ilo dhinaca ammaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay wadihii gaariga, balse waxa uu tilmaamay in ninkii dilka geystay uu ka dagay gaarigiisa, islamarkaana uusan garaneyn. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay Marxuum Cali Bashiir Muuse oo ka ganacsan jiray Liinta. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan Muqdisho iyo duleedka uga dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, iyadoo ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka wadaan ciidamada Booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta waxaa aas qaran loogu samaynayaa AUN guddoomiyihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland Yuusuf Xaaji oo dhowaan ku [...] Source
  9. Xog hoose oo ay heshay PI ayaa sheegaysa inuu jiro qodob xasaasi ah oo Ahlusna ay ka diidey madaxa xukuumadda ee Villa Somalia Xasan Cali [...] Source
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniino ka soo saaray dagaal Beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa dagaalladaasi ku tilmaamay kuwa fidno ah oo aanan la aqbali Karin, wuxuuna sheegay in ay ka hortagi doonaan. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay waxgaradka Beelaha diriraya in ay joojiyaan dagaalka wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal. “Waxaan ku baaqayaa in Odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabslle ay u istaagaan joojinta colaadahaas” ayuu yiri madaxweyne Waare. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi ku daray in maamulkiisu uu ka xun yahay dhibaatooyinkaasi, waxaana uu ka digay sii socoshada dagaalladaasi. Gobolka Hiiraan, gaar ahaan nawaaxiga degmada Matabaan ayaa waxaa ku soo laa laabtay dagaallo u dhexeeyo Beelo wada daga halkaasi. Dagaalkii ugu dambeeyay oo shalay dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana haatan socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  11. Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado. Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in diirada lagu saaray khilaafka u dhexeea dowladda federaalka iyo maamulkaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashada oo la filayo in la qabto bisha July ee soo socota. Lama shaacin natiijada rasimiga ah ee ka soo baxday shirkan, balse waararka qaar ayaa sheegaya in inta badan la’isku afgartay waxyaabihii laga wada hadlay. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha ayaa gaaray magaaladaasi. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa laga dareemayaa degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, iyadoona si aad ah loo adkeeyay ammaanka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi. Muddooyinkii dambe xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaallo xoogan oo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ka waday deegaanada maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Nearly 250 people have been arrested in Ethiopia's capital Addis Ababa and the city of Bahir Dar since a coup attempt was foiled, the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation reported on Thursday. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (SMN) – Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ayaa dowlada federaalka u balanqaadey in uu kala shaqeynayo dadaalada lagu dardargelinayo horumarka iyo nabadda dalka. James Swan oo todobaadkan soo gaarey magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa sidoo kale shaaciyey in uu wadashaqeyn dhowr la yeelan doono madaxda ugu sareysa ee waddanka. Diblumaasigan u dhashay Mareykanka ayaa dabayaaqada bishii May ee sanadkan 2019 loosoo magacaabey ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya. Mr Swan ayaa waxa uu bedalayaa Nicholas Haysom, kaasi oo dalka laga eryay markii ay xukuumada ku eedeysay in uu farogelin ku sameeyay madax banaanida iyo midnimada waddanka. Hadalka James Swan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo uu shalay oo Khamiis ahayd uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo u soo bandhigay qorsheyaasha lagu horumarinayo dalka. View the full article
  14. The hopes of China’s president Xi Jinping to play a more assertive role on the world stage were under pressure on Thursday as he headed to the G20 summit amid a trade war with the US and blows to his flagship Belt and Road Initiative (BRI). Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin. “Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.” Gabagabadii, Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno Hoos Yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Ugu horeyn, waxaa uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Waxa uu ku tilmaamay “fidno ah oo aanan la aqbali karin” isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, kana digay in ay sii socdaan. Waare ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas la joojiyo. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Waare ayaa xusay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda. View the full article
  17. Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdi horudhac u ah socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa gaarey degmadaasi. Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Bartoolka, ayaa hogaaminayey wafdigaasi oo si diiran loosoo dhaweeyay. Maxamed Xaashi Carabeey, Madaxawayne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay wafdiga halkaasi gaarey Khayre ayaa la filayaa in uu Caabudwaaq kulamo kula yeesho bulshada qayba-heeda kala duwan ee ku nool Degmadaasi. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-keena waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacada Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-28062019.mp3 View the full article
  19. With a little more than a month before Minnesota’s new hands-free law goes into effect, officials are intensifying efforts to make sure people know what they can and can’t do behind the wheel. Source: Hiiraan Online
  20. Councillor Rakhia Mohammed Ismail has been chosen as Islington’s Mayor for 2019-20 at Islington’s Annual Council meeting on May 16. The Holloway Ward Councillor is the first Somali-born woman to hold the position of Lord Mayor in the UK Source: Hiiraan Online
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna ayaa diiday shuruudo iyo qodobo uu usoo bandhigay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre intii lagu guda jiray wada-hadalladii dhex maray labada dhinac, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dalbaday in heshiis kasta oo dhex mara dowladda iyo Ahlu-Sunna ay sidoo kale ku jirto in la qarameeyo ciidamada Ahlu-Sunna. Kheyre ayaa Ahlu-Sunna u sheegay inuu doonayo in ciidmada kooxda ay ka mid noqdaan militariga dowladda federaalka ah, gaar ahaan guutada 21-aad, si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe. Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee ra’iisul wasaaraha ee dib u habaynta ciidanka iyo xoreynta dalka, wuxuuna soo jeediyey in marka ciidamada Ahlu-Sunna la qarameeyo ay ku biiraan ciidamada kale ee dowladda oo qaadaya howlgal Al-Shabaab looga saarayo meelaha ay ku harsan yihiin ee gobollada Galgaduud iyo Mudug. Si kastaba, Ahlu-Sunna ayaa diidan in ciidankooda ku biiraan kuwa dowladda, waxayna sheegtay inay sii ahaan doonaan ciidamo xireed balse ay diyaar u yihiin inay dowladda caawiyaan haddii ay mushahar u qorto. Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa uga digay Ahlu-Sunna inuusan jiri doonin heshiis dhex mara kooxdan iyo dowladda haddii aysan qodobkan muhiimka ah aqbalin. Labada dhinac ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, hase yeeshee waxay hadda kala taagan yihiin meel aad u kala fog. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. At least two soldiers and a civilian died when their three-wheel car, commonly referred to as Bajaja rammed by AMISOM armoured vehicle outside Mogadishu Source: Hiiraan Online
  23. Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Tooratoorow gobolka Shabeelaha Hoose shalay galab ku toogatay nin 75 jir ah oo la oran jiray Abshir Maxamad Cabdi ka dib markii lagu eedeeyay inuu guursaday Cadeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed Xaawa Cabdi Biille. Sida ay sheegtay maxkamadda Al-Shabaab ninkan ayaa waxaa soo dacweeyey Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday hal da’na uu ka dhalay xilli uu horey hooyadeed u qabay. Xasan ayaa dacwaddiisa wuxuu ku sheegay in Abshir uu gabadha la dhuuntay islamarkaana uu meel baadiyo ah kusoo nikaaxsaday wali la’aan iyadoo ah. Abshir ayaa beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday laakin aanu guursan hooyadeed. Sida lagu sheegay qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, Intaa kadib waxaa Abshir ku marqaati furay dad degaan ah oo la socday kiiskan. Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in marqaatigu uu ansaxay, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo waliba og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah, kaasi oo lagu fuliyey. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com