-
Content Count
208,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay askar ay maalin kahor ay gaari jiir-siisey gaadiidka AMISOM. Saddex ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo laga soo wariyey inta u dhaxeysa Afgooye iyo isgoyska Ex-kontarool ee duleedka Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan kiiskan ayna baarayaan, ayna cadahay in gaadiid ay AMISOM leedahay uu ku lug-lahaa. Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay sharciga horgeyn doonto cid kasta oo ay ku cadaato falkaasi. Ehalada marxuumiinta ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, isla markaana ay dowladda ku gacan-siin doonto in ay cadaaladda helaan. Saddex shaqsi ayaa laba kamid ah waxay yihiin askar ka tirsan booliska xili midka kale uu ahaa wade Mooto oo ay la socdeen. View the full article
-
Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in uu maanta socdaal ku tago degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa laga dareemayaa gudaha degmadaasi. Wafdi horudhac ah oo halkaasi ku sugan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa qaba-qaabada kaalin weyn ka cayaaraya. Khayre ayaa marka uu tago Caabudwaaq la filayaa in uu kulamo la yeesho dadweynaha, isaga oo kala xaajoonaya horumarka iyo la shaqeynta dowladda. Safarka ra’iisul wasaaruhu ku tagayo halkaasi ayaa qeyb ka ah socdaal dheer oo shaqo kaasi oo xaalada gobolada Galmudug uu ugu kuur-galayo. View the full article
-
China (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, mudane ; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan Dalka Shiinaha, ayaa Maanta booqasho ku tegay xarumaha Seddax Shirkadood oo Laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta Gawaarida. Mudane; Mahdi oo lagu casuumay bandhig Carweed ay Gobolka Hunnan ee Dalka Shiinaha kusoo bandhigayeen Shirkadaha waxyaabaha ay u iib geyn karaan Dunida inteeda kale, ayaa booqday xarumaha Shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co, Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo Indha0Indheeyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan Shirkadaha ay booqdeen, waxanay madaxda Shirkaduhu u sheegeen in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno Dalka Soomaaliya. Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha sameeya Gaadiidka ee laga leehay Dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta Mashiinnada dhismaha, halka Shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo Garowe loogu sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur. Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya. “Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Yuusuf Xaaji Nuur ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga. The post Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo Aas qaran loogu sameeyey Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) oo Taallada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah Bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay u weyneynayaan Maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin deriseynta, is-cafinta iyo wacyigelinta Bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir dedaalka ay ugu jiraan Maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha Todobaadka xorriyadda, iyagoo muujiyey dareenka waddaniyadeed ee ay u qabaan Dadkooda iyo Dalkooda.” Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hor tago falalka gurracan ee ay argagixisada Al-Shabaab u maleegayaan Shacabka. Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa Bulshada ku dhaqan Degmada Deyniile, goob fagaare ah kula hadlay, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay, wuxuuna uga warbixiyey Miro dhalka Barnaamijka Is-xilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, ayaa Todobaadka xorriyadda awgii waxa uu u hambalyeeyay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato xuska Maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah Maalmihii waddaniyadda ee xorriyadda Dalkeenna. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Dhuhur-28062019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Minister Faraton Meets With Ambassador Peter Macharia, Permanent Secretary, Kenyan Foreign Office The Somaliland Foreign minister, Yasin Haji Mohamud Hir, “Faraton” met with the Permanent Secratary at the Kenyan Foreign Office. Ambassador Peter Macharia in Nairobi. The two diplomats discussed areas of mutual interests, including trade, security in the region, good governance and the democratic ties between Somaliland and Kenya. Foreign Minister, Yasin Haji Mohamud “Faratoon” has been in Kenya for the past week and held meetings with senior Kenyan officials and members of the diplomatic community in Nairobi. The meeting was also attended by the Somaliland representative in Kenya, Bashe Awil Omar. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Al-shabaab ayaa goob fagaare ku taalla deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose waxay ku toogteen oday 75 jir ah oo lagu magacaabi jiray, Abshir Maxamad Cabdi kaddib markii lagu eedeeyay inuu guursaday gabar iyo hooyadeed. Odaygan ayaa la sheegay inuu xilliyo kala duwan kala guursaday, Caddeey Manuur Khaliif iyo Hooyadeed oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Biille, taasoo aan raad ku lahayn diinta Islaamka, waxaana maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah. War laga soo saaray maxkamadda Al-shabaab ayaa waxaa lagu xusay inuu ninkan la dilay soo dacweeyay Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey, isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday uuna ka dhalay hal cunug, xilli uu horay u soo guursaday hooyadeed. Sidoo kale, Xasan ayaa sheegay in Abshir uu gabadhooda la dhuuntay isla markaana uu kasoo mehersaday meel miyo ah iyadoo aysan jirin cid la ogeyd guurka gabadhan, balse Abshir ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday balse aanu guursan hooyadeed. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in Abshir ay ku marqaati fureen tiro dad ah oo ay isku deegaan yihiin, sidaasna ay maxkamada ugu cadaatay in uu ruuxan ku dhacay fal aan ku bannaaneyn diinta Islaamka. Ugu dambeyn Garsooraha maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegay in ansax ay yihiin markhaatiyada, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah kaasoo lagu fuliyay. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo Toogasho ku dilay Nin ay sheegeen inuu ku kacay dambi fool xun appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Waxaa aad u sii kordhahaya xiriirka ka dhaxeeya jamhuuriyadda iskeeda madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland iyo dowladda Kenya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Xiriirka ayaa gaar ahaan sii karaar qaatay sannadkan kadib markii uu muran dublamaasiyadeed ka dhex qarxay dowladda Kenya iyo Soomaaliya, murankaas oo yimid markii ay labada dowladood isku fahmi waayeen dacwad maxkamadda adduunka hortaala oo ku saabsan muran dhul badeedka ah. Somaliland waxa ay xafiis dublamaasiyadeed ka furatay magaalada Nairobi, halka Kenya ay sheegtay in ay wakiil u direyso magaalada Hargeysa. Intaas kuma aysan ekaanine, Kenya waxa ay wafti xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale isugu jira u dirtay Somaliland si ay uga qeybgalaan dabaaldeggii 18-ka May. Balse arrintii dhalisay hadal hayntii ugu badnayd waxa ay dhacday shalay kadib kulan dhexmaray wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Mr Kamau. Fariin lagu soo qorey degelka Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibeda Kenya ayaa Somaliland lagu sheegay ‘dal’, taas oo keentay su’aal ah in Kenya ay aqoonsanayso Somaliland iyo Inkale. Fariinta Twitter-ka ayaa sidan u qorneyd “Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenta Mr Kamau ayaa galabta wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamed, waxay labada ka wada hadleen danaha wadaagga ah ee LABADA DAL iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga”. Balse wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo la weeydiiyay su’aasha ah moowqifkooda aqoonsiga Somaliland ayaa tiri “Moowqifka Kenya ee Somaliland waa kan Midoowga Afrika uu ka taaganyahay, sida ku xusan go’aankii Midoowga Afrika ee 1964-tii”. Laakiinse, waxay sheegtay hadal u muuqda in Kenya ay filayso in Somaliland ay noqon doonto dal madax banaan, waxayna tiri “Dano ayaan ka leenahay dalal badan, ka hor inta aysan dal noqon Suudaanta Koonfureed wakiilo ayaa u joogay Kenya, dal caynkaas ah ayaan nahay, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, waan la macaamilaynaa cid kasta”. Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda “ku orodday” ka hor intaanba wax la’is weeydiinin. Ugu dambeyn, Arrimaha cusub ayaa kusoo hagaagaya kadib markii ay dhowaan Kenya dalkeeda ku martigalisay wadahalo dhexmari lahaa Somaliland iyo dowladda federaalka, balse ma aysan u qabsoomin sidii loogu talogalay kadib markii ay xukuumadda Muqdisho diiday kasoo qeybgalka. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Kenya oo shaacisay inay xaq u leedahay inay si gaar ah ula macaamisho Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdi Bashiir Muuse ayaa laga dhex-toogtay gellinkii dambe ee shalay gaari kuwa dadweynaha ah, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee dilkiisa ka dambeysa. Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka ganacsan jiray liinta, marka la dilayayna uu hor-taagnaa goob ganasi oo uu ku lahaa duulleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM-13 oo ku taalla waddada aadda Afgooye. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidammo ka tirsna kuwa booliiska Somaila ay gacanta ku dhigeen gaarigii iyo darwalki waday, balse darawalku uu ku doodayo in ruuxa dilka geystay uusan garanayn uuna gaari ka dagay dilka kaddib. Saraakiil u hadlay hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan darawalkii gaariga, ayna ku socdaan baaritaanno si loo helo gacan-ku-dhiiglihii dilka u geystay marxuumka, laasoo maydkiisa isla xalay la gaarsiiyay xarunta barista dambiyada booliiska ee C.I.D. Dhanka kale, nin ku hubeysan bastoolad ayaa ciidan ka tirsan kuwa booliska kula dagaalamay xalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeyn ciidamada booliiska u suuro-gashay inay toogasho ku dilaan. Taliye kux igeenka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in lagu guuleystay in ruuxan ku hubeysan bastooladda la dilay, kaddib markuu isku dayay inuu dilo askari hawlihiisa sugidda amniga ku jiray. “Ma jirto cid kale oo ay waxyeello kasoo gaartay iska-horimaad kooban oo ka dhacay halka lagu toogtay ruuxan ka tirsan argagaxisada,” ayay Zakiya u sheegtay wrabaahinta, iyadoo sheegtay in hawlahooda sugidda amniga ah ay halkooda kasii wadayaan. Ugu dambeyn, xilliyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo shacab iyo askar ka tirsan ciidamada DF, iyadoo falalkaan ay imaanayaan xilli weli ay xiran yihiin qaybo badan oo ka tirsan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ganacsade lagu dilay duleedka Muqdisho iyo ruux dagaal la galay Ciidammo Booliis ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Taalada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida wadaniyadda leh ee ay u weyneynayaan maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luulyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin dariseynta, iscafinta iyo wacyigelinta bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.” Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka. Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa kormeer ugu tagay bulshada Degmada Deyniile, goob fagaare ah oo uu kula hadlayna waxa uu uga warbixiyey miro dhalka Barnaamijka Isxilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda. Ugu dambey, Guddoomiye Inj. Yariisoow, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed Todobaadka Xurriyadda, isagoona ugu baaqay in laga wada qeyb qaato Xuska maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah maalmihii waddaniga ah ee xurriyadda dalkeenna. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Shacabka Xamar way ku amaanan yihiin kaalintooda Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
-
The Ministry of Petroleum and Mineral Resources of the Federal Republic of Somalia has announced an agreement was reached between the country’s member states and is now included in the country's petroleum law, Kallanish Energy learns. Source: Hiiraan Online
-
Scores of people with links to an ethno-nationalist party in Ethiopia’s Amhara state have been arrested after an attempted coup in the region, a party spokesman said Thursday. “In Addis Ababa alone, 56 of our members and sympathisers have been arrested while dozens other NaMA (National Amhara Movement) sympathisers and members in Oromia have also been arrested,” said party spokesman Christian Tadele. “The campaign of arrests against NaMa members and sympathisers isn’t just directed against a party, but is also an identity-based attack,” Christian said. Other arrests have also taken place as the government scrambles to contain a political crisis highlighted by the attempt to take over the state government in Amhara — the second-largest region — which left three top leaders dead. The Saturday attack is believed to have been linked to the murder of the army chief Seare Mekonnen by his bodyguard in Addis Ababa. The violence is seen as a backlash to Prime Minister Abiy Ahmed’s efforts to lead democratic reforms in Africa’s second-most populous nation. His loosening of the reins in the long-authoritarian state has stirred up in ethno-nationalist sentiment in the nine autonomous regions divided along ethnic lines, and fuelled jockeying for resources and power. Ethnic violence has displaced over two million people in the country. An employee of the attorney general’s office in Addis Ababa told AFP he had seen several of his colleagues arrested in their offices since Monday. Elias Gebru, a journalist and a civil society activist based in Addis Ababa, said three of his colleagues had been arrested and appeared in court Tuesday on accusations they assisted in the coup bid. MORE FROM DAILY MONITOR President ‘seriously ill’ as attacks rock Tunisia capital KCCA suffers two office break-ins Lightning kills three pupils in Kibaale Albertine men fear losing wives to oil and gas workers Advertisement Daily Monitor Qaran News
-
Somaliland: Kenyan Foreign Minister ” We will engage with all regional partners” The Kenyan Foreign minister, Monica Juma, stated in an interview with the BBC Somali Service that her country will engage with all regional partners in the Horn of Africa, irrespective of their political or recognition status. Referring to Somaliland, Foreign minister, Juma stated ” Kenyan respects the AU position with regard to borders from the 1964 treaty. However, that doesn’t mean that we will not engage with Somaliland, just like we did with South Sudan prior to it’s independence. Kenya has many nations and peoples represented here and we reserve the right to engage all of them”. The Kenyan Foreign minister, Monica Juma also touched on several points regrading the current disputes between her government and the federal administration in Mogadishu, primarily the sea boundary and the elections in the federal region of Jubbaland. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho uu si la yaab leh nin hubeysnaa uga geyteen duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cali Bashiir Muuse, kaas oo ahaa ganacsade. Marxuumka ayaa la dilay xilli uu hor taagnaa goobtiisa ganacsi oo ku taalla duleedka Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimda Online u sheegay in Marxuumka laga dhex toogtay gaari BL, gaar ahaan Hoomey ku socdaaleysay waddada marta Tareedisho ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale ilo dhinaca ammaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay wadihii gaariga, balse waxa uu tilmaamay in ninkii dilka geystay uu ka dagay gaarigiisa, islamarkaana uusan garaneyn. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka loo geystay Marxuum Cali Bashiir Muuse oo ka ganacsan jiray Liinta. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan Muqdisho iyo duleedka uga dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, iyadoo ay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka wadaan ciidamada Booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniino ka soo saaray dagaal Beeleedyada ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa dagaalladaasi ku tilmaamay kuwa fidno ah oo aanan la aqbali Karin, wuxuuna sheegay in ay ka hortagi doonaan. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay waxgaradka Beelaha diriraya in ay joojiyaan dagaalka wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal. “Waxaan ku baaqayaa in Odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabslle ay u istaagaan joojinta colaadahaas” ayuu yiri madaxweyne Waare. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi ku daray in maamulkiisu uu ka xun yahay dhibaatooyinkaasi, waxaana uu ka digay sii socoshada dagaalladaasi. Gobolka Hiiraan, gaar ahaan nawaaxiga degmada Matabaan ayaa waxaa ku soo laa laabtay dagaallo u dhexeeyo Beelo wada daga halkaasi. Dagaalkii ugu dambeeyay oo shalay dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana haatan socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado. Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in diirada lagu saaray khilaafka u dhexeea dowladda federaalka iyo maamulkaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashada oo la filayo in la qabto bisha July ee soo socota. Lama shaacin natiijada rasimiga ah ee ka soo baxday shirkan, balse waararka qaar ayaa sheegaya in inta badan la’isku afgartay waxyaabihii laga wada hadlay. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha ayaa gaaray magaaladaasi. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa laga dareemayaa degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, iyadoona si aad ah loo adkeeyay ammaanka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi. Muddooyinkii dambe xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaallo xoogan oo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ka waday deegaanada maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nearly 250 arrested in Ethiopia after foiled coup: State TV
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nearly 250 people have been arrested in Ethiopia's capital Addis Ababa and the city of Bahir Dar since a coup attempt was foiled, the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation reported on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (SMN) – Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ayaa dowlada federaalka u balanqaadey in uu kala shaqeynayo dadaalada lagu dardargelinayo horumarka iyo nabadda dalka. James Swan oo todobaadkan soo gaarey magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa sidoo kale shaaciyey in uu wadashaqeyn dhowr la yeelan doono madaxda ugu sareysa ee waddanka. Diblumaasigan u dhashay Mareykanka ayaa dabayaaqada bishii May ee sanadkan 2019 loosoo magacaabey ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya. Mr Swan ayaa waxa uu bedalayaa Nicholas Haysom, kaasi oo dalka laga eryay markii ay xukuumada ku eedeysay in uu farogelin ku sameeyay madax banaanida iyo midnimada waddanka. Hadalka James Swan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo uu shalay oo Khamiis ahayd uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo u soo bandhigay qorsheyaasha lagu horumarinayo dalka. View the full article