-
Content Count
208,784 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan Warar oo soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay, islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay wadahadal kala yeeshaan Kiiska Badda dowladda Kenya. Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya laga doonaayo in aysan wada hadal la furan dowladda Kenya, taasoo halis ka galinkarta Kiiska badda Soomaaliya. “Waxaa jiro xogo isi soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay qorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan dariska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka” ayuu yiri Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa uga digay Madaxda Qaranka in ay wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed. “Hadda waxaan masuuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed, dhowraana madaxbanaanida iyo midnimada bariyeed, badeed iyo cireed ee dalka, aysanna luminin taageerada iyo kalsoonida dowladnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, ayagoo garwaaqsanaya in qadiyadda badda uu ka soo gaaray madax horay ugu sinbiririxayday ee aan ka fiirsan dhaawacyo iyo barro siyaasadeed ee madow oo ma hadho ah” ayuu yiri Markale Cabdikariin Xuseen Guuleed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaa,inayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxaa Caabudwaaq ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka socday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo sitay caleemo qoyan iyo sawirada Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad u jeediyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay sida diiran ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga la socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in dib u heshiisiin dhab ah la dhex dhigo bulshada wad degta deegaannada Galmudug. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa lagu wadaa inay kulamo la qaataan qeybaha bulshada ee ku dhan Caabudwaaq. Mudane Xasan Cali Kheyre oo socdaal dhulka ah ku maraya qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka Galgaduud ayaa horey u tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Batroolka ay gaareen magaalada Caabudwaaq, kuwaasi oo hore dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-keena waxaan halkan Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-28062019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Saudi Arabian Authorities Rescind Directive On Somaliland Livestock The Saudi Arabian authorities have rescinded a recent directive on the exportation of Somaliland livestock in time for the Hajj pilgrimage. The directive which as strongly opposed by the Somaliland government stated that “all future exports of livestock from Somaliland must be accompanied by documents issued by the federal administrations in Mogadishu”. However, it is now clear that no such documentation would be required, since the federal administration in Mogadishu has neither the jurisdiction nor the ability to examine or regulate Somaliland livestock. As per usual, Somaliland’s opponents ran with the story, only for it to be a non-story. It has always been clear that the weak federal entity in Mogadishu has been engaged in trying to destabilize the economic, democratic and diplomatic progress of Somaliland, whilst paying lip service to “unity and fraternity”. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin ka hor ayay aheyd markii mid ka mid ah Gaadiidka AMISOM uu deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dilay Saddex Ruux oo watay mooto kadib markii uu jiirsiiyay, waxaaana saddexda laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay falkaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo shir jaraa’id Warabahinta u qabtay ayaa sheegay inay arkeen cabashada ehelada dadkii AMISOM gaariga jiisiiyay, waxaana uu sheegay in Gaadiidkii AMISOM ee falkaasi geystay gacanta lagu dhigay, isla markaana wadahadal kadib ay qirteen Ciidanka AMISOM. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhacdadaasi ay wax ku noqdeen labada Askari iyo darawalka mootada ay diiwaangeliyeen, isla markaana AMISOM ay sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka xaajooto falkaas. Ehelada dadka shilkaasi gaari ku dhintay ayuu ugu baaqay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku hayaan sida ay dhacdadaasi u dhacday, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay kula xisaabtameyso Ciidamada AMISOM ay ka dambeeyay falkaas. Hoos Ka Dhageyso codka Taliyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Janeral-Madaale.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha. Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhammaystirka wixii haray. Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay. Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada. Shirka Dowlada iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee Maanta la kala saxiixday . Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada. Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan. Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa. Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn. ”Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareeyo kiiska maxkmadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya. Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la’is weeydiinin. ”Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara”, ayay tiri Monica Juma. Dhinaca kalana Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa goor sii horeeysay shaacisay xiliga ay dhageysaneyso muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ oo horay u go’aamisay inay dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa labada dal ayaa waxaa ka soo horjeeday Dowladda Kenya oo iyadu dooneysay in khilaafka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda. War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha Sabtembar ay dhageysan doonto dooda labada dhninac ee xuduudda badda. Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta. Inkstoo maxkamadda aysan si rasmi ah uga hadlin xiliga ka go’aan gaarista iyo waxa laga hadlayo ayaa dadka darsa arrimahaas waxay qabaan in la dhageysan doono waxa dhinacyada ay ku doodayaan. Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Xigasho: BBC Somali
-
Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27-ka Juun, 2018. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: 1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. 2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. 3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. 5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Madxaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo saaray go’aano wadajir ah oo la xariira maamulkaasi. Wada-hadallada laba dhinac oo mira dhal laga gaaray ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxa ay isla garteen in Dhuusamareeb ay noqoto Caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda, islamarkaana hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaaladaasi. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: Halkan hoose ka aqriso: Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Galmudug ayaa heshiis ku gaaray magaalada Cadaado. Kheyre iyo Xaaf War-murtiyeed maanta ka soo baxay kulan khamiistii yeesheen labada dhinac ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay qodobo ay kamid yihiin, in la dajiyo geeddi socod iyo hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho si loo helo Galmudug mideysan, in Galmudug ay qaadato kaalinta kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka, in Dhuusamareeb ay si buuxda uga howl galaan hay’adaha amniga Federaalka iyo Galmudug si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay, iyo in dowladda Federaalka ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug. Lama yaqaano in heshiiska Kheyre iyo Xaaf uu soo afjari doono iyo in kale khilaafka Galmudug curyaamiyay oo taagnaa muddo dheer. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2018. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Xaaf waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteed kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. PUNTLAND POST The post Maxay ku heshiiyeen Kheyre iyo Xaaf? appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiis ay ku gaareen magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud,labada dhinac ayaa isku raacay ilaa shan qodob kuwaas oo saldhig u ah heshiiska la gaaray, waxaana ka mid ah. 1.Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. 2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaaee Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. 3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. 5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. Heshiiska lagui gaaray cadaado ayaa imaanaya ayadoo labadii maalin ee tagatay ay magaalada shir ku lahaayeen madax ka socotay dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay askar ay maalin kahor ay gaari jiir-siisey gaadiidka AMISOM. Saddex ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo laga soo wariyey inta u dhaxeysa Afgooye iyo isgoyska Ex-kontarool ee duleedka Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan kiiskan ayna baarayaan, ayna cadahay in gaadiid ay AMISOM leedahay uu ku lug-lahaa. Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay sharciga horgeyn doonto cid kasta oo ay ku cadaato falkaasi. Ehalada marxuumiinta ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, isla markaana ay dowladda ku gacan-siin doonto in ay cadaaladda helaan. Saddex shaqsi ayaa laba kamid ah waxay yihiin askar ka tirsan booliska xili midka kale uu ahaa wade Mooto oo ay la socdeen. View the full article
-
Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in uu maanta socdaal ku tago degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa laga dareemayaa gudaha degmadaasi. Wafdi horudhac ah oo halkaasi ku sugan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa qaba-qaabada kaalin weyn ka cayaaraya. Khayre ayaa marka uu tago Caabudwaaq la filayaa in uu kulamo la yeesho dadweynaha, isaga oo kala xaajoonaya horumarka iyo la shaqeynta dowladda. Safarka ra’iisul wasaaruhu ku tagayo halkaasi ayaa qeyb ka ah socdaal dheer oo shaqo kaasi oo xaalada gobolada Galmudug uu ugu kuur-galayo. View the full article
-
China (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, mudane ; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan Dalka Shiinaha, ayaa Maanta booqasho ku tegay xarumaha Seddax Shirkadood oo Laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta Gawaarida. Mudane; Mahdi oo lagu casuumay bandhig Carweed ay Gobolka Hunnan ee Dalka Shiinaha kusoo bandhigayeen Shirkadaha waxyaabaha ay u iib geyn karaan Dunida inteeda kale, ayaa booqday xarumaha Shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co, Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo Indha0Indheeyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan Shirkadaha ay booqdeen, waxanay madaxda Shirkaduhu u sheegeen in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno Dalka Soomaaliya. Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha sameeya Gaadiidka ee laga leehay Dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta Mashiinnada dhismaha, halka Shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo Garowe loogu sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur. Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya. “Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Yuusuf Xaaji Nuur ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga. The post Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo Aas qaran loogu sameeyey Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) oo Taallada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah Bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay u weyneynayaan Maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin deriseynta, is-cafinta iyo wacyigelinta Bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir dedaalka ay ugu jiraan Maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha Todobaadka xorriyadda, iyagoo muujiyey dareenka waddaniyadeed ee ay u qabaan Dadkooda iyo Dalkooda.” Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hor tago falalka gurracan ee ay argagixisada Al-Shabaab u maleegayaan Shacabka. Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa Bulshada ku dhaqan Degmada Deyniile, goob fagaare ah kula hadlay, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay, wuxuuna uga warbixiyey Miro dhalka Barnaamijka Is-xilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, ayaa Todobaadka xorriyadda awgii waxa uu u hambalyeeyay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato xuska Maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah Maalmihii waddaniyadda ee xorriyadda Dalkeenna. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Dhuhur-28062019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Minister Faraton Meets With Ambassador Peter Macharia, Permanent Secretary, Kenyan Foreign Office The Somaliland Foreign minister, Yasin Haji Mohamud Hir, “Faraton” met with the Permanent Secratary at the Kenyan Foreign Office. Ambassador Peter Macharia in Nairobi. The two diplomats discussed areas of mutual interests, including trade, security in the region, good governance and the democratic ties between Somaliland and Kenya. Foreign Minister, Yasin Haji Mohamud “Faratoon” has been in Kenya for the past week and held meetings with senior Kenyan officials and members of the diplomatic community in Nairobi. The meeting was also attended by the Somaliland representative in Kenya, Bashe Awil Omar. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Al-shabaab ayaa goob fagaare ku taalla deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose waxay ku toogteen oday 75 jir ah oo lagu magacaabi jiray, Abshir Maxamad Cabdi kaddib markii lagu eedeeyay inuu guursaday gabar iyo hooyadeed. Odaygan ayaa la sheegay inuu xilliyo kala duwan kala guursaday, Caddeey Manuur Khaliif iyo Hooyadeed oo lagu magacaabo Xaawa Cabdi Biille, taasoo aan raad ku lahayn diinta Islaamka, waxaana maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah. War laga soo saaray maxkamadda Al-shabaab ayaa waxaa lagu xusay inuu ninkan la dilay soo dacweeyay Xasan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey, isagoo Abshir ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday uuna ka dhalay hal cunug, xilli uu horay u soo guursaday hooyadeed. Sidoo kale, Xasan ayaa sheegay in Abshir uu gabadhooda la dhuuntay isla markaana uu kasoo mehersaday meel miyo ah iyadoo aysan jirin cid la ogeyd guurka gabadhan, balse Abshir ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuu gabadha guursaday balse aanu guursan hooyadeed. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in Abshir ay ku marqaati fureen tiro dad ah oo ay isku deegaan yihiin, sidaasna ay maxkamada ugu cadaatay in uu ruuxan ku dhacay fal aan ku bannaaneyn diinta Islaamka. Ugu dambeyn Garsooraha maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegay in ansax ay yihiin markhaatiyada, sidaa darteed ayaana waxaa lagu xukumay inuu ficilkaasi ku dhacay isagoo og, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah kaasoo lagu fuliyay. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo Toogasho ku dilay Nin ay sheegeen inuu ku kacay dambi fool xun appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Waxaa aad u sii kordhahaya xiriirka ka dhaxeeya jamhuuriyadda iskeeda madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland iyo dowladda Kenya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Xiriirka ayaa gaar ahaan sii karaar qaatay sannadkan kadib markii uu muran dublamaasiyadeed ka dhex qarxay dowladda Kenya iyo Soomaaliya, murankaas oo yimid markii ay labada dowladood isku fahmi waayeen dacwad maxkamadda adduunka hortaala oo ku saabsan muran dhul badeedka ah. Somaliland waxa ay xafiis dublamaasiyadeed ka furatay magaalada Nairobi, halka Kenya ay sheegtay in ay wakiil u direyso magaalada Hargeysa. Intaas kuma aysan ekaanine, Kenya waxa ay wafti xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale isugu jira u dirtay Somaliland si ay uga qeybgalaan dabaaldeggii 18-ka May. Balse arrintii dhalisay hadal hayntii ugu badnayd waxa ay dhacday shalay kadib kulan dhexmaray wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Mr Kamau. Fariin lagu soo qorey degelka Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibeda Kenya ayaa Somaliland lagu sheegay ‘dal’, taas oo keentay su’aal ah in Kenya ay aqoonsanayso Somaliland iyo Inkale. Fariinta Twitter-ka ayaa sidan u qorneyd “Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenta Mr Kamau ayaa galabta wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamed, waxay labada ka wada hadleen danaha wadaagga ah ee LABADA DAL iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga”. Balse wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo la weeydiiyay su’aasha ah moowqifkooda aqoonsiga Somaliland ayaa tiri “Moowqifka Kenya ee Somaliland waa kan Midoowga Afrika uu ka taaganyahay, sida ku xusan go’aankii Midoowga Afrika ee 1964-tii”. Laakiinse, waxay sheegtay hadal u muuqda in Kenya ay filayso in Somaliland ay noqon doonto dal madax banaan, waxayna tiri “Dano ayaan ka leenahay dalal badan, ka hor inta aysan dal noqon Suudaanta Koonfureed wakiilo ayaa u joogay Kenya, dal caynkaas ah ayaan nahay, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, waan la macaamilaynaa cid kasta”. Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda “ku orodday” ka hor intaanba wax la’is weeydiinin. Ugu dambeyn, Arrimaha cusub ayaa kusoo hagaagaya kadib markii ay dhowaan Kenya dalkeeda ku martigalisay wadahalo dhexmari lahaa Somaliland iyo dowladda federaalka, balse ma aysan u qabsoomin sidii loogu talogalay kadib markii ay xukuumadda Muqdisho diiday kasoo qeybgalka. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Kenya oo shaacisay inay xaq u leedahay inay si gaar ah ula macaamisho Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News