Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma oo Wareysi siisay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da ayaa kajawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriirta Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, Wareysiga oo muuqaal ah waxa kamuuqday Wasiiradda welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo iskudhexyaac siyaasadeed, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee kuwajahan sheegashada Badda Soomaaliya. Su’aasha koowaad ee la weydiiyey oo ahayd:- Ma aaminsantahay in kiiskan ICJ ee Kenya iyo Soomaaliya ay Maxkamadda si caddaalad ah u xukumi doonto?! Waxa ay uga jawaabtay dareen ah in Kenya aanay ku qanacsanayn maxkamadda mar, mar kalana aanay dooneynba in ICJ gasho Kiiskan, sidaas oo kale waxa ay muujisay in xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta, taas oo kadhigan in Kenya aanay xushmad iyo dhowrid siin doonin haddii sida ay u badan tahay Soomaalia loo xukumo milkiyadda Baddeeda! Monica Juma waxa ay jawaab u weysay dalabkii Kenya ee ahaa in xalka iyo wada-xaajoodka Kiixska Badda Soomaaliya lagu galo meel kabaxsan maxkamadda iyada oo si is maahin uga jawaabtay Su’aal ahayd: Kenya waxaa ay dalbatay in meel aan maxkamadda ahayn wax lagu xalliyo, waa maxay saabta aysan Soomaaliya idiinku raacin? Wasiiraddu waxa ay iskudayday in ay barbar-dhigto Kiiska Badda Soomaaliya Kiisaska iyo muranka u dhexeeya Waddamo kale oo ku muransan ama isku haya Dhul badeed aan midkoodna u baahan in la tago heer maxkamad, waxa ay ku faantay Monica in Keyna kuwanaagsan kudhaqanka Qaanuunka Caalamiga ah balse waxa ay illowday in Kenya faraha lagashay Badda Soomaaliya iyada oo aan ogeyn ujeedka iyo cidda kadambeysa faragelinta Biyaha Soomaaliya, sidaas oo kale waxa ay iska-indho-tirtay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku laalay kuna diiday Isfahamkii dhexmaray xukuumaddii kmg ahayd ee Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali. Iyada oo Wareysigan dhexdiisa ku sheegtay in xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta ayay haddana sheegtay in aanay kahordhacay xukunka Maxkamadda ICJ, waxa kale oo Juma u bareertay in ay hoos u dhigto Baarlamaanka Carabta oo ay sheegtay in aanay aqoon hay’ad la yiraahdo Baarlamaanka Carabta. Qalabka Cadaadiska (Jubbalad & Somaliland) Monica Juma waxa ay soo hadal qaadday Arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo dowladda iskeed isu magacowday ee Somaliand, iyada oo kajawaabeysay Su’aal kusaabsanayd aragtida Kenya ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ayay tiri: Wax xiriir hoose oo gaar ah nagama dhaxeeyaan Somaliland, laakiin dano kale ayaa jiri kara, tusaale Koofurta Suudaan inta aysan dal noqon waxaan ku lahayn xafiisyo iyo wakiillo, marka taas micnaheeda maaha inaan aqoonsannay, waxaan aqoonsannahay Soomaaliya, sida Jubaland aan ula macaamilno ayaana ula macaamileynaa qeybaha kale ee Soomaaliya, marka taas ma waxa ay ka dhigan tahay inaan dal ahaan u aqoonsannay?, Maya. Marka la soo xooriyo guud ahaa Wareysiga Juma waxa uu muujiyey welwelka xad-dhaafka ah ee haysta siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyo rejo la’aanta kusoo wajahan Kenya oo ka dhalan doonta Kiiskan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Tifaftirka Mustaqbal + BBC Focus on Africa
  2. Addis-Ababa (Caasimada Onlione) – Dowladda Itoobiya ayaa muddo laba isbuuc gudahood ah weysay labadii Jeneraal ee ugu sarreeyay ciidamada militariga wadankaasi. Jeneraal Abraha Woldemariam oo ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee hoggaaminayay duullaankii lagusoo qaaday Soomaaliya sanaddii 2007 ayaa cudurka sambaba xanuunka ugu dhintay Isbitaal ku yaal wadanka Thailand. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC-da laanta Afka Tigreega in Jeneraal Abraha Woldemariam uu dhintay iyadoona xukuumadda Itoobiya ay si aad ah uqarisay warka ku saabsan geerida Jeneraalkan sababa la xiriira isagoo madax u ahaa kumanaan kun oo askari, ahaana sarkaal saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku dhax leh Itoobiya. Jeneraal Abraha ayaa hadda taliye u ahaa ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka Harar sidoo kale waxaa hoos imaan jiray ciidamada Xabashida ee xoogga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed. Abraha Woldemariam ayaa ah jeneraalkii labaad ee toddobaad gudihiis ay weyso Itoobiya, ayada isbuucii lasoo dhaafay bartamaha magaalada Addis Ababa lagu dilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa isbuucii lasoo dhaafay gobolka Amhara lagu dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay. Itoobiya ayaa maraysa marxalad halis ah waxaana madaxa iskula jira qowmiyadaha kala diimaha ee wadanka halka Jeneraalladii lasoo shaqeeyay Males Zenaawi ay shirqoollo umaleegayaan Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya kaas oo tan iyo markii uu xilka qabtay lasoo shir tagay isbedello oo ku sheegayo in uu ku dhisayo Itoobiyada cusub. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Nin kamid ah wadayaasha gaadiidka guddida abaaraha ee Somaliland iyo Nin kale oo wehlinayey ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Labadan Nin oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa Wasiir Khaliil ku eedeyay inuu lunsaday qeyb kamid ah mushaarkoogii ay ku shaqeynayeen, iyagoona ku hanjabay inay isku qarxin doonaan gaariga Wasiirka. Mid kamid ah labadan Nin oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu yiri “Anagoo ah dilawariinta gaadiidka guddiga abaaraha, ayaa markii naloo dhiibay waxaanu u baxnay gobolada, anigu gobolka Saaxil baan ku qornaa, waxyaabo badan oo dhibaata wan la soo kulanay oo bilaa masaariif ah” “Mushaarkeygii ahaa $350 ee islahaa guddigii abaaraha kula sugeysa oo waa halkey cadaaladu taalay ban islahaa, Wasiirkii wuxu yiri wey handaraaban-tahay, markuu sidaa nagu yiri ee nala joojinayey meel aan u marno weynay, waxanu ku sugnay ilaa Salaadii duhur masjid uu ku tukanayey, masaajidkiina wuu ka baxay”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Somaliland halkee cadaalad lagu arkaya waa halkii Diintu taalayba, Madaxweynaha u sheegeyna cadaalad darada nagaga dhacday Wasiirka diinta iyo awqaafta, saacada laga bilaabo in aan wax sameyno oo isku qarxinaba, in aan ku qarxino gaarigiisa oo ku dhufto iyo inuu waxeygii uu Wasiirku leeyahay hooya”. Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo aanu wax ka weydiinay eedahan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha ay labadan Nin u jeediyeen, isagoona ku eedeyay inay musuqeen gawaaridii ay u dhiibeen guddiga abaaraha Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  4. Maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in kiiskii Soomaaliya iyo Kenya la qaadi doono inta u dhexeysa September 9 ilaa 13, 2019. Wadahal xal doon ahaa oo fashilmay awgeed, Soomaaliya waxay August 28, 2014 horgeyso Maxkamada ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, si go’aan kama dambeyn ah looga gaaro xuduud badeedka labada dal. Feburay 2dii, 2017 Maxkamada ICJ waxay diiday marmarsiyadii hor u dhac ahayd ee dowladda Kenya, waxaana la faray inay warcelin (muduc) ka keento dacwada Soomaaliya. Toddobaadkii dhawaa, wargeysyada Kenya waxay qoreen in Nairobi ay warqad u dirtay Golaha Ammanka ee QM. Wolow Xoghayaha Guud uu sheegay inuu si aan rasmi ahayn, u wargeliyay mus’uuliyiin ka tirsan xubnaha Golaha Ammaanka, haddana warkaas wuxuu ahaa dacaayad sidda – run qabya ah. Wargeyska “The East African” ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka uu la soo xiriiray Kenya, kadib markii Soomaaliya ay ka cabatay gardarada iyo hanjabaadaha wax u dhimmi kara xasillonidda gobolka (The East African – June 18, 2019). Wargeyska “Daily Nation” ayaa sheegay, in dowladda Kenya ay ku dhaleeceysay dowladdaha Norway iyo Ingiriiska inay sii hurinayaan ismaandhaafka (Daily Nation – June 16, 2019). Intaas waxaa dheer, in Nairobi ay ka diday kulankii dhex maray Madaxweyne John Magufuli (Tanzania) iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo. Sidoo Kale, Kenya waxay Iskaashiga Geeska Afrika u aragtaa inuu yahay gashaanbuursi “Kushitic” oo lid ku ah. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa yiri, “Inkastoo Kenya ay leedahay dadka ugu aqoonta badan gobolka, haddana waxaa muuqata inay ka luntay xasilloonidii maanka.” Sideedaba, diblomaasiyadda haddii aan laga taxadarin sida shaxda (jar), ma sahlana in dhaxda laga qabto. “Ololaha dacaayada, waa hab Kenya ay guul darradeeda kaga samirsiineyso dadkeeda” ayuu yiri Burhan Roble oo khabiir ku ah cilmi nafsiga. Shir talo wadaag ah oo lagu qabtay Nairobi, ayaa lagu talo bixiyey in dowladda Kenya ay bedesho falalkeeda gardarada ah, raadisana sidii ay u qaadi lahayd diblomaasiyad nabadeed (The East African – June 15, 2019). Sida muuqata madaxtooyada Kenya waxaa hareereyay colaad ooge yaal. Senator Moses Masika Wetangula oo heli karay inuu si toos ah ula hadlo Uhuru Kenyatta, ayaa idaacada KTN ka bixiyay talo malaha uu marqaati kaga dhigayay dadweynaha Kenya, asagoo leh, “Waxaan kula talinayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu taleefoonka qaado wacana dhigiisa Soomaaliya,” (HIVISASA – Posts 1275). Kenya waxay ismoogaysiineysaa in Soomaaliya ay u garba duuban tahay cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saartay Qaramada Midowbay. “Cunaqabateenta ayaa ku waajibineysaa QM – Golihiisa Amniga in dalna uusan ku xadgudbin qaranimada Soomaaliya – cir, dhul, iyo badba,” ayuu yiri Cigaal. Kenya waxay aamini la’dahay in waxa la dabaaqaya ay yihiin Soomaali. “Maankeeda waxaa ka bi’i la’ Soomaalidii kasha (laabta) ka jabaneed ee ku dagaalami jirtay afurka Mbagathi sidii digaaga,” ayuu yiri Yuusuf Gaandi. Peter Kagwaanja oo ah madaxa Machadka Siyaasadda Afrika ayaa sheegay in “Halka ay Kenya kaga gudbisay [Golaha Ammaanka] warcelin dhan hal mug, Soomaaliya ay u dirtay dukumeenti dhan 10 mug oo midkiiba ka kooban 250 bog” (Daily Naton – June 16, 2019). Kenya waxaa walbahaar ka hayaa waxa ka soo socdo maxkamadda ICJ. March 29, 1994 dowladda Cameroon ayaa dacwad ku oogtay dowladda Nigeria oo ku dhaqmi jirtay –caraatan iyo colaadin, sida Kenya. Maxkamadda ICJ waxay u xukuntay qadiyadii dalka Cameroon (October 10, 2003), kadib markii ay 13 garsoore isku raaceen qaraarkii. Dhanka kale, safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya – Danjire Kyle McCarter, waraysi uu siiyay muuq-baahiya Citizen (TV), ayaa sheegay inay doorbidi la’hayen in labada dal (Kenya iyo Soomaaliya) murankooda ku xaliyaan wadahadal, balse waxuu ka gaabsaday in [Maraykanku] uu dhexdhexaadinayo. Haddaba, “AFGOBAADSIGAAS” waa mid aan xigasho lehayn, isla markaasna wax ka bedali karin mowqifka dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed, labo sababood awgeed: (1) Danjire McCarter waxuu ilaalinayay, xaq dhowrayay, ixtiraamayay mowqifka dowladda Kenya, maadaama uusan wax ka bedali karin dacwad hortaala maxkamada ICJ; iyo (2) Danjire McCarter waxuu maanka ku hayaa in dalkiisa “Maraykanka” horay u diideen go’aanka maxkamada ICJ ee kala dhexeeyay dalalka Mexico iyo Iran. Haddii uu ka yiraahdo TV-ga si rasmi ah, waa inay Kenya ku kalsoonaato go’aanka maxkamada ICJ, waxaa imaanaysa in la weydiiyo haddaba, maxaad horay ugu diideen go’aanka maxkamada ICJ ee garta u xukuntay Mexico iyo Iran. Taas waxay ku ridi lahayd, asaga iyo dalkiisaba mowqif xaraj ah. Taariikhda waxay sheegaysaa in Cameroon iyo Nigeria ay isku dhaceen dhowr jeer. Haddana, laba iyo tobban sanadood kadib, Nigeria waxaa khasab ku noqday in ay dhaqan geliso go’aankii maxkamadda (The guardian – February 16, 2014). War iyo dhammaankii, Maxkamadda ICJ waa hay’adda garsoorka Qaramada Midoobay ee xallinta khilaafadka u dhexeeya dalalka. Sidaas darteed, warka laga sugayo Golaha Ammanka wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono “Kenya ha ka dhursugto qaraarka maxkamadda,” taas oo ah mowqifka Soomaaliya. Nairobi waxay u baahan tahay inay garwaaqsato (fahamto), in Soomaaliya aysan taako dhulkeeda ah uga tegeyn. Cabdulqadir Cariif Qaasim
  5. NAIROBI, Kenya, Jun 28 – Twenty petitioners have moved to the High Court seeking to compel the State to withdraw from a maritime delimitation case at the International Court of Justice (ICJ). Kenya was sued at the court by Somalia in August 2014 over a contested 62,000 square miles oil-rich triangle in the Indian Ocean. The petitioners, under Kinoti and Kibe Advocates, have told the court Kenya’s participation in the suit in which hearings are scheduled to commence at the Hague-based court on September 9 could have an unprecedented effect of altering the boundary of the country, contrary to the Constitution (2010). The petition was filed Thursday. The petitioners, who have listed the Attorney General, Ministry of Foreign Affairs and Kenya International Boundaries Office, argue that any change to Kenya’s territory will require a national referendum as set out in Article 255 of the Constitution. According to the petition, the jurisdiction of The Hague-based court is subject to Kenya’s reservation and must be interpreted in line with Article 2 of the Constitution which renders laws inconsistent with it invalid to the extent of the inconsistencies. “Any law, including customary law, that is inconsistent with this Constitution is void to the extent of the inconsistency, and any act or omission in contravention of this Constitution is invalid,” Article 2 (4) provides. The petitioners prayed that the High Court would issue a declaration, “that within the meaning of Article 2(5) of the Constitution, Section 4 (4) of the Maritime Zones Act, Cap 371 embodies the reservation of Kenya to the jurisdiction of the International Court of Justice contained in the Declaration dated 19th April, 1965.” The ICJ on Tuesday announced timelines for oral submissions by Kenya and Somalia, both parties having filed written submissions to the court in 2018. Somalia had until June 18, 2018, to file its written submissions with Kenya given until December 18, 2018 to file a rejoinder. The first round of oral submissions is slated to run from September 9 to September 11 with the second round set for September 12 to September 13, according to a schedule published by the court’s Information Department. Kenya’s attempt in 2016 to challenge the admissibility of the case flopped after an ICJ bench dismissed the objection in a majority ruling on February 2, 2017. The petition filed by Kinoti and Kibe Advocates has cited the February 2, 2017 ICJ ruling which qualified a Memorandum of Understanding (MoU) signed between Kenya and Somalia on April 7, 2009, as a treaty under international law. According to the petitioners, the ICJ ruling permitted Kenya’s reservation to ICJ further prohibiting the exercise of its jurisdiction over Kenya so as to give effect to the 2009 MoU. The petitioners asked the High Court to issue a declaration barring the ICJ from asserting its jurisdiction over the maritime boundary dispute due to “any real or alleged imprecision or lack of clarity in the MoU”. They affirmed that any perceived vagueness in the MoU, “cannot negate Kenya’s reservation to the jurisdiction of ICJ with the consequence of the said Court asserting jurisdiction by default”. Kenya’s Ministry of Foreign Affairs has been on record criticizing Somalia’s failure to commit to an out of court settlement as envisaged under the 2009 deal which was deposited to the United Nations in 2011. The two countries have experienced strained relations in the recent months after Somalia offered the disputed oil-rich area in the Indian Ocean to prospectors at an auction in London on February 7. Kenya responded to the actions by Somalia by recalling its diplomat in Mogadishu for what the Foreign Affairs Principal Secretary termed as “urgent consultations”. While making the unprecedented announcement on February 16, PS Kamau accused Somalia of unilaterally selling off oil and gas blocks in the disputed maritime territory at a London auction on February 7 terming the move “unparalleled affront on Kenya” adding the “illegal grab” will not go unanswered. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” Amb Kamau said adding that Somali’s representative in Kenya had also been referred to Mogadishu for “urgent consultations”. The two countries announced the normalization of diplomatic relations on April 3 after Foreign Affairs Cabinet Secretary met her Somali counterpart Ahmed Issa Awad in Nairobi. Somali’s Ambassador to Kenya, Ahmed Nur, returned to Nairobi on May 14. Nairobi has incessantly downplayed reports of souring relations with Mogadishu despite recurring accusations by the latter. On May 20, CS Juma refuted reports that three Somalia government officials were maliciously turned away upon arrival at the Jomo Kenyatta International Airport for lack of visas despite holding diplomatic passports. Mogadishu on May 21 protested Kenya’s actions as destabilizing adding that they contravened the neighborly bond that exists between the two nations. Mogadishu also took issue with the reinstatement of mandatory security screening stops at Wajir for all inbound flights from Somalia. “The Government of Somalia also expresses its concern with regards to the reinstitution of a mandatory stopover in Wajir ostensibly for purposes of conducting additional security checks on Somalia passengers,” the foreign ministry said in a statement. “This is inconsistent with an agreement reached between our two governments in respect to conducting direct flights from Mogadishu to Nairobi,” the foreign ministry indicated. Kenya has held a series to engagements with foreign envoys based in Nairobi, the foreign ministry saying the meetings are solely to assure the international community of Kenya’s readiness to comply with globally accepted norms and practices. PS Kamau on Thursday met Yasin Hagi, the Foreign Minister of Somaliland, a self-declared state seeking fully autonomy from Somalia. Source: CapitalFM
  6. Somalia’s oil ministry has moved a step closer to alleviating more than two decades of oil-sector paralysis. The country’s new petroleum Revenue Sharing Agreement, or RSA, relates to Somalia’s petroleum law, which was approved last month in an effort to kick-start oil development that has been halted by two decades of civil war. Companies including Royal Dutch Shell Plc and Exxon Mobil Corp. have stakes in blocks, which has seen no activity since war broke out in 1991. Under the terms of the RSA Somalia’s central government will retain 55% of revenue from future offshore oil production while its member states will receive the remainder, according to an oil ministry statement released on Friday. For onshore oil output, the federal government will retain 30% of revenue, while member states and their local communities, which are free to decide how to invest the cash, will keep the rest. However, it’s still working on commercial terms for the companies which would operate the oil blocks. Somalia’s new licensing round, which opened in February, has 15 offshore blocks on offer. The government is targeting a potential bid date for the blocks, which cover about 75,000 square kilometers, in November and hopes to award the first new licenses in January 2020. A Shell spokesman said the company will not be taking part. None of the blocks on offer are in a disputed area with Kenya, which the United Nations has yet to determine ownership of. Somalia’s Petroleum Revenue Sharing Agreement Federal Government Oil Producing States Local Area of Oil Production Non-oil Producing States Offshore 55% 25% 10% 10% Onshore 30% 30% 20% 20% Royalty 40% 40% 10% 10% Surface Rent 30% 50% 20% Source: Somalian government Despite the government pegging the offshore area’s oil reserves at about 30 billion barrels, it’s going to be a tough sell to international operators. While war has halted onshore crude production, Somalia’s waters have suffered from piracy. Somalian Oil Minister Abdirashid Mohamed Ahmed said in an interview in London that’s all in the past. “Offshore Somalia is safe. The two companies that conducted the seismic for us experienced zero incidents. There hasn’t been piracy for a long time,’’ Ahmed said. “The data is promising and the location is attractive.” The government said seismic data show “a high likelihood” that Somalia’s offshore has “similar geological structures” to large oil and gas reserves which have been found in neighboring basins in Kenya, Tanzania and Mozambique. However, the government hasn’t released details of commercial terms which will be available to international operators it’s trying to attract back to hunt for oil in Somalia. “We believe our model PSA should be attractive to oil companies and the Somalian people,” Ahmed said, adding that the government is working with the African Development Bank on what sort of commercial terms it may offer. The bank did not immediately respond to a request for comment. On June 21, the government reached a deal with Shell for repayment of fees related to oil fields which have been accruing since war broke out in the country in the early 1990s. Ahmed confirmed Shell was not carrying out exploration work in Somalia, contrary to an erroneous release from state news agency Sonna. Ahmed said he was “not aware” of the report from Sonna. Source: Bloomberg
  7. Ethiopia has a new army chief in the person of General Adem Mohammed. He replaces assassinated Seare Mekonnen whose death on June 22 is still being probed. Until he was appointed today by Prime Minister Abiy Ahmed, he served as head of the intelligence agency, the National Intelligence and Security Service, NISS. He is replaced as spy boss by Demelash Gebremichael. The third major appointment is of Lieutenant General Mola Hailemariam as Chief of Ground Forces. The shakeup in the top brass of the army comes a week after the incidents of June 22 which claimed the lives of Seare and a retired general in Addis Ababa Over in Bahir Dar, capital of the Amhara region, three top officials were killed in what the government says was a foiled overthrow of the Amhara regional government. The PM’s office in its first update on the June 22nd incident since last Sunday, June 23rd said in a social media post: “212 suspects apprehended in connection with the coup attempt in the Amhara region while 43 individuals detained in Addis Ababa. Investigations still ongoing with potential for more arrests.” Source: https://www.africanews.com/2019/06/28/ethiopia-pm-names-new-army-chief-adem-mohammed/ Qaran News
  8. Caabudwaaq (Caasimadda Online) – Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa Caawa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin. Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Caabudwaaq ayaa ku sugan Magaalada , waxaana halkaasi ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Guud. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caabudwaaq gaaray ayaa kulamo kala duwan leh Madaxda maamulka Galmudug oo ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Magaalada Caabudwaaq ayaa sidoo kale waxaa ku sugan waxgarad kala yimid degmooyinka maamulka Galmudug, waxaana dhammaantood ay kulamo kala duwan la leeyihiin Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Odayaasha kasoo jeedl Cabudwaaq ayaa la sheegayaa inay Ra’isulwasaaraha iyaga hor dhigi doonaan qodobo xasaasi sidii dhacday Markuu Ra’isulwasaaraha tagay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso iny Galmudug ka dhisto maamul daacad u ah isla markaasna ku shaqeeyo sida ay dowladda rabto, taasoo ah dooda ugu badan ee dhex taagan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay gaaraan deegaanka Guriceel, halkaasoo ay si weyn uga socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Somalia’s oil ministry has moved a step closer to alleviating more than two decades of oil-sector paralysis. Source: Hiiraan Online
  10. Qarannews.com would like to take this opportunity to wish the people and government of the Republic of Djibouti, a happy, peaceful and prosperous 42nd Anniversary of their independence from France in 1977. Somaliland and Djibouti not only share a common border but also historic ties that are cultural, social and economic. Vive la Republique de Djibouti et son peuple. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan Warar oo soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay, islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay wadahadal kala yeeshaan Kiiska Badda dowladda Kenya. Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya laga doonaayo in aysan wada hadal la furan dowladda Kenya, taasoo halis ka galinkarta Kiiska badda Soomaaliya. “Waxaa jiro xogo isi soo taraya oo tibaaxaya in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wadaan kulamo qarsoodi ah oo ay ku doonayaan inay qorqortan iyo wadahadal ka galaan qadiyadda badda ee nagala dhaxeysa dowladda aan dariska nahay ee Kenya, qadiyadaaso ah qadiyad qarameed iyo mid umadeed hortaalna Maxkamadda Cadaaladda Aduunka” ayuu yiri Guuleed. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa uga digay Madaxda Qaranka in ay wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed. “Hadda waxaan masuuliinta dowladda ugu baaqeynaa ogana digeynaa in wax gorgortan iyo wadahadal ah ay ka galaan taako ka mid ah gayiga iyo dhulka Soomaaliyeed, dhowraana madaxbanaanida iyo midnimada bariyeed, badeed iyo cireed ee dalka, aysanna luminin taageerada iyo kalsoonida dowladnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, ayagoo garwaaqsanaya in qadiyadda badda uu ka soo gaaray madax horay ugu sinbiririxayday ee aan ka fiirsan dhaawacyo iyo barro siyaasadeed ee madow oo ma hadho ah” ayuu yiri Markale Cabdikariin Xuseen Guuleed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaa,inayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxaa Caabudwaaq ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka socday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo sitay caleemo qoyan iyo sawirada Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad u jeediyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay sida diiran ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga la socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in dib u heshiisiin dhab ah la dhex dhigo bulshada wad degta deegaannada Galmudug. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa lagu wadaa inay kulamo la qaataan qeybaha bulshada ee ku dhan Caabudwaaq. Mudane Xasan Cali Kheyre oo socdaal dhulka ah ku maraya qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka Galgaduud ayaa horey u tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Batroolka ay gaareen magaalada Caabudwaaq, kuwaasi oo hore dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-keena waxaan halkan Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-28062019.mp3 View the full article
  14. Somaliland: Saudi Arabian Authorities Rescind Directive On Somaliland Livestock The Saudi Arabian authorities have rescinded a recent directive on the exportation of Somaliland livestock in time for the Hajj pilgrimage. The directive which as strongly opposed by the Somaliland government stated that “all future exports of livestock from Somaliland must be accompanied by documents issued by the federal administrations in Mogadishu”. However, it is now clear that no such documentation would be required, since the federal administration in Mogadishu has neither the jurisdiction nor the ability to examine or regulate Somaliland livestock. As per usual, Somaliland’s opponents ran with the story, only for it to be a non-story. It has always been clear that the weak federal entity in Mogadishu has been engaged in trying to destabilize the economic, democratic and diplomatic progress of Somaliland, whilst paying lip service to “unity and fraternity”. Qarannews.com Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin ka hor ayay aheyd markii mid ka mid ah Gaadiidka AMISOM uu deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dilay Saddex Ruux oo watay mooto kadib markii uu jiirsiiyay, waxaaana saddexda laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay falkaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo shir jaraa’id Warabahinta u qabtay ayaa sheegay inay arkeen cabashada ehelada dadkii AMISOM gaariga jiisiiyay, waxaana uu sheegay in Gaadiidkii AMISOM ee falkaasi geystay gacanta lagu dhigay, isla markaana wadahadal kadib ay qirteen Ciidanka AMISOM. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhacdadaasi ay wax ku noqdeen labada Askari iyo darawalka mootada ay diiwaangeliyeen, isla markaana AMISOM ay sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka xaajooto falkaas. Ehelada dadka shilkaasi gaari ku dhintay ayuu ugu baaqay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku hayaan sida ay dhacdadaasi u dhacday, isla markaana Dowladda Soomaaliya ay kula xisaabtameyso Ciidamada AMISOM ay ka dambeeyay falkaas. Hoos Ka Dhageyso codka Taliyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Janeral-Madaale.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha. Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhammaystirka wixii haray. Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay. Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada. Shirka Dowlada iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee Maanta la kala saxiixday . Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada. Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan. Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa. Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn. ”Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareeyo kiiska maxkmadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya. Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la’is weeydiinin. ”Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara”, ayay tiri Monica Juma. Dhinaca kalana Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa goor sii horeeysay shaacisay xiliga ay dhageysaneyso muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ oo horay u go’aamisay inay dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa labada dal ayaa waxaa ka soo horjeeday Dowladda Kenya oo iyadu dooneysay in khilaafka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda. War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha Sabtembar ay dhageysan doonto dooda labada dhninac ee xuduudda badda. Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta. Inkstoo maxkamadda aysan si rasmi ah uga hadlin xiliga ka go’aan gaarista iyo waxa laga hadlayo ayaa dadka darsa arrimahaas waxay qabaan in la dhageysan doono waxa dhinacyada ay ku doodayaan. Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Xigasho: BBC Somali
  18. Cadaado (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27-ka Juun, 2018. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: 1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. 2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. 3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. 5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. View the full article
  19. In absence of comprehensive national statistics, the existing data is feared to merely scratch the surface of this phenomenon, where hundreds of migrant kids are believed to be sent “home” each year to avoid immersion in Swedish culture. Source: Hiiraan Online
  20. Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Madxaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo saaray go’aano wadajir ah oo la xariira maamulkaasi. Wada-hadallada laba dhinac oo mira dhal laga gaaray ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxa ay isla garteen in Dhuusamareeb ay noqoto Caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda, islamarkaana hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaaladaasi. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: Halkan hoose ka aqriso: Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Galmudug ayaa heshiis ku gaaray magaalada Cadaado. Kheyre iyo Xaaf War-murtiyeed maanta ka soo baxay kulan khamiistii yeesheen labada dhinac ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay qodobo ay kamid yihiin, in la dajiyo geeddi socod iyo hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho si loo helo Galmudug mideysan, in Galmudug ay qaadato kaalinta kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka, in Dhuusamareeb ay si buuxda uga howl galaan hay’adaha amniga Federaalka iyo Galmudug si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay, iyo in dowladda Federaalka ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug. Lama yaqaano in heshiiska Kheyre iyo Xaaf uu soo afjari doono iyo in kale khilaafka Galmudug curyaamiyay oo taagnaa muddo dheer. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2018. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan: Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Xaaf waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteed kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. PUNTLAND POST The post Maxay ku heshiiyeen Kheyre iyo Xaaf? appeared first on Puntland Post.
  22. Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiis ay ku gaareen magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud,labada dhinac ayaa isku raacay ilaa shan qodob kuwaas oo saldhig u ah heshiiska la gaaray, waxaana ka mid ah. 1.Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado. 2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaaee Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan. 3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb. 5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug. Heshiiska lagui gaaray cadaado ayaa imaanaya ayadoo labadii maalin ee tagatay ay magaalada shir ku lahaayeen madax ka socotay dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com