Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,784
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong. “Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday oo maalmahan hawlaha shaqo u joogay dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong “. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya. Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa qayb ka yahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinahaa si jiilalka isu bedelaya dalka ay u helaan taariikhdii uu dalku soo maray iyo waxyaabihii uu caanka ku ahaa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong appeared first on Puntland Post.
  2. It remains the mystery at the heart of Boeing Co.’s 737 Max crisis: how a company renowned for meticulous design made seemingly basic software mistakes leading to a pair of deadly crashes. Longtime Boeing engineers say the effort was complicated by a push to outsource work to lower-paid contractors. Source: Hiiraan Online
  3. Tanklike devices called solar stills use the sun to evaporate dirty or salty water and condense the vapor into safe drinking water. But large, expensive stills can only produce enough water for a small family. Source: Hiiraan Online
  4. Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland(PSF), ayaa hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari, waxay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen malayshiyaadka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay degaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow, in lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab “Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab” Taliska ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhan ka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleeyda Gobolka Bari ee Puntland “Ciidamada PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish”. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo burburiyay saldhigyadii Al-shabaab ee buuraleyda Calmadow appeared first on Puntland Post.
  5. Iran may be standing down on its nuclear threat, at least for now, after Europe and China moved on Friday to ignore or bypass U.S. sanctions. Source: Hiiraan Online
  6. The girl, identified by relatives as Shukri Yahya Abdi, was found by search teams at the River Irwell in Bury on Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi ( Janan) oo socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka wado kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo xubno ka socda dowladda. Wasiir Cabdirashiid Janan oo la dejiyay Xarunta NISA ayaa Sababta uu u imaaday Magaalada Muqdisho la aaminsan yahay inay tahay sidii ay u heli laheyd dowladda Soomaaliya jaanis ay qeyb kaga noqoto Doorashada ka dhaceyso Maamulka Jubbaland maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay dowladda soo farageliso Doorashadaas. Waxaa socdo qorsho kale oo arrintaas ku lamaansan oo ah sidii uu Janan u dhameyn lahaa inuu Axmed Madoobe isku soo dhiibo dowladda isla markaasna uu ku dhawaaqo inuu isaga haray Doorashada Jubbaland uuna is casilo, taasi oo dad xog ogaal ah oo u dhow Axmed Madoobe ay ku qeexeen riyo maalmeed. Dowladda ayaa Janan usoo bandhigtay adduun lacageed oo gaarayo illaa 5 Malyan oo lacagta Mareykanka oo diyaar loola yahay in la siiyo Axmed Madoobe haddii uu aqbalo inuu sameeyo sida ay dowladda rabto. Janan oo kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Farmaajo ayaa ah nin awood ahaan heysto inta badan Gobolka Gedo, waxayna dowladda Soomaaliya dhawr jeer isku dayday inay iska hor keento isaga iyo Axmed Madoobe iyadoo dooneysay in khilaafka loo badalo dhanka qabiilka isla markaasna ay beesha Mareexaan diidaan inuu Maamulka Jubbalanad ka shaqeeyo deegaanada Gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa illaa hadda aqbalin qorshaha ay Dowladda Soomaliya soo bandhigtay, waxaana hadda muuqato inay sii kala fogaanayaa Axmed Madoobe iyo Janan oo markii hore isku koox ahaa. Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka. Axmed Madoobe ayaa kasoo haray dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada ee dagaalka la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor heshiis lagula wareegay saaxiibkiis ugu dambeeyey Xaaf. Marka ay dowladda kasoo dhamaato arrinta Galmudug, ayna xaqiijiso inay keensato madaxweyne ay raali ka tahay, waxaa dagaalka xiga ay geli doontaa uu noqon doonaa inay meesha ka saarto Axmed Madoobe. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. “It gives us a great pleasure to launch our flight to Garowe, Somalia,” said Mr. Tewolde GebereMariam,Group CEO of Ethiopian Airlines.“ Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopian Airlines Group announced the launch of its flight to Garowe, Somalia, via Bossaso, Somalia effective 15 July 2019. The flight schedule to Garowe, Somalia is as per the below.. Source: Hiiraan Online
  10. ADDIS ABABA,(Reuters) - Authorities in Ethiopia arrested on Friday the spokesman of a political party which promotes the interests of the Amhara ethnic group, the party president said. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada. Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabuudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa deegaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Bulshada Caabuudwaaq appeared first on Puntland Post.
  12. LONDON (Reuters) - Royal Dutch Shell (RDSa.L) and Exxon Mobil (XOM.N) are looking to return to Somalia ahead of an oil block bid round later this year, the East African country’s oil ministry said. Source: Hiiraan Online
  13. For many soccer-crazed expats of African countries in Edmonton, there's no better way to celebrate Canada's birthday than a few matches of the beautiful game. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma oo Wareysi siisay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da ayaa kajawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriirta Kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, Wareysiga oo muuqaal ah waxa kamuuqday Wasiiradda welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo iskudhexyaac siyaasadeed, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee kuwajahan sheegashada Badda Soomaaliya. Su’aasha koowaad ee la weydiiyey oo ahayd:- Ma aaminsantahay in kiiskan ICJ ee Kenya iyo Soomaaliya ay Maxkamadda si caddaalad ah u xukumi doonto?! Waxa ay uga jawaabtay dareen ah in Kenya aanay ku qanacsanayn maxkamadda mar, mar kalana aanay dooneynba in ICJ gasho Kiiskan, sidaas oo kale waxa ay muujisay in xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta, taas oo kadhigan in Kenya aanay xushmad iyo dhowrid siin doonin haddii sida ay u badan tahay Soomaalia loo xukumo milkiyadda Baddeeda! Monica Juma waxa ay jawaab u weysay dalabkii Kenya ee ahaa in xalka iyo wada-xaajoodka Kiixska Badda Soomaaliya lagu galo meel kabaxsan maxkamadda iyada oo si is maahin uga jawaabtay Su’aal ahayd: Kenya waxaa ay dalbatay in meel aan maxkamadda ahayn wax lagu xalliyo, waa maxay saabta aysan Soomaaliya idiinku raacin? Wasiiraddu waxa ay iskudayday in ay barbar-dhigto Kiiska Badda Soomaaliya Kiisaska iyo muranka u dhexeeya Waddamo kale oo ku muransan ama isku haya Dhul badeed aan midkoodna u baahan in la tago heer maxkamad, waxa ay ku faantay Monica in Keyna kuwanaagsan kudhaqanka Qaanuunka Caalamiga ah balse waxa ay illowday in Kenya faraha lagashay Badda Soomaaliya iyada oo aan ogeyn ujeedka iyo cidda kadambeysa faragelinta Biyaha Soomaaliya, sidaas oo kale waxa ay iska-indho-tirtay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku laalay kuna diiday Isfahamkii dhexmaray xukuumaddii kmg ahayd ee Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali. Iyada oo Wareysigan dhexdiisa ku sheegtay in xitaa haddii ay Maxkamaddu xukun riddo iyo haddii kalaba aan xukunkaasi xal u noqon doonin arrinta ayay haddana sheegtay in aanay kahordhacay xukunka Maxkamadda ICJ, waxa kale oo Juma u bareertay in ay hoos u dhigto Baarlamaanka Carabta oo ay sheegtay in aanay aqoon hay’ad la yiraahdo Baarlamaanka Carabta. Qalabka Cadaadiska (Jubbalad & Somaliland) Monica Juma waxa ay soo hadal qaadday Arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo dowladda iskeed isu magacowday ee Somaliand, iyada oo kajawaabeysay Su’aal kusaabsanayd aragtida Kenya ee gobolada Waqooyi (Somaliland) ayay tiri: Wax xiriir hoose oo gaar ah nagama dhaxeeyaan Somaliland, laakiin dano kale ayaa jiri kara, tusaale Koofurta Suudaan inta aysan dal noqon waxaan ku lahayn xafiisyo iyo wakiillo, marka taas micnaheeda maaha inaan aqoonsannay, waxaan aqoonsannahay Soomaaliya, sida Jubaland aan ula macaamilno ayaana ula macaamileynaa qeybaha kale ee Soomaaliya, marka taas ma waxa ay ka dhigan tahay inaan dal ahaan u aqoonsannay?, Maya. Marka la soo xooriyo guud ahaa Wareysiga Juma waxa uu muujiyey welwelka xad-dhaafka ah ee haysta siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyo rejo la’aanta kusoo wajahan Kenya oo ka dhalan doonta Kiiskan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Tifaftirka Mustaqbal + BBC Focus on Africa
  15. Addis-Ababa (Caasimada Onlione) – Dowladda Itoobiya ayaa muddo laba isbuuc gudahood ah weysay labadii Jeneraal ee ugu sarreeyay ciidamada militariga wadankaasi. Jeneraal Abraha Woldemariam oo ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee hoggaaminayay duullaankii lagusoo qaaday Soomaaliya sanaddii 2007 ayaa cudurka sambaba xanuunka ugu dhintay Isbitaal ku yaal wadanka Thailand. Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC-da laanta Afka Tigreega in Jeneraal Abraha Woldemariam uu dhintay iyadoona xukuumadda Itoobiya ay si aad ah uqarisay warka ku saabsan geerida Jeneraalkan sababa la xiriira isagoo madax u ahaa kumanaan kun oo askari, ahaana sarkaal saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku dhax leh Itoobiya. Jeneraal Abraha ayaa hadda taliye u ahaa ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka Harar sidoo kale waxaa hoos imaan jiray ciidamada Xabashida ee xoogga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed. Abraha Woldemariam ayaa ah jeneraalkii labaad ee toddobaad gudihiis ay weyso Itoobiya, ayada isbuucii lasoo dhaafay bartamaha magaalada Addis Ababa lagu dilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa isbuucii lasoo dhaafay gobolka Amhara lagu dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay. Itoobiya ayaa maraysa marxalad halis ah waxaana madaxa iskula jira qowmiyadaha kala diimaha ee wadanka halka Jeneraalladii lasoo shaqeeyay Males Zenaawi ay shirqoollo umaleegayaan Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya kaas oo tan iyo markii uu xilka qabtay lasoo shir tagay isbedello oo ku sheegayo in uu ku dhisayo Itoobiyada cusub. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Nin kamid ah wadayaasha gaadiidka guddida abaaraha ee Somaliland iyo Nin kale oo wehlinayey ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Labadan Nin oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa Wasiir Khaliil ku eedeyay inuu lunsaday qeyb kamid ah mushaarkoogii ay ku shaqeynayeen, iyagoona ku hanjabay inay isku qarxin doonaan gaariga Wasiirka. Mid kamid ah labadan Nin oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu yiri “Anagoo ah dilawariinta gaadiidka guddiga abaaraha, ayaa markii naloo dhiibay waxaanu u baxnay gobolada, anigu gobolka Saaxil baan ku qornaa, waxyaabo badan oo dhibaata wan la soo kulanay oo bilaa masaariif ah” “Mushaarkeygii ahaa $350 ee islahaa guddigii abaaraha kula sugeysa oo waa halkey cadaaladu taalay ban islahaa, Wasiirkii wuxu yiri wey handaraaban-tahay, markuu sidaa nagu yiri ee nala joojinayey meel aan u marno weynay, waxanu ku sugnay ilaa Salaadii duhur masjid uu ku tukanayey, masaajidkiina wuu ka baxay”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Somaliland halkee cadaalad lagu arkaya waa halkii Diintu taalayba, Madaxweynaha u sheegeyna cadaalad darada nagaga dhacday Wasiirka diinta iyo awqaafta, saacada laga bilaabo in aan wax sameyno oo isku qarxinaba, in aan ku qarxino gaarigiisa oo ku dhufto iyo inuu waxeygii uu Wasiirku leeyahay hooya”. Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo aanu wax ka weydiinay eedahan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha ay labadan Nin u jeediyeen, isagoona ku eedeyay inay musuqeen gawaaridii ay u dhiibeen guddiga abaaraha Somaliland. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  17. Maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in kiiskii Soomaaliya iyo Kenya la qaadi doono inta u dhexeysa September 9 ilaa 13, 2019. Wadahal xal doon ahaa oo fashilmay awgeed, Soomaaliya waxay August 28, 2014 horgeyso Maxkamada ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, si go’aan kama dambeyn ah looga gaaro xuduud badeedka labada dal. Feburay 2dii, 2017 Maxkamada ICJ waxay diiday marmarsiyadii hor u dhac ahayd ee dowladda Kenya, waxaana la faray inay warcelin (muduc) ka keento dacwada Soomaaliya. Toddobaadkii dhawaa, wargeysyada Kenya waxay qoreen in Nairobi ay warqad u dirtay Golaha Ammanka ee QM. Wolow Xoghayaha Guud uu sheegay inuu si aan rasmi ahayn, u wargeliyay mus’uuliyiin ka tirsan xubnaha Golaha Ammaanka, haddana warkaas wuxuu ahaa dacaayad sidda – run qabya ah. Wargeyska “The East African” ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka uu la soo xiriiray Kenya, kadib markii Soomaaliya ay ka cabatay gardarada iyo hanjabaadaha wax u dhimmi kara xasillonidda gobolka (The East African – June 18, 2019). Wargeyska “Daily Nation” ayaa sheegay, in dowladda Kenya ay ku dhaleeceysay dowladdaha Norway iyo Ingiriiska inay sii hurinayaan ismaandhaafka (Daily Nation – June 16, 2019). Intaas waxaa dheer, in Nairobi ay ka diday kulankii dhex maray Madaxweyne John Magufuli (Tanzania) iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo. Sidoo Kale, Kenya waxay Iskaashiga Geeska Afrika u aragtaa inuu yahay gashaanbuursi “Kushitic” oo lid ku ah. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa yiri, “Inkastoo Kenya ay leedahay dadka ugu aqoonta badan gobolka, haddana waxaa muuqata inay ka luntay xasilloonidii maanka.” Sideedaba, diblomaasiyadda haddii aan laga taxadarin sida shaxda (jar), ma sahlana in dhaxda laga qabto. “Ololaha dacaayada, waa hab Kenya ay guul darradeeda kaga samirsiineyso dadkeeda” ayuu yiri Burhan Roble oo khabiir ku ah cilmi nafsiga. Shir talo wadaag ah oo lagu qabtay Nairobi, ayaa lagu talo bixiyey in dowladda Kenya ay bedesho falalkeeda gardarada ah, raadisana sidii ay u qaadi lahayd diblomaasiyad nabadeed (The East African – June 15, 2019). Sida muuqata madaxtooyada Kenya waxaa hareereyay colaad ooge yaal. Senator Moses Masika Wetangula oo heli karay inuu si toos ah ula hadlo Uhuru Kenyatta, ayaa idaacada KTN ka bixiyay talo malaha uu marqaati kaga dhigayay dadweynaha Kenya, asagoo leh, “Waxaan kula talinayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu taleefoonka qaado wacana dhigiisa Soomaaliya,” (HIVISASA – Posts 1275). Kenya waxay ismoogaysiineysaa in Soomaaliya ay u garba duuban tahay cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saartay Qaramada Midowbay. “Cunaqabateenta ayaa ku waajibineysaa QM – Golihiisa Amniga in dalna uusan ku xadgudbin qaranimada Soomaaliya – cir, dhul, iyo badba,” ayuu yiri Cigaal. Kenya waxay aamini la’dahay in waxa la dabaaqaya ay yihiin Soomaali. “Maankeeda waxaa ka bi’i la’ Soomaalidii kasha (laabta) ka jabaneed ee ku dagaalami jirtay afurka Mbagathi sidii digaaga,” ayuu yiri Yuusuf Gaandi. Peter Kagwaanja oo ah madaxa Machadka Siyaasadda Afrika ayaa sheegay in “Halka ay Kenya kaga gudbisay [Golaha Ammaanka] warcelin dhan hal mug, Soomaaliya ay u dirtay dukumeenti dhan 10 mug oo midkiiba ka kooban 250 bog” (Daily Naton – June 16, 2019). Kenya waxaa walbahaar ka hayaa waxa ka soo socdo maxkamadda ICJ. March 29, 1994 dowladda Cameroon ayaa dacwad ku oogtay dowladda Nigeria oo ku dhaqmi jirtay –caraatan iyo colaadin, sida Kenya. Maxkamadda ICJ waxay u xukuntay qadiyadii dalka Cameroon (October 10, 2003), kadib markii ay 13 garsoore isku raaceen qaraarkii. Dhanka kale, safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya – Danjire Kyle McCarter, waraysi uu siiyay muuq-baahiya Citizen (TV), ayaa sheegay inay doorbidi la’hayen in labada dal (Kenya iyo Soomaaliya) murankooda ku xaliyaan wadahadal, balse waxuu ka gaabsaday in [Maraykanku] uu dhexdhexaadinayo. Haddaba, “AFGOBAADSIGAAS” waa mid aan xigasho lehayn, isla markaasna wax ka bedali karin mowqifka dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed, labo sababood awgeed: (1) Danjire McCarter waxuu ilaalinayay, xaq dhowrayay, ixtiraamayay mowqifka dowladda Kenya, maadaama uusan wax ka bedali karin dacwad hortaala maxkamada ICJ; iyo (2) Danjire McCarter waxuu maanka ku hayaa in dalkiisa “Maraykanka” horay u diideen go’aanka maxkamada ICJ ee kala dhexeeyay dalalka Mexico iyo Iran. Haddii uu ka yiraahdo TV-ga si rasmi ah, waa inay Kenya ku kalsoonaato go’aanka maxkamada ICJ, waxaa imaanaysa in la weydiiyo haddaba, maxaad horay ugu diideen go’aanka maxkamada ICJ ee garta u xukuntay Mexico iyo Iran. Taas waxay ku ridi lahayd, asaga iyo dalkiisaba mowqif xaraj ah. Taariikhda waxay sheegaysaa in Cameroon iyo Nigeria ay isku dhaceen dhowr jeer. Haddana, laba iyo tobban sanadood kadib, Nigeria waxaa khasab ku noqday in ay dhaqan geliso go’aankii maxkamadda (The guardian – February 16, 2014). War iyo dhammaankii, Maxkamadda ICJ waa hay’adda garsoorka Qaramada Midoobay ee xallinta khilaafadka u dhexeeya dalalka. Sidaas darteed, warka laga sugayo Golaha Ammanka wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono “Kenya ha ka dhursugto qaraarka maxkamadda,” taas oo ah mowqifka Soomaaliya. Nairobi waxay u baahan tahay inay garwaaqsato (fahamto), in Soomaaliya aysan taako dhulkeeda ah uga tegeyn. Cabdulqadir Cariif Qaasim
  18. NAIROBI, Kenya, Jun 28 – Twenty petitioners have moved to the High Court seeking to compel the State to withdraw from a maritime delimitation case at the International Court of Justice (ICJ). Kenya was sued at the court by Somalia in August 2014 over a contested 62,000 square miles oil-rich triangle in the Indian Ocean. The petitioners, under Kinoti and Kibe Advocates, have told the court Kenya’s participation in the suit in which hearings are scheduled to commence at the Hague-based court on September 9 could have an unprecedented effect of altering the boundary of the country, contrary to the Constitution (2010). The petition was filed Thursday. The petitioners, who have listed the Attorney General, Ministry of Foreign Affairs and Kenya International Boundaries Office, argue that any change to Kenya’s territory will require a national referendum as set out in Article 255 of the Constitution. According to the petition, the jurisdiction of The Hague-based court is subject to Kenya’s reservation and must be interpreted in line with Article 2 of the Constitution which renders laws inconsistent with it invalid to the extent of the inconsistencies. “Any law, including customary law, that is inconsistent with this Constitution is void to the extent of the inconsistency, and any act or omission in contravention of this Constitution is invalid,” Article 2 (4) provides. The petitioners prayed that the High Court would issue a declaration, “that within the meaning of Article 2(5) of the Constitution, Section 4 (4) of the Maritime Zones Act, Cap 371 embodies the reservation of Kenya to the jurisdiction of the International Court of Justice contained in the Declaration dated 19th April, 1965.” The ICJ on Tuesday announced timelines for oral submissions by Kenya and Somalia, both parties having filed written submissions to the court in 2018. Somalia had until June 18, 2018, to file its written submissions with Kenya given until December 18, 2018 to file a rejoinder. The first round of oral submissions is slated to run from September 9 to September 11 with the second round set for September 12 to September 13, according to a schedule published by the court’s Information Department. Kenya’s attempt in 2016 to challenge the admissibility of the case flopped after an ICJ bench dismissed the objection in a majority ruling on February 2, 2017. The petition filed by Kinoti and Kibe Advocates has cited the February 2, 2017 ICJ ruling which qualified a Memorandum of Understanding (MoU) signed between Kenya and Somalia on April 7, 2009, as a treaty under international law. According to the petitioners, the ICJ ruling permitted Kenya’s reservation to ICJ further prohibiting the exercise of its jurisdiction over Kenya so as to give effect to the 2009 MoU. The petitioners asked the High Court to issue a declaration barring the ICJ from asserting its jurisdiction over the maritime boundary dispute due to “any real or alleged imprecision or lack of clarity in the MoU”. They affirmed that any perceived vagueness in the MoU, “cannot negate Kenya’s reservation to the jurisdiction of ICJ with the consequence of the said Court asserting jurisdiction by default”. Kenya’s Ministry of Foreign Affairs has been on record criticizing Somalia’s failure to commit to an out of court settlement as envisaged under the 2009 deal which was deposited to the United Nations in 2011. The two countries have experienced strained relations in the recent months after Somalia offered the disputed oil-rich area in the Indian Ocean to prospectors at an auction in London on February 7. Kenya responded to the actions by Somalia by recalling its diplomat in Mogadishu for what the Foreign Affairs Principal Secretary termed as “urgent consultations”. While making the unprecedented announcement on February 16, PS Kamau accused Somalia of unilaterally selling off oil and gas blocks in the disputed maritime territory at a London auction on February 7 terming the move “unparalleled affront on Kenya” adding the “illegal grab” will not go unanswered. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” Amb Kamau said adding that Somali’s representative in Kenya had also been referred to Mogadishu for “urgent consultations”. The two countries announced the normalization of diplomatic relations on April 3 after Foreign Affairs Cabinet Secretary met her Somali counterpart Ahmed Issa Awad in Nairobi. Somali’s Ambassador to Kenya, Ahmed Nur, returned to Nairobi on May 14. Nairobi has incessantly downplayed reports of souring relations with Mogadishu despite recurring accusations by the latter. On May 20, CS Juma refuted reports that three Somalia government officials were maliciously turned away upon arrival at the Jomo Kenyatta International Airport for lack of visas despite holding diplomatic passports. Mogadishu on May 21 protested Kenya’s actions as destabilizing adding that they contravened the neighborly bond that exists between the two nations. Mogadishu also took issue with the reinstatement of mandatory security screening stops at Wajir for all inbound flights from Somalia. “The Government of Somalia also expresses its concern with regards to the reinstitution of a mandatory stopover in Wajir ostensibly for purposes of conducting additional security checks on Somalia passengers,” the foreign ministry said in a statement. “This is inconsistent with an agreement reached between our two governments in respect to conducting direct flights from Mogadishu to Nairobi,” the foreign ministry indicated. Kenya has held a series to engagements with foreign envoys based in Nairobi, the foreign ministry saying the meetings are solely to assure the international community of Kenya’s readiness to comply with globally accepted norms and practices. PS Kamau on Thursday met Yasin Hagi, the Foreign Minister of Somaliland, a self-declared state seeking fully autonomy from Somalia. Source: CapitalFM
  19. Somalia’s oil ministry has moved a step closer to alleviating more than two decades of oil-sector paralysis. The country’s new petroleum Revenue Sharing Agreement, or RSA, relates to Somalia’s petroleum law, which was approved last month in an effort to kick-start oil development that has been halted by two decades of civil war. Companies including Royal Dutch Shell Plc and Exxon Mobil Corp. have stakes in blocks, which has seen no activity since war broke out in 1991. Under the terms of the RSA Somalia’s central government will retain 55% of revenue from future offshore oil production while its member states will receive the remainder, according to an oil ministry statement released on Friday. For onshore oil output, the federal government will retain 30% of revenue, while member states and their local communities, which are free to decide how to invest the cash, will keep the rest. However, it’s still working on commercial terms for the companies which would operate the oil blocks. Somalia’s new licensing round, which opened in February, has 15 offshore blocks on offer. The government is targeting a potential bid date for the blocks, which cover about 75,000 square kilometers, in November and hopes to award the first new licenses in January 2020. A Shell spokesman said the company will not be taking part. None of the blocks on offer are in a disputed area with Kenya, which the United Nations has yet to determine ownership of. Somalia’s Petroleum Revenue Sharing Agreement Federal Government Oil Producing States Local Area of Oil Production Non-oil Producing States Offshore 55% 25% 10% 10% Onshore 30% 30% 20% 20% Royalty 40% 40% 10% 10% Surface Rent 30% 50% 20% Source: Somalian government Despite the government pegging the offshore area’s oil reserves at about 30 billion barrels, it’s going to be a tough sell to international operators. While war has halted onshore crude production, Somalia’s waters have suffered from piracy. Somalian Oil Minister Abdirashid Mohamed Ahmed said in an interview in London that’s all in the past. “Offshore Somalia is safe. The two companies that conducted the seismic for us experienced zero incidents. There hasn’t been piracy for a long time,’’ Ahmed said. “The data is promising and the location is attractive.” The government said seismic data show “a high likelihood” that Somalia’s offshore has “similar geological structures” to large oil and gas reserves which have been found in neighboring basins in Kenya, Tanzania and Mozambique. However, the government hasn’t released details of commercial terms which will be available to international operators it’s trying to attract back to hunt for oil in Somalia. “We believe our model PSA should be attractive to oil companies and the Somalian people,” Ahmed said, adding that the government is working with the African Development Bank on what sort of commercial terms it may offer. The bank did not immediately respond to a request for comment. On June 21, the government reached a deal with Shell for repayment of fees related to oil fields which have been accruing since war broke out in the country in the early 1990s. Ahmed confirmed Shell was not carrying out exploration work in Somalia, contrary to an erroneous release from state news agency Sonna. Ahmed said he was “not aware” of the report from Sonna. Source: Bloomberg
  20. Ethiopia has a new army chief in the person of General Adem Mohammed. He replaces assassinated Seare Mekonnen whose death on June 22 is still being probed. Until he was appointed today by Prime Minister Abiy Ahmed, he served as head of the intelligence agency, the National Intelligence and Security Service, NISS. He is replaced as spy boss by Demelash Gebremichael. The third major appointment is of Lieutenant General Mola Hailemariam as Chief of Ground Forces. The shakeup in the top brass of the army comes a week after the incidents of June 22 which claimed the lives of Seare and a retired general in Addis Ababa Over in Bahir Dar, capital of the Amhara region, three top officials were killed in what the government says was a foiled overthrow of the Amhara regional government. The PM’s office in its first update on the June 22nd incident since last Sunday, June 23rd said in a social media post: “212 suspects apprehended in connection with the coup attempt in the Amhara region while 43 individuals detained in Addis Ababa. Investigations still ongoing with potential for more arrests.” Source: https://www.africanews.com/2019/06/28/ethiopia-pm-names-new-army-chief-adem-mohammed/ Qaran News
  21. Caabudwaaq (Caasimadda Online) – Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa Caawa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin. Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Caabudwaaq ayaa ku sugan Magaalada , waxaana halkaasi ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Guud. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caabudwaaq gaaray ayaa kulamo kala duwan leh Madaxda maamulka Galmudug oo ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Magaalada Caabudwaaq ayaa sidoo kale waxaa ku sugan waxgarad kala yimid degmooyinka maamulka Galmudug, waxaana dhammaantood ay kulamo kala duwan la leeyihiin Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Odayaasha kasoo jeedl Cabudwaaq ayaa la sheegayaa inay Ra’isulwasaaraha iyaga hor dhigi doonaan qodobo xasaasi sidii dhacday Markuu Ra’isulwasaaraha tagay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso iny Galmudug ka dhisto maamul daacad u ah isla markaasna ku shaqeeyo sida ay dowladda rabto, taasoo ah dooda ugu badan ee dhex taagan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay gaaraan deegaanka Guriceel, halkaasoo ay si weyn uga socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Somalia’s oil ministry has moved a step closer to alleviating more than two decades of oil-sector paralysis. Source: Hiiraan Online
  23. Qarannews.com would like to take this opportunity to wish the people and government of the Republic of Djibouti, a happy, peaceful and prosperous 42nd Anniversary of their independence from France in 1977. Somaliland and Djibouti not only share a common border but also historic ties that are cultural, social and economic. Vive la Republique de Djibouti et son peuple. Qaran News