Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. xMilitant Islamist group al-Shabaab has executed a man in his seventies in southern Somalia for allegedly marrying a mother and her daughter, pro-al-Shaabab Somali Memo website reports. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-29062019.mp3 View the full article
  3. (SLT-Ankara)-Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ayadoo loo haysto eedaymo la xidhiidha in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Trukiga, Recep Tayyip Erdogan. Wararka ayaa sheegay in Kanan Kavtangioglu, oo madax ka ah laan ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People’s Party, ay mudan doonto 17 sano oo xabsi ah haddii dambigaas lagu helo. Xisbiga mucaaradka ah ayaana doorashadii ka dhacday magaalada Istanbul uga guulaystay xisbiga talada haya ee AK. Boqolaal qof oo gacansiinayey Ms Kavtangioglu, ayaa Jimcihii soo buux dhaafiyey maxkamadda, balse maxkamadaynta ayaa dib loogu dhigay 18-ka bisha dambe ee July. Ikram Emamoglu, oo dhawaan ku guulaystay xilka maayarka magaalada Istanbul, oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loo soo jeediyey Ms Kavtangioglu, ku tilmaamay kuwo “Sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo”. Waxa uu intaas ku daray in tallaabadani ay tahay “mid lagu xakamaynayo xorriyadda iyo xuquuqda hadalka” waxa uuna sheegay in uu garab taagan yahay. Emamoglu, ayaa aqlabiyad mug leh uga adkaaday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Turkiga Ben Ali Yildirim, oo doorasho ku celis ah ay ku tartameen jagada maayarka magaalada Istanbul, kaddib makii la baabi’iyey natiijooyinkii hore. Maxay yihiin eedaymaha loo soo jeediyey? Ms Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadaynayaa qoraallo ay ku soo qortay barteeda twitter-ka oo ay qaarkod qoraty lix sano ka hor. Ms Kavtangioglu, ayaa ku eedaysan in ay “aflagaadaysay” madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda Turkigaba, oo ay faafisay dacaayado argagixiso. Wararka ayaa sheegaya in hadalladaas loo haysto ay la xidhiidhaan dibadbaxyadii xukuumadda looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2013 laguna taageerayey xisbiga “la mamnuucay” ee PKK. Sida dadka wax falanqeeya ay sheegayaan Ms Kavtangioglu ayaa kaalin wayn ka ciyaartay guusha Emamoglu, kaas oo soo afjaray 25 sano oo xisbiga talada haya ee AK uu xukumayey magaalada Isanbul. Doorashada maayarka Istanbul ayaana loo arkayey in ay tahay afti dadweyne oo loo qaaday xukunka madaxweyne Erdugan, kaas oo horay u yidhi: “Ciddii Istanbul ku guulaysata, ayaa Turkiga oo dhan ku guulaysatay”. Source
  4. Nairobi (Caasimada Online ) – Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ. Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi. Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriiray kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya. Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  5. Puntlandi (HQ)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ahna magaala madaxda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socda soo xulista xildhibaanada cusub ee [...] Source
  6. Shirkadda diyaaradaha dalka Ethiopia, ayaa jimcihii shalay shaacisay in ay si rasmiya duullimadyo uga bilaabi doonto, garoomada caalamiga ah ee Puntland 15-ka bisha Luuliyo ee soo socota. Qoraal ka soo baxay Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka bisha Luuliyo ee sannadkan 2019, ay shirkaddu duullimaadyo joogta ah ku tegi doonto caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 12 bishan June magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay madaxa Fulinta ( CEO) shirkadda duulimaadyada Ethiopia Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi. Kulankaasi ayaa looga wada-hadlay, sidii shirkadda duullimaadyada Ethiopia ay Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Ethiopia. Shirkadda ayaa xilligaasi magacowday, guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha caalamiga ee Garoowe, kuwaasi oo bartamihii bishan June diyaariyay xog dhammaystiran oo ku aaddan Garoonka. Ehiopia iyo Puntland, waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Ethiopia oo ka shaqeysa fududeynta isu’socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ethiopian Arlines oo duullimaadyo joogta ka bilaabaysa garoomada Caalamiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Ciidanka ammaanka Puntland ee PSF ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisimo malayshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen buuraleeyda Calmadaw, kadib howlgallo xoogan oo ay ka sameeyeen [...] Source
  8. A group of Somali-American students from the Green Bay area have decided to share their experiences on paper. Source: Hiiraan Online
  9. However, former team president not allowed at official meetings with free agents Source: Hiiraan Online
  10. Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaban qaabo iyo dhaweyn ballaaran oo loogu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona ay xaqiijiyanaan Ciidamada GalMudug iyo kuwa ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaare Khare oo gaaray halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaruhu marka uu tago Guriceel inuu la hadlo shacabka degmadaasi oo haatan ay ka jiraan xaalado ammaan iyo mid nololeed intaba. Ra’iisul wasaare Khayre oo muddo ku dhow todobaad ku sugan GalMudug ayaa horay u booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Intii uu ku sugnaa magaalooyinkaasi ayaa waxaa uu la kulmay qeybaha kala duwan ee ku dhaqan degmooyinkaasi. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa dadaal ugu jira, sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dowlad goboleedka GalMudug. Shalay Khayre iyo Xaaf ayaa heshiis muhiim ah oo ka koobnaa shan qodob ku gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu tilmaami karo guul ay dowladdu ka gaartay arrimaha maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
  11. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u muuqda inuu ku adkaanayo loolanka ka dhex-oogan isaga iyo kooxda Ahlu-Sunna oo mar ay xulufo ahaayeen. Xaaf iyo Ahlu-Sunna ayaa kala tagay markii uu ka war-helay inay madaxiisa kula gorgortameyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo ku qasabtay inuu kasoo jeesto Cadaado, lana heshiiyo dowladda, si uu kooxdan ugu xumeeyo. Wixii markaas ka dambeeyey waxaa labada dhinac u dhaxeeyey loolan ku aadan cidda hogaamin doonto is-beddelada ka dhacay Galmuudg, sida shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada, taasi oo hadda muuqata in Xaaf uu gacanta ku dhigay. Madaxweyne Xaaf wuxuu awood iyo sharciyad ka helay heshiiskii isaga iyo ra’iisul wasaare Kheyre taasoo sida muuqata hoos u dhigtay saameyntii Ahlu-Sunna. Sidoo kale Xaaf ayaa wuxuu hoggaamin doonaa hannaanka geeddi socodka Galmudug iyo ka bixitaanka marxalada kala guurka, sida ay ku heshiiyeen Kheyre. Madaxweyne Xaaf ayaa dhinaca kale hoggaamin doono shirka dib u heshiisiinta ee la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Hobyo oo ay ku xoogan yihiin beeshiisa iyo beesha uu xulufada la samaystay ee degta Cadaado. Dhinaca kale, doorashada Galmudug ayaa laga yaabaa inay gaarto illaa dhamaadka July ama horaanta August, marka loo eego howlaha qabyada ee dhiman in la qabto ka hor doorashada sida shirka dib u heshiisiinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong. “Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday oo maalmahan hawlaha shaqo u joogay dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong “. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya. Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa qayb ka yahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinahaa si jiilalka isu bedelaya dalka ay u helaan taariikhdii uu dalku soo maray iyo waxyaabihii uu caanka ku ahaa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong appeared first on Puntland Post.
  13. It remains the mystery at the heart of Boeing Co.’s 737 Max crisis: how a company renowned for meticulous design made seemingly basic software mistakes leading to a pair of deadly crashes. Longtime Boeing engineers say the effort was complicated by a push to outsource work to lower-paid contractors. Source: Hiiraan Online
  14. Tanklike devices called solar stills use the sun to evaporate dirty or salty water and condense the vapor into safe drinking water. But large, expensive stills can only produce enough water for a small family. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland(PSF), ayaa hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari, waxay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen malayshiyaadka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay degaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow, in lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab “Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab” Taliska ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhan ka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleeyda Gobolka Bari ee Puntland “Ciidamada PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish”. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo burburiyay saldhigyadii Al-shabaab ee buuraleyda Calmadow appeared first on Puntland Post.
  16. Iran may be standing down on its nuclear threat, at least for now, after Europe and China moved on Friday to ignore or bypass U.S. sanctions. Source: Hiiraan Online
  17. The girl, identified by relatives as Shukri Yahya Abdi, was found by search teams at the River Irwell in Bury on Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi ( Janan) oo socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka wado kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo xubno ka socda dowladda. Wasiir Cabdirashiid Janan oo la dejiyay Xarunta NISA ayaa Sababta uu u imaaday Magaalada Muqdisho la aaminsan yahay inay tahay sidii ay u heli laheyd dowladda Soomaaliya jaanis ay qeyb kaga noqoto Doorashada ka dhaceyso Maamulka Jubbaland maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay dowladda soo farageliso Doorashadaas. Waxaa socdo qorsho kale oo arrintaas ku lamaansan oo ah sidii uu Janan u dhameyn lahaa inuu Axmed Madoobe isku soo dhiibo dowladda isla markaasna uu ku dhawaaqo inuu isaga haray Doorashada Jubbaland uuna is casilo, taasi oo dad xog ogaal ah oo u dhow Axmed Madoobe ay ku qeexeen riyo maalmeed. Dowladda ayaa Janan usoo bandhigtay adduun lacageed oo gaarayo illaa 5 Malyan oo lacagta Mareykanka oo diyaar loola yahay in la siiyo Axmed Madoobe haddii uu aqbalo inuu sameeyo sida ay dowladda rabto. Janan oo kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Farmaajo ayaa ah nin awood ahaan heysto inta badan Gobolka Gedo, waxayna dowladda Soomaaliya dhawr jeer isku dayday inay iska hor keento isaga iyo Axmed Madoobe iyadoo dooneysay in khilaafka loo badalo dhanka qabiilka isla markaasna ay beesha Mareexaan diidaan inuu Maamulka Jubbalanad ka shaqeeyo deegaanada Gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa illaa hadda aqbalin qorshaha ay Dowladda Soomaliya soo bandhigtay, waxaana hadda muuqato inay sii kala fogaanayaa Axmed Madoobe iyo Janan oo markii hore isku koox ahaa. Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka. Axmed Madoobe ayaa kasoo haray dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada ee dagaalka la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor heshiis lagula wareegay saaxiibkiis ugu dambeeyey Xaaf. Marka ay dowladda kasoo dhamaato arrinta Galmudug, ayna xaqiijiso inay keensato madaxweyne ay raali ka tahay, waxaa dagaalka xiga ay geli doontaa uu noqon doonaa inay meesha ka saarto Axmed Madoobe. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. “It gives us a great pleasure to launch our flight to Garowe, Somalia,” said Mr. Tewolde GebereMariam,Group CEO of Ethiopian Airlines.“ Source: Hiiraan Online
  20. Ethiopian Airlines Group announced the launch of its flight to Garowe, Somalia, via Bossaso, Somalia effective 15 July 2019. The flight schedule to Garowe, Somalia is as per the below.. Source: Hiiraan Online
  21. ADDIS ABABA,(Reuters) - Authorities in Ethiopia arrested on Friday the spokesman of a political party which promotes the interests of the Amhara ethnic group, the party president said. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada. Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabuudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa deegaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Bulshada Caabuudwaaq appeared first on Puntland Post.
  23. LONDON (Reuters) - Royal Dutch Shell (RDSa.L) and Exxon Mobil (XOM.N) are looking to return to Somalia ahead of an oil block bid round later this year, the East African country’s oil ministry said. Source: Hiiraan Online
  24. For many soccer-crazed expats of African countries in Edmonton, there's no better way to celebrate Canada's birthday than a few matches of the beautiful game. Source: Hiiraan Online