-
Content Count
208,784 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaallo u abaabulan qaab beeleed ayaa kasoo cusboonaaday deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan. Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahan, iyadoo dhinacyada is haya loogu baaqayo nabadda. Cali Cabdi Guure, guddoomiyahii hore ee degmada Buulo-burde oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin dagaalladan soo noq-noqday. Wuxuu sheegay Guure, in loo baahan yahay iney dadku ku wada noolaadaan nabad oo ay joojiyaan dagaallada. Dagaalladan ka socda gobolka Hiiraan ayaa noqday mid soo noq-noqday, iyadoo aanay jirin weli xal rasmi ah oo dagaalladan laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-gudoomiyhii-hore-ee-buulo-barde-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Iyadoo Bisha September ee soo socota Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday inay bilaabanayso dhageysiga dacwadda Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa Qareenada u dhashay dalkaasi waxa ay ka dalbadeen Maxkamadda Sare in laga laabto dacwadaasi. Urur ay ku mideysan yihiin qareenada dalka Kenya ayaa waxa ay gal dacwadeed u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya si looga laabto dacwadda Kiiskaasi. Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah Kinoti iyo Kibe, ayaa sheegay in kiiskaan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan. Waxaa kale oo ay farriintooda gaadhsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Iyo Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya si arrintaan looga laabto. Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota. Source
-
Siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Galmudug qaarkood ayaa xilligan waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in la dhiso maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah, xilli ay socdaan dedaallo arrintaasi ku aaddan. Xildhibaan hore, Faysal Axmed Cabdulle oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay iney rajo badan ka qabaan Galmudug iney isku tashato, islamarkaana la dhiso maamul mideysan oo aan cidna ka maqneyn. Sidoo kale, wuxuu sheegay xildhibaan Faysal in ay aad u rajeynayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo aan eex iyo isdabamarin ku jirin. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wada dedaallo ku aaddan sidii loo dhisi lahaa maamulka Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareeysi-siyaasi-ka-soo-heeda-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beijing (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong. “Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday oo maalmahan hawlaha shaqo u joogay dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong “. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya. Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa qayb ka yahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinahaa si jiilalka isu bedelaya dalka ay u helaan taariikhdii uu dalku soo maray iyo waxyaabihii uu caanka ku ahaa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka waxa uu saaka oo Sabti ah sheegay inuu quudaraynayo inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay Xuduudka hubka ka caagan ee (DMZ) ee u dhexeeya Labada Kuuriya. Qoraal uu soo dhigay bartiisaTwitterka ayuu Trump ku sheegay haddii uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya tan arko, inuu jeclaan lahaa inay ku kulmaan Xuduudka, si ay isku gacan qaadaan, una yidhaahdo Hello. Kulankaasi waxaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya, Moon Jae-in, balse, ma kala cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale. Donald Trump oo haatan Shirweynaha madaxda dalalka Wersheadaysan ee Kooxda G20 uga socda magaalada Oska ee dalka Japan, waxaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta tago caasimadda dalka Koonfurta Kuuriya ee Seoul, waxaana u qorsheysan inuu berrito oo Axad ah dib ugu laabto magaalada Washington. Source
-
Addis Ababa (SMN) – Waxaa shalay oo ay Taariikhdu ku beegneyd 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha. Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhammaystirka wixii haray. Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay. Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada. Shirka Dowlada iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee Maanta la kala saxiixday . Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada. Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan. Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa. Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT- Thailand)-Taliyihii hore ee qeybta Koofur Bari dalka Itoobiya General Abraha Woldemariam ayaa ku geeriyooday dalka Thailand isagoo u dhintey cudurka Kansarka. Generalkan ayaa ka mid ahaa generalo koowan oo uu dalacsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegne. Hase yeeshee markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiy Ahmed ayuu noqday howlgab General Abraha. Hore ayaa loogu eedeeyay generalkan inuu gacan ka geystey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada Itoobiya ka geystey dhulka Soomaalida ee Itoobiya. Dadka wax dhaliila ayaa generalkan la xidhiidhiyay inuu aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Abdi Iley oo haatan ku jira xabsig ku yaal magaalada Addis Ababa. General Abraha Woldermariam ayaa waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada ururka TPLF kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladii uu madaxda ka ahaa Colonel Mengistu Hailemariam. Source
-
Cadaado (SMN) – Xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo ka dhacay magaalada Cadaado ayaa qodobadii ka soo baxay shirkaas waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee amniga dalka, dardar-gelinta qorsha xoreynta deegaannada ay Al Shabaab kaga suganyihiin deegaannada Galmdug oo qayb ka ah qorshaha guud ee xoraynta dalka iyo diyaarinta ciidamo Booliis ah oo la wareega amniga deegaannada ciidanka xoogga dalku ay xoreeyaan , iyadoo sidoo kale la amray Wasaaradda Gaashaandhiga in Diiwaan Galinta iyo Tirakoobka Ciidamada si rasmi ah uga dhaqan galiyaan deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhagaystay saraakiisha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, ayaa faray saraakiisha amniga ee dowladda federaalka in si dhaw ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowlad gobaleedka Galmudug si guul looga gaaro qorshaha amniga. Shirka ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada amniga gudaha, iyo arrimaha gudaha, wasiirru dowlayaasha arrimaha guddiga iyo howlaha guud, xildhibaanno, madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo saraakiil amni oo ka socota dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Gal-mudug. View the full article
-
Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado shalay Galinkii dambe ayaa waxaa markii uu gaaray magaalada Caabuudwaaq waxaa halkaas kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan qayb ka qaadashada dhismaha maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada. Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabuudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada. Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka. Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahaynlagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Garissa University, the former constituent college of Moi University Eldoret held its first graduation ceremony Thursday, in a colourful ceremony with memories of the Al-Shabaab attack that claimed lives of 148 people most of them students still fresh in the minds of many. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tunisiya)-Lataliyaha madaxweynaha Tunisiya ayaa sheegey inaysan muuqan halis ah marnaasho awooded, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Beji Qa’id Al Sebsi cisbitaal loola cararay. Noureddine Ben Ticha, ayaa u sheegey idaacadda Express FM in xaaladda madaxweynuhu ay deggaan tahay. Al Sebsi oo ah 92 ayaa loola orday cisbitaal Khamiistii shalay, kadib markii xanuun deg deg ah uu ku soo booday. Isla maalinkaas, waxa dalkaasi ka dhacay laba weerar oo ismiidaamin ahaa oo lagu dilay askari ka tirsanaa booliska, laguna dhaawacay tiro kale, gudaha magaalada Tunis. Weeraradaasi ayaa waxa sheegtey kooxda isku magacowdey dowladda Islaamiga ah. Source
-
Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixisay howlgal ay ciidanka maamulkaasi iyo kuwa xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka wasaaraddan, Cabdi Nuur Mooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay weerareen xarumo uu sheegay iney iska soo abaabuli jireen Al-shabaab, islamarkaana la baabi’iyey dhammaan xarumahaasi. Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena meelaha howlgallada laga sameeyey ay Al-shabaab isaga baxeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe waxa aad u xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wazaaradda-amniga-jubaland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
xMilitant Islamist group al-Shabaab has executed a man in his seventies in southern Somalia for allegedly marrying a mother and her daughter, pro-al-Shaabab Somali Memo website reports. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-29062019.mp3 View the full article
-
(SLT-Ankara)-Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ayadoo loo haysto eedaymo la xidhiidha in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Trukiga, Recep Tayyip Erdogan. Wararka ayaa sheegay in Kanan Kavtangioglu, oo madax ka ah laan ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People’s Party, ay mudan doonto 17 sano oo xabsi ah haddii dambigaas lagu helo. Xisbiga mucaaradka ah ayaana doorashadii ka dhacday magaalada Istanbul uga guulaystay xisbiga talada haya ee AK. Boqolaal qof oo gacansiinayey Ms Kavtangioglu, ayaa Jimcihii soo buux dhaafiyey maxkamadda, balse maxkamadaynta ayaa dib loogu dhigay 18-ka bisha dambe ee July. Ikram Emamoglu, oo dhawaan ku guulaystay xilka maayarka magaalada Istanbul, oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loo soo jeediyey Ms Kavtangioglu, ku tilmaamay kuwo “Sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo”. Waxa uu intaas ku daray in tallaabadani ay tahay “mid lagu xakamaynayo xorriyadda iyo xuquuqda hadalka” waxa uuna sheegay in uu garab taagan yahay. Emamoglu, ayaa aqlabiyad mug leh uga adkaaday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Turkiga Ben Ali Yildirim, oo doorasho ku celis ah ay ku tartameen jagada maayarka magaalada Istanbul, kaddib makii la baabi’iyey natiijooyinkii hore. Maxay yihiin eedaymaha loo soo jeediyey? Ms Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadaynayaa qoraallo ay ku soo qortay barteeda twitter-ka oo ay qaarkod qoraty lix sano ka hor. Ms Kavtangioglu, ayaa ku eedaysan in ay “aflagaadaysay” madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda Turkigaba, oo ay faafisay dacaayado argagixiso. Wararka ayaa sheegaya in hadalladaas loo haysto ay la xidhiidhaan dibadbaxyadii xukuumadda looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2013 laguna taageerayey xisbiga “la mamnuucay” ee PKK. Sida dadka wax falanqeeya ay sheegayaan Ms Kavtangioglu ayaa kaalin wayn ka ciyaartay guusha Emamoglu, kaas oo soo afjaray 25 sano oo xisbiga talada haya ee AK uu xukumayey magaalada Isanbul. Doorashada maayarka Istanbul ayaana loo arkayey in ay tahay afti dadweyne oo loo qaaday xukunka madaxweyne Erdugan, kaas oo horay u yidhi: “Ciddii Istanbul ku guulaysata, ayaa Turkiga oo dhan ku guulaysatay”. Source
-
Nairobi (Caasimada Online ) – Qareenada dalka Kenya oo war ka soo saaray muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dalbaday in dib loo dhigo dacwadda hortaalla ICJ. Ururada Kinoti iyo Kibe oo ay ku mideysan yihiin Qareenada Kenya ayaa tilmaamay in kiiskan uu xadgudub ku yahay Dastuurkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda looga baahan yahay inay laasho dacwaddaasi. Qareenadan ayaa sidoo kale baaqooda u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, waasaaradda arrimaha dibadda iyo maxkamadda sare ee dalkaasi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay Wasiir Monica Juma oo Wareysi siisay BBC-da ay ku muujisay astaamo u muuqda inay Kenya guul-darro uga soo socoto kiiska Badda. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa ka jawaabtay dhowr su’aalood oo la xiriiray kiiska Badda Soomaaliya ee horyaal maxkamadda ICJ, wareysiga oo muuqaal ahaa waxa ka muuqday welwel iyo feejignaan badan oo dhinaca jawaabaha ah, inta badan jawaabaha ay bixisay waxa ay xambaarsanaayeen dareen iyo isku dhex yaac, kuwaas oo muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay welwelka Kenya ee sheegashada Badda Soomaaliya. Bisha September ee soo socota ayaa la filayaa in ICJ ay dib u furto dhageysiga dacwaddan, sida lagu shaaciyay War-Saxaafadeed ka soo baxay maxkamaddaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Shirkadda diyaaradaha dalka Ethiopia, ayaa jimcihii shalay shaacisay in ay si rasmiya duullimadyo uga bilaabi doonto, garoomada caalamiga ah ee Puntland 15-ka bisha Luuliyo ee soo socota. Qoraal ka soo baxay Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka bisha Luuliyo ee sannadkan 2019, ay shirkaddu duullimaadyo joogta ah ku tegi doonto caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 12 bishan June magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay madaxa Fulinta ( CEO) shirkadda duulimaadyada Ethiopia Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi. Kulankaasi ayaa looga wada-hadlay, sidii shirkadda duullimaadyada Ethiopia ay Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Ethiopia. Shirkadda ayaa xilligaasi magacowday, guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha caalamiga ee Garoowe, kuwaasi oo bartamihii bishan June diyaariyay xog dhammaystiran oo ku aaddan Garoonka. Ehiopia iyo Puntland, waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Ethiopia oo ka shaqeysa fududeynta isu’socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ethiopian Arlines oo duullimaadyo joogta ka bilaabaysa garoomada Caalamiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
However, former team president not allowed at official meetings with free agents Source: Hiiraan Online
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaban qaabo iyo dhaweyn ballaaran oo loogu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona ay xaqiijiyanaan Ciidamada GalMudug iyo kuwa ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaare Khare oo gaaray halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaruhu marka uu tago Guriceel inuu la hadlo shacabka degmadaasi oo haatan ay ka jiraan xaalado ammaan iyo mid nololeed intaba. Ra’iisul wasaare Khayre oo muddo ku dhow todobaad ku sugan GalMudug ayaa horay u booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Intii uu ku sugnaa magaalooyinkaasi ayaa waxaa uu la kulmay qeybaha kala duwan ee ku dhaqan degmooyinkaasi. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa dadaal ugu jira, sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dowlad goboleedka GalMudug. Shalay Khayre iyo Xaaf ayaa heshiis muhiim ah oo ka koobnaa shan qodob ku gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu tilmaami karo guul ay dowladdu ka gaartay arrimaha maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa u muuqda inuu ku adkaanayo loolanka ka dhex-oogan isaga iyo kooxda Ahlu-Sunna oo mar ay xulufo ahaayeen. Xaaf iyo Ahlu-Sunna ayaa kala tagay markii uu ka war-helay inay madaxiisa kula gorgortameyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo ku qasabtay inuu kasoo jeesto Cadaado, lana heshiiyo dowladda, si uu kooxdan ugu xumeeyo. Wixii markaas ka dambeeyey waxaa labada dhinac u dhaxeeyey loolan ku aadan cidda hogaamin doonto is-beddelada ka dhacay Galmuudg, sida shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada, taasi oo hadda muuqata in Xaaf uu gacanta ku dhigay. Madaxweyne Xaaf wuxuu awood iyo sharciyad ka helay heshiiskii isaga iyo ra’iisul wasaare Kheyre taasoo sida muuqata hoos u dhigtay saameyntii Ahlu-Sunna. Sidoo kale Xaaf ayaa wuxuu hoggaamin doonaa hannaanka geeddi socodka Galmudug iyo ka bixitaanka marxalada kala guurka, sida ay ku heshiiyeen Kheyre. Madaxweyne Xaaf ayaa dhinaca kale hoggaamin doono shirka dib u heshiisiinta ee la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Hobyo oo ay ku xoogan yihiin beeshiisa iyo beesha uu xulufada la samaystay ee degta Cadaado. Dhinaca kale, doorashada Galmudug ayaa laga yaabaa inay gaarto illaa dhamaadka July ama horaanta August, marka loo eego howlaha qabyada ee dhiman in la qabto ka hor doorashada sida shirka dib u heshiisiinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com