Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ergada soo xuli laheyd Xildhibaanada saacadihii la soo dhaafeen ay gaareen magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa xarun gaar ah dajisay Ergada, kuwaas oo amnigooda si gaar ah loo sugi doono. Ololaha doorashad ayaa ka socda Kismaayo oo ay haatan ku sugan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxaa jira galan gal xoogan oo ay waddo dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dagaal hoose ay ku jirto maamulka haatan talada haya ee Axmed Madoobe. Dowladda federaal kaayaa Muqdisho ku marti qaatay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo la dejiyay xarunta NISA. Sababta uu socdaalka qarsoodiga ah ugu yimid Wasiir Janaan Caasimada ayaa la aaminsan yahay inay tahay sidii ay dowladdu u heli laheyd jaanis ay qeyb kaga noqoto doorashada ka dhaceyso maamul goboleedka Soomaaloyeed ee Jubbaland . Doorashadan ayaa la filayaa in ay qabsoonto bisha August ee soo socota, iyadoo ay sanadkan ka adagtay koo hore. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Christine Syombua Oo Ah Muwaadin Reer Kenya Ah Oo Degan Somaliland Ayaa Caaddeeyey Inay Baahi Weyn U Qabaan Qunsuliyad Ay Dawladoodu Ka Furato Hargeysa, Si Ay Uga Maarmaan Socdaalka Dheer Ee Ay U Galaan Baasaboorka Dalkooda Kenya (SLT-Hargeysa)- Muwaadiniinta reer Kenya oo ku nool, kana shaqeysta Somaliland ayaa Xukuumaddooda ku booriyey inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, si ay fursad ugu helaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda isla markaana ay u helaan xafiis ay hawlahooda la socodsiiyaan. Siduu ku Warramay Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda oo ay maanta (shalay) soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Waxa Somaliland ka shaqeysta muwaadiniin u dhashay Kenya oo tiradooda lagu qiyaasay 10 kun oo qof waxaanay dawladdooda ugu baaqeen inay furto xafiiskii qunsuliyadda ee ay sheegtay inay ku yeelan doonto Hargeysa. Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya. Waxa kaloo uu intaasi ku daray in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xidhiidhaan mar kasta oo dhibaato soo gaadho. Baaqa muwaadiniinta reer Kenya ayaa ku soo beegmay xili uu xoogaysanayo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyadoo shalayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay ka hadashay kulan uu Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon) oo ay sheegeen in labada Masuul ay shirkaas kaga wada hadleen danaha guud ee labada dal wadaagaan iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya. Source
  3. Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ciidankooda gaarka ah ee PSF ka sameeyeen buuraha Calmadow ku burburiyeen xarumo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi. Qoraal kasoo baxay PSF ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay si gaar ah uga sameeyeen deegaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo ka tirsan buuraleyda Calmadow. Waxay sheegeen iney gubeen goobo Al-shabaab ku keydsan jireen hubka iyo raashiinka. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay PSF. Dhanka kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanku ay fashiliyeen miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen waddooyinka deegaannadaasi gala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (PP) ─ Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga bilaabay xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas uu yeelanayo, kuwaasoo bedeli doona xidhibaannada hadda jooga. Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada ayaa goor hore waxaa la dajiyay goobo lagu ilaalinayo amnigooda, waxaana xildhibaanada la bilaabay in lasoo xulo ay soo dooran doonaan cidda hoggaamin doonta maamulkaas dhawrka sano ee soo socda. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in xulista xildhibaannada cusub ee maamulkaas ay marayso meel aad u wanaagsan, ayna si weyn u rajeynayaan in dhawaan lagu dhawaaqo magacyadooda. Xildhibaannada cusub ayaa waxay ka imaan doonaan dhammaan gobollada uu maamulka Jubbaland ka kooban yahay, waxaana marka lasoo xulo gabi ahaan xildhibaannada ay iyaguna dooran doonaan guddoonkooda, si ay ugu gudbaan doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Madaxweyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada Jubbaland lagu hayo fara-gelinta, taasoo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Somalia. “Jubbaland waxaa lagu soo qaaday weerar dhinac walba ah, waxaana laga soo abaabulayaan weerarradaas Villa Somalia, waxaana ku talin lahaa in laga digtoonaado fara-gelinta lagu hayo doorashada Jubbaland,” ayuu si ay caro ku dheehan tahay u yiri madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku boorriyay madaxda DF in dastuurka dalka u yaalla la ilaaliyo, haddii taas la diidana aysan jirin cid looga adkaan doono dagaal, wuxuuna si ay caro ku jirto u yiri, ‘haddii dastuurka la ilaalin waayo, innaguna waa is-difaaci doonaa.’ Dowaldda federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka Axmed Madoobe, waxaana doorashada soo socota lagu wadaa inay kula tartamaan xubno la sheegay inay aad ugu dhaw yihiin Dowladda dhexe ee Somalia. Ugu dambeyn, Xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli maalin ka hor uu Muqdisho soo gaaray wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur [C/rashiid Janan, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa safarkiisa, waxaase lagu tiriyaa xubnaha sida weyn ugu dhaw madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo laga billaabay Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  5. Xilligii cumar binu khadaab (RC) amiirka u ahaa muslimiinta, isagoo ka khudbadaynaaya masjidka rasuulka CWS, ayaa hadalkiisii waxaa Ku jiray “i adeeca” markaasuu istaagay asxaabigii weynaa ee salmaan Al-faaris wuxuuna Ku yidhi “amiir Ku adeeci mayno” nooga jawaab halkeed ka keentay go’an labaad Ee aad guntan tahay ! . Maxaa yeelay annaga waxaad na siisay mid, adiguna waxaad sidataa laba. naga qanci kan labaad halka uu kaa soo galay. Cumar binu khadaab Amiirul muuminiinkii (RC), muu cadhoon manuu odhan anigoo madax ah sidaa ha iila hadline, wuxuu walaalkii Ku qanciyay si xikmadi Ku jirto. wuxuuna yidhi: “istaag Cabdilaahi binu cumar su’aashaa adigaa wax ka oge siday ahayd uga jawaab. Cabdilaahi binu cumar wiilkii amiirka muuminiita ayaa ka war celiyay waydiintii , wuxuuna yidhi: ” Aabahay waa Nin dheer hal go’ kuma filna anigaa u dhiibay kaygii”. kadib salmaan baa yidhi: “hadda waanu Ku maqalnay kuna adeecnay”. Xikmadda aynu usoo qaadannay waxay tahay, madaxdeennu innagay inoo adeegtaa, waa sida dad inoo haya tukaan. Sida qof leh tukaan u yidhaahdo shaqaalaha u Shaqeeya waar ammaanada ilaali,xisaabta wanaaji, alaabta kala hagaaji, bulshada tukaanka Ku xidhan waji Wanaagsan Ku Qaabil. Haddaba qofka madaxda kuu ah waxaad ku odhanaysaa sida quruxda badan ee ay wax kuula muuqdaan, waxaad siinaysaa talk toolmoon, waliba adigoon cidna dulmiyayn, cidna Ku xadgudbayn sharaftooda , Dadnimadooda, cadaaladana aan ka tagayn.Nebi muxamed (CWS) Dagaalkii xunayn markii geel badan lasoo qaaday, ayaa qayb badan oo kamid ah geelii qaniimada ahaa, intii badnayd waxaa la siiyey quraysh, iyadoo xikmadda Ku jirtaa ahayd, kasbasho in si Fiican Qalbigooda islaamnimadu ugu tagto. Arrintaana waxa yar dhibsaday ansaar oo ahaa Gargaarayaashii Rasuulka (SCW), waxaanay soo direen sacad binu mucaada oo kamid ahaa odayaashii ansaareed, ahaana asxaabigii qiimaha lahaa, daraadiina carshiga raxmaanku u gariiray, markaasuu Ku yidhi: “rasuulkii alloow masaladaa naga qanci, dhibtana annagaa leh, dheeftana Waxaa leh quraysh”. Rasuulka Allah (CWS) ma cadhoon manuu odhan anigoo rasuulkii Allah ah, dadna ugu sharaf badan miyaad sidaa iila hadlaysaan. Balse uu Qanciyey, waxanuu ku yidhi: “dadka oo dhammi hadday waadi maraan, ansaarina mid kale marto idinkaan idin raaci lahaa, miyeydaan raali Ku ahayn in idinna Rasuulka Allah idin raaco, iyana xoolahu raacaan” sidiibaanay raali Ku noqdeen. Haddaba madaxnimadu waa is qancin. Wakhtigii amiirul muuminiin cumar binu khadaab (RC), wuxuu Ku dhawaaqay meherka in la jabiyo, qadar la isla garanayona laga dhigo, si loo fudaydiyo guurka, balse markii masjidkii laga soo baxay haweenay ayaa Ku sugtay irridda masjidka, waxaanay Ku tidhi “yaa amiirul muuminiin rasuulka Allah ba muu xadidin meherka ee sidaad adigu ugu xadidi kartaa” !! Markaasuu cumar binu khadaab Amiirul muuminiin garowsaday in arrintaa lagaga gar leeyahay, waanuu garowsaday arintiina uu ka Noqday. Dulucduna waxay tahay Madaxdeenu waa adeegayaasheena,lakiin uma nihin addoomo, xaq waxay inoogu heleeyiih hab asluubaysan inaan wax ugu sheegno,iyaguna waxay xaq inoogu leeyihiin in ay ina qanciyaan,dhaliishana aanay u arag in Masabkooda lagu soo duulay W/Q Ridwaan Cabdilaahi Source
  6. Seven people have been arrested following a plastic bags crackdown in Eastleigh Garissa in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  7. Istanbul (PP) ─ Haweeney siyaasiyad ah oo u dhaslatay Turkiga laguna magacaabo, Kanan Kavtangi-oglu ayaa maxkamad lagu soo taagay Istanbul iyadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay afla-gaadeysay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Siyaasiyaddan ayaa madax ka ah Laan ka tirsan xisbiga cilmaaniga ah ee Republican People’s Party, waxaana lagu waddaa inay mudan doonto 17-sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay. Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadeynayaa warbixinno ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka oo ay qaarkod qoratay lix sano ka hor. Tasoo keentay in lagu eedeeyo inay afla-gaadaysay Madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda uu madaxda u yahay, isla markaana ka faafisay dacaayado kala duwan. Sidoo kale, haweeneydan ayaa la sheegay inay ku eedeysay xukuumadda iyo madaxweynaha Turkiga inay yihiin argagaxiso, taasoo keentay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad lagu soo taago siyaasaddan. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in hadallada loo haysto ay la xiriiraan mudaaharaadyadii xukuumadda looga soo hor-jeeday ee dhacay sannadkii 2013-kii laguna taageerayey xisbiga la mamnuucay ee PKK. Maxkamadda ayaa waxaa ka qayb-geli doona xubno badan oo xukuumadda Turkiga ka tirsan, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa dagaalka weyn ee lagula jiro in lagu joojiyo in la eedeeyo xukuumadda iyo madaxda dalkaas, si aan shacabka looga dhaadhicin fikrado qaldan. Ugu dambeyn, Ikram Emamoglu oo dhawaan ku guulaystay Guddoomiyaha magaalada Istanbul oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loosoo jeediyey Kavtangioglu ku tilmaamay kuwo sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo. PUNTLAND POST The post Turkiga oo lagu maxkamadeynayo Haweeney afla-gaadeysay Madxweyne Rajab Erdogan appeared first on Puntland Post.
  8. Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah raggii hoggaaminayey dagaallo ka dhacay degmadaasi. Yuusuf Baalow, guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in maleeshiyaadkii dagaallamay ay ka firxadeen magaalada, qaarna la qabtay kuwo kalena lagu raad joogo. Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelihii ay maleeshiyaadkan ku dagaallameen ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka, xaaladuna ay tahay mid deggan. Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootey dagaalkan, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna maleeshiyaadkan isku hayeen goob lacagaha isbaarada looga qaado gaadiidka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/gudoomiyaha-degmada-walaweyn-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dhaxal Sugaha Sacuudiga ku tilmaamay nin ” qabtay waxyaabo la yaab leh” waxa uuna sheegay in uu saaxiib la yahay. Hadalka Trump ayaa imaanaya ayadoo labadan masuul ay shir doceed ku yeesheen shir madaxeedka G20 ee ka dhacay dalka Japan. Trump ayaa waxaa gudaha dalka Maraykanka ka haysta cadaadis siyaasadeed oo ku aaddan sababta uu uga warwareegayo kaalintii la sheegay in ninkani uu ku lahaa dilkii saxafigii sacuudiyaanka ahaa Jamal Khashoggi. Waxaana jiray warar sheegaya in sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ay xaqiijisay in “Maxamed Bin Salman uu yahay ninkii bixiyey amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi” Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyey in Maxamed Bin Salmaan lagu sameeyo baadhitaan la xidhiidha dilkii Khashoggi, kaas oo bulshada caalamku ay aad uga carootay. Guddiga ayaana sheegay in ay hayaan “caddaymo ku filan” oo marag u noqon ah in Bin Salmaan uu dilkaas ka dambeeyey. Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa beeniyey ku lug lahaanshaha Dhaxal Sugaha ee dilkaas. Waxayna sheegeen in ay maxkamadaynayaan rag sacuudiga u dhashay oo dilkaas loo haysto. Ka hor inta aanu la kulmin Maxamed Bin Salmaan, ayaa Trump waxa uu yidhi: “Sharaf wayn ayay ii tahay in aan la kulmo Dhaxal Sugaha Sacuudiga, oo ah mid ka mid ah Saaxiibaday” Waxa uu intaasi ku daray in Ina Salmaan uu yahay “nin shantii sano ee la soo dhaafay Sacuudiga wax badan ka qabtay” asagoo tilmaamay in Amiirku uu ka shaqeeyey sidii Sacuudiga loo furfuri lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay arrinta khusaysa haweenka Sacuudiga oo uu yidhi asagoo la hadlayaa Bin Salmaan: ” Wax qabadka aad samaysay gaar ahaan dhanka haweenka waxa uu u dhigmaa kacdoon oo kale, marka la eego waxa qabsoomay”. Bin Salmaan ayaa kaga jawaabay oo yidhi: ” Waxaan isku dayaynaa in wax ka sii wanaagsan aan ka qabanno dalkeenna Sacuudiga, arrintanina waa safar dheer oo hadda biloowday” Arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dal ayaa Trump waxa uu sheegay in Maraykanku uu tixgalinayo in Boqortooyada laga iibiyo hub ku gacaya balaayiin dollar. Congress-ka Maraykanka ayaa bishaan horraanteedii u codeeyey mashruuc lagu joojinayo hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo Imaaraadka. Source
  10. More than two years after vowing to build a new mall for East African businesses in Minneapolis, City Council Member Abdi Warsame announced a public market will be coming to the Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Addis Ababa)-250 qof oo loo shakisan yahay inay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya. Dadka la xidhxidhay waxaa ka mid ah 200 saraakiil ciidamada amniga ee gobolka Amxaarada iyo in ka badan 40 Sarkaal oo laga qabqabtay magaaladda Adis-ababa ee caasimadda Telefishanka dowladda waxaa uu sheegay in ciidamada amniga heleen 27 Qori oo AK-47 ah iyo laba qori oo ah kuwa daran-dooriga u dhaca. Waxaa kal oo telefishanku uu baahiyay ninkii dilay Taliyihii ciidamada Itoobiya Gen Seare Mekonnen iyo sarkaal kale oo la joogay. 5 Sarkaal oo uu ku jiro taliyaha ciidammada Itoobiya iyo Madaxweynihii ismaamulka Amxaarada ayaa ku dhintay Afgembigaas oo ay sameeyeen Saraakiil ka soo jeeda qowmiyada xabashida oo aha tan labaad ee ugu badan dalkaasi Itoobiya Source
  12. Miraa farmers are eyeing the horn of Africa and southern Africa markets, with Ethiopia and Djibouti among target destinations. Source: Hiiraan Online
  13. Dagaallo u abaabulan qaab beeleed ayaa kasoo cusboonaaday deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan. Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahan, iyadoo dhinacyada is haya loogu baaqayo nabadda. Cali Cabdi Guure, guddoomiyahii hore ee degmada Buulo-burde oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin dagaalladan soo noq-noqday. Wuxuu sheegay Guure, in loo baahan yahay iney dadku ku wada noolaadaan nabad oo ay joojiyaan dagaallada. Dagaalladan ka socda gobolka Hiiraan ayaa noqday mid soo noq-noqday, iyadoo aanay jirin weli xal rasmi ah oo dagaalladan laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-gudoomiyhii-hore-ee-buulo-barde-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Nairobi)-Iyadoo Bisha September ee soo socota Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday inay bilaabanayso dhageysiga dacwadda Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa Qareenada u dhashay dalkaasi waxa ay ka dalbadeen Maxkamadda Sare in laga laabto dacwadaasi. Urur ay ku mideysan yihiin qareenada dalka Kenya ayaa waxa ay gal dacwadeed u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya si looga laabto dacwadda Kiiskaasi. Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah Kinoti iyo Kibe, ayaa sheegay in kiiskaan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan. Waxaa kale oo ay farriintooda gaadhsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Iyo Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya si arrintaan looga laabto. Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota. Source
  15. Siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Galmudug qaarkood ayaa xilligan waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in la dhiso maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah, xilli ay socdaan dedaallo arrintaasi ku aaddan. Xildhibaan hore, Faysal Axmed Cabdulle oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay iney rajo badan ka qabaan Galmudug iney isku tashato, islamarkaana la dhiso maamul mideysan oo aan cidna ka maqneyn. Sidoo kale, wuxuu sheegay xildhibaan Faysal in ay aad u rajeynayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo aan eex iyo isdabamarin ku jirin. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wada dedaallo ku aaddan sidii loo dhisi lahaa maamulka Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareeysi-siyaasi-ka-soo-heeda-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Beijing (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong. “Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. aniga iyo wefdigii ila socday oo maalmahan hawlaha shaqo u joogay dalka Shiinaha ayaa maanta booqday Madxafka Shaoshan Mao Zedong “. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya. Madxafka Shaoshan Mao Zedong ayaa qayb ka yahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu keydiyo taariikhda dalka Shiinahaa si jiilalka isu bedelaya dalka ay u helaan taariikhdii uu dalku soo maray iyo waxyaabihii uu caanka ku ahaa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  17. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka waxa uu saaka oo Sabti ah sheegay inuu quudaraynayo inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay Xuduudka hubka ka caagan ee (DMZ) ee u dhexeeya Labada Kuuriya. Qoraal uu soo dhigay bartiisaTwitterka ayuu Trump ku sheegay haddii uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya tan arko, inuu jeclaan lahaa inay ku kulmaan Xuduudka, si ay isku gacan qaadaan, una yidhaahdo Hello. Kulankaasi waxaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya, Moon Jae-in, balse, ma kala cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale. Donald Trump oo haatan Shirweynaha madaxda dalalka Wersheadaysan ee Kooxda G20 uga socda magaalada Oska ee dalka Japan, waxaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta tago caasimadda dalka Koonfurta Kuuriya ee Seoul, waxaana u qorsheysan inuu berrito oo Axad ah dib ugu laabto magaalada Washington. Source
  18. Addis Ababa (SMN) – Waxaa shalay oo ay Taariikhdu ku beegneyd 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo maareeynta shaqaalaha. Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhammaystirka wixii haray. Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay. Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar). Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada. Shirka Dowlada iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee Maanta la kala saxiixday . Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada. Waxanay tiradii ugu badnayd Dowladda Soomaaliya ruqsaysay 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan. Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Africa. Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  19. (SLT- Thailand)-Taliyihii hore ee qeybta Koofur Bari dalka Itoobiya General Abraha Woldemariam ayaa ku geeriyooday dalka Thailand isagoo u dhintey cudurka Kansarka. Generalkan ayaa ka mid ahaa generalo koowan oo uu dalacsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegne. Hase yeeshee markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiy Ahmed ayuu noqday howlgab General Abraha. Hore ayaa loogu eedeeyay generalkan inuu gacan ka geystey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada Itoobiya ka geystey dhulka Soomaalida ee Itoobiya. Dadka wax dhaliila ayaa generalkan la xidhiidhiyay inuu aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Abdi Iley oo haatan ku jira xabsig ku yaal magaalada Addis Ababa. General Abraha Woldermariam ayaa waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada ururka TPLF kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladii uu madaxda ka ahaa Colonel Mengistu Hailemariam. Source
  20. Puntlandi (HQ)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmi doona wafti ka socda safaaradda dalka Hindiya ee Soomaaliya fadhigeeduna yahay magaalada [...] Source
  21. Cadaado (SMN) – Xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo ka dhacay magaalada Cadaado ayaa qodobadii ka soo baxay shirkaas waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee amniga dalka, dardar-gelinta qorsha xoreynta deegaannada ay Al Shabaab kaga suganyihiin deegaannada Galmdug oo qayb ka ah qorshaha guud ee xoraynta dalka iyo diyaarinta ciidamo Booliis ah oo la wareega amniga deegaannada ciidanka xoogga dalku ay xoreeyaan , iyadoo sidoo kale la amray Wasaaradda Gaashaandhiga in Diiwaan Galinta iyo Tirakoobka Ciidamada si rasmi ah uga dhaqan galiyaan deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhagaystay saraakiisha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, ayaa faray saraakiisha amniga ee dowladda federaalka in si dhaw ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowlad gobaleedka Galmudug si guul looga gaaro qorshaha amniga. Shirka ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada amniga gudaha, iyo arrimaha gudaha, wasiirru dowlayaasha arrimaha guddiga iyo howlaha guud, xildhibaanno, madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo saraakiil amni oo ka socota dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Gal-mudug. View the full article
  22. Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado shalay Galinkii dambe ayaa waxaa markii uu gaaray magaalada Caabuudwaaq waxaa halkaas kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan qayb ka qaadashada dhismaha maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada. Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabuudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada. Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka. Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahaynlagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  23. Garissa University, the former constituent college of Moi University Eldoret held its first graduation ceremony Thursday, in a colourful ceremony with memories of the Al-Shabaab attack that claimed lives of 148 people most of them students still fresh in the minds of many. Source: Hiiraan Online
  24. (SLT-Tunisiya)-Lataliyaha madaxweynaha Tunisiya ayaa sheegey inaysan muuqan halis ah marnaasho awooded, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Beji Qa’id Al Sebsi cisbitaal loola cararay. Noureddine Ben Ticha, ayaa u sheegey idaacadda Express FM in xaaladda madaxweynuhu ay deggaan tahay. Al Sebsi oo ah 92 ayaa loola orday cisbitaal Khamiistii shalay, kadib markii xanuun deg deg ah uu ku soo booday. Isla maalinkaas, waxa dalkaasi ka dhacay laba weerar oo ismiidaamin ahaa oo lagu dilay askari ka tirsanaa booliska, laguna dhaawacay tiro kale, gudaha magaalada Tunis. Weeraradaasi ayaa waxa sheegtey kooxda isku magacowdey dowladda Islaamiga ah. Source
  25. Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixisay howlgal ay ciidanka maamulkaasi iyo kuwa xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka wasaaraddan, Cabdi Nuur Mooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay weerareen xarumo uu sheegay iney iska soo abaabuli jireen Al-shabaab, islamarkaana la baabi’iyey dhammaan xarumahaasi. Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena meelaha howlgallada laga sameeyey ay Al-shabaab isaga baxeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe waxa aad u xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wazaaradda-amniga-jubaland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com