-
Content Count
208,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan. Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Matabaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay, xalna aan la gaarin. Wuxuu tilmaamay Maxamuud in cabsida taagan iney tahay in mar kale isku dhacaan dhinacyadan oo la ogyahay iney dagaallameen maalmihii lasoo dhaafay. Dagaalkan ka dhacay deegaannadan ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-degaalka-ka-socda-matabaan-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee gobolka Karkaar Cabdullaahi Maxamed Barre Caato ayaa ka hadlay xilka qaadista uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay iyo maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka karkaar. Mudane Caato ayaa ugu horrayn aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay waxaana uu hambalyeeyay maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Karkaar isagoo ku boorriyay in ay shaqada halkii ka sii wadaan. “Alxamdu lilaahi ilaahay baa mahadi u sugnaatey waxaan halkaas uga hambalyeynayaa Madaxda cusub ee loo magacabay Gobolka karkaar Waxaan ilaahay uga baryayaa xilka culus ee loo igmadey inuu ku xafido” ayuu yiri Caato. Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka isagoo madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay la tashi uu sheegay in uu kala sameeyay magacaabista mas’uuliyiinta cusub. “Waxaan u ballan qaadayaa madaxda cusub inaan si dhow oo hagar la aan ah kula shaqayn doono inta awoodeyda ah insha allaah.Madaxweynaha Dowladda puntland Mudane Siciid Cabdulahi Deni,waxaan uga mahad celinayaa sida qiimaha iyo tixgelinta mudan ee uu iigala tashaday dib u habaynta maamulka Gobolka karkaar”. Ugu dambeyntii wuxuu madaxweynaha Puntland ugu baaqay in uu dib u habayn ku sameeyo maamullada degmooyinka gobolka Karkaar “waxaana ka codsanayaa ilaa heer degmo inuu taabba geliyo dib habaynta maamulka si loo gaaro horumar iyo maamul baahsan oo ka wada howlgala deeganka gobolka karkaar.Mar labaad hambalyo madaxda cusub ee Gobolka karkaar” ayuu sii raaciyay Caato. The post Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Karkaar oo ku baaqay in dib u-habayn lagu sameeyo degmooyinka gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay Gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto ; Zakiya Xuseen Axmed. Dhinaca kale, Duqa, Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow),oo ka hadlayay Xalay shirka amniga ee Caasimadda ayaa sheegay in ay kulankooda ugu hadleen dardar gelinta kormeerka, howlgallada iyo Isla-xisaabtan ka. Wuxuuna sidoo kale caddeeyay Guddoomiyuhu in eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed , ay soo qabteen Ciidamada, iyadoo loo heysto Gabar dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo ku yaalla Baar Ubax. Guddoomiye C/raxmaan Yariisoow , ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka Gacan siiyeen Shacabka, soona gudbiyeen xogta ku saabsan Gurigii uu ku dhuumanayey. Eedeysane, Bishaar Cabdi risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hoteel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howlwadaag Gobolkan Banaadir. PUNTLAND POST The post Ciidanka Amniga Muqdisho oo soo qabtay eedeeysane loo haysto dil appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
KUWAIT CITY,: The Embassy of Federal Republic of Somalia and the Somali Community in Kuwait celebrate the 59th Independence and unification Days. Perhaps unlike other countries, the government and the Somali people both inside and in diaspora celebrate a week-long Annual Independence Day Festival; this is because three significant events took place during the last few days of colonial history in the Somali territories in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Cadaado (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay fahmi weysay siyaasad xirfadeysan oo uu la cayaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola siyaasadda maamulkaas. Xaaf ayaa ku guuleystay inuu dowladda ka dhaadhiciyo inay dib u dhigto doorashadii Galmudug ee wasaaradda arrimaha gudaha ay ku dhowaaqday inay dhaceyso 4-ta bisha July. Aqoonyahan Cabdi Guuleed Jaamac oo siyaasadda Galmudug xog ogaal u ah ayaa sheegay in dib u dhigista doorashada Galmudug ay u muuqato mid ay ka wada shaqeeyeen Xaaf, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, lagana leeyahay laba qorshe oo kala ah:- 1 – In doorashada Galmudug ay ka dambeyso tan Jubaland, taasi oo dowladda ku fureysa dagaal siyaasadeed laba furrin ah, si awoodda dowladda loo kala qeybiyo loona wiiqo. 2 – In la xaqiijiyo in Axmed Madoobe kusoo baxo doorashada Jubaland kadibna Xaaf uu taageero xooggan ka helo Jubaland iyo Puntland, taasi oo u saamixi karta inuu ka baxo heshiisyada uu la galay ra’iisul wasaare Kheyre xukunkana uu sii dheereysto. Aqoonyahanka ayaa sheegay in sidoo kale shirka dib u heshiisinta beelaha Galmudug ee ka dhacaya Hobyo uu qyeb ka yahay qorshaha lagu sii dheereynayo dib u dhigista doorashada Galmudug, taasi oo sida uu sheegay Xaaf siin karta waqti kale oo dheeraad ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
After launching the most ambitious reforms in his country's history Ethiopia's Prime Minister, Abiy Ahmed, is under threat. The murder of his army chief of staff amid an alleged coup attempt in the Amhara region has highlighted the vulnerability of the reform process. The BBC's Africa Editor, Fergal Keane, analyses the challenge facing the continent's youngest leader. Source: Hiiraan Online
-
In London on Thursday, Dr Juma said foreign entities interested in oil and natural gas are taking advantage of Somalia’s weaknesses, a circumstance she warned could force the region off focus in the fight against terror and sea piracy. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU,(Xinhua) -- Somali security forces on Thursday night killed 8 militants in southern Somali, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Thousands of people are expected to gather in South Minneapolis on Saturday evening for a Somali Independence Day celebration Source: Hiiraan Online
-
Afgembigii dhicisobay ee ka dhacay dalka Itoobiya waxuu soo shaac bixiyey khilaafka ka dhaxeeye qowmiyadaha iyo degenaansho la’aanta siyaasada Itoobiya. Tan iyo intii Dr. Aby Ahmed loo doortay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaa aad u xoogsanayay isku dhacyada qowmiyadaha, taas oo horseeday dhimasho iyo barakac baahsan. Sida ay ku soo waramayaan hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo tan Socdaalka Aduunka (IOM). In ka badan 3 mialyan ayaa ku barakacay gudaha Itoobiya, waana tirada ugu badan ee shacab ku barakaca gudaha wadankooda (Euro news January 01, 2019). Furfurnaanta siyaasada ee Dr. Aby Ahmed la yimid, oo ay ku jirto in sare loo qaado xuquuqda aadamaha, xuriyada hadalka iyo in dadka ay ismaamulaan waxuu soo kiciyey hurgumooyin aasnaa. Dadka falanqeeya xaaladaha gobolka waxay rumeysan yihiin in rabshadaha iyo dagaalada qowmiyadaha u dhaxeeya sabab u yihiin dhowr arrimood: Hanaankii Ra’iisul-wasaarahii Meles Zenawi u ku abuuray maamul goboleedyada sagaal ah. Kaas oo qowmiyad walba qayb dhulkeeda ka mid ah, uu raaciyey qowmiyada deriska la’ah, taas oo kordhisay in muranada Kilinada uusan damin! In qowmiyad kasta gudaheeda ka dhex abuuray nidaamkii hore xiisado, iyo xasarado aan dhammaan. Tusaale waxaa inoogu filan qowmiyada Soomaalida iyo “Jeel Ogaadeen,” sidii dadka loogu ciqaabi jiray. In qowmiyada Tigreega iyo Amxaarada laqi la’ yihiin isbedelka uu wado Dr. Aby Ahmed, isla markaasna labadaas qowmiyadood uu mid walba damac kaga jiro hogaanka ugu sareeya. Nidaamka Aby Ahmed oo halsiib ku haya madaxdii la soo shaqaysay maamuladii ka horeeye, si awoodda kursiga ay u xajistaan. Tirada dadka Itoobiya iyo shaqo la’aanta dhallinyarada haysata oo si xawli ah u kordhaysa. Taas oo abuurtay u sinaan la’aanta fursadaha jira. Dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsaday waxay dalka u horseedeyn cadaawad dheeraad ah iyo ku tartan awood oo abuuray xasilooni daro iyo rajo-beel. Inkastoo, la fashiliyey isku daygii afgambi misana waxuu u keenay khal-khal iyo jahawareer, nidaamkii Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed. Tusaale Boliiska ayaa ku waramay in uu isdilay askarigii dilay Taliyihii Ciidamada Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen iyo Jeneraal Gezai Abera oo howlgab ahaa, islamarkaasna lagu tirin jiray inuu taageersanaa isbedalka uu waday Dr. Aby Ahmed, balse goor dambe, ayay sheegayn inuu dhaawac yahay askarigii falka geystay laguna daaweenayo cisbitaalka. Waxaa kaloo sabtidii xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Aby Ahmed shaaciyey in gacanta lagu hayo askarigii falka geystay. Wararkan isburinaya waxay muujinayaan anfariirka iyo argagaxa ku dhacay nidaamka Itoobiya ka talinayay! Waxaa sidoo kale la dilay madaxii ismaamulka Amxaarada, Ambachew Mekonnen, xeer-ilaaliyihii gobolkaas, iyo saraakiil sare. Hadaba waa kuma shaqsiga ka dambeyay afgambiga? Maxuuse saamayn iyo raad ah ku yeelan karaa nolosha, amniga, iyo Siyaasadda Federalka Itoobiya, iyo tan gobolka? Madaxii Amniga gobolka Amxaarada Sareeyo Guuto Asaminew Tsige, ayaa lagu eedayay inuu ka danbeeye afgambigii dhicisobay, balse waxaa la aaminsan yahay inuusan keli ku ahayn waxa dhacay. Dad badan ayaa la xirxiray, halka Sareeyo Guuto Asaminew Tsige la dilay sida TV qaranka uu sheegay. Asaminew Tsige, waxuu u xirnaa mudo 9 sano ah isku day afgambi hore, waxaa xabsiga ka siidaaye nidaamka cusub sanadii la soo dhaafay. Waa nin aaminsan nidaam dhexe oo xoog badan, isla markaasna aan la dhacsaneen hanaanka federalka uu soo rogay Ra’iisul-wasaarihii hore Meles Zenaw. Hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo khabiirada gobolka waxay walaac ka muujinayaan in Dr. Aby Ahmed dib uga joogsado tanaasulaadkii u fidiyay kooxaha mucaaradka. Taasoo cabsi laga qabo inay horseedo ku tumasho xuquuqda aadamaha, maadaama madax-bannaanida nidaamka garsoorka iyo kan fulinta uusan isku dheeli-tirneen. Gabi ahaan waxaa go’an adeega internetka, waxaa xigay in la jaro adeega dirista fariimaha. Jun 22, 2018 ayay ahayd markii 200 website laga qaaday xayiraada lana ogolaaday xuriyada hadalka. Balse sanad kadib arrinkaas waxuu u muuqdaa inuu meesha ka baxayo. Arrinka dad badan la yaabeen ayaa ah in Jun 23, 2018 Dr. Aby Ahmed ka badbaaday isku day dil, isagoo khudbad ka jeedinaye goob fagaare ah oo ku taal Addis Ababa. Halka Jun 23, 2019 fashilmay afgambi xukunka looga tuuri lahaa Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed. Haddii ay kordho xasillooni darrada gudaha Itoobiya, waxay abuuri kartaa in qaxooti faro badan ku soo jabaan wadamada deriska la ah Itoobiya, ayna ugu horeeyso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waa inay qaadaan talaabooyin lagu dedejinaayo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, si looga gaashaanto khatarta ka soo fool leh Itoobiya. Waxaan shaki ku jirin, in maamulka Dr. Aby Axmed uu wajahayo caqabad adag (khatar), si uu u mideeyo kuwa taageersan nidaamka federalka ah iyo kuwa ka soo horjeeda ee u arkaya inuu halis ku yahay kooxdooda (qomiyadooda) iyo qarankaba. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Qaasim
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kadib qoraalkii muranka dhaliyey, dowladda Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartey mowqifkeeda ku wajahan Somaliland oo ay xiriir la yeelaneysay mudooyinkii u dambeeyay. War kooban oo isbuucii hore lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa maamulka gooni isu taaga ah ku tilmaamay “dal” taasoo muran xoogan dhalisay. Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda wadanka Kenya oo arrintaan waxay tiri: “Mowqifkeena ku aadan Somaliland waxa uu lamid yahay midka Midowga Afrika. Waxa aanu xishmeynayaa xuduudaha Afrika sida ku xusan heshiiskii AU-da ee sanadkii 1964-tii”. Xukuumada Muqdisho wali kama aysan fal-celin talaabada ay Kenya ku dhaqaaqdey ee ah “wadanka” ugu yeertay maamulka Hargeysa xili Nairobi ay sheegtay in ay difaacaneyso danaheeda. Hasa ahaatee, Mr Juma oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay: “Waxa aan dano ka leenahay dalal kahor inta aysan noqon wadamo madax banaan sida Suudaanta Koonfureed oo aan ku lahayn wakiilo, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, dal noocaasi ah ayaanu nahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanan la macaamilin dadka, waan la macaamileynaa. “Maxkamad ma keeneyso xal waara” Iyadda oo Arbacadii Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay muddeysay in ay bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga dacwada dhextaala Soomaaliya iyo Kenya ee kiiska ku aadan xuduud badeedka, ayay Mr Juma muujisay in dalkeeda uusan ku qanac-saneen in xeer-beegtada dunida ay xukmiso kiiskan. “Kiiskan waxaanu soo jeedinay in Maxkamada aysan dhageysanin, waayo xeerka ICJ wuxuu dhigayaa in labada dhinac ay soo gudbiyaan dacwadda, waxaanu aaminsanahay in aanu sharciyad u lahayn in ay xukunto, waayo wali lama marin jidadkii kale ee furnaa si loo xaliyo khilaafkan. Soomaaliya iyada oo aanan cid kale la hadal ayey markiiba maxkamad tagtay, oo ah halkii ugu dambeysay, ma aaminsani in tani mushkiladan u keenayso xal waara,” ayay ku sheegtay wareysi ay siisey BBC-da. “Kiiska Soomaaliya waa mid jilicsan” Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wareegii koowaad ee dacwada labinta heshay ayaa waxay gudbisay gal-dacwadeedkan bishii Agoosto ee sanadkan 2019. Murankan oo soo xoogeystay bilooyinkii lasoo dhaafay ayna Kenya qaadey mudooyinkii dambe talaabooyin ay ku dooneyso in wada hadal lagu dhameeyo qadiyadan ayaa waxaa sabab u ah dacwada oo heer gabagabo ah mareysa. “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay, aanngu taa ma qabno. Kiis dhan walba ka adag ayaanu haysanaa, ma rabo in aan ka hordhaco waxay maxkamadu oran doonto, sida ay qabaan shuruucdyadda caalamiga ah,” ayay hadalkeeda kusii dartay wasiiradda. Goobta ay isku haystaan labadan dal ee dariska ah oo badkeeda lagu qiyaaso 100 KM oo isku wareeg ah ayaa hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka si gaar ah Shidaal iyo Gaas, waxaana jira heshiisyo ay labada dowladood la galeen shirkado reer Galbeedku leeyihiin oo ku saabsan sidii loosoo saari lahaa Saliidaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay inay xafiis ka furaneyso caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, taasi oo ay ergey gaar u xil saartay furashada xafiiskaasi. Haddaba, Qorshahan ay Kenya ku rabto inay xafiis uga furato Somaliland ayaa waxa dabada ka riixaya muwaadiniinta reer Kenya ee ku nool Somaliland, kuwaasi oo Xukuumadooda ku baraarujiyey inay qunsuliyad ka furato caasimada Somaliland. Muwaadiniintan Kenyanka ah ee ku nool Somaliland ayaa u arka furad weyn inay Dowladoodu ay xafiis ka furato Hargeysa, midaasi oo ay ku sheegen inay fursad ugu helayaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya, isla markaana ay u helaan xafiis ay dowladoodu leedahay oo ay hawlahooda la socodsiiyaan. Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa wax ka qorey arrintaasi, isagoona ku qiyaasay tirada muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ee Somaliland ku nool 10-kun oo qof, isla markaana ay dowlada Kenya ugu baaqeen inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa. Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya. Waxa kaloo uu intaasi ku daray muwaadinkan in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xiriiraan mar kasta oo dhibaato soo gaarto. Baaqa muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool deegaanada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili uu sii xoogeysanayo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Dowlada aan weli helin aqoosniga ee Somaliland. Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay iyaduna shalay ka hadashay kulan uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Fartoon, oo ay sheegen in labada Mas’uul ay shirkaas kaga wada-hadleen danaha guud ee labada ‘dal’ wadaagaan iyo sidii loo sii taabo gelin lahaa cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirkii ay Somaliland kaga qeyb gashay dalka Kenya. Prof Buubaa ayaa Shirkaasi ku sheegay mid aan shaqo ku laheyn Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, balse uu ahaa mid gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayey. Buubaa ayaa ka digay in laga been sheego oo la qariyo natiijada ka soo baxda shirkaasi ay isku hor-fadhiisteen Xubnaha ka socday Somaliland iyo Wakiilada Beesha Caalamku. Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar oo uu shalay bixiyey, wuxuuna yiri “Ma haboona in la deg-dego oo la faafiyo waxyaabo xaqiiqada ka fog, balse waxaa loo baahan yahay oo haboon in wax walba laga fiirsado, Shirkani muu ahayn Shir ay ku wada hadlayeen Somaliland iyo Somaliya, balse wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah, oo waxyaabo badan baa lagu lafo guray”. “Waxay muhiimaduna ahayd wixii ka soo baxa in la eego, oo waliba la soo bandhigo, oo siday wax u dhaceen wax loo sheego, balse in wixii Shirkan ka soo baxay ee lagu lafo guray, in si kale loo turjumo oo waxyaabo kale oo xaqiiqada ka fog la sheego ma haboona, wax walbana ka fiirsiga ayey ku wanaagsan yihiin”. “Shirkani muu ahayn Shir iyo meelo lagu wada hadlayo, ciddaas ayaa timid iyo ciddaas ayaa ka maqnayd, wax macno leh oo ay sameeynaysaa ma jirto, wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayo, muu ahayn Shir ay si toos ah u wada hadlayeen labada dal, balse wuxuu ahaa Shir khubaro iyo dalal badan ka soo qayb galeen nuxurkuna wuxuu ahaa inay iyagu noqdaan ka qayb galayaan iyo dhagaystayaal”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxaa mar walba looga baahan yahay in Dawladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba ay ku qanciso madax banaanideeda iyo jirtaankeeda dawladnimo, Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ku qanciso in labada dal ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan, oo isku biiray, haddana kala baxay, marka horena cidda maanta ay maanta wax inagaga xidhan-yihiin waa Somaliya, oo loo baahan yahay inay Somaliland ka shaqeeyso sidii ay ugu qancin lahayd dawladnimadeeda”. “Maxaa yeelay Caalamku wuxuu yidhi soo wada-hadla, maantana wada-hadaladu inaga ayuu danteena yahay, maxaa yeelay inaga ayaa rabna inaynu aqoonsi buuxa ka helno Caalamka, aqoonsiguna wuxuu ku iman karaa inagoo Somaliya miiska wada hadalka ku qancina, iyo inaynu ahaano laba dal oo jaar ah, oo iskaashi iyo wax wada qabsi inaga dhexeeyo”. Ugu dambeyntii, Prof Buubaa ayaa si adag uga hadlay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu midnimada ugu baaqayey Somaliland, isagoona ku tilmaamay inuu rayigiisuna ka hadlay Farmaajo, balse aysan jirin midnimo la isku qasbayo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland ee xisbiyadu mudada badan isku mari laayihiin . Baashe Cali ayaa sheegay in labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid aysan qaban karin doorasho uu ka maqanyahay xisbiga Waddani, isagoona xusay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay doorasho xalaal ah oo si sharciya u qabsoomta. Baashe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuuna yiri “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto”. “UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Mar haddii uu yimaado wada-hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
-
Former Somali Security minister and ex-member of parliament has passed away in Mogadishu. Mohamed Qanyare Afrah who was sick recent years died at Erdogan hospital Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/BAr___Qubahana-29062019-Okay.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay in la qabtay nin lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey dil haweeney meydkeeda laga helay hotelka Caamir ee magaalada Muqdisho. Marxuumadda la dilay ee Suleeqo Yusuf Axmed ayaa la sheegay in ka hor inta aan la dilin la kufsaday. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twtitter-ka ku sheegtay in Hoggaanka Dembibaarista CID ay ku guuleysteen inay soo qabtaan ninka eedeysan oo magaciisa lagu sheegay Bishar Abdirisaq Maxamed. “Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaala degmada Howlwadaag..” ayey tiri Zakiya. Ninkan lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka Suleeqa ayaa la sheegay in uu sameeyay farsamooyin badan si aan raadkiisa loo helin, waxa uuna ninkan lacagtii kirada Hotelka ka tuuray telfoonka gabadha uu dilay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com