Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, hase yeeshee Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu heshay ayaa xaqiijiyay in Wasiir Faratoon oo shalay ka soo degay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay wada-hadalkii Fashilmay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku ballansanaayeen inuu ka dhaco Nairobi uu warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi. Warku wuxuu intaa ku daray In iscasilaada Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland salka ku hayso canaan xoog badan oo uga tumi Madaxweynaha Somaliland oo ka biyo diiday kulan uu Wasiirku Nairobi kula yeeshay Wasiirrada ka soo jeeda beeshiisa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Lama saadaalin karo in Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbalo iscasilaada iyo in loo diro ergo lad-qabaysa. Source
  2. Puntlanndi (Garoowe)-Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa waxa ay maanta go’aan kama dambays ah ka gaartey kiiskii maxkamadaynta ee marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo lagu [...] Source
  3. Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Nugaal ayaa saaka markale xukun dil ah ku riday 3 eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd. Saddexda eedeysane ee la xukumay ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Sidoo kale saddexda qof ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin Walaalo. Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa horay rafcaan uga soo qaatay xukunkii hore, waxaana ay dawacdda u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol. Maxkamadda racfaanka ayaan xukunkan ku raacday tan darajada koowaad ee gobolka Nugaal, taas oo horay dil toogasho ah ugu xukuntay raggaasi. Kiiskan oo marar badan dib u dhacay, ayaa loo soo xiray 10 qof, balse waxaa la sii daayay 7 ka mid ah, kadib markii lagu waayey wax dambi ah, halka 3-da kale uu maanta ku dhacay xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda racfaanka, kaas oo ah dil. Caa’isho oo Meyd ah ayaa bishii February ayaa iyada oo Meyd ah, la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay Gaalkacyo, kadib markii la’iskuugu daray kufsi iyo dil intaba. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  4. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay dib ugu laabtay Magaalada Dhusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyagoo kulamom la leh madaxda Ahlusuna Wal-jamaaca. Khayre oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay degmada Caabud-waaq oo Galguduud ka tirsan ayaa soo maray deegaannada Huurshe iyo Xeraale, isagoo dadka deegaanka Xeraale ay ku wareejiyeen gaadiid dagaal iyo malleeshiyo, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid noqon doonaan ciidamada xoogga dalka. Sidoo kale, Khayre ayaa waxgaradka deegaanka Xeraale kala hadlay sidii loo dhammeyn lahaa colaad-beeleedyada deegaankaas iyo deegaannada kale ku soo noq-noqotay, taasoo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah isugu jirta. Dhanka kale, Magaalada Dhuusa-mreeb ayaa waxaa xalay ka dhacay kulamo kala duwan, waxaana la filayaa in maanta ra’iisul wasaare Kheyre uu wada-hadallo la yeesho madaxda Ahlu-sunna ee ku sugan Dhuusa-mareeb si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay. Kulammada oo waqti dheer qaadan doona ayaa ugu dambeyn la filayaa in Khayre iyo xubnaha Ahlu-sunna ay War-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda kaasoo ay ku qodobeysan yihiin qodobbadii lagu heshiiyay. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Kheyre ayaa soo maray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, oo ay ka mid yihiin Cadaado, Cabud-waaq, Huurshe iyo Xeraale. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo dib ugu laabtay Dhuusa-mareeb kulammana la leh Hoggaanka Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen Qoyskiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, waxaasidoo kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlagllo ciidamada dowladda saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen gobolka Shabeeha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Deegaanada ay tageen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Cadayga, Keysaney Doonka, Tixsiile iyo Buulo-caasi oo dhammaan ka tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro. Saraakiishu ma shaacin illaa iyo hadda u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysay baaritaanadaasi. Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  7. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay salaadda janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum, Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta marxuumka ku tukaday Janaasada ayaa Alle uga baryey inuu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka uu ka geeriyoodey. Sidoo kale, Janaasada Marxuum Qanyare waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia, Xildhibaannada labada gole, mas’uuliyiin heer gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka. Janaasada kaddib ayaa lagu wadaa in marxuumka la aaso, waxaana lagu wadaa inay ka qayb-galaan xubno ka tirsan dowladda Somalia, waxaana uu ka mid ahaa marxuumkan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Qanyare ayaa ku dhintay da’da 78-jir, wuxuuna ku dhashay deegaan aad ugu dhaw degmada Ceelbuur oo lagu magacaabo Derri, isagoo horay uga mid noqoday booliiska Somalia, kaddibna u baxsaday Kenya, halkaasoo uu ka sameeyay ganacsi bulaalay. Dhanka kale, Burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayuu dalka dib ugu soo laabtay, isagoo kaalimo kala duwan kasoo qaatay isbedelladii dhanka siyaasadda ahayd ee dalka ka dhacay, wuxuuna marar kala duwan soo noqday wasiir iyo xildhibaan. Ugu dambeyn, Maxamed Qanyare Afrax ayaa lagu xusuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa hawlgalkii argagaxiso la dirirka, kaasoo ay qayb ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo kale oo qaarkood ay nool yihiin, inkastoo laga itaal roonaaday dagaalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qayb-galay Janaasadii Marxuum Maxamed Qanyare Afrax appeared first on Puntland Post.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka qarxay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ah mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyaa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannadu ay beegsadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi. Dagaal toos ah ayaa xigay weerarkan, kadib markii iska caabin xoogan ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgala deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaaka haatan socda inkastoo aan la cadeyn inta uu la’egyahay. Sidoo kale wararka qaar sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hunba nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ay ku gubteen guryo ay daganaayeen dad Rayid ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca ee diririya. Bariire oo qiyaas 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Hase ahaayeen Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku soo qaada gudaha deegaankaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu Ka Hadlay Kulankii Shalay Ka Dhacay Madaxtooyadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (SMN) – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay Gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto ; Zakiya Xuseen Axmed. Dhinaca kale, Duqa, Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow),oo ka hadlayay Xalay shirka amniga ee Caasimadda ayaa sheegay in ay kulankooda ugu hadleen dardar gelinta kormeerka, howlgallada iyo Isla-xisaabtan ka. Wuxuuna sidoo kale caddeeyay Guddoomiyuhu in eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed , ay soo qabteen Ciidamada, iyadoo loo heysto Gabar dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo ku yaalla Baar Ubax. Guddoomiye C/raxmaan Yariisoow , ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka Gacan siiyeen Shacabka, soona gudbiyeen xogta ku saabsan Gurigii uu ku dhuumanayey. Eedeysane, Bishaar Cabdi risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hoteel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howlwadaag Gobolkan Banaadir. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah ku soo maray deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Khayre oo ku hoyday Dhuusamareeb ayaa isla xalay kulamo ka bilaabay kulamo gudaha magaaladaasi. Kulamadan oo illaa saaka soo gaaray ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la leeyahay madaxda Ahlu-Sunna iyo Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khare uu isku dayayo inuu Ahlu-Sunna qanciyo, si loo dhiso maamul loo dhan yahay. Ahlu-Sunna oo ay markii hore isku soo dhawaayeen DF ayaa waxa ay arrintu ka dartay markii Xaaf uu ku laabtay Cadaado, kana soo horjeestay garabka Dhuusamareeb. Madaxweyne Xaaf oo ku xumeynaya Ahlu-Sunna ayaa bedalay go’aankiisii, waxaana uu aqbalay in la qabto doorashada, sidoo kale waxa uu dowladda la galay heshiis ka koobnaa 5 qodob oo la xariiray doorashada Galmudug iyo dib u heshiisiinta maamulkaasi. Xaaladda ayaa wixii ka dambeeyay markaasi ka sii dartay, waxaana ay Ahlu-Sunna u muuqataa in looga adkaaday loolanka siyaasadeed ee Galmudug. Ku soo laabashada Dhuusamareeb ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa muujineyso mid uu ku doonayo inuu ku qanciyo Ahlu-Sunna, si loo soo afjaro khilaafka maamulkaasi. Dhinaca kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu gelinka dambe ee maanta ku wajahan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaban qaabo xoogan ayaa laga dareemayaa gudaha Guirceel, iyadoona waddooyinka waa weyn lagu xardhay Sawirrada Ra’iisul wasaaraha dalka. Sidoo kale ammaanka ayaa sid aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayuu Khayre ku sugnaa Galgaduud, waxaana uu booqday deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ugu baaqay iney dagaallada joojiyaan beello walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi. Wuxuu dabageed sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaallada sidan oo kale ah kusoo noq-noqdaan gobolka Hiiraan. Dabageed ayaa sheegay in muddo badan ay isku dayeen sidii loo xallin lahaa colaadahan, balse ay jiraan dad dano gaar ah leh oo hadane diidaya iney nabad dhacdo. Si gaar ah, Yuusuf Dabageed wuxuu ula hadlay beelaha is dagaalaya oo uu sheegay iney laynayaan shacabkooda, taas bedalkeedna looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/GUDOOMIYAHA-GOBALKA-HIIRAAN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Moscow)-Ruushka iyo Shiinaha ayaa wax ay goosteen iney ka kaaftoomaan lacagta Mareykan, ganacsiga dhexdooda ah oo ay wax kala iibsiga u adeegsan doonaan lacagtooda gaar ah, waa sida ku qoran heshiiska ay labada xukuumadood dhawaan ku heshiiyeen. Sida uu qoray wargeyska Izvestia heshiiskan dhanka Ruushka waxaa ku saxiixan wasiirka Maaliyadda, Anton Siluanov, halka dhanka Shiinaha uu u saxiixay madaxa bankiga dhexe ee Yi Hang. Jariidadu waxey sheegtay, iyadoo soo xiganeysa mas’uul sare oo dalka Ruushka ka soo jeeda, in heshiiskan ay labada dhinac saxiixeen bilowgii bishan aan ku jirno, waxaana la sheegay in tallaabadan looga golleeyahay adkeynta ammaanka dhaqaalaha ee labada waddan. wargeyska Izvestia waxa uu intaa sii raaciyey, in labada dhinac ay ka shaqeynayaan tallaabooyinkii ay shirkadaha labada waddan ugu riixi lahaayeen in lacagaha maxalliga ah ay u adeegsadaan wax kala iibsiga. Tallaabadan ayaa istiraatiijada fog ee laga leeyahay ay tahay in dhaqaalaha labada waddan iyo qiimaha lacagtooda kor loogu qaado. Isdhaafsiga ganacsi ee labada waddan ayaa waxa uu gaadhay 100-bilyan oo dollar, waxaa ka mid ah 56 bilayan oo dollar oo ah badeecadda ay Ruushku u iibgeeyaan dalka Shiinaha, halka Shiinuhu dhankiisa uu 52 bilyan oo dollar oo badeecad ah uu u iibgeeyo Ruushka. Source
  14. Laba Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka koonfurta magaalada Gaalkacyo. Odayaasha ayaa Labada guddi uga tacsiyeeyay Dadkii lagu laayay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin Beelihii ay ka dhasheen Dadkii la laayay ay kala fariistaan dhibaatadii dhacday. Odayaasha Gaalkacyo ayaa Guddiyada u sheegay in lagu raad joogo dambiilayaashii falkaas geystay, lana soo qaban doono falkii ay geysteen ciqaabtiisana ay marin doonaan. Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen in dhibaatadii dhacday aysan dib dambe usoo laaban doonin, si nabad gelyo ahna loo wada noolaanaayo wixii hadda ka dambeeya. Guddiyo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ka waday kulammo ay la yeelanayaan maamulka, Odayaasha, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan. PUNTLAND POST The post Odayaasha Galmudug oo la kulmay guddi loo saaray baarista dadkii lagu laayay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  15. Siyaasi C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka faalooda siyaasadda dalka ayaa sheegay in Galmudug ay haatan ka baxayso wadadii khilaafka, islamarkaana u guureyso dhanka midnimada. Wuxuu sheegay Daqare in muddo badan aysan wax shaqo ah ka jirin Galmudug, islamarkaana uu ragaadiyey khilaaf muddo soo jiray, balse hadda ay reer Galmudug ogaadeen iney midnimada wax walbo ku noqon karaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Daqare ayaa sheegay in wadada ay hadda cagta saartay Galmudug ay tahay mid aad ugu faraxsan yihiin, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug iney usoo jeestaan dhanka horumarka. Sidoo kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in midnimo Galmudug ay ku socon karto oo kaliya isku tanaasul iyo sidoo kale in laga shaqeeyo aayahay dadka Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/SIYAASI-CABDIRAXMAAN-DAQARE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Doha)-Dowlada Mareykanka ayaa diyaaradaha nuuca F-22 u daabushay wadanka Qatar markii ugu horreysay, iyadoo Mareykanka uu sheegay in uu kor u qaadayo dhismaha saldhigyada ciidanka ee uu ku leeyahay gacanka Carabta. War saxaafadeed ka soo baxay taliska dhexe ee Millatariga ayaa lagu sheegay in daabulaada diyaaradaha F-22 looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa danaha iyo difaaca ciidanka Mareykanka ee ku sugan Khaliijka. Illaa iyo hadda ma cadda tirada diyaaradaha Mareykanka ee loo daabulay wadanka Qatar. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu sii xoogeysanayo xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan. Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sannadkii 2016-ka ayaa waxaa sii xoogey-sanayay qilaafka u dhaxeeya Tehran iyo Washington kadib markii uu Trump laalay heshiiska wadamada quwadaha sanadkii 2015-ka ay la galeen Iiraan. Trump ayaa sidoo kale kordhiyay xayiraada uu ku hayo ganacsiga dibada Iiraan gaar ahaan shixnadaha loo iibgeeyo Mareykanka. Source
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa lagu soo warramayaa in saaka kulamo uu kula leeyahay magaaladaasi madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Kulamadan ayaa inta badan diirada lagu saarayaa xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu gelinka dambe ee maanta uu ku sii jeedo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro Ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo ku dhow todobaad ku sugan gobolka Galgaduud ayaa kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafka Galmudug ka wada halkaasi. View the full article
  18. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel ku yaalla Xaafada Baar ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa dhawaan dil loogu geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed. Meydka Gabadha ayaa waxaa laga helay xili subax ah Albaabka hore ee hotelka Caamir, isla markaana ay gabadhaas aheyd hooyo heesatay shan caruur ah, waxaana halkaas ka baxsaday qofkii ka dambeeyay falkaas. Hayeeshee Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaadhista CID-da ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Dilkii loo geystay Marxuumad Suleekha sida uu sheegtay Taliska Booliska Soomaaliya. Source
  19. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay ku dhawaaqi doontaa xukunka Saddex ruux oo horey dil loogu xukumay, kuwaasi oo ku eedeysan dilka iyo kufsiga Caasha Ilyaas, balse racfaan kasoo qaatey. Shalay waxay maxkamadda soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddan, waxaana ay sheegtay in maanta oo Axad ah lagu dhawaaqi doono go’aanka kama dambeysta ah. Maxmadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa horey xukun dil ah ugu riddey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka lasii daayey 10 kale oo kiiskan ku eedeysnaa kadib markii dambi lagu waayay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Washington)-Qaramada midoobay ayaa dhaleeceyn usoo jeedisay boqorada Holand Máxima Zorreguieta kadib kulankii ay la qaadatay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Labada dhinac ayaa isku arkay magaalada Osaka dalka Japan oo ay kaga qeyb galeen shirka G20, waxaana Maxima lagu dhaliilay in ayna soo hadal qaadin dilka Jamaal Khashoggi. Madaxa qaramada Midoobay u qaabilsan baadhitaanada dilalka Agnes Callamard ayaa sheegtay in boqorada Holand ay ka gaabsatay inay ka hadasho wariyiha sacuudiga ee sannadkii hore lagu dilay Turkiga. Haddii aadan ka hadlin ama aadan dalban cadaalad in uu helo Jamal taasi waxay la macno tahay in aadan ka Walaacsaneyn, sidaasi waxaa wargeys-ka daily Algemeen Dagblad ee ka soo baxa Holand u sheegtay Agnes Callamard. Baadhitaano ay waday qaramada midoobay bilihii la soo dhaafay ayaa shaaca looga qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd Falkaan. Madaxa qaramada midoobay u qaabilsan dhanka baadhitaanada dilalka ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Source
  21. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-30062019.mp3 View the full article
  22. (SLT-New York)-Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalada New York ee dalkaasi. Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay geysteen dembiyo Argagixiso oo ay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaamka ee Islamberg oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalada New Yorrk. Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Vincent Vetromile oo 20-jir ah, Andrew Crysel oo 19-jir ah iyo Brian Colaneri oo 20-jir ah waxaa la xidhay bishii Janaayo ee sannadkan, kadib markii uu arday ku soo wargeliyey Boliska qorshaha ay raggaasi damacsan yihiin. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkan oo ahaa mid ballaaranm islamarkaana looga hadlayay amniga ayaa xalay waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cadbiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), taliyaha ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye ku xigeenka amniga & Siyaasada Gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale. Intii socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta howlgallada ka socda magaalada Muqdisho. Waxa kale oo shirkan lagu soo hadal qaaday in ay jiri doonto isla xisaabtan la xariira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa isla qiray in loo baahan yahay is bedal dhab ah oo ku yimaada amniga Caasimada oo mararka qaar weeraro ay ka fuliyaan Al Shabaab. Ugu dambeyn xubnahani ayaa isla gaaray go’aanno adag oo la xariira sugida amniga, sida in la kordhiyo howlgallada iyo baaritaanada hadda socda iyo in la xoojiyo wada shaqeynta ay leeyihiin shacabka iyo ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa sare kulamada lagu dardar gelinayo ammaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal oo saaka mar kale dhegaysatay dacwadda loo haysto saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday go’aanka kama dambaysta ah ee dacwadda. Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddexda eedaysane iyadoo ku raacday xukunkii ay ridday maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii sida ay sheegtay la horkeenay caddaymo buuxa. Qareennada difaacayaa eedaysanayaasha ayaa rafcaan kale ka qaadatay xukunka saaka waxana dacwaddu u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya ee xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal oo dil ku xukuntay saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  25. (SLT-Hargeysa)-General Khalifa Haftar oo maleeshiyaad daacad u ah ay ka dagaallamaan Libya ayaa ku goodiyay inuu weerari doono danaha Turkiga ee Libya, ka dib markii dib u dhac weyn uu kala kulmay dadaalkii uugu jiray inuu ku qabsado caasimadda dalkaasi ee Tripoli. General Xaftar ayaa ku eedeeyay xukumadda Ankara inay taageero u fidisay kuwa ka soo horjeeda. Ciidamada ka soo horjeeda Xaftar ee taageera dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay dib u qabsadeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Gharyan, ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, iyagoo qabsaday saldhigii ugu weynaa ee saadka ciidamada Xaftar ee muddada bilaha ka badan weerarka ku waday Tripoli. General Xaftar ayaa Sabti shalay wacad ku maray inuu jawaab adag ka bixin doono isagoo ku eedeeyay xoogagga magaaladaa qabsaday oo sida uu sheegay taageero ka hela Turkiga inay laayeen dhaawacyo ciidamadiisa ka tirsan oo ku jiray Isbitalka magaalada. Eedeyntaasi Xaftar waxaa beeniyay labadaba ciidamadan dowladda taageersan ee loo soo gaabiyo GNA iyo masuuliyiinta Gharyan. Si uu uga aarguto dib u dhaca soo gaadhay ayuu General Xaftar ama ku siiyay ciidamadiisa inay beegsadaan Maraakiibta Turkiga iyo shirkadihiisa, ay diyaaradaha Turkiga ka mamnuucaan wadankaas, isla markaana ay soo xidhaan muwaadiniinta Turkiga ee Libya ku suggan Source