Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,843
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Gelinkii hore ee Sabtidii shalay waxaa qasriga madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ay ku jiraan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Kulankan oo ka dhashay hadalkii uu madaxweyne Biixi ka jeediyey xuskii 26 ka Juun, oo uu kaga dhawaaqay in uu maalinta sabtida ee 29 ka bisha kulan la qaadan doono madaxda xisbiyada, kuna ballanqaaday in la soo gebagebayn doono khilaafka u dhexeeya. Laakiin xogaha uu wargeyska GEESKA AFRIKA helayo ayaa sheegaya in kulanku aanu noqon sidii laga filayey mid isfaham intii hore ka fiican ka dhex abuura xisbiyada siyaasadda iyo madaxweynaha. Taas beddelkeedana uu fadhigii hore ee kulanku ku dhammaaday midho la’aan. Wararku waa ay shegaayaan in bilowgii kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi martida ku wargeliyey in sababta uu kulankan ugu baaqay ay ka dhalatay faham uu ka qaatay khudbaddii uu guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde ka jeediyey madasha oo muujinayey dabacsanaan iyo in la is fahmi karo. Madaxweyne Biixi waxa uu masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka dalbaday in ay ka soo tanaasulaan go’aanka ah in imika la beddelo komishanka lana kordhiyo, isaguna uu ogolaanayo dalabkooda ah in xubnaha komishanka ay xisbiyadu si is le’eg u soo magacaabaan. Isaga oo sheegay in aan waqtigan arrintaas qiil sharci ah loo heli Karin, sidaas awgeed uu ku talinayo in doorashada sidan lagu galo, doorashada kaddibna la diyaariyo habkii sharci ahaan ay ku suurtageli lahayd in xisbiyadu ay xubnaha komishanka doorashooyinka si siman u qaybsadaan. Soojeedinta madaxweynaha ayaa la sheegay in ay bilowgii guux iyo xiisad aan kulayl ka dhex abuurtay kulanka, laakiin guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu dadaal adag u galay in aanu kulanku burburin. Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in isfaham iyo heshiis arrintan laga gaadho, isaga oo dhinacyada ku bararujiyey in beesha caalamku ay ka war sugayso heshiis ay gaadhaan, iyo in dareenka beesha caalamku qabtaa uu yahay in hoos loo eego guud tabashada xisbiyada mucaaradka ee la xidhiidha doorashada. Wararka ka agdhowaa kulanka ee uu Geeska Afrika helayo qaar ka mid ah ayaa sheegaya in Guddoomiye Faysal uu madaxweynaha ka dalbaday in uu markan isagu tanaasul la yimaaddo, oo uu ogolaado in Komishanka hadda labada xubnood lagu daro, isaga oo ugu soo hoga tusaaleeyey tanaasulaadkii ay madaxweyneyaashii ka horreeyey sameeyeen xilliyadan oo kale. Xisbiga WADDANI iyo madaxweyne Biixi ayaa uu warku sheegayaa in ay labadooduba ku adkaysteen mawqifyadoodii hore, iyada oo uu mid kastaa kan kale ka dalbanayo in uu tanaasulo. Taasina ay keentay in kulankani uu ku dhammaado natiijo la’aan. Inkasta oo ay dhinacyadu isku fahmeen in aan kulanka loo aqoonsan in uu burburay, balse la sii wado wadahadallada iyo doodda. Waxaana kulan labaad loo ballamay toddobada fiidnnimo ee Caawa. Iyo in ergada tiradeeda lagu soo koobo laba xubnood oo xisbi kasta ah iyo madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa kulanka ku wehelinayey, ku xigeenka madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga, guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, xoghayaha guud ee xisbiga mudane Xasan Siciid, maareeyaha hay’adda Qaranka ee qaxoontiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Xinif, iyo mudane Cabdicasiis Samaale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga. Xisbiga UCID waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe kulankan ku wehelinayey, murashax ku xigeenkii xisbiga Mudane Axmed Cabdi Muuse(Abyan), xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo ku-xigeenka xoghayaha guud mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax). Masuuliyiinta uu hoggaaminayey guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI mudane Cabdiqaadir Jirde ee kulankan ka qaybgalay, waxaa iyagana ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga mudane Xirsi, xoghayaha guud mudane Khadar, xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, Mudane Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiin kale. Geeska Afrika Source
  2. (SLT-Qudus)-Israel ayaa xidhay, isla markaana su’aalo ka waydiinaysa Wasiir Falastiini ah arrimo la xidhiidha magaalada Qudus ama Jerusalem, sida ay sheegeen bileyska Israel. Wasiirka Falastiiniga ah ayaa ah Fadi al-Hadami oo Falastiin u qaabilsan arimaha Qudus, waxaana loo xidhay arimo la xidhiidha Qudus, sida uu sheegay Afhayeen Bileyska u hadlay oo la yidhaa Micky Rosenfeld oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku waramay in ciidamada bileyska Israel ay al-Hadami ka soo xidheen gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus saacadihii hore ee maanta, kadib raadin badan oo ay u galeen gurigiisa. Xadhiga Wasiir Fadi al-Hadami ayaa imanaya kadib markii isaga oo uu la socdo Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Pinera uu socdaal ku tagay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada barakaysan ee Qudus ku yaala. Sidoo kale ilo wareedo kale ayaa sheegaya in shan nin oo Falastiiniyiin ah iyagana laga soo xidhay Qudus iyo meelaha ku dhaw-dhaw ee Bethlehem iyo Koonfurta Hebron oo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed. Dadka la xidhay ayaa warbaahinta Falastiiniyiintu ay xaqiijiyeen inay ku jiraan Haydar iyo Alaa Dirbas, kuwaas oo laga soo xidhay Cusbitaalka Maqasid Hospital oo ku yaala Bariga Qudusta la haysto iyo Ihab Saeed oo isagana laga soo xidhay deegaan ku dhaw Qudus. Dawlada Israel ayaan iyadu ilaa hada faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta ragaasi loo soo xidhay. Source
  3. (SLT-London)-Haweenay 26 jir ah, oo lagu qiyaasay in sideed bilood ay xaamilo ahayd (uur lahayd) ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday Midi, sida ay sheegeen ciidamada bileyska ee dalka Ingiriiska ee Metroplitan Police. Police officers at the scene in Raymead Avenue, Thornton Heath, Croydon where a women who was around eight months pregnant was stabbed to death. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Sunday June 30, 2019. See PA story POLICE Croydon. Photo credit should read: Kirsty O’Connor/PA Wire Kiiskan lagu weeraray haweenaydan ayaa noqonaya falkii ugu dambeeyey ee Mindi loo adeegsaday ee dhaca saacadihii la soo dhaafay, waxaana markii dambe magaceeda lagu xaqiijiyey haweenaydan la dilay inay tahay Kelly Mary Fauvrelle taas oo ku dhimatay Thornaton Heath, oo ku taala Koonfurta London. Hase yeeshee hanaanka dagdaga ah oo lagaga soo saaray ilmihii yaraa ee caloosha ku jiray ayaa hada ku jira xaalad adag cusbitaalka gudihiisa kadib markii hooyadii ay noqotay dhibanihii u dambeeyey ee dabiyada midida ee maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalada London. “Tani waa dhacdo naxdin badan in hooyo sidaa u da’yar ay nolosheeda waydo ilmaheedii yaraana uu xaalad adag uu ku sugan yahay,” sidaasi waxa yidhi Madaxa Baadhista Mick Norman oo warbaahinta la hadlay. Falkan foosha xun ayay ciidamada Bileyska ee Metropolitan Police ay sheegeen in loo xidhay nin 29-jir ah, kaas oo looga shakisan yahay dilkaasi waxaanu wakhtixaadiran ku jiraa xabsi. Inkastoo bileysku ay markii hore xidheen nin 37 jir ah balse markii dambe ayaa damaanad lagu sii daayey waxaana ku socda baadhis. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warqad furan toos ugu diray Madaxweynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inuu kala diro Goleyaasha Deegaannada Dalka. Warqaddan furan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn waxa loogu dhaliilay Shaqada Goleyaasha deegaanka, waxaana lagu sheegay in aanay waajibkoodii uga soo bixin sidii la rabay. UCID waxa kale oo uu Warqadda furan ee uu u diray Madaxweynaha ku sheegay in sababaha ay Marmarka qaarkood u garab istaagaan Xukuumaddiisu in aanay ahayn inay ku qanacsan yihiin siday wax u socdaan. Halkan Hoose ka akhriso Warqadda Furan Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa ka hadlay go’aan ay xukuumadu xayiraadii kaga qaaday qaar ka mid ah hay’addaha warbaahinta oo u xayirnaa. Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Solja ayaa lagu soo bandhigay sida ay Solja u aragto talaabada ay xukuumadu qaaday, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- War-saxaafadeed sii Daynta labada Telefishan Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, wuxuu soo dhawaynayaa sii daynta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu ugu fasaxday labada Telefishan ee Eryal iyo Horyaal inay dib dalka uga shaqaystaan, iyadoo marka hore ku xayirtay Amar ka soo baxay wasaaraddaasi. Sidoo kale, Ururka SOLJA, waxa uu taageersan yahay talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo inay warbaahinta Somaliland si xor ah uga shaqayso dalka, isla markaana lagu xaliyo wixii khaladaad ah ee jira kulamada noocan oo kale ah ee ay wasaaradda iyo warbaahinta wax laa tirsanayaa yeeshaan. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha warbaahituba inay dhawraan shuruucda dalka isla markaana dhinac kastaa ku dhaqmo waxa dhiniciisa kaga aadan in uu ixtiraamo, maadaama ay dhinac walba masuuliyaddi saaran tahay. SOLJA, waxay mar walba diyaar u tahay inay ilaaliso inaanu dhinac na ku xad-gudbin Dastuurka dalka u yaala iyo xeerka saxaafadda, kuwaas oo dhinacyada ku waajibinaya inay dhawraan Danta guud ee Qaranka. Xadhiga iyo sii daynta aan loo marin nidaam sharci ah oo ay caadaystaan labada dhinac waxay keenaysaa mar walba inay taagnaato qaylo-dhaanta u dhaxaysa labada dhinac, taasoo sumcad xumo ku ah haybada Dalka iyo madax banaanida saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka Qarankani ku Caano-maalay ee aynu kaga duwanahay Wadamo badan. Ururka SOLJA, waxa uu kula talinayaa Xukuumadda Somaliland inay la timaado siyaasad ay ku horumarinayso Saxaafadda Somaliland, isla markaana taageertaa wax kasta oo lau horumarinayo Mihnada Saxaafadda. ugu danbayn, Ururka SOLJA, waxa uu usoo jeedinayaa Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta iyo wariyayaasha ka hawl-gala inay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato ku keenaya horumarka Dalka iyo Higsiga Qaranka Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Source
  6. Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Ra’isulwasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum ayaa la baxsatay lacag Malaayiin Dollar ah. Marwadaan oo lagu magacaabo Amiir Haya Bintu Xuseen oo ay isku aabe yihiin Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Xuseen Bin Dalaala ayaa la sheegay inay la baxsatay lacag 40 Malyan oo Dollar. Amiirad Haya Bintu Xuseen ayaa la sheegay inay horey usii wadatay laba carruur oo ay u dhashay Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum waxayna iska dhiibtay dalka Jarmalka oo ka tirsan Yurub. Labada carruur oo ay Amiiradaan la baxsatay ayaa kala ahaa wiil 7 jir ah iyo gabar jiray 11 jir, waxayna magangalyo waydiisatay Dalka Jarmalka. Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa laga soo wariyey inay sheegtay inay dooneyso abuuritaanka nolol iyo jawi ka duwan midkii ay horey ugu jirtay sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast. Haweeneydaasi oo markii ugu war dambaysay bishii hore lagu arkay meel Fagaare dadweyne, ayaa la sheegay inay Jarmalka ka codsatay Magangelyo, lana oggolaaday codsigeeda. Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa diiday codsi kaga yimid seygeeda Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum oo ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan iyada iyo ilmaha ay u dhashay. Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast arrintaan ayaa waxaa laga yaabaa inay abuurto xiisad diplomaasiyadeed oo dhexeyso dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka. Amiirada ayaa la sheegay inay hadda ku dhuumaneyso qeybo kamid ah Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London, iyadoo hawada ka saartay dhammaan barihii bulshada oo ay isticmaali jirtay. Baxashada amiiradaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay markii uu seygeeda oo ay is guursadeen 15 sano ah uu diiday inuu furo inkastoo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay khilaafka labada lamaane. Caasimada Online Xafiiska Dubai caasimada@live.com
  7. Somali government forces were reported to have retaken a key area in the country’s Middle Shabelle region following a military operation against the militants-held positions. A senior military officer told Radio Shabelle by phone that the SNA troops backed by African Union peacekeepers rolled into Madah-Isse village, located in the outskirts of Jowhar, the region’s administrative capital on Sunday. Al-Shabaab said its fighters retreated from the location after a brief confrontation with government soldiers moved from military bases in Qalimow town and Ceelka Geelow, all situated in the same region. In a separate incident, the militants attacked Bariire area, about 65 Kilometers southwest of Mogadishu, and engaged in a heavy gunfight with the Somali troops, according to local residents. There was no immediate confirmation of the casualties as a result of the attack and the prior takeover of the fresh village. View the full article
  8. A high court in Somalia’s northeastern regional state has upheld the death sentence of three men convicted of raping, mutilating and killing of a teenager early this year. Abdifatah Abdirahman Warsame, Abdisala Abdirahman Warsame and Abdishakur Mohamed last May sentence death for the rape and murder of Aisha Ilyas. The second-degree court has today announced that the ruling of the first-degree court fair and justice saying the men committed the heinous crime. After the ruling of the court, the lawyers of defendants have confirmed that they will seek an appeal to the third-degree court which reach the final decision of the court. Aisha was abducted from a market in Galkayo town in February. Her body was discovered the next morning and a post-mortem found that she had been strangled to death after being gang-raped. The atrocity led to street protests as well as an angry reaction on social media with calls for the Puntland government to take action. The ruling is extremely significant – rape cases in Puntland are usually settled out of court, following the intervention of traditional elders who force the perpetrator and survivor to marry some cases. View the full article
  9. In India iyo Puntland noqdaan laba dhinac oo isdhaafsanaya wax soo saarkooda ayaa muhiim u ah labada dhinac ayuu qabaa Khabiir Sharmarke Cabdulaahi Cali oo [...] Source
  10. Puntland oo canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno Somaliland maamulka Puntland ayaa canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno Gudaha Somailand. War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa lagu sheegay in badeecadaha daruuriga ah ee laga soo geliyo dhanka Somaliland laga qaadi doono Canshuur 100%. War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in waxyaabaha daruuriga ah ay kamid tahay Agabyada muhiimka u ah Nolosha dadka, Shidaalka Gadiidka iyo Gaaska Diyaaradaha. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in badeecadaha aan daruuriga aheyn laga qaadi doono canshuur 200% . Wasaaradda ayaa Badeecadaha aan daruuriga aheyn ku sheegtay inay kamid yihiin: Qalabka xafiisyada, guwa Guryaha iyo Qalabka Korontada. Waraaqdaan Wasaaradda kasoo baxday ayaa waxaa ogeysiis ahaan loogu diray madaxtooyada Puntland, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xisaabiyaha guud ee Maamulkaas. Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kusoo aadayo kadib markii Somaliland ay canshuur dhaaf xoog leh u sameysay Konteenarada kasoo dago Dekadda Berbera oo ay qaarkood leeyihiin ganacsato kasoo jeedo Puntland oo halkaas ganacsigooda kasoo dajista. Puntland ayaa ka cabsatay canshuur dhaafka ay Somailand u sameysay ganacstada wax kasoo dajista Dekadda Berbera inuu saameyn ku yeesho wax soo saarka Dekadda Boosaaso inkastoo aysan Dekadda Boosaaso laheyn Qeybta Konteenarada. Canshuur dhaafka ay sameysay Somaliland ayaa buuq iyo khilaafka dhex abuuray ganacstada reer Puntland oo qaarkood ay go’aan ku gaadheen inay Dekadda Berbera u wareegaan, waana go’aanka keenay inay Puntland canshuur xad dhaaf ah kusoo rogto ganacsiga kasoo gala dhanka Somaliland. Halkan ka akhri wareegtada rasmiga ah oo dhameystiran:- Qaran News
  11. Maamuka gobolka Bari ayaa sheegay maanta xiliga la daah furidoono xirmooyinka Dhul-daaqsimeedka gobolka Bari,iyadoo mudo kabadan Bil laga mamnuucay in ay dooxooyinkaasi ay daaqaan xoolaha Source
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde. Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna. “Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.” Dhanka kale, Madaxweynaha oo xarigga ka jaray Waddada Liido ee Degmada Cabdulcasiis ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada wax ku-oolka ah ee ay dib ugu dhisayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoogga saaraan bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Waxaa Maanta xeer ilaalinta horteeda la geeyey illaa 9 Mas’uul oo madax ka ahaa Maaliyadda Garoonka Muqdisho oo Shalay xabsiga loo taxaabay. Mas’uuliyiintaan kasoo hor muuqday xeer ilaalinta horteeda oo gaarayo illaa sagaal ayaa waxaa kamid ahaa Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde Cabdiweli, Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Cadde Cabdi Maalik, Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan, Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdiri Xeer ilaalinta oo dhageysatay dacwadda loo heystay Mas’uuliyiintaan ayaa sheegtay inaan weli la hor keenin caddeymo ku filan isla markaasna waxaa laga dalbaday dacwad oogayaasha inay keensadaan caddeymo dhameytiran. Mas’uuliyiinta ayaa markii dambe waxaa dib loogu soo celiyey xarunta Dambi Baarista CID oo ay kusii xirnaan doonaan illaa Asbuuc markaas oo la filayo in dib loogu celiyo xeer ilaalinta horteeda. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, xariga Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa soo amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre kadib markii xafiisyadaas la gaarsiiyey eedeymo ku aadan in la lunsado canshuuraha laga qaado Qaadka. Sidoo kale Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog hoose ku heshay in xilkii laga qaaday Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde Cabdiweli oo kamid ah Mas’uuliyiinta xiran, inkastoo ay noo suurtageli weysay inaan helno magaca qofka xilkaas loo magacaabay. Cabdiweli ayaa la dhashay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Galmudug taasoo lagu magacaabo Duniyo Maxamed Cali Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Guddi uu Baarlamanka Puntland u xil saaray, soo uruurinta talooyinkii guddiyada kala duwan ee Golaha wakiiladu ay ku soo bandhigeen Kal-fadhiga socda, ayaa maanta Golaha u akhriyay soo jeedinno ka soo baxay tala-uruurintaasi. Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa soo jeediyay talooyin qodobaysan oo ku socda xukuumadda Puntland, kuwaasi oo la xiriira dhinacyada; wada-shaqeynta iyo kala qeexidda shaqooyina hay’adaha dowladda, daah-furnaanta habka fulinta mashaariicda, hufnaanta hannaanka Garsoorka, kobcinta Dhaqaalaha, Kordhinta mushaharaadka, hirgelinta shuruucda iyo xeerarka, adkaynta amniga iyo difaaca Puntland, horumarinta arrimaha bulshada iyo sidoo kale adeegyada aas’aasiga ah. Guddiga ayaa xukuumadda Puntland u soo jeediyay, in ay Golaha wakiilada horkeento, dhammaan heshiisyada cusub ee ay soo gashay, islamarkaan ay ay Baarlamanka u soo bandhigto heshiisyadii hore u socday ee CCECC iyo DP World, si daba-gal loogu sameeyo waxa ka qabsoomay hesiisyadaasi iyo nidaamka loo fuliyay. Sidoo kale, waxay ku xukuumadda ka dalbadeen in ay Baarlamanka u kordhiso mushahaaraadka iyo gunnooyinka, una dhisto xarun casriya, si ay noloshooda wax uga beddelaan “ waa in wax laga beddelaa hab-nololeedka mushahaar iyo gunno ee xildhibaannada iyo hawl-wadeennada Golaha wakiilada” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo codsaday in mushahaarka loo kordhiyo si ay noloshooda wax uga beddelaan appeared first on Puntland Post.
  15. Garowe (SMN) – Maxkamadda racfaanka maamulka Puntland ayaa maanta markale xukun dil ah ku riday saddex eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii loo geystay Marxuumada Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Eedeysanayaasha la xukumay ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Sidoo kale saddexda qof ee la xukumay ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin Walaalo, kuwaas oo ah Cabdifataax C/raxmaan Warsame iyo Cabdisalaan C/raxman Warsame. Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa horay rafcaan uga soo qaatay xukunkii hore, waxaana ay dawacdda u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol. Maxkamadda racfaanka ayaan xukunkan ku raacday tan darajada koowaad ee gobolka Nugaal, taas oo horay dil toogasho ah ugu xukuntay raggaasi. Kiiskan oo marar badan dib u dhacay, ayaa loo soo xiray 10 qof, balse waxaa la sii daayay 7 ka mid ah, kadib markii lagu waayey wax dambi ah, halka 3-da kale uu maanta ku dhacay xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda racfaanka, kaas oo ah dil. Caa’isho ayaa bishii February ayaa iyada oo Meyd ah, la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay Gaalkacyo, kadib markii la’iskuugu daray kufsi iyo dil intaba. View the full article
  16. Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi ayaa maanta Golaha wakiilada u gudbiyay, ku celiska xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018. Xisaab-xirka uu wasiirka gudbiyay, ayaa xambaarsan keliya dakhligii iyo kharashaadkii dowladda Puntland ee sannadkii 2018 iyo mashaariicdii uu xilligaasi Puntland ka fuliyay Bankiga Adduunka, waxaana Miisaaniyaddan ka maqan mashaariic kale oo uu ku jiro mashruuca JPLG. Wasiirka ayaa sheegay, in sababta Miisaaniyadda looga reebay mashaariicdaasi ay tahay, maadaama maamulka dakhliga iyo karashaadkooda aysan marin khasnadda wasaaradda Maaliyadda, sida uu hadalka u dhigay. Miisaaniyadda ku celiska ah ee uu soo gudbiyay wasiirka, waxaa kale oo muuqda is-dhin dakhli oo ballaaran, taasi oo wasiirku ku macneeyay in dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay degaanka Tukaraq iyo sidoo kale abaaro baahsan oo Puntland wakhtigaasi ka jiray, ay la wiiqeen nidaamkii nidaamkii Maaliyadeed. Halkaan ka daawo wasiirka oo faahfaahinaya Miisaaniyadda PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gudbiyay Miisaaniyad ku celis ah appeared first on Puntland Post.
  17. Afgooye (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa Milatari ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaanka Madax Gise oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al Shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaankaasi, kadib iska hor imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada la wareegay deegaankaasi ayaa ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen deegaanada Qalimow iyo Ceelka Geelow ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga oo aan la xariirnay ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid Al Shabaab looga saarayo deegaanada gobolkaasi. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab howlgalladaasi iyo iska hor imaadka ka dhacay halkaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa la sheegay in dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay Madaafiic ku garaaceen Tuulada Raqayle oo hoostagta deegaankaasi, waxaana la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Bariire oo qiyaas ahaa 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Hase ahaatee waxaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya Al Shabaab oo wlei ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-30062019-sx.mp3 View the full article
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulkan Puntland ayaa qaatay mid kamid ah go’aanadii ugu adkaa ee ka dhan ah maamulka Somaliland oo muddo badan raadinayo madax banaani. Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno deegaanada Maamulka Somailand. War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa lagu sheegay in badeecadaha daruuriga ah ee laga soo geliyo dhanka Somaliland lagu qaadi doono Canshuur 100%. War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in waxyaabaha daruuriga ah ay kamid tahay Agabyada muhiimka u ah Nolosha dadka, Shidaalka Gadiidka iyo Gaaska Diyaaradaha. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in badeecadaha aan daruuriga aheyn laga qaadi doono canshuur 200% . Wasaaradda ayaa Badeecadaha aan daruuriga aheyn ku sheegtay inay kamid yihiin: Qalabka xafiisyada, guwa Guryaha iyo Qalabka Korontada. Waraaqdaan kasoo baxday Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa loo kala diray Madaxda Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Sool kuwaas oo la faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Wasaaradda. Waraaqdaan Wasaaradda kasoo baxday ayaa waxaa ogeysiis ahaan loogu diray madaxtooyada Puntland, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xisaabiyaha guud ee Maamulkaas. Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kusoo aadayo kadib markii Somaliland ay canshuur dhaaf xoog leh u sameysay Konteenarada kasoo dago Dekadda Berbera oo ay qaarkood leeyihiin ganacsato kasoo jeedo Puntland oo halkaas ganacsigooda kasoo dajista. Puntland ayaa ka cabsatay canshuur dhaafka ay Somailand u sameysay ganacstada wax kasoo dajista Dekadda Berbera inuu saameyn ku yeesho wax soo saarka Dekadda Boosaaso inkastoo aysan Dekadda Boosaaso laheyn Qeybta Konteenarada. Canshuur dhaafka ay sameysay Somaliland ayaa buuq iyo khilaafka dhex abuuray ganacstada reer Puntland oo qaarkood ay go’aan ku gaareen inay Dekadda Berbera u wareegaan, waana go’aanka keenay inay Puntland canshuur xad dhaaf ah kusoo rogto ganacsiga kasoo galo dhanka Somaliland. Go’aankaan ayaa laga yaabaa inuu sare usii qaado xiisadda ka dhaxeyso labada maamul iyadoo maalmihii dambe ay saraakiil badan kasoo goosteen Maamulka Somaliand kuwaas oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com