-
Content Count
208,842 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah. Hadalka Kheyre ayaa imanaya xilli qaar ka mid ah odayaasha beelaha Galmudug iyo Xaaf ay isku raaceen in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto magaalada Hobyo, mana cadda sababta uu Kheyre isbeddelka u sameeyey iyo in lagu raacsan yahay. Dhinaca kale, Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa farriin ku aadan munaasabadda maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Boqor Salmaan ayaa madaxweyne Farmaajo u rajeeyey caafimaad wanaagsan iyo farxad joogto ah, halka uu dowladda iyo dadka Soomaaliya u rajeeyey horumar wanaagsan iyo baraare. Waxaa sidoo kale farriin taas la mid ah ah madaxweynaha usoo diray, dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo wasiirka difaaca dalkaas Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan ayaa farriinta wuxuu madaxweyne Farmaajo, dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu rajeeyey wanaag iyo horumar wanaagsan. Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo mar ku kala tagay xiisaddii Khaliijka kadib markii Soomaaliya ay diidan inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa waxaa muuqatay inay isu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maalmahaan waxaa socda xuski todobaadka xurriyadda oo ka bilawday 26 Juun markii gobollada woqooyi ay Ingiriiska ka qaateen xurriyadi oo ahayd mid halgan dheer loo soo maray naqatayna riyo rumowday. Nasiib darro, daedka reer Somaliland waxay isillawsiiyeen qiimaha ay leedahay maalintaas waxayna ku beddesheen bishi maajo oo ah markey ka go’een Koofurta. Taas ayaa kala weynaatay xurriyadi ay ka qaateen gumeysigi aan weligii ku tala gelin inuu horumar gaarsiiyo gobolladaas. Haddaba, waxyaabaha la yaabka leh waa inay Somaliland awoodoodi iyo caqligoodi ku koobeen gooni isu-taag aan ku saleysneyn barnaamij horumarin iyo nabad ku noolaasho.. Hadafka qoraalkaan waa mid ku saleysan sababta ka dambeysa mar kasta reer Somaliland inay weligood ka sheekeeyaan dhibaatadi ay soo mareen xilligii Kacaanki oo ay ka mid ahaayeen howl-wadeenadi dhibaatada ay ka cabanayan qayb weyn ku lahaa!!!. Waxay ahayd dhibaato ay la wadaagaan Somalida inteeda kale, taasoo horseeday in dalki gebigiisiba uu burburo, shacabkiina noqdo mid haaday iyo mid heybsha,mid hayaamay iyo mid hoogay, cid ka badbaadayna aan la arag. WAA WAAJIB IN LA QIRO in Somaliland ay dhibato gaar ah ku dhacday waana mid Somali oo dhan ay qirayaan, looguna garaabay, waa haddii ay garashadooda la kaashadaan. Addunka waxaa ka dhacay dagaalo badan ow ugu dambeeyay DAGAALKII LABAAD oo aad loogu hoobtay, tiro aan la koobi karina ay ku dhinteen. Intaas oo dhibaato ah waxaa horsed ka ahaa kaligii-taliyihii Hitler oo qaarada Yurub oo dhan cagta mariyay ilaa dowladi Ruushka oo sheegtay inay dagaalkaa uga dhinteen LANAATAN MALYAN. Waxaa intaas sii dheer in timihi hablahooda laga sameeyay jodariyaal Jarmalka oo dhan ku faafay. Intaas oo dhibaato ah ee ka dhacday adduunka siiba Yurub WAA IS CAFIYEEN.. Jarmalka waa la canaantay waana qaatay canaanti iyo eedeynti, wixi lagu ganaaxayna waa oggolaadeen waxayna taasi horseeday in la si-cafiyo. Haddaba, waxaa jirtay sheeko gaaban oo ka dhacday degmo ka mid ah kuwa Xamar ugu qadiimsan, kaddib markii wiilal dhallinyaro ah ay marada ka feydeen geber suuqa mareysay. Waxaysan ogeyn in gebertu ka dhalatay jufo magac leh oon quursi iyo gardarro weligood qaadan. Marki arrinti ay soo shaac baxday ayaa waxaa kulmay odayaashi hogaanka u ahaa labada jufo ee geberta iyo wiilasha ka kala socday. Arrinti ayaa aad loo falanqeeyay lagana yeeshay doodo badan oo dhinac walba taabatay iyadoo ugu dambeyntii jufadi wiilasha ay ka dhasheen isku kaxuntay inay bixiyaan wax alla wixi lagu baajin karo dhibaato intaa ka weyn inay dhacdo. Waana la isfahmay, markaasaa la yiri aan duceysano oo faataxada aan maranno. Jufadi geberta ayaa yiri in la duceysto waa fiican tahay laakin geberta maxaa loo feyday? Doodi halkii ay ka sii socotay ilaa qoladi gefka gashay ay oggolaadeen inay bixiyaan gebdha diyadeeda oo konton halaad oo geela!!! …waa laga oggolaaday…Markaasaa la yiri aan duceysanno..inti aan ducadi la dhammeyn ayey qoladi gebedha ka socotay soo celiyeen su’aashi geberta maxaa loo feyday!!! Marki arrinti ay halkaa mareyso ayey akhyaarti ka socotay wiilasha ay soo jeediyeen inay bixinayaan diyo laba wiil si mar uun la isku afgarto. Waa laga oggolaaday waxaana la yiri aan duceysanno si aysan arrimahaan oo kale noogu soo naqan…odayaashi waa oggolaadeen laakin waxay soo jeediyeen su’aashi GEBERTA MAXAA LOO FEYDAY? U maley maayo in arrinta IS-CAFINTA ay u baahan tahay in lagu dheeraadoo waayo waa mid laga wada dsheregsan yahay. Soddon sano ayaa ka soo wareegtay dhibki ka dhacay Somaliya, laakin Somaliland weli waxay taagan yihiin MAXAA GEBERTA LOO FEYDAY? Arrinta wada hadalka iyo midnimada Somaliland laga raadinaayo halkaa ayey mareysaa? Goormaa Somaliland ay GARAWSAN DOONTAA INAY ISKA CAFIYAAN WIXI KU DHACAY IYAGANA LAGA CAFIYO WIXI AY GEYSTEEN? Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sareyso Ahlu Sunna Wal Jameeca iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wadahadalo badan kadib ka heshiiyey qodobadii uu muranka ka taagnaa. Ra;isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa labaduba ka dhawaajiyey in Ciidamada Amniga wixi Berri ka dambeeyo ay la wareeegayaan Amniga Dhuusamareb. Ra’isulwasaaraha oo khudbad ka jeedinayey Munaasabada 1-da Luulyo ee 59-sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii waqooyi iyo Koofur ayaa sheegay in Dhuusamareb ay u furan tahay gogoshada dib u heshiisiinta ayna ka dhici doonto Doorashada Galmudug. Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in Berri wixii ka dambeeyo ay Amniga Dhuusamareeb la wareegayaan Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka. “”Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo” Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhinaca kale Sheekh Shaakir oo ka mid ah Madaxda Ahlusuna ayaa dhankiisa aqbalay in hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ay la wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb. Labada qodob oo ay Caawa si wadajir ah uga dhawaajiyeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Shiikh Shaakir ayaa ahaa labadii qodob ee ugu adkaa wadahadalada Dowladda iyo Ahlu Sunna. Labadaas qodob oo kala ahaa inay Ahlu Sunna dowladda ku wareejiso Amniga Dhuusamareeb iyo in doorashada ka dhacdo Magaaladaas ayaa ugu dambeyntii heshiis laga gaaray kaddib wada hadalo aan kala joogsi laheyd oo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kula jireen Madaxda Ahlusuna. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Bar___-Qumanaha-30062019-OK.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafo oo galabta gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo. Xaaf oo ay garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa si toos ah loogu gudbiyey Xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo uu kulan qorsheysan kula qaatay Farmaajo. Inkastoo aan la shaacin qodobada kulanka looga hadlay, haddana xogt ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa inay labada Mas’uul kawada hadleyn xaaladihii ugu dambeeyey Galmudug. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay doorashada ka dhici doonto Galmudug iyo inuu Xaaf dowladda kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada ay mabda’ ahaan isku raaceyn dowladda iyo madaxda Galmudug. Xubin ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay dowladda Soomaaliya Xaaf kala hadashay inuu ka tanaasulo ka qeybgalka doorashada soo socoto ee Galmudug maadaama uu qrosheenayo inuu qeyb ka noqdo isla markaasna uu mar kale isku soo taago xilkaas. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Xaaf iyo Ra’isulwasaare kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado, waxaana heshiiskii labadaas mas’uul kamid ahaa inuu Xaaf tago Muqdisho si ay labada dhinac u kala saxiixdaan heshiis ku aadan doorashada Galmudug. Booqashadan ayaa timid kadib markii khilaafkii ka dhexeeyay dowlada federalka iyo Maamulka Galmudug lagu soo xaliyay magaalada Cadaado oo uu booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweyne Xaaf ayaa muddo badan hal sano ka badan aan imaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
-
Kenya has lifted the ban on fishing activities off the coast near the Somalia border following improved security. Source: Hiiraan Online
-
Balanbal (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safaro nabadeed kusoo kala bixinayey deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu safarkiisa kusoo gabagabeeyo Magaalada Dhuusaamreeb oo uu Xalay kusoo noqday. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa safaro dhulka ah kusoo kala bixiyey deegaano badan oo ka tirsan Galmudug sida: Dhuusamareeb, Cadaado, Cabudwaaq iyo Xeraale. Qaar ka tirsan Beelaha dago deegaanada Galmudug ayaa Ra’isulwasaare Khere ku eedeeyey inuusan u cadaalad falin booqashada uu ku sameenayey deegaanada Galmudug isla markaasna ay jiraan deegaano uu iska indha tiray inuu tago. Qaar ka tirsan Odayaasha Degmada Balanbal oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay inuu Ra’isulwasaaraha iska indha tiray inuu booqasho ku yimaado Degmada Balanbal oo ay hoos tagaan Xiraale iyo Guriceel. Odayaasha ayaa Ra’isulwasaaraha ku eedeeyey inuu booqday Xeraale isla markaasna uu si ula kac ah uga soo gudbay Degmada Balanbal oo qiyaastii 10km u jirto Xeraale. Odayaasha ayaa sheegay inuu safarka Ra’isulwasaaruhu ahaa mid lagu doonayey inu lagu soo dhiso Galmudug lagu wada qanacsan yahay balse uu arrintaas si cad u garab maray markii uu isku qalday Cabudwaaq iyo Balanbal sida ay hadalka u dhigeen odaayasha dhaqanka ee la hadlay Caasimadda Online. Ra’isulwasaaraha ayaa lagu eedeeyey inuu soo garab maray Balanbal iyo Guriceel isla markaasna ay arrintaas tahay mid aan la aqbali karin sida ay sheegeyn odayaasha oo qabo inay markii horeba dowladda Soomaaliya godob ka gashay Degmadaas oo u muuqato inay qariirad ahaan xataa mugdi sii galeyso oo ku darsoomi rabto Itoobiya. Odayaasha ayaa ku doodayo in Degmadaan ay tahay mid qadiimo ah oo la sameeyey sanadkii 1978 ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha ahmiyad siiyo uuna booqasho ku imaado halkaas. Odayaasha ayaa tilmaamay in Balanbal iyo deegaanada hoostago ay ka taagnaayeen colaado soo dhex maray Beelaha ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha safar ku tago si la isugu soo dhaweeyo Beelaha isla markaasna ay qeyb weyn ka qaataan dhismaha Galmudug dhameystiran. Magaalada Guriceel ayaa qorshaha ugu jirtay inuu Ra’isuwlasaaraha booqasho ku tago inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuusan tagin balse marnaba qorshaha Kheyre ee Safarka Galmudug kuma jirin Balanbal iyadoo aan la ogeyn sababta uu Kheyre isaga indha tiray inuu halkaas booqasho ku tago. Ugu dambeyntii waxaa jiro deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo uusan Ra’isulwasaare Kheyre tagin sida Hobyo, Gaalkacyo iyo qaar kale oo ku jiro gacanta Al-Shabaab sida deegaanada uu Ra’isulwasaaraha kasoo jeedo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shir ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Harti Waqooyi oo maanta, 30/06/2019, ku qabsoomay Hudheelka Cali Jirde, Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay Baaqa Harti Waqooyi kaasoo ka tarjumaya tabashada Beesha ee sida ay sheegeen soo jiitamaysay muddo aad u dheer oo ay kala dhaxleen xukuumadahii kala danbeeyay ee JSL. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro hore, xubno door ah oo ka socday Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, odayaal dhaqan, ganacsato iyo aqoonyahanno, waxaa hoggaaminayay Dr. Cali Khaliif Galaydh, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo iyo Mudane Axmed Xaaji Cali Cadane Wasiirkii Gashaandhigga ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ahaana Guddoomiyaha ugu horreeyay ee Komishanka Doorashooyinka ee suurta-geliyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee ka qabsoomay Somaliland. Baaqa Beesha Harti Waqooyi, isagoo dhammaystiran waxaa uu u dhignaa sidatan; ” Mudada u dhexeysay 24/03/2019 ilaa 26/6/2019, Beesha Harti Waqooyi waxaa ay ku kulantay shirar teel teel ah. Haddaba, Guddiga Farsamo ee Harti Waqooyi iyagoo la kaashaday waxgaradka Beesha, dal iyo dibedba, waxaa ay si qotto dheer u lafo-gureen danahooda guud, duruufaha ku gedaaman Goboladooda, iyo masiirka Beeshooda. Guddigu, waxaa uu si cad u qiimeeyay siyaasadda xukuumaadda Madaxweeyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana uu si adag uga dooday dabaylaha ka dhacaya Geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karaan. Sidoo kale, waxaa uu is kor taagay isbedellada siyaasadaha degaamaysan (Geopolitics) ee ka aloosan Geeska kuwaasoo horseedi kara in ay dhalan-rogaan dhaqan-dhaqaalaha, nabadda iyo siyaasadda Geeska Afrika. Haddaba; Guddiga Farsamo ee Beesha Harti Waqooyi; · Markii ay aqoonsadeen khayraadka badan ee ceegaaga degaanadooda, sida tamarta shidaalka, macdnaha kala duwan, cimilada degaanadooda ee ku habboon xoolaha nool, kalluunka, beeraha, duurjoogta iyo dalxiiska; Guddidu waxaa ay garowsadeen in ay Beeshu ka gaabisay saami ku qaadashada tirada dadkeeda, bedka degaamadeeda, istaratajiydda dhulkeeda, iyo khayraadka goboladeeda taasoo la gaadhay xilliggii lagu xisaabtami lahaa, laguna intifaaci lahaa iyagoo Beesha ku la taliye in laga hawl galo maalgashiga iyo horumarintii dhulkooda; · Markii ay arkeen sida shacabka Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool uga gows qabsaday gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ka biyo-diiday saamiga looga qoondeeyay qaranka, duudsiga ragaaday, iyo sida ula kaca ah ee xukuumadahii kala danbeeyay u dhalan rogeen sooyaalkii, miisaankii iyo astaamahii Somaaliland; · Markii ay ogaadeen sida ay u adag tahay helitaanka Somaaliland dhammaystiran iyadoo aan la soo sugin xuduudaha dalka taasoo aan suurtagal ahayn haddii aan la helin cadaalad, saami qaybsi iyo xaqsoor ay ku qancaan shacabka Harti Waqooyi ee ku teedsan soohdimaha Bari ee Somaaliland; Sidaa Awgeed, Guddigu waxaa uu soo gudbinaynaa aragtida iyo baaqa Beesha Harti Waqooyi annagoo ku rajo weyn in uu ka tarjumo tabashada Beesha, danta Somaaliland iyo hanashada xukuumad iyo maamul loo dhan yahay oo lagu heli karo dal nabad ah, dad walaalo ah, sinnaan, horumar iyo Qaran la jaan qaada waa’ga cusub. BAAQA HARTI WAQOOYI 1) Si loo xaqiijiyo cadaalad iyo awood qaybsi sugan, waxaa aan u soo jeedinaynaa Xukuumadda in ay fuliso heshiiskii distuuriga ahaa ee Xukuumadda JSL iyo Maamulka Khaatumo, Caynabo, October 2017. Heshiisku waxaa uu xal dhab ah u yahay daaweynta tabashada ka jirta Gobolada iyo Beelaha Darfaha. 2) In la soo dedejiyo saami qaybsi ay ku qancaan Beelahu. Runtii, meelmarinta qoddobada masiiriga ah, waxaa ay saldhig u noqon doonaan dhismaha qaran iyo xukuumad hanata kalsoonida shacabka. Fulinta qoddobadaas waxaa ay sahli doonaan in si toos ah maamulka hoos loogu daadejiyo Gobolada iyo Degmooyinka Beesha Harti Waqooyi, taasoo suurtogelin doonta isdiiwaan gelin dhammaystiran iyo hirgelinta doorashooyin xalaal ah oo ka qabsooma dalka. 3) Si loo taabbo-geliyo maamul daadejin dhab ah, waxaa shardi ah in loo cuskado tiirarka bud-dhigga u ah sida, 1. Go’aan Daadejin (Political devolution), iyo 2. Maamul Daadejin, (Administrative decentralization). Degma kasta waa in ay hesho maamul-daadejin buuxda, isku-tashi, iyo saamiga uga qorshaysan Miisaaniyadda Qaranka sida ku cad Qorshaha 2aad ee Qaranka (2017-2022) ee qorsheynta, odoroska iyo diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. 4) Inta laga gaadhayo meelmarinta qoddobada kor ku xusan, Madaxweynaha JSL waxaa aan u soo jeedinaynaa in uu si degdeg ah ugu dhiirrato fulinta saami ay Beeshu ku qanacdo ee dhinacyada Golaha Xukuumadda, Maamulka, Hay’adaha, Horumarka, Safaaradaha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Qaranka. 5) Waxaa aan ku talinaynaa in dib loo soo nooleeyo wada-hadalada iyo kullamada Odayaasha Dhaqan, Culimada iyo Aqoonyahannada Gobolada Bari ee dib u dhaco ka jiro, taasoo keeni doonta xoojinta iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, horumarinta, ganacsiga iyo siyaasadda. 6) In la abuuro hay’ad ama hay’addo ay ku dhan yahay shacabka Gobolada Bari si looga wada shaqeeyo samofalka iyo horumarinta Gobolada Bari. Hay’addu waxaa ay ka qayb qaadan doontaa nabadaynta, diyaarinta iyo fulinta mashaariicda gurmad, kuwa horumarineed, soo jiidashada maalgashi, fududaynta ganacsi iyo sidii goboladaas looga samato-bixin lahaa go’doominta caalami ee xilligan saaran. 7) Waxaa aan walaac ka muujinaynaa duruufaha cusub ee ku soo kordhay Bariga Sanaag taasoo loo aanaynayo siyaasadaha gurracan ee xukuumaddu ku maamulayso Gobolka, sidaa awgeed waxaa aan kula talinaynaa xukuumadda in ay la tashato waayeelka iyo waxgarada degaankaa. 8) Waxaa muuqata baahi weyn oo loo qabo shirweyne waxgaradka Beesha Harti Waqooyi kaga tashadaan aayahooda. Sidaa darteed, iyadoo lala kaashanayo Isimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha, waxaa aan soo sheegi doonaa muddaynta iyo madasha Shirka Beesha Harti Waqooyi oo ku qabsoomi doona degaamada Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool. 9) Waxaa aan ugu baaqaynaa Beelaha Somaaliland iyo Xukuumadda JSL in laga wada shaqeeyo Nabadda, Isxurmaynta, Wada-tashiga, Wax-wada-lahaanshaha, iyo Horumarka taasoo ah tubta keliya oo aan ku wada gaadhi karno QARAN taabbagal ah oo ka mid noqdo Bulshada Caalamka. Allah Ha innagu Toosiyo Tawfiiqda “ Qaran News
-
WasiirkawasaaradaBeerahaooxilkiisiiqaadikari la, oo la liicliicayashaqadiisiinadayacantahay.Qalinlkii .Maxamed Cali Ibraahin Wisiiradashaqada loo igmadaawaxaweeyi in mas,uuliyadaka saran qarankaiyoumadawadankaasikunooluuxilkii loo doortay u qaadosidiilooguigmadaysidaasinabulshadukulaxisaabtanto . Hadabaqarankan Somaliland gaarahaandawladamuusebiixiwaxadhacday in dadkiiugutayadaxumaauuusooxulodawladiisawaxanamarkhaatikuugu ah in wasaaradahaqaarlaguaaminiwaayowasiiradii loo magacaabaydabadeednawasiira kale ay mas uulkasiinoqdaansidawasaaradaqorshayntaqarankaoo la hoosgeeyaywasaaradamaaliyada . Hadababulshooywaxadayacanhadawasaaradiibeerahawasiirkeediinawaamagacuyaal wax shaqo ah oobulshada Somaliland wasaaradaabeeruhu ay u ahaysaanamabajirtohabayaraatee Waxankujirnaawakhtigiiroobkaee wax beerasha da wax qorsha ah oowasaaradabeeruhu u haysaana ma jirtoumada Somaliland wacyigaliniyo wax tar midnameel ay kudanbayasaywasaaradiibeeruhunahabayaraatee ma jirtohadabamudanemadaxwaynebulshada Somaliland waxaykuudooratay in wax kabadashowaayaheega nolo leed . 1. Waxadbalanqaaday in 30 % aad wax soosaarkabeerahaaadkor u qaadidoontosanadkauguhoreeyasanadkiinawaansoodhaafnay wax isbadal ah lagamaaragsanadkiiuguhoreeyayhoosudhac moo yee . 2. Sanadkalabadoo ah sanadkaaankujirnowaxadbalanqaaday in aadgaadhsiindoonto wax sooraarkadalka 50% waanasanadkanaankujirno wax dhaqdhaqaaq ah iyo wax is badal ah midnalagaamahayo . 3. Wakhtikasiidanbeeyanawarkisabareeblagaamanafadhiilaaaadraacdotalaabooyinkanhooskuqoran . Fiirogaar ah 1. Waa in aad wax k abadashawasaaradabeerahaiyocidaaad u igmatayamaaad u magacawday 2. Waa in aadsamaysaa la xisaabtanbuuxaoosaliyobaar ah umadasomalilandnakuqanac san tahay 3. Ta sadexaadoo ah in aadwasaaradahoosgaysowasaarad kale marhadiiwasiirkiiaad u magacaw day xilkiisiigabayadigunaaadwaxabakaqabankariwayday . Qalinlkii .Maxamed Cali Ibraahin Qaran News
-
(SLT-Khartoum)-Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isa-soo dhoobay wadooyinka caasimada Khartoum iyo meelo kale. Dibadbaxan xoogan ayay ujeedadiisu ay tahay in cadaadis lagu saaro milatariga xukuma dalkaasi inay talada ku wareejiyaan dawladd rayid ah iyo in ay cadaalad helaan dad tiro badan oo dhibane u ah awood u adeegsiga milatariga dalkaasi. Dibadbaxana la iclaamiyey ee “millions march”, ayaa noqonaya kii ugu dadka badnaa tan iyo intii 3-dii June lagu laayey dibadbaxa dad tiradoodu ka badan tahay 100 qof xili ay rasaas u adeegsadeen ciidamada milatarigu dibadbaxayaal ku sugnaa meel dibada ka ah xarunta milatariga ee magaalada Khartoum. Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa wakhti xaadirkan sheegaya in Milatariga iyo Bileyska rabshadaha ka hortagaa ay u adeegsanayaan dibadbaxayaasha sunta ilmada ka keenta dadka, waxaana la sheegaya in meelaha qaar laga maqlayo rasaas loo adeegsanayo dadka dibadbaxaya. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa burburisay laba diyaarad oo nooca loo yaqaan Drones-ka oo kooxda xuutiyiinta Yemen ee taageerada milLatari ka helaya Iiraan ay ku weerareen Dalka Sacuudiga. Diyaarada koowaad ayaa bartilmaameed-keedu ahaa gobolka Jizan halka mida labaad ay ku wajahneyd deegaano ku yaalla gobolka Casiir. Turki Al-Maaliki oo ah afhayeenka isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SPA in diyaaradahan aysan wax qasaaro ah Geysan. Tv-ga ku hadla afkaa xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa sabtidii shalay xilli danbe tabiyay in diyaaradahan ay ku weerareen garoomada diyaaradaha ee ku yaalla magaalooyinka Apha iyo Jizaan. Tani ayaa imaaneysa iyadoo kooxda Xutiyiinta ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada diyaaradaha oo ay ku qaadayaan dalka Sacuudiga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho. Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Soo dhaweynta kadib, waxaa loo galbiyey dhanka Madaxtooyada qaranka oo uu kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxyaabaha wada hadalladii ay yeesheen diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dardargelin lahaa dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Jemes Swan. Guddoomiye Mursal iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, doorashooyinka Qaranka iyo dardar gelinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka. Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo golaha shacabka. Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Jemes Swan ayaa balan qaaday inuu halkeeda ka sii wadayo shaqada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb. Jemes Swan ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo soo magacaabay. Waxa uu la wadaagay wakiilka cusub shaqooyinka horta binta leh ee horyaalla golaha shacabka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Habeen-30062019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya oo u muuqato in looga guulsan rabo Dacwadda Badda ee taalo maxkamadda ICJ taasoo kala dhaxeyso Somalia ayaa maalin kasta soo bandhigeyso warbixino iyo waxyaabo muujinayo inay heysato guuldaro. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa markaan soo badhigtay cidda kaga hiilineyso Dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso ayna taas qabaan walaac weyn, Waxay sheegtay in hey’ado ganacsi oo wadamo kale ka tirsan ay Soomaaliya la safteen iyagoo fiirinayo faa’idada ay ka helki doonaan xuduuda muranka ay Kenya gelisay oo laga helay shidaal badan. Wasiirka ayaa sheegtay inay arrintaas sii hurineyso xiisadda labada dalka ka dhaxeyso loona baahan yahay in arrintaan loo wajaho qaab diplomaasiyadeed oo ay nabad ku jirto. Hadalka ay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ka jeedisay Machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London waxay ka dhawaajisay inay Kenya soo jeedisay codsi ku aadan in hab siyaasadeed lagu xaliyo Muranka, inta laga door-bidi lahaa in Maxkamadda ICJ lagu kala baxo. Waxay kaloo tilmaamay in Khilaafka Muranka Badda uu horseedi karo inay dowladaha Gobalka joojiyaan in diirada la saaro La-dagaalanka Alshabaab iyo Burcadda Badda, waa sida ay hadalka u dhigtay. Monica ma ayaan xusin magacyada hey’adaha ay ku eedeysay inay hurinayaan xiisadda Somalia iyo Kenya balse kaliya waxay sheegtay inay yihiin hey’ado iyo shirkado ajaanib ah. Waxaa laga yaabaa inuu xiriir ka dhaxeeyo hadalka hadda kasoo yeeray Monica midkii hore oo ahaa inay Kenya dacwad cabasho ah ka gubineyso Norway iyo Ingiriiska oo ay ku eedeysay inay la safteen Soomaaliya. Toddobaadkii la soo dhaafay, Kenya waxaa loo doortay Guddoomiyaha Kooxda Isla-xiriirka ee Burcadda ka qowleysata Xeebaha ka baxsan Somalia, waxayna magacaabistaasi ku soo beegantay iyadoo ay Kenya sheeganayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Gelinkii hore ee Sabtidii shalay waxaa qasriga madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ay ku jiraan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Kulankan oo ka dhashay hadalkii uu madaxweyne Biixi ka jeediyey xuskii 26 ka Juun, oo uu kaga dhawaaqay in uu maalinta sabtida ee 29 ka bisha kulan la qaadan doono madaxda xisbiyada, kuna ballanqaaday in la soo gebagebayn doono khilaafka u dhexeeya. Laakiin xogaha uu wargeyska GEESKA AFRIKA helayo ayaa sheegaya in kulanku aanu noqon sidii laga filayey mid isfaham intii hore ka fiican ka dhex abuura xisbiyada siyaasadda iyo madaxweynaha. Taas beddelkeedana uu fadhigii hore ee kulanku ku dhammaaday midho la’aan. Wararku waa ay shegaayaan in bilowgii kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi martida ku wargeliyey in sababta uu kulankan ugu baaqay ay ka dhalatay faham uu ka qaatay khudbaddii uu guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde ka jeediyey madasha oo muujinayey dabacsanaan iyo in la is fahmi karo. Madaxweyne Biixi waxa uu masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka dalbaday in ay ka soo tanaasulaan go’aanka ah in imika la beddelo komishanka lana kordhiyo, isaguna uu ogolaanayo dalabkooda ah in xubnaha komishanka ay xisbiyadu si is le’eg u soo magacaabaan. Isaga oo sheegay in aan waqtigan arrintaas qiil sharci ah loo heli Karin, sidaas awgeed uu ku talinayo in doorashada sidan lagu galo, doorashada kaddibna la diyaariyo habkii sharci ahaan ay ku suurtageli lahayd in xisbiyadu ay xubnaha komishanka doorashooyinka si siman u qaybsadaan. Soojeedinta madaxweynaha ayaa la sheegay in ay bilowgii guux iyo xiisad aan kulayl ka dhex abuurtay kulanka, laakiin guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu dadaal adag u galay in aanu kulanku burburin. Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in isfaham iyo heshiis arrintan laga gaadho, isaga oo dhinacyada ku bararujiyey in beesha caalamku ay ka war sugayso heshiis ay gaadhaan, iyo in dareenka beesha caalamku qabtaa uu yahay in hoos loo eego guud tabashada xisbiyada mucaaradka ee la xidhiidha doorashada. Wararka ka agdhowaa kulanka ee uu Geeska Afrika helayo qaar ka mid ah ayaa sheegaya in Guddoomiye Faysal uu madaxweynaha ka dalbaday in uu markan isagu tanaasul la yimaaddo, oo uu ogolaado in Komishanka hadda labada xubnood lagu daro, isaga oo ugu soo hoga tusaaleeyey tanaasulaadkii ay madaxweyneyaashii ka horreeyey sameeyeen xilliyadan oo kale. Xisbiga WADDANI iyo madaxweyne Biixi ayaa uu warku sheegayaa in ay labadooduba ku adkaysteen mawqifyadoodii hore, iyada oo uu mid kastaa kan kale ka dalbanayo in uu tanaasulo. Taasina ay keentay in kulankani uu ku dhammaado natiijo la’aan. Inkasta oo ay dhinacyadu isku fahmeen in aan kulanka loo aqoonsan in uu burburay, balse la sii wado wadahadallada iyo doodda. Waxaana kulan labaad loo ballamay toddobada fiidnnimo ee Caawa. Iyo in ergada tiradeeda lagu soo koobo laba xubnood oo xisbi kasta ah iyo madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa kulanka ku wehelinayey, ku xigeenka madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga, guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, xoghayaha guud ee xisbiga mudane Xasan Siciid, maareeyaha hay’adda Qaranka ee qaxoontiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Xinif, iyo mudane Cabdicasiis Samaale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga. Xisbiga UCID waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe kulankan ku wehelinayey, murashax ku xigeenkii xisbiga Mudane Axmed Cabdi Muuse(Abyan), xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo ku-xigeenka xoghayaha guud mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax). Masuuliyiinta uu hoggaaminayey guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI mudane Cabdiqaadir Jirde ee kulankan ka qaybgalay, waxaa iyagana ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga mudane Xirsi, xoghayaha guud mudane Khadar, xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, Mudane Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiin kale. Geeska Afrika Source