-
Content Count
208,858 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta waa 1-da Luulyo, waa maalintii xuriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waa xanuun iyo nasiib darro ah in 59 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii! Cadawgii shalay maanta walaal ayuu noqday, qabiilkii ayaa isku badalay qaran, calankii waxaa ka soke maray calammo kale, waxaa is badalay dhadhankii waddaniyadda, inta ay weli ku dambeyso xamaasadda Soomaalinnimo waxaa ay maanta dhahaan“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Hadaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasiyiinta Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golayaasha Somaliland oo shalay shir ku qabtay magaaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in maamulka Somaliland uu shir weyne u qabto beelaha dega gobollada Sool sanaaag iyo Cayn, si loo adkeeyo nabadda iyo midnimada Somaliland, loogana gudbo tabashooyinka beelahaasi ka qabaan maamulka. Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo halkaasi ka hadlay, ayaa xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay in ay ku fashilantay siyaasadeeda dhanka gobolka Sanaag, isagoo ku boorriyay in ay hoos u eegto tabashooyinka beelaha gobolkaasi dega, si hab nabad ah loogu gaaro xuduudaha Somaliland, loona helo Somaliland ay ku midaysan yihiin dhammaan bulshadii dhisatay sida uu hadalka u dhigay. Shirka ay qabteen Cali Khaliif iyo Cali Cadami oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo u dhashay gobollada SSC, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo ku baaqaya, in la dhammeeyo tabashooyinka saami-qeybsi ee beelaha deggan gobollada Sool, sanaag iyo Cayn ka tirsanayan Somalilands, si hab nabdoon loogu gaaro xuduudaha Somaliland. War-murtiyeedka ayaa waxa soo diyaariyay, xubno ka qeyb-galayey shirka oo isku magacaabay Guddiga beelaha Harti-waqooyi, waxaana war-murtiyeedka canaan loogu jeediyay xukuumadda Muuse Biixi oo lagu dhaliilay, in ay ka gaabisay xallinta tabashooyinka ay qaban beelaha deggan SSC. Halkaan hoose ka daawo hadalladooda PUNTLAND POST The post Cali Khaliif: War hooy! Laba la hinjiyaa mid waa hunguri appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Saddexda xisbi ee Somaliland UCID, Waddani iyo Kulmiye ayaa ku guuldaraystay in ay xal ka gaadhaan caqabada hortaagan qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka. Kulan xalay saddexda xisbi ku dhexmaray madaxtooyada ayaa Ilo xogogaal ahi ii sheegeen in uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kadib markii xal laga gaadhi waayay tirada xubnaha guddida doorashada qabanaysa oo mucaaradku doonayaan in loo kordhiyo saamiga ay ku leeyihiin halka madaxweyne Biixi-na diidan yahay oo uu doonayo in ay ahaadaan qaabka ay hadda u dhisan yihiin. Madaxweyne Biixi, ayaa hore shacabka ugu bushaareeyay in maalinta sabtida ay saddexda xisbi isu imanayaan war farxad leh-na ka soo bixi doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa kuwo Miino ah ayaa Al-Shabaab waxa ay baahiyeen in ay la beegsadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay agagaarka degmada Bardaale ee gobolkaasi. Qaraxa koowad ayey sheegeen inuu haleelaya gaari Uural ah oo ay wateen ciidamadaasi, kuna dileen 11 Askari Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigen. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in gaariga uu qaraxu qabsaday oo uu ku xirnaa qoriga Zuugga ah uu gabi ahaan burburay. Dhinaca kale qarax labaad ayey tilmaameen in ay la eegteen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadaasi, wallow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay AMISOM iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi. Inta badan dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay waxaanu shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka qanciso tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta ayuu yidhi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kaga qeyb galay munaasabadda xuska 1-da Luulyo maalinta xorriyadda gobolada Koonfureed iyo midowga gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka. Xuska maalintani Qaran waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenadiisa, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, kuwa Puntland, qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, masuuliyiin ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, isimo, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintani mudan ayaa ku dheeraaday tariikhda guun ka ah iyo dharaarihii gobanimo doonka Soomaliyeed ee Eebbe galaddiiisa dalkeenna ku manaystay xornimo iyo midow walaalnimo. ” Waxaan marka hore u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee asbuucii hadda lasoo dhaafay xorriyadda heshay 26’ka Juun, 27, Juun markii ugu horaysay oo calan Soomaliyeed la taago ayay ahayd, calanka baluugga ah buu ahaa hargaysa baana laga taagay dadkii ka taagayna waa goobjoog, waxaan caalamka iyo cid walba u sheegaynaa calankii la taagey buluug buu ahaa dadkii taageyna wili waa joogan oo way ilaalinayaan, ciddii wax tabanaysa oo intaas wax ka duwan qabta in lala hadlo oo la qanciyo ummadda Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garowdaa, dalkaan taariikh buu soo maray gumayste kala duwan buu soo maray wixii halgan ahaa ee lasoo marayna markhaatiyaashiisii baa jooga”. “Runtii hambalyada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka gadaal waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa jamhuuriyadda Jabuuti oo ah dal walaalaheen ah, wixii lasoo maray in dib loogu laabto nooc waalida ka mid ah weeye waxaan rajaynayaa in wixii lasoo maray lagu tusaale qaato”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in muwaadiniintii diiday in la gumaysto weli xaadir yihiin, waxaana uu ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryey midnimo, wadajir, wax wadaqabsi, isfahan iyo dowladnimo taam ah. “Dadka halkaan jooga waa kuwii ku abtirsanaayey Aabbayaashii diiday in la gumaysto oo caalamku usoo aaday gumaysiga, waxay diideen in qoorta la qabto oo biyaha la cabsiiyo, dadkaan waxay rabaan wada hadal ismaqal iyo in ay kaalintooda qaataan, waxaan umadda Soomaaliyeed Rabbi uga baryayaa dowlad midnimo taam ah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka Qayb Galay Xuska Maalinta Qaran ee -da1 Luulyo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Kapul)-Qarax xoogan ayaa laga maqlay imika magaalada caasimada u ah dalka Afghanistaan, sida ay tabinayaan warbaahinta Maxaliga. Goob joogeyaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow dhismaha safaarada Mareykanka. Dhawaqa qaraxa ayaa si xoogan looga maqlay dhismayaasha ku yaalla halkaasi oo ku sugan yihiin diblumaasiyiin ka soo jeeda badi wadamada reer Galbeedka. Saraakiisha ciidanka amniga ayaa isku gadaamay goobta iyada oo aan la ogeyn khasaraaha dhabta ah ee ka Dhashay. Xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa wadadaas waxaa ka jiray saxmad badan maadama dadka ay u kala rawaaxayeen howlahooda Caadiga. Afhayeenka wasaarada amniga Afghanistaan Nasrat Rahimi ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay agagaarka wasaarada Gaashaandhiga. Dhanka kale taliyaha ciidanka booliska magaalada Kabul Firdous Faramaz ayaa xaqiijiyay qaraxan, walow aanu ka hadlin khasaaraha ka dhashay iyo cidda lala Beegsaday. Source
-
SOMALILAND WAA LA WADA LEEYAHAY OO QOFNA QOF UMA MARTI AHA , EE MUHIIMADU WAA IN CID KASTA OO WAX TABANAYSA LA DHAGAYSTO OO LA QANCIYO OO WAX WADA LAHAANSHAHA CIDWALIBA DAREENTO. ( Nin guri isku xidhay umad uma taliyo , nin qoys uun arkayaana qaran ma maamuli karo , madaxnimaduna waa isku wadida umada , walaalaynteeda iyo wax wada lahaansheheega ) Dulmigii aynu ka tirsanaynay dawladii somalia waxa ugu waynaa intii aan dagaaladu dhicin cadaalad darro iyo waxii aynu wada lahayn oo cidiba waxba inaga waydiin wayday oo la inoo joojin waayey, hada garo oo dadka reer somaliland oo dhan baa dulmanaa inkasta oo dawladaha kala dambeeyay dadka qabail u kala fur-furayeen oo umada la isku soofaynayey. Marka cadaalad darada iyo waxyaabaha tabashooyinka reer somaliland qabaan laga hadlayo waxa hubaal ahayd in inbadan oo reer somaliland ahi kuraasida ay ku fadhido ilaashanaysay oo ay lahaayeen waxba kama jiraan waxaa ay wadaan iyo anagaa dhamaynayna iyo wax la mid ah. Somaliland waala wada leeyahay taasi yaanu cidina shaki ka galin laakiin munaafacaadkeeda iyo mansabyada qaranka ayuu dheeli ka muuqdaa , dheeligaasi oo u baahan in la miisaamo oo la isku dhibriyo oo dadka reer somaliland min bari ilaa galbeed wax wanaagsan oo la isla ogol yahay oo lagu wada qanacsan yahay ay noqoto dawlada somaliland. Dadka somaliland qofna qof uma marti aha ee qofwaliba dalka wuu leeyahay , waxa uu doonayaa wax uga qalma dalkiisa oo waxa uu u baahan yahay in la qanciyo oo waxna laga shaafiyo waxna uu ka tanaasulo oo marka dadku wada doodaan la isku garaabo oo wax la isla meel dhigo , waayo dawladnimadu waa dan la wada leehay oo aanay cid gaar ahi lahayn . waxa aan aaminsanahay waxa aynu raadinaynaa iyo aqoonsiga aynu rabnaa gudaheena ayuu yaalaa sida aynu isugu duubnaano ayeynu wax ku noqonaynaa oo meel ku gaadhaynaa , waxa wanaagsan in la is qanciyo oo cidkasta oo wax tabanaysa oo reer somaliland ah loo joojiyo oo la dhagaysto lagana jawaabo tabashadooda. Somaliland waa ul iyo diir ab iyo isir iswada dhalay oo hadana dal iyo dawlad wada leh , waa dad is fahmi kara oo wada tashan kara oo wax wada leh waligoodna wax wada lahaa , waa dad dhaqan af iyo diin wada haysta isku tanaasuli kara oo waligood caado u lahaa marka la is waraysto ee la wada hadlo in wax la isla meel dhigo. Waxa aan aad uga xumahay in aan arko dad reer somaliland ah oo in badan hadlaya oo wax tabanaya oo aan cidiba u jawaabayn , wax maanta kula yar ayaa suuragal ah in ay bari kula cuslaadaan oo aad gaadhi waydo horena waan uga qoray maqaal arintaa oo aan la wadaagay dadka reer somaliland . Dadka qaar ba si bay u fasiran doonaan qoraalkayga oo qaar waxa ay is leeyihiin waa mucaarid , qaar kale waxa is odhan doonaan madaxweyanaha ayey isku reer yihiin oo uu u werwerayaa , dadka qaarna in aan dano kale ka leeyahay ayey u fasiran doonaan oo waa binu adam iyo caadadii . Haseyeeshee waxa inta ugu badan iga hadliya marka waxii kaftan ah laga saaro mustaqbalka umadani siduu noqon doonaa , kiinii yooyootan lagu laasaye tolow ka ilmahaagu isaguna siduu noqon doonaa , dhaxal noocee ah ayaa umadan looga tagi doonaa iyo su’aalo kale oo badan . Somaliland hawlo badan oo mucaarid iyo muxaafid , in beelo loo kala shiro ka waaweyn ayaa inoo yaalla iyo in qofku ka fikiro naftiisa oo kaliya , waxa inoo yaalla sidii aynu wax u wada qabsan lahayn ee dalkeenu isku filnaansho iyo hore u socod u gaadhi lahaa , waxa inoo yaalla sidii dalkan tacabku galay ee dad badani nafahooga u soo waayeen sidii aynu wax uga dhigi lahayn ee uu u noqon lahaa dal dalalka caalamka ka mid ah . Somaliland waa lagu kala badan yahay waa run , laakiin badnidaadu waa in aanad walaalkaa ku muquunin awood iyo aqlabiyad taasi oo ay ka dhalan karto dulmi iyo cadaalad darro , tusaale wanaagsana waa aynu haysanaa oo waatii shalay reer somaliland soo martay oo midhaheega iyo dhaxalkeegii waxa uu dhalay waataa somali ka muuqata maanta , aniga oo og in dalku dimuqaradiyad qaatay oo ay kuraasida iman karaan in iskuwada reer ka yimid , hadana in inta waxa aynu wadnaa hanaqaadayaan oo dadkana qaabka ay u xisaabtamayaan korayo in la isku wadaa waa lagama maarmaan. Waxa aan ku talinayaa in la is maqlo oo reer somaliland isku joojiyaan oo aan arinkeenu noqon ku xumee iyo ku jiqsii ee somaliland way isku wada baahan tahay oo cid cid ka maarantaa ma jirto e , arimaha marwalba xaga wanaaga iyo xalka dadka reer soamaliland ku jiro la isla eego oo dawladuna dadkeeda maqasho wax la qabato oo meel loo wada jeedo . Gunaanadka qoraalkayga waxa weeye in dadku nabad galyadooda ilaashadaan dawladnimadooda ilaashadaan wanaaga iyo wadajirka marwalba u taagnaadaan oo xaga wanaagsan wax loo wado , si aynu u hiigsano dalalka iyo dawladaha hore u talaabsadey oo aynu meeshan uga dhaqaaqano . Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
(SLT-Quduz)-Booliska Israa’iil ayaa sii daayay wasiirka dowlada Falastiin u qaabilsan Arimaha Jerusalam Fadi Al-Hadami. Wasiirka ayaa shalay waxa hoygiisa kala baxay ciidanka amniga sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska Israa’iil Micky Rosenfeld. Micky ayaa intaa raaciyay in su’aalo laga weydiiyay eedo loo heestay oo aanu shaacin waxa ay yihiin. Wakaalada wararka ee Wafa ayaa sheegtay in xadhiga Fadi Al-Hadami uu noqonayo mas’uulkii ugu horeeyay oo darajo heerkaan oo Israa’iil xidhato tan iyo markii ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah shacabka Falastiin. Balse ilo ku dhow wasiirka ayaa sheegay in xadhigaan loo aaneynayo kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Chile Sebastian Pinera oo booqday masaajidka Al-Aqsaa ee ku yaalla magaalada Qudus. Source
-
Kenya and Ethiopia are still struggling to conduct robust trade between them despite penning a number of bilateral agreements and instituting several trade-friendly measures. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 7 Dibadbaxayaal ayaa geeriyootay, in ka badan 180-kalena wey dhaawacmeen, kadib markii la rasaaseeyey Dibadbaxayaal isugu soo baxay Xarumaha dhexe ee Milliteriga iyo qeybo ka mid ah Waddooyinka caasimadda dalkaasi ee Khartuum. Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay cadaadis ku saaraan madaxda golaha Milliteriga ee ka taliya dalkaasi inay Dowlad Rayid ah ku wareejiyaan Xukunka. Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan ee gacan-saarka la leh Dhaqdhaqaaqa Dibadbaxayaasha waxay mar sii horreysay sheegeen in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Dibadbaxyadda, oo 4 ka mid ah lagu dilay magaalada Ondormaan ee mataanka la ah Khartuum. Ku-xigeenka Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral Maxamed Xamdaan Dagalo waxa uu sheegay in ayna Ciiddanka ku lug lahayn Toogashadaasi, wuxuuna ku eedeeyey inay shaqsiyaad aan la aqoonin geysteen toogashadda lagu dilay dadka rayidka iyo xubno ka tirsan Ciiddanka. Bishii la soo dhaafay ee June 3-dii, in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay Dibadbaxyo ka dhacay duleedka Xarumaha Dhexe ee Milliteriga ee magaalada Khartuum Source
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay inay jawaab ka bixin doonaan weerar kasta oo ka dhan ah danaha Turkiga ee dalka Liibiya. Arintaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii Jeneraal Khaliifa Haftar uu ku amray maleeshiyada uu hoggaamiyo inay weerar ku qaadaan maraakiibta Turkiga. Waxaa jiri doonta in jawaab cad aan ka bixino weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta ganacsi iyo muwaadiniinteena, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Anadolu u sheegay Mr Akar. Wuxuu intaa raaciyay in ay garan doonaan sida uu Turkiga uga fal celiyo ficil kasta oo ka dhan ah danahiisa Liibiya. Jenaraal Khaliifa Haftar ayaa sheegay in Turkiga uu qeyb ka ahaa dagaal toddobaadkii hore dhexmaray ciidanka amniga Liibiya iyo maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi ee bariga Liibiya. Source
-
(SLT-Nairobi)-Booliska magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa xabsiga dhigay nin xaaskiisa habeenkii xalay ahaa Dilay. Ninka dilay afadiisa oo la sheegay in da’diisa ay tahay meel dhexaad ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwali Ibraahim Nuur. Booliska ayaa sheegay in 20 mar uu ninkaan u gacan qaaday xaaskiisa ugu dambeyna ay u Geeriyootay. Dadka dariska la ahaa ayayna u suura-galin in haweeneyda la dilay ay ka badbaadiyaan Seygeeda. Meydka ayaa waxaa laga soo qaaday xaafada uu falkaan ka dhacay oo lagu magacaabo Buula Jamhuuriya oo ka tirsan badhtamaha magaalada waxaana la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Mandera. Falkaan ayaa naxdin iyo amakaag ku abuuray shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi Bari Kenya. Source
-
Wakiilka xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku hambalyeeyay, sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay madax-bannaanida dalka. Mr James Swan ayaa sheegay in burburkii kadib, Soomaaliya ay weli ka jiraan dhibaatooyin badan, balse ay ku faani karaan horumarka dalku samaynayo, islamarkaana ay jirto fursad abuuraysa in raja laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan. “Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. In-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana maanta waa malin ay dadka Soomaaliyeed ku faani karaan horumarka la sameynayo. Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan” ayuu yiri Mr Swan. Sidoo kale, wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Caalamku, ay si Soomaaliya kala shaqeyn doonaan dhinacyada Amniga, horumarinta Dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo la’dagaallanka Musuq maasuqa iyo arrimaha Banii’aadanimada. “Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga, u-wadadhamaansho iyo la tacaalidda baahida bani’aadanimo. Qaramada Midoobay waxay u dabaabldegeysaa sanad guuradan iyadoo u ballan-qaadaysa dadka Soomaaliyeed garab-istaag bilaha iyo sanadaha soo socda.” ayuu sii raaciyay PUNTLAND POST The post Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay oo ballan-qaadkii u horreeyay sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Europe has found a way of circumventing U.S. sanctions on Iran. The governments of France, Germany and the United Kingdom have developed a special purpose vehicle (SPV) to enable European businesses to maintain non-dollar trade with Iran without breaking U.S. sanctions. That SPV, known as INSTEX, is now up and running. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada, kaasoo heerar kala duwan soo maray sannadihii ugu dambeeyay. Xasan Sheekh oo la hadlayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in weli uu jiro kala shaki ka dhex jiro dowladda federaalka Somalia iyo Maamullada dalka ka jira, balse loo baahan yahay in taas ay meesha ka saaraan madaxda DF, isla markaana ay xaliyaan tabashooyinka dowlad goboleedyada. Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in maamul-goboleedyada Somalia ka jira uu Dastuurka siinayo awood dheeraad ah, dowladda Soomaaliyana uu siinayo xaq kaas la mid ah, laakiin dowladda Somalia ay faragelin ku hayso maamullada dalka ka jira koontoroolna ay ku heyso, gaar ahaan xilliyada ay doorashooyinka dhacayaan. “Waxaan dowladda Somalia kula talinayaa inay maamullada dalka ka jira u madax-banneyso doorashooyinkooda, isla markaana laga digtoonaado in la fara-geliyo,” ayuu hadalkiisa ku yiri Xasan Sheekh. Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal-beeleedyada khasaaraha geystay ee ka socda deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, isgaoo waxgaradka ku nool gobollada Hiiraan iyo galgaduud ugu baaqay inay ka qayb-qaataan joojinta dagaalladaas. “Runtii waa wax laga xumaado dagaal beeleedyada dalka ka socda, waxaana ugu baaqayaa waxgradka inay ka hortagaan dagaalladaas oo deegaanadaas ay nabad kusoo dabaalaan, waayo haddi ay siii socdaan dagaalladaas waxaa imaan kara dagaallo kuwa dhacay ka xun,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh. Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa xalay xafladda xuska 01-da Luuliyo 2019-ka uga qayb-galay dalka Tanzania oo uu ku sugan yahay, wuxuuna dadkii kasoo qayb-galay xafladdaas ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada Soomaaliya. DHAGEYSO: Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud uu uga digay fara-gelinta Maamul-goboleedyada https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/07/Xasan_Sheekh_Xuska_Maalinta_Xorriyadda_2019.mp3 PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo DF uga digay fara-gelinta ay ku hayso Dowlad-goboleedyada dalka ka jira appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay xuska munaasabadda 1-d Luulyo uga qeyb galay xarunta madaxtooyada ayaa hambalyo kadib soo hadal qaaday arrimo ku aadan midnimada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in midnimadu ay muhiim u tahay guud ahaan Soomaalida meel kasto oo ay joogto. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in ay ka qanciso Somaliland tabashada ay qabto, si meesha looga saaro kala qeybsanaanta. “Waxaan qabaa rajo fiican, Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Dhanka kale Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka Somaliland sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Somaliland waxa ay ku dhawaaqay in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day 1991-kii, waxaana tan iyo markaasi ay raadineysaa madax banaani,. Mana jirto illaa iyo hadda wax ka soo baxay go’aankaasi oo sii kala fogeynaya labada dhinac. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay taallo degmada Dhuusamareeb. “Waxaan ku faraxsanahay, ugana mahadcelinayaa in codsigeyga uu aqbalay Sheekh Shaakir isaga oo ku hadlaya magaciina, sidaasi darteedna aan idiin caddeynayo in gogoshii dib u heshiisiinta ay taalla magaalada Dhuusamareeb” Xasan oo ka hadlay munaasabad xalay lagu qabtay ayaa tilmaamay in Ahlu-sunna ay aqbashay in hay’adaha amniga DFS ka shaqo bilaabaan degmadaasi. Sidoo kale, wuxuu hay’adaha faray in shaqadooda qabsadaan si loo suurtageliyo gogosha nabadda iyo doorashada Galmudug. “Waxaan fareynaa hay’adaha amniga dowladda federaalka ineybilaabaan iney qabsadaan shaqadooda si loo suurtageliyo gogosha dib u heshiisiinta iyo doorashada, shaqaduna ma ahan isbuuca soo socda ama bisha soo socota ee waa in ay bilaabaan maalinta berrito ah” Kheyre ayaa tilmaamay in la dhisi doono Galmudug loo mideysan yahay islamarkaana laga heshiinayo wax walbo oo la kala tabanayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com