Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,858
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airline confirmed. Source: Hiiraan Online
  2. Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airlines confirmed. Source: Hiiraan Online
  3. G/sare Xuseen Cali Maxamuud Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa ku amray ganacsatada iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay soo diiwaan-geliyaan dhammaan shaqaalahooda. Amar ka soo baxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu faray xarumaha ganacsiga iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay dhammaan shaqaalahooda ka diiwan-geliyaan xarunta C.I.D-da gobolka Bari, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida magaalada. Taliska ayaa sidoo kale ku amray ganacsatada, in ay soo gudbiyaan sawirrada dhammaan shaqaalahooda, si loo aqoonsado wejiyadooda, islamarkaana ciddii denbi gasha loo mariyo sharciga. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee taliyah PUNTLAND POST The post Boosaaso: Booliiska oo amray in la diiwaan-geliyo dhammaan shaqaalaha ganacsiga iyo gaadiidleyda appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo. Soomaaliya ayaa danjire Tumbo ku wareejisay qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Soomaaliya war lagu daabacay bogga Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. 27kii Bishan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal. Hadalkaas ayaa loo arkay inuu yahay culeys siyaasadeed oo ay Dowladda Kenya saareyso Soomaaliya. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Kenya ayaa dhaleeceyn badan kala kulantay baraha bulshada markii ay adeegsatay weedha labada dal,waxaana ku xigtay warqadda maanta ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Cabashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu weli mugdi ku jiro Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya ka xumaatay dacwadii ay Soomaaliya u gudbisay ICJ ee ku aadaneyd muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso dacwadda ay Somalia u gudbisay Kenya War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah) Muqdisho, Soomaaliya July 01, 2019 Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa hogaamiyayaasha Villa Somalia uga digey faragelin ay ku sameeyaan doorashada maamulada Jubbaland iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in loo [...] Source
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa aqbashay dalabkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in ciidamadooda la qarameeyo laguna daro ciidamada dowladda Soomaaliya. Ahlu-Sunna oo arrintan horey u diiday kadib safarkii koowaad ee ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn aqbashay codsiga ra’iisul wasaaraha kadib wada-hadallo dheeraad oo uu kula yeeshay magaaladaas oo uu dib ugu laabtay. Sida aan xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa arrintan ku beddelatay arrimo ay ka mid yihiin in dowladda ay si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamadooda, taasi oo muddo culees ku ahayd kooxdan. Waxaa sidoo kale kooxdan loo xaqiijiyey in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhici doonbto magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu ku dhowaaqay intii uu ku sugnaa magaalada Cadaado. Xubno ka dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in sidoo kale ay jiraan xilal dhowr ah oo ka mid ah kuwa federaalka oo kooxdan loo ballan-qaaday, inkasta oo aan la ogeyn waxay noqon doonaan. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo madaxa xukuumadda Galmudug uu xalay sheegay inay diyaar u yihiib in hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaalada Dhuusomareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey kulan xalay dhex-maray madaxda xisbiyadda iyo madaxweynaha Somaliland. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in kulankaasi ku soo dhamaadey natiijo la’aan isla markaana sababta xal loo gaadhi waayey ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiye Cirro oo aan wax tanaasul ah samaynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Af-hayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in wax walba oo magaca Soomaaliyeed ku yimid lagu koobay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Garaadka oo kamid ah isimada ugu caansan degaannada Puntland, ayaa tilmaamay in xataa kaydka Taariikhda dalka ee Muqdisho yaalla, laga saaray halgamayaashii xornimada Soomaaliya kuwooda ka soo jeeday dhulka kale ee Soomaalida,laguna koobay dadka u dhashay magaalada Muqdisho. Garaadka ayaa ka warramay sheeko dhex-martay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kadib markii sid uu sheegay uu su’aalay cidda iska leh magaalada Muqdisho? Iyadoo jawaabaha dhex-maray uu si weyn ugu qoslay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Garaad ayaa sheegay in maalmaha Muqdisho laga xusayo halgankii xornimada Soomaaliya aan lagu soo darin halyeeygii curiyay calanka Qaranka Maxamed Cawaale Liibaan, taasi beddelkeedana la soo bandhigo taariikho kale. Halkan hoose ka daawo hadalka Garaadka PUNTLAND POST The post Garaad Cabdullaahi Cali oo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre u caddeeyay cidda iska leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Berbera)-Shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerareen shaqaalaha muruq maalka ee u dhashay magaalada oo ka cabanaya in ay shaqadii ka qaadeen, Halkan hoose ka DAAWO wararkii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay arrintaasi Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa ka warrantay xaalado ka jiro Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey xukuumadda tallada haysa ee KULMIYE, waxaanu si weyn ugu dayriyay xaaladda dalka marayo isaga oo codsaday in golaha loogu yeedho madaxweyne Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin si wax looga waydiiyo xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Cadaado Maanta ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Magaladaas ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo Magalada Dhuusamareeb. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo. Odayaasha ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ku tilmaayay meel ninan isbaaro utaalo aysa yeeli doonin in ay ka qayb galaan Doorasho ka dhacda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya. Hadalkaan ayaa Imaanaya Saacado uun ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in ay ka furmi doonto Gogol dhib u heshiisiin ah oo lagu lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug ayna ka dhici doonto Doorasha Maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug,isla markaana wax xal ah ka gaareen,hayeeshee taasi ay haatan muuqato. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay, cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. “Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed, cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni. Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo ogolaaday in uu Somaliland kala hadlo xuduudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo habeenimadii xalay khudbad ka jeedinayey munaasabadda xuska 1da July ayaa waxa uu ku dheeraaday halgankii gobonima doonka [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa si weyn ugu dayriyay xaaladda gobollada bariga Somaliland oo uu sheegay inay faraha ka sii baxayaan. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye ayaa waxa uu sheegay in magaalada Buuhoodle uu ka socdo shir ka dhan ah Somaliland, sidoo kalana waxa uu ka ka dayriyay ciidammada Somaliland ee ku sugan gobollada bari ee Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka howlgala Dekedda magaalada Berbera ee hoostagta maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Weerarkan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhaawacay illaa shan ka mid ah shaqaalaha Ajnabiga ee ka xoogsada Dekeddaasi. Sida ay wararka ku heshay Caasimada Online waxaa weerarka fuliyay koox Soomaali ah oo ka tirsan muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera. Shaqaalaha Soomaalida ayaa ka cabanaya in shaqadii ay qaban lahaayeen ay la wareegeen kuwa Ajnabiga ah, islamarkaana taasi ay keentay inay weerar qaadaan. Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajaanibta ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaaladaasi, si loogu daaweeyo halkaasi. Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Illaa iyo hadda majiro wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi. Shirkadda Dp World ayaa bishii March sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  17. Qaahira (SMN) – Madaxweynaha Dalka Masar, C/fitaax Aziizi, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luuliyo la wadaagay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Xogahayaha madaxtooyada Dalka Masar, Axmed Maxamed Ihaab, oo dhambaalkan ka siday Madaxweyne Aziizi, ayaa waxa uu la wadaagay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira. Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir Walaaltinimo oo soo jireen iyo mid iskaashi oo dhinacyo badan leh. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Sanad-guurada 59-aad ee kasoo wareegatay madaxbanaanida Dalkeenna. “Hambalyo, tani waaa Maalin aad ugu weyn dhammaan Dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo Dunida dacalladeeda, in-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, haddana Maanta waa Maalin ay Dadka Soomaaliyeed ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md; Swan. James Swan, ayaa intaa sii raaciyay in debaal deggani uu ku soo beegmayo xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan. Wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka ay si dhow ula shaqaynayaan Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed, si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, dhaqaalaha, maamul wanaagga, u wada dhamaansho iyo la tacaalidda baahiyaha arrimaha bani’aadannimo. Qaramada Midoobay waxay u debaabldegeysaa Sanad guuradan, iyadoo u ballan-qaadaysa Dadka Soomaaliyeed Garab-istaag Bilaha iyo Sanadaha soo socda.”ayuu yiri , Amb; James Swan. View the full article
  19. Hoggaanka dhaqanka magaalada Cadaado, ayaa haatan ku dhawaaqay in aysan gebi ahaanba ka qeyb-geli doonin, shirka dib u-heshiisiinta Galmudug ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay sheegay in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan ,hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo. PUNTLAND POST The post Madax-dhaqameedka Cadaado oo qaadday shirka dib u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-1072019.mp3 View the full article
  21. (SLT-Berbera)-5 ka mid ah shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerareen shaqaalaha muruq-maalka ee u dhashay magaalada Berbera. Shaqaalaha muruq-maalka ee ka shaqaysta magaalada Berbera ayaa maalmahanka ka cabanayay inay shaqadooduu ka qaadeen shaqaale ajaaniib ahi. Shaqaalaha ajaaniib ah ayaa ka shaqeeya shaqooyin ay ka shaqayn karaan kuwa deegaanka u dhashay. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dhaawaca shaqaalaha la dhigay Cisbitaalka Berbera. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramayaa in haatan khilaaf hor leh uu soo kala dhexgalay xisbi siyaasadeed ee ka jira maamukaasi. Kulan gaar ahaa oo saacadiihii la soo dhaafay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada Wadani, Ucid iyo Kulmiye ayaa fashil ku soo dhammaaday. Xisbiyada ayaa shirkaasi uga wada hadlayay sidii loo qaban qaabin laha doorashada golaha deegaanka iyo mida baarlamaanka ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay in kulanka saddex geesoodka ah uu ka soo dhammaado natiijo la’aan ay tahay kadib markii xisbiyada mucaaradku ay dalbadeen in xubno dheeraad ah loogu daro guddiga doorashooyinka maamukaasi. Arrintan ayaa waxa ka biyo diiday xisbiga talada haya ee Kumiye, kaas oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Khilaafka ugu weyn ee haatan soo shaac baxay ayaa salka ku haya tirada ay guddiga doorashada ku yeelanayaan xisbiyada mucaaradka. Biixi ayaa in muddo ah loolan adag kala kulmayay dhinaca mucaaradka, iyaga oo dhaliilo isu marinayay dhanka Warbaahinta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  23. Puntlanndi (HQ)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa habeenimadii xalay magaalada Garoowe kaga qaybgalay xuska sanad guuradii 59aad ee 1 July maalinta xorriyadda Soomaaliyeed. Siciid [...] Source