-
Content Count
208,842 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baardheere (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen agagaarka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyadan ay ku gaareen tuulooyin dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Ujeedka baaritaanadan ayey saraakiishu ku sheegeen kuwa lagu xaqiijinayo amniga degmada Baardheere. Al Shabaab oo weli ko xoogan Gedo ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. View the full article
-
Berbera (SMN) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa ku warramayaa in maanta weerar lagu qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ka howlgala Dekedda weyn ee Berbera. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen koox Soomaali ah oo ka tirsan isla muruq maalka ka shaqeysta Dekedda magaalada Berbera. Ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ayaa la dhawaacay, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha Soomaalida ay ka cabanayaan in shaqadoodii ay la wareegeen kuwa Ajaaniibta, taasi oo la soo warinayo in ay sababtay weerarkaasi. Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha Ajnabiga ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Berbera, si loogu daaweeyo halkaasi. Ciidamo katirsan kuwa Somaliland ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Balse majiro weli wax hadal oo ka soo baxay Somaliland iyo maamulka Dekedda oo ku aadan shaqaaqadaasi. Shirkadda Dp World ayaa sanadkii 2017-kii la wareegtay Dekedda Berbera, waxaana tan iyo markaasi cabasho ay ka soo yeereysay shaqaalaha Soomaalida. View the full article
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee JFS ayaa sabtidii ugu gudbisay safiirka Kenya ee Soomaaliya qoraal cabasho ah oo ka dhan ah xoghaye ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Macharia Kamau, kaas oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal. Qoraalka wasaaradda waa ku jiray “Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. Qoraalka ay Soomaaliya ka carootey: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo. Saciid Deni ayaa sheegay inay rajeynayaan in 60-sano ee u buuxsami doonto sanadka soo socda in Midnimadii dalka inuu soo laabto iyo dowladda iyo dadkeeda oo is raacsan yihiin. Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in deegaanadaas ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana uu ka digay arrimo uu sheegay inay dowladda gacanta kula jirto oo quseeya maamul goboleedyada. Deno ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayn inay ka deyso faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug. “Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay in aanu dib dambe u soo raacin”ayuu yiri Saciid Deni. Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqday mid si dad badan uga hadlayay doorashadii Madaxweyneneimo ee ka qabsoontay Magalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed,taas oo uu kusoo baxay Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen). Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo ay dhowaan doorashooyin ka dhacayaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Sax-Deni.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-01072019-sx.mp3 View the full article
-
Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airline confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Qatar Airways is today expected to start its first commercial flight to Mogadishu, the airlines confirmed. Source: Hiiraan Online
-
G/sare Xuseen Cali Maxamuud Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa ku amray ganacsatada iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay soo diiwaan-geliyaan dhammaan shaqaalahooda. Amar ka soo baxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu faray xarumaha ganacsiga iyo gaadiidleyda magaalada Boosaaso, in ay dhammaan shaqaalahooda ka diiwan-geliyaan xarunta C.I.D-da gobolka Bari, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida magaalada. Taliska ayaa sidoo kale ku amray ganacsatada, in ay soo gudbiyaan sawirrada dhammaan shaqaalahooda, si loo aqoonsado wejiyadooda, islamarkaana ciddii denbi gasha loo mariyo sharciga. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee taliyah PUNTLAND POST The post Boosaaso: Booliiska oo amray in la diiwaan-geliyo dhammaan shaqaalaha ganacsiga iyo gaadiidleyda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay Safiirka Kenya ee Muqdisho Lucas Tumbo. Soomaaliya ayaa danjire Tumbo ku wareejisay qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Soomaaliya war lagu daabacay bogga Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. 27kii Bishan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal. Hadalkaas ayaa loo arkay inuu yahay culeys siyaasadeed oo ay Dowladda Kenya saareyso Soomaaliya. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Kenya ayaa dhaleeceyn badan kala kulantay baraha bulshada markii ay adeegsatay weedha labada dal,waxaana ku xigtay warqadda maanta ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Cabashadaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu weli mugdi ku jiro Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya ka xumaatay dacwadii ay Soomaaliya u gudbisay ICJ ee ku aadaneyd muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso dacwadda ay Somalia u gudbisay Kenya War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah) Muqdisho, Soomaaliya July 01, 2019 Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa aqbashay dalabkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in ciidamadooda la qarameeyo laguna daro ciidamada dowladda Soomaaliya. Ahlu-Sunna oo arrintan horey u diiday kadib safarkii koowaad ee ra’iisul wasaare Kheyre uu ku tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn aqbashay codsiga ra’iisul wasaaraha kadib wada-hadallo dheeraad oo uu kula yeeshay magaaladaas oo uu dib ugu laabtay. Sida aan xogta ku helnay Ahlu-Sunna ayaa arrintan ku beddelatay arrimo ay ka mid yihiin in dowladda ay si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamadooda, taasi oo muddo culees ku ahayd kooxdan. Waxaa sidoo kale kooxdan loo xaqiijiyey in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhici doonbto magaalada Dhuusomareeb, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu ku dhowaaqay intii uu ku sugnaa magaalada Cadaado. Xubno ka dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in sidoo kale ay jiraan xilal dhowr ah oo ka mid ah kuwa federaalka oo kooxdan loo ballan-qaaday, inkasta oo aan la ogeyn waxay noqon doonaan. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo madaxa xukuumadda Galmudug uu xalay sheegay inay diyaar u yihiib in hay’adaha ammaanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay si wadajir ay uga howlgalaan magaalada Dhuusomareeb. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey kulan xalay dhex-maray madaxda xisbiyadda iyo madaxweynaha Somaliland. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in kulankaasi ku soo dhamaadey natiijo la’aan isla markaana sababta xal loo gaadhi waayey ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiye Cirro oo aan wax tanaasul ah samaynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Af-hayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in wax walba oo magaca Soomaaliyeed ku yimid lagu koobay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Garaadka oo kamid ah isimada ugu caansan degaannada Puntland, ayaa tilmaamay in xataa kaydka Taariikhda dalka ee Muqdisho yaalla, laga saaray halgamayaashii xornimada Soomaaliya kuwooda ka soo jeeday dhulka kale ee Soomaalida,laguna koobay dadka u dhashay magaalada Muqdisho. Garaadka ayaa ka warramay sheeko dhex-martay isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, kadib markii sid uu sheegay uu su’aalay cidda iska leh magaalada Muqdisho? Iyadoo jawaabaha dhex-maray uu si weyn ugu qoslay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Garaad ayaa sheegay in maalmaha Muqdisho laga xusayo halgankii xornimada Soomaaliya aan lagu soo darin halyeeygii curiyay calanka Qaranka Maxamed Cawaale Liibaan, taasi beddelkeedana la soo bandhigo taariikho kale. Halkan hoose ka daawo hadalka Garaadka PUNTLAND POST The post Garaad Cabdullaahi Cali oo sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre u caddeeyay cidda iska leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berbera)-Shan ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kadib markii ay weerareen shaqaalaha muruq maalka ee u dhashay magaalada oo ka cabanaya in ay shaqadii ka qaadeen, Halkan hoose ka DAAWO wararkii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay arrintaasi Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey xukuumadda tallada haysa ee KULMIYE, waxaanu si weyn ugu dayriyay xaaladda dalka marayo isaga oo codsaday in golaha loogu yeedho madaxweyne Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin si wax looga waydiiyo xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Cadaado Maanta ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Magaladaas ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo Magalada Dhuusamareeb. Madax-dhaqameedka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan hadalkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xalay jeediyay ee ku aaddanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay labaduba ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Odoyaasha ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in uu ku ballan-furay, kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u raray magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ka *****n waayay hadalkiisi ahaa in Galmudug loo dhanyahay uu wax ka dhisayo. Odayaasha ayaa Magaaladda Dhuusamareeb ku tilmaayay meel ninan isbaaro utaalo aysa yeeli doonin in ay ka qayb galaan Doorasho ka dhacda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya. Hadalkaan ayaa Imaanaya Saacado uun ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in ay ka furmi doonto Gogol dhib u heshiisiin ah oo lagu lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug ayna ka dhici doonto Doorasha Maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug,isla markaana wax xal ah ka gaareen,hayeeshee taasi ay haatan muuqato. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo xalay khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo maamulka Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland, haddii dhankooda laga helo. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay, cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. “Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed, cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si uusan uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “waxaan aad u rajaynayaa in ay aad uga fiirsato in magacii xumaa ee meela ka raacay uuna dib dambe u raacin oo ka istaagto dhex dhexaad” ayuu yiri Siciid Deni. Waxaa kale oo uu Galmudug iyo Jubaland ugu baaqay in ay wax ka bartan doorashadii Puntland oo si xor ah loogu tartamay, isagoo uga digay in xoog wax lagu raadiyo. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Deni oo ogolaaday in uu Somaliland kala hadlo xuduudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sudan protests: Deadly unrest as masses oppose the military
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here Qaran News