-
Content Count
208,842 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Istanbul)-Maleeshiyada uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ee ku sugan bariga Liibiya ayaa sii daayay lix muwaadin oo u dhashay Turkiga, sida laga soo xigtay wasaarada arimaha dibadda Turkiga. Sii deynta maxaabiistan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii dowlada Turkiga ay ku hanjabtay inay gacanta ula tagi doonto maleeshiyada ku sugan magaalada Bengazi kuwaasi oo maalmo ka hor lagu amray inay beegsadaan danaha Turkiga ee dalka Liibiya. Dhamaan ragga la sii daayay ayaa ka dhoofay madaarka Sidr ku yaalla koonfurta magaalada Benghazi waxaana ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul. Shaqaalahaan ayaa markii hore ka shaqeynayay markab uu leeyahay muwaadin u dhashay dalka Liibiya. Muwaadiniinta u dhashay Turkiga ayaa markii hore uu ku eedeyay Jenaraal Khaliifa Haftar inay yihiin ciidan taageero u ah dowlada Liibiya, balse waxaa arintaan beeniyay wasaarada difaaca Turkiga. Dowlada Turkiga ayaa mudo 72 saac ah u qabtay in lagu sii daayo muwaadiniintaan haddii kale ay beegsan doonaan xarumaha millatari oo ay ku sugan yihiin mucaaradka Liibiya. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay Faro-gelin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Kenya. War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo looga baahnaa inay ku mashquusho hawlaheeda gudaha, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay iyo xasilinta dhulkeedu ay isku mashquulinayso arrimo kale oo ay ka mid tahay inay faro-geliso Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, sida hadalka loo dhigay. Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay ku xad-gudbayso Midnimada Dhul ahaaneed ee Soomaaliya, ka dib markii Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Twitter-kiisa ku soo qoray hadal laga dhadhaminayey inay Somaliland u aqoonsan yihiin dal ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, waxayna farriintooda u dhiibeen Safiirka Kenya u jooga Muqdisho oo Shalay looga yeedhay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Muqdisho. Hase-ahaatee, Somaliland oo Tallaabada Dawladda Soomaaliya daba socota ayaa sheegtay inay ka xun tahay arrintaasi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa siday uga xun tahay ficillada Diblumaasiyadda ka arradan ee ay qaaddayso Soomaaliya, sida aan qarsoonayn ee ay u faro-gelinayso xidhiidhka laba geesoodka ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.”ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland. Somaliland waxay Dawladda Soomaaliya ugu baaqday inay ku mashquusho danaheeda, balse aanay faro-gelin Arrimaha dalal Madax-bannaan. Source
-
Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka . Cambaareyn ka dib ,Anigoo Ah Gudoomiyaha Ururka Sapo ,Waxaan Damiir Xumo Wadaniya u arkaa Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland kula kacday Mawaadin Cabdi Cali (Gadhle) oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,kaasi oo bulshadda Somaliland usoo bandhigay ,sidii loo joojin lahaa 8-Hareemo-cad oo Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka dhoofinayso ,kuwaasi oo dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay laga qaaday isla markaana Jeelasha lagu guray ,Gaadiidkoodiina lagala wareegay. Su’aasha meesha taalaana waxa weeye ,hadii Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka Dhoofinayso 8-Hareemocad oo ay Wasaaradu Qiratay,Maxaa loogu diidaayay Dadkii Mawaadiniinta ahaa ee dhoofinaayay ee Jeelasha lagu Guray. ? Waxaanan leeyahay Xumuumadda Somaliland ,Cabdi Cali Gadhle ,waa Mawaadin Dhab ah waxaanu xaq u leeyahay in Abaal Marin la siiyo ,Mana Gayo Xadhig ,maadaama uu si iskaa wax u qabso ah Wasaaradda Deegaanka la’haa Xeerka Mam-nuucaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta Qoyan ee Somaliland ee baarlamaanku Ansixiyay 2016-kii halagu dhaqmo ,si loola dagaalamo Xaalufinta Deegaanka. Waxaan Mar Labaad ugu baaqayaa laamaha ku shaqada leh Xadhiga Cabdi Cale Jaamac , in si Deg Deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo , Waxaan leeyahay yaan laysku qaldin arimaha Siyaasiga ah iyo arimaha ilaalinta Deegaanka ku Shaqada leh ,waayo maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay in wada jir looga hortago Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirta ,maadaama Nolosha dadkeenu ay ku tiirsantahay Xoolaha nool . Anagu Urur’ahaan Waxaananu garabtaaganahay Cabdi Cali Gadhle ,Mana Ogolin in 8-Hareemocad dalkooda laga dhoofiyo ,waayo hadii Xayawaankan la Dhoofiyo waxa furmaaya Dariiqii Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta. Geesta kale Cabdi Cali (Gadhle) oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,iyo Deegaanka waxaanu ka soo shaqeeyay Goobaha ilaalinta Xayawaanka ee USA ,SOUTHAFRICA , BOTSWANA ,TANSANIA iyo dalal kale ,waxaanu 5-sano ee u danbeeyay ka shaqaynaayay Dhawrista Duur-joogta Somaliland . Waxaanu Imika ku xidhanyahay Xarunta CID Hargeysa ,waxaana lagu haystaa Maxaad noo sheegaysaa ,arintaasina waa xaq-daro. Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta Ee Sapo. Mahad Faarax Cabdilaahi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysii dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wax laga waydiiyey xiriirka xun ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe Maamul Goboleedyada ayaa marka hore sheegay in wax xun aan la rajeen balse uu rajeenayo inay isku soo dhawadaan Dowladda iyo Maamulada isla markaasna ay wax kasta wanaag ku socdaan. Xasan Shiikh ayaa qiray in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka. Xasan Shiikh ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay Dowladda Dhexe oo laga rabo inay si wanaagsan ula dhaqanto Maamul Goboleedyada balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay dowladda ku heyso Maamulada faragelin iyo caburin joogto ah. Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda Dhexe xaq u laheyn inay Shacabka iyo Maamulada ku qasbaan cid aysan rabin inay doortaan, isagoo sii raaciyey inay Dowladda si qaldan u isticmaaleyso awoodii Dowladda Dhexe. Xasan oo wax laga waydiiyey inay Dowladda Dhexe waqti kororsi sameysaneyso iyo in kale ayaa sheegay inay waajib tahay in doorasho dalka ka dhacdo markii uu dhamaado waqtiga Dowladda haddii ay dhici weysana wuxuu sheegay inay qalad ku dhacday Dowladd taasina laga wada fadhiisan doono. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Hirshabelle waxana uu ku tilmaamaywax laga xumaado dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud iyo labada maamulba inay ka qeyb qaataan daminta colaad beeleedyada ku soo laalaabtay deegaanada ka tirsan Gobalka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xasan Shiikh Maxamuud https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/97780bc6-5c85-416c-adf8-18ff5f66b8d6_48k.mp3 Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadyo joogto ah ka bilowday Muqdisho iyo magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar, xilli ay kordhayaan Diyaaradaha Caalamiga ah ee duulimaadyada tooska ah ka sameeynaya Soomaaliya. Munaasabaddii daah furka duulimaadyada Qatar Airways oo Muqdisho iyo Doxa oo todobaadkii saddex jeer isaga kala gudbi doonta waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Safiirada Caalamka ujoogo Soomaaliya, Ganacsato iyo marti Sharaf kale oo aad u badan. Soomaaliya oo dib u soo kabanaysa ayay maamulka Qatar Airways u arkaan inay ka jiraan fursado badan, Ihaab Imaan Ku-xigeenka Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways, isla markaana hogaaminayey ganacsato ka socotay Dalkiisa oo Muqdisho soo gaaray ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay hirgeliyaan duuliyaadyo toos ah. Ma aha oo kaliya Qatar Airways diyaaradaha caalamiga ah ee Soomaaliya danaynaya xilligan, taas oo ku timid adeegga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sare loo qaaday iyo dib u kabashada dalka, waxaana jirto dowlado kale oo caalami ah kuwaasi oo doonaya in shirkadahooda diyaaradaha ay keenaan Soomaaliya, si ay halkan uga bilaabaan duulimaadyo joogto ah. Qatar Airways waxay ka mid noqonaysaa tiro diyaarado heer caalami ah oo horay duulimaadyo Muqdisho uga bilaabay sida Air Jabuti, Turkish Airline, Ethiopian Airline iyo kuwa kale, waxaana dhawaan ku soo xigo doona Air Uganda oo wafdi horu dhac ah u soo dirtay Soomaaliya. Qatar Airways waxa ay ka ka midtahay diyaaradaha rakaabka ee ugu casrisan dunida, duulimaadyana ku tagta in ka badan 160 dal, waxayna tani Soomaaliya u leedahay ahmiyad dhaqaale iyo isu socod labada dal ah. View the full article
-
Somaliland: President Muse Bihi Departs For Guinea & West Africa Visit. The Somaliland President, Muse Bihi Abdi and a coterie of senior officials departed for an official visit to the Republic of Guinea and several other stops in West Africa. The Preisdent leaves, just as the talks between the three Somaliland political, requested by himself, have failed to produce an agreement. There were high hopes that a consensus could be reached between the parties with regard to the scheduled parliamentary and local council elections. But, it would seem that neither party is willing to put the interest of the nation above petty politics. The spectre of another delayed elections in Somaliland does not bear thinking about. The current moribund parliament has been sitting for almost two decades and the House of Elders close to thirty years. The need to hold these elections is crucial for the progress and the stability of the country. The technological tools, donor support and manpower are all there, but, it would seem that the political will or leadership is absent. There are some analysts who believe that there some foreign interference in the debate between the political parties. It is worth noting that the weak federal entity in Mogadishu, had been making some noises about holding a one person, one vote, to ludicrously, include Somaliland, in 2020. It is therefore imperative, that Somaliland continues on it’s democratic path and hold these long overdue elections. The President’s visit to West Africa could not have come at a worst time. Qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka. “Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.” Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan. Sidoo kale, waxaa iyaguna madasha socod ku maray Shaqaalaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maayirka magaalada Burco ayaa waxa uu raali-gelin buuxda ka bixiyay hadalo uu dhawaan warbaahinta u mariyay dhiggiisa magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasiirka maaliyada Puntand Xasan Shire Abgaal oo warasi gaar ah siiyay maanta Puntlandi.com ayaa waxa uu ka hadlay waxa ay daarantahay Cashuurta ay dul dhigeen [...] Source
-
Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre. Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan. Hay’adaha dowladda ee isku milmay Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay’ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka. Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin. “Dhisma la’aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go’aan gaarista inay xukuumadda leedahay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan. Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay’adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su’aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay “qaran dumis” yihiin. Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre. Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka. Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray. Horaantii bishii afaraad ee sannadkan, waxaa barlamaanka Federaalka la geeyay oo qorshuhu ahaa in laga dooda arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, balse buuq iyo fowdo ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibanaada qaar oo ay wasiiro ka mid yihiin ayaa sababtay arrin dad badan ay la yaabeen. Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya, Goodax Barre oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaano kale oo ka aragti duwan ku tilmaamay inay yihiin Al Shabaab. “Xildhibaanada diiday in barlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Al Shabaab, waa dad Shabaab u shaqeeyo”, sidaas ayuu Goodax Barre ka yiri golaha shacabka. Walow dalalka qaar mucaaradka loo arko inay yihiin dad siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, damac na uu uga jiro xilka ugu sarreeya dalka, ayaa haddana muddadii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay sameysay ficillo lagu fogeynayo dadka ka aragti duwan, taas oo ay ku dhaqmi jirtay Dowladdii militeriga. Waxaana intii uu xilka qabtay caan baxay haddalo ay ka mid yihiin “qaran dumis, dowlad diid iyo ereyo la mid ah”. Dowlad dhexe oo awood badan Soomaaliya oo burburkii kahor lahayd dowlad dhexe oo awood badan ayaa dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muuqata inay daneneyso in mar kale dalka ay ka hana qaado dowlad dhexe oo awood badan. Soomaaliya oo nidaamka Federaalka uusan horay uga jirin balse burburkii kadib uu ka hirgalay, loona arkayay xalka kaliya ayaa waxaa laga soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyo inta badan dowladda kula dhaga go’aanada siyaasadeed. Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo oo aan marnaba qarsanin rabitaankiisa ku aadan nidaam xoog leh ayaa sheegay inay doonayaan dowlad dhexe oo awood leh. “Inkastoo qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan, yiraahdaan Dowladda Federaalka waa dowlad dhexe, waa dowlad rabta inay awoodda qaadato, annaguna waxaan dhahnaa Federaalka saxda annaga ah, maxaa yeela waxaa rabnaa dowlad dhex oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh, oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimaha socdaalka iyo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh, dhaqaalaheedana iyadu kontoroosho”, sidaas waxaa xaflad qallin jabin ah ka yiri Madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in inkastoo qaabka ay xilka ku yimaadeen ay kal duwan tahay, oo Farmaajo ay doorteen xildhibaano, Siyaad Barre na qaab milateri uu ku yimid, haddana ay tahay in dowladda hadda jirta ay wax ka barato wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay. “Runtii labada maamul sida ay ku yimaadeen waa ay kala duwan yihiin, haddana wax waa ay wadaagi karaan; waynu aragnaa khaladaad barigii hore ka dhici jiray dowladdii hore inay tan na sameyso, waxaana ka mid ah inay mucaaradka u aragto cadaw, meelaha ay uga ekaatay dowladdii hore ee Siyaab Barre waxaa u sabab ah hay’adihii dowladda ee kala hagi lahaa ama kala xukumi lahaa in aysan dhisneyn, mar haddii kuwaas aysan jirin na ninka Madaxweynaha sida ay ula ekaato ayaa imaneyso, khaladaad bandanna way imanayaan”, Sidaa waxaa BBC-da ku yiri Cabdiraxmaan Caddami. Wuxuu intaa raaciyay in duruufaha labada maamul aya kala duwan yihiin, balse ay adag tahay in Soomalaida ay wax ka bartaan waxyaabaha soo maray haddii ay noqon lahayeen dhib ama dheef-ba. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Xigasho: BBC Somali
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde. Safarkan madaxweynaha oo qaadan doona maalmo kooban waxa warbaahinta warbixin ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa. Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (PP) ─ Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta si rasmi ah uga billowday Muqdisho duulimaadyo toos ah, iyadoo mid ka mid ah diyaaradaha shirkadaas ay kasoo dagatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee muqdisho. Garoonka Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad duulimaadka tooska ah ee shirkadda Qatar Airways ay ka bilaawday Muqdisho lagu daaho-furayay , waxaana ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, xubno ka tirsan dowladda Somalia, danjiraha Qatar u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiin kale. Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa rakaabkii ugu horreeyay keentay Muqdisho, kuwaasoo isugu jira Somali iyo ajaanib, iyadoo dhaa kalena ka qaaday Muqdisho rakaab kale. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, ayaa sheegay in duullimaadyada Qatar Airways ay marinkiisa noqon doonaan Muqdisho iyo Doha toos ah, iyadoo aanay soo mari doonin meel kale, inkastoo maanta ay soo martay dalka Jabuutik. Duullimaadyada diyaaradda Qatar Airweys ay Muqdihso ku imaanayso ayaa waxay noqon doonaan saddex jeer toddobaad walba, iyadoo rakaabka si toos ah uga soo qaadaysa Qatar kuna keenaysa Muqdisho, sidaas si la mid ahna rakaabka ay Muqdisho ka qaado si toos ah u geysanaysa Doxa. Waddanka Qatar ayaa waxaa horay u go’doomiyay dalalka Khaliijka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagaxisada ah, inkasoo ay Xukuumada Dooxa iska diday eedeyntaas, kuna tilmaantay mid sumcadeeda lagu halleynayo. Xukuumadda Somalia ayaa dhex-dheexad ka noqotay muranka u dhexeeya dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qatar oo dhinac kale ah, taasoo keentay in Qatar ay taageero fara badan u ballan-qaaddo Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, Shirkadda Qatar Airways ayaa ah shirkaddii afaraad ee heer caalami ah oo duulimaad ka bilaawdo Muqdisho, iyadoo horay duulimaadyo ugu imaan jireen Muqdisho Shirkadaha; Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti. PUNTLAND POST The post Diyaaradda Qatar Airweys oo Duullimaadyo Toos ah ka billowday Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah diyaaradaha Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sanado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale. Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde. Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho. Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka. “Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.” Sidoo kale, Intii ay munaasabaddu socotay waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan. Waxaa iyaguna madasha socod ku maray shaqaalaha Dowladda iyo ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon. Ugu dambeyn, Dabaal-daggan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dalka ay ka jiraan muranno dhanka siyaasadda ah, kuwaasoo u dhexeeya qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Xuska 1-da Luuliyo kala qayb-galay Kumannaan shacab ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Dubai)-Sheekha xukuma Dubai ee Sheekh Maxamed bin Rashid al-Maktoum ayaa erayo cadho leh oo adadag u mariyey Instagram-ka xaaskiisa Boqorad Haya oo u baxsatay dhinaca dalka Jarmalka iyada iyo caruurteedu, sida ay ku waramayaan warbaahinta carabtu. Shekeh Maxamed bin Rashiid ayaa tan iyo intii ay xaaskiisu ka baxsatay waxa soo baxayey warar farabadan oo kutiri ku teen ah oo sheegaya in ay ka baxsatay tacadi iyo dhibaato uu ku hayey odaygeedu, waxaanu fariimo cambaarayn ah uu u mariyey dhinaca Instagram-ka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “Khaladaadka qaar ayaa khiyaamo ah” iyo “Waxaad u dhaqantay si hiyaamo leh”. “Qof xoog kuu aaminay ayaad khiyaantay, “ Boos kuma lihid agtayda, u tag kuwa ku yeeshay” iyo Qoraale kale oo farabadan. Waxaana boqortooyadu ay sii wadaa eedo ay u jeedinayaan Haweenaydaasi inay beenalay tahay. Source
-
(SLT-Nairobi)-Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Qoraal uu 27-kii bishan uu Twitter-ka ku baahiyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Kenya, kaasi oo uu ku faahfaahiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, yaasiin xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay Nairobi ku shireen. War-saxaafadeed Maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu u yeedhay Safiirka Dawladda Kenya u jooga Muqdisho, loona dhiibay farriin ah inay ka xun yihiin Qoraalka uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibeddu ku baahiyey Twitter-kiisa. War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeedhay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau. Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.” Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir. Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata. Ka hor inta uusan Koonis tagin ayuu Madaxweynaha ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka. Dhanka kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in mushaaraadka kala duwan ee shaaqalaha , iyo ciidamada dowlada ay bixiyaan tan iyo arkii uu xilka qabtay kadib arkii uu tilmaamay in ay ladagaalameen musuq maasuqa, madaxda iyo shaqalaha dowlada ayuuna faray in ay iska ilaaliyaan musuq maasuqa. Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho intii ay socotay Xafladihii loogu dabaal dagayey 1-da Luuliyo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
XILALKA WASAARAD ARIMAHA DIBADA EE SOMALILAND DECREETO. MADAXWEYNUHU KU MAGACAABO IYO BEELAHA AY KA SOO KALA JEEDAAN:- HARTI 1. WASIIRKA WASAARADA ———————HARTI/Sool clan 2. WAKIILKA XAFIISKA GANACSIGA——-CHINA—HARTI/Sool clan 3. SAFIIRKA WAREEGA———————————-HARTI/WARSAN GELI 4. WAKIILKA TURKEY ————————————HARTI/Sool clan 5. 3 WAKIIL KU XIGEEN KU MUSHAHAR QAATA—-HARTI/Sool clan WAKIILKA SHIINAHA …………………………………………………………………………………………………………………….. TOTAL ;- 8 XILAYEEY WASARADA KA HAYAAN OO ANAY KU JIRIN AGAASIME WAXEEDYADU. HABAR. AWAL:- 1. WASIIR KU XIGEENKA 2. WAKIILKA JABUUTI 3. WAKIIL UAE 4. WAKIILKA BELGUM 5. WAKIILKA SWEDEN 6. WAKIILKA NORWAY 7. WAKILLKA UGANDA 8. WAKIILKA GERMANY 9. WAKIILKA FINLAN 10. TANZANIA 11. WAKIILKA NETHERLAND 12. WAKIILKA DENMAARK. 13. WAKIILKA SACUUDIGA 14. MALAYSIA 15. 3 LA TALIYE 16. 5 WAKIIL KU XIGEEN …………………………………………….. TOTAL :-22 XIL OO AANAY KU JIRIN AGAASIME WAAXEEDYADU. East Burco Clan; 1. AGAASIMAHA GUUD. 2. GUDOOMIYAHA HAYADA QURBA JOOGA 3. GUDOOMIYAHA HAYADA BUDH CAD BADEEDA. 4. ERGEAYGA MIDOWGA AFRICA. 5. WAKIILKA UK-INGIRIISKA 6. WAKIILKA KENYA 7. WAKIILKA IRELAND 8. 3 WAKIIL KU XIGEEN KU MUSHAR QAATA 9. 2 LA TALIYE …………………………………………. TOTAL: 12 XIL AANAY KU JIRIN AGAASIME WAAXEEDYADU. ARAB. 1. ERGAYGA UN 2. ERGAYGA CITIRAAF RAADINTA 3. WAKIILKA YEMEN 4. WAKIILKA SOUTH AFRICA TOTAL: 4 XIL. Awdal Clan:- 1. WAKIILKA. USA 2. WAKIILKA. FRANCE 3. WAKIILKA CANADA 4. WAKIILKA SOUTH SUDAN 5. 6 KU XIGEEN KU MUSHAHAR QAATA. ……………………………………………………………… 10 XIL West Burco Clan:- 1. WAKIILKA ETHIOPIA 2. NO KU XIGEEN —NO AGAASIME WAXEED ………………………..0………………………………… La soco wasaarada maaliyada Qaran News
-
Sababaha keenay in shaqaale Ajaaniba lagu weeraro Berbera & Doorka Wasiirada shaqadu ku leedahay Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka waxaa maalmahanba ka oognaa Gobolka Saaxil Kacdoon Shaqaale,Buuq & Cabashooyin isdabajooga oo ka soo ugaamaayey shaqaalaha Muruqmaalka ee ku sugan Gudaha Berbera. Shaqaalaha Muwaadiiniinta ee Reer Berbera ayaa ka cabanaayey shaqaale Ajaaniiba oo ku soo badanaya Magaalada Berbera islamarkaana kala wareegay Shaqooyinkii Hoose ee Muruqmaalka siiba Kuuliga & Kuwo maalinlaha ah ee bixintoodu hooseyso. Shaqaalaha shaqada kala wareegay Muwaadiniinta Reer berbera ayey intooda badan dalka Keensadeen shirkada DP world iyo laba shirkadood oo kale oo qandaraas hoose ka qaatey oo Hawlo iyo dhismaayaal ka wada gudaha Dekeda Iyo Madaarka Berbera. Sida iluhu u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Shaqooyinka dadkaas ajaanibka ahi qabtaan ayaa waxaa ku jira shaqooyin hoose oo ay ku filan yihiin Muqumaalka reer Berbera balse loo diiday islamarkaana Dad ajaaniiba oo muqaawila debeda looga keenay iyadoo shirkadahaasi aanay wax tixgelina iyo mudnaana siin shaqaalaha muwaadiiniinta ah ee dalka ku sugan. isku soo wada duuboo Sida xogguhu tibaxayaan waxaa arintaas shaqaaleynta dadka Ajaanibka ah ee shirkadahaasi debeda ka keenaan ku lug leh ama qeyb ka ah Wasiirada Shaqada Hinda Jaamac Gaani oo siisay ogolaansho ka dib markii ay kaanbineyadaasi u shubeen lacag aan ku dhicin khasnada Qaranka oo Jeebka wasiirada si toosa u gasha taas ayaana dhalisay in muruqmaalka reer Berbera sameeyaan Kacdoon islamarkaana weeraraan qaar ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah oo maanta lagu weeraray Goobahooda,dhaawacyo culculusna la gaadhsiiyey. Halkan ka daawo sawirada Shaqaalaha Ajaaiinbta ah ee la weeraray- Qaran News